At-Tahrim
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Nibiyow maxaad u xarrimi
wax Eebe kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso Haweenkaaga, Eebe waa dambi
dhaafe naxariista ah. (2) Eebe waa idiin
caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi, Eebena waa gargaarihiinna, waana wax
walba oge falsan. (3) Ma xusuusan
Waqtigii Nabigu ku qarsaday Haweenkiisa Qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay
xaalkii, Eebana uu Nabiga u daahiriyey, markaas Nabigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweenaydii) qaarna uu ka
dhaafay, markuu u warramay ay tiri yaa kuu sheegay xaalkan kuna yiri: waxaa ii
warramay Eebaha wax walba oge ah ee yaqaana. (4)
Haddaad Eebe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay (Eebe
wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari
Eebe, Jibriil iyo kuwa suuban ee Mu'miniinta ah Malaa'igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin. (5)
Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka
Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr
roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda,
Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh. (6) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna
naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa'ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro,
falana wixii la amru. (7) Kuwa Gaaloobow
ha cudur daaranina maanta (Qiyaamada) waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal fali jirteen. (8) Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu
Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso
dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkooduna
wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel Nuurkanaga
noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee. (9) Nabiyow la
jihaad gaalada iyo Munaafiqiinta kuna adkow, hoygooduna waa Jahannamo meel loo
ahaadana iyadaa u xune. (10) Eebe wuxuu
tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh, waxa
qabay Laba Addoon oo Eebe oo suusuuban, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana
ugama ayan tarin Eebe agtiis waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta
kuwa gelaya. (11) Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga
dhigay kuwa rumeeyey Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga
dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad
geli dadkaas daaliminta ah. (12) Maryama bintu
cimraanna xusuusta ee isdhawrtay, markaas malagu jeebka ka afuufay, rumaysayna
Sharciga Eebe iyo Kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Eebe adeeca.