Al-Mulk
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku
awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara. (2) Eebaha abuuray
geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa
adkaade dambidhaafe ah. (3) Eebe waa midka
abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka
ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah. (4) Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo
dhiban daallanna. (5) Eebe wuxuu ku
quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta,
Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro. (6)
Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo
ahaadana iyadaa u xun. (7) Marka Gaalada
lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa. (8) waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala
dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa'igta Naarta ka shaqeysa
iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga. (9)
Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma
soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn. (10) Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan
wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen. (11)
Waxay kirteen (Gaaladu)
dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda. (12) Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday
dambi dhaaf iyo ajri weyn. (13) Ama hadalka
hoos dhiga dadow ama kor u qaada Eebe waa ogyahay waxa laabta ku jira. (14) Ma waxaan wax ogeyn Eebaha wax walba abuuray ee wax
walba daalacan. (15) Eebe waa kan Dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda
Waddooyinkiisa kana Cuna Quudkiisa Eebaana Dadku loo soo kulmin (Qiyaamada). (16) Miyaad ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhulka idin
la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo. (17) Miyaadse ka
aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan
doontaan digiinta Eebe Cidhibteeda. (18) Waxaa Eebe
beeniyey Gaaladii (reer Makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd Ciqaabti Eebe. (19) Miyeyna dadku arkaynin Shimbirka korkooda ah marna baalka
fidin marna laabi wax haya oon Eebaha Raxmaan ahayna uusan jirin, Eebana wax
walba wuu arkaa. (20) Waa kuma Gargaaraha Eebaha
Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari Gaalada, Gaaladu waxay ku sugan yihiin
kadsoomid. (21) Waa kuma kan wax quudiya haddii Eebe haysto
Risqigiisa, Gaaladu waxay ku Madax adaygeen isla weyni iyo Xaq diidnimo. (22) Midkee wanaagsan Ruux Wajiga k socda iyo mid si toosan
oo siman Wadda Toosan ugu socda. (23) Dheh Nabiyow
Eebe waa midka Dadkow idin ahaysiiyey, Maqal iyo Arag iyo Caqlina idiin yeelay,
wax yar baadse Eebe ku shukridaan. (24) Dheh Eebe waa
midka dadkow Dhulka idinku beeray isagaana (Qiyaamada) loo soo kulmin doona Dadka. (25)
Waxay dhihi Gaaladu waa goorma Waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run
sheegaysaan. (26) Dheh Eebaa og goortaas, waxaanse
ahay Anigu u dige Cad (muuqda). (27) Markaysa
Gaaladu Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi Wajiga Gaalada,
waxaana lagu dhihi waaka Cadibaaddii aad ddonayseen (dedejisanayseen). (28) Dheh balse ka
warrama haddii Eebe aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa Gaalo
ka korin Caddibaad daran. (29) Dheh Eebe waa
Raxmaan waana rumaynay, waana Tala saaranay, waadse ogaan doontaan (Gaalooy) Cidda Baadi Cad ku
sugan. (30) Dheh balse Warrama hadday Biyuhu
Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma
jiro Eebe waxaan ahayn).