Al-Qalam
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka). (2) Ee Nabiyow
Nicmada Eebe darteed lama waallid. (3) Waxaana kuu
sugnaaday Ajri aan go'ayn. (4) Waxaana kuu
sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. (5) Waad arki
doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan. (6)
kinna waalan (ama la caddibo). (7) Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay
Cidda hanuunsan. (8) Ee Nabiyow ha maqlin xaq
beeniyayaasha (Warkooda). (9) Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
(10) Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan. (11) oo Xanlow ah, isku diraa ah. (12)
Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah. (13)
Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah). (14) inuu Xoolo iyo
Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay). (15) Marka
Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii. (16) wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka. (17) Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer
Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta
markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan. (18) Iyagoon dhihin
haddii Eebe idmo. (19) Waxaase Beertii
xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda. (20) Waxayna noqotay
wax la shafay oo kale. (21) wayna isu
dhawaaqeen Subaxdii. (22) iyagoo leh
kallaha oo beerta goosta. (23) wayna tageen
iyagoo Codka hoos u dhigi. (24) inaan Beerta
maanta Miskiin soo gelin. (25) Wayna kallaheen
iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo). (26) Markay ay
arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay. (27) haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la
ina hoojiyey. (28) Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana
idin dhihin war Eebe weyneeya. (29) Markaasay
dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay. (30) Markaasaa
qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali. (31)
Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay. (32)
Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka
rajaynaynaa eh. (33) Caddibaaddu waa saas Caddibaadda
Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. (34) Kuwa Eebe ka
dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». (35) Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
(36) Seed u dhihi kartaan saas. (37)
Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. (38) oo
Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. (39) Mise ballan
adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad
xukumaysaan. (40) Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. (41) mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen
kuwaas hadday run sheegi. (42) Maalinta
dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma
karayaan Sujuud. (43) Indhaha Gaaladu Maalintaas
waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray
Sujuud iyagoo nabad qaba. (44) Isu kaana daa
aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn. (45) Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog
badan yahay. (46) Nabiyow ma waxaad weydiisatay
Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey. (47) Mise waxa maqan
yaa aktooda yaal ooy wax ka qori. (48) Ku samir
Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga
Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo
walbahaarsan. (49) Haddan naxariista Eebe haleelin
waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay. (50) Waxaase doortay
Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan. (51) Waxay u dhow
yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka
waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu). (52) Quraanka iyo
Nabiguna waa uun waanada Caalamka.