Al-A'raaf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku Tusin Muejisada Quraanka). (2) Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna
Laabtaada Dhibi (Cidhiidh)
ahaan inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta. (3)
Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo
Awliyo ah (Gargaara ah)
yaraana intaad Waantoobaysaan. (4)
Badanaa Intaan Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen) ama Qayluushan (Maalin). (5) Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay
Dhahaan annagaa daalimiin ahayn. (6)
Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku
Jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
(7) Waana uga Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn. (8) Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican) Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay. (9) Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa
Khasaariyey Naftooda Dulmigay ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis. (10) Waxaan idin Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay
Meel lagu Noolaado, waxaase yar Intaad Shukriyeysaan. (11)
Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin Suuraynay, markaasaan ku midhi Malaa'igta u
Sujuuda (Nabi)
Aadam (Salaan)
wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa Sujuuda. (12)
Wuxuu Yidhi (Eebe)
maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yidhi anaa ka Khayr
roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo. (13) Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex Kibriside, Bax waxaad ka mid
tahay kuwa Dullaysane. (14) Wuxuu Yidhi ii
sug tan iyo Maalinta la soo Bixin. (15)
Wuxuu Yidhi (Eebe)
waxaad ka mid tahay kuwa la sugi. (16)
Wuxuu Yidhi Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan Dhumin). (17) Waxaana kaga iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo
Bidixda mana hekaysid badankooda oo Shugriyi. (18) Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda adoo Caayan oo la
Dheereeyey, Ciddii ku raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo Dhammaantiin.
(19) Nabi Aadamow Dega Adiga iyo Haweenaydaadu Jannada, kana
Cuna Meejaad Doontaan, hana u Dhawaanina Geedkan, ood Noqotaan Daalimiin. (20) Waxaana Waswaasiyey Shaydaan, inuu
ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo Cawradooda ah, wuxuuna Yidhi wuxuu
idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin Malaa'ig, ama aydaan waarin.
(21) Wuxuuna ugu Dhaartay inaan idiin ahay Naseex. (22) Wuuna soo Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen
Geedka waxaa u muuqday Xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya
Caleenta Jannada waxaana u Yeedhay Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan,
oonan Idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay Col Cad. (23) Waxayna Dheheen Eebow waxaan Dulminay Naftanada
Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo
Khasaaray. (24) Wuxuu Yidhi
Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu
Col u yahaye, waxaan Dhulka
idiinku Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo. (25)
Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan
Xaggiisaana laydinka soo Bixin. (26) Banii Aadamow
waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka
Eebe inay Dadku wax Xusuustaan. (27) Banii Aadamow
Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada,
isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan,
waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa. (28) Markay Falaan Xumaanna waxay Dhahaan waxaan ka Hellay
Aabayaalkanno Eebaana na faray iyada, waxaad Dhahdaa Eebe ma faro Xumaan ma
waxaad ku Dhahaysaan Eebe waxaydaan Ogayne. (29)
Waxaad Dhahdaa wuxuu faraa Eebe Cadaaladda iyo inaad u Jeedisaan Wajigiinna (Xagiisa) Masaajidkasta
Agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli Diinta siduu idinku Billaabay Yaad ku soo
Noqonaysaan. (30) Koox wuu Hanuuniyey, Kooxna waxaa ku
sugnaaday korkooda Baadi, maxaayelay waxay ka Yeesheen Shayaadiinta Awliyo,
waxayna u Malayn inay hanuunsanyihiin. (31) Banii Aadamow
qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina
Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee. (32) Waxaadna
Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga
Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha Adduunyo
Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga
Ciddii wax Og. (33) Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay
Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq
darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku
Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa». (34)
Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama
dibmaraan Saacad kamana hor maraan. (35) Banii Aadamow
hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga
Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan. (36) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda
kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari. (37)
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu
waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo Dili waxay ku
Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way naga Dhumeen,
waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo. (38)
Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh,
markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku
Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu
Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin. (39)
Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya
Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed. (40) Kuwa Beeniyey
Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu
ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha, (41) Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan
Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. (42)
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin,
Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari. (43)
Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda
Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan (Wanaagga) Maanaan hanuuneen
haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii Eebaheen Xaq, waxaana loogu
Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey Camalkiinna Dartiis. (44) Waxay u Dhawaaqaan Ehelu Jannuhu Ehelu Naarka waan
hellay wixii Eebe Noo Yaboohay si Dhab ah ee idinku ma Hesheen wuxuu idiin
yahoohay Eebe si Dhab ah, waxayna Dhahaan haa waxaana ka dhawaaqa Dhexdooda mid
Dhawaaqa Laenadda Eebe ha ku Dhaedo Daalimiinta. (45)
Ah kuwa ka Celiya Dadka Jidka Eebe lana Doona Qallooca, Iyagoo Aakhiro ka
Gaaloobay. (46) Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab
Aeraafkana (Meel sare)
waxaa ahaan Dad ku Garan Cid Kasta Calaamaddooda, wacayna u Dhawaaqaan Ehelu
Jannaha iyagoo ku leh Nabadgalyo Korkiina ha ahaato, mayna galin Jannada wayse
damci. (47) Markii loo Jeediyo Wajigooda Xagga
Ehelu Naarka waxay Dhahaaan Eebow ha na yeelin la Jirka Daalimiinta. (48) Waxay u Dhawaaqayaan Dadka Acraafku Dad ay ku garan
Calaamaddooda, waxayna ku Odhan waxba idiinma tarin badnaantiinii (Kulankiinnii) iyo Waxaad isku
Kibrinayseen. (49) Ma kuwanaa kuwaad ku Dhaarateen
inaan Eebe Gaadhsiinayn (Siinayn) Naxariis (Waxaana lagu Odhan) Gala Janada idinkoon Cabsi iyo Walbahaar midna Arkayn. (50) Waxay u Dhawaaqi Ehelu Naarku Ehelu Jannaha (Iyagoo dhihi) Noogu soo Deeqa
Biyaha ama waxa Eebe idinku Arzaaqay, waxayna Dhahaan Eebe wuu ka Xarrimay Labadaas
Gaalada. (51) Ee ah kuwa ka Yeeshay Diintooda
Madadalo iyo Ciyaar, oyna Dhagartay Nolosha Adduunyo, Maanta wuu ku Dayn Naarta
siday u Halmaameen la Kulanka Maalintan, iyo Diidooda Aayaadkanaga Dartiis. (52) Dhab ahaan baannu ugula Nimid Kitaab Aannu Caddaynay
Annagoo ku Cilmi leh, Isagoo Hanuun iyo Naxariis u ah Ciddi Rumayn. (53) Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu Sheegi Quraanku,
Maalintuu Yimaaddo wuxuu Sheegi Quraanku waxay Odhan kuwii Horay u Halmaamay (Kuna Camal falin) waxay la Timid
Rasuuladii Eebe Xaq, ee majiraa Shufaco ha noo Shafeeceene, ama ma nala Celin
inaan Fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay Khasaariyeen Naftooda
waxaana ka Dhumay waxay been abuuran jireen. (54)
Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday
Carshiga, wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg
dega Qorraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana
Abuuridda iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday «oo Khayrbatay» Eebaha
barbaariya Caalamka. (55) U Barya
Eebihiin si Khashuue ah iyo Qarsoodi Ellen Eebe ma jeela kuwa Xad gudbee. (56) Hana fasaadinina Dhulka inta la Wanaajiyey ka dib,
Baryana Eebe Cabsi iyo Doonidba Naxariista Eebana waxay u Dhawdahay kuwa Samaha
Fala. (57) Eebe waa kan u dira Dabaysha Bishaaro Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa markay
Xambaarto Daruur Culusna waxaan u Kaxaynaa Dhul Dhintay (Abaar) waxaana ku Dejinaa (Shubnaa) Biyaha, waxaana ku soo Bixinaa wixii Dhintay inaad
Xussusataan. (58) Dhulka Fiican wuxuu ku soo baxaa Doogiisu
idinka Eebe, midka Xunna waxaan Dhib ahayn kuma soo baxo, saasaan ugu Caddaynaa
Aayaadka Ciddii ku Shukrin Eebe. (59) Waxaan u Dirray
Nabi Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna
Eebe ka soo hadhaye, anugu waxaan idiinka Cabsan Cadaab Maalin Wayn. (60) Waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ka mid ahayd waxaan
kugu Aragnaa Baadi Cad. (61) Wuxuuna yidhi
Qoomkayow Baadi kuma Sugni waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka. (62) Waxaana idiin Gaadhsiin Farriinta Eebahay waana idiin Naseexayn,
waxaana ka Ogyahay Xagga Eebe waxaydaan Ogayn. (63)
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Nin idinka mida Xuska Eebihiin si uu
idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna Naxariisto. (64)
Wayse Beeniyeen waxaana ku korinay Nuux iyo intii la jirtay Doontii waxaana
Maanshaynay kuwii Beeniyey Aayaadkanaga, Illeen waxay ahaayeen Qoom indhala, (Xaqa arkayn). (65) Waxaan u Dirray Caadna Walaalkood (Nabi) Huud wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna
Eebe ka soo hadhay, Miyeydaan Dhawrsanayn. (66) Waxay Dheheen
Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ka mid a, Anagu waxaan kugu aragnaa Safaaho (Xumaan) waxaana kuu
malaynaynaa Beenaalayaasha. (67) Wuxuuna yidhi
Qoomkayow Safaaho (Xumaan) imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka. (68) Waxaana idin gaadhsiin Farrinta Eebahay waxaana idiin
ahay Nasteex Aamina. (69) Ma waxaad la
Yaabteen inuu u Yimaaddo Xuska Eebihiin Nin idinka mid ah inuu iddin Digo,
Xusuusta Markuu idinka yeelay Eebe kuwa u Hadhay (Dhulka) Qoomkii Nabi Nuux ka dib, idiinna kordhiyey Xoog, ee
Xusuusta Niemada Eebe, waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane. (70) Waxay Dheheen ma waxaad noola timid inaan Caabudno Eebe
Kaliya, oon ka Tagno Waxay Caabudayeen Aabayaalkanno, noo keen waxaad noogu
Goodiyeysay Haddaad runle tahay. (71) wuxuu yidhi
waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula Murmaysaan
Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo Dejinin Xujo,
Suga anna waan idinla Sugiye. (72) Markaasaan
Korinay isaga iyo Intii la jirtay Naxariistanada Darteed, waxaana Goynay
Cidhibta kuwa Beeniyey Aayaadkanaga, mana ayan rumayn (Xaqa). (73) Waxaan u Dirray
Thamuudna Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe wax ka
soo hadhay Eebe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii
Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana
ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab Daran. (74)
Xusuusta markuu idinka yeelay (Eebe) kuwo Baddalay Caad kadib idin Dajiyeyna Dhulka idinkoo ka
Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda Guryo Xusuusta
Niemooyinka hana Fasaadinina Dhulka. (75) Waxayna ku
dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa oo
Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna
dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay. (76)
Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay. (77) Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii
Eebahood, waxayna dheheen Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad
tahay mid la soo Diray. (78) Waxaana qabtay
Gariirkii waxayna ahaadeen kuwo, Guryahoodii ku Dhintay. (79)
Wuxuuna ka Jeedsaday «Nabi Saalax» caggooda wuxuuna yidhi waan idin Gaadhsiiyey
Fariintii Eebahay waana idiin naseexeeyey Mase Jeelidiin Nasteexa. (80) Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad
la imaanaysaan Xumaanta uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah. (81) Idinku waxaad u Tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed
Haweenka ka sokow, waxaadse tihiin qoom Xad Gudbay. (82)
Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay
Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye. (83) Waana Korinay
Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku
hadhay. (84) Waxaana ku soo Daadinay Roob (Naareed) bal day siday
Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha. (85) Madyanna waxaan
u Diray Walaalkood Nabi Shucayb wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma
sugna Eebe ka soo hadhaye, waxaa idiinka Timid Xagga Eebe Xujee Dhammaystirana
Miisidda iyo Miisaanka, hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda, hana Fasaadinina
Dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr roon haddaad Mu'miniin tihiin. (86) Hana Fadhiisanina Jid kasta idinkoo Goodin oo ka Celin
Dadka Jidka Eebe Ciddii Rumaysa idinkoo Qalooe la dooni, xusuustana markaad
yareydeen oo Eebe idin badiyey, dayana siday Noqotay Cidhibtii Fasaadiyaasha. (87) Haddayse Koox idinka mida Rumaysay waxa laygu soo Diray
Kooxna ayna Rumeynin Samra (Suga) inta Eebe ka kala Xugmin Dhexdeenna Isagaa Xaakim Khayr
Roon ah. (88) Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay
oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey
Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan
Necebnahayna. (89) Waxaan ku Been abuuranay Eebe
hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona
inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye,
waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim
Khayr Roon ahe. (90) Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday
oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad Khasaarteen. (91) Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii
ku Dhintay (Iyagoo lagdan). (92) Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku
Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray.
(93) Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin
Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari
Qoom Gaala ah. (94) Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba
waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe). (95) Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato
iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa kado Iyagoon Ogayn. (96)
Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada
iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis. (97) Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo
Dhibkanaga Habeenkii iyagoo Hurda. (98) Miyeyse ka
aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo
Ciyaari. (99) Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka
Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe. (100) Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan
doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna
wax Maqlin. (101) Taasi waa Magaalooyinkii waxaana
kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan
Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada. (102) Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay
badankood iyagoo Faasiqiina. (103) Markaasaan la
Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday
Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta. (104) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow
Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay. (105) Waxaana Dhab
ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid Xujo Eebihiin
ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga. (106) Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid
Aayad keen haddaad Run Sheegi. (107) Markaasuu
Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah. (108)
Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi. (109) Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani
waa sixirroow aad u yaqaanna. (110) wuxuuna Dooni
inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan. (111)
waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya. (112) oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna. (113) Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna
Dheheen Ujuuro maleenahay haddaan annagu Adkaanno. (114)
Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo. (115) Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro. (116) Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen
Indhaha Dadka wayna Cabsi galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn. (117) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto waxay
Dhoobdhoobeen. (118) Waxaana Sugnaaday Xaqii waxaana
Buray waxay Falayeen. (119) Waxaana lagaga
Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan. (120) Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud. (121) Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka. (122) Eebaha Muuse iyo Haaruun. (123)
Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar
aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan
doontaan. (124) Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo
Lugahiinna isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin. (125)
Waxayna Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa. (126)
Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay
noo Timid, Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina. (127) Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn
Muuse iyo Qoomkiisa inay Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo lLaahyadaada). wuxuuna yidhi
waxaannu Dili Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo
Dullayn. (128) Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa
Kaalmaysta Eebe, samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono
oo addoomadiisa ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada. (129) Waxayna
ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga, wuxuuna
(Nabi Muuse) ku Yidhi waxay u
Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo si uu u Eego
waxaad Fashaan. (130) Waxaan ku qabanay Fircoon
Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan. (131)
Hadduu Wanaag u Yimaaddo waxay Dhahaan anaa leh tan (Mudan), hadday Dhibaato ku Dhacdana waxay aharaystaan Muuse iyo
inta la jirta, Baaskoodu wuxu uun jiraa Eebe Agtiisa, badankooduse ma Oga. (132) Waxayna dheheen wax kasta oo aayad ah ood noola
timaaddo inaad nagu Sixirlo anagu kuma rumaynayno. (133)
Markaasaan ku Dirray Daad, Ayax, injir iyo: Rah iyo Dhiig aayaad Cad iyagoo ah,
wayna. iskibriyeen waxayna ahaayeen Qoom Dambiilayaal ah. (134)
Markuu ku Dhacay korkooda Cadaabku waxay dheheen Muusow noo Bari Eebahaa wuxuu
kugula Ballamay, haddaad naga fayddo Cadaabka waannu ku Rumayn, waxaana la diri
(u dayn) la jirkaaga Banii
Israa'iil. (135) Markaan ka faydnay Cadaabkii lan
iyo Muddo ay Gaadhayaan yey ahaadeen kuwo Buriya (Ballankii). (136) Waan ka
aarsannay Gaaladii waxaana ku Maanshaynay Badda Illeen waxay beeniyeen
Aayaadkanaga, wayna Halmaameen. (137) Waxaana
Dhaxalsiinnay Qoomkii ahaa kuwa lagu Dullaysto Bariga Dhulka iyo Galbeedkiis (Masar iyo Shaam) een barakaynay
Dhexdiisa, wayna u Dhammaatay Kalimada (Yaboohii) Eebahaa ee wanagsanaa Banuu Israa'iil samirkoodii Dartiis.
waxaana Baabi'inay wuxuu Samaynayey Fircoon iyo Qoomkiisii iyo waxay
Dhisayeeen. (138) Waxaana Tallaabinay Banuu
Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay
dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi
idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina. (139) Kuwaas waa
lagu Halaagi waxay ku suganyihiin waana Baadhil waxay fali. (140) Wuxuu yidhi ma wax Eebe ka soo hadhay yaan Ilaahnimo
idiinka doonaa isagoo Caalamkan (Jooga) idinka Fadilay. (141) Xusuusta
markaan idinka Korinay Fircoon Dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey Cadaab Xun,
oo laynayey Wiilashiinna daynayeyna Gabdhihiinna, Arrintaasna waxaa ku Sugan
Ibtilo Eebihiin Xaggiisa ka ahaatay oo wayn. (142)
waxaan u yaboohnay Nabi Muuse Soddan habeen waxaana ku dhamaystirray Toban,
wuxuuna ku dhamaaday Ballankii Eebihiis Afartan Habeen, wuxuuna ku yidhi Nabi
Muuse Walaalkiis Haaruun iiga dambee Qoomkayga Wanaakina hana raacin Jidka
Mufsidiinta. (143) Markuu u Yimid Nabi Muuse
Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee,
wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato
markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur
waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu
Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn). (144) Wiixuu Yidhi
Eebe Muusow waxaan kaa doortay Dadka (Sabankan) Diriddayda iyo lahadalkayga Dartiis ee qaado waxaan ku
siiyey ahowoa kuwa Mahdiya. (145) Waxaan ugu
qurray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo Caddayna, ee ku qaado Niyadadag farna
Qoomkaaga may qaalaan, ha qaataan Teeda Fiicane Waxaan idin tusin Guryihii
Faasiqiinta. (146) Waxaan ka lilaa Aayaadkayga kuwa
isku Kibriya Dhulka Xaq darro, hadday arkaan Aayaad kasta ma Rumeeyaan hadday
arkaan Jidka Hanuunka kama Yeeshaan Waddo, hadday Arkaan Waddada Baadidana
waxay ka yccshaan Jid, waxaana ugu Waran inay Beeniyeen Aayaadkanaga oy
ahaayeeo kuwo Halmaamay. (147) Kuwa Beeniyeen
Aayaadkanaga iyo la Kulankanaga Aakhiro waxaa Buray Camalyaalkooda Miyaase laga
abaal mariyaa waxay Camal falayeen Mooyee. (148) Waxay ka
Yeesheen qoomkii Nabi Muuse Gadaashiis Jawhartoodii Dibi Cod leh, miyeyna
arkaynin inuusan lahadlaynin kuna Toosinaynin Jid, way Yeesheen iyagoo
Daalimiin ah. (149) Markii Gacmahooda lagu Riday (Nidaamoodeen) oy arkeen inay Dhumeen
waxay Dhaheen Hadduusan noo Naxariisan Eebahanno oosan noo Dambi Dhaafin waxaan
Noqonaynaa kuwo Khasaara. (150) Markuu ku soo
Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa
Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin
wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u
Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u
dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka
Qoomka Daalimiinta ah. (151) Wuxuuna yidhi
Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa
Naxariis badane ahe. (152) Kuwa Yeeshay
Dibi waxaa Gaadhi Cadho Lebahood iyo Dulli Nolosha adduunyo saasaana ku Abaal
marinaa Been abuurtayaasha. (153) Kuwa Falay
Xumaan Markaas Toobad keenay intaas ka dib oo Rumeeyey Xaqa Eebahaa intaas ka
dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. (154) Markay Cadhadu
ka Xasishay Nabi Muuse wuxuu Qaatay Alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo
Naxariis u ah kuwa Eebahood ka Cabsan. (155) Wuxuu ka
Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin Ballankanaga Dartiis, markay
qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto waad halaagi lahayd horay
iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen Sufaho naga mida, waa
Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana waad hanuunisaa adaa
Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi Dhaafe Khayr roon
ahe. (156) Noona qor adduunyadan Wanaag iyo
Aakhiraba waannu kuu noqonaye, wuxuu Yidhi Cadaabkaygu wuxuu ku dhici Ciddaan
Doono, Naxariistayduna waxay u Waasac Noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa
Dhawrsada oo Bixiya Zakada iyo Kuwa Aayaadkaygana Rumeeya. (157)
ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku
qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana reeba Xumaanta una
Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana
Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana
dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo
Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun
kuwa Liibaanay. (158) Waxaad Dhahdaa Dadow anugu waxaan
ahay Rasuulkii Eebe ee Xaggiinna Dhammaan, waana Eebaha iska leh Xukunka
Samooyinka iyo Dhulka, ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya,
waxna Dila ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee Umiga ah ee Rumeeyey
Eebe iyo Malaa'igtiisa Raacana inaad hanuuntaan. (159)
Waxaa ka mida Qoomkii Nabi Muuse Umad ku Hanuimsanayd Xaqa kiina Caddaalad
falayaay. (160) Waxaana u kala gaynay Laba iyo
Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay Waraab warsadeen
Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo burqatay laba iyo
toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd, waxaana ku
hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku
Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda. (161)
Markii lagu yidhi dega Magaaladaa kana Cuna Meejaad doontaan Dhehana Eebow noo
Dambi dhaaf, kana gala Albaabka idinkoo Sujuudsan aan idiin Dhaafno Dambigiince
unu siyaadinno samafalayaashee. (162) Waxayse ku
badaleen kuwii dulmi falay oo ka mida hadal ka duwan kii loo yidhi (Fala) waxaana ku Dirray
Cadaab Samada kaga Yimid dulmigoodii Dartiis. (163)
Warso (Yuhuud)
Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey
Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo,
saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqni' madooda Darteed. (164)
Ka Warran markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama
u Cadaabi si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay
Dhawrsadaan inay u Dhawyihiin. (165) Markay
Halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana
ku qabanay kuwii Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed. (166) Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku
nidhi Noqda Daanyeer Dullaysan. (167) Xusuusta
markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid
Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi
Dhaafe Naxariista. (168) Waxaana ku
kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku
imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan. (169)
Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan
Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way
qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku
sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa
dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn. (170) Kuwa Qabsada
Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala). (171) (Ka warran) markaan ku koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una
maleeyeen inuu ku Dhici, kuna nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag,
kuna waana qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan. (172) (Xusuuso) markuu Eebahaa ka
qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi
Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay,
inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan. (173) Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii
mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay
faleen Xumo falayaal. (174) Saasaanu Caddaynaa
Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa. (175) Ku Akhri
korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna uu
Raacay (Isaga)
Noqdayna kuwa Baadida ah. (176) Haddan Doonno
waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo
Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la
mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin,
saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay
Waantoomaan. (177) Waxaa Tusaale u Xun Qoomkii Beeniyey
Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya. (178)
Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana waa uun kuwa Khasaaray. (179) Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo
Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin
Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn,
Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa
Halmaansan. (180) Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo
Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka
abaal marin waxay Camal falayeen. (181) Waxaa ka mida
waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa, Kuna socon. (182)
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn. (183) Waana Sugi Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay. (184) Miyeyna Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn,
waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn. (185) Miyeyna Dayin
Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay
Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu, Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn. (186) Cidduu Dhumiyo Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga
tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan. (187) Waxay ku
Warsan Saacadda (Qiyaame)
markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda
wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo
Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii
adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase
ma oga (Xaalkaas). (188) Waxaad Dhahdaa uma hanto Naftayda Nacfi iyo Dhib
midna, wuxuu Eebe doono mooyee, haddaan ahay mid og waxa maqan waxaan badsan
lahaa Khayrka imana taabteen Xumaani, anigu waxaan uun ahay u dige una
Bishaareeye Qoomkii Rumayn (Xaqa). (189) Eebe waa kan
idinka abuuray Naf kaliya, kana yeelay Xaggeeda Haweenaydiisii inuu Weheshado
markay Kulmeenna waxay qaadday uur Fudud Saasayna ahayd Markay Cuslaatayna
waxay Baryeen Eebahood haddaad Na siiso (Ilmo) Suubban waxaan noqonaynaa kuwa Shugriya. (190) Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la
wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen. (191) Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la
Abuuro. (192) OOn Karaynna gargaar naftoodana
aan u gargaarayn. (193) Haddaad ugu
Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad
ka Aamustaanba. (194) Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa
Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan. (195)
Ma waxay Leeyihiin lugo ay ku Socdaan, mise waxay Leeyihiin Gacmo ay wax ku
qabtaan mise waxay Leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin Dhago
ay wax ku Maqlaan, waxaad Dahdaa u Yeedha Shurakadiinna ina Dhagra hana i
sugina. (196) Waligaygu waa Ilaaha soo Dejiyey
Kitaabka isagaana u Gargaara kuwa Suuban. (197) Waxaad
Caabudaysaan Eebe ka Sokow ma karaan Gargaarkiinna Naftoodana uma Gargaarayaan.
(198) Hadday ugu Yeedhaan Hanuunkana ma Maqlaan waxaadna
aragtaa iyagoo ku soo Eegi oon waxba Arkayn. (199)
Qaado waxa Fudud Farna Wanaagga kana Jeedso Jaahiliinta. (200)
Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe.
(201) Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way
Xusuustaan (Waantoomaan)
wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan). (202) Walaalaha Shaydaankuse
waxay ku Kaalmeeyan Baadida kamana Daalaan. (203)
Haddaydaan ula Imaanin Aayad waxay Dhahaan Maxaad u soo dooran wayday, waxaad
dhahdaa waxaan uun Raaci wixii layga waxyooday Xagga Eebahay Kaasina waa
Xujooyin Xagga Eebihiin ka ahaatay iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn (Xaqa). (204) Markii la Akhriyo Quraanka Dhagaysta una Dhag
raariciyana in laydiin Naxariisto. (205) U Xus Eebaha
Naftahaa Naftaada Khushuuc (Baryo) iyo Cabsi, iyo Qaylo la'aan hadal, Aroor iyo Galabba, hana
Noqon kuwa Halmaama (Xuska Eebe). (206) Kuwa Eebe
agtiisa ah iskama Kibriyaan Cibaadadiisa wayna u Tasbiixsadaan (Nasahaan) Isagayna u
Sujuudaan