Al-Qiyaama
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) Waxaan ku dharaan maalinta
qiyaame. (2) Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin). (3) Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin
lafihiisa. (4) Saas ma aha ee waan karraa inaan
sinno (soona Celinno)
Farihiisa. (5) Wuxuuse Dooni Dadku inay ka
Gaaloobaan waxa ka horreeya. (6) Wuxuu waydiin
waa Goorma Maalinta Qiyaame. (7) Markase Araggu
Wareero (Taagmo). (8) Dayuxuna Madoobaado. (9)
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa. (10) Wuxuu Dhihi
Dadku Maalintaas xagee loo cararaa. (11) Saas ma aha ee
ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee). (12) Xagga Eebahaa
yaana Maalintaas loo ahaan. (13) Waxaa looga
warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday. (14) Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri. (15) Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax
uma tarto). (16) Ha Dhaqaajinin
Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa). (17) Annagaa
Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi. (18) Ee Markaan
akhrino Raac Akhriskiisa. (19) Annagaana isasaarray
Cadaayntiisa. (20) saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin
Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada). (21) Waxaadna ka
tagaysaan aakhiro. (22) Wajiyaal
Maalintaas way ifi. (23) Eebeheedna way
Eegi. (24) Wajiyaalna Maalintaas way
kaduudsami. (25) Waxayna hubtaa in lugu fali
Balaayo. (26) Saas ma aha ee markay naftu gaadho
Duunta (Waqtiga Geerida). (27) Oo la Dhoho uaa ku tufi. (28)
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman. (29) Oo labada
Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis). (30) Eebahaa
Xaggiisaa la aadi. (31) Mase Rumaynin
Gaalku Xaqa mana tukannin. (32) Laakiin wuu
Beeniyay wuuna Jeedsaday. (33) Wuxuuna aaday
Ehelkiisii isagoo kibirsan. (34) Halaag Buuse
Mutaa. (35) Haddana Halaagbuu Mutaa. (36) Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan). (37) Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo. (38) Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana. (39) Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. (40) Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo
wixii Dhintay.