Al-Insaan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Dhab ahaan waxaa dadka soo
maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin). (2) Annagaa ka
abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax
maqle wax arka ah. (3) Annagaa Dadka
tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan. (4)
Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira. (5) kuwa Baarriyiinta ah waxay ka
cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur. (6) Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan, (7) Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin
sharkeedu fidi (qiyaamada). (8) Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan
xabbisan (Dhibban). (9) Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana
idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna. (10)
Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran. (11) Eebana waa ka
Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax. (12)
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir. (13) Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn
qorrax iyo Dhaxan midna. (14) Waxaana u dhaw
hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda. (15)
Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah. (16) Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan. (17) Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo
lugu Dheehay sinjibiil. (18) Waana il lugu
Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi). (19) Waxaana u
ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay. (20) Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf
wayn. (21) Dharkooduna (Ehlu
Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo
Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka
waraabiyaa sharaab nadiifah. (22) Kaasi waa
Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay. (23) Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay. (24) Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo
Gaalnima Badane (warkiis). (25) Xus magaca Eebe subax iyo Galabba. (26)
Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u
tuko) waqti Dheer. (27)
Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada). (28) Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan
Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah. (29)
Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo. (30) Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa
wax walba oge falsan. (31) Wuxuu galiyaa
naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.