Al-Mursalaat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. (2) iyo Dabaysha sida daran u dhabata. (3) Iyo
Dabaysha roobka kicisa. (4) Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala
Bixisa. (5)
iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa. (6)
Si Dadka loo waaniyo looguna digo. (7) Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. (8)
Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. (9) Oo samadu Dildillaacdo. (10)
Oo Buuraha la Rujiyo. (11) Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo
Dadkoodii).
(12)
Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed. (13) In dadka la kala Bixiyo Dartiis. (14)
Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. (15) Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniyay. (16) Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.
(17) Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.
(18)
Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. (19) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniya. (20) Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.
(21)
Markaasna yeellay meel ilaashan. (22) Tan iyo Muddo la yaqaanno. (23)
Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican. (24) Halaagna wuxuu u sugnaaday
Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (25) Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade. (26)
Nolol iyo Geeriba. (27) Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro
sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. (28) Halaagna wuxuu u sugnaaday
Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (29) Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin
Jirteen. (30)
Aada hoos (Qiiba
naarta)
oo saddex madax ah. (31) Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. (32)
Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. (33)
Ama aad Mooddo geel madaw ah. (34) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniyay. (35)
Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku. (36) Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. (37)
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (38) Maalintan waa maalintii kala
Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. (39)
Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra. (40) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniyay. (41)
Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo; (42) (Waxayna
Cuni)
khudaartay Doonaan. (43) Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo
shifaysan Camalkiinnii Dartiis. (44) Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga
fala. (45)
Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya. (46) (Gaalada waxaa lagu Dhihi)
Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale; (47) Halaagna wuxuu u sugnaaday
Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (48) Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma
tukadaan. (49)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (50) Hadalkeebay Quraanka
Dabadiis Rumaynhayaan.