An-Naba
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). (2) Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada
ama Quraanka). (3) Ay isku
diiddanaayeen. (4) Saas ma aha ee way ogaan donaan. (5) Haddana way ogaandoonaan (wa xa
ka dhaca). (6) Miyaannaan
Dhulka gogol ka yeelin. (7) Buurahana
Rukummo (ka yeelin). (8) Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. (9)
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. (10) Miyaannaan Habeenka
asturaal idiinka dhigin. (11) Miyaannaan
Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. (12) Korkiinna
miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. (13) Miyaannaan
dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). (14) Waxaan idiinka
soodajinnay daruuraha biyo badan. (15) Si aan ugu soo
bixinno Midho iyo Daaq. (16) Iyo Beero
kulansan (badan). (17) Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. (18) Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
(19) Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. (20) Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. (21) Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. (22) (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. (23)
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. (24) Mana ku
dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. (25) Waxaan ahayn
biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). (26) Waxaana lagu
abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. (27) Waxayna
ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. (28) Waxayna
beeniyeen Aayaadkannaga. (29) Wax walbana
waxaan ku koobnay Kitaab. (30) Ee dhadhamiya Caddibaad
Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. (31)
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. (32)
Beero iyo Cinabyana way heli. (33) Waxayna Guursan
Haween da'yar oo isle eg. (34) Waxayna heli
Cabbid wanaagsan. (35) Jannada kuma
dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna. (36)
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan. (37) Eebaha Samada
iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna
ma jiro (Qiyaamada). (38) Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli
ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. (39)
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka
samaysto. (40) Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad
dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu
dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.