At-Takwir
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada). (2) Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow). (3) Buurahana la
kexeeyo (La rujiyo). (4) Geelii rimmanaana la halleeyo. (5)
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed). (6) Badahana la kululeeyo.
(7) Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo. (8)
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado. (9) Maxaa dambi ah
oo loo dilay. (10) Kutubta (camalkana) la fidiyo. (11) Samadana la
rujiyo. (12) Naarta Jaxiimana la huriyo. (13) Jannadana la dhaweeyo. (14)
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay. (15) Waxaan ku
dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii). (16) Ee socda
iftiinka Qorraxdana ku qarsooma. (17) Iyo Habecnku
markuu jeedsado. (18) Iyo subaxu markuu soo
qaabilo. (19) Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona
raray Malag sharaf lah. (20) Xoogna leh Eeba
agtiisana Daraja ku leh. (21) Laguna addeeco
halkaas aaminna ah. (22) Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan. (23) Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka). (24) Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan. (25) Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay. (26) Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan. (27)
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa
waano). (28) Ruuxii doona
inuu toosnaado (yuuna u yahay). (29) Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.