Al-Infitaar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Markay Samadu
Dildillaacdo. (2) Xiddiguhuna daataan. (3) Badahana laysku furo. (4)
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). (5) Waxay ogaan nafu
waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. (6) Dadow maxaa kugu
kadiyay Eebahaaga sharafta leh. (7) Ee kii ku
abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. (8) Siduu doonana
kuu sameeyey. (9) Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan
abaal marinta. (10) Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. (11) Oo sharaf leh waxna qori. (12)
Ogna waxaad falaysaan. (13) Kuwa wanaagsani
waxay gali Naciima. (14) Kuwa xun Xunna
waxay gali Jaxiimo. (15) Wayna ku guban
Maalinta abaalmarinta. (16) Kamana
maqnaadaan Naarta. (17) Maalinta
abaalmarinta ma taqaannaa. (18) Haddana ma
taqaannaa Maalinta abaalmarinta. (19)
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa
iska leh Eebe.