Al-Inshiqaaq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud
iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada). (2)
Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee. (3) Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada). (4)
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado. (5) Oos
Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu
la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa). (6) Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali
xagga Eebe, waadna la kulmi. (7) Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa
mu'minkee).
(8)
Waxaa la xisaabin xisaab fudud. (9) Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada
joogtay)
isagoo faraxsan. (10) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo
gadaashiisa (waa
Dadka xune).
(11)
Wuxuu u yeedhan Halaag. (12) Wuxuuna gali Naarta Saciira. (13)
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii). (14) Wuxuuna malaynhayay inuusan
Eebe u soo noqonaynin (qiyaame). (15) Saas ma ahee Eebe waa arkaa. (16)
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca. (17)
Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay. (18) Iyo Dayaxa markuu Nuurku
buux Samo. (19) Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala
duwan/ (20)
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa). (21)
Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin. (22) Saas ma ahee kuwa Gaaloobay
waxay beenin (xaqa). (23) Eebana
waa ogyahay waxay qarsan. (24) Ugu bishaaree caddibaad daran. (25)
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan
go'aynin.