Al-Burooj
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda). (2) Iyo Maalinta
laysu yaboohay (qiyaamada). (3) Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman
Maalintaas. (4) Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka
lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo). (5) Ee ahaa Naar
olal (iyo shidaal) leh.
(6) Gaaladiina ay korfadiyeen Godka. (7)
iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah». (8) Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay
rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo. (9) Ee leh Samada
iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa. (10)
Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan
Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi. (11) Kuwa xaqa
rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda
Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn. (12) Qabashada
Eebana (Ciqaabtiisu) way
darantahay. (13) Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona
celin. (14) Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca). (15) Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh. (16) Wuuna falaa wuxuu doono. (17)
Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii). (18) Fircoon iyo
Thamuud. (19) Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay
ku suganyihiin beenin (xaqa). (20) Eebana waa
koobay (kamana baxsadaan). (21) Waase Quraan sharaf leh. (22)
Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).