Al-Ghaashiya
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Ma ku soo gadhay Qiyaamada
warkeedii. (2) Wajiyaal
Maalintaas way dullaysnaan. (3) Waxayna qaban
Shaqo dhib ah. (4) Waxayna gali Naar kulul. (5) Waxaana laga waraabin il kulayl
daran. (6) Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta). (7) Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin. (8) Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). (9) Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii. (10) Janno sarana way gali. (11)
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro. (12) Waxaana ah
dhexdeed il socota. (13) iyo Sariiro la
koryeelay. (14) Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). (15) Iyo Barkimooyin la safay. (16)
Iyo gogol la fidiyay. (17) Miyayna
fiirinaynin sida Deela loo abuuray. (18) Iyo sida Samada
loo koryeelay. (19) Iyo sida Ruuraha loo taagay, (20) Iyo sida dhulka loo fidiyay. (21) Ee
Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow). (22) Mana tihid mid
xoog ku leh (qasab). (23) Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). (24) Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn. (25) Xagganagayna u soo noqon (khalqigu). (26) Annagaana
xisaabin.