Al-Fajr
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Waabariga. (2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). (3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer. (4)
Iyo Habeenku markuu tagayu. (5) Miyayna
arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. (6) Ma
ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. (7) Ee ahaa Irama
xooggana lahaa. (8) Wax la mid ahna aan iugu abuurin
dhulka. (9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku
jarjara Waadiga. (10) lyo Fircoonkii dhakawyada
lahaa. (11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. (12) 12 Kuna badiyay
dhexdiisa fassaadka. (13) Markaasaana
Eeba ku shubay Caddibaad daran. (14) Maxaayeelay
Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). (15) Marks Eebe
Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). (16) Haddiise Eebe imtixaano
oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. (17)
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. (18)
Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. (19) Waxaadna aad u
cuntaan dhaxal xaq darro. (20) Xoolahana
waxaad u jeceshihiin si daran. (21) Saas ma aha ee
marka dhulka la burburiyo. (22) Eebe iyo
Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan. (23)
Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen,
Maxayse xusuusi tari. (24) Waxay dhihi
shallaytee maan wanaag hormarsado. (25) Malintaas sida
Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. (26) Wax sida Eebe
wax u xidhina ma jiro. (27) Naftase xaqa
rumaysay ee Xasillooneey. (28) U noqo Eebaha
adoo raalli ah lagana raalli noqday. (29) dhexgalna
Addoomadayda (wanaagsan). (30) Galna Jannadayda.