Al-Lail
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Habeenku markuu wax qariyo. (2) Iyo markay
Maalintu Muuqato (ifto). (3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. (4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. (5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka
dhawrsada. (6) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal). (7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo
Jidka fiican). (8) Ruuxiise ku
bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». (9) Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal). (10) Waxaan u
fududaynaa Jidka xun. (11) Xoolihiisuna
wax uma taraan markuu halaagsamo. (12) Annagaa wax
hanuuninna. (13) Aakhariyo
Addunbana Annagaa iska leh. (14) Waxana idiinka
digaynaa Naar kulayl daran. (15) Oosan galaynin
Ruux xun mooyeen. (16) Oo xaqa
beeniyay jeedsadayna. (17) Waxaana ka
fogaada (galidda naarta)
Ruuxii Eeba ka dhawrsada. (18) Ee bixiya
Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. (19) Ruux wax ugu
nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. (20) Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. (21) Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.