Ad-Dhuhaa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Barqinka. (2) Iyo Habeenku
markuu xasilo (Madoobaado).
(3) Inaan Eebe ka tagin
Nabiyow kuuna cadhoonin. (4) Aakharana kaaga
khayr badan Aduunka. (5) Eebaana ku
siindoona (wanaag)
waadna raalli noqon. (6) Miyuusan ku
helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin. (7)
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin. (8)
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu
waxyoonin). (9) Ee Agoonta ha xoogin (hana
dhihin). (10)
Ka wax su'aalina ha canaanan. (11)
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).