Al-Bayyina
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Ma aha Kuwii Gaaloobay ee
ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja
ah). (2) Oo ah Rasuul
Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah. (3) Oo xukun fiicani
ku yaal. (4) Mona kala tagin Gaalada ehlu Kitaabka
ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis). (5) Dadkana waxaan
Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna,
Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan. (6)
Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama
ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugli
sharbadan khalqiga. (7) Kuwa rumeeyayse
xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga. (8) Abaalkooda ay Eebe agtiisa kii leeyihiin waa Jannooyin
Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood,
Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raali noqdeen, arrintaasna waxay u
sugnaatay Ruusii Eeba ka yaaba.