Az-Zalzala
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud
iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Marka DHulka la gilgilo. (2) Dhulkuna soo
bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa). (3) Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay
leedahay. (4) Maalintaas waxay ka sheekayn
warkeeda. (5) Maxaayeelay
Eebaa u waxyooday. (6)
Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga
Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan
camalkooda. (7) Ruuxiise wax
yaroo khayra fala wuu arki. (8) Kiise wax yar oo
shar fala wuu arki.