Juz' 1
Al-Faatiha
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
Makkan
(1)
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista. (2) Mahad Eebaa iska leh ee
barbaariyaha Caalamka ah (Koonka). (3) Ee naxariis guud
iyo mid gaaraba naxariista. (4) Ee hanta
maalinta abaalmarinta (Qiyaamada). (5) adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo
waydiisanaynaa (Eebow). (6) ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa). (7) Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna.
Al-Baqara
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) Aad baa Macnaheeda looga
hadlay, waxaana la sheegay inay magaca suuradda tahay, ama ay ku tusin
Muejisadda Quraanka, Eebe unbaa waa la dhahaa. (2)
Kitaabkaas (Quraanka)
shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada. (3) ee ah kuwa rumeeya waxan la arkayn (ee
xaq ah) oogana Salaadda, waxaan ku arzaaqnayna
wax ka bixiya. (4) ee ah kuwa
rumeeya waxa lagugu dajiyey Nabiyow, iyo wixii la dajiyey horay, Aakhirana
yaqiinin. (5) kuwaasi
hanuun Eebe yey ku suganyihiin, kuwaasina waa uun kuwa liibaanay. (6) kuwii Gaaloobay waxaa isugumid
ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqa). (7) Lebaa daabacay
Quluubtooda iyo Maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley
Dabool waxaana u sugnaaday Cadaab weyn. (8) Dadka waxaa ka
mid ah kuwo dhihi waxaan rumeynay Eebe iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan
Mu'miniin ahyn. (9) waxay
khiyaameyn Eebe iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey naftooda ahayn mase kasayaan. (10) Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyay Cuduro waxayna
mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed. (11) marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu
waxaan uun nahay Hagaajiyayaal. (12) iyaga unbaa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan. (13) marka lagu dhaho rumeeya sida
Dadku u rumeeyey waxay dhihi mawaxaannu u rumayn sida sufahada (Caqli gaabka), waxaase sufaha ah
iyaga uun laakiin ma oga. (14) markay la kulmaan kuwa ru-meeyey (Xaqa) waxay dhihi waan rumaynay, markay la kaliyoobaan
shaydaamiidana waxay dhahaan annagu waan idinla Jirraa, ee waxaan ahayn uun
kuwa ku jees jeesa (Mu'miniinta). (15) Eebaa ja abaal marin Jees jeeska, wuxuuna u siyaadin kibirkooda
iyo Baadidooda, iyagoo ku dhexwareeri. (16) kuwaase waxay ku gateen haadida hanuunka, mana ribxin (faa'iidin) ganacsigoodu mana
hanuunsana. (17) waxay la
mid yihiin mid huriyey Dab, markuu iftiimiyay gaararkoodana yaa Eche la tagay
Nuurkoodii ugagana tadax arkayn. (18) waa Dhaga la'aan, Hadala'aan, aragla'aan, xaqana uma soo
noqdaan. (19) wuxuu la
midyahay xaalkoodu sidii Roob Samada ka soo degay oo Mugdiyo onkod iyo Hillaac
leh, oy yeelayaan Farahooda Dhagahooda hanqadhka (Danabka) xaggiisa geeri ka digtooni darteed, Eebana waa koobay
Gaalo. (20) wuxuu u dhawyahay hillaacu (xaqu) inuu dafo
aragooda, markastoos u Ifo way ku socdaan, markuu ku mugdiyoobana way
istaagaan, hadduu Eebe doonana wuxuu la tagaa Maqalkooda iyo Aragooda Eebana
wax walba waa karaa (oos doonoo). (21) Dadow caabuda
Echihiinna idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horrecyey, waxaadna mudataan
inaad dhowrsataan. (22) Eebaha Dhulka
idiin ka yeelay Gogol, Samadana dhismo, idiinkanasoo dajiyey Samada Biyo, kuna
soo bixiyey Midho si laydiinku arzuqo ee hayeelina Eebe kuwa la mid ah idiinkoo
og. (23) haddaad
shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkanaga (Nabiga) keena Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Eebe ka soo
hadhay haddaad runlowtihiin. (24) haddaydaan falin mana falaysaane ka dhawrsada Naar lagu
shido Dadka iyo Dhagaxa, loona darbay gaalada. (25)
ugu bishaaree kuwa rumeeyey (xaqa) Camal fiicanna falay inay mudan Janooyin ay socoto
dhexdeeda Wabiyaalkii, markastoo laga arxaaqo xaggeeda midho waxay dhahaan kani
waa kii horay naloogu arzuqay, waxaa la siiyey isagoo isu eg (araga) waxayna dhexdeeda
ku leeyihiin Haween (Janno) oo nadiif ah, dhexdeedana way ku waari. (26) Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay
ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku) kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi muxuu
Eebe ula jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin in
badan waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo. (27) ee ah kuwa buriya ballanka Eebe intay adkeeyeen ka dib, oo
gooya wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiya Dhulka kuwaasu waa kuwa
khasaaray. (28) seed uga
gaaloobaysaan Eebe idinkoo ahaa waxaan noolayn, markaas Eebe idin soo noolayn
ka dibna xaggiisa laydiin eelin. (29) Eebe waa kan
idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas Samada ahaysiiyey kana
dhigay Todobo Samo, Eebe wax walbana waa ogyahay. (30)
xus markuu ku yidhi Eebahaa Malaa'igta waxaan yeeli Dhulka cid u hadha, oyna
dheheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasaadisa oo kudaadisa dhiig annagoo ku
wayneynayna markaasuu yidhi anigu waxaan ogahay waxaydaan ogayn. (31) Eebe wuxuu baray Nabi Aadam magacyada dhammaan,
markaasuu u bandhigay Eebe malaa'igtakuna yidhi'iiga warama magacyada kuwaas
hadaad runlowtihiin. (32) waxayna dheheen
nasahnidaada Eebow, cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu wax
oge falsan. (33) wuxuuna yidhi Eebe Aadamow uga
warran magacyadooda, markuu magacyadooda uga warramay yuu yidhi Eebe miyaanan
idiin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku maqan Samooyinka. iyo inaan ogahay
waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan. (34)
xus markaan ku nidhi Malaa'igay u sujuuda Aadam, markaasay sujnudeen Ibliis
mooye, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka midnoqday galaada. (35) waxaana nidhi Aadamow dag adida iyo Haweenaydaadu
janada, kana cuna xageeda (cunno) shifo oo waasac ah meeshaad doontaan hana u dhawaanina
geedan oo markaas aad kamid noqotaan daalimiinta. (36)
Waxaana ka fogeeyey xagooda Jannada shaydaan wuxuuna ka bixiyey waxay ku
sugnaayeen, waxaana ku nidhi ka hoobta Jannada, qaarkiinna dhulka idiinku
sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo waqti. (37)
waxuuna kala kulmay Aadam xagga Eebe kalimooyin, wuuna ka toobad aqbalay Eebana
waa toobad aqbalbadane waana naxariiste. (38) waxaan ku nidhi
ka hoobta xaggeeda dhamaantiin, hadduu idiinka yi-maaddo xaggayga hanuun ruuxii
raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo murug midna. (39)
kuwa gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga, kuwaasu waa chclunaar dhexdeedana
way ku waari. (40) Bini Israa'iilow xusa nicmadayda
aan idiinku nicmeeyey, oofiyana ballankaygii aan oofiyo ballankiina, aniga uun
igacabsada. (41) rumeeyana waxaan dejiyey isagoo
rumayn waxaad haysataan, hana noqonina mid ka gaaloobay quraanka kii ugu
horreeyay, hana ku gadanina aayaadkayga qiimo yar (aduunka) aniga uun iga dhawrsada. (42)
hana ku khaldina xaqa baadilka, ood qarisaan xaqa idinkoo og. (43) ooga salaada, hixiyana sakada, lana rukuuca (lukada). (44) ma waxaad faraysaan dadka wanaaga od halmaansantihin
naftiina idinkoo akhrin Kitaabka miyeydaan wax ka sayn. (45)
kaalmaysta samirka iyo salaadda wayna ku wayn tahay salaaddu (ku culustahay) kuwa khushuuca
mooyee. (46) kuwa citiqaadsan inay la kulmi
Echahood xagiisana loo celin. (47)
Bini'israa'iillow xusa nicmadeydii aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka
fadilay caalamkii (markaas). (48) 48 kana dhawrsada maalin aan naf abaalmarinayn naf (kale) qiyaamada aan
lagana aqbalayn shafeeeo lagana qaadayn (ogalayn) furasho loona gargaarayn. (49)
xusa markaan idinka korinay fircoon iyo colkiisii ce idin dhadhansiin jiray
cadaab daran, ayna gawrici jireen wiilashiina ayna dayn jireen gabdhihiina,
taasina waxaa ku sugan irntixaam wayn oo Eebihiin. (50)
xusa markaan idiin dhanballay badda oon idin korinay oona maanshaynay fircoon
iyo colkiisii idinkoo cegaya. (51) xusa markaan u
yaboohnay (Nabi)
muuse afartan habeen, markaas aad yeelateen dibi (aad
caabudeen) gadaashiis idinkoo daalimiin ah. (52) markaas aan idin saamaxnay arrintaas ka dib si aad u
mahdisaan. (53) xusa markaan siinay (Nabi) muusc kitaab iyo
kala bixiyc (xaqa iyo baadilka) si
aad u hanuuntaan. (54) xusa markuu (Nabi) muuse ku yidhi
qoonkisa qoonkiisa qoonkayiw waxaad dulmideennaftiina yeelashadiini dibiga (caabudo) ee u toobadkeena
Eebihiina dilana naftiina, saasaa idinku khayr badan Eebihiin agtiis, markaasu
idinka toobad aqbalay maxaa yeelay Eche waa toobad aqbal badane naxariista. (55) xusa markaad dhahdeen muusow kuma rumaynayno intaan ka
aragno Eebe si cadaan ah, markaasay idin qabatay qaylo iyo naar idinkoo eegi. (56) markaasaan idin soo bixinay geeridiinii ka dib si aad u
mahadisaan. (57) waxaan idinku haddaynay Daruur,
waxaan idinku soo dajinay macaan iyo hilib (shimbireed) waxaana idinku nidhi wax ka cuna wanaaggan idiinku
arzaaqnay, mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen naftooda uun kuwa
dulmiya. (58) Xusa markaan nidhi gala magaaladan oo
kacuna xageeda Meejaad doontaan barwaaqa ah. kana gala irridda idinkoo
sujuudsan dhahana (Eebow) hoobi (danbi) aan idiin dhaafno gafafkiinee. waxaan u siyaadinayna
samafalayaasha (wanaag). (59) markaasay ku badaleen kuwwi dulmi falay hadalkii loo
yidhi mid aan ahayn, markaasaan kaga soodajinay kuwii dulmiga falay Cadaab
samada faasiqnimadoodii ay falayeen darteed. (60)
Xusa markuu (Nabi)
Muuse u roobdoonay qoonkiisa markaasaan ku nidhi ku garaac ushaada Dhagaxa,
waxaana ka dilaacay xaggeeda Labo iyo toban ilood, wunna ogaaday ruuxkasto (Koox kasta) meeshay ka
cabbilahayd, waxaan ku nidhi ka cuna oo ka cabba rizqiga Eebe Dhulkana fasaad
ha ku xumeynina. (61) Xusa markaad dhahdeen Muusow
kuma samrayno cunno kaliya ee noobari Eebaha ha noo soo bixiyo waxa dhulku soo
dhaliyo, oo ah Bagal, Xinidh, Toon, cadas iyo Basal, wuxuuna ku yidhi mawaxaad
ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u (hoobta) daga masar waxaad helaysaan waxaad warsateen, waxaana
laguqadaray dulli iyo miskiinimo, waxayna lanoqdeen cadho Eeve, arrintaasna
waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka Gaalooba aayaadka Eebe, dilayeenna Nabiyada
xaql…aan, taasina waa caasinimadooda darteed iyo xadgudubkoodii. (62) kuwwi rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo
saab'iiinta cidii rumeysa Eebe iyo Maalintii dambee oo camal suubanna falay
waxay ku leeyihiin Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana
tiiraanyoodan. (63) Xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) oo korkiina yeelay
(Buurta) Dhuur oon idinku
nidhi ku qaata waxaan idinsiinay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u
dhawrsataan. (64) markaasaad jeedsateen intaas ka
dib, hadduusan jirin fadliga Eebe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan
lahaydeen kuwa Khasaaray. (65) dhab ahaanbaad
u ogtihin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah markaasaan ku nidhi noqda
daanyeer la fageeyo (oo dullaysan). (66) waxaana
kayeelay ciqabtaas waanada waxa ka horeeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano
kuwa dhowrsada. (67) xusa markuu ku (yidhi) (Nabi) Muuse Qoomkiisa Eebe wuxuu idin fari inaad gawraedaan sac,
waxayna dheheen miyaad nagu jees jeesi, wuxuuna yidhi waxaan ka magangali Eebe
inaan ka mid noqdo Jaahiliinta. (68) waxaayna
dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahaye, wuxuuna yidhi Eebe wuxuu
leeyahay waa sac oon duq ahayn yarayna, oo u dhaxaysa taas (labadaas) ee fala waxa laydin fari. (69)
waxay dhaheen noobari Eebahaa ha noo caddeeyo Midabkeeda, wuxuuna yidhi Eebe
wuxuu leeyahay waa sac Boora ah, booranimadeed darantahay, oo ka farxin (cajabin) kuwa eegi. (70) waxay dhaheen no hari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay
tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga, kaana shabbahday (isu
ekaatay) Lo'dee, hadduu Eebe doonana waan
toosaynaa. (71) wuxuu yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa
sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna Beerta, wayna ka
nabadgashantahay (eeeb)
midab kalana ma leh, waxay dheheen haddaad la timid dhabta, markaasay gawraccen
Siccii, waxayna udhwadeen inayna falin. (72) xusa markaad
disheen naf ood isku khilaafteen Eebana wuu soo bixin (muujin) Waxaad qarineyseen. (73) waxaan ku nidhi
ku garaaca kan
la dilay Saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebe wixii dhintay, idiina tusin
aayaadkiisa si aad wax u kastaan. (74) markaasay
ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama waa ka
darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuway ka burqadaan wabiyaal,
waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo. (75)
ma waxaad damcaysaan Mu'miniintaay inay rumeeyaan yuhuudda xaqa oy (idinraacaan) iyahoo kooz ka mid
ahi ay maqlayaan hadalka Eebe (Towreed) haddana ay xarrifaan (leexiyaan) intay kaseen kadib, iyagoo og (inay
gafsanyihiin). (76) markay la
kulmaan kuwii rumeeye (xaqana) waxay dhahaan waan rumaynay, markuu qaarkood qaarka kale
la kaliyoobana waxay dhahaan ma waxaad uga sheekaynaysaan (u
qireeysaan) Mu'miniinta, waxa Eebe idiinfaray (oo xaqnimada NabigaMuxamed ah) si
ay idiinkula doodaan Eebe agtiisa miyaydaan waxkasayn. (77)
miyayna ogayn in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay muujin. (78) waxaa ka mid ah Ehelu Kitaabka kuwo aan wax qorayn
waxna akhriyeyn, oon aqooninna Kitaab (Towreed) hasa yeeshee rumayn yididiilo, waxaan malo ahayna kuma
socdaan. (79) halaag wuxuu u sugnaaday kuwa ku
qoraya Kitaabka (Towreed)
Gacmhooda hadana dhihi kani wuxuu ka yimid xagga Eebe si ay qiimo yar ugu
gataan, halaag baana ugu sugnaaday waxay qori Gacmahoodu, halaag baana ugu
suganaaday waxay kasban. (80) waxay dhaheen
yuhuud nama taabanayso naaru waxaan ayaamo tirsan ahayn, waxaad dhahdaa ma
ballan baad ka qaadateen Eebe agtiisa oosan idinkaga baxayn Eebe ballankiisa.
mise waxaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn. (81)
saas ma aha ee ruuxii kasbada xumaan oo uu koobo gafkiisu ciddaasi waa
asaxaabta naarta, wayna ku waari dhexdeeda. (82)
kuwa rumeeyey (xaqse) oo camal
wanaagsan sameeya kuwaasi waa asaxaabta Jannada wayna kuwaari dhexdeeda. (83) xusa markaan ka qaadnay Banii Israa'iil ballan inaydaan
caabudin Eebe mooyee, iyo inay u sama falaan labada Waalid iyo qaraabada,
agoonta masaakiinta iyo inay u dhahaan wanaag, salaaddana ooaan bixiyaana
sakada, markaasaad jeesateen in yar oo ininka mid ah mooyee, idinkoo jeedsan. (84) xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) inaydaan iska daadin Dhiig (inaydaan
isdilin) aydaan qaarkiin (qaarka
kale) Guryihiinna,ka bixinin markaasaad
aqoonsateen arrintaas idinkoo marag furi. (85) hadana waxaad
ahaateen kuwo dili Naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah Guryahooda,idinkoo
isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo haddii la qafaashana waad
furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu, Miyaad
rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar, ruuxii saas fala oo
idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta qiyaame oo loo celin
cadaab daran mooyee, Eebana ma halmaamayo waxaad falaysaan. (86) kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo (ee dhaw) aakhiro, lagamane
fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro. (87)
dhab ahaan yaan u siinnay (Nabi) musse Kitaabka, waxaana raacinnary gadaashiis Rasuullo,
waxaana siinnay (Nabi)
Ciise Ibnu maryama Mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinay ruux daahir ah (Jibriil) marastoose idiinla
yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn (xaqa) ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan. (88) waxayna dheheen yuhuud quluubtanadu waxay ku sugantahay
dabool, saas ma aha ee waa la nacladay gaalnimadooda darteed wax yar bay
rumeeyn. (89) markuu uga yimid Yuhuud Kitaab
xagga Eebe isagoo rumeyn waxa agtooda ah (Tawreed) horayna u ahaayeen kuwa ku gargaarsada kuwii gaaloobay,
markuu yimid waxay garanayeen way ka gaaloobeen Nabiga, naclad korkooda ha
ahaato, gaaladee. (90) waxaa u xun
waxay ku gataan Naftooda inay ka gaaloobeen xaqa Eebe soo dajiyey xasad
dartiis, ku soo dajinta Eebe fadligiisa ciduu doono, oo adoomadiisa ka mid ah,
waxayna la noqdeen Cadho Cadho kale lagu kordhiyey, gaalana waxaa u sugnaaday
cadaab wax dulleeya. (91) marka lagu
yidhaah Yuhuudda rumeeya waxa Eebe soo dajiyey waxay dhahaan waxaannu rumeeyn
waxa nalagu soo dejiyey, wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah
oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa maxaad ugu disheen nabiyada Eebe
horay haddaad Mu'miniin tihiin. (92) dhab ahaan yuu
idiin la yimid (Nabi)
Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen Dibi (ilaah) isaga kadib idinkoo daalimiin ah. (93)
xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta
Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin
siinay xoog (niyadadag)
maqlana (xaqa)
waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey
quluubtooda (jacaylkii)
Dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda
darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu haddaad
muuminiin tihiin. (94) waxaad dhahdaa
hadday daarta aakhiro idinka uun idiinsugnaatay Dadka kale ka sokow jeelaada
geeti haddaad run sheeqaysaan. (95) man jeelaanayaan
(Geerida) waligood, waxat
hormardadeen Gacmahoodu darteed, Eebana waa ogyahay daalimiinta. (96) dhab ahaan waxaad ugu ogaan Yuhuudda inay ugu dadaal
badanyihiin nolosha, kuwa Gaalada ah qaarkood wuxuu jeeelyahay in la cimrisiiyo
kun Sano, cimrigaasna kama fogeeyo cadaab
Eebana waa arkaa waxay camal fali. (97) waxaad dhahdaa
ruuxi Col u
ah (Malaku) Jibriil (waa Colka Eebe) maxaayeelay wuxuu
ku dajiyey Qalbigaaga Idin Eebe dartiis, isagoo rumeyn Quraanka wixii ka
horeeyey waana Hanuunja iyo Bishaarada Mu'miniinta. (98)
ruxii col Eebe ah, Malaa'igtiisa, Rasuuladiisa, Jibriil iyo Miikaa'iil Eebana
Colbuu u yahay Gaalada. (99) dhab ahaan yaan
kuugu dajinay Aayaad Cad cad kamana gaaloobo Faasiq cid aan ahayn. (100) markastooy ballantamaana Yuhuuddu waxaa tuura (buriya) ballanka koox ka
mid ah, saas ma ahee Yuhuudda badankood waxba ma rumeeyn. (101)
markuu uga yimid Rasuulku xagga Eebe isagoo rumayn waxa agtooda ahna (Tawrced) waxay ka tuuraan
koox ka mid ah kuwii Kitaabka la siiyey (culimada Yuhuudda) Kitaabka Eebe Dhabarkooda Gadaashiisa, waxayna la mid
yihiin iyagoon garanayn. (102) waxay raaceen
Gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi
Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta yaa Gaalowday,
waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee
Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan
waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya
Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la'aantiis, waxayna
bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu
ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baasleh Sixirkay
Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin. (103) hadday kuwa (Sixirkabaran) rumeeyaan xaqa oy
dhawrsadaan wanaag kuabaalamarinta Eebe yaa u Khayr roon hadday ogyihiin. (104) kuwa xaqa rumeeyow ha dhihina na ilaali ee dhaha na
sug maqlana, Gaalana waxaa a sugnaaday cadaab daran. (105)
ma jeela kuwii Gaaloobay oo ehelu Kitaabka ahaa (Yuhuud
iyo Na- saara) lye Gaaladii Carbeed in Iaydinku soo
dajiyo khayr xagga Eebe ka yimid. Eebana wuxuu ku kaliyeelaa Naxariistiisa
ruuxuu donna, Eebana fadligiisu (Khayrkiisu) waa waynyahay. (106) waxaan tirro
oo aayad ah ama aan dib u dhigno waxaan keenaynaa mid ka khayrbadan ama la mid
ah, miyaadan ogayn in Eebe wax kastoos (doono) uu karo. (107) miyaadan ogayn
in Eebe leeyahay xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Idinmana sugnaanin Eebe ka
sokow sokoeye iyo gargaare midna. (108) mise waxaad
dooneeysaan inaad wax warsataan Rasuulkkiinna sidii loo warsaday (Nabi) Muuse mar hore
ruuxii ku bedasha Gaalnimo limaan wuxuu ka dhumay Jidka toosan. (109) waxay jeelyihiin in badan oo ehelu Kitaab ah (Yuhuud iyo Nasaara) inay idiin
eeliyaan iimaankiina ka dib Gaalo, Xasad naftooda ka yimid dartiis, intuu xaqu
u eaddaaday ka dib, ee iska eafiya iskana saamaxa inta Eebe ka keeni amarkiisa (Ia dagallankooda ama islaamkooda)
Eebana waxkastuu doono wuu karaa. (110) Salaaddana
ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka
helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa. (111) waxay dhaheen ma galo Jannado ruuxaan Yuhuud ahayn ama
Nasaaro, taasina waa yididiilo (been ah) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan. (112) Ruuxiise u hogaamiya Wajigiisa Eebe isagoo soma fala
ah, wuxuu ku Ieeyahay Ajrigiisa Eebe agtiisa, mana cabsadaan mana walbahaaraan.
(113) Yuhuud waxay tidhi Nasaaro waxba ma aha, Nasaarana
waxay tidhi Yuhuudu wax ma aha, iyagoo akhrin Kitaabka (Tawreed
iyo lnjiilba) saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna
«Gaaladii Carbeed», hadalkoodoo kale, Eebana wuu kala xukumin dhexdooda
Maalinta Qiyaame waxay isku diidanaayeen. (114) l cidna kama dulmi badna ruux reebay (diiday) in masaajidda Eebe dhexdiisa lagu xuso Magaeiisa, una
eamal fala say u kharaahi Iahayd (Masaa-Jiddu ) kuwaas (Gaalada ah) Xaq uma leh inay galaan Masaajidda iyagoo eabsan mooyee,
Adduunka waxay ku mudan dulli Aakhirana Cadaab Wayn. (115)
Qorax ka soo box iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa
Jaho Eebe (markaad Qiblada garanweydaan) Eebana waa waasac (Naxariistiisu) wax walbana og. (116) waxay dhaheen
Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u
sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan. (117) isagaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka, markuu doono
arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa. (118) 1I waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn (Gaaladii) muxuu Eebe nooola hadli waayey ama noogu imaan wayday
aayad, saaso kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is
Shabbahday (isu ekaatay)
qulubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin. (119) anagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo Bishaarayn
Digana, lagu warsanna maayo ehelka (Naarta) Jaxiimo. (120) Kaama raalli
noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raaedo Diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka
Eebaa hanuun ah, haddaad raaedo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebe sokeeye iyo Gargaare (midna). (121) kuwaan siinnay Kitaabka waxay u raacaan raacid Xaq ah (u akhriyaan) kuwaasina waxay
rumeyn Qurannka, ciddii ka Gaalowdana Quraankase (ama
Nabiga) waa cidda Khasaartay uun. (122) Banii Isra'iilow xusa Niemadaydii aan iddinku
Niemeeyey iyo inaan idiinka fadilay adduunka (Waqtigiinii). (123) ka dhawrsada
maalintayna Nafna naf kale ka abaalmarinaynin waxba, Furashana aan laga
aqbalayn, Shafeeeana ayan anfaeayn oona loo gargaarayn. (124)
xusuusta marka Eebe ku imtixaamay Nabi Ibrahim kalimooyin (ereyo) uuna dhameeyey, kuna yidhi waxaan kaaga yeeli Dadka Imaam,
wuxuuna yidhi (Ibrahiim)
Caruurtaydana (kayeel) (Eebe) wuxuu yidhi
ballankaygaa (liican) ma
gaadho daalimiinta. (125) xusuuso
markaan ka yeeley baydka (Kaebada) meel Dadku ku kulmo, iyo Nabadgalyo kana yeesha Maqaamka
Ibrahim meel lagu tukado, waxaan u waxyoonay Nabi Ibrahim iyo Ismaaeiil inay u
daahiriyaan baydkayaga kuwa dhawaafi, kuwa ku nagi, iyo kuwa Rukuuei ee
sujuudi. (126) xusuuso markuu yidhi (Nabi) Ibraahim Eebow
kayeel Magaaladan (Maka) aamin kuna Arzaaq Dadkeeda Midho kooda rumeeya Eebe iyo
Maalinta dambe (Qiyaamada) (Eebe) wuxuu yidhi iyo
kan gaalobaba waan u raaxayn in yar markaas waanu galin Cadaabka Naarta meel la
ahaadana iyadaa u xun. (127) xusuuso markuu
kor yelay Nabi Ibraahim Tiirarka Kaebada iyo Nabi Ismaaeiil iyagoo leh Eebow
naga aqbal adaa waxna maqla waxna oge, (128) Eebow naga
yeel kuwa kuu hogaansama, Faraeanagana ka yeel Umad kuu hogaansama nana tusi
eamalkannaga (Xajka)
nagana toobad aqbal adaa toobad aqbalbadane. Wanaaghabadane ahe. (129) Eebow u soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya
aayaadkaaga barana Kitaabka (Quraanka) iyo xigmada (sunada Nabiga) oo nadiifiya adigaa adkaade, Falsame ahe. (130) Yaa naea diinta Nabi Ibraahim ruux xumeeyey naftiisa
mooyee, waana doorannay Nabi Ibraahim, adduunyada, aakhirana wuxuu ka midnoqon
kuwa suusuuban. (131) xusuuso markuu Eebe ka yidhi
hogaansan oo uu yidhi waan u hogaansamay Eebaha Caalamka, (132)
wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibraahim Caruurtiisa, Nabi Yacquubna wuu u dardaarmay,
wuxuuna yidhi Carrurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay Diinta ee ha dhimanina
idinkoon Muslim ahayn. (133) miyaad joogten
(Yuhuuday) marka Geeridu u
timid (Nabi)
Yacquub markuu ku yidhi Caruurtiisa maxaad caabudaysaan Gadaashay, ayna dheheen
waxaan caabudaynaa Eebahaaga iyo Eebaha Aabayowgaa Ibraahim, Ismaeiil iyo
Isxaaq Eebe kaliya, isagaana u hogaansamaynaa. (134)
taasina waa ummad taktay, waxayna Mudatay waxay kasbatay, idinkuna waxaad
mudanaysaan waxaad kasbateen, laydina warsan maayo waxay Camalfalayeen. (135) waxay ku dhaheen Gaaladii Muslimiinta ama Yuhud noqda
ama Nasaara aad hanuunteene, waxad dhahdaa mayee milladda (Diinta
Nabi) Ibraahim yaan raacaynaa ee Xaqa u
iishay, kamana mid ahayn Gaalda. (136) waxaad dhahdaan
waxaan rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyay
Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub. iyo Caruurtoodii iyo wixii la siiyay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise iyo wixi
laga siiyey Nabiyadii (Kale) xagga Eebohood kala gaynamayno dhexdooda, waxaan u
hogaansamaynaa Eebe. (137) hadday u
rumeeyaan saad u rumayseen way hanuuneen, hadday jeedsadeenna waxay ku
suganyihiin khilaaf, waxaana idinka kaafin Eebe isagaa wax maqla waxna oge. (138) ku sugnaada Diinta Eebe, yaa ka fiican Diinta Eebe (ma jiro) isagaana
caabudaynaa. (139) waxaad dhahdaa Nabiyow ma waxaad
igula doodaysaan Eebe isagoo Eebahanno iyo Eebihiinna ah, anaguna Camalkanagu
noo sugnaaday idinkuna Camalkiina, isagaana u kali yeelaynaa Diinta. (140) mise waxaad dhahaysaan Nabi Ibraahim, Ismaeiil,
Isxaaq, Yacquub iyo Caruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara, waxad dhahdaa
ma idinkaa wax og Mise Eeben yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebe
ku yeeshay, Eebana ma halmaamo waxaad falaysaan. (141) taasi waa umad tagtay, waxayna mudan waxay kasbatay
idinkuna waxaad mudaynasaan waxaad kasbateen, laydin warsannamaayo waxay
camalfalayeen.
Juz' 2
(142) waxay dhihi kuwii xumaa ee
Dadka (Gaalada) ka
mid ahaa maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay Qaabilijireen (Baytul Maqdis) waxaad dhahdaa
Nabiyow Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin Ciduu
doono Jidka toosan. (143) saasaan idinka
dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo
markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato
ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe
hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka. (144) dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee
Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga
xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa,
kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma
halmaansana waxay Camal fali. (145) hadaad ula
timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma
raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan
raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi
kuu yimid (waxyiga Eebe),
waxaad ka mid noqon daalimiinta. (146) kuwaan siinay
Kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan Caruurtooda. koox kamid ahna waxay qarin
xaqa iyagoo og. (147) xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebahaa
ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya. (148) cidwalba waxay
leedaahay joho ay dhawrto (raaedana) ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin
keeni (oo idin kulmin)
dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono), (149) meelkastood u
baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka
ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan. (150) meelkastood u
baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u
jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa
Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku
sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga
cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan. (151)
«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo
idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga,
idinna bara waxaydaan aqoonin. (152) ee I xusa aan
idin Xusee (ajir idin siiyee) iguna
mahadiya hana iga Gaaloobina. (153) kuwa (Xaga) rumeeyow
kaalmaysta Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree. (154) hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas
ma aha ee waa noolyihin, mase kaseysaan. (155) , waxaan idin
ku Imtixaannaynaa wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo
midhaha, ee u Bishaaree kuwa Samra. (156) kuwaas markuu
dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa. (157) kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo Naxariistiisa,
waana kuwa hanuunsan. (158) Safo iyo Marwo
waxay ka midyihiin Calaamooyinka )Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra
hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku
mahdin wuuna ogyahay. (159) Kuwa qariya
waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka
kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta
iyo Mu'miniinta). (160) Marka laga
reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad
aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan. (161)
Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe
iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan. (162) Waxayna
kuwaari dhexdeeda (naarta iyo
nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka
Loomana sugo. (163) Eebihiin waa Eebe kaliya isaga
mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste. (164) Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta
Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe
ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib,
kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo
sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi. (165) Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax
lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka
daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan
lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay. (166) markay iska bariyeelaan juwii la raacay kuwii raacay,
oy arkeen Cadaabka kalana go day xidhiidhkoodii. (167)
waxayna dhaheen kuwii raacay haddii nala celiyo waan iska bariyeeli lahayn
xaggooda say iska kaanna bariyeeleen, saasuuna Eebe u tusiyaa camalkooda (168) Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican
ah hana raacina Wadooyinka Sheydaanka illen Cadaw ead buu idiinyahaye, (169) wuxuuna idin fari uun xumaan iyo Macsiyo iyo inaad ku
sheegtaan Eebe waxaydaan ogayn. (170) marka lahu
dhaho Gaalada raaca wuxuu soo dajiyey Eebe, waxay dhihi saas ma aha ee waxaanu
eaaci waxaan ka helley Aabayowganno (oo caabudi) oo hadday yihiin Aabayowgood kuwaan wax kasayn
Hanuunsanayna (miyey raaci), (171) waxay la midyihiin kuwii Gaalobay mid u dhawaaqay (Heesi) waxaan wax
maqlayn, kasayna Qaylada iyo Dhawaaqa mooyee, wax ma maqlaan mana hadlaan waxna
ma arkaan, waxna ma kasaan. (172) kuwa Xaqa
rumeeyow wax ka Cuna wanaagaan idinku aezuqnay, kuna mahdiya Eebe hadaad tihiin
kuwo isaga Caabudi. (173) wuxuu uun
idinka reebay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebbe Magiciisa
waxaan ahayn lahu gawraco ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi masaara (inuu) wax ka cuno Eebana
waa dambi dhaafbadane Naxariisbadan. (174) kuwa qariya
waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaabka ah (Quraanka) kuna gata lacay yar kuwaasi kuma cunayaan (ma galinayaan) Calooshooda waxaan
Naar ahayn, lamana hadlo Eebe Maalinta Qiyaame mana daahiriyo waxayna Mudan
Cadaab daran. (175) kuwaasi waa kuwa ku gatay baadida
Hanuun, Cadaabna dambidhaafid maxaa uga adkaysi badan Naarta. (176) arrintaas waxa ugu wacan in Eebe u soo dejiyey
kitaabka xaqa ah kuwii iskudiiday kitaabkana waxay ku suganyihiin khilaaf Fog. (177) Samo falku ma aha inaad wajiga u jeedisaan Qorax ka
soo bax iyo Qorax u dhac laakin sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame
Malaa'igta. Kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jeeel Qaraabada,
Agoonta, Masaakiinta, Masaafirka, kura baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda,
bixiyana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkaystana) Waqtiga
saboolnimada. Kirrada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ky runsheeqay
Iimaankooda waana kuwa dhawrsada. (178) kuwa xaqa
rumeeyow wxaa laydinku waaJibiyey Qisaasta Dadka la dilo, xurta xurbaa loo
qisaasan, Adoonkana addoon, Haweeneydana Haweeney, ruxiise looga cafiyey
Walaalkis (xaggiisa) wax
waxaa saarun inuu si fiican u raaco isna Si fiican Loogugudo, taasina waa
fudayd xagga Eebe iyo naxariis, ruuxiise xadgudba intaas ka dib wuxuu mudan
Cadaab daran. (179) waxaa idinku sugan Qisaasta nolol
Dadka wax garadka ahow waxaadna mudantihiin inaad dhawrsataan. (180) waxaa laydinku waajibiyey markaad Dhimanavsaan hadaad
ka tagav saan Xoolo dardaaranka Waalidaynka iyo Qaraabada si wanaagsan, Xaq
vayna ku tahay kuwa dhawrsada. (181) ruuxiise
badala dardaaranka intuu maqlay ka dib dambigu wuxuu saaranyahay uun kuwa wax
badala, Eebana waa maqle og. (182) ruuxii uga
cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi
masaara, Eebana waa dambi dhaafbadane naxariis badan. (183)
kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii
idinka horreeyey si aad u dhawrsataan. (184) waa Maalmo
tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamp
kale (soonkood) kuwa
uu dhibina waxay bixin «quudin» Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inad Soontaan yaana idiin khayrbadan
haddaad tihiin kuwo wax og. (185) waa bisha Soon
ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn
hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo
kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad
dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u
dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe. (186)
hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa
(aqbalaa) baryada markay i
baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan. (187) waxaa laydiin banneeyey inaad Habeenka Soonka is
aragtaan Haweenka, maxaayeelay dhar (asturaad bay) idiinyihiin, idinkuna dhar (asturaad
baad) u tihiin, Eebana wuxuu ogaaday inaad
Khayaamayseen Naftiinna. wuuna idinka toobad aqbalay idina cafiyey ee haddu u
tega Haweenkiina kana doona waxaa Eebe idiinku Qoray, Cuna oo Cabbana intuu ka
muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madow Aroortii, dhammeeyana Soonka tan iyo Habeenka
hana u tagina Haweenka idinkoo ku nagi Masaajidda taasina waa xuduudda (Soohdinta) Eebe ee haw
dhawaanina, saasuuna ugu Caddayn Eebe aayaadkiisa Dadka si ay u dhawrsadaan, (188) hana ku Cunina Xoolihiinna dhecdiinna si baadhil (Xaq darri ah) idinkoo u dhiibi (Laaluush) Xukaamta si aad
ugu cuntaan qayb ka mid ah Xoolaha Dadka dambi idinkoo og. (189)
waxay ku warsan Nabiyow Bisha ee waxaad Dhahdaa waqtigay (mudday) ugu tahay Dadka iyo Xajka, mana aha Samo falku inaad ugaga
timaadaan Guryaha xagga dhabarka ee sama fal waa ruuxii dhawrsada, ugagana
immadda Guryaha Albaabada, kana dhawrsada Eebe waxaad u dhawdihiin inaad
Liibaantaane. (190) kula dagaalama Jidka Eebe kuwa
idinla dagaalama, hana xadgubina Eebe ma jeelee kuwa xadgudbee. (191) ku dila meejaad ka heshaanba, kana bixiya meejey idin
ka bixiyeen, Gaalnimaa ka daran Dilka, ha kula dagaalamina Masajidka Xurmaysan
agtiisa intay idinkula dagaalamaan Dhexdiisa, haddayse idinkula dagaalaan la
dagaalama, sasaa abaalka Gaalda ahe. (192) haddayse
reebtoomaan Eebe waa dhaafidbadanae naxariis badan. (193)
la dagaalama intaan la helin gaalnimo, oo Diintu u ahaan Eebe, hadday
reebtoomaan lalama Collaytamo cidaan xadgudbayn. (194)
Bisha Xurmaysan (dagaalkeeda)
waxaa laga horgayn bisha Xurmaysan, waxyaalaha xurmaysanna Qisaasbaa ah, ee
ciddii idinku xadgudubta ku xadgudba «ku abaal mariya» intuu idinku xadgudbay
wax la eg, Eebana ka dhawrsada, ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (195) ku nafaqeeya (ku bixiya wax) Jidka Eebe, hana ku tuurina Gaemihiina halaag (waxbixin la'aan) wanaagna fala,
Eebe wuxuu jecelyahay kuwa wanaaga fala. (196) dhamaystirana
Xajka iyo Cumrada, haddii laydin sharana waxaa idiin saaran wixii fuduudaada oo
hadya ah (inaad gawraedaan) hana
ciirina madaxiina intay ka gaadhi hadyada meejeeda, ruuxi idinka mid ah oo buko
ama dhib madaxa kaga yaallo, waxaa saaran Fidyo (Furasho) Soon ah, ama Sadaqo, ama gawrae, markaad aamin noqotaan
ruuxii cumro iyo Xajku ku raaxaysta (kulmiya) waxaa saaran wixii Fududaada oo hadya ah (gawrae), ruxaanse helin ku
Soon Saddex maalmood Xajka iyo todoba markuu ku noqdo gurigiisii, taasina waa
toban buuxda, waase ruuxaan deganayn Masaajidka la xurmeeyey (maka) ka dhawrsada Eebe
ogaadana in Eebe yahay kay darantahay Ciqaabtiisu. (197)
Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu
iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe,
ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada
kuwa caqliga lahow. (198) korkiina wax
dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe
mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa
hortiis kuwa dhunsan. (199) markaas ka
gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi
dhaafe naxariistee. (200) markaad
gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa,
Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn
Aakhiro qayb. (201) waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi
Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka
Naarta. (202) kuwaasi waxay mudan qayb waxay
kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu. (203) xusa Eebe
maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood
dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana
in xagiisa laydiin soo kulmin. (204) Dadka waxaa ka
mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa
qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan. (205) markuu
jeedsadana, soeda dhulka fasaad darteed iyo inuu halligo beeraha iyo faracaba,
Eebana ma jeela fasaadka. (206) marka loo
dhoho ka dhawrso Eebana waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan
jahannamo iyadaana u xun gogol. (207) dadkana waxaa
ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raali ahaanshah Eebe, Eebana waa u
naxariistaha addoomada. (208) kuwa xqqa
rumeeyow u gala Islaamka dhammaan (kuna camal fala) hana raacina Waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col
Cade. (209) haddaad simbiriiraxataan intuu
idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade falsan. (210)
miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo
Malaa'igtu lana xukumo amarka, xagga Eebaana loo celin umuuraha. (211) waydii Banii Israa'iil imisaan siinay Aayad Cad,
ciddii badasha Nicmada Eebe intay u timid, Eebe Ciqaabtiisu waa ku darantahay. (212) waxaa loo qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee
adduun, waxayna ku jees jeesaan kuwa rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka
sarrayn Maalinta Qiyaame, Eebana wuu Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan. (213) dadky wuxuu ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey
Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu
xukumaan Dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa
kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis,
wuxuuna ku hanuuniyey Eebe waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii
rumeeyey, Eebana wa ku hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan. (214) ma waxaad u maleyseen inaad galaysaan Jannada isagoon
idiin imaanin wixii u yimid kuwii tegay ee hore oo kale, waxaa taabtay Baahi
iyo Cudur, waana la gilgilay intuu ka dhaho Rassulku iyo kuwa rumeeyey lana
jira, waa goorma gargaarka Eebe, gargaarka Eebana waa dhawyahay. (215) waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad
bixisaan oo khayr ah waxaa mudan Labada waalid qaraabada, Agoonta, Masaakiinta
iyo Soodaha Waxaad fashaana oo kahr ah Eebe waa ogyahay. (216)
waxaa laydinku waajibiyey Dagaal idinkoo neceb, waxaa laga yaabaa inaad nacdaan
wax, isgoo khayr idiin ah, waxaana laga yaabaa inaad jeelaataan wax isagoo shar
idiin ah, Eeba wax og idinkuse ma ogdin. (217) waxay ku
warsan Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la
mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa
waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan
iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka
wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla
dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba
Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo
aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda. (218) kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii Hijrooday ee ku jahaaday
Jidka Eebe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebe, Eebana waa dambidhaafe
naxariista. (219) waxay ku waydiin Khamrada iyo
Qamaarka waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda Dambi weyn, iyo wax Naefi ah
dambigooda yaana ka weyn naefigooda, waxayna kuwaydiin maxay bixiyaan, waxaad
dhahdaa (bixiya)
saa'idka, saasuuna Eebe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudantihiin inaad
fikirtaan. (220) adduun iyo aakhiraba (inaad ka fikirtaan) waxayna ku waydiin
agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa kahyrbadan, haddaad dheehdaana waa
Walaalihin, Eebana waa ogyahay cidda waz fasaadin iyo kan hagaajin, haduu doono
Eebana wuu idin dhibi lahaa, Eebana waa adkaade falsan. (221)
ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan
xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay
cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u
guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka
khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku
yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa,
wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan. (222)
waxay ku waydiin Caadada (Ilaweenka) dheh waa dhib (wasakh) ee ka fogaada meeja Caadada, hana u dhawaanina intay ka
daahir noqon, markay daahir noqdaan uga taga meejuu idinfaray Eebe, Ilaahaynna
wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya. (223) Ilaweenkiinnu beerbay iddinyihiin ee ugutaga
beertiinna saad doontaan «oo bannaan» una hormarsada naftiinna «wanaag» Eebana
ka dhawrsada ogaadana inaad la kulmaysaan Eebe una bishaaree Muminiinta. (224) ha uga yeelina Eebe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo
falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn Dadka dhexdiisa, Eebana waa maqle wax og.
(225) iddin ma qabanayo Eebe dhaar qasad la 'aaneed, wuxuuse
idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebana waa dambi dhaafe dul badan. (226) kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan
iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka
noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (227) hadday
goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah. (228) Haweenka la
furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa
Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe.
Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas
dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna
waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu
sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan. (229)
furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn
fiican, mana bannaana inaad ka qaadataan waxaad siiseen wax, inay ka cabsadaan
inayn oogin xuduudda Eebe Mooyee, haddaad ka cabsataan inayan oogin xuduudda
Eebe wax dhib ah ma saarro korkooda waxay isku furato, tassi waa xuduudda Eebe
ee ha tallaabina ruxii tallaaba xuduudda Eebe kuwaasi waa daalimiinta. (230) hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin
kale, hadduu (kaasi) furana
dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda
Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og. (231) haddaad
furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si
fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala
sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees,
xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab
iyo xigmad ah (Sunnada) wuu
idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta
ogyahay. (232) haddaad furtaan Haweenka oo ay
gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan
si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn
Eebe iyo Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana
waa ogyahay idinkuna ma ogidin. (233) waalidaadka (Hooyooyinku) waxay nunjin
Caruurtooda Labo Sano oo dhamaystiran Cidii doonta inay taamyeesho nuugidda,
kan wax loo dhalayna waxaa saaran Cunadooda iyo arradbaxooda si fiican lagumo
dhibo naf waxayna awoodin laguma dhibo Hooyo Ilmaheeda dartiis (lamana dhibo) aabo ilmihiisa
dartiis, kan wax dhaxlaya waxaa saaran taaso kale, hadday doonaan gudhin iyagoo
raali ah iyo wadatashi dhib ma saarra korkooda, haddaad doontaan inaad ka
nuujin dalabtaan Caruurtiina (Haweenay Kale) dhib korkiinna ma saarra haddaad udhiibtaan waxaad
bixinaysaan si fiican, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in waxaad camalfalaysaan
Eebe arko. (234) kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah
oo ka taga Haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah
idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebana waxaad falaysaan waa
ogyahay. (235) dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku
qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu
yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka
intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii
na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay. (236) dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan
idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna
qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada. (237) haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay
mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka
gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama
waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse
dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa. (238) xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta
badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci). (239) haddaad
cabsataan Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa
Eebe siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada). (240) kuwa la
oofsado (dhinto)
idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo
Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah,
Eebana waa adkaade falsan. (241) kuwa la furo
waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada. (242) saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad
kastaan darteed. (243) ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay)
kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kuman ah digtooni geeri darteed, markaas ku
yidhi Eebe dhinta, soona nooleeyey, Eebana waa saaxibul fadli (dheeraad) Dadka korkiisa,
Dadka badankiisuse kuma mahdiyaan. (244) ku dirira
Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay. (245)
waa kuma kan
amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku
cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka. (246)
ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen
Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad
mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna
dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey
guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen,
in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta. (247)
wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen
sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo
Waasac ah (Badan)
wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe
wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu
siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og. (248)
Nabigoodii wuxuu ku yidhi calaamadda Xukunkiisu waa inay u timaado taabuud (sanduuq) oy ku jirto
xasiloonida Eebihiin iyo wax ka soo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo
ehelkii Haaruun oo Mala'igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan
haddaad tihiin Mu'miniin. (249) markuu la
baxay Dhaluut Askartii wuxuu yidhi Eebe wuxuu idinku imtixaami Wabi ee eidii ka
cabta igamid ma aha, ruuxaan wax ka dhadhaminna waa iga mid ruux ku qaata
gacanta qaadasho mooyee, waxayna ka cabbeen xaggiisa wax yar mooyee markuu
tallaabay isaga colkii rumeeyay la jiray, waxay dhaheen awood uma lihin Maanta
Jaaluud iyo colkiisa, waxayna dhaheen kuwii yaqiinsanaa inay la kulmi Eebe
badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan idinka Eebe, ilaahayna wuxuu la
jiraa kuwa Samra. (250) markay u soo
muuqdeen Jaaluud iyo Colkiisii waxay dhaheen Mu'miniintii Eebbow ku shub
korkannaga Samir, sugna Gomadahanaga noogana gargaar Qoomka Gaalada ah. (251) markaasay (Mu'miniintii) jabiyeen Gaaladii idinka Eebe, wuuna dilay Daawuud
Jaaluud, wuxuuna siiyey Eebe Daawuud Xukun iyo xigmo (Nabinimo
iyo Cilmi) wuxuuna baray wuxuu doono, hadayan
jirin ku reebidda eebe dadka qaarkood qaarka (kale) waxaa fasaadi lahaa dhulka hasayeeshee Eebe waa fadli u
saaxiib «u deeqe» caalamka. (252) taasi waa
aayadka Eebe waana kugu akhriyaynaa si xaq ah, adiguna Waxaad kamidtahay kuwa
la soo diray «Rasuulada»;
Juz' 3
(253) kuwaasu waa Rasuuladi Waana ka fadilnaa qaarkood warka (kale) waxaa ka mid ah
kuwo la hadlay Eebe wuuna koryeelay qarkood darajooyin. waxaana siinay Ciise Binu
Maryama xujooyin, Waxaana ku xoo jinay ruuxdii dahirka ahayd Malaku Jibriil.
haduu Ebe doono ismalaayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib.
laakiin way is khilaafeen waxaa ka Midah mid rumeeyay (xaqa) waxaana kamidah mid ka gallobay. haduu Ebe doonana isma
laayeen. laakiin Eebe wuxuu falaa wuxuu doono. (254)
kuwa (xaqa)
rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor Imaatin maalin (Qiyaamada) oon gadasho jirin
iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah. (255)
Eebe Ilaahaan isada ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, Khalqigana maamula. Ma
qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka,
waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan
wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu
Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn. (256) Igraah (Qasab) ma aha Diinta galideedu, Hanuunkii (limaanku) waa ka cadaaday (soocanyahay) Baadida (Gaalnimada) ruuxiise diida Dhaaquut (shayaadiinta
iyo xuma fare wixii ah) oo Tumeeya Eebe
wuxuu qabsaday xadhig (guntay) sugan oo adag (Islaamka) oon go'ayn, Eebana waa maqle og. (257)
Eeba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey xaqa, wuxuuna ka bixiyaa mugdiga (Gaalnimada) una bixiyaa Nuurka
(iimaanka), kuwa Gaaloobayna
gargaarahoodu waa Dhaaquut (Xumaan fare) wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa Mugdiga (Gaalnimada) kuwaasina waa
ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda. (258) ka warran (warkiisu nia ku soogaadhay) kit
kula murmay Nabi Ibraahim Eebihiis, (waa Namruud) in Eebe siiyey xukun markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebehay
waa Nooleeye Dile, maarkaa yidhi (Gaalkii) amba waan nooleeyaa oon dilaa, markaas Nabi Ibraahim yidhi
Eebe wuxuu ka keeni Qoraxda Bari ee ka keen Galbeed, markaasaa la wareeriyey (oo aamusay) kii gaaloobay, Eebana
ma hanunniyo Qoom daalimiin ah. (259) ka warran kii
maray magaalo iyadoo la duntay darbigeedii (oo cidla ah) markaas yidhi sidee Eebe u nooleyn midan dhimasho (kharaah) kadib markaasaa
Eebe dilay Boqol Sano (qadarkeed) markaasuu soo bixiyey wuxunna ku yidhi imisaad nagaatay
adigoo mayd ah, uuna yidhi waxaan nagaaday maalin ama maalin qaarkecd, uu kuna
yidhi (Eebe)
waxaad nagaatay Boqol sano: ee day Cuntadaada iyo Cabidaada, oon doorsoomin,
day Dameerkaaga waxaan kaaga yeeleynaa calaamo Dadka, day Lafaha sidaan u
sookoryeeeleyno (u nooleyn) una
huwinayno Hilib markuu u cadaaday xaalku wuxu yidhi waxaan ogahay in Eebe wax
walba karo. (260) Xusuusio markuu yidhi Nabi
Ibraahim Eebow i tusi sidaud u nooleyso wax a dhinia uuna yidhi miyaadan
rumeynin (Xaqa) oo
uu yidhi waan rumeeyey laakiin (waxaan doonay) inuu xasilo qalhigay^u maiktias (Eebc) yidhi qaad afar shimbirood una iil xagaaga (JarJar) kadibna yeel Buur
kasta qayb ka mid ah, markaas u ycedh waykuu imaan iyagoo ordi ogoowna in Eebe
adkaade Falsan yahay. (261) kiiwa ku
bixiya Xoolahooda Jidka Eebe waxay la midyihiin Xabbad (Masago
ah) oo bixisay Todobo Sabuul, Sabuul kastiina bixiyey Boqol
xabbo Eebe waa u Laab laabaa (Ajirka) Cidduu doono Eebana waa Deeq badane og. (262) kuwa ku bixiya Xuulahoooda Jidka Eebe markaasna
raacinin waxay bixiyeen Manno iyo dhib waxay ku mudan ajrigooda Eebahood
agtiisa, Cabsina korkooda ma ahaato, mana murugoon. (263)
hadal wanaagsan iyu dhaafid (Saamaxaad) yaa ka khayr badan Sadaqo uu raaco dhib, Eebana waa hodan
dulbadan. (264) kuwa xaqa remeeyow ha ku burinina
sadaqadiina Manno iyo dhib sida kan u bixiya xoolihiisa istusla Dadka, aan
rumeynin Eebe iyo Maalinta aakhiro, wuxuuna la mid yahay sida Sallax korkiisa
Carro lahay oo roob badan heley oo ma karaan kuwaasu wax ka mid ah waxay
kasbadeen (ajri kamahelaan)
Eebana ma hanuuniyo Qoom gaalo ah. (265) kuwa ku bixiya
Xoolahooda doonidda raali ahaanshaha Eebe iyo yaqiinsi naftooda (Khayrka) waxay la midyihiin
Beer ku taal meelsare oo heley Roob badan, oo markaas keentay Cunadeedii
Labanlaab hadduusan Roob - badan helinna nu helo Roob yar (Shuux) Eebana waxaad Camalfalaysaan wuu arkaa, (266) ma jecelyahay midkiin inay u ahaato Beer Timir iyo
Canabyo ah oy dareeri dhexdeeda Wabiyaal oos ku leeyahay dhexdeeda wax kastoo
Midho ah ayna hayso Da'weyni uuna leeyahay Carrur tabaryar oo markaas beertii
Assibto (ku dhaedo)
Dabayl daran oo dab wadata oo Gubatay Beertii Saasu Eebenidiinku eadeeyaa
aayaadkiisa si ad u fikirtaan. (267) kuwa xaqa
rumeeyow wax ka bixiya ka wanaagsan waxaad kasbateen, iyo waxaan idinka soo
bixinay Dhulka, hana u qasdina kan xun inaad wax kabixisaan, oo idinkuba aydaan
qaadateen, inaad indho laabtaan mooyee, ogaadana in Eebe yahay Hodan la
mahdiyo, (268) Shaydaanku wiixuu idiin yahoohi Faqri,
wuxunna idin fari xumaan, Eebana wuxuu idiinyaboohi dambi dhaaf iyo Fadl,
Eebana waa waasac (Deeqdiisu) waxna og. (269) wiixuu siiyaa
xigmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xigmona waxaa la siiyey khayr Badan, wax
waantoobo oon kuwa Caqliga leh ahayna majiro. (270)
waxaad bixisaan oo nafaqo ah (sadaqo) amaad ku nadartaan ou nadar ah Eebe waa ogyahay,
daalimiina gargaare uma sugnaanin. (271) haddaad
muujisaan Sadaqaadka waa fiicantahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada
yaa idiin khayr badan, wuunu asturi Eebe xumaantiina (Dambiga) Eebana waxaad falaysaan wuu ogyahay. (272)
korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebaase hanuuniya cidduu doono, waxaad
bixinaysaan oo khay ah naftiinaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebe
mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin
dulmiyeyn. (273) (waxaa
muta Sadaqadaas) fuqarada lagu koobay Jidka Eebe (Jahaadka) oon karin inay
dhulka ku safraan, wuxuna u malayn kaan ogayn Hodan dhawrsanaanta, waxaadse ku
garan Calaamadooda, umana waydiiyaan Dadka ku eeleelin waxaad bixisaan oo khayr
ah Eebe waa ogyahay (oo ka jasayn). (274) kuwa bixiya
Xoolahooda Habeen iyo Dharaarba qarsoodi iyo muuqaalba waxay ku mudan ajirkooda
Eebalhood agtiis, Cabsina korkooda ma ahaato iyo murug midna. (275) kuwa Cuna Ribada kama istaagaan (Qubuurahooda) siduu u istaago mid la dhiei Shaydaan taabasjadiis mooyee,
waxaana ugu waean arrintaas inay dhaheen Beecu (Gadashadu) waa sida Ribada, Wuu baneeye Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xarrimay
Ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii
horeeyey, amarkiisana waxaa (loo bandhigi) Eebe ruuxiise ku noqda (Ribada) kuwaasu waa asaxaabta (ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda. (276)
wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka, Eebana ma jeela Gaalnimo badane Dambi badan
Dhammaantiis. (277) kuwa rumeeyey xaqa, oo Camalfiican
falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyey sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood
agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato. (278)
kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe kana taga waxa hadhay oo Ribo ah haddaad
Mu'mintihiin. (279) haddaydaan falin (sidaas) ogaada Dagaal Eebe
iyo Rasuulkiisa, haddaad Toobad keentaanna waxaad leedihiin Raasamaalkii
Xoolihiina, wax dulminmaysaan idiina laydin ma dulmayo. (280) haddii
la helo isagoo caydh ah (kan wax laguleeyahay) ha
la sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan (ka
saamaxdaan) yaa idiin khayr badan haddaad
ogtihiin. (281) kana dhawrsada Maalinta laydiin
soo celin Eebe, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo. (282) kuwa xaqa rumeeyow haddaad wax kala Daynsataan tan iyo
muddo magacaaban quora hana idiin kala quoro dhexdiina qof si Cadaalad ah,
yunna diidin Quore inuu u qoro siduu wax u baray Eebe, ha quoro hana u yeedhiyo
kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu
yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabaryare ama uusan karin inuu yeedhiyo
ha u yeedhiyo Waligiisu si Caddaalad ah, maragana ka yeela Laba marag oo Rag
ah, haddaan laba Nin la helinna Nin iyo Laba haweenood ka raalli thiin marag
ahaan (laga yaabo) inay
midi halmaanto oo tankale Xusuusiso, yeyna diidin maragu haddii loo yeedho,
hana ka daalina inaad quortann wax yar iyo wax waynba tan iyo mudadiisa, saasaa
ku cadaaladbadan Eebe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin,
inay tahay Tijaara (Ganacsi) joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiina dhib (Dambi) ma aha inaydaan
qorin, Marag u yeela haddaad wax kala Gadanaysaan, yanna la dhibin Qore iyo
Marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiina, ka dhawrsada Eebe waxbuu idin
bariye, Eebana wax kasta waa ogyahay. (283) haddaad
safartihiin oydaan helin Qore rahan la qibloodo (ha
badasho qoridda) haddu qaarkiin aamino qaar ha siiyo
kii la aaminay amaanadiisa hana ka dhawrsado Eebihiisa barbaariyey, hana
qarinina maragga ruuxii qariyana wuu dambaabi Qalbigiisu' Eebena waxaad
camalfashaan waa ogyahay. (284) Eebaa iska leh
waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, hadaad muujisaan waxa naftiina ku sugan
ama qarisaan wuu idin ka xisaabin Eebe, wuuna u dhaafi cidduu doono ama
Caadaabi Ciduu doono, Eebena wax kasta (oo uu doono) wuu karaa. (285) wuu rumeeyey
Rasuulku wixii looga soo dajiyey Xaga Eebihiis, Mu'miniintuna (way rumeeyeen) dhamaana waxay
rumeeyeen Eebe, Malaa'igtiisa kulubtiisa iyo Rasuuladiisa, mana kala geynayno
mid ka mid ah Rasuuladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalay oon
adeecnay, dhaafidaada. Eebahanow xaggaagaana loo ahaan. (286)
kuma mashaqeeyo Eebe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda
ah waxay isu kasbatay (oo xumaano) Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu
xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu
xambaarin (dhibin)
waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noon naxariiso, adaa
gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.
Aal-i-Imraan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku tusin mucjisada Quraanka). (2) Eebe Haah kale majiro isaga mooyee, ee Nool, ee Maamula
khaliga. (3) Wuxuu kugu Dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Quraanka) si Xaq ah, isagoo
u Rumcyn wixii ka Horeeyey, wuxuuna soo Dejiyey Eebe Tawreed iyo Injiil (waqti). (4) Hore iyagoo Hanuun u ah Dadka, wuxuuna soo Dejiyey (Eebe) Furqaan (Quraanka) kuwa ka Gaaloobay
Aayaadka Eebe waxay Mudan Cadaab Daran, Lebana waa Adkaade Aarsada. (5) Eebana kagama Qarsoona Korkiisa waxba Dhulka iyo Samada
midna. (6) Waana Eebaha idinku Sawira (Abuura) Riximyada (Ilmo galeenka) siduu Doono, Eebe
mooyee Ilaah kale ma jiro waana Adkaade Falsan. (7)
Eebe waa kan kugu soo dejiyey Kitaabka, waxaana ka mid ah Aayado sugan (Macnahoodu Cadyahay) oo ah Hooyada
Quraanka (Asalkiisa) iyo
kuwa kale oo isu eg, kuwa Qalbigoodu leexasho ku jirto waxay, Raacraacaan kan
is shabaha (isu eg)
doonid Fidmo (Xumaan) iyo
doonid Ta'wiil (Leexin Fasir)
darteed, wax og Fasirka (kaasna) Ma jiro Eebe iyo kuwa ku Xididaystay Cilmiga mooyee,
waxayna dhihi waan rumeynay kaas, dhammaana wuxuu ka ahaaday Eebeheen agtiisa,
mana waantoobo kuwa caqliga lch mooyee. (8) Eebow ha iilin
Quluubtannada intaad hanuunisay ka dib. nagana sii agtaada Naxariis, adiga
unbaa bixinbadane ehc. (9) Eebow adaa u
kulmin Dadka Maalin darteed (Qiyaamada) oon shaki lahayn, Eebana ma baajiyo Ballanka. (10) kuwa Gaaloobay ugama taraan Xoolahoodu iyo Caruurtoodu
Eebe xagiisa waxha, kuwaasina iyaga umbaaah Shidaalka Naarla. (11) Waa sidii caadadii Fircoon iyo Ehelkiisii iyo kuwii ka
horreeyey, waxay beeniyeen Aayaadkangii, markaasuu Qabtay Eebe Dambigooda
dartiis, Eebana waa darantahay Ciqaabtiisu. (12)
Waxaad u dhahdaa kuwii Gaaloobay waa laydinka adkaan, waxaana laydiin soo
kulmin Jahannamo iyadaana u xun Gogol. (13) Waxaa iddinku
sugan Aayad Labo Kooxood oo kulmay (Dagaalarnay) Kooxu Waxay ku Dagaalami Jidka Eebe tan kalana waa Gaal,
waxyna ku arkaan Mu'miniinta laba Jibaarkood Xagga aragtida Isha, Eebana waa ku
ayidaa (Xoojiyaa)
Gargaarkiisa Cidduu doono arrintaasna waanaa ugu sugan Ciddii Arag leh (wax garan). (14) Waxaa loo qurxiyey Dadka Jacaylka waxa Naftu doonto oo
ah Flaween, Wiilal iyo wax badan oo laban laaban oo Dahab iyo qalin ah, iyo
Fardo laylyan oo darban, iyo Ancaamta (Xoolahanool) iyo Beeraha, arrintaasna waa raaxada Nolosha Aduun, Eebe agtiisaana
noqosho wanaagsan leh. (15) Maydiin ka
warramaa wax ka khayroon kiinaas, kuwa dhawrsada waxaa ugu sugnaaday Eebahood
agtiisa Jannoovin ay dareeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda iyo
Haween la Daahiriyey iyo raalli ahaansho Eebe. Eebana waa arkaa Addoomada. (16) ee ah kuwa dhihi Eebow anagu waan rumeynay ee noo dhaaf
Dambiyadanada nagana dhawr Cadaabka Naarta. (17)
Ee ah kuwa Samra ee Runloowgaah, ee Adeeca Eebe, ee wax bixiya, ee dambi dhaaf
warsada Aroortii. (18) Eebe wuxuu Qirayaa
inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, Malaa'igtuna (way
qiri) iyo kuwa Cilmiga leh, Maamulana
Cadaalad, Eebe kale ma jiro isaga mooyee waana adkaade Falsan. (19) Diintuna (Xaqa ah) Eebe agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la
siiyey Kitaabka intuu u yimid Cilmi mooyee, Xasad (Dulmi) dhexdooda ah dartiis, ruuxii ka Gaalooba Aayaadka Eebe
Ilaahay waa deg deg badantahay Xisaabitiisu (wuu
Ciqaabi). (20) Hadday kula
Xujaytamaan (Murmaan)
waxaad dhahdaa waxaan u Flogaamiyey Wajigayga Eebe (Ani) iyo inta i raaeday, waxaad ku dhahdaa kuwa la siiyey
Kitaabka (Ehelu Kitaabka) iyo
Umiyiinta (Wax aqoon) ma
Hogaansamaysaan (Hogaansama)
hadday bogaansamaana way Hanuuneen, Hadday Jeedsadaanna waxaa uun ku saaran -
Gaadhsiin, Eebana waa arkaa addoomada. (21) Kuwa ka
Gaaloobi Aayaadka Eebe oo u Dila Nabiyada Xaq darro oo Dila kuwa fara
Caddaaladda oo Dadka ka mid ah ugu Bishaaree Cadaab Daran. (22)
Kuwaasi waa kuwuu buray (Hoobtay) Camalkoodu Adduun iyo Aakhiraba mana u sugnaan wax u
gargaara. (23) Ma aragtay (ka
waran) kuwii la siiyey Qayb ka mid ah
Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebe inuu kala xukurno dhexdooda markaas ay
jeedsan Koox ka mid ah iyagoo diidan (Xaqa). (24) Xaxaana ugu
wacan inay dheheen ma na tabaato Naaru Maalmo mooyee, waxaa ku dhagray Diinlooda
waxay been abuuran jireen. (25) Ee say ahaan
markaanu u kulmino Maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo. (dhameeyo) Naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn. (26) Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta Xukunka waxaad siisaa
Xukunka Ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» Xukunka Ciddaad doonto
waxaadna cisaysaa Ciddaad doonto waxaadna Dulaysaa Ciddaad doonto adaana Hanta
Khayrka, adaana wax kasta kara. (27) Waxaadna
dhexgelisaa Habeenka Maalinta, dhexgelisaa Maalinta Habeenka, kana soo bixisaa
wax Nool wax dhimaad ah wax Nool, waadna Arzaaqdaa Ciddaad doonto Xisaab
la'aan. (28) Yeyna ka yeelan Mu'miniintu Gaalada
Sokeeye Mu'miniinta ka Sokow ruuxii fala saas waxba Eebe kama mudna, inaad
dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa,
xaga Eebaana loo ahaan. (29) Waxaad dhahdaa
haddaad Qarisaan waxa Laabtiina ku sugan amaad muujisaan waa ogaan Eebe,
wuxuuna ogaan waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Eebana wax kasta uu (doono) wuu karaa. (30) (Xusuuso) Maalinta ay heli Nafkastaa waxay Camal fashay oo Khayr ah
oo la soo xaadiriyey (la keenay) waxay Camal Fashay oo Xumaan ahna waxay jeelaan in la
yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa
(Ciqaabtiisa) Eebana waa u
Naxariistaha Adoomadiisa. (31) Waxaad dhahdaa
haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee hana idiin dhaafo
dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista. (32)
Waxaad dhahdaa adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebe ma jeela
Gaalada. (33) Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux,
Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka. (34)
Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid Eebana waa Maqle oge ah. (35) Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan
kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe. (36) Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay
Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana
ka magacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la
dhagaxyeeyey (la dheereeyey). (37) Wuxuuna ka aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey
korin fiican (Xanaano)
waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa
agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow kan, waxayna dhahdaa
wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la'aan. (38) Halkaasuu baryey Zakariye Eebihiis, yidhina Eebow iga
sii agtaada Farac wanaagsan adaa Maqla (ajiiba) Ducadee. (39) Waxaana u
dhawaaqday Malaa'igtii isagoo taagan oo ku Tukan Mixraabka Eebe wuxuu kuugu
Bishaarayn Yaxye isagoo rumeyn Kalimada Eebe (Ciise) Sayidna ah Dhawrsoonna, Nabina ah, ka mid ah kuwa
wanaagsan. (40) Wuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan
Wiil Anooy isoo gaadhay Duqnimo, Haweeneydeyduna Madhalaystahay, wuxuu yidhi
saasuu ku falaa Eebe wuxuu doono. (41) Wuxuu yidhi
Eebow ii yeel Calaamo wuxuuna yidhi Calaamaddu waa inaadan la hadlin Dadka
Saddex Maal mood ishaaro Mooyee, Xusna Eebahaa wax badan una Tasbiixso Galabatii
iyo A roortiiba. (42) (Xusuuso) markay tidhi Malaa'igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana
ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka. (43)
Maryamooy adeec (u khushuue)
Eebahaa sujuudna Rukuuena (la tuko) kuwa rukuuea (Tukada). (44) Taasi waa warka
waxa Maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey tuurayeen Qalimadooda
koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey murmayeen. (45) (Xusuuso) markey tidhi Malaa'igtu Maryamooy Eebe wuxuu kuugu
Bishaarayn Kalimo Xaggiisa ah (Wiil) Magaeiisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh
Adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey. (46)
Kulana hadli Dadka Dharabta iyo isagoo (Gadhmadoobe) nin wayn ah kana mid ah kuwa Suuban. (47)
Waxay tidhi (Maryam) Eebow
sidee Ilmo iigu ahaan isagoon i taaban Dad (Nin wuxuu yidhi (Eebe) saasuu Eebe wax u
abuuraa wuxun doono, markuu xukmin amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna
ahaadaa. (48) Wuxuuna (Eebe) bari
Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil. (49)
Waa Rasuulka Bani Isra'iil, (isagoo) u dhihi waxaan idiin la imid Aayad xaga Eebihiin ka
ahaatay, waxaana idiinka abuuri dhoobada shimbira oo kale, oon afuufi ooy noqon
shimbir Idamka Eebe, waxaana bogsiiyaa indhala'aan kudhashe Baraslaha, waxaana
nooleeyaa Maydka Idamka Eebe, waxaana idiin ka warrami waxaad Cunaysaan iyo
waxaad ku kaydsanaysaan Guryihiinna, taasira waxay idiin tahay Calamad haddaad
rumeynaysaan (Xaqa). (50) Waxaana rumeyn wixii iga horreeyey oo Tawreed ah,
waxaan idiin bannayn wixii laydinka reebay Qaarkiis, waxaana idiin la imid
Calaamad xagga Eebihiin ka ahaatay, ee ka dhawrsada Eebe, ina adeeca. (51) Ilaah waa Eebahay iyo Eebihiin ee Caabuda, taasaana ah
Jidka toosane. (52) Markuu ka kasay Ciise Xaggooda
Gaalnimo yuu yidhi yaa iigu gargaari Eebe, waxayna dhaheen Xawaariyiintii (gargaarayaashii) anagaa ah
gargaaraha Eebe (Diintiisa)
waxaan rumeynay Eebe ee marag ka noqo inaan Muslimiin nahay. (53) Eebow waan rumeynay waxaad soo dejisay waxaana raaenay
Rasuulka ee nagu qor (nagadhig) la jirka markhaatiyada. (Umadda
Nabi Muxamad). (54) Way dhakreen,
Eebana wuu ka abaalmariyey Eebana u wanaagsan wax abaal mariya. (55) Xusuuso markuu ku yidhi Eebe Ciisow waan ku oofsan
waana ku koryeeli, waana kaa dahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca (xaqa dhabta ah raaca) korka kuwa
Gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin
kala Xukumi dhexdiina waxaad isku khilaafsanaydeen. (56)
Kuwa Gaaloobase waxaan Cadaabi, cadaab daran Adduun iyo Aakhiraba, mana helaan
gargaare. (57) kuwa (Xaqa) rumeeyeyse oo camal fiican falay wuxuu u oofin (dhammayn Eebe) ajirkooda, Eebana
ma jeela daalimiinta. (58) kaasaan ku
akhriyeynaa korkaaga oo aayaad ah iyo xus (Quraan) xigmo leh. (59) Tusaalaha Ciise
Eebe agtiisa waa sida (Nabi) aadam, Eebaa ka Abuuray Carro markaasuu u yidhi ahow wuuna
ahaan. (60) Xaqu Eebahaa nuu ka ahaaday ee ha
noqonin kuwa shakiya. (61) ee ruuxii
kugula dooda intuu kuu yimid Cilmi ka dib waxaad dhahdaa kaalaya aan u yeedhno
Caruurtannada iyo Caruurtiinna iyo Naftanaada iyo Naftiinna markaas aan
baryootanno oon laeanadda Eebe kor yeello Beenaalayaasha. (62)
Kaas (Quraanka)
unbaa Qisooyin Xaq ah, Eebe mooyee Ilaah (kalana) ma jiro, Eebana waa adkaade falsan. (63) Hadday
jedsadaan Gaaladuna Eebe waa ogyahay kuwa wax fasahaadiya. (64)
Waxaad dhahdaa Nabiyow Ehelu Kittabow u kaalaya kalimo (odhaah) aan u simanahay aniga iyo adinkaba oo ah inaynaan caabudin
Eebe mooyee, (wax kale)
oynaan lana wadaajin waxba kana yeelan qaarkeen qaar Eebayaal, Hadday
jeedsadaanna waxaad dhahdaa marag noqda inaan Muslimiin nahay. (65) Ehelu Kitaabow maxaad ugu murmaysaan (Nabi) Ibraahim, Tawreed
iyo Injiilba lama soo dejin gadaashiisa mooyee, meydaan wax kasayn. (66) Kuwanow (Yuhuud iyo Nasaaro) waxaad ku muranteen waxaad wax ka ogtihiin ee maxaad ugu
murmeysaan waxaydaan Cilmi u lahayn, Eebaa og idinkuse wax ma ogidiin. (67) Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid aha Mushrikiinta (Gaalada). (68) Waxaa Dadka ugu mudan (Nabi) Ibraahim kuwii raacay iyo nabigan (Muxamad
ah) iyo kuwa (Xaqa rumeeyey) Eebana waa Waliga (Gargaare) Mu'miniinta. (69) Waxay jeelaatay
koox ka mid ah Ehelu Kitaabka inay idin baadiyeeyaan, mana baadiyeeyaan waxaan
Naftooda ahayn, mana kasayaan. (70) Ehelu Kitaabow
maxaad uga Gaaloobaysaan Aayadka Eebe idinkoo marag ah (og
xaqnimadeeda). (71) Ehelu Kitaabow
maxaad ugu Khaldaysaan Xaqa baadil (Xumaan) oo u qarineysaan xaqa idinkoo og. (72)
Waxay dhaheen koox ka mid ah Ehelu Kitaabka rumeeya waxa lagu soo dajiyey kuwa (Xaqa) rumeeyey (Quraanka) Maalinta horteeda
kana gaalooba maalinta gadaasheeda waxay u dhawyihiin Mu'miniintu inay noqdaane
(Gaaloobaan). (73) Hana aaminina (rumeynina) ruuxaan Diintiinna raacin, waxaad dhahdaa Hanuun waa
hanuunka Eebe, in la siiyo cid wax la mid ah waxa laydin siiyey ama idinkula
doodaan Eebihiin agtiisa, waxaad dhahdaa Fadligu gacanta Eebe yuu ku suganyahay
wuxuuna siiyaa Cidduu doono, Eebana waa waasae (deeq
badane) og. (74)
Wuxuuna ku gaaryeelaa Naxariistiisa cidduu doono, Eebana iska leh Fadliga Wayn.
(75) Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah Ruux Haddaad ku Aaminto
Xoolo badan ku siin (Nasaarada Qaarkeed) waxaana ka mid ah mid haddaad ku Aaminto Diinaar aan ku
siinaynin, inaad kor taagnaato mooyey (waa Yuhuudda iyo
wixii la mid ah) waxaana ugu wacan Arrintaas inay
dhaheeh naguma laha Umiyiintu Jid, waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og. (76) Saas ma aha ee ruuxii oofiya Ballankiisa oo Dhawrsada
Eebe waa Jecelyahay Dhawrsadayaasha. (77) Kuwa ku Gata
Ballankii Eebe iyo Dhaartoodii Lacag (Qiimo) yar kuwaasu Nasiib kuma laha Aakhiro, lamana hadlo Eebe (si Naxariis ah) mana dayo Xaggooda
Maalinta Qiyaame, mana Daahiriyo, waxayna mudan Cadaab daran. (78) Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) Kox ku Leexisa Carraabkooda Kitaabka (Quraanka) si aad ugu malaysaan Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka
waxayna odhan Isagu wuxuu ka ahaaday Eebe agtiisa kamana ahaanin Eebe agtiisa.
waxayna ku dhihi Eebe Been iyagoo og. (79) Kuma haboona Dad
in Eebe siiyo Kitaab, Xukun iyo Nabinimo markaas ku dhaha Dadka Addoomo ii
noqda Eebe ka sokow, hasayeeshee noqdo Cumino (Dabeeco
fiican) Kitaabkaad baraysaan dartiis iyo
waxaad baranaysaan. (80) Idinmana farayo
Eebe inaad ka yeelataan Malaa'igta iyo Nabiyada Eebayaal, ma wuxuu idin fari
Gaalnimo intaad Muslim noqoteen ka dib. (81) (Xusuuso) markuu ka qaaday
Eebe Ballan adag Nabiyada waxaan idinsiiyo oo Kitaab iyo Xigmo ah markaas idiin
yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysatan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna
yidhi (Eebe) Ma
qirteen oo ma qaadeen Arrintaas Ballankeyga ah oo dheheen waan qirnay (ogolaanay) markaas ku yidhi
Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici. (82) Ruuxiise jeedsada intaas ka dib kuwaasi waa kuwo
Faasiqiin ah. (83) Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yey
rabaan isagoo u hogaansamay waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan ogolaan iyo
ikraahba Xaggiisaana loo Celin (Dadka). (84) Waxaad dhahdaa
waxaan rumaynay Eebe iyo waxa nalagu soo dajiyey iyo waxa lagu soo dajiyey (Nabi) Ibraahim,
Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub, Faracyadii, wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo
Nabiyadii Xagga Eebahood kala bixin mayno dhexdooda Anaguna Eehaan u
hogaansameynaa. (85) Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn
laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray. (86)
Sidee u Hanuunin Eebe Qoom Gaaloobay rumayn ka dib, oo qiray in Rasuulku Xaq
yahay una Yimaadeen Xujooyin, Eebana ma hanuuniyo Qoom Daalimiin ah. (87) Kuwaas abaalkoodu waa Lacnad Eeboo korkooda ah iyo
Malaa'igta iyo Dadka Dhammaantiis. (88) Wayna ku waari (Ciqaatbtooda) dhexdeeda lagamana
fududeeyo Cadaabka lamana Sugo. (89) Kuwa Toobad
keena intaas ka dib mooyee oo wanaajiya Eebana waa dambi dhaafe Naxariista. (90) Kuwa Gaalooba rumayn ka dib, markaas kororsada Gaalnimo
lagama aqbalo Toobadooba kuwaasina waa kuwa Dhumay. (91)
Kuwii Gaaloobay oo dhintay iya goo Gaalo ah lagama aqbalo mid ka mid ah Dhulka
Muggii oo Dahab ah hadduu isku furto, kuwaasina waxaa u sugnaaday Cadaab daran
wax u gargaarana ma leh. (92) Ma gaadhaan sama fal intaad wax ka bixisaan waxaad jeeeshihiin, waxaad
bixisaana Eebe waa ogyahay.
Juz' 4
(93) Cuntada dhamaanteed xalaal
bay u ahayd Banii-israa'iil wuxuu ka reebay Israa'iil Naftiisa mooyee, soo
degidii Tawreed ka hor waxaad dhahdaa keena Tawreed oo Akhriya haddaad runlow
tihiin. (94) Ruuxii ku been abuurta Eebe
korkiisa intaas ka dib kuwaasu waa uun Daalimmin. (95)
Waxaad dhahdaa Runbuu sheegay Eebe, ee raaca Milladda Ibraahiim (Jidkiisii) isagoo toosan,
kamana mid ahayn Mushrikiinta. (96) Guriga ugu
horreevey ee loo soo dejiyey Dadka waa kan
Maka (Kachada)
waana barakaysanyahay waana Hanuunka Caalamka. (97)
Waxaa ku sugan Aayaad Cad Cad Maqqaamu Ibraahiimna (waa
ku yaal) Ruuxii galana wuxuu ahaan Aamin,
Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada, Ruuxii
Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay Caalamka. (98)
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow maxaad uga Gaaloobaysaan Aayaadka Eebe, isagoo
Eebana Marag u yahay waxaad Camal falaysaan. (99)
Ehelu Kitabow maxaad uga Celinaysaan Dadka Eebe Ruuxii Rumeyn idinkoo la dooni (Xaqa) Qallooc idinkoo
marag ah Eebana ma halmaansana waxaad Falaysaan. (100)
Kuwa (Xaqa)
rumeeyow Haddaad Adeecdaan (Maqashaan) Koox ka mid ah kuwa la Siiyey Kitabka (yuhuud
iyo Nasaara) waxay idiin Celin Iimaankiinna ka dih
Gaalnimo. (101) Seed u Gaaloobaysaan idinkoo
laydinku kor Akhrin Aayaadka Eebe Dhexdiinnana Joogo Rasuulkiisii, ruuxii
Cuskada Eebe (oo ka dhawrsada)
waxaa lagu hanuuniyey Jidka Toosan. (102) Kuwa (Xaqa) rumeeyow ka
dhawrsada Eebe dhawrsashadiisa Xaqa ah, hana dhimanina idinkoon Muslim ahayn. (103) Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebe ee
korkiinna ah, markaad Col
ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood Noqoteen Niemada Eebe darteed Walaalo,
idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oos idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku
Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan. (104)
Ha laydinka helo Umad u yeedha Khayrka oo fari Wanaagga oo ka reebta waxa la
Naco (Xumaanta)
kuwaasina waa uun kuwa Liibaanay. (105) Hana noqonina
kuwa kala tegay oo kale ee iskhilaafay intay u yimaadeen Xujooyin ka dib
kuwaasina waa kuwa Cadaab weyn u Sugnaaday. (106)
Maalintay Caddaan (Nuuri) Wajiyaal oyna Madoobaan (Doorsoomi) Wajiyaal, kuway Madoobaato Wajiyadoodu (Waxaa lagu dhihi) miyaad Gaaloowdeen
Rumeyntiinii ka dib, Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinii darteed. (107) Kuwuu Caddaado (Nuuro) Wajigoodu Naxariista Eebe Dhexdeeday ku waarayaan. (108) Taasi waa Aayadkii Eebe oon ugu Akhriyeynaa korkaaga
si Xaq ah, Eebana ma aha mid la doona Dulmi Caalamka. (109)
Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku Sugan, Xaggiisaana loo
Celiyaa Umuuraha. (110) Waxaad tihiin
Ummadda u Khayroon ee loo soo bixiyey Dadka, waxaad fartaan Wannaagga waxaadna
ka reebtaan Xumaanta waxaadna ru meysaan Eebe, hadday rumeeyaan Ehelu Kitaabka (Xaqa) Saasaa u
khayrroonaanlahayad, waxaa ka mid ah Mu'miniin, badankoodna waa Faasiqiin. (111) Idin wax yeellayn mahayaan wax dhibah mooyee, hadday
idin la dagaallamaana waxay idiin jeedin Dabada (way
carari) loona Gargaari Maayo. (112) Waxaana lagu qadaray Korkooda Dulli meel kastooy
joogaanba, Xadhig Eebe iyo Xadhig Dad mooyee, waxayna la noqdaan Cadho Eebe,
waxaana lagu qadaray Miskiinimo, waxaana ugu wacan inay ka gaaloobaan Aayaadka
Eebe Dilayaanna Nabiyada Xaq daro, waxaana ugu wacan Caasinimadooda iyo
Xadgudubkooda. (113) Isku mid ma aha, Ehelu Kitaabka
waxaa ma mid ah Ummad u Taagan (Xaqa) oo Akhrida Aayaadka Eebe Saacadaha Habeenka iyagoo
Sujuudsan, (waa Cadbullaahi Binu Salaamo iyo
Saaziibadiis). (114) Rumeynna Eebe
iyo Maalinta Dambe farana Wanaagga kana reeba waxa la naco (Xun) una dag dagi Wanaagga, kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa
suuban. (115) Waxay Falaan oo Khayr ah laga ma
qariyo (Dayaeo),
Eebana waa ogyahay kuwa dhawrsada. (116) Kuwa Gaaloobay
kama kaafido Xoolahoodu iyo Caruurtoodu Eebe Xaggiisa waxba, kuwaasuna waa
Ehelka Naarta wayna ku Dhex waari. (117) Waxay Bixiyaan
Noloshan Adduunna waxay la mid tahay Dabayl Qabow (daran) oo ku dhaeday Beer Qoom dulmiyey Naftooda ooy Halaagtay,
ma dulmiyin Eebe iyagaase Naftooda Dulmiyey. (118)
Kuwa (Xaqa)
rumeeyow ha ka yeelanina Saaxiib (Hoose) wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan Fasaadintiinna
waxayna Jecelyihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa Cadhadu Afkooda, waxay qarsan
Laabahoodu yaa ka weyn, waan idiin Caddaynay Aayaadka haddaad wax kasaysaan. (119) Idinkani waad Jeceshihiin Iyaguna idinma jeela,
waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay
dhahaan waannu rumeynay Hadday kaliyoobaanna waxay idiin Qaaniinaan Xubnaha (Faraha) Cadho darteed,
waxaad dhahdaa ku dhinta Cadhadiinna, Eebana waa ogyahay waxa Laabta ku sugan. (120) hadday idin taabato Wanaag way Xumeysaa hadday idinku
dhaedo Xumaanna way ku Farxaan, haddaad Samirtaan ood Dhawrsataan idinkama
dhibayso Dhagartoodu waxba, Echana waxay Camal fali wuu Koobay. (121) (Xusuuso) markaad ka Kallahday (tagtay) Ehelkaaga adoo u yeeli Mu'miniinta Goob Dagaal Eebana waa
Maqle og. (122) Markay Hamiday «Doontay» Labo
Kooxood oo idinka mid ah inay Fashilaan (Cabsadaan) Eebana Waligooda (Gargaarahooda) ahaa ee Eebe uun ha tala saarteen Mu'miniintu. (123) Dhab ahaan buu idiin ku Gargaaray Eebe (Maalintii) Badar idinkoo
dulaysan «Tabar yar», ee ka Dhawrsada Eebe waxaadna mudantihiin inaad ku
Mahdisaan. (124) Markaad ku lahayd Mu'miniinta Miyuusan
idiinku Fillayn inuu idinku Xoojiyo Eebihiin Saddex Kun oo Malaa'ig ah oo soo
Degi. (125) Waa na kaafiyaan ee haddaad
Samirtaan (Adkeysataan) ood
dhawrsataan (waydinku fillaan)
waxayna idiinku imaan deg daggooda, kaasna waa Xoojin Eebihiin Shan Kun oo
Malaa'ing ah oo Calaamaysan. (126) Uma yeelin
Eebe (Arrintaas)
Bishaaradiinna mooyee iyo inay ku Xasisho Quluubtiinnu isaga, Gargaar aan Eebe
agtiisa ahayna ma jiro ee ah Adkaade Falsan. (127)
Si uu u Gooyo (Halaago) qayb
ka mid ah kuwa Gaaloobay ama Walbahaariyo oy Noqdaan iyagoo Khasaaray. (128) Waxba Amarka kuma lihid Nabiyow ama wuu ka Toobad
aqbali Eebe ama wuu Cadaabi Gaalada, illeen waa Daalimiine. (129) Eebaa aska leh waxa Samooyinka ku sugan iyo waxa
Dhulka ku sugan, wuxuu u dhaafaa (Dambiga) Ciduu doono, wuxuuna Cadaabaa Ciduu doono, Eebana waa
Dambi dhaafe Naxariista. (130) Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha u
Cunina Ribada Laablaab, kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad
Liibaantaane. (131) Kana dhawrsada Naarta loo Darbay
Gaalada. (132) Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad
u dhawdihiin in laydiin Naxariistee. (133) Una deg daga
Dambi dhaafka Eebihiin iyo Janno Ballaadhkeedu yahay Samaawaadka iyo Dhulka oo
loo darbay kuwa dhawrsada. (134) Ee ah kuwa wax
bixiya Waqtiga Ladnaanta iyo Dhibkaba, ee Damiya Cadhada ee iska Cafiya Dadka,
Eebana waa Jeelyahay Samadalayaasha. (135) Kuwa markay
falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Eebe, Warsadana Dambi dhaafid
dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Eebe mooyee, oon daa'imin (Xumaantay) faleen iyagoona
og. (136) Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi
dhaafka Eebahood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari
dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay. (137)
Waxaa dhab ahaan u tagay Hortood Sunno (Waddo) ee Socda Dhulka oo eega siday noqotay Cidhibtii
Beeniyayaashii. (138) Kaasi waa Caddayn Dadka waana
Hanuun iyo Waanada kuwa dhawrsada. (139) Ha tabar
yaraanina hana Murugoonina idinkaa Sareyn haddaad Tihiin Mu'miniine. (140) Hadduu idin taabtay Dhib (Dhaawac) Dhabahaan buu u taabtay Woomkana Dhib la mid ah, waana
Saas Adduunyadu waxaanuu ku kala wareejinaa Dadka Dhexdiisa iyo in Eebe Muujiyo
kuwa rumeeyey kana yeesho Xaggiinna Marag, Eebana ma jeela Daalimiinta. (141) Iyo inuu Imtixaamo kuwa rumeeyey Tirtirana Gaalada. (142) Ma waxaad u Maleyseen inaad Galayssaan Jannada isagoon
Muujinin Eebe kuwa Jahaaday oo idinka mid ah oosan Muujinin kuwa Samra. (143) Dhab ahaan waxxad u ahaydeen kuwa jecel Geerida ka hor
la kulankeeda, waadna aragteen Geeridii idinkoo Fiirin. (144)
«Nabi» Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa Tagey hortiis Rasuullo, cc
hadduu Dhinto ama La dilo ma waxaad u gaddoomaysaan Cidhibtiinii (Dib), Ruuxii U gadooma
Cidhibtiisii (Gaalooba) kama
Dhibo Eebe waxba, wuuna Abaal marin kuwa ku Shukriya. (145) Nafna
ma aha tii Dhimata Idanka Eebe la'aantiis waa Kitaab Muddeysan, Ruuxii Doona
Abaalka Adduunyo waxbaan ka siineynaa, ruuxii doona Abaalka Aakhirana Waxbaan
Ka Siinaa, Waxaana Abaal marin kuwa Shukriya. (146)
Imisa Nabi la Dilay ooy la Jireen culimo Dagaallami oo Badan, oyna Cabsanin wax
ku Dhacay Jidka Eebe Dartiis, Tabarna yareynin, Dulloobinna, Eebana waa
jecelyahay kuwa Samra. (147) Mana aha
Hadalkoodu waxaan ahayn Eebow nooDhhaf Dambigannaga iyo Xadgudubkanaga
Amarkanaga, Sugna Gornadahanaga noogana Gargaar Qoomka Gaalada ah. (148) Markaasuu Siiyey Eebe Abaalka Adduunyo iyo Wanaagga
Abaalka Aakhiro, Eebana wuxuu Jecelyahay Samafalayaasha. (149)
Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad Addeeedaan (Maqashaan) Kuwa Gaaloobay waxay idiin Celin Cidhibtiina, markaasaad
Noqonaysaan idinkoo khasaaray. (150) Eebaase
Gargaarihiinna ah, isagaana ugu Khayrroon Gargaare. (151)
Waxaan ku Tuuraynaa Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax la Wadaajintooda Eebe
waxaan loo soo Dejinin Xujo Darteed, Hoygooduna waa Naar, lyadaana U xun Xerada
Daalimiinta. (152) Dhab ahaan yuu idiinku Rumeeyey
Eebe Yaboohiisii markaad ku Dhamayneyseen (Ku dilayseen) Idamkiisa, intaad ka Cabsataan ood ku Murantaan Amarka ood
Caasidaan intuu idin Tusiyey waxaad Jeceshihiin ka Dib, waxaa idinka Mid ah
Ruux Dooni Adduunyo, waxaana idinka mid ah Ruux dooni Aakhiro, markaas idinka
Tilay Xagooda si uu idiin Imtixaano, dhab ahaanna wuu idiin Cafiyey, Eebena wuu
ku Fadli leeyahay Mu'miniinta. (153) Markaad
koreyseen aydaan Milicsanayn Cidna, Rasuulkuna idiinka Yeedhi Gadaashiina oo
idinku dhacay Murug la jirto Murug (kale) si aydaan ugu Walbahaarin wixii idin ka tagay iyo wixii
idinku Dhacay, Eebana waa ogyahay waxaad Falaysaan. (154)
Markaas uu ku soo Dejiyey Korkiinna Murug ka dib Aaminnimo Darteed Lulmo
daboolaysa Koox idinka mid ah, Kooxna waxaa Walaacisay Naftooda waxayna u
Malayn Eebe Male Jaahiliyeed waxayna Dhihi ma waxbaan ku leenahay Amarka,
waxaad dhahdaa Amarka Dhamaantiis Eebaa iska lch, waxayna ku Qarin Naftooda
waxayna kuu muujinayn iyagoo dhihi haddaan Amarka wax ku leenahay Nalaguma
Dileen Halkan, waxaad Dhahdaa haddaad tihiin Guryihiinna way u soo
bixilahaayeen kuwa loo Qoray Geerida halkay Seexan (Lagu
Dili), (saasna wuxuu u
Falay Eebe) inuu Imtixaano Eebe waxa Laabtiinna ku
Sugan iyo inuu kala Shaandheeyo waxa Quluubtiinna ku Sugan, Eebana waa Ogyahay
waxa Laabta Ku Sugan. (155) Kuwii
Jeedsaday oo idinka mid ah Maalintay Kulmeen Labadii Col waxaa uun Simbiriirixiyey Shaydaan waxay
kasbadeen Sababtiisa Qaarkood wuuna iska Cafiyey Eebe Xagooda Eebena waa Dambi
Dhaafe dulbadan. (156) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Noqonina sida kuwa Gaaloobay oo ku yidhi
Walaalahood markay ku Safraan Dhulka ama Duulaan hadday Agtanda Joogaan ma
dhinteen Lamana Dileen si uu uga yeelo Arrintaas Qoomamo Quluubtooda, Eebana
waa Nooleeye iyo Dile, Eebana waxaad Camal Falaysaan wuu arkaa. (157) Haddii laydinku Dilo Jidka Eebe amaad Dhimataan Dambi
Dhaaf Eebe iyo Naxariistiisa yaa idiinka Khayrbadan waxay Kulmin. (158) Haddaad Dhimataan ama laydin Dilo Xagga Eebe umbaa
laydiin Celin. (159) Naxariista Eebe Darteed yaad ugu
Jilicday haddaadse tahay Mid Ingagan oo Qalbi Adag way kaakala tagi lahaayeen
Gaararkaada, ee iska Cafi una Dambi Dhaaf warso kalana Tasho Amarka, markaas
haddaad wax goosatana talo saaro Eebe (K u Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay kuwa Tala Saartee. (160) Hadduu idin Gargaaro Eebe wax idiinka Adkaan ma jiro
Hadduu idin Hoojiyana waa Kuma kan
idiin Gar- gaari Gadaashiis, Eebe uun ha Tala Saarteen Mu'miniintu. (161) Kama suurowdo Nabi
inuu wax Khayaamo, Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta
Qiyaame, markaas waxaa loo Oofin (Dhamayn) Nafkasta waxay Kashatay Lagamana dulmiyo. (162) Ruux Raacay Raalli ahaanshaha Eebe ma la mid Baa Ruux
la noqday Cadho Eebe Hoygiisuna yahay Jahannamo iyadaana U xun meel loo Noqdo. (163) Iyagu waa Darajaad Eebe agtiisa, Eebana waa Arkaa
waxay Fali. (164) Dhab abaanbuu ugu Manaystay Eebe
Mu'miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi
Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barina Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad. (165)
Hadday idin Adiibtay (idinku Dhaeday) Dhibaato waxaad Asiibteen Laba Jibaarkeed (Badar) waxaad dhahdeen
xaggee Nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa Agta Naftiinna, Eebana wax kasta wuu karaa.
(166) Waxa idinku dhacay Maalintay kulmeen Labadii Kooxood
waa idamka Eebe iyo inuu Muujiyo Mu'miniinta. (167)
Iyo inuu Muujiyo kuwa Munaafaqoobay, oo loo yidhi Kaalaya ku Dirira Jidka Eebe
ama Difaaca, waxayna dheheen Haddaan ognahay Dagaal waan idin raaci lahayn,
iyagu Gaalnimaday Maalintaas uga Dhawyihiin Rumeyn, waxay ka odhan Afkooda
waxaan ahayn Quluubtooda, Eebana waa ogyahay waxay Qarin. (168)
waa kuwa ku yidhi Walaalahood (Munaafiqiintu) iyagoo iska fadhiistay Hadday na Adeecaan lama Dilcen,
waxaad dhahdaa ka Dhawra Naftiinna Geeri Haddaad Run sheegaysaan. (169) Hana u Malaynina kuwa Lagu Dilay Jidka Eebe kuwa
dhintay, Saas ma aha waxay ku Noolyihiin Eebahood Agtiisa Laguna Arzaaqi. (170) Iyagoo ku Faraxsan wuxuu siiyey Eebe oo Fadligiisa ah,
kuna Bishaaraysan kuwaan wali Haleelin ee Gadaashooda ah inuusan Korkoda Cabsi
iyo Murugo midna «ahyn». (171) Waxayna ku
Bishaaraystaan Nicmo Eebe iyo Fadli iyo inaan Eebe Dayacayn ajriga Mu'miniinta.
(172) Ee ah kuwa Ajiibay (Maqlay) Eebe iyo Rasuulka ka Dib intuu Asiibay Dhaawac kuwa Wanaag
Falay oo ka mid ah oo dhawrsaday waxaa u sugnaaday Ajir wayn. (173) Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey
Rumeyn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil. (174) Oo Noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan
Raacayna Raalli ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade. (175) Kaasi waa Shaydaan wuxuuna idinku Cabsi Galin
Awliyadiisa (Saaxiibadiis) ee
ha Cabsanina, ee iga Cabsada Haddaad Mu'miniin tihiin. (176)
Yeyna ku murug galin kuwa u Deg degi Gaalnimada iyagu kama
Dhibaan Eebe waxba, wuxuu Dooni Eebe inuusan ugu yeelin Nasiib Aakhiree waxayna
Mudan Cadaab Weyn. (177) Kuwa ku Gatay
Gaalnimo Iimaanka kama Dhibayaan Eebe waxba waxayna Mudan Cadaab Daran. (178) Yeyna u Malaynin kuwa Gaaloobay inuu Sugidoodu Khayr u
tahay, waxaannu u Sugi uun inay Siyaadsadaan Dambi, waxayna mudan Cadaab
Dulleeya. (179) Ma aha Eebe kii kaga Taga
Mu'miniinta Sidaad tihiin intuu ka kala Sooco ka Xun iyo kan Fiican, mana aha Eebe kii idin Daaliciya
(Tusiya) waxa Maqan, hase
yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa Ciddduu Doono ee Rumeeya Eebe iyo
Rasuulkiisa, Haddaad Rumeysaan Xaqa oo Dhawrsataan waxaad Mudanaysaan Ajir
Weyn. (180) Yeyna u malaynin kuwa ku Bakhayli
wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah inay Khayr u Tahay, Sharbayse u Tahay waxaana
Luqunta loo Galin waxay ku Bakhaylayeen Maalinta Qiyaame, Eebaana iska leh
Dhaxalka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waxaad Camal Falaysaan waa Ogyahay. (181) Dhab ahaan yuu u Maqlay Eebe Hadalka Kuwii Yidhi Eebe
waa Faqiir Anaguna waxaan nahay Hodan (waa Yuhuuh ha
halaagmeene) waan Qoraynaa waxay dhihi iyo
Diliddooda Nabiyada ee Xaq daro waxaan u dhahaynaa dhadhamiya Cadaabka
Gubashada, (182) Taasina waa waxay hormarsatay
Gacmahoodu Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada. (183)
Waa kuwa Yidhi Eebe wuxuu nagula Ballantamay Inaanaan Rumeyn Rasuul intuu Nooga
keeno Qurbaan (Sadaqo) oy
Cunto Naar, waxaad dhahdaa waxay idiinla yimaadeen Rasuullo hortay Xujooyin iyo
waxaad sheegteen ee Maxaad u Disheen haddaad run sheegaysaaan. (184) Hadday ku Beeniyaan waxaa dhab ahaan loo Beeniyey
Rasuullo kaa Horreeyey oo la yimid Xujooyin iyo Kutub iyo Kitaab Cad. (185) Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin
Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruusiise laga iilo Narta oo la galiyo Janada
wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn. (186) Waan idinku Imtixaamaynaa Xoolihiinna iyo Naftiinna
waxaadna ka Maqlaysaan kuwa la siiyey Kitaabka oo idinka horeeyey iyo
Mushrikiinta (Gaaladii Carbeed) dhib
Badan haddaadse Samirtaan ood dhawrsataan Arrintaasu waa Umuuraha loo Qasdo. (187) (Xusuuso) markuu Qaaday Eebe Ballanka kuwii la siiyey Kitaabka inaad
u Cadaysaan (Xaqa)
Dadka Oydaan Qarinin waxayse ka Tuureen Dhabarkooda Gadaashiis waxayna ku gateen
Lacag Yar waxaa Xun waxay Gadan. (188) Haw Maleyn
kuwa ku Farxa waxay la yimaadaan oo Jecel in lagu Mahdiyo waxayna Falin Haw
malayn inay ka Nabadgali Cadaabka waxaana u Sugnaaday Cadaab Daran. (189) Eebaa iska leh Xukunka Samaawaadka iyo Dhulka, Eebaana
wax kasta kara. (190) Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka
iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Cawliga
leh. (191) Ee ah kuwa ku Xusa Eebe Taagni iyo
Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo dhihi) Eebow Umaadan
Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay
Ee naga kori Cadaabka Naarta. (192) Eebow adigu
ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin
Gargaarayaal. (193) Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe
u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf
Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican). (194) Eebahanow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada
hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane. (195) Wuxuu ku Ajiibay Eebahood Anagu Ma dayacno Camal Mid
Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa
Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo
la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda
Wabiyaal waana Abaal marin Eebe Xagiisa ah, Eebe agtiisaana Abaalmarin
Wanaagsan tahay. (196) Yeyna ku Dhagrin ka
Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka). (197) Waa Raaxo Yar
kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol. (198)
Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Eebahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri
Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka
ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khary roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan). (199) Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Eebe iyo
waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuei Eebe
kumana Gataan aayaadka Eebe Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajirgooda
Eebahood Agtiis, Eebana waa Deg degtaa Xisaabtiisu. (200)
Kuwa (Xaqa)
rumeeyow Samra oo Samirtarna kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda
Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin
inaad Liibaantaane.
An-Nisaa
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Dadow ka Dhawrsada
Eebihiina Idinka Abuuray Nafkaliya (Aadam) kana Abuuray xaggeeda Haweenaydeeda (Xaawo) kana Abuuraay Xagooda Rag Badan iyo Haweenba, ka Dhawrsada
Eebihiina aad wax isku Warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu u Yahay Korkiina
Ilaaliye. (2) Siiya Agoonta xoolahooda hana ku
Badalina Xumaan Wanaag, hana Cunina xoolahooda La jirka Xoolihiinna Taasina waa
Dambi weyn. (3) Haddaad ka Cabsataan inaydaan ku Cadaalad
Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo
Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin Mid kaliya (Guursada) ama waxay Hanatay
Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalinc. (4)
Siiya Haweenka Meherkooda isagoo Waajib ah hadday idiinka Raali noqoto wax ka
mid ah Naftoodu Cuna idinkoo Shifaysan oo Kadban. (5) Ha
Siinina Sufahada (Maamuli karin) Xoolahooda ah kuwo idiinka yeelay Eebe Ilaaliye ka Quudiya
kana Arradbixiya una Dhaha Hadal Fiican. (6) Imtixaamana Agoonta
markay Gaadhaan Guur Haddaad ku Aragtaan (Ogaataan) Rashiidnimo (Wanaag) siiya iyaga Xoolahooda hana u Cunina Xad gudub iyo ka
degdagis intayna Weynaana, Ruuxii Hodan ah ha dhawrsado Ruuxii Faqiir ahna ha
ka Cuno si Wanaagsan, markaad u Dhiibtaan Xoolahooda Marag u yeela Koriisa,
waana ku Filanyahay Eebe Xisaabiye. (7) Ragga waxaa u
Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu Haweenkana
waxaa u Sugnaaday Qayb ka mid ah waxay ka Tageen Laba Waalid iyo Qaraabadu (8) Hadday Joogaan Qaybta Qaraabo, Agoon iyo Masaakiin (aan dhaxlayn) wax ka Siiya una
dhaha Hadal Wanaagsan. (9) Hana ka
Cabsadeen kuwa Hadday kaga Tagaan Gadaashooda Caruur Tabar Yar una Cabsan lahaa
hana ka Dhawrsadeen Ecbe hana Dheheen Hadal Toosan. (10)
Kuwa u Cunaya Xoolaha Agoonla Dulmi (Xaq darro) waxay uun ku Cunayaan Calooshooda Naar waxayna Gali
Saciiro. (11) Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe
Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig, Hadday Yihiin Hawween ka
Sarreeya Labo waxay Mudun Labo Dalool wiixuu ka Tagay, hadday tahay mid waxay
Mudan Nus, Labada Waalidna mid kastoo ka mid ah wuxuu Mudan Sudus (I.ix meelood meel) Hadduu ka Dhintay (Ilmahoodu) Caruur, hadduu
Caruur lahayn oy Dhaxlayaan Labada Waalid Hooyadu waxay Mudan Saddex Meelood
Mcel, Hadduu Walaalo leeyahay Hooyadu waxay Mudan Sudus Dardaaranka iyo Daynta
ka Dib, Aabayaalkiina iyo Wiilashana ma Ogidin Kooda idinku Dhaw Nacfi, waa
Faralyeel «Qaddaraad» Eebe, Ilahayna waa Oge Falsan. (12)
Waxaa idiin Sugnaaday Nus waxay ka Tagaan Haweenkiinu hadayna Ilmo lahayn,
haddayse lahaayeen Ilmo waxaad leedihiin Rubuc (Afar
meelood meel) waxay ka tagaan Dardaaran ay
dardaarmeen iyo Dayn ka Dib, Haweenkuna waxay Mudan Rubuc waxaad ka Tagteen
Haddaydaan Ilmo lahayn, haddaad Ilmo leedihiin waxay mudan thumun (Sideed Meelood meel) waxaad ka tagtaan,
dardaaran aad dardaarmaysaan iyo Dayn ka Dib, hadduu yahay Ninku mid la Dhaxli
Waalid iyo Ilmo la'aan ama Haweenaydu isagoo leh Walaal ama Walaashiis mid
kasta wuxuu Mudan Sudus (Hadday la hooya
yihiin) hadday yihiin wax ka badan intaas
waxay wadaagi thuluth (Saddexmeelood meel) Dardaaran la dardaarmo iyo Dayn ka Dib, isagoon
Dardaaranka Cidna lagu Dhibayn, waana Dardaaran Eebe, Ilaahayna waa Oge Dulsan.
(13) Taasi wa Xuduud Eebe, Ruuxii Adeeca Eebe iyo
Rasuulkiisa wuxuu Galin Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari
Dhexdeeda, Taasina waa Liibaan weyn. (14) Ruuxiise
Caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa oo Tallaaba Xuduudiisa wuxuu Galin Naar isagoo ku
Waari Dhexdeeda, wuxuuna Mudan Cadaab wax Dulleeya. (15)
Kuwa la imaan Xumaan (Zino) oo Haweenkiina ka mid ah, Marag uga Dhiga Afar idinka mid
ah, hadday ku marag Kacaan ku Haya Guryaha intay ka Disho Geeridu ama u yeelo
Eebe Waddo. (16) Labadii la Timaadda Xumaanta (Zinada) oo idinka mid ah Dhiba
Hadayse Toobadkeenaan ooy Wanaagsanaadaan ka Jeedsada Xagooda, Eebana waa
Toobad aqbale Naxariista. (17) Toobadda (Aqbalkeeda) waxay Eebe uga
ahaatay kuwa Fala Xumaha iyagoo Jaahil ah markaas Toobad keena Waqti dhaw
Kuwaas wuu ka Toobad aqbala Eebe korkooda, Eebana waa Oge Falsan. (18) Uma aha Toobaddu ku Fala Xumaha intuu uga Yimaaddo
Midkood Geeridu markaas dhaha Anigu waxaan Toobad keeni hadda, iyo Kuwa Dhiman
Iyagoo Gaala ah, Kuwaas waxaan u Darabnay Cadaab Daran. (19)
Kuwa (Xaqa)
Rumeeyow idiinma Banaana inaad u Dhaxashaan Haweenka Xoog iyo inaad dhibtaan si
aad ula tagtaan (Qaadataan) Qaar
waxaad Siiseen inay la Yimaadaan Xumaan Cad Mooyee, kulana Noolaada si Fiican,
haddaad Kahataan waxaa Suurowda inaad Kahataan wax uu Yeelo Eebe dhexdiisa
Khayr Badan. (20) Haddaad Doontaan inaad ku
Baddashaan Haweenay mid kale idinkoo Siiyey Meher (Badan) ha ka Qaadanina Xaggiisa waxba, Ma waxaad Qaadanaysaan
Been iyo Dambi Cad. (21) Seed uga
Qaadanaysaan idinkoo Qaarkiin Qaar Arkay, ood kana Qaaddeen Ballan Adag. (22) Ha Guursanina waxay Guursadeen Aabayaashiin wixii hor
maray mooyee, waa Xumaan iyo wax loo cadhoodo Waddana Iyadaa U xun. (23) Waxaa laydinka Reebay Hooyooyinkiin (inaad Guursataan) iyo Gabdhihiinna,
Walaalihiin, Eedooyinkiin, Habaryarihiin, Gabdhaha Walaalkaa, Gahdhaha
walaashaa, Hooyooyinka idin Nuujiyey Walaalaha Nuugmada Hooyooyinka
Haweenkiinna, Gabdhaad Dhaqaalaysaan., ee Haweenkiinna aad is aragteen Dhaleen,
Haddaydaan is arkin wax dhib ah (Danbi) ma saara korkiinna, Haweenka Wiilashiinna Dhabta ah, iyo
inaad kulmisaan Labo Walaalo ah wixii horay maray mooyee, Eebana waa u Dhaafe
Naxariista.
Juz' 5
(24) (Waxaa
Kaloo idinka reeban) Haweenka la Qabo,
waxay Hantaan Gacmihiinnu mooyee Kitaabka Eebaa korkiinna ah, waxaa laydiin
banneeyey waxa ka Soohadhay kuwaas inaad ku dalablaan Xoolahiinna idinkoo
dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Falin, waxaad ku intifaacdaan Xaggooda Siiya Meherkooda
waa Qadaraad Eebe, Dhib (Dambi) korkiinna ma Saarra waxaad isaga raalli Noqoteen Qadarrida
ka Dib, Eebana waa Oge Falsan. (25) Ruuxaan Karin
oo idinka mid ah Awood uu ku Guursado Haweenka Dhawrsoon ee rumeysan (Xaqa) ha Guursado waxay
hanatay Gacmihiin nu oo ah Gabdhaha Rumeysan (Xaqa) Eebana waa ogyahay limaanskiina, Qaarkiin Qaarbuu ka
ahaaday, kuna guursada idamka Ehelkooda u Siiyana Ujuurada (Meherkooda) si Fiican, iyagoo Dhawrsoon oo Xumaan (Zino) ka Dheer, Saxiibana yeelanayn, Haddii lagu dhawro (Guur) ooy Xumaan la
Yimaadaan korkooda waxaa ah Nus waxa ah kuwa Xorta ah oo Ciqaab ah, Arrintaas
waa Ruuxii ka Cabsada Zino, oo idinka mid ah, Haddaadse Samirtaan ya idiin
khayr roon, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista. (26)
Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo Wadadii kuwii idinka
Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan. (27)
Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa
Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn. (28)
Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar
Yar. (29) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi
Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay
Naxariistee. (30) Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo
Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay. (31) Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka
Reebeynno waxaannu ka asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel
Fiican (Sharaf leh). (32) Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar,
Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb
waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay. (33) Cid kasta waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen
Labada waalid iyo Qaraabadu iyo kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag. (34)
Raggaa u taagan (Maamulka)
Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed, (Haweenka) Wanaagsan way
Adeecaan Haaliyaanna Maqnaas- ho ilaalinta Eebe Darteed, kuwaadse ka Cabsataan
Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadday idin Adeecaanna
ha u dalbina Korkooda jid (inaad dhibtaan), Eebana waa Sare Wayn. (35)
Haddaad ka Cabsataan Iskhilaafka Dhexdooda u bixiya Xaq soore Ehelkiisa ah iyo
Xaq soore Ehelkeeda ah, hadday doonaan Wanaajinna Eebe wuu iswaafajin
Dhexdooda, Eebana waa Oge Xeeldheer. (36) Caabuda Eebe
hana la Wadaajinina waxba, Labada Waalidna u Wanaag fala, iyo Qaraabada,
Agoonta, Masaakiinta, Dariska dhaw, Dariska Durugsan, Saaxiibka Dhinaca, Socotada
iyo waxay hanatay Gacmihiinnu, Eebana ma Jecla Cidda Kibirka badan ee Faanka
badan. (37) Oo ah kuwa Bakhayla Farana Dadka
Bakhaylnimo qarinna wuxuu Siiyey Eebe oo Fadli ah, waxaana u darabnay Gaalada
cadaab wax dulleeya. (38) Iyo kuwa u
bixiya Xoolahooda istuska Dadka oon rumeyn Eebe iyo Maalinta Dambe, ruuxii
shaydaan u noqdo Saaxiib wuu Xumaaday Saaxiibkiis. (39)
Maxaa korkooda ah hadday Rumeeyaan Eebe iyo Maalinta Dambe oy Bixiyaan Qayb
wuxuu ku Arzuqay Eebe, Ilaahayna waa Ogyahay iyaga. (40)
Eebe ma Dulmiyo wax la eg Darro (waxyar) hadday Wanaagtahayna wuu faab laabaa wuuna ka siin Agtiisa
Ajir Weyn. (41) ee Say ahaan Markaan ka keenno Umad
kasta marag oon kuu keenno adigana (Nabiga) kuwaas korkooda Marag. (42)
Maalintaas waxay Jeclaan kuwii Gaaloobay oo Caasiyey Rasuulka in lala Simo (Liqo) Dhulka kamana
Qariyaan Eebe Hadal. (43) kuwa (Xaga) Rumeeyow haw
dhawaanina Salaadda idinkoo sakhraansan intaad ka garataan waxaad dhahaysaan
iyo idinkoo Junub ah inaad Jid gudbaysaan mooyee intaad ka maydhataan, haddaad
tihiin kuwa Buka ama Safar ah ama ka yimid Ruux idin ka mid ah kortag, ama
Taabataan haweeneey aadanna helayn Biyo ku Gagabaysta Carro Wanaagsan, kuna
masaxa (Mariya)
Wajiyadiinna iyo Gac- mihiinna, Eebana waa Cafiye Dambi dhaafa. (44) Ka warran kuwa la siiyey Qayb Kitaabka ah (Tawreed) oo Gadan Baadi
doonina inaad ka Dhuntaan Jidka. (45) Eebaa Og
Colkiinna, waxaana ku filan Eebe, wuxuuna ugu filanyahay Eebe Gargaare. (46) Kuwii Yuhuudoobay waxay ka Leexin Kalimooyinka
Meelahooda waxayna dhihi waan Maqalay oon Caasinay, Maqla ha maqlinee, waxayna (dhihi) na ilaali iilid
Carrabkooda iyo Durid Diinta (Islaamka) darteed, hadday dhahaan waan maqalay waana Adeeenay ee
maqal na dayna saasaa u khayroonaan lahayd una toosnaanlahayd, laakiin waxaa lacnaday
Eebe Gaalnimadooda Darteed mana Rumeeyaan wax yar mooyee. (47)
Kuwa la siiyey Kitaabkow Rumeeya waxaan soo dajinay isagoo rumeyn waxaad
haysataan ka hor tirid wajiyaal oon u Celino gadaasheeda ama Nacladno sidaan u
Nacladnay Asaxaabtii (Kuwii) Sabtida (Yuhuudda) amarka Eebana waa kan
lafalo. (48) Eeba ma dhaafo in lala wadaajiyo
wuxuuse ka dhaafaa waxaa wixii ka soo hadhay Cidduu doono, Ruuxii la wadaajiyo
Eebe wuxuu beenabuurtay Dambi Weyn. (49) Ka warrama kuwa
daahirin (amaani)
Naftooda, Eebaa Daahiriya Cidduu doono lagamana Dulmiyo waxa ku dhaggan Jeex
Laf Timireed (Wax yar). (50) Day siday ugu Been Abuuran Eebe isagaa ugu filan Dambi
Cad. (51) Ka warran kuwa la siiyey qayb
Kitaabka ah oo rumeyn Sixir iyo Shaydaan, una dhihi kuwa Gaaloobay kuwaasaa ka
hanuunsan (Toosan) Kuwa
Rumeeyey Jidkooda. (52) Kuwaas waa
kuwuu Nacladay Eebe, Cid Eebe Nacladayna uma heshid Gargaare. (53) Mise waxay leeyihiin Qayb Xukunka oo markaas ayan
siinayn Dadka Laf Timir Duleelkeed (wax buuxiya). (54) Mise waxay ku
Xasdi Dadka waxa Eebe Siiyey oo Fadli ah, waxaan Siinay Ehelkii Ibraahiim
Kitaabka iyo Xigmad, waxaana siinay Xukun Wayn. (55)
Waxaase ka mid noqday mid Rumeeya (Xaqa) waxaana ka mid ah mid ka Jeediya Xaqa, waxaa ugu Filan
Jahannamo Gubid. (56) Kuwii ka Gaaloobay
Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku
badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan. (57) Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay
Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal, oyna ku waari Dhexdeeda Waligood, waxayna ku mudan
haween la Daahiriyey waxaana Galinaynaa Hoos Fiican. (58)
Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan
Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka. (59) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka
leh, oo idinka mid ah, haddaad ku Dooddaan Arrin u Celiya Eebe iyo Rasuulka
haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo Wanaag badan Xagga Abaalmarinta. (60) ka warran kuwa Sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo
dejiyey iyo waxa lagu Dejiyey kuwii kaa horreeyay oo ku Xukuntami Shaydaan,
iyagoo la faray inay diidaan, wuxuuna dooni Shaydaanku inuu Baadiyeeyo Baadi
Fog. (61) Marka lagu dhaho u kaalay wuxuu Soo
Dejiyey Eebe iyo xagga Rasuulka waxaad Arkaysaa Munaafiqiinta oo kaa Jeedsan
jeedasho. (62) Say noqon markay ku Dhaedo Musiibo (dhibaato) waxay hor
marsadeen Gaemahoodu Darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebe
inaanaan doonin waxaan Wanaag iyo Tawfiiq ahayn. (63)
Kuwaasu waa kuwa Ogyahay Eebe waxa Quluubtooda ku Sugan ee ka Jeedso Xaggooda
waanina waxaadna u dhahdaa naftooda Hadal xeel dheer. (64) Umaanaan
dirin Rasuul in la Adeeco mooyee Idanka Eebe, hadday markay Dulmiyaan Naftooda
ay kuu yimaadaan oy Dambi dhaaf waydiistaan Eebe una Dambi dhaaf waydiiyo
Rasuulku waxay Eebe (ogaan) dambi dhaafe Naxariista. (65)
Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara
oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi. (66) Haddaan ku Faral yeello korkooda Dila Naftiinna ama ka
baxa Guryihiinna ma Faleen wax yar oo ka mid ah mooyee, hadday Falaan waxa lagu
waanin yaa u. Khayr roon kuna daran (adag) sugnaan (Rumeyn). (67) Markaasaan ka
siin lahayn Agtanada Ajir wayn. (68) waxaana ku
hanuunin lahayn Jid Toosan. (69) Ciddii Adeeca
Eebe iyo Rasuulka kuwaasu waxay ahaan lajirka kuwuu u niemeeyey Eebe, oo
nabiyada, Rumeeyayaasha, Shuhadada iyo kuwa Suubban waxaana u fiican rafiiq
kuwaas. (70) Arrintaasuna waa Fadliga Eebe
waxaana ku Filan Eebe Ogaansho. (71) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Qaata
Digtoonidiinna Duulana idinkoo Koox Koox ah, ama Duula Dhamaan. (72) Waxaa idinka mid ah (Munaafiqiin) Cabsin (Dib marin) hadday idinku dhaedo Musiibp (dhibaato) wuxuu dhahaa waxaa ii Niemeeyey Eebe korkayga haddaanan la
joogin. (73) Hadduu idin soo gaadho (Heshaan) Fadli Eebe (Khayr) wuxuu dhihi sidii
isagoo ayna ahayn dhexdiinna Jeceyl Shallaaytee maxaan ula Joogi waayay, oon
Liibaano Liibaan wayne.
(74) Ha kula Dagaallameen Jidka Eebe kuwa ku Gatay Nolasha
Dhaw Aakhiro (doorta Adduun)
Ruuxii ku dagaalama Jidka Eebe oo la Dilo ama Adkaada waxaan Siinaynaa Ajir
wayn. (75) Maxaad leedihiin ood ugu Dagaalami
waydeen Jidka Eebe, iyagoo kuwa la Daeiifsan (Tabarta
yaraa) oo rag iyo Haween iyo Caruurba ay
leeyihiin Eebow naga Bixi Magaaladan Daalimiinta ah Ehelkeedu noogana yeel
agtaada Wali iyo gargaare. (76) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku
Dagaallami Jidka Eebe, kuwa Gaaloobayna waxay ku Dagaallami Jidka Shaydaanka,
ee la dagaallama Sokeeyaha Shaydaanku dhagarta Shaydaanku waa tabar yaryahaye. (77) Ka warran kuwa loo yidhi Reeba Gaemihiinna (Billoowgii Islaamka) Oogana Salaadda,
Bixiyana Zakada markii lagu Faral yeelay Dagaalkana waxaa soo baxay Koox ka mid
ah oo uga Cabsan Dadka Cabsida Eebe oo kale ama ka daran Cabsi, waxayna dhaheen
Eebow maxaad noogu Faral yeeshay Dagaalka, maxaad Dib Noogu dhigi wayday Tan
iyo Muddo dhaw, waxaad dhahdaa Raaxada Adduunyo waa yartahay, Aakhiraana u
khayroon Ciddii Dhawrsan Laydinkama dulmiyo Fatiil oo kale (wax
yar). (78) Meejaad
ahaataanba wuu idin haleeli Mawdku (Geeridu) aad ahaateenba Daaro Dheerdheer oo la adkeeyey, hadday
taabato wanaag waxay dhahaan tani waxay ka timid Xaga Eebe, hadday ku dhaedo
Xumaanna waxay dhahaan tani waxay ka timid Agtaada (Nabiga) waxaad dhahdaa Dhammaan waxay ka ahaadeen Eebe Agtiisa,
maxaa u sugnaaday Qoomkaas uma dhawa inay Fahmaan Hadale. (79) Wixii
ku soo gaadha oo Wanaaga waxay ka ahaadeen ebe, wixii kugu dhaea oo Xumaan ahna
waxay ka ahaatay Naftaada, waana kuu Diray Dadka adoo Rasuul ah, wuuna ku
Filanyahay Eebe Marag. (80) Ruuxii adeeca
Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe, Ruuxii Jeedsadana kuugu maanaan dirin
Haaliye. (81) Waxay dhihi (Munaafiqiintu) Daaead (baan nahay) markay ka tagaan Agtaadana waxay maamulaan (Habeenkii) Koox ka mid ah
waxay leedahay waxaan ahayn, Eebana wuu Qori waxay Maamuli (miri) ee Ka jeed so Xaggooda talana saaro Eebe, waxaana ku filan
Wakiil Eebe. (82) Miyeyna Fiirfiirinayn Quraanka,
hadduu ka yimid Eebe Agtiisa Meelaan ahayn waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is
khilaaf badan. (83) markuu u yimaaddo amar Nabadgalta
ah ama Cabdi way Faafiyaan hadday u Celiyaan Xagga Rasuulka ama kuwa cilmiga
Leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (Dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin Fadliga Eebee korkiinna iyo
Naxariistiisa waad raaci lahaydeen Shaydaan wax yart mooyee. (84) Ee ku Dagaallan Jidka Eebe lama mashaqayn Naftaada
mooyee, kuna boorri Mu'miniinta (Dagaalka) wuxuu u dhawyahay Eebe inuu idinka reebo dhibka kuwa
Gaaloobay, Eebaana daran dhib daranna Xanuujin. (85)
Ruuxii Shafeeca shafeeco Wanaagsan waxaa u ahaada Qayb ka mid ah, Ruuxiise
Shaafeeca Shafeeco Xun waxaa u ahaan Dambi ka mid ah, Eebaana wax kasta
Maaliya. (86) Haddii laydin Salaamo Salaan ku
Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye). (87) Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga
mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan
Eebe Hadal (ma jiro). (88) Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen
dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu
dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun). (89) Waxay
jecelyihiin (Munaafiqiintu)
inaad Gaaloowdaan siday u Gaaloobeen ood isku mid noqotaan, ha ka yeelanina
Xaggooda Sokeeye intay uga hijroodaan Jidka Eebe, haddayse Jeedsadaan qabta oo
ku dila Meejaad ka heshaanba, hana ka yeelanina Xaggooda Sokeeye iyo Gargaare (Midna). (90) Kuwa Gaadhi qoom dhexdiinna iyo dhexdooda ballan (heshiis) yahay mooyee, ama idiin
yimid yadow Cidhiidhyantahay Laabtoodu inay idinla Dagaallamaan ama la
dagaallamaan Qoomkooda, hadduu doono Eebe wuu idinku diri lahaa wayna idin la
dagaallami lahaayeen haddayse idinka dheeraadaan oyan idin la Dagaallamin oy
idiin soo hormariyaan Nabadgalyo idiin ma yeelin Eebe korkooda Jid (Xaq kuma lihidiin Dagaal). (91) Waxaad helaysaan kuwa kale oo dooni inay idin
nabadgaliyaan, oo nabadgaliyaan Qoomkooda (daahirka) markastoo loo celiyo Gaalnimana waa lagu dedijiyaa
dhexdiisa, haddayna idinka dheeraan ooyan idin siinin Nabadgalyo ooyan idinka
reebin Gaemahooda qabta oo ku Dila meejaad ka heshaanba, kuwaasna waxaan
idiinka yeellay Xujo Cad. (92) uma habboona (banaana) Ruux Mu'min ah muu
Dilo Mu'min si gaf'ah mooyee, Ruuxii u Dila Mu'min Gaf waxaa saaran Xorayn qoor
Mu'min, iyo Mag la siiyo Ehelmiisii, inay Sadaqaystaan moyee, hadduu ka
midyahay Qoom aad Coltihiin isna Mu'min yahay waxaa Saaran Xorayn Qoor Mu'min,
hadduu ka midyahay Qoom ballan, idin dhexyaal waxaa saaran Mag la siiyo
Ehelkiisii iyo Xorayn Qoor Mu'min ah, hadduusan helin (Qoorna) wuxuu Soomi Laba Bilood oo Israac raacsan, waana Toobad
Eebe, Eebana waa Oge Falsau. (93) Ruuxii u Dila
Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u
Cadhoon Eebe wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn. (94)
Kuwa xada Rumeeyow markaad u Safartaan Jidka Eebe wax caddaysta (Hubsada) hana dhihina Ruux
Salaan idiin soo gudbiyey ma tihid Mu'min idinkoo dooni Dhalateedka Nolosha
dhaq. Eebe agtiisa yey tahay qaniimooyin Badan, saasaad ahaydeen horay waxaana
idinku Mannaystay Eebe korkiinna, ee caddaysta (Hubsada), Eebana waxaad Camal falaysaan waa Ogyahay. (95) Ma Sinna kuwa Fadhiya ee Mu;miniinta ah oon kuwa
dhibban ahayn iyo kuwa kula Jahaadi Jidka Eebe Xoolahooda iyo Naftooda, wuu ka
Fadilay Eebe kuwa ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda kuwa fadhiya Darajo,
dhammaanna wuxuu u Yaboohay Wanaag, wuuna kaga fadilay Eebe kuwa Jahaaday kuwa
Fadhiya Ajir wayn. (96) Waa Darajooyin
Xaggiisa ah iyo Dambidhaaf iyo Naxariis, Eebana waa Dambi Dhaafe Naxariista. (97) Kuway Oofsato Malaa'igtu iyagoo Dulmiyey Naftooda waxay
ku Dhahaan maxaad ahaydeen waxayna dhahaan kuwo lagu Daeiifsadat (tabar yar) Dhulka, waxayna
dhahaan (Malaa'igtii)
miyeyna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda, kuwaas Hooygoodu
waa Jahannamo wayna u Xuntahay Aaye. (98) Kuwa la
Daeiifsado oo Rag, Haween iyo Caruur oon tabar lahayn kuna Toosi karin Jidka
mooyee. (99) Kuwaas wuxuu u dhawyahay Eebe inuu
iska Cafiyo Xaggooda, Eebana waa Saamaxe Dhaafa (Dambiga). (100) Ruuxii ku
Hijrooda Jidka Eebe wuxuu ka heli Dhulka Magangal badan iyo Waasacnimo, Ruuxii
ka Baxa Gurigiisa isagoo u Hijroon Xagga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas uu
sugnaaday Ajrigiisu Eebe (Fadhi dartiis) Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista. (101) Haddaad ku Safartaan
Dhulka ma aha korkinna Dhib (Dambi) inaad Gaabisaan Salaadda Haddad ka Cabsataan inay idin
Fidmeeyan (Dhibaan) kuwa
Gaaloobay, Gaaladuna waxay idiin yihiin Col Cad. (102)
Markaad tahay dhexdooda Muslmiinta ood u oogto Salaadda ha istaagto Koox ka mid
ah Agtaada hana Qaateen Hubkooda, markay Sujuudaan ha ahaadeen Gadaashiinna,
hana Tukadeen la jirkaaga hana Qaateen Digtooniddoda iyo Hubkooda, waxay
Jecelyihiin kuwa Gaaloobay inaad halmaantaan Hubkiinna iyo Alaabtiinna oo
markaas ay idin soo Weeraraan mar kaliya (Idunku kadiyaan) Korkiinna ma aha Dhib hadduu idin hayo dhib Roob ah ama
aad tihiin kuwa buka inaad dajisaan Hubka Qaatana Digtoonidiinna. Eebana wuxuu
u darbay Gaalada Cadaab wax Dulleeya. (103) Markaad
Gudataan Salaadda Xusa Eebe Taagni. Fadhi iyo Dhinieiinaba (Jiif) markaad xasishaanna (Aamin noqotaan) Ooga Salaadda (Dhameeya) Salaaddu waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun Waqtiyeysan (Mudaysan). (104) Haka Daeiifina (Jileina) Doonidda Qoomka (Gaalada) haddaad tihiin kuwa Xanuunsan iyaguba way xanuunsan sidaad
u xanuunsanaysaan, waxaadna ka rajaynasaan, waxaadna ka rajaynasaan Eebe
waxayna ka rajaynayn, Eebana waa Oge falsan. (105)
Anagaa kugu soo Dajinay Kitaabka si Xaq inaad ku kala Xukunto Dadka dhexdiisa
wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin Khaa'in u doode. (106)
Dhambi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariista. (107) Ha ka Doodin kuwa Khayaamayn Naftoodda, Eebana ma
Jeela Khayaamo badane Dambi badan. (108) Waxay iska
darin Dadka iskamana Qariyaan Eebe isagoo la jooga markay Maamuli wuxuusan
raalli ka ahayn oo hadal ah. Eebana waxay Camal fali wuu Koobay. (109) Idinku kuwaasow waad ka doodeen Xaggooda Nolosha
Adduunyo, yaase ka doodi Xaggooda Maalinta Qiyaame ama u noqon Wakiil. (110) Ruuxii fala Xumaan ama Dulmiya Naftiisa (Dambaaba) markaas dambi
dhaaf warsada Eebe wuxuu ka heli (ogaana) isagoo Dambi dhaafa ah Naxariistana. (111)
Ruuxii kasbada danbi wuxuu uun u kasbaday Naftiisa (Dhibkeeda) Eebana waa oge Falsan. (112)
Ruuxii kasbada Gaf ama Dambi markaas ku gana Dambiga (ku
sheega) mid barii ah wuxuu Xambaartay Been
abuurasho iyo Dambi Cad. (113) Hadduusan
jirin fadliga Eebee korkaaga iyo Naxariistiisa waxay Hammin lahayd Koox (dooni lahayd) oo ma kid ah inay
ku dhumiyaan mana dhumiyaan Naftooda mooyee mana kaa dhibaan waxba, wuxuuna
kugu soo dajiyey Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon
Fadliga Eebana korkaaga waa ku waynyahay. (114) Khayr ma leh
wax badan oo Faqooda ah, oon ahayn mid fara Sadaqo ama Wanaag ama Hagaajin
Dadka dhexdooda, Ruuxii fala Saas doonid raali ahaanshaha Eebe waxaanu siin
Ajir wayn. (115) Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib
intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu'miniinta midaan ahayn waxaa uga
wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel
loo ahaado. (116) Eebe ma dhaafo in lala Wadaajiyo (Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafa
wixii waxaas ka soo hadhay Cidduu doono. Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay
dhumid wayn. (117) ma Caabudayaan Eebe ka sokow
waxaan dhadig ahayn, mana Caabudayaan waxaan Shaydaan madax adag ahayn. (118) Ha Laenado Eebe shaydaan wuxuu yidhi waxaan ku yeelan
Addomada Qayb Sugan. (119) Waan baadiyeyn
waan yididiilo (Xun) galin waana fari (Xumaanta) waxayna jeex jeexi
Dhagaha Xoolaha waana fari (Xumaanta) waxayna doorin abuurka Eebe ruuxii ka yeesha shaydaan Wali
Eebe ka sokow dhab ahaan buu u Khasaaray Khasaare Cad. (120)
wuu u yaboohi oo yididiila galin mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn. (121) kuwaasna hooygoodu waa Jahannamo kamana helaan
xaggeeda iilasho (iyo fakasho). (122) kuwa rumeeyey xaqa oo fala camal fiican waxaannu galin
Janooyin oy socoto dhexdeeda Wabiyaal oyna ku waari dhexdeeda waligeed. waana
yabooha Eebe oo sugan. yaa ka run badan Eebe hadal (cidna). (123) Ma aha (xaalku) yididiiladiinna
iyo yididiilada ehelu Kitaabka midna, ciddii fasha xumaan waa laga Abaal marin
mana helayo Eebe ka sokow wali iyo gargaare (midna). (124) ruuxii fala
wanaag lab ah ama dhadig isagoo rumeysan (xaqa) kuwaasu waxay gali Janada lagamana dulmiyo duleel (laftimireed). (125) yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe
isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah). (126) Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo
Dhulka. Eebana waa wax walba koobe. (127) waxay ku
warsan Haweenka, waxaad dhahdaa Eebaa idiin fidyoon (sheegi) Xaalkooda iyo waxa lagu akhiriyi korkiinna Kitaabka
Haweenka Agoonta ah ee ah kuwaydaan siinayn waxa loo qadaray oo doonaysaan
inaad guursataan iyo kuwa tabarta yar ee caruurta ah, iyo inaad u maamushaan
Agoonta cadaalad, waxaad fashan oo kheeyr ahna Eebe waa ogyahay. (128) hadday Haweeney ka cabsato Ninkeeda xaggiisa fogaansho
ama jeedsasho dhib ma saara korkooda hadday heshiiyaan heshiis, heshiiskaana
khayr ah, waxaana lagu soo kulmiyey nafta bakhaylnimo, haddaad so Wanaag
fashaan ood dhawrsataan Eebe waxaad Camal falaysaan waa ogyahay. (129) ma kartaan inaad sintaan Haweejkiinna dhexdooda aadba
dadaasheene ee ha ka iilanina iilasho dhan, oo ka tagtaan sida mid xidhan (dayacan). haddaad
wanaajisaan ood dhawrsataan Eebe waa dambi dhaafe Naxariista. (130) hadday kala tagaan wuu kaafiyaa Eebe mid kasta
waasacnimadiisa, Eebana waa waasac (Fadligiisu) waana falsame. (131) Eebaa iska leh
waxa Samaawaadka ku sugan iyo dhulka. waxaana u dardaarnay kuwii la siiyey
Kitaabka ee idinka horeeyey iyo idinkaba ka dhawrsada Eebe, haddaadse
gaaloowdaan Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo dhulka. Eebana
waa hodan Amaanan. (132) Eebaa iska leh
waxa ku sugana Samaawaadka iyo Dhulka waana ku filanyahay Eebe Wakiil. (133) hadduu doono wuu idin tagsiin (dhamayn) Dadow lana imaan kuwo kale waana karaa Eebe Taas. (134) Ruuxii dooni abaal Adduunyo Eebe agtiisa yuu jiraa
Abaalka Adduunyo iyo Aakhiraba Eebana waa Maqle Arka. (135)
kuwa (Xaqa)
rumeeyow noqda kuwo u istaaaga Caddaalad oo ah marag Eebe, naftiinnaba ha
ahaato ama Waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama faqiir Eebaa u
mudnaansho badan ee ha ka raacina hawada inaad Caddaalo fashaan, haddaadse
iilataan ama jeedsataan Eebe waxaad camal falaysaan waa ogyahay. (136) kuwa (Xaqa) rumeeyow rumeeya Eebe (si dhabah) iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka uu ku dejiyey Rasuulkiisa iyo
Kitaabkuu u dejiyey horay, ruuxiise ka gaalooba Eebe, malaa'igtiisa,
kutubtiisa, rasuuladiisa iyo maalinta dambe (Qiyaamada) wuu dhumay dhumid fog. (137)
kuwa rumeeyey ee gaaloobay ee hadana rumeeyey ee gaaloobay markaas sii badsaday
Gaalnimo ma aha Eebe mid u dhaafi iyaga, kumana hanuuniyo Jidka (Toosan). (138) ugu bishaaree munaafiqiinta inay mudan Cadaab daran. (139) waana kuwa ka yeesha Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka
sokow, ma waxay ka dooni Agtooda sharaf, sharafna Eebaa iska leh dhammaanteed. (140) wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka
dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi
ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan
iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo
dhammaan. (141) oo ah kuwa udun la suga (dhibaato) hadduu gargaar
xagga Eebe idiinka ahaado waxay dhihi miyaanaan idinla jirin, hadduu gaalada u
sugnaado nassibna waxay dhahaan miyaanaan idin adkeynin oonaan idinka reeebin
Mu'miniinta, Eebaa xukumi dhexdooda maalinta Qiyaame, mana ugu yeelayo Eebe
gaalada mu'miniinta korkooda waddo. (142) munaafiqiintu
waxay dhagri Eebe (isku dayi) isna wuu dhagri (oo abaal Marin) markay u istaagaan Salaaddana way istaagaan iyagoo wahsan,
oo is tusi Dadka Mana xusaan Eebe wax yar mooyee. (143)
waxayna ku noqnoqon (wareeri) arrintaas dhexdeeda kuwaasina lama jiraan kuwaana lama
jiraan, cidduu dhumiyey Eebe uma heshid Waddo (eid
hanuunin). (144) kuwa (Xaqa) rummeyow ha ka
yeelanina Gaalada sokeeye Mu'miniinta ka sokow, Ma waxaad doonaysaan inaad
isugu yeeshaan Eebe korkiinna xujo cad (inuu idin ciqaabo). (145) munaafiqiintu
waxay ku sugnaan dabaqa hoose ee Naarta umanaheshid gargaare. (146) kuwa toobadkeena ee wanaajiya camalka, oo isku dhawra
Eebe, oo u kali yeela Diintooda (Cibaadadooda) Eebe kuwaasi waxay la jiri mu'miniinta, wuuna siin doonaa
Eebe Mu'miniinta Ajir wayn. (147)
muxuu ku fali Eebe cadaabkiinna haddaad mahdisaan ood rumeysaan, Eebana waa
mahdiye Waana oge.
Juz' 6
(148) Ma Jeela Eebe in lala
Qayliyo Xumaan oo Madal ah Ruux la Dulmiyey Mooyee Eebana waa Maqle og. (149) Haddaad
Muujisaan Khayr ama Qarisaan ama Cafidaan Xumaan Eebana waa Dhaafe kara. (150) Kuwa ka Gaalooba Eebe iyo Rassulkiisa oo dooni inay
kala (Bixiyaan) Eebe
iyo Rasuulkiisa oo odhan waxaannu Rumayn Qaar waana Diidi Qaar oo dooni inay ka
yeeshaan Arrintaa dhexdeeda Waddo. (151) Kuwaasi iyaga
umbaa Gaalo dhab ah, waxaana u darbannay Gaalada Cadaab wax Dulleeya. (152) Kuwa rumeeyey Eebe iyo Rassulkiisa oon kala bixinin
Cid ka mid ah kuwaas wuu Siindoonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa Dhaafe Naxariista. (153) Waxay ku warsan Ehelu Kitaabku Inaad kaga soo Dejiso
Kitaab Xagga Samada, Dhabahaan yey u warsadeen (Nabi) Muuse wax ka wayn kaas waxayna dheheen noo tusi Eebe si
Cad waxaana qabatay qaylo (daran) Dulmigooda dartiis, waxayna yeesheen Dibi intay u Timid
Xujooyin, waana ka Cafinay Arrintaas, waxaana siinay Nabi muuse Xujo Cad. (154) Waxaan koryeellay (Buurta) Dhuur Ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi ka gala
Irridda idinkoo Sujuudsan, waxaana ku nidhi ha ku xadgudhina Sabtida waxaana ka
qaadnay Ballan adag. (155) (Waan Lacnadnay) Burintooda
Ballankooda iyo ka Gaalowgooda Aayaadka Eebe iyo u Dilidda Nabiyada Xaqdarro
iyo Hadalkooda Quluubtanadu way daboolantahay, saas ma aha ee waxaa Daabacay (daboolay) Eebe Gaalnimadooda
darteed mana rumeeyaan wax yar mooyee. (156) iyo
Gaalnimadooda darteed iyo Hadalkooda Maryama oy ku Been abuurteen si wayn. (157) iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu
Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay, (ekeysiiyey), kuwii isku
Khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn
Raacid Male umana dilin dhab. (158) Saas ma aha ee
waxaa u koryeelay Xaggiisa Eebe, ilaahayna waa Adkaade Falsan. (159) Ehelu Kitaab kasta wuu rumeyn Ciise Geeridiisa ka hor,
Maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqon korkooda Markhaati. (160)
Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga Reebnay korkooda Wanaaga loo
xalaaleeyey iyo ka Celintooda Jidka Eebe wax badan. (161)
Iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga Reebay Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha
Dadka si Baadil ah, waxaana u darbanay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran. (162) Laakiin kuwa ku xeeldheer Cilmiga oo ka mid ah iyo
Mu'miniintu waxay rumeyn waxa lagugu Dejiyay, iyo wixii la Dejiyey hortaa, iyo
kuwa Oogo Salaadda ee Bixiya Zakada ee rumeeya Eebe iyo Maalintii Dambe kuwaas
waxaan siinaynaa Ajir wayn. (163) Annagaa kuu
waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi
Ibrahim, Ismaaeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana
siinay Daawuudna Zabuur. (164) iyo Rasuullo
aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe
Nabi Muuse Hadal. (165) Waa Rasuullo
Bishaarayn oo Digi si ayan Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka dib Rasuullada, Eebana
waa Adkaade Falsan. (166) Laakiin Eebaa
Marag Furi wuxuu kugu Dejiyey wuxuuna ku Dejiyey Cilmigiisa, Malaa'igtuna way
Marag furi, Eebana ku Filan Marag. (167) Kuwa Gaaloobay
ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dhumid Fog. (168)
kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku
Hanuuniya Jid. (169) Jidka Jahannamo mooyee iyagoo ku
waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe. (170)
Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin khayr
roon, haddaad Gaalowdaanna Eebe waxaa u Sugnaaday waxa ku sugan Samaawaadka iyo
Dhulka Eebana waa oge falsan. (171) Ehelu
Kitaabkoow ha ku Xadgudbina Diintiinna hana ku Dhihina Eebe waxaan Xaq ahayn,
Masiix Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo Kalimadiisii uu ku Tuuray
Maryama iyo Ruux Xaggiisa ah ee rumeeya Eebe iyo Rasuulasiisa, hana dhihina
Saddex (ILaah)
reebtooma, saasaa idiin Khayr Roon, Eebe waa uun ILaah Kaliya, waa ka
Nasahanyahay in ILmo u sugnaado, waxaa u sugnaaday waxa Samaawaadka iyo DHulka
ku sugan, Eebaana ku filan Wakiil. (172) Iskama kibriyo
Masiix inuu ahaado Addoon Eebe, Malaa'igta la dhaweeyeyna (iskama
kibriso) ruuxii iska kibriya Cibaadadiisa oo
iswayneeya wuu u soo kulmin Xaggiisa Dhammaan. (173)
Kuwa rumeeyey Xaqa oo Camal fiican fala wuxuu u Oofin Ajrigooda wuxuuna u
kordhin Fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo iskibriya wuxuu Cadaabi Cadaab Daran
mana helayaan Eebe ka sokow Wali iyo Gargaare (midna). (174) Dadow waxaa
idiin yimid Xujo Xagga Eebe ah waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad. (175) Kuwa rumeeyase Eebe oo Qabsaday (isku
dhawray) Eebe (iyo
Quraanka) wuxuu Galin Naxariis xagiisa ah iyo
Fadli wuxuuna ka Hanuunin Xaggiisa Jid Toosan. (176)
Waxbay ku warsan, waxaad dhahdaa Eebaa idiin Fidyoon Kalaalada, hadduu dhinto
Ruux aan ILmo lahayn oo leh Walaashiis waxay Mudan Nus wuxuu ka tagay isaguna
wuu Dhaxli hadduusan ILmo u sugnaanin, hadday Labo yihiina waxay Mudan Labo
Dalool wuxuu ka tagay, hadday yihiin Walaal Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa u
sugnaaday Labo Dhadig Qaybtood, wuxuu idiin caddayn Eebe (Xaqa) inaydaan Dhumin Eebana wax kasta waa Ogyahay.
Al-Maaida
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Kuwa (Xaqa) Rumeeyoow Oofiya Ballanka, waxaa Laydiin Baneeye Xoolaha
Nicmoolayda waxa laydinku Ahrin Korkiina Mooyee idinkoon banaysanayn Ugaadshiga
idinkoo xarman Eebana wuxuu Xukumaa wuxuu Doono. (2)
Kuwa (xaqa)
Rumeeyow ha Banaysanina Calaamooyinka Eebe (waxa reeban) iyo Bisha Xurmaysan iyu Hadyada iyo Midda loo Luqun Xidhay
(Hadyada Baydka) iyo kuwa u Qasdi
Baydka Xurmaysan, iyagoo Dooni Fadliga Eebahood iyo Raali ahaanshihiisa,
Markaad Xalaalowdaanna (Dhamaysaan Xajka
iyo Cumrada) Ugaadhsada (hadaad
Doontaan) yeyna Idin ku Xambaarin Cadhada Qoom
idinka Celiyey Masaajidka Xurmaysan inaad Xad gudubtaan, Isugu kaalmeeya Samaha
iyo Dhawrsiga hana Isugu Kaalmaynina Dambi iyo Colnimo, kana Dhawrsada Eebe,
Ilaahay way darantahay Ciqaabtiisu, (3) Waxaa laydinka
Xarrimay Bakhtiga iyo dhiigga iyo Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu Xuso (Lagu Gawraco) waxaan magaca Eebc
ahayn, iyo tii In Ceejiyo, iyo la Ganac gooyo, iyo lan meel ku dhacda, iyo Tii
la Hardiyo, iyo Midduu Cunay bahal, wuxaud Gawracdaan mooyee (waxaa kaloo reeban) wixii lagu gawraco
Sanam, iyo inaad ku Nasiib doontaan Faal, kaasi waa Fisqi, maantayna ka
quusteen kuwii Gaaloobay Diintiinna, Ee ha ka Cabsanina ee iga Cabsada,
Maantaan idiin kaamilay (Dhameeyey) Diintiinna waxaana idiin Taamyeelay Korkiinna Nicmadayda waxaana
idiinka Raalli noqday Islaamka Diin ahaan, Ciddii loo Dhibaateeyo Baahi inay
cunaan wixii laga xaaraameeyey oon Falayn Dambi Eebc waa dambi dhaafe
Naxariista. (4) waxay ku warsan maxaa loo
Xalaaleeyey waxaad dhahdaa waxaa laydiin xallilay Wanaagga (Xalaasha) iyo waxaad wax barteen oo wax Dhaawaca idinkoo ku
ugaadhsan, ood baraysaan wuxuu idin baray Eebe ee ka cuna waxay idiin qabtaan
ku Xusana Magaca Eebe kana Dhawrsada Eebe, ILaahay waa deg degtaa
Xisaabtiisuye. (5) Maanta waxaa Laydiin Xalaaleeyey
Wanaagga Cunada kuwa la siiyey Kitaabna Xalaalbuu idiin yahay. Cunadiinuna
xalaalbay u tahay, iyo kuwa Dhawrsoon oo Mu'minaadka ah (Guurkooda) iyo kuwa Dhawrsoon oo ka Mid ah kuwa la siiyey Kitaabka oo
idinka horreeyey haddaad siisaan ujuuradooda (Meherkooda) iyagoo Dhawrson oon Xumaan (Zino) Samaynayn Yeelanaynna Saaxibbo (Xun) Ciddii ka Gaalowda limaanka wuu Hoobtay Camalkiisu wuxuuna
ka mid noqon aakhiro kuwa Khasaaray. (6) Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u
Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana
Madaxiinna (Dhaqana)
Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya, Haddaad
Buktaan ama Safartihiin ama ka timaadaan Kortag ama Istaabataan haween oydaan
helayn Biyo ku Gagabaysta shul daahir kuna Masaxa Wajigiinna iyo Gacmihiinna,
idin lama doonayo Eebe inuu isin yeelo korkiina Dhib wuxuuse dooni inuu idin
Daahiriyo idiin dhammeeyo Nicmadiisa korkiinna inaad Shugridaan Darteed. (7) Xusuusta Nicmada Eebe iyo Ballankiisa uu idin kula
Ballamay markaad Dhahdeen waan maqalay waana adeecnay kana Dhawrsada Eebe
ILIeen ILaahay waa Ogyahay waxa Laabta ku Sugane. (8)
Kuwa (xaqa)
Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u Darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaalad yeyna idinku Xambaarin
Cadhada qoom inaydaan Caddaalad falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw
Dhawrsashada (Eebe) kana
Dhawrsada ILaahay, Eebe waa Ogyahay waxaad falaysaane. (9)
Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican inuu u sugnaaday Dambi dhaaf iyo
Ajir wayn. (10) Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey
Aayaadkannaga kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Jaxiimo. (11) Kuwa (xaqa) Rumeeyow Xusuusta
Nicmada Eebe korkiinna markay Hamiyeen «dooneen» qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan) Gacmahooda oo (Eebe) idinka reebay
Gacmohooda Xaggiina kana Dhawrsada Eebe, Ilaahayna ha tala Saarteen
Mu'miniintu. (12) Dhab ahaanbuu u qaaday Eebe
Ballanka Banii'Israa'iil, waxaana ka Bixinay Xaggooda Labo iyo toban Madax ah,
wuxuuna yidhi Eebe anagu waan idin la jiraa Haddaad Oogtaan Salaadda oo
Bixisaan Zakada ood Rumaysaan Rasuuladayda, ood una Gargaartaan oo amaah
gashataan Eebe amaah (Sadaqo) Fiican waxaan ka Asturi Xaggiinna Xumaanta waxaana idin
galin Jannooyin ay Dureeri Dhecdeeda Wabiyaal Ruuxii Gaalooba intaas ka Dib oo
idin Ka mid ah wuxuu ka Dhumay Jidka Toosan. (13)
Burintooda Ballankooda (Yuhuud) yaan u Lacnadnay kana Yeellay Quluubtooda mid Ingagan,
iyagoo ka leexin Kalimada meejeeda waxayna halmaameen qayb ka mid wixii lagu
waaniyey kamana waydid Xaggooda inaad ku aragtid Khayaamo wax yar mooyee ee
iska Cafi iskana Saamax Eebe wuxuu Jecelyahay samo Falayaashee. (14) Kuwa Yidhi waxaan nahay Nasaara waxaan ka qaadnay
Ballankooda waxayna halmaameen qayb wixii lagu Waaniyey, markaasaan ku sii
daynay Dhexdooda Colnimo iyo Cadho Tan iyo Maalinta Qiyaame, wuuna uga warrami
Eebe waxay Samaynayeen. (15) Ehelu Kitaabow
waxaa idiin Yimid Rasuulkannaga oo idiin Caddayn wax badan ood ahaydeen kuwo ka
qariya Kitaabka (Tawreed)
wuxuuna idinka Cafiyi wax badan, waxaana idiinka Yimid Xagga Eebe Nuur iyo
Kitaab Cad. (16) Uuna ku Hanuuniyo Eebe Ruuxii Raaca
Raalli ahaanshihiisa Jidka Nahadgalyada kana bixin Mudiyada Xagga Nuurka
Idinkiisa kuna hanuunin jidka Toosan. (17) Waxaa Gaaloobay
kuwa yidhi Eebe waa uun Masiixi Ibnu maryama, yaa uga Hanan Eebe waxba hadduu
doono inuu Halaago Masiixi Ibnu Maryama iyo Hooyadiis iyo waxa Dhulka ku sugaan
Dhammaan, Eeba iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa u Dhaxeeya,
wuxuuna abuuraa wuxun Doono Eebana wax kasta wuu karaa. (18)
Waxay Dheheen Yuhuud iyo Nasaaraba anagu waxaan nahay Caruur Eebe iyo juwuu
Jecelyahay waxaad Dhahdaa Muxuu idiinku Cadaabaa dambigiinna saas ma aha ee
waxaad Tihiin Dadka Eebe Abuuray, wuu u Dhaafi Cidduu Doono wuuna Cadaabi
Cidduu Doono, Eebana waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka, iyo Dhulja iyo waxa
u Dhexeeya Xaggiisaana loo ahaan. (19) Ehelu Kitaabow
waxaa idiin Yimid Rasuulkanagii isagoo Idiin Caddayn Muddo (kadib) rasuulada inaydaan dhihin nooma Imaan Bishaareeye iyo
Dige, Eebana wax kasta wuu karaa. (20) (Xusuuso) Markuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Qoomkiisa,
Qoomkayow Xusuusta Niemada Eebe ee korkiinna markuu yeelay Dhediinna Nabiyo
idinkana yeelay Xukaam idinsiiyeyna waxaan la siin Cid Caalamka ah, (Waqtigiinnii). (21) Qoomkayow gala Dhulka la Daahiriyey oo idiinyaboohay
Eebe hana u noqonina Gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo Kashaaray. (22) Waxay dheheen Muusow waxaa (Dhulka) Dhexdiisa ah qoom daran mana galayno intay ka baxaan
xaggeeda hadday ka baxaanna waanu gali. (23) waxay Dheheen
Labo Nin oo ka mid ah kuwa ka Cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe uga gala albaabka Markaad gashaan
idinkaa Adkaane, Eebana tala saarta haddad Mu'miniin tihiin. (24) Waxay dheheen Muusow anagu ma galayno Waligeed intay
joogaan ee taga adiga iyo Eebaha oo la dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye.
(25) Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma hanto Naftayda iyo Walaalkay Mooyee ee
nakala Bixi (Xukun)
Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun). (26) (Eebe) Wuxuu Yidhi iyadu
«Dhulka» waa ka Xaaraan korkooda Afartan Sano oy ku Wareeri Dhulka ee haw Murugoon
qoomka Faasiqiinta ah. (27) Ku akhri
Korkooda warka Labadii Wiil ee Ilmo Nabi aadam ahayd si dhab ah, markay
Dhaweeyeen (Sadaqaysteen)
Sadaqo oo laga Aqbalay Midkood lagana aqbalin kii kale, oo uu Yidhi waan ku
Dili uu Yidhi (Kii kale)
wuxuu uun Eebe ka aqbalaa kuwa Dhawrsada. (28) Haddaad u soo
Fidiso Xaggayga Gaeantaada inaad i disho anigu kugu Fidin maayo gaeanta inaan
ku dilo Anugu waxaan ka Cabsan ilaahay ee ah Eebaha Caalamka. (29) Waaxaana Dooni inaad la Noqoto Dambigayga iyo kaagaba
ood noqoto Naarta Ehelkeeda Taasina waa Abaalka Daalimiinta. (30) Markaasay u qurxisay Naftiisii Dilka Walaalkiis Wuuna
Dilay wuxuuna Nooqday kuwa Khasaaray. (31) Wuxuuna Eebe u
Bixiyey (Muujiyey) Tuke
Faadhi Dhulka inuu Tusiyo siduu u Asturo Maydka Walaalkiis, wuxuuna Yidhi
Shalaytee miyaan ka Cajisay inaan noqdo Sida Tukahan oon Asturo Maydka
Walaalkay wuxuuna ahaaday mid Qoomamooda. (32) Saas Darteed
yaan ugu Jidaynay Banii-Israa'iil Cidii Disha Naf aan (Dilin) Naf ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay
Dadka Dhammaan, Ciddii Noolaysa Nafna (Korisa) Waxay la mid Tahay Isagoo Nooleeyey Dadkoo Dhan, Waxay ula
Timid Rasuuladanadii Xujooyin Markaas in Badan oo ka mida Intaas ka dib Dhulkay
ku Xadgudbeen. (33) Abaalka kuwa la Dagaalama Eebe iyo
Rasuulkiisa oo la Socda Dhulka Fasaad waa in la Dilo ama la Wadho, ama loo
gooyo Gacmahooda iyo Lugabooda Isdhaaf, ama laga Fogeeyo Dhulka, arrintoodaasna
waa inay Mudanyihiin Dulli Adduun iyo Aakhiro oo Cadaab Wayna. (34) Kuwa Toobad keena qabasho ka hor mooyee Ogaadana in
Eebe Dambi Dhaafo oo Naxariisto. (35) Kuwa (Xaga) Rumeeyow ka
Dhawrsada Eebe una Doona Xaggiisa Dhawaansho kuna Jahaada Jidkiisa waxaad u
Dhawdihiin inaad Liibaantaane. (36) Kuwa Gaaloobay
hadduu u ahaado waxa Dhulka ku Sugan oo Dhan iyo wax la mid ah inay iskaga
Furtaan Cadaabka Maalinta Qiyaame lagama Aqbaleen waxayna Mudan Cadaab Daran.. (37) Waxay Dooni inay ka soo Baxaan Naarta kamana Baxaan
Xaggeeda waxayna mudan Cadaab Joogta ah. (38) Tuugga iyo
Tuugadda Gooya Gaemahooda Abaalmarin waxay kasbadeen Darteed waana Xanuujin
Eebe ILaahayna waa adkaade Falsan. (39) Ciddiise Toobad
keenta Dulmigiisa ka Dib oo Fiienaada ILaahay wuu ka Toobad Aqbali, Eebana waa
Dambi Dhaafe naxariista. (40) Miyaadan Ogayn
in Eebe u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka uuna Cadaabi Cidduu Doono,
waana u dambi dhaafi Ciddu la doono Ilaahayna wax kasta wuu karaa. (41) Rasuulow Yeyna ka Walbahaarin kuwa ku Dag dagi
Gaalnimada oo ah kuwa ku Yidhi Afkooda waan Rumaynay ooyna Rumayn Quluubtoodu,
iyo kuwa Yuhuudoobay waxay maqli ogyihiin Beenta waxayna maqli Ogyihiin qoom
kale oon kuu Imaanin waxayna ka leexiyaan Kalimooyinka Meelaheeda (Dhabta) waxayna Odhan
haddii laydinsiiyo kan (Leexsan) qaata haddaanse laydin siinin ka Digtoonaada, Ruxuu Doono
Eebe Ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebe la
Doonin inuu Daahiriyo quluubtooda, waxayna Mudan adduunka Dulli Aakharana waxay
mudan Cadaab wayn. (42) Waxay Maqli
Ogyihiin Beenta waxayna Cunid Badanyihiin Xaaraanta hadday kuu Yimaaddaana kala
Xu kun Dhexdooda ama ka Jeedsohaddaad kajeedsatana Wax kaama dhibaan haddaad
kala xukuntana Caddaalad kukala xukun Eebe wuxuu Jecelyahay caadiliintee. (43) Siday kuugu Xukuntami Iyadoo agtooda yahay Tawreed oo
Xukunkii Eebe ku Yaal markaasna ay ka Jeddsan intaas ka Dib Kuwaasi ma aha
Mu'Muniin. (44) Anagaa soo Dejinay Tawreed oo
Dhexdeeda ku suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u
Hogaansamay Eebe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray madaxdii iyo Culimadii
wixii laga Doonay inay ILaaliyaan oo Kitaabka Eebe ahm waxay ku ahaayeen
Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka ee iga Cabsada ani, hana ku Gadanina
Aayaadkayga Lacag (Qiimo) Yar. Ciddaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa
Gaalo uun. (45) Waxaan ku Faralyeelay korkooda in
Nafta (Loo qisaaso)
Nafta, ishana Isha, Sankana Sanka, Dhagtana Dhagta, ILigana ILiga, Nabaradana
waa laysu Qisaasi, Ciddii iska Sadaqaysata (Samaxda) waxay u Noqon Kafaaro (Dambi Dhaaf) Cidaanse Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa
Daalimiin uun. (46) Waxaana Raacsiinay Raadkoodii ciise
Ibnu Maryama Isagoo Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay
Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo
Tawreeda Hanuun iyo Waanana u ah kuwa Dhawrsada. (47)
Ila Xukumeen Ehelka Injiil wuxuu ku soo Dejiyey Eebe Dhexdiisa, Cidaan Xukumin
wuxuu soo Dejiyey Eebe waa Mid Faasiq ah uun. (48)
Waxaana kugu Soo Dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo Rumayn wixii ka Horeeyey oo
Kitaab ah. Isagoo Marag iyo ILaaliye u ah, ee ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo
Dejiyey Eebe hana ka Raacin Hawadooda waxa kuu Yimid oo Xaq ah, Dhammaan waxaan
u Yeellay Shareeco iyo Waddo hadduu Doono Eebana wuxuu idinka Yeeli Umad
kaliya, Laakiin wuu idinku Imtixaami wuxuu idin Siiyey ee u Tartama Khayrka,
Xagga Eebe yey Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idiinka Warrami waxaad isku
Diidanaydeen. (49) Ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo
Dejiyey Eebe, hana Raacin Hawadooda, kana Digtoonow inay kaa Fidmeeyaan waxa
Eebe kugu soo Dejiyey qaarkiis, hadday Jeedsadaanna Ogow in Eebe la Doonayo
inuu ku Aassi ibo (Ciqaabo) Dambigooda Qarkiis, wax badan oo Dadka ka mid ahna waa
Faasiqiin. (50) Ma Xukunka Jaahilayad yey
doonayaan, yaa ugu Fiican Eebe Xukunkiisa qoomka wax Yaqiinsan (Rumaysan). (51) Kuwa Xaqa Rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara
Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii ka sokeeya Yeelata oo idinka Mid ah wuxuue ka
midyahay Iyaga, Eebe ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah. (52)
Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka Buka (Munaafiqiinta) oo u Degdagi Dhexdooda, iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan
inay nagu dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u Dhawdahay in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) Xagiisa ah oo Markaas ay ahaadaan kuwo waxay u Qarsanayeen
Naftooda (oo Gaal jacayl ah)
Qoomameeya. (53) Waxay Odhan kuwii Rumeeyey (Xaqa) ma kuwaasaa Kuwii
ku Dhaartay Eebe Dhaar Adag inay idinla Jiraan, waxaa Hoobtay Camalkoodii
waxayna ahaadeen kuwo Khasaaray. (54) Kuwa Xaqa
Rumeeyow Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo idinka mid ah, wuxuu Eebe keeni qoom uu
Jeeelyahay iyana Jeeel una naxariista Mu'miniinta kuna Daran Gaalada, kuna
Jahaadi Jidka Eebe oon ka Cabsanayn Canaanta Canaante, Taasina waa Fadliga Eebe
wuxuuna Siiyaa Cidduu Doono, Eebana waa Deeq Badane Og. (55)
Waligiinnu waa uun Eebe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) ee Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Rukuuea. (56) Ciddii ka Waliyeelata Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Kuwa
Rumeeyey Xaqa Xisbiga ILaahay Umbaa Adkaan. (57)
Kuwa xaqa Reemeyow ha ka Yeelanina kuwa ka Yeeshay Diinta Jees Jees iyo Ciyaar
oo ah kuwa Ehelu Kitaabka ah Idinkana Horeeyey iyo Gaalada sokeeye, kana
Dhawrasada Eebe haddaad Tihiin Mu'miniin. (58) Markaad ugu
Dhawaaqdaan Salaaddana waxay ka Yeeshaan Jees Jees iyo Ciyaar, waxaana
Arrintaas ugu Wacan inay Yihiin Qoomaan waxkasayn. (59)
Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow Miyaad Noogu Cadhoonaysaan inaan Rumaynay Eebe
iyo waxa naloo soo Dejiyey iyo wixii la Dajiyey horay Mooyee, Badankiinnu waa
Faasiqiin. (60) Waxaad Dhahdaa maydinka warramaa
waxa ka Sharbadan Arrintaas abaal Marinta Eebe Agtiisa waa mid Eebe Nacladay una
Cadhooday kana Yeelay Daanyeerro, Doofaarro iyo Shaydaan Caabude, Kuwaasay Shar
badantahay Meejoodu kana Dhumid Badan Jidka Toosan. (61)
Hadday idiin Yimaaddaan waxay Dhahaan waan Rumaynay (Xaga) iyagoo la soo Galay Gaalnimo, lana Baxay, Eebana waa Ogyahay
waxay Qarin, (62) Waxaad Arkaysaa wax Badan oo ka mid
ah oo u degdegi dambiga iyo Colnimada iyo cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan badan
waxay Fali. (63) May ka Reebaan Ikhyaartu iyo
culimadu hakalkooda dambiga ah iyo Cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan badan waxay
Samayn. (64) Waxay Tidhi Yuhuuddu Gacanta Eebe
waa Laabantahay, ha lallaabo Gaemahoodu hana La naclado hadalkay Dheheen
Dartiis, saas ma aha ee waxay ku Fidsanyihiin Khayrka (Deeq
badane) wuxuuna u Nafaqeeyaa Siduu Doono,
wuxuuna u Kordhin wax badan oo iyaga ka mid ah waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa
Xad Gudub iyo Gaalnimo, waxaana ku Dhex tuuray Col iyo Cadho tan iyo Qiyaame,
mar kastooy huriyaan dab Dagaalna waxaa bakhtiiya Eebe, waxayna la Soedaan
Dhulka Fasaad, ILaahayna ma Jeela kuwa wax Fasaadiya. (65)
Hadday Ehelu Kitaabku Rumeeyaan xaqa oy Dhawrsadaan waxaan ka Asluri lahayn
Xagooda Xumaantooda waxaana Galinlahayn Jannada Naciimo. (66)
Hadday ku Camal falaan Tawreed, Injiil, iyo waxa looga soo Dejiyey Xagga
Eebahoodna waxay ka Cuni lahaayeen Korkooda iyo Hoostooda, «barwaaqo» waxaa ka
mid ah Umad Dhex dhexaysa wax badan oo ka mid ahna waxaa Xun Waxay Fali. (67) Rasuulow Gaadhsii waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa (Dadka) Haddaadan Falin
Maadan Gaadhsiin Risaaladiisa «Fariintiisa», Eebaana kaa Haalin Dadka, Eebana
ma hanuuniyo qoom Gaala ah. (68) Waxaad Dhahdaa
Ehelu Kitaabkow waxba ma Tihidiin intaad ka Oogtaan Tawreed, Injiil iyo waxa
Laydiinka soo Dejiyye Xagga Eebihiin (Quraanka) wuxuuna u Kordhin wax badan oo ka mid ah waxa Xagga
Eebahaa lagaaga soo Dejiyey Xad Gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka
gaalada ah. (69) Kuwa Xaqa Rumeeyey iyo kuwa
Yuhuudoobay iyo Saabi'iinta iyo Nasaara Ciddii Rumeysa Eebe, Maalinta Dambe (Qiyaamada) oo fala camal
fiican cabsi korkooda ma ahaato iyo Walbahaar (Midna). (70) Waxaan Qaadnay
Ballanka Banii'israa'iil waxaana u Diray Xaggooda Rasuullo, Markastoos ula
Yimaaddo Rasuul waxaan Naftoodu Jeelayn Koox way Beeniyaan Kooxna way Dilaan. (71) Waxayna u Maleeyeen inaan Fidmo Jirin, wayna Indho
Beeleen oo Dhago Beeleen, Markaasuu Eebe ka Toobad Aqbalay, markaasay Indho
Beeleen oo Dhago Beeleen wax badan oo ka mid ah Eebana waa Arkaa waxay Fali. (72) waxaa Gaaloobay kuwa Yidhi Eebe waa Masiixi Ibnu
Maryama, Wuxuuna Widhi Masiix (Ciise) Banii Israa'iilow Caabuda Eebe ee ah Eebanay iyo Eebihiin,
Ruuxii u Shariig Yeela Eebe (La wadaajiya) wuxuu Eebe ka Xarrimay Jannada wuxuuna ku hoyan Naarta
Daalimna ma helo Gargaare. (73) Waxaa Gaaloobay
kuwii Yidhi ILaahay waa Saddex Midkood, ILaah kaliya Mooyee ILaah kalana ma
jiro, hadayna ka Joogin waxay Sheegina waxaa Taaban kuwa Gaaloobay oo ka mid ah
Cadaab Daran. (74) Miyeyna u Toobad keenayn Eebe oyna
Dambi Dhaaf warsanayn, Eebaana Dambi Dhaafe Naxariista ah. (75)
Masiix (Ciise) Ibnu
maryama ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis rasuuladii,
hooyadiisna waxay ahayd rumayso, waxayna cuni jireen Cunnada, day Saannu ugu
Caddayn Aayaadka Markaas day Sida loo iilo. (76)
Waxaad Dhahdaa ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Hananin Dhib iyo
Dheef (midna) Eebana
Yahay Maqle Oge ah. (77) Waxaad Dhahdaa
Ehelu Kitaabow ha ku Xadgudbina Diintiinna si aan Xaq ahayn, hana Raacina
hawada qoom Dhumay mar hore Dhumiyeynna wax badan kana Dhumay Jidka Toosan. (78) Waa lagu Lacnaday Kuwii Gaaloobay oo Banii Israa'iil ah
Carrabka Daa'wuudd iyo Ciise Ibnu Maryama Arrintaasna waxaa ugu Wacan
Caasinimadooda ahaayeenna kuwo Xadgudba. (79) Waxayna
ahaayeen kuwaan iska Reebayn Xumaan ay Falayaan, waxaa Xun waxay Falayeen. (80) Waxaad Arkaysaan wax badan oo ka mid ah oo ka Sokeeye
Dhigan kuwo Gaaloobay waxaa Xun waxay u Hortmarsatay Naftoodu oo ah in Eebe u
cadhooday, Cadaabkana ay ku Waari. (81) Hadday Yihiin
kuwo Rumeyn Eebe iyo Nabiga iyo waxa lagu soo Dejiyey mayna Yeesheen Sokeeye
Gaalo laakiin wax badan oo ka mid ah waa Faasiqiin.
Juz' 7
(82)
Waxaad Ogaan kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin
laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo Dhaw Jacayl
kuwa Rumeeyey Xaqa (muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa
ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan. (83)
Markay maqlan waxaa lagu soo Dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo
Ilmo ka Daadan waxay aqoonsadeen oo xaqa ah iagoo dhihi Eebow waan Rumeynay ee
nagu dhig (Yeel) kuwa
marag furi (Xaqa qiri). (84) Maxaanaan u rumeynaynin Eebe iyo waxa noo yimid oo xaq
ah oonaan u Damcaynin inuu na galiyo (naga yeelo) Ilaahanno qoomka Suuban la Jirkooda. (85)
wuuna ku Abaal marin Eebe waxay Dhaheen Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal
iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Abaal marinta Samafalayaasha. (86) kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkanaga Kuwaasu Waa
Jaxiimo Ehelkeeda. (87) Kuwa xaqa
Rumeeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin Banneeyey hana Xadgudbina, Eebe ma Jeela kuwa
Xad gudbee. (88) Waxna ka Cuna Wuxuu Idinku Arzaaqay
Eebe isagoo Xalaal Fiican ah kana Dhawrsada Eebe ee ah kaad Rumeysantihiin. (89) Eebe Idiin ma Qabto Dhaar DanLa'aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin
qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya
waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan
Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad
Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saaduuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna
Mudantihiin inaad ku Mahdisaan. (90) Kuwa Xaqa
Rumeeyow Khamrada, qamaarka, Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana
ee ka Foogaada inaad Liibaantaan. (91) Wuxuu uun Dooni
Shaydaanku inuu Idinku Dhectuuro Colnimo iyo isnac Khamrada iyo Qamaarka
idinkana Celiyo Xusidda Eebe iyo salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga). (92) Adeeca Eebe Adeecana Rasuulka Digtoonaadana, Haddaadse
Jeedsataan Ogaada waxaa uun Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin Cadi. (93) Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay
Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy
Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan,
Eebana wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha. (94) Kuwa Xaqa
Rumeeyow wuxuu idinku Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga
Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo
waramihiinnu in Eebe Muujiyo Cidda ka cabsata isagoo kali ah, Ciddiise xad
gudubta intaas ka dib wuxuu Mudan Cadaab daran. (95)
Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka
mid ah si kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi
labo Caadil ah oo idinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro
gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta
amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka
aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Aarsada. (96)
Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo
Socdaalba, (Idinkoo Xarman)
waxaana Laydinka Reebay ka Ugaadshiga Barriga intaad Xarmantihiin, ka Dhawrsada
Eebaha Xaggiisa Laydiin soo Kulmin. (97) Wuxuu ka Yeelay
ILaahay Kacbada Bayd (Guriga) Xurmada Leh, Dhawridda dadka iyo Bilaha Xurmada leh iyo
Hadyada iyo Tan la Calaameeyey (Hadyada Darteed) waana inaad Ogaataan in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan
Samooyinka iyo Dhulka iyo in Eebe wax kasta Ogyahay. (98)
Ogaada in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay Eebana yahay Dambi Dhaafe Naxariista. (99) Ma Saarra Rasuulka waxaan Gaadhsiin ahayn, Eebana waa
Ogyahy waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan. (100)
Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) ma
eka wax Xun iyo Wax Fiican Aadba la yaabtid Badnida kan Xune, kana dhawrsada Eebe Dadka Caqliga
lahow inaad Liibaantaan. (101) Kuwa Xaqa
Rumeeyow ha Warsanina waxyaalo Haddii Laydiin Muujiyo idin Murug Galin,
Haddaana Warsataan marka Quraanka la soo Dejin waa Laydiin Muujin, wuuna idinka
Cafiyey Eebe Xaggeeda ILaahayna waa Dambi Dhaafe Dulbadan (102)
Waxaa warsaday Qoom idinka Horreeyey Markaasay Noqdeen Kuwo ka Gaalooba (Markii loo Muujiyey). (103) Ma Yeelin Eebe Xoolo Caanahooda Sanamyada loo Bixiyo (Baxiira) iyo Xoolo
Sanamyada loo siidaayo (Saa'ibo) iyo Xoolo Dhadig oo Sanamyada lagu sadaqaysto (Wasiilo) iyo Riti Sanamyada
loo Daayo (Xaam)
Laakiin kuwii Gaaloobay waxay ku Been abuuraan Eebe Been, Badankoodna wax ma
Kasayaan. (104) Marka loo Yidhaahdo u Kaalaya waxa
Eebe soo Dejiyey iyo Xagga Rasuulkana waxay dhahaan waxaa nagu Filan waxaan ka
Hellay Aabayaalkanno, oo Hadday Aabbayaalkood ayna wax Ogayn Hanuunsanaynna (Ma raacayaan). (105) Kuwa Xaqa Rumeeyow waxaa idin Saaran Naftiinna Idinma
Dhibo Ciddii Dhunta Haddaad Hanuunsantaan, Xagga Eebe Umbaana Noqoshadiinnu
tahay Dhammaan wuxuuna Idinka Warrami Waxaad Camal falayseen. (106) Kuwa Xaqa Rumeeyow Maragga Dhexdiinna ah markii mid
idinka mid ah Geeridu u Timaaddo uu Dardaarmi Waa Labo Caadil oo idinka mid ah,
ama Labo Kale oon idinka mid ahayn, markaad Socdaal Tihiin oo Geeeri idin
Hesho, idinkoo ku Reebi Salaad Dabadeed iyagoo ku Dhaaran Eebe Haddaad
Shakidaan inaanan ku Gadanayn Qiimo yar Qaraababa ha ahaadee qarinna mayno
maragga Eebe Markaas aan noqonno kuwa Dambaabay. (107)
Haddii la Ogaado inay Muteen Dambi waxaa Meejooda Joogsan (oo la
Dhaarin) Labo kale oo ah kuwa ugu Mudnaan Badan
Dhaxalkiisa, wayna ku Dhaaran Eebe inuu Maragoodu ka Xaqsanyahay Maragooda,
mana xadgudbaynno markaas aan Noqonno Daalimiin. (108)
Saasaana u Dhaw inay Maragga ula Yimaadaan Sidiisa Fiican ama ay ka Cabsadaan
in la Diido Dhaartooda intay Dhaartaan ka dib, ee ka Dhawrsada Eebe Maqlana
Eebana ma hanuuniyo qoom Fasiqiina. (109) (Ka warran) Maalintuu Kulmin
Eebe Rasuulada kuna dhihi Maxaa laydiinku Jawaabay oy Dhihi ma Ogin adiga unbaa
Ogaal Badan waxa maqan. (110) (Xusuuso) Markuu Eebe dhihi
Ciise Binu Maryamow Xusuuso Nicmadaydii korkaaga ahayd iyo hooyadaaba markaan
kugu Xoojinay Ruuxii Daahirka ahaa (Jibriil) ood kula Hadlaysay Dadka sariir-ilmood iyo adoo meel
dhaxaada, iyo Markaan ku Baray Kitaabka iyo Xigmadda, iyo Tawreed, Injiil, iyo Markaad
ka Yeelaysay Dhoobada Sidii Shimbir Idankayga ood Afuufaysay oy Noqonaysay
Shimbir Idankayga, ood Bogsiinaysay indhoole Ku dhashe iyo Baras laha
Idankayga, ood soo Bixinaysay Maydka Idankayga, Markaan kaa kaafiyey Banii
Israa'iil markaad ula timid Xujooyin, oy Dheheen kuwii Gaaloobay oo ka mida
kani waxaan Sixir ahayn ma aha. (111) Markaan u
Waxyooday (kuILhaameeyey)
Saaxiibadii Rumeeya aniga iyo Rasuulkayga oy dhaheen waan Rumaynay ee marag ka
Noqo inaan Muslimiin nahay. (112) (Xusuuso) Markay Dheheen
Xawaariyiintii Ciise Ibnu Maryamow Makaraa Eebahaa inuu nooga soo Dejiyo Xeedho
(Cunno) Samada wuxuuna
yidhi ka Dhawrsada Eebe Haddaad Mu'miniintihiin. (113)
Oyna Dheheen waxaannu dooni inaan wax ka Cunno oy Xasisho Quluubtanadu oon
Ogaanno inaad Run noo sheegi oonu Noqonno Kuwa ka Marag kaca. (114) Uuna Yidhi Ciise Binu Maryama Ilaahayow Eebahanow
Nooga soo Deji Xeedho Samada u Noqota Ciid kaanaga hore iyo Kaanaga Dambe iyo
Aayad Xaggaaga ka ahaatay nana Arzaaq adaa arzaaqe u Khayr roone. (115) Wuxuuna Yidhi Eebe waan ku soo Dejiin Korkiinna ee
Ciddii ka Gaalowda ka dib oo idin ka mid ah waxaan Cadaabi Cadaab Aanan
Cadaabayn Ruux Caalamka ka mid ah. (116) (Xusuuso) Markuu Yidhi Eebe,
Ciise Binu Maryamow Ma adaa ku Yidhi Dadka ka Yeesha ani iyo Hooyaday Ilaahyo
Eebe ka sokow, uuna Yidhi waad Nasahantahay Iguma Haboona inaan Dhaho Waxaanan
Xaq u lahayn, Haddaan idhina waad ogtahay, waxaadna Ogtahay waxa Naftayda ku
sugan Anuguse kuma Ogi Adiga unbaa ah kan waxa Maqan Og. (117)
Kuma Dhihin waxaad i fartay waxaan ahayn, oo ah Caabuda Eeba hay iyo Eebihiin
waxaana ku ahay marag intaan ku Noolahay Dhexdooda markaad i oofsatana adaa
ILaaliye u ah adi Umbaana wax walba Marag u ah. (118)
Haddaad Cadaabto waa uun addoomaadii, Haddaad u Dhaaftana adi umbaa Adkaade falsan
ah. (119) Wuxuu Yidhi Eebe Kani (Maanta) waa Maalinta ay
Anfici kuwa Runta Sheega Runtoodu, waxaana u Sugnaaday Jannooyin oy Socoto
Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda Waligood waxaana ka Raalli Noqday
Eebe Iyana way ka Raalli Noqdeen, Taasina waa Liibaanta wayn. (120) Eeba Iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa
ku Dhex sugan Eebana wax kasta (uu Doono) wuu Karaa.
Al-An'aam
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Mahad Eebaa iska leh ahna
kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka, Yeelayna Mugdiya iyo Nuurka, Kuwa Gallobayse
Eebahood yey wax la simi (la Caabudi) (2) Eebe waa kan
idinka Abuuray Dhoobo Markaas Xukumay Ajal (Muddo) Ajal Magacaaban Yaana Agtiisa ah, idinkuse Gaalooy waad
Shakisantihiin. (3) Eebe waa ILaaha Samooyinka waxa ku
Sugan iyo waxa Dhulka ku Sugan wuxuuna Ogyahay Qarsoodigiinna iyo Muujiskiinna,
wuxuuna Ogyahay, waxaad kasbanaysaan. (4) Aayaddii u
Timaadda oo Aayadaha Eebahaa ka mid ah way ka Jeedsadaan. (5) Waxayna
Dhab u Beeniyeen Xaqii Markuu u yimid Waxaase u Imaan Doona (Cidhibta) warkay ku Jees
jeesayeen. (6) Miyeyna Arkayn intaan Halaagnay
Hortood (wax badan) oo
Qarniyo ah, oon ku Makaninay (siinay) Dhulka waxaanaan idin Makanin (Siinin) waxaan uga soo deeynay Samada (Roob) Darar ah, Waxaana ka Yeelay Wabiyada kuwo Socda Dhexdooda
waanse Halaagnay Dambigooda Dartiis waxaana Ahaysiinay Gadaashood Qarni Kale. (7) Haddaan kugu soo Dejino Nabiyow Kitaab Qoran oo ay ku
Taabtaan Gaemahooda waxay odhan kuwii Gaaloobay kani waxaan Sixir Cad aan ahayn
ma aha. (8) Waxayna Dhihi maa lagu so Dejiyo
Malag, Haddaan soo Dejinno Malagna waxaa la Dhamaynlahaa Amarka (Halaagga) lamana Sugeen. (9) Haddaan ka Yeello Malagna waxaan ka Yeeli lahayn Nin,
Markaasaan Iskaga Dari lahaydeen Xaalka siday isaga Dari Jireen. (10) Waxaa Dhab ahaan loogu Jeesjeesay Rasuullo kaa
Horreeyey Waxaana kuwii Jees jeesay ku dhacay (Ciqaabti) waxay ku Jees jeeseen. (11)
Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Eega Siday Noqotay Cidhibtii Beeniyeyaasha Xaqa.
(12) Waxaad Dhahdaa yaa leh waxa ku Sugan Samooyinka iyo
Dhulka, Dheh Eebe, wuxuuna Isasaaray Naxariis, wuxuuna idin kulmin Maalinta
Qiyaame Shakina ma lch, kuwa Khasaariyey Naftoodase ma Rumaynayaan. (13) Eebe waxaa u Sugnaaday waxa Xasila Habeenkii iyo
Maalintiiba waana Maqle Oge ah. (14) Waxaad Dhahdaa
ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la
Caabudo) Eebaana ah kan Abuuray Samooyinka iyo
Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase quudiyo, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray
inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaanta (Hogaansanta
Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Mushrikiinta. (15) Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka Cabsan Haddaan Caasiyo
Eebehay Cadaab Maalin wayn. (16) Ciuddii laga
lilo Cadaabka Maalintaas wuu u Naxariistay Eebe Taasina waa Liibaanta Cad. (17) Hadduu ku Taabsiiyo Eebe Dhib wax Faydi ma jiro Isaga
mooyee Hadduu ku Taabsiiyo Khayrna Isagaa wax Walba kara. (18)
Waana ka Adkaadaha Addoomadiisa Korkooda waana Falsame Xeel Dheer. (19) Waxaad Dhahdaa yaa ugu Wayn Marag waxaad Dhahdaa Eebaa
Maragga Dhexdeena ah, waxaana lay waxyooday Quraankan inaan idiinku Digo Idinka
iyo cidduu Gaadho, Idinku ma waxaad Marag Furaysaan Inay Eebe la Jiraan ILaahyo
kale, waxaad Dhahdaa ma Marag Furayo (Saas) Waxaad Dhahdaa Eebe waa uun ILaah kaliya Anuguna waxaan ka
Bari ahay waxaad la Wadaajinaysaan. (20) Kuwaan Siinnay
Kitaabka Waxay u Yaqaannaan Nabiga (Xaqnimadiisa) Siday u Yaqaanaan Caruurtooda kuwa Khasaariyey Naftoodana
ma Rumeeyaan (Xaqa). (21) Wax ka Dulmi Badanna ma jirto cid ku Abuuray Eebe Been
ama beeniyey Aayaadkiisa mana Liibaanto Daalimiintu. (22)
Ka Warran Maalintaan Kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno Kuwii la Wadaajiyey Aaway
kuwaad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadna ahaydeen kuwo Sheegan (Inay
wax tari). (23) Markaas Xujadoodii
ma ahayn inay Dhahaan Eebaan ku Dhaarannaye Maanaan ahayn Mushrikiin (Wax la wadaajiya). (24) Bal day say ugu beensheegeen Naftooda ugana Dhumay
waxay Been Abuuran jireen. (25) Waxaa ka mida
kuwo ku Dhagaysan waxaana yeellay Quluublooda Dabool inay kasaan (Quraanka) Dhagahoodana
waxaan Yeellay Culays, Hadday Arkaan Aayaad kasta ma Rumaynayaan, Markay kuu
Yimaaddaanna way kula Murmaan iyagoo dhihi kuwii Gaaloobay kani (Quraanku) ma aha waxaan
warkii Kuwii Hore ahayn. (26) Waxayna ka
Reebi Dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka Fogaan mana halaagayaan waxaan
Naftooda ahayn, mase Oga. (27) Haddaad aragto
Marka la Joojin Gaalada Naarta Korkeeda oy Dhihi Shallaytee Maa nala Celiyo oo
aanaan Beenin Aayaadka Eebahanno oo Noqonno Kuwa Rumeeyey (waxaad
arki lahayd arrin Wayn). (28) Waxaase U Muuqday waxay Qarinayeen horay haddii la
Celiyana waxay ku Noqon lahaayeen wixii laga Reebay waana Beenaalayaal. (29) Waxay dhihi wax kale ma jiro ee waannu ku Noolaan
Adduunyada Nalamana soo Bixinaayo. (30) Haddaad Aragto
Marka la hor Joojiyo Eebahood oo ku Dhaho Miyuuna kan Xaq ahayn, oy Dhahaan waa Xaq Eebaan ku
Dhaaranaye oo uu ku dhaho Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed (Waxaad arki arrin wayn). (31) Waxaa Dhab u Khasaaray Kuwa Beeniyey la Kulanka Eebe
markay ugu Timaaddo Saacadda (Qiyaame) si kada ahna waxay Dhahaan Shallaytadanno waxaan ku Gabood
fallay Dhexdeeda, waxayna ku Xambaari Dambigooda Dhabarkooda waxaana
Xumaanbadan waxay Xambaari. (32) Nolosha
Adduunyana ma aha waxaan Ciyaar iyo Madadaalo ahayn Guriga Aakharaana u Khayr
roon kuwa Dhawrsan ee Miyeyydaan wax kasayn. (33)
Waxaan Ognahay inuu ku Walbahaarin waxay Sheegi Dhab ahaan kuuma Beeninayaan
Laakiin Daalimiintu Aayaadka Eebe yey Diidi. (34)
Waxaa Dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyey waana ku Samreen wixii lagu
Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax bedeli Hadalka
Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii. (35)
Hadday kugu Wanaatay (Cuslaatay) Jeedsigoodu haddaad karto inaad god ka Teelato Dhulka ama
Sallaan Samada ood Aayad u keentid (Samee) Hadduu Doono Eebana wuxuu ku kulmin lahaa hanuunka ee ha
ka mid noqonin Jaashiliinta. (36) Waxaa uun
Ajiibi Ogolaan Xaqa kuwa Maqli, kuwa Dhintayse waxaa soo Bixin Eebe Xaggiisaana
loo Celin. (37) Waxay Dhaheen maxaa loogu soo Dejin
waayey «Mucjisad» Aayad Xagga Eebihiis, waxaad Dhahdaa Eebe waa karaa inuu soo
Dejiyo Aayad Badankoodse ma Oga. (38) Wax ka Socda
Dhulka ama Shimbir ku Duuli Garbihiisa oo Dhan waa umado Idinla mid ah, waxba
kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo Kulmin Dadka Xagga Eebahood. (39) Kuwa Beeniyey Aayadkanaga waa DhagaLa'yihiin oo Af
la`yihiin Mugdibayna ku Suganyihiin, cidduu Doono wuu Dhumiyaa Eebe Tuu Doonana
wuxuu Yeela Jid Toosan. (40) Waxaad Dhahdaa
Bal ka warrama hadduu idiin Yimaaddo Cadaabka Eebe ama idiinTimaadda Saacaddu (Qiyaame) wax Eebe kasoo
hadhay Miyaad Baryeysaan haddaad Runsheegaysaan. (41)
Isaga Unbaana Baryeysaan oo Faydi waxaad ka baryeysaan hadduu Doono waadna
Halmaamaysaan waxaad la Wadaajinaysaan. (42) Waxaan u Dirray
(Rasuul) Ummado idinka
Horreeyey waxaana ku gabanay Dhibaato iyo Cudur intay Baryaan (Eebe). (43) Maa Markuu u Yimaaddo Dhibku ay baryaan (Eebe) Waxaase ingagtay
Quluubtoodii wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan waxay Falayeen. (44)
Markay Halmaameen (Ka Jeedsadeen) wixii lagu Waaniyey Yaan u Furray Korkooda irridaha wax
Kasta Markay ku Farxaan waxaa la Siiyey yaan ku qabannaa kado, Markaasay
ahaadaan kuwo Quusta. (45) Waxaana la
Gooyey Cidhibta Qoomkii Dulmiga Falay Mahadna Eebaa iska leh ah Eebaha Caalamka.
(46) Waxaad Dhahdaa Bal Warrama Hadduu Eebe qabto
Maqalkiinna iyo Araggiinna oo Daboolo Quluubtiinna waa ILaahee ka soo Hadhay
Eebe ee idiin keeni, Day Sedan u Cel-Celinno Aayaadka Markay say u Jeedsan. (47) Waxaad Dhahdaa Bal Warrama hadduu Idiinku Yimaaddo
Cadaabka Eebe Kado ama Caddaan miyaa la Halaagaa waxaan Qoomka Daalimiinta
Ahayn. (48) Rasuulada waxaan u Dirraa inay
Bishaareeyaan oo Digaan, Ciddii Rumaysa Xaqa oo Wanaajiya (Camalka) Cabsi iyo Murug midna ma Saarro. (49)
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaa Taaban Cadaab Faasiq Nimadooda Darteed. (50) Waxaad Dhahdaa Ma Dhahayo waxaa Agtayda ah Khasnadaha
Eebe, waxy Maqanna ma Ogi, mana Dhahayo waxaan ahay Malag, waxaan uun Raaci
wixii lay waxyoodo wwaxaad dhahdaa ma egyihiin Indhoole iyo Arke Miyeydaan
Fikirayn. (51) Ugu dig Quraanka kuwa ka Cabsan in
Ioo soo kulmiyo Eebahood iyagoon lahayn Sokaydiis Qaraabo iyo Shafeece Midna
inay Dhawrsadaan Darteed. (52) Hana Eryin kuwa
Baryi Eebahood aroor iyo Galabba iyagoo dooni Wajigiisa waxba kaama saarra Xisaabtooda
iyana Xisaabtaada Waxba kama Saarra ood eridid
ood ka mid noqotid daalimiinta. (53) Saasaaan isugu
Imtixaanay (Dadka)
Qaarkood Qaarka kale inay Dhahaan ma kuwanaa Eebe ku Manaystay (Islaamka) Dhexdannada,
Miyuusan Eebe ahayn kan
og kuwa ku Mahdiya. (54) Markay kuu
Yimaadaan kuwa Rumeeyey Aayaadkanaga waxaad Dhahdaa Nabadgalyo Korkiinna ha
ahaato, wuxuu Eebe Isasaaray Naxariis, oo ah Ciddii idinka mid ah oo Fasha
Xumaan isagoo ka Jaahil ah oo Toobad keena nn wanaajiya Eebaa Dhaafi una
Naxariisan. (55) Saasaanu u Kala Bixinaa Aayaadka si
ay u Caddaato Jidka Dambiilayaasha. (56) Waxaad Dhahdaa
waxaa layga Reebay inaan Caabudo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka soo Hadhay,
waxaad Dhahdaa Raaci maayo hawadiinna oon Dhumo markaas Nogoninna kuwaan
Hanuunsanayn. (57) Waxaad Dhahdaa waxaan ku Sugnahay
Xujo Eebahay waadna Beeniseen Xaqaas, agtayda ma aha waxaad Dadajisanaysaan,
Xukunkana Eebaa iska leh, Xaquuna Xukumi, waana kuu Xukunkiisu Khayr Leeyahay. (58) Waxaad Dhahdaa hadduu Yahay agtayda waxaad Dedejisanaysaan
(Cigabta) waxaa Ia kala
Xukumi Lahaa Dhexdeenna Eebana waa Ogyahay Daalimiinta. (59)
Eebe Agtiisa waxaa ah Furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro,
wuxuuna Ogyahay waxa Barriga iyo Badda ku Sugan, wixii Caleena oo Dhacdana wuu
Ogyahay, Xabbad Masaga ah oo Mugdiga Dhulka ku Sugan iyo wixii Qoyan ama
Ingagan waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad. (60) Eebe waa kan idin Oofsada
Habeenkii ogna waxaad Fashaan Maalintii Markaasna idin soo Bixiya in la Xukumo
Ajal Magacaaban Xaggiisaana laydiin Celin, markaasuu idiinka warami waxaad
Falaysaan. (61) Eebe waa kan ka Sarreeya Addoomadiisa, wuxuuna idiin
soo Diraa ILaaliye markuu u Yimaaddo Midkiin Mawdku waxaa Oofsata «Disha»
Malaa'igtanada mana Gabood Falaan. (62) Markaasa loo
Celin Dadka Xagga Sayidkooda Xaqa ah isagaana leh Xukunka Dedejiyana Xisaabta. (63) Waxaad Dhahdaa Yaa idinka koriya Mugdiga Barriga iyo
Badda ood u Baridaan Isdullayn iyo Qarsoodi, Idinkoo dhihi Hadduu naga koriyo
Tan waxaan ka mid Noqonaynaa kuwa Mahadiya. (64)
Waxaad Dhahdaa Eebaa idinka Koriya Taas iyo Shiddo Kasta, Markaasaad u
Shariigyeeshaan. (65) Waxaad Dhahdaa Eebe waa kan kara inuu idinku soo
Daayo Cadaab Korkiinna ama Lugihiinna Hoostooda ama idin qaso (idinka yeelo) Kooxo uu
Dhadhansiiyo Qaarkood qaarka kale Dhibkiisa, bal day Sidaan ugu Caddaynaynno
Aayaadka inay Kasaan. (66) Waxaa Beeniyey (Quraanka) Qoomkaagii Isagoo
Xaq ah, waxaad Dhahdaa kama ahi Korkiinna
Wakiil (ILaaliye). (67) War kasta Meel uu ku Sugnaado yuu leeyahay Waadna
Ogaandoontaan. (68) Markaad Aragtaan kuwa dhumban
Aayaadkanaga, isaga Jeedso intay ka Dhumbadaan Sheeko kale, haddduu ku
Halmaansiiyo Shaydaanna ha Fadhiyin Xusuusta ka Dib Daalimiinta Agtooda. (69) Kuwa Dhawrsoonna Xisaabtooda waxba kaama Saarra Laakiin
waa Waano inay Dhawrsadaan. (70) Iskaga tag Kuwa
ka Yeeshay Diintooda Ciyaar iyo Madaddaalo kuna Kadsoomay Nolosha Dhaw
Xusuusina intaan laga Abaalmarinin (Loa Xabisin) Nafi waxay kasbatay lyadoon Lahayn Eebe ka sokow Wali
«Sokeeye» iyo Shafeece midna. Hadday isku Furato Furasho oo Dhanna lagama Qaado,
Kuwaasu waa kuwa loo Dhiibay (Ilaag) waxay kasbadeen Dartiis, waxayna Mudan Cabbid KuluI iyo
Cadaab daran, Gaalnimadooda Darteed. (71) Waxaad Dhahdaa
ma Caabudaynaa Eebe ka sokow waxaan na Anfacayn nana Dhibayn oo Dib naloo Celin
(Gaalnimo) inta Eebe
Hanuuniyey ka Dib, Sida kan ay ku Wareerisay (Dhumisay) Shayaadiintu Dhulka Isagoo Saaxiibbo ugu Yeedhi Hanuunka
leh oo ku Leh noo Kaalay, waxaad Dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana
Nala Faray inaan u Hogaansanno Eebaha Caalamka (72)
Oogana Salaadda kana Dhawrsada Eebe waa kan Xaggiisa laydiin soo Kulmine. (73) Waana kan Eebe u Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Xaq
Maalinta uu Dhihi Ahow wuu ahaan (waxaasu) Hadalkiisu waa Xaq, wuxuuna Leeyahay Xukunka Maalinta la
Afuufi Suurka, waana Ogyahay wax Maqan (la arkayn) iyo waxa Joogaba, waana Falsame Xeel Dheer. (74) Ka Warran markuu ku Yidhi (Nabi) Ibraahim Aabihiis Aazara ma waxaad ka Yeelan Sanamyo
ILaahyo, waxaan kugu Arkaa adiga iyo Qoomkaagaba Baadi Cad. (75) Saasaan u Tusinnay Ibraahim Xukunka Samooyinka iyo
Dhulka inuu ka Mid Noqdo kuwa Yaqiiniya (Xaqa). (76) Markuu ku
Maddobaaday Habeenku wuxuu Arkay Xiddig Wuxuuna Yidhi kani ma Eebahaybaa,
markuu Dhacay wuxuu Yidhi ma Jedi kuwa Dhaca. (77)
Markuu Arkay Dayaxa oo soo Muuqda wuxuu yidhi kani ma Eebahaybaa markuu Dhacay
wuxuu Yidhi Hadduusan I hanuunin Eebahay waxaan ka mid Noqon kuwa Dhuma. (78) Markuu Arkay Qorraxda oo soo Muuqata wuxuu Yidhi kani
ma Eebahaybaa kanaa wayne,
Markay Dhaeday wuxuu Yidhi Qoomkayow Bari baan ka ahay waxaad la wadaajinaysaan
(Eebe). (79) Anugu waxaan u Jeediyey Wajigayga Eebaha Abuuray
Samooyinka iyo Dhulka anoo Toosan oon ka mid ahayn Gaalada. (80) Way Ladoodeen Nabi Ibraahim Qoomkiisii, wuxuuna yidhi
ma waxaad igula Doodaysaan Eebe, Isagoo I hanuuniyey, oonan ka Cabsanayn waxaad
la Wadaajinaysaan, in Eebahay wax doono Mooyee, Eebahay waa u Waasac (Awoodleeyahay) wax kasto
Ogaansho, niyeydaan Xusuusanayn (wax). (81) Sideen uga
Cabsan waxaad la Wadaajiseen, idinkuna aydaan ka Cabsanayn inaad la Wadaajiseen
Eebe wuxuusan u soo Dejinen Xujo, ee Labada Kooxood (Muslimka
iyo Gaalada) koodee mudan Nabdagalyo Haddaad wax
Ogtihiin. (82) Kuwa Xaqa Rumeeyey oon ku Dheehin
Iimaankooda Dulmi (Gaalimo) kuwaasaa Nabadgalto u Sugnaatay Hanuunsanna. (83) Taasina waa Xujadanadii aa u siinnay Ibraahim Qoomkiisa
waxaan koryeelaa Darajaadka Ciddaan Doonno Eebahaana waa Falsame Oge ah. (84) Waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub Dhammaana waan
Hanuuninay, Nabi Nuuxna waan Hanuuninay waqti Hore, waxaana ka mid ah
Faraciisii Nabi Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, Saasaana
ku Abaal marinaa Samofalayaasha. (85) Iyo Zakariye,
Yaxye, Ciise ILYaas, Dhammaana waxay ahaayeen kuwo Suubban, (86) Iyo Ismaaeiil Alyasac, Yuunus, iyo Luudh, Dhammaana
waxaad ka Fadilnay Caalamka. (87) Iyo Aabayaalkaod
iyo Faracoodii iyo Walaalahood waana Dooranny waana ku Hanuuninay Jidka Toosan.
(88) Kaasi waa Hanuunki Eebc wuxuulla ku Hanuuniyai Cidduu
Doono oo ka mid ah Addoomadiisa hadday wax La wadaajiyaari Eebana waxaa ka Bun
waxay Fali Jireati. (89) Kuwaasu ‘awn
kuwaan siinay Kitaabka, Xukunkniiyo Nabixinuada, fladday ka Gaaloabaanna
Kuwaasu aCjaalada Makaads waxaan a a’akaalanayQoom ann ka (Jaaloobayn,
(Muslimiinta). (90) Kuwuas (Nabiyada) waeye kuwu Eebe hasiuusniyey ee Hanuunkouda kit dayo. waxaadssa
Dhahdaa ldirna warsananyc LJjuuro, eewaauunwaanada caalsmka (91) Mayna Waynaynin kebe Waynaantiiia Xaqa ah, Mackay Dhw
been Kuma son Dejin hebe Dad waxba, waxtad t}hahdaa yaa 500
Dejiyey Kitaahkii uu Iayimid Nahi M anne Isagoo ftiin Hanuunna u ab Dadka ood
YeeIaysecn wurqado and Muujisaan. nodsin qurisuan wan Budun, waxawna laydin
Baray waxaydaan Aqoonin idinku iya Aubaynnlkiin, waxaud Dhuhdau Eebaa (sun Dejiyey) markaus saga tag
Dhumbaahudusnda lyagon Ciyaari (92) Kanna wan
Kitaub aan soo Dejinay oo Barakaysan, oo Runiayn wixii ka Horreeyey iyo inaad
ugu Digtid Maka ye Dhinaeyadeeda. kuwa Rumayn Aakhira waxay Rumeyn Quraanka
salaaddana way ILaalin. (93) Yaa ka Dambi
Radon Cid ku Been Abuuratay Eaba ama Yidhi waa Lay Wanyaoday Isagoon Ion
Waxyoonin Waxba. iyo Ckldii Dhahda waxaan son Dejin waxa Eebe soo Dejiyey no
kale. Haddaad Araglo markay Daalmiintu Sakaraadka Geerida ko Suganyihiin
Malaa'igtuna ku E)hihi Iyagoo ku Taogi Gacmaha
Bixiya Naftiina Maanta waxaa laydinku Ahaal maria Cadaab Dulli ah waxaad ku
Dhahayseen Eebe Xaqdarro ood Ahaydeen kuwu Iska Wayneeya Aayadkiisa (Waxaad as-ki lahayd wax Wayn). (94) Waxaad Noogu Timaaddeen Kali Kali Sidaon idiinku
Abuuray Marka hoc waxaadna kaga Timaaddeen waxaan idinku Nicmaynay Gadaashiina
mana ku Aragno Agtiina Shafeecayaalkiinnii and Sheegayseen slay Shuruko Yihiia.
waxaana Go'ay Xidhiidhkiinnii waxaana Dhumay waxuad Sheeganeyseen. (95) Eebaa Jeexa Xabbadda Midhaha ah, iyo Timirta, wuxuuna
ka soo Bixiyaa wax Nool wax dhimaad ah, kana soo Bixiyaa wax Dhimaad ah wax
Nool, Kaasi waa Eebe ee Xaggee laydiinka lili (Xaqa). (96) Eebe waa kan Abuuray Iftiinka
kana Yeelay Habeenka Xasil, Qorraxda iyo Dayaxana Xisaab, Taasina waa Maamulka
Eebe Adkaada ee og. (97) Eebe waa kati
idiin Yeelay Xiddigo inaad ku Toostaan Mugdiga Barriga iyo Badda, waxaan u
Caddaynay Aayaadka Ciddii Garan. (98) Eebe waa kan Idinka Abuuray Naf
kaliya (Nabi Aadam)
ldiinna Yeelay Sugnaansho iyo Hoyosho, waan u Caddaynay Aayaadka Ciddi wax
kasi. (99) Eebe waa kan ka soo Dejiya Samada
Biyo kuna soo Bixinno Doog Cagaaran oon ka soo Saarro Midho kala Koreeya,
Timirtana Fiiddeeda ah Laamo Dhow, Beerana (waan ku so Bixinaa) oo ah Cinab, Zaytuun, Rummaan (qaar) Isu eg, iyo Qaar aan Isu Ekayn, Daya Midhihiisa markuu
Midho Dhalo iyo Bisaylkiisa Taasina Calaamaa ugu Sugan Ciddii wax Rumayn. (100) Waxay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinni ah Isagoo
Abuuray waxay ku Sheegeen(Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn, waa ka
Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi. (101)
Eebe waa Kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka sideese Ilmo ugu ahaan Isagoon
Haweenay lahayn wax walbana Abuuray wax kastana Og. (102)
Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray
ee Caabuda wax walbana isagaa u Wakiil ah (ILaaliya). (103) Ma haleesho
Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe
lamase Arko adduunka) Waana wax Oge
Xeeldheer. (104) Waxaa idiin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin
ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshana Naftiisuu
Dhibay, anna ma ihi mid idin ILaalin. (105) Saasaannu u
gagadinnaa (Caddaynaa)
Aayaadka inay Dhahaan waad Akhrisatay iyo Inaan u Caddayno Ciddii wax Garan. (106) Raac nabiyow waxa lagaaga Waxyooday Xagga Eebahaa
ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro kana Jeedso Mushrikiinta. (107) Hadduu doono Eebe mayna la Wadaajiyeen kaagamana
aanaan Yeelin Ilaaliye Wakiilnakama tihid. (108) Ha Caayin
waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oo Markaas iyana Caayaan Eebe Colnimo iyo
Cilmi la'aan, saasaan ugu Qurxinay ummad kasto Camalkeeda Xagga Eebe Umbayna
Noqoshadoodu tahay wuxuuna uga Warrami waxay Fali Jireen. (109)
Waxay ku Dhaarteen Gaaladii Dhaar Adag, Hadday soo Gaadho Aayadi inay
Rumaynayaan, waxaad Dhahdaa Aayaadku waxay Jiraan Eebe Agtiisa, Miyeyse
Ogyihiin Hadday Aayaddu soo Gaadho inayna Rumaynayn. (110) Waxaannu Gaddin Quluubtooda iyo Araggooda Sidayna u
rumayn, Markii horaba waxaana ku Daynanaa Iyagoo ku Wareersan Xadguddybkooda.
Juz' 8
(111) Haddaan ku soo Dejinno
Malaa'ig oo Dadkii Dhintay la Hadlo oon wax kasta Hortooda ku soo Kulminno,
mayna rumeeyeen in Eebe doono mooyee, Hase Yeeshee Badankood waa Jaahiliin. (112) Saasaan ugu Yeellay Nabi Kasta Col Shaydaan Insi iyo
Jinniba leh, oo Qarkood qaarka kale u Waxyoon (Sheegi) Hadal la Dhoob-Dhoobay Dhumin Darteed. Hadduu Eebe Doonana
mayna Faleen ee Iskaga Tag iyaga iyo waxay Been-Abuuran. (113)
Iyo in ay Maqasho Quluubta Kuwaan Rumayn Aakhiro, iyo Inay ka Raalli Noqdaan,
iyo inay Kashadaan waxay Guranayeen. (114) Ma Diinta Eebe
waxaan ahayn yaan u Dooni Xaakim Isagoo idiin soo Dejiyey Kitaabka oo la
Caddeeyey kuwaan Siinay Kitaabka waxay Ogyihiin in Quraanka laga soo Dejiyey
Xagga Eebahaa ee ha Noqonin kuwa Shakiya. (115) Waxay ku Taam
Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana
ma jiro, Eebana waa Maqle og. (116) Haddaad
Maqashid waxa Dhulka ku Sugan Badankooda waxay kaa Dhumin Jidka Eebe, mana
Raacayaan waxaan Malo ahayn waana Beenaalayaal. (117)
Eebahaa yaa og Cidda ka Dhumi Jidkiisa, Isagaan og Cidda Hanuunsan. (118) Ee Cuna waxa Magaca Eebe lagu Xusay Haddaad Aayadkiisa
Rumaynasaan. (119) Maxaad la cuni waydeen waxa Magaca
Eebe lagu Xusi, Isagoo laydiin Caddeeyey waxa Laydinka Reebay inaad
Dhibbantihiin Mooyee, wax Badan waxay ku Dhumin (Dadka) Hawadooda Cilmi darro, Eebahaana waa Ogyahay kuwa
Xad-gudba. (120) Ka Taga Dambiga Muuqda iyo Kan
Qarsoonba, kuwa Jasbada Dambigana waxaa laga Abaal marin waxay Kasbanayeen. (121) Ha cunina waxaan lagu Xusin Magaca Eebe, illeen waa
Xumaane, Shaydaamaduna waxbay u Sheegaan Saaxiibkooda inay idinla murmaan,
Haddaad Maqashaanna waxaad Noqonaysaan Gaalo. (122)
Cid mayd ahayd oon noolaynay oon u Yeellay Nuur uu ku Dhex socdo Dadka ma
lamidbaa mid Mugdi ku Sugan oo ka baxayn, Saasaana loogu Qurxiyey Gaalada waxay
Falayeen. (123) Saasaan ugu Yeellay Magaalo kasto
Dambilayaal waawayn, inay wax ku Dhagraan Dhexdeeda, waxaan Naftooda ahayna ma
Dhagrayaan masc oge. (124) Markay soo
Gaadho aayad waxay Dhahaan Rumayn maynno inta nalooga keeno wixii la siiyey
Rasuuladii Eebe Ilaahay baana og Meejuu Yeeli Rasuulnimada waxaana ku Dhiei
kuwii Dambaabay Dulli Eebe Agtiisa ah iyo Cadaab Daran waxay Dhagrayeen
Darteed. (125) Cidduu Eebe Hanuuniyo wuxuu u
Waasieiyaa Laabtiisa Islaamka, Cidduu Doono inuu Dhumiyana wuxuu ka sidii
Isagoo kori Samada saasuuna u Yeelay Eebe Xumaanta korka Kuwaan Rumaynin Xaqa. (126) Wakaas Jidkii Eebahaa oo Toosan Aayaadkana waxaan u
Caddaynay Ciddii wax Xusuusan. (127) Waxayna
Mudanyihiin Guri Nabadgalyo oo Eebahood Agtiisa ah Isagaana Gargaarahooda ah
waxay Camal falayeen Dartiis. (128) Xusuuso
Maalintuu Eebe Kulmin Dhammaantood (kuna Dhihi) Kulanka Jinniyow waad badsateen (Baadiyeynta) Insiga waxayna Dhehaan Saaxiibadood oo Insiga ah
Eebahannow Qaarkanno qaarbuu ku shaqaystay waxaana Gaadhnay Ajashaad (Mudadaad) noo Samaysay,
wuxuuna ku yidhi Naarbaa Iloyaadkiina ah idiinkoo ku Waari Dhexdeeda wuxuu Eebe
doono Mooyee, Eebahaana waa Falsame Oge ah. (129)
Saasaana ugu Dirraa Daalimiinta Qaarkood Qaarka kale waxay Kasbanayeen Darteed.
(130) Jinni iyo Insiyow Miyuuna idiin Imaanin Rasuuloo
Idinka mid ah oo iddinka Warrama Aayaadkayga idiinkana Diga la kulanka
Maalintan waxayna Dheheen waan ku Marag furray Naftanada waxaana Dhagartay
Nolosha Dhaw, waxayna ku Marag fureen Naftooda inay gaalo ahaayeen. (131) Arrintaasna waa Inaan Eebahaa halaagin Magaalo Dulmi
Dartiis iyadoo Dadkeedu halmaansanyihiin (aan loo digin). (132) Cid kasta
Darajooyin yey Leedahay oo waxay Camal fashay ah Eebahaana ma ah mid halmaansan
waxay Camal Faleen. (133) Eebhaaana waa
Hodan Naxriis badan, Hadduu Doono wuu idin Baabi'in idinkuna Bedali Gadaashiin
Ciduu Doono siduu iddinka Abuuray Faracii Qoom kale. (134)
Waxa laydiin Yaboohi wuu Imaan Eebana ma daalisaan. (135)
Waxaad Dhahdaa Qommkayow ku Camal Fala Sidiinaas, anna waan Camal faliye,
waxaadna Ogaan doontaan Cidday Cidhib Dambe u ahaatee mana Liibano Daalime. (136) Waxay uga yeeleen Eebe wuxuu Abuuray oo Beero iyo
Xoola ah qayb, waxayna Dheheen kan
Eebaa iska leh Sheegashadooda kanna waxaa iska leh Shurukadanada (Sanamyda) waxa Sanamyadu ma
Gaadho Eebe, waxa Eebana wuxuu Gaadhaa Sanamyadooda waxaa Xun waxay Xukumeen. (137) Saasayna ugu Qurxiyeen in Badan oo Gaalada ah Dilidda
Caruurtooda Shurukadoodu, (Shayaadiintu) inay Halaagaan kana Khaldaan Diintooda, hadduu Eebe
Doonana mayna Faleen ee Isaga Tag iyaga iyo waxay Been Abuuran. (138) Waxay Dheheen Tan waa Niemooleey iyo Beer Reeban oosan
ka Quudanayn Cidaan Doonno Mooyee, Sheegashadooda, iyo Niemoolay la Xarrimay Dhabarkeeda
(In la rarto) iyo Niemoolay aan
Magaca Eebe lagu Xusayn, ku Been abuurasho Darteed wuxuu ka Abaal marin Eebe
waxay Been Abuuranayeen. (139) Waxay Dheheen
Gaaladii waxa ku Jira Uurka Niemoolaydan waxay Gaar u tahay Raggannaga waxayna
ka Reebantahay Haweenkannaga hadday Bakhti tahayna way wadaagi wuxuu ka Abaal
marin Eebe Tilmaantooda, Illeen waa Falsame Oge. (140)
Waxaa Dhab u Khasaaray kuwa Dilay Caruurtooda Caqli Xumo Darteed iyo Cilmi
la'aan oo Reebay wixii Eebe ku Arzuqay Been abuurasho Eebe Darteed way Dhumeen
mana Hanuunsana. (141) Eebe waa kan soo Bixiyey
Beero la Dhisay iyo Kuwaan Dhisnayn, iyo Timir, iyo Tallad kala Duwanyahay
Cunidiisu, iyo Saytuun, iyo Rumaan isu eg iyo qaaraan isu ekeyn, ka Cuna
Midhihiisa (Sakada)
Maalinta la goyn, hana Xad Gudbina Eebe ma Jeela kuwa Cadgudbee. (142) Niemoolayda waxaa ka mida mid la Rarto, iyo mid kuwa
yar yara, ka Cuna waxa Eebe idinku Arzaaqay hana raacina Tallaabooyinka
Shaydaanka Illen waa Colkiinna oo Cade. (143) Waa Siddeed
Nooc Labo Ido ah iyo Labo Riyo ah (Lab iyo Dhidig) ma Labada lab yuu Reebay Eebe Mise Labada Dhadig Mise waxa
Uurka kuwa Dhadig ku Jira, noo Warrama cilmi haddaad Run Sheegaysaan. (144) Geelana Labo ka mida Lo'dana labo dheh ma labada Lab
yuu Eebe reebay mise kuwa Dhadig mise waxa Uurka kuwa Dhadig ku Jira, mise
Maragbaad ka ahaydeen markuu idin Faray Eebe Sidaas, Yaase ka Dulmi badan Cid
ku Abuuratay Eebe, inuu Dhumiyo Dadka Cilmi Darro, Eebana ma hanuuniyo Qoom
Daalimiina. (145) Waxaad Dhahdaa kama helayo waxa
laywaxyooday wax ka Reeban Cidda Cuni oon ahayn, Bakhti, Dhiig Butaaci, Hilib
Doofaar, Illen waa Nijaase iyo wax Xun oo lagu Gawracay Magaca Eebe waxaan
ahayn, Ruuxii Baahda Dulmi iyo cadgudub la'aan, Eebahaa wuu u Dambi Dhaaf una
Naxariisan (hadduu baahidaa u Cuno) (146) Kuwa Yuhuudda
ah waxaan ka reebnay wax kastoo Ciddi leh, Lo'da iyo Adhigana waxaan ka reebnay
Baruurtooda, waxay Dhabarka ku qaadaan (Baruurta Dhabarka) mooyee, ama Uur ku Jirta ama wixii ku Dheehan Laf,
saasaana ku Abaal marinay Dulmigooda Dartiis, Runbaana Sheegaynaa. (147) Hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa Eebihiin war
Naxariis badane lagamana Celiyo Ciqaabtiisa qoomka Dambiilayaasha ah. (148) Waxay Odhan kuwii Gaaloobay Hadduu Eebe Doono, maanaan
Gaalowneen Anaga iyo Aabayowganno, waxna maanaan Xarimneen saasayna u Beeniyeen
kuwii ka horreeyey intay ka Dhadhamiyaan Ciqaabtanada, waxaad dhahdaa Agtiinna
Cilmi mayahay aad noo soo Bixisaan (Muujisaan) waxaan malo ahayn ma Raacaysaan waxaadna uun tihiin
Beenaalayaal, (149) Waxaad Dhahdaa Eebaa iska leh
Xujada Wayn, hadduu doonana wuu idin Hanuunin Dhammaan. (150)
Waxaad Dhadaa keena Markhaatgiina idiin Marag Furi in Eebe Reebay kan (aad
Reebteen) hadday Marag Furaan ha marag furina la
Jirkooda, hana raacina hawada kuwa Beeniyey aayaadkanaga, kuwaan Rumaynin Aakhiro
Iyaguna Eebahood waxbay la simman. (151) Waxaad Dhahdaa
Kaalaya aan idiin Akhriyo waxa Eebe idinka reebaye, waa inaydaan wax la
Wadaajin, Labada waalidna waa inaad u samo Fashaan (Oydaan
Caasiyin) oydaan laynna Caruurtiinna Saboolnimo (Baahi) Anagaa idinka iyo
Iyagaba Arzaaqi, hana u Dhawaanina Xumaanta teeda muuqata iyo Teeda Qarsoonba,
hana dilina Naftii Eebe Reebay in Xaq darro lagu Dilo, saasuuna Eebe idin fari
inaad wax kastaan. (152) hana u
Dhawaanina Xoolaha Agoonta si Fiican mooyee intay ka Gaadhaan Xoogooda,
Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, si Caddaalada, laguma kalifo Nafi
waxayna karin haddaad hadlaysaanna Caddaalad fala, Qaraababa ha ahaadee,
oofiyana Ballanka Eebe, Sidaasaana Eebe idin faray inaad waantoowdaan. (153) Kaasinawaa Jidkayga toosan ee Raaca, hana Raacina
Wadiiqaha oo idin la kala Tago (Idinka leexiyo
Jidka Eebe) Saasaana Eebe idin faray inaad
Dhawrsataan. (154) Waxaana Siinnay Nabi Muuse
Kitaabkii (Towreed)
Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo
Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan. (155)
Kanna (Quraanku) waa
Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin
Naxariisto. (156) Oydaan Dhihin waxaa uun Kitaab lagu
soo Dejiyey Labadii qolo ee naga horreeyey, anaguna ma naqaanno Cilmigoodii. (157) Ama aydaan dhihin haddii Nalagu soo Dejiyo Kitaab
waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga, waxaa idiinka yimid Xujo (Cad) xagga Eebihiin,
iyo Hanuun, iyo Naxariis, cid ka dulmi badanna ma jirto mid beenisay Aayaadka
Eebe oo ka Jeedsatay, waxaannu ku Abaal marin kuwa ka Jeedsada aayaadkanaga
Cadaab Xun Jeedsigooda dartiis. (158) Ma waxay
Sugayaan inay Eebe iyo Malaa'igta la Kumaan ama u Yimaaddaan Aayadaha Eebahaa
Qaarkood Maalintay u Imaan Aayadaha Eebahaa qarkood wax uma tarto Naf rumayn
iyadoon horay u Rumayn ama aan ku Kasban iimankeeda Khayr, waxaad Dhahdaa suga
Anaguna waanu Sugaynaa. (159) Kuwa ku kala
tagay Diintooda oo noqday Kooxo, ka mid ma tahid, Amarkoodana Eebe umbaa iska
leh markaasuu uga warrami waxay Falayeen. (160) Ciddii la
Timaadda Wanaag wuxuu mudan Toban la mid ah Ciddii la Timaadda Xumaanna waxaa
laga abaal mariyaa mid la mid ah lamana Dulmiyo. (161)
Waxaad Dhahdaa wuxuu Igu Hanuuniyey Eebahay Jid Toosan Diin Sugan oo Diinti (Nabi) Ibraahim isagoo
toosan oon gaalada ka mid ahayn. (162) Waxaad Dhadaa
Salaaddayda, waxaan Gawriei, Noloshayda iyo Geeridaydaba Eebaa iska leh Eebaha
Caalamka ah. (163) Wax la Wadaagana ma jiro, Saasaana
lay faray Anigaana ugu Horreeya Muslimiinta (Ummaddan). (164) Waxaad Dhadaa
ma wax ilaah ka soo hadhay yaan Eebe ka dooni (Dhigan) Isagoo ILaahay wax walba Eebe u ah, naf kastana waxay
kasbato waa uun Korkkeda, Nafna Dambi naf kale ma Qaaddo, Xagga Eebihiin
umbaana laydiin Celin, wuxuuna idiinka warrami waxaad isku Diidanaydeen. (165) Eebana waa kan
idinka Yeelay kuwo Dhulka u Hadhay, Qaarkiinna qaar ka sara mariyey Darajooyin,
inuu idinku Imtixaamo wuxuu idin siiyay, Eebana waa Deg degtaa Ciqaabtiisu
waana Dambi Dhaafe Naxariista.
Al-A'raaf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku Tusin Muejisada Quraanka). (2) Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna
Laabtaada Dhibi (Cidhiidh)
ahaan inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta. (3)
Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo
Awliyo ah (Gargaara ah)
yaraana intaad Waantoobaysaan. (4) Badanaa Intaan
Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen) ama Qayluushan (Maalin). (5) Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid
halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay Dhahaan annagaa daalimiin ahayn. (6) Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii
waxay ku Jawaabeen) waana warsanaynaa
kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen). (7) Waana uga
Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn. (8)
Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican) Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay. (9)
Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa Khasaariyey Naftooda
Dulmigay ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis. (10) Waxaan idin
Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay Meel lagu Noolaado, waxaase yar Intaad
Shukriyeysaan. (11) Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin
Suuraynay, markaasaan ku midhi Malaa'igta u Sujuuda (Nabi) Aadam (Salaan) wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa Sujuuda. (12) Wuxuu Yidhi (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu
Yidhi anaa ka Khayr roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay
Dhoobo. (13) Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex Kibriside, Bax waxaad ka mid
tahay kuwa Dullaysane. (14) Wuxuu Yidhi ii
sug tan iyo Maalinta la soo Bixin. (15) Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid
tahay kuwa la sugi. (16) Wuxuu Yidhi
Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan
Dhumin). (17) Waxaana kaga
iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo Bidixda mana hekaysid badankooda oo
Shugriyi. (18) Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda
adoo Caayan oo la Dheereeyey, Ciddii ku raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo
Dhammaantiin. (19) Nabi Aadamow Dega Adiga iyo
Haweenaydaadu Jannada, kana Cuna Meejaad Doontaan, hana u Dhawaanina Geedkan,
ood Noqotaan Daalimiin. (20) Waxaana
Waswaasiyey Shaydaan, inuu ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo Cawradooda
ah, wuxuuna Yidhi wuxuu idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin Malaa'ig,
ama aydaan waarin. (21) Wuxuuna ugu
Dhaartay inaan idiin ahay Naseex. (22) Wuuna soo
Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen Geedka waxaa u muuqday Xumaantooda
waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya Caleenta Jannada waxaana u Yeedhay
Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan, oonan Idinku odhan Shaydaanku wuxuu
idiin yahay Col Cad. (23) Waxayna Dheheen
Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo
Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray. (24)
Wuxuu Yidhi Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu
Col u yahaye, waxaan Dhulka
idiinku Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo. (25) Wuxxuna
Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan
Xaggiisaana laydinka soo Bixin. (26) Banii Aadamow
waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka
Eebe inay Dadku wax Xusuustaan. (27) Banii Aadamow
Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada,
isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan,
waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa. (28) Markay Falaan Xumaanna waxay Dhahaan waxaan ka Hellay
Aabayaalkanno Eebaana na faray iyada, waxaad Dhahdaa Eebe ma faro Xumaan ma
waxaad ku Dhahaysaan Eebe waxaydaan Ogayne. (29)
Waxaad Dhahdaa wuxuu faraa Eebe Cadaaladda iyo inaad u Jeedisaan Wajigiinna (Xagiisa) Masaajidkasta
Agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli Diinta siduu idinku Billaabay Yaad ku soo
Noqonaysaan. (30) Koox wuu Hanuuniyey, Kooxna waxaa
ku sugnaaday korkooda Baadi, maxaayelay waxay ka Yeesheen Shayaadiinta Awliyo,
waxayna u Malayn inay hanuunsanyihiin. (31) Banii Aadamow
qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina
Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee. (32) Waxaadna
Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga
Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha Adduunyo
Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga
Ciddii wax Og. (33) Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay
Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq
darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku
Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa». (34)
Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama
dibmaraan Saacad kamana hor maraan. (35) Banii Aadamow
hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga
Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan. (36) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda
kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari. (37)
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu
waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo Dili waxay ku
Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way naga Dhumeen,
waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo. (38)
Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh,
markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku
Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu
Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin. (39)
Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya
Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed. (40) Kuwa Beeniyey
Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu
ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha, (41) Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan
Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. (42)
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin,
Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari. (43)
Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda
Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan (Wanaagga) Maanaan hanuuneen
haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii Eebaheen Xaq, waxaana loogu
Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey Camalkiinna Dartiis. (44) Waxay u Dhawaaqaan Ehelu Jannuhu Ehelu Naarka waan
hellay wixii Eebe Noo Yaboohay si Dhab ah ee idinku ma Hesheen wuxuu idiin
yahoohay Eebe si Dhab ah, waxayna Dhahaan haa waxaana ka dhawaaqa Dhexdooda mid
Dhawaaqa Laenadda Eebe ha ku Dhaedo Daalimiinta. (45)
Ah kuwa ka Celiya Dadka Jidka Eebe lana Doona Qallooca, Iyagoo Aakhiro ka
Gaaloobay. (46) Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab
Aeraafkana (Meel sare) waxaa
ahaan Dad ku Garan Cid Kasta Calaamaddooda, wacayna u Dhawaaqaan Ehelu Jannaha
iyagoo ku leh Nabadgalyo Korkiina ha ahaato, mayna galin Jannada wayse damci. (47) Markii loo Jeediyo Wajigooda Xagga Ehelu Naarka waxay
Dhahaaan Eebow ha na yeelin la Jirka Daalimiinta. (48)
Waxay u Dhawaaqayaan Dadka Acraafku Dad ay ku garan Calaamaddooda, waxayna ku
Odhan waxba idiinma tarin badnaantiinii (Kulankiinnii) iyo Waxaad isku Kibrinayseen. (49)
Ma kuwanaa kuwaad ku Dhaarateen inaan Eebe Gaadhsiinayn (Siinayn) Naxariis (Waxaana lagu Odhan) Gala Janada idinkoon Cabsi iyo Walbahaar midna Arkayn. (50) Waxay u Dhawaaqi Ehelu Naarku Ehelu Jannaha (Iyagoo dhihi) Noogu soo Deeqa
Biyaha ama waxa Eebe idinku Arzaaqay, waxayna Dhahaan Eebe wuu ka Xarrimay
Labadaas Gaalada. (51) Ee ah kuwa ka
Yeeshay Diintooda Madadalo iyo Ciyaar, oyna Dhagartay Nolosha Adduunyo, Maanta
wuu ku Dayn Naarta siday u Halmaameen la Kulanka Maalintan, iyo Diidooda
Aayaadkanaga Dartiis. (52) Dhab ahaan
baannu ugula Nimid Kitaab Aannu Caddaynay Annagoo ku Cilmi leh, Isagoo Hanuun
iyo Naxariis u ah Ciddi Rumayn. (53) Miyey sugi
waxaan ahayn wuxuu Sheegi Quraanku, Maalintuu Yimaaddo wuxuu Sheegi Quraanku
waxay Odhan kuwii Horay u Halmaamay (Kuna Camal falin) waxay la Timid Rasuuladii Eebe Xaq, ee majiraa Shufaco ha
noo Shafeeceene, ama ma nala Celin inaan Fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray,
waxay Khasaariyeen Naftooda waxaana ka Dhumay waxay been abuuran jireen. (54) Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix
Maalmood kuna istawooday Carshiga, wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna
doonaa Habeenku si Deg dega Qorraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray
Amarka Eebe, Eebaana Abuuridda iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday «oo
Khayrbatay» Eebaha barbaariya Caalamka. (55) U Barya
Eebihiin si Khashuue ah iyo Qarsoodi Ellen Eebe ma jeela kuwa Xad gudbee. (56) Hana fasaadinina Dhulka inta la Wanaajiyey ka dib,
Baryana Eebe Cabsi iyo Doonidba Naxariista Eebana waxay u Dhawdahay kuwa Samaha
Fala. (57) Eebe waa kan u dira Dabaysha Bishaaro Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa markay
Xambaarto Daruur Culusna waxaan u Kaxaynaa Dhul Dhintay (Abaar) waxaana ku Dejinaa (Shubnaa) Biyaha, waxaana ku soo Bixinaa wixii Dhintay inaad
Xussusataan. (58) Dhulka Fiican wuxuu ku soo baxaa
Doogiisu idinka Eebe, midka Xunna waxaan Dhib ahayn kuma soo baxo, saasaan ugu
Caddaynaa Aayaadka Ciddii ku Shukrin Eebe. (59) Waxaan u Dirray
Nabi Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna
Eebe ka soo hadhaye, anugu waxaan idiinka Cabsan Cadaab Maalin Wayn. (60) Waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ka mid ahayd waxaan
kugu Aragnaa Baadi Cad. (61) Wuxuuna yidhi
Qoomkayow Baadi kuma Sugni waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka. (62) Waxaana idiin Gaadhsiin Farriinta Eebahay waana idiin
Naseexayn, waxaana ka Ogyahay Xagga Eebe waxaydaan Ogayn. (63)
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Nin idinka mida Xuska Eebihiin si uu
idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna Naxariisto. (64)
Wayse Beeniyeen waxaana ku korinay Nuux iyo intii la jirtay Doontii waxaana
Maanshaynay kuwii Beeniyey Aayaadkanaga, Illeen waxay ahaayeen Qoom indhala, (Xaqa arkayn). (65) Waxaan u Dirray Caadna Walaalkood (Nabi) Huud wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna
Eebe ka soo hadhay, Miyeydaan Dhawrsanayn. (66) Waxay Dheheen
Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ka mid a, Anagu waxaan kugu aragnaa Safaaho (Xumaan) waxaana kuu
malaynaynaa Beenaalayaasha. (67) Wuxuuna yidhi
Qoomkayow Safaaho (Xumaan) imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka. (68) Waxaana idin gaadhsiin Farrinta Eebahay waxaana idiin
ahay Nasteex Aamina. (69) Ma waxaad la
Yaabteen inuu u Yimaaddo Xuska Eebihiin Nin idinka mid ah inuu iddin Digo,
Xusuusta Markuu idinka yeelay Eebe kuwa u Hadhay (Dhulka) Qoomkii Nabi Nuux ka dib, idiinna kordhiyey Xoog, ee
Xusuusta Niemada Eebe, waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane. (70) Waxay Dheheen ma waxaad noola timid inaan Caabudno Eebe
Kaliya, oon ka Tagno Waxay Caabudayeen Aabayaalkanno, noo keen waxaad noogu
Goodiyeysay Haddaad runle tahay. (71) wuxuu yidhi
waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula Murmaysaan
Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo Dejinin Xujo,
Suga anna waan idinla Sugiye. (72) Markaasaan
Korinay isaga iyo Intii la jirtay Naxariistanada Darteed, waxaana Goynay
Cidhibta kuwa Beeniyey Aayaadkanaga, mana ayan rumayn (Xaqa). (73) Waxaan u Dirray
Thamuudna Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe wax ka
soo hadhay Eebe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii
Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana
ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab Daran. (74)
Xusuusta markuu idinka yeelay (Eebe) kuwo Baddalay Caad kadib idin Dajiyeyna Dhulka idinkoo ka
Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda Guryo Xusuusta
Niemooyinka hana Fasaadinina Dhulka. (75) Waxayna ku
dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa oo
Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna
dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay. (76)
Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay. (77) Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii
Eebahood, waxayna dheheen Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad
tahay mid la soo Diray. (78) Waxaana qabtay
Gariirkii waxayna ahaadeen kuwo, Guryahoodii ku Dhintay. (79)
Wuxuuna ka Jeedsaday «Nabi Saalax» caggooda wuxuuna yidhi waan idin Gaadhsiiyey
Fariintii Eebahay waana idiin naseexeeyey Mase Jeelidiin Nasteexa. (80) Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad
la imaanaysaan Xumaanta uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah. (81) Idinku waxaad u Tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed
Haweenka ka sokow, waxaadse tihiin qoom Xad Gudbay. (82)
Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay
Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye. (83) Waana Korinay
Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku
hadhay. (84) Waxaana ku soo Daadinay Roob (Naareed) bal day siday
Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha. (85) Madyanna waxaan
u Diray Walaalkood Nabi Shucayb wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma
sugna Eebe ka soo hadhaye, waxaa idiinka Timid Xagga Eebe Xujee Dhammaystirana
Miisidda iyo Miisaanka, hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda, hana Fasaadinina
Dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr roon haddaad Mu'miniin tihiin. (86) Hana Fadhiisanina Jid kasta idinkoo Goodin oo ka Celin
Dadka Jidka Eebe Ciddii Rumaysa idinkoo Qalooe la dooni, xusuustana markaad
yareydeen oo Eebe idin badiyey, dayana siday Noqotay Cidhibtii Fasaadiyaasha. (87) Haddayse Koox idinka mida Rumaysay
waxa laygu soo Diray Kooxna ayna Rumeynin Samra (Suga) inta Eebe ka kala Xugmin Dhexdeenna Isagaa Xaakim Khayr
Roon ah.
Juz' 9
(88) Waxay dheheen Madaxdii
Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku
Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo
haddaan Necebnahayna. (89) Waxaan ku Been
abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib,
Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa
Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun
Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe. (90) Waxayna Dheheen
Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad
Khasaarteen. (91) Waxaase qabtay Gariir waxayna
ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan). (92) Kuwii Beeniyey
Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey
Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray. (93) Markaasuu isaga
Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana
idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah. (94)
Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo
Dhibaato inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe). (95) Markaasaan u
Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy
Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa
kado Iyagoon Ogayn. (96) Hadday Dadka
Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada
iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis. (97) Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo
Dhibkanaga Habeenkii iyagoo Hurda. (98) Miyeyse ka
aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo
Ciyaari. (99) Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka
Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe. (100) Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan
doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna
wax Maqlin. (101) Taasi waa Magaalooyinkii waxaana
kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan
Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada. (102) Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay
badankood iyagoo Faasiqiina. (103) Markaasaan la
Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday
Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta. (104) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow
Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay. (105) Waxaana Dhab
ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid Xujo Eebihiin
ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga. (106) Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid
Aayad keen haddaad Run Sheegi. (107) Markaasuu
Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah. (108)
Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi. (109) Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani
waa sixirroow aad u yaqaanna. (110) wuxuuna Dooni
inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan. (111)
waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya. (112) oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna. (113) Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna
Dheheen Ujuuro maleenahay haddaan annagu Adkaanno. (114)
Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo. (115) Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro. (116) Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen
Indhaha Dadka wayna Cabsi galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn. (117) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto waxay
Dhoobdhoobeen. (118) Waxaana Sugnaaday Xaqii waxaana
Buray waxay Falayeen. (119) Waxaana lagaga
Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan. (120) Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud. (121) Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka. (122) Eebaha Muuse iyo Haaruun. (123)
Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar
aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan
doontaan. (124) Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo
Lugahiinna isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin. (125)
Waxayna Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa. (126)
Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay
noo Timid, Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina. (127) Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn
Muuse iyo Qoomkiisa inay Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo lLaahyadaada). wuxuuna yidhi
waxaannu Dili Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo
Dullayn. (128) Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa
Kaalmaysta Eebe, samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono
oo addoomadiisa ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada. (129)
Waxayna ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga,
wuxuuna (Nabi Muuse) ku
Yidhi waxay u Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo
si uu u Eego waxaad Fashaan. (130) Waxaan ku
qabanay Fircoon Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan. (131) Hadduu Wanaag u Yimaaddo waxay Dhahaan anaa leh tan (Mudan), hadday Dhibaato
ku Dhacdana waxay aharaystaan Muuse iyo inta la jirta, Baaskoodu wuxu uun jiraa
Eebe Agtiisa, badankooduse ma Oga. (132) Waxayna
dheheen wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu Sixirlo anagu kuma
rumaynayno. (133) Markaasaan ku Dirray Daad, Ayax,
injir iyo: Rah iyo Dhiig aayaad Cad iyagoo ah, wayna. iskibriyeen waxayna
ahaayeen Qoom Dambiilayaal ah. (134) Markuu ku
Dhacay korkooda Cadaabku waxay dheheen Muusow noo Bari Eebahaa wuxuu kugula
Ballamay, haddaad naga fayddo Cadaabka waannu ku Rumayn, waxaana la diri (u dayn) la jirkaaga Banii
Israa'iil. (135) Markaan ka faydnay Cadaabkii lan
iyo Muddo ay Gaadhayaan yey ahaadeen kuwo Buriya (Ballankii). (136) Waan ka
aarsannay Gaaladii waxaana ku Maanshaynay Badda Illeen waxay beeniyeen
Aayaadkanaga, wayna Halmaameen. (137) Waxaana
Dhaxalsiinnay Qoomkii ahaa kuwa lagu Dullaysto Bariga Dhulka iyo Galbeedkiis (Masar iyo Shaam) een barakaynay
Dhexdiisa, wayna u Dhammaatay Kalimada (Yaboohii) Eebahaa ee wanagsanaa Banuu Israa'iil samirkoodii Dartiis.
waxaana Baabi'inay wuxuu Samaynayey Fircoon iyo Qoomkiisii iyo waxay
Dhisayeeen. (138) Waxaana Tallaabinay Banuu
Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay
dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi
idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina. (139) Kuwaas waa
lagu Halaagi waxay ku suganyihiin waana Baadhil waxay fali. (140) Wuxuu yidhi ma wax Eebe ka soo hadhay yaan Ilaahnimo
idiinka doonaa isagoo Caalamkan (Jooga) idinka Fadilay. (141) Xusuusta
markaan idinka Korinay Fircoon Dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey Cadaab Xun,
oo laynayey Wiilashiinna daynayeyna Gabdhihiinna, Arrintaasna waxaa ku Sugan
Ibtilo Eebihiin Xaggiisa ka ahaatay oo wayn. (142)
waxaan u yaboohnay Nabi Muuse Soddan habeen waxaana ku dhamaystirray Toban,
wuxuuna ku dhamaaday Ballankii Eebihiis Afartan Habeen, wuxuuna ku yidhi Nabi
Muuse Walaalkiis Haaruun iiga dambee Qoomkayga Wanaakina hana raacin Jidka
Mufsidiinta. (143) Markuu u Yimid Nabi Muuse
Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee,
wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato
markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur
waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu
Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn). (144) Wiixuu Yidhi Eebe
Muusow waxaan kaa doortay Dadka (Sabankan) Diriddayda iyo lahadalkayga Dartiis ee qaado waxaan ku
siiyey ahowoa kuwa Mahdiya. (145) Waxaan ugu
qurray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo Caddayna, ee ku qaado Niyadadag farna
Qoomkaaga may qaalaan, ha qaataan Teeda Fiicane Waxaan idin tusin Guryihii
Faasiqiinta. (146) Waxaan ka lilaa Aayaadkayga kuwa
isku Kibriya Dhulka Xaq darro, hadday arkaan Aayaad kasta ma Rumeeyaan hadday
arkaan Jidka Hanuunka kama Yeeshaan Waddo, hadday Arkaan Waddada Baadidana
waxay ka yccshaan Jid, waxaana ugu Waran inay Beeniyeen Aayaadkanaga oy
ahaayeeo kuwo Halmaamay. (147) Kuwa Beeniyeen
Aayaadkanaga iyo la Kulankanaga Aakhiro waxaa Buray Camalyaalkooda Miyaase laga
abaal mariyaa waxay Camal falayeen Mooyee. (148) Waxay ka
Yeesheen qoomkii Nabi Muuse Gadaashiis Jawhartoodii Dibi Cod leh, miyeyna
arkaynin inuusan lahadlaynin kuna Toosinaynin Jid, way Yeesheen iyagoo
Daalimiin ah. (149) Markii Gacmahooda lagu Riday (Nidaamoodeen) oy arkeen inay
Dhumeen waxay Dhaheen Hadduusan noo Naxariisan Eebahanno oosan noo Dambi
Dhaafin waxaan Noqonaynaa kuwo Khasaara. (150) Markuu ku soo
Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa
Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin
wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u
Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u
dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka
Qoomka Daalimiinta ah. (151) Wuxuuna yidhi
Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa
Naxariis badane ahe. (152) Kuwa Yeeshay
Dibi waxaa Gaadhi Cadho Lebahood iyo Dulli Nolosha adduunyo saasaana ku Abaal
marinaa Been abuurtayaasha. (153) Kuwa Falay
Xumaan Markaas Toobad keenay intaas ka dib oo Rumeeyey Xaqa Eebahaa intaas ka
dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. (154) Markay Cadhadu
ka Xasishay Nabi Muuse wuxuu Qaatay Alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo
Naxariis u ah kuwa Eebahood ka Cabsan. (155) Wuxuu ka
Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin Ballankanaga Dartiis, markay
qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto waad halaagi lahayd horay
iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen Sufaho naga mida, waa
Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana waad hanuunisaa adaa
Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi Dhaafe Khayr roon
ahe. (156) Noona qor adduunyadan Wanaag iyo
Aakhiraba waannu kuu noqonaye, wuxuu Yidhi Cadaabkaygu wuxuu ku dhici Ciddaan
Doono, Naxariistayduna waxay u Waasac Noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa
Dhawrsada oo Bixiya Zakada iyo Kuwa Aayaadkaygana Rumeeya. (157)
ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku
qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana reeba Xumaanta una
Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana
Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana
dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo
Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun
kuwa Liibaanay. (158) Waxaad Dhahdaa Dadow anugu waxaan
ahay Rasuulkii Eebe ee Xaggiinna Dhammaan, waana Eebaha iska leh Xukunka
Samooyinka iyo Dhulka, ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya,
waxna Dila ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee Umiga ah ee Rumeeyey
Eebe iyo Malaa'igtiisa Raacana inaad hanuuntaan. (159)
Waxaa ka mida Qoomkii Nabi Muuse Umad ku Hanuimsanayd Xaqa kiina Caddaalad
falayaay. (160) Waxaana u kala gaynay Laba iyo
Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay Waraab warsadeen
Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo burqatay laba iyo
toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd, waxaana ku
hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku
Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda. (161)
Markii lagu yidhi dega Magaaladaa kana Cuna Meejaad doontaan Dhehana Eebow noo
Dambi dhaaf, kana gala Albaabka idinkoo Sujuudsan aan idiin Dhaafno Dambigiince
unu siyaadinno samafalayaashee. (162) Waxayse ku
badaleen kuwii dulmi falay oo ka mida hadal ka duwan kii loo yidhi (Fala) waxaana ku Dirray
Cadaab Samada kaga Yimid dulmigoodii Dartiis. (163)
Warso (Yuhuud)
Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey
Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo,
saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqni' madooda Darteed. (164)
Ka Warran markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama
u Cadaabi si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay
Dhawrsadaan inay u Dhawyihiin. (165) Markay
Halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana
ku qabanay kuwii Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed. (166) Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku
nidhi Noqda Daanyeer Dullaysan. (167) Xusuusta
markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid
Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi
Dhaafe Naxariista. (168) Waxaana ku
kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku
imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan. (169)
Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan
Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way
qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku
sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa
dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn. (170) Kuwa Qabsada
Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala). (171) (Ka warran) markaan ku koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una
maleeyeen inuu ku Dhici, kuna nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag, kuna
waana qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan. (172) (Xusuuso) markuu Eebahaa ka
qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi
Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay,
inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan. (173) Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii
mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay
faleen Xumo falayaal. (174) Saasaanu
Caddaynaa Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa. (175)
Ku Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay
Shaydaanna uu Raacay (Isaga) Noqdayna kuwa Baadida ah. (176)
Haddan Doonno waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo Jacayl) wuxuuna Raacay
Hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad
Deysana wuu lalmin, saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga
warran Qisooyin inay Waantoomaan. (177) Waxaa Tusaale
u Xun Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya. (178) Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana
waa uun kuwa Khasaaray. (179) Waxaan u
Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub
ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna
Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii
Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan. (180)
Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa
leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen. (181) Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa,
Kuna socon. (182) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga
waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn. (183) Waana Sugi
Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay. (184) Miyeyna
Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn. (185) Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa
Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu,
Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn. (186) Cidduu Dhumiyo
Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan.
(187) Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay
Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay
Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan
Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka
Badankiisase ma oga (Xaalkaas). (188) Waxaad Dhahdaa
uma hanto Naftayda Nacfi iyo Dhib midna, wuxuu Eebe doono mooyee, haddaan ahay
mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa Khayrka imana taabteen Xumaani, anigu
waxaan uun ahay u dige una Bishaareeye Qoomkii Rumayn (Xaqa). (189) Eebe waa kan
idinka abuuray Naf kaliya, kana yeelay Xaggeeda Haweenaydiisii inuu Weheshado
markay Kulmeenna waxay qaadday uur Fudud Saasayna ahayd Markay Cuslaatayna
waxay Baryeen Eebahood haddaad Na siiso (Ilmo) Suubban waxaan noqonaynaa kuwa Shugriya. (190) Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la
wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen. (191) Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la
Abuuro. (192) OOn Karaynna gargaar naftoodana
aan u gargaarayn. (193) Haddaad ugu
Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad
ka Aamustaanba. (194) Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa
Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan. (195) Ma
waxay Leeyihiin lugo ay ku Socdaan, mise waxay Leeyihiin Gacmo ay wax ku
qabtaan mise waxay Leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin Dhago
ay wax ku Maqlaan, waxaad Dahdaa u Yeedha Shurakadiinna ina Dhagra hana i
sugina. (196) Waligaygu waa Ilaaha soo Dejiyey
Kitaabka isagaana u Gargaara kuwa Suuban. (197) Waxaad
Caabudaysaan Eebe ka Sokow ma karaan Gargaarkiinna Naftoodana uma Gargaarayaan.
(198) Hadday ugu Yeedhaan Hanuunkana ma Maqlaan waxaadna
aragtaa iyagoo ku soo Eegi oon waxba Arkayn. (199)
Qaado waxa Fudud Farna Wanaagga kana Jeedso Jaahiliinta. (200)
Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe.
(201) Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way
Xusuustaan (Waantoomaan)
wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan). (202) Walaalaha
Shaydaankuse waxay ku Kaalmeeyan Baadida kamana Daalaan. (203)
Haddaydaan ula Imaanin Aayad waxay Dhahaan Maxaad u soo dooran wayday, waxaad
dhahdaa waxaan uun Raaci wixii layga waxyooday Xagga Eebahay Kaasina waa
Xujooyin Xagga Eebihiin ka ahaatay iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn (Xaqa). (204) Markii la Akhriyo Quraanka Dhagaysta una Dhag
raariciyana in laydiin Naxariisto. (205) U Xus Eebaha
Naftahaa Naftaada Khushuuc (Baryo) iyo Cabsi, iyo Qaylo la'aan hadal, Aroor iyo Galabba, hana
Noqon kuwa Halmaama (Xuska Eebe). (206) Kuwa Eebe
agtiisa ah iskama Kibriyaan Cibaadadiisa wayna u Tasbiixsadaan (Nasahaan) Isagayna u
Sujuudaan
Al-Anfaal
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku warsan Dadku (Xukunka) Qaniimada, waxaad
dhahdaa Qanimada waxaa iska leh Eebe iyo Rasuulka ee ka Dhawrsada Eebe
Wanaajiyana Xaalka Dhexdiinna ah Eebana Adeeca iyo Rasuulkiisa haddaad kuwo
Rumeeyey tihiin. (2) Mu'miniinta dhabta ah waa uun
kuwa marka Eebe la Xuso ay Cabsato Quluubtoodu, marka lagu Akhriyo korkooda
Aayaadka Eebana ay Iimaan u kordhiso, Eebahood uun tala saarta, (3) Ee ah kuwa ooga Salaadda waxaannu ku Arzaaqnayna wax ka
Bixiya. (4) Kuwaasaana ah Mu'miniinta Xaqa ah,
waxayna Mudan Jannooyin Eebahood agtiisa ah, iyo Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf
leh. (5) Siduu Kaaga Bixiyey Eebaha Gurigaaga
si Xaq ah (Jahaad) Koox
Mu'miniinta ka mida way Nacayeen. (6) Waxayna kugula
Murmi Xaqa intuu u Cadaaday sidii iyagoo loo wado Geeri iyagoo Eegi. (7) Xusuuso markuu idiin Yaboohay Eebe Labadii Kooxood
midkood (Colkii iyo Safarkii)
idiin Subnaatay idinkoo Jeeel in Midda Tabarta Yar idiin ahaato, Eebana wuxuu
dooni inuu Xaqa ky sugo Kalimadiisa, Gooyana Cidhibta Gaalada. (8) Si uu Xaqa u sugo, una Buriyo Baadhilka (Xumaanta) haban Naceen
Dambiilayaashuye. (9) Xusuusta markaad
ka Gargaar warsanayseen Eebe oo uu idinku Ajiibay waxaan idinku Xoojin Kun
Malaa'igta ka mida oo Israacraacsan. (10) Wuxuu Eebe u
Yeelay Bishaaro iyo inuu Xasilo Qalbigiinnu, Gargaarra waxaan Eebe Agtiisa
ahayn ma aha, Eebana waa Adkaade Fal San. (11) Xusuustana
markuu idinku Daboolay Hurdo aaminnimo Darteed idinkagana soo Dejiyey Samada
Biyo inuu idinku Daahiriyo idinkagana Tegsiiyo Waswaaska Shaydaanka iyo innu ku
Adkeeyo Quluubtiinna kuna Sugo Gommadihiinna. (12)
Markuu u waxyoon Eebahaa Malaa'igta anaa idinla jira ee suga kuwa Xaqa Rumeeyey
(Xoojiya) waxaan ku Tuuri
Quluubta kuwa Gaaloobay Argagax ee ka Garaaca Luqunta korkeeda kana Garaaca
Xubnaha faraha. (13) Maxaayeelay waxay Khilaafeen Eebe
iyo Rasuulkiisa, Ciddii Khilaafta Eebe iyo Rasuulkiisana Eebe waa u Ciqaab
daranyahay. (14) ee Arrintaas Dhadhamiya, Gaalana
waxaa u Sugnaaday Cadaabka Naarta. (15) Kuwa Xaqa
Rumeeyow hadaad la Kulantaan Kuwa Gaaloobay idinkoo isusoo Dhawaan ha u
jeedinina dabada (ha cararina). (16) Ruuxi u Jeediya Maalintaas Dabadiisa (Carara) isagoo u
Xeelaysanayn Dagaal ama u Dumayn Koox wuxuu la Noqdaa Cadho Eebe Hooygiisuna
waa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado. (17)
Idinku maydaan ku layn Gaalada (Xooggiinna) Eebaase laayey, mana Aadan Ganayn markaad ganaysay Eebaase
Ganay (ku Hagaajiyey) inuu
u Niemeeyo Mu'miniita Niemo Wanaagsan, Eebana waa Maqle Og. (18) Arrintaasna waxaa ugu waean in Eebe uu Tabaryarayn
Dhagrate Gaalada. (19) Haddaad kala
Xukumid Dalabteen Gaaloy waxaa idiin Yimid Gargaarkii (Nabiga) inaadse Reebtoontaan yaa idiin Khayr roon, haddaad ku
noqotaan Xumaantana waxaannu ku Noqon Gargaarka (Nabiga) waxna idiinma tarayso Kooxdiinnu haba badnadeene Eebana
wuxuu la Jiraa Mu'miniinta. (20) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca
Eebe iyo Rasuulkiisa hana ka Jeedsanina idinkoo Maqli. (21)
Hana Noqonina kuwii Yidhi Maqallay iyagoon wax Maqlayn. (22)
Dhul Socod waxaa ugu Shar badan (Uxun) Eebe agtiisa ma Maqle (Xaqa) ma hadle oon kasayn (Wanaagga). (23) hadduu ku
Ogyahay Eebe Khayr wuu maqashiin lahaa (Garansiin lahaa) hadduuse Maqashiiyo way Jeedsanlahaayeen (Kibirdartiis) iyagoo is dadbi. (24) Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu
idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) Ogaadana in Eebe (Karo) inuu kala Dhexmaro Ruuxa iyo Qalbigiisa, oo Xaggiisa
laydin soo Kulmin. (25) Ka Dhawrsada
Fidmo oon ugu Dhacayn kuwii Dulmiga falay Gaar ahaan oo idinka mida, Ogaadana
in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay. (26) Xusuustana
markaad ahaydeen kuwo yaroo lagu Tabar darraysto Dhulka (Makaad) idinkoo ka Cabsan in Dadku idin dafo oo markaas uu idin
Dhaweeyey (Dumay)
idinkuna Xoojiyey Gargaarkiisa, idinkuna Arzaaqay Wanaag (Xalaal) inaad ky Mahdisaan. (27) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha
Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og. (28)
Odaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir
wayn yahay. (29) Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli
Faraj (iyo Nabadgalyo)
wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli
Wayne. (30) Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama
ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana
Abaal mariye Khayr roona ah. (31) Marka lagu Akhriyo
Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan Dhahaynaa kanoo
kale (Quraanka) kanu
waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha. (32) Xusuuso markay
Dheheen Eebow hadduu kanu Xaqa Agtaada ah yahay Nagaga soo daadi Dhagaxyo (Naara) Samada, ama noo
keen Cadaab daran. (33) Eebase ma aha
kii Cadaaba Adoo Dhexjooga, mana aha mid Cadaaba iyagoo Dambi dhaaf warsan. (34) Muxuusanse Eebe u Cadaabayn iyagoo ka Celin Dadka
Masjidka Xurmada leh, mana aha Ehelkiisa, Ehelkiisu waxaan kuwa dhawrsada ahayn
ma aha, Badan koodse ma Oga. (35) Salaaddooda
Kacbada agteeda ahna ma aha waxaan Foodhi iyo Sacabbo Tumid ahayn, ee
Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed. (36)
Kuwii Gaaloobay waxay ku Bixin Xoolahooda inay ka Celiyaan Dadka Jidka Eebe way
Bixin doonaan waxayna ku noqon Qoomamo markaasaa laga Adkaan, kuwa Gaaloobayna
Xaga Jahannamaa Loo kulmin. (37) in Eebe kala
Bixiyo Xumaanta iyo Wanaagga, Yeelana Xumaanta Qaarkeed tan Kale Korkeeda uuna
Kulmin Dhammaan uuna Yeeli Jahannamo kuwaasuna waa uun kuwa Khasaaray. (38) Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi
wixii hor maray, haddayse Daa'imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore. (39) la Dagaallama Galada intaan Gaalnimo iyo «Xumaan» laga helin
una ahaato Diintu Dhammaan Eebe, hadday Reebtoomaan Eebe waxay Fali wuu
Arkayaa. (40) Hadday
Jeedsadaanna ogaada in Eebe yahay Gargaarihiinna isagaana u Fiican Gargaare.
Juz' 10
(41) Ogaadana waxaad
Qanimaysataan in Eebe Shan Meelood Meel Leeyahay, iyo Rasuulku, iyo Qaraabada,
iyo Agoonta, iyo Masaakiinta, iyo Socdaalka, haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe
iyo waxaan ku Dejinnay Addoonkanaga Maalintii kala Bixinta, Maalintay kulmeen
Labadii Col (Badar)
Eeebana wax kasta (oo uu Doono) wuu karaa. (42) Xusuusta markaad
ahaydeen Dhinicii u Dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd Dhinicii ka Fogaa (Badar) Safarkiina idinka Hooseeyey hadaad isu yahoohdan (Ballana) waad isku Khilaafi
lahaydeen Ballanka, Eebaase Falay inuu Xukumo Amar uu Fali in Cidto, Ciddii
Noolaanna si Cad u Noolaato, Eebana waa Maqle Og. (43)
Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo
Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase
Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane. (44)
Iyo markuu idin Tusiyey markaad Kulanteen iyagoo ku Yar indhihiinna, idinkuna
yareeyey Indhahooda in Eebe Xukumo Amar uu Fali, Xagga Eebaana loo Celin
Unuuraha. (45) Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad la
Kulantaan Koox (Cadow ah)
Sugnaada Xusana Eebe wax Badan inaad Liibaantaan. (46)
Adeecana Eebe iyo Rasuulkiisa hana Murmina ood Fashishaan uu tagana Xooggiinnu
Samra Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree (Adkaysta). (47) Hana ka mid
Noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska Dadka Darttiis kana
Celinaya (Dadka)
Jidka Eebe, Eebana waa Koobay waxay Camal Fali. (48)
Markuu u Qurxiyey Shaydaanku Camalkooda kuna Yidhi wax idinka Adkaan oo Dada ma
jiro Maanta, anna kaalmeeyaan idiin ahay, markay isarkeen Labadii Kooxoodna
wuxuu u gurtay Cidhibtiisa, wuxuuna yidhi anugu Bari baan idinka ahay, waxaana
arkaa waxaydaan Arkin waxaana ka Cabsan Eebe Ilaahayna waa Ciqaab darane. (49) Markay dhahayeen Munaafiqiintu iyo kuwa Cudurku Qalbiga
kaga jiro, waxaa Dhagray Kuwaas Diintooda, Ciddii Eebe tala saarata Ilaahay waa
Adkaade Falsan. (50) Haddaad Aragto Markay Oofsan (Nafta ka qaadi) Malaa'igtu kuwii
Gaaloobay oy ka Garaaci Wajiyadooda iyo Gadaashooda iyagoo ku Dhihi Dhadhamiya
Cadaabka Gubidda (waxaad arki lahayd Arrin wayn). (51) Arrintaasuna
waa waxay hormarsatay Gacmihiinnu darteed Eebana ma Dulmiyo Addoomada. (52) Waaa Caadadii Fircoon Qomkiisii iyo kuwii ka horreeyey
ee ka Gaaloobay Aayaadkii Eebe oo Eebe Qabtay Dambigooda Dartiis, Eebana waa
Xoong badane Ciqaab daran. (53) Arrintaasna waa
inaan Eebe doorinin Nicmo uu ugu Nicmeeyey Qoom intay ka Dooriyaan wax Naftooda
ah, Eebana waa Maqla Og. (54) Waa Caadadii
Fircoon Qoomkiisii iyo kuwii ka Horreeyey, waxay ka Gaaloobeen Aayadkii
Eebahood markaasuu Halaagay Dambigooda Dartiis waxayna Dhammaan ahaayeen
Daalimiin. (55) Dhul Socde waxaa ugu Shar badan
Eebe Agtiisa kuwa Gaaloobay oon Rumeynin. (56) ee ah Kuwaad la
Ballantay markaas Buriya Ballankooda mar kasta, oon Dhawrsanayn. (57) Haddaad ku Libaanto (Adkaato) Dagaalka ku Eri (xanuuji) kuwa ka Dambeeya inay Xusuustaan. (58) Haddaad
ka Cabsato Qoom Khayaanadii u Tuur (Ogaysii) Ballankii si siman, Illeen Eebe ma Jeela Khaa'imiinta. (59) Yeyna u malayn kuwii Gaaloobay inay Carari (Karaan) iyagu ma Daaliyaan
(Eebe). (60) Ugu Darbada waxaad kartaan oo Xooga, iyo Darbidda
Fardaha inaad ku Cabsi galisaan Colka Eebe iyo Colkiina (Galaada) iyo kuwa kale oo ka soo hadhay (Munafiqiinta) ma ogidin Eebaase Og, waxaad ku Bixisaan Jidka Eebana waa
laydiin oofin (Dhammayn)
idinkoon laydin Dulmiyeyn. (61) Hadday u
Iishaan Gaaladu Nabad u lilo adna talana Saaro Eebe, Illeen isagaa uun Maqla
ognee. (62) Hadday Doonaan inay ku Dhagraan
waxaa Kaafiyahaaga ah Eebaha kugu Xoojiya Gargaarkiisa iyo Mu'miniinta. (63) Isuna soo Dumay Quluubtooda, haddaad Bixiso waxa Dhulka
ku Sugan oo Dhan Maadan isu Dunteen Quluubtooda, Eebaase isu Dumay Dhexdooda
Illeen isagaa Adkaade falsan ehe. (64) Nabiyow waxaa
kugu Filan Eebe Adi iyo inta ku Raacday ee Mu'miniinta ah. (65)
Nabiyow ku boorri mu'miniinta Dagaalka hadday idinka Mid yihiin Labaatan Samra (Adkaysta) Waxay ka adkaan
Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Boqol waxay ka Adkaan Kun ah kuwa
Gaaloobay Illeen waa Qoomaan wax kasayne. (66) Hadda wuu
idinka Fududeeyey Eebe wuxuuna ogyahay inaad tabar Yartihiin hadday idinka Mid
yihiin Boqol Samra (Adkaysta) waxay ka Adkaan Labo Boqol, Hadday idinka Mid yihiin Kunna
waxay ka Adkaan Labo Kun Idanka Eebe, ILaahayna wuxuu la Jiraa kuwa samra. (67) Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay
intuu kaga Jilciyo Dhulka Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni
Aakhiro Eebana waa Adkaade Falsan. (68) Hadduusan Jirin
Kitaab Eebe oo horreeyey waxaa idin taaban lahaa waxaad qaadateen Darteed
Cadaab wayn. (69) ee Cuna waxaad Qanimaysataan oo
Xalaal Fiicana kana dhawrsada Eebe Illeen Ilaahay waa Dhaafe Naxariistee. (70) Nabiyow ku Dheh kuwa la Qafaashay ee Gaemihiinna ku
jira hadduu ku Ogyahay Eebe Quluubtiina Khayr wuxuu idin siin mid ka Khayrroon
wixii laydinka Qaaday wuuna idiin Dhaafi, Eebana waa Dhaafe Naxariista. (71) Hadday Doonaan Khiyaamadaadana waxay Khayaameen Eebe
mar hore markaasuu idin Makaniyey Eebana waa Oge Falsan. (72)
Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Xoolahooda iyo Naftooda Jidka Eebe
iyo kuwa Dumay (soo Dhaweeyey) una
Gargaaray kuwaasu Qaarkood waa Gargaaraha Qaar, kuwa Rumeeyey oon hijroonin
Gargaarkooda waxba idinkama Saarra intay ka Hijrooni, haddayse idiinku Gargaar
warsadaan Diinta korkiinna Gargaarbaa ah qaar Dhexdiinna Ballan yahay mooyee,
Eebana waxaad Falaysaan wuu Arkaa. (73) Kuwa Gaaloobay
Qaarkood Waa Sokeeyaha Qaar haddaydaan saas falinna (Ogaanna) Fidmaa ahaan Dhulka iyo Fasaad wayn. (74)
Kuwa Rumeeyey ee Hijrooday ee ku Jahaaday Jidka Eebe iyo kuwa soo Dhaweeyey una
Gargaaray kuwaasu iyagaa Mu'miniina Dhaba ah, waxayna Mudan Dambi Dhaafid iyo
Rizqi Sharafle. (75) Kuwa Rumeeya Gadaal oo Hijrooda oo
Jahaada la Jirkiinna kuwaasu waa idinka mid, Qaraabadaana Qaarkeed Qaar ku
Mudanyahay Xukunka Eebe Ilaahayna waxkasta waa ogyahay.
At-Tawba
Madinan
(1) Tani waa ka bari
ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah. (2) ee socda Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn
Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada. (3) waana ogaysiin
Eebe ka ahaaday iyo Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari
yahay Gaalada iyo Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon,
haddaad jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii
gaaloobay Cadaab daran. (4) 4 Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah markaasna aan
idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya tan iyo
ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada. (5) markay faydmaan bilaha xurmada leh ku dila gaalada
meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah oo dhan, haddayse
toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii daaya jidkooda Eebe
waa dambi dhaafe Naxariistee. (6) mid ka mida
gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka
Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne. (7) siday ugu ahaan gaalada ballan Eebe agtiisa iyo
Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xur- mada leh Agtiisa
mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada Eebe wuxuu jecel yahay kuwa
Dhawrsadee. (8) waa sidee hadday idinka adkaadaan
ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay idinku raalli galin
afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa faasiqiin. (9) waxay ku gataan aayaadka. Eebe qiimo yar waxayna ka
leexiyeen jidka Eebe waxaana xun waxay falayeen. (10)
umana dhawraan Mu'min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal. (11)
haddayse toobadkeenaan oo oogaan salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina
diinta waana u caddaynay aayaadka qoomkii wax garan. (12)
haddayse buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila
madaxda gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta). (13) miyeydaan la
dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay markii horaba, miyaad
ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad Mu'miniin tihiin. (14) la dagaallama, Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana
dulleeyee hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina. (15) tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad
aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa oge falsan. (16)
ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo
idinka mida oon ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo
Mu'miniinta Saaxiib, Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan. (17)
uma bannaana gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda
gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari. (18) waxaa uun camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo
maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe
ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan. (19) ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo
camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku
jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka
daalimiinta ah. (20) kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo
naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay. (21) wuxuu ugu bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah,
ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto». (22) iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir
wayn yahay. (23) kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin iyo walaalihiin
sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye yeelata
oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina. (24)
waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna,
qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo
guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad
jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka
faasiqiinta ah. (25) wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo
badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin
tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen
idinkoo carari. (26) markaas Eebe ku soo dajiyey
xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn
uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada. (27) markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka dib cidduu
doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista. (28) kuwa xaqa
rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin
sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe
fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane. (29)
la dagaallama kuwaan rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu
reebay Eebe iyo Rasuulkiisu ka diin dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu
kitaabka ah yuhuud iyo nasaarada intay ka dhiibaan jisyada (iyadoo
darban) iyaguna dullaysanyihiin. (30) waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil Eebe, nasaarana
waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe, kaasina waa hadalkoodii oy afka ka
sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebe hallaayo ee
xaggee loo leexin. (31) waxay ka
yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo ciise
ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe mooyee
ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin. (32) waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Eebe
afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye. (33) Eebe waa kan
ku diray rasuulkiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan
haba naceen gaaladuye. (34) kuwa xaqa
rumeeyow wax badan oo ka mida axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro waxayna ka celiyaan
(dadka xaqa) kuwa kaydsada
dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran. (35) maalinta lagu gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo
ay ku guban wajiyadoodu iyo dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani
waa waxaad u kaydsanayseen Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen
ciqaabtiisa. (36) tirada bilaha Eebe agtiisa waa
Labiyo toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo
dhulka, waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha dulmiyina dhexdooda
naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday idiinla dagaalamayaan
dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (37)
dib u dhigidda (bilo) waa
uun badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad
waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax
Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka
gaalada ah. (38) kuwa xaqa rumeeyow maxaad leedihiin
oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu cuslaataan dhulka, ma waxaad
ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow, nolosha adduunyo marka
aakharo loo dayo waa uun raaxo yar. (39) haddaydaan
bixin wuxuu Eebe idincadaabi cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka
ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna
wax kasta oo uu doono waa karaa. (40) haddaydaan u
gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo
labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin
Eebaa inala jirce, oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan
arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna
waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan. (41)
baxa idinkoo fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna
jidka Eebe, saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin. (42)
hadduu jiro muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen
waxaase ku fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan
idinia bixi lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been
sheegi. (43) Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay
intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha. (44) kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey Eebe iyo maalinta
dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa ogyahay kuwa
dhawrsada. (45) waxaase ku idin waydiin kuwaan
rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu, waxayna ku noqnoqon
(ku wareersanyihiin) shakigooda. (46) hadday doonaan bixid waxay u darban lahaayeen qalab,
wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu yidhi «gaaladii»
la fadhiista kuwa fadhiya. (47) hadday baxaan
dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen
fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo
idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta. (48)
waxay idinla dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka
yimaado xaqu oo ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici. (49) waxaa ka mid ah
kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way
koobtay gaalada. (50) hadduu wanaag ku soo gaadho
wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana waxay dhahayaan
waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo faraxsan. (51) waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo qoray mooyee,
isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen Mu'miniintu. (52) waxaad dhahdaa ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada
wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah
ama gaemahanaga, ee suga annaguna waan idin la sugaynaaye. (53)
waxaad dhahdaa Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee,
illeen waxaad tihiin qoom faasiqiina. (54) wax u diiday in
la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro,
mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb
mooyee. (55) yeyna ku yaab galinin xoolahoodu
iyo caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo
naftoodu iyagoo gaala ah. (56) waxay ku
dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan. (57) hadday helayaan meel ay magan galaan ama godod (buuro) ama meel ay galaan
way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi. (58) waxaa ka mid ah
kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la siininna cadhoon.
(59) hadday ku raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo
rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa
rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u khayroon). (60) sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya,
kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe
Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan. (61) waxaa ka mid ah
(munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga
oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna
rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo
idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran. (62) waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin raalli galinayaan,
Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday
Mu'miniinyihiin. (63) miyeyna ogayn ciddii la
dagaalanta (oo khilaafta) Eebe
iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna
waa dulli wayn. (64) waxay ka digtoonyihiin
munaafiqiintu in lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan,
waxaad dhahdaa jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan). (65) haddaad warsato waxay dhihi waan un yar tiimbanaynay
oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa yaad ku
jees jeesayseen. (66) ha cudur daaranina waad
gaalowdeen Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah waxaan cadaabaynaa
koox illeen iyagu waa dambiilayaale. (67) munaafiqiintu
rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta,
waxayna ka reebaan wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax
ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro
yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah. (68)
wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta
Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna
mudan cadaab joogta ah. (69) waxaad la
midtihiin kuwii idinka horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo
xoolo iyo caruur waxayna ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad
raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu raaxaysleen kuwii idinka horreeyey
nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray
camalkoodii adduun iyo aakhiraba kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray. (70) miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah
qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud, Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo
Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid
dulmiya iyagaase naflooda dulmiya. (71) Mu'miniinta rag
iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan
xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan
Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade
fal sane. (72) wuxuu u yaboohay Eebe Mu'miniinta
Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii iyagoo ku waari
dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun
liibaanta wayn. (73) Nabiyow la jahaad gaalda iyo
Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun
meel loo ahaan. (74) waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal
gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku
hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u
tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo
aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna. (75) waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe hadduu wax ka
siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban. (76)
markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi. (77) wuxuu ku reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo
maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe waxay kula ballantameen iyo beenintoodii
darteed. (78) miyeyna ogayn in Eebe ogyahay
qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan. (79)
waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan
helaynin tabartooda mooyee, way ku jees jeesi Eebana wuu kula macaamiloon
abaalkooda waxayna mudan cadaab daran. (80) ama u
dambidhaaf warso ama ha u dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf warsato
toddobaatan jeer uma dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebe iyo
rasuulkiisa, eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (81)
waxay ku farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn
naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha
ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday
wax kasi. (82) ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen wax
badan (aakhiro)
iyadoo laga abaal marin waxay kasbadeen. (83) hadduu kuu soo
celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi
maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen
fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray. (84)
ha ku tukanin mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa,
illeen waxay ka gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo
faasiqiin ah. (85) ee yeyna ku yaab galinnin
xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay
baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah. (86) marka la soo
dejiyo suurad (dhihi) rumeeya
Eebe jahaadana la jirka Rasuulkiisa waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo
ka mid ah waxayna dhahaan na daa aan noqonno kuwa fadhiyee. (87) waxay ka raalli noqdeen inay noqdaan kuwa dib maray,
waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan. (88) Rasuulkase
iyo kuwa rumeeyey ee la Jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana
kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (89) wuxuuna u Darbay Eebe Jannooyin oy socoto dhexdeeda
wabiyadii iyagoo kuwaari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn. (90) waxaa yimid kuwii cudurdaaranayey oo Reebaadiyaha ahaa
in loo idmo (Dib mar)
waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey Eebe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici
kuwii Gaaloobay oo ka mida cadaab daran. (91) dhib ma saara
kuwa tabarta yar, kuwa huka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u
naseexeeyaan (Diinta) Eebe
iyo Rasuulkiisa, kuwa sama falana jid laguma leh Eebana waa Dambi dhaafe
Naxariista. (92) kuwiina
dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro,
markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la daadan illin walbahaar inayna helin
waxay bixiyaan. (93) waxaa uun
jid laguleeyahay kuwa ku idan warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka
midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe daabacay quluubtooda waxna ma oga. (94) way idiin cudurdaaran markaad u noqotaan xaggooda,
waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina idiin rumeynmenee, wuu nooga warrdmay Eebe
xaalkiinne, Eebana wuu arkaa camalkinne iyo rasuulkiisu, markaasna waxaa
laydiin Celin Eebaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo idiinka warrami waxaa
camal falayseen. (95) way idiin dhaaran markaad u
gadoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada iyagu waa wasakhe
hoygooduna waa jahannamee waana ka abaal marin waxay kasbanayeen. (96) way idiin dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka
raalli noqotaan Eebe kama raalli noqdo qoomka
faasiqiinta ah. (97) Reer baadiyahaa ugu daran
Gaalnimada iyo Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda (Soohdimaha) waxa Eebe ku soo
Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal san. (98)
Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwo kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo
idin la sugi dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle
og. (99) Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa
rumeyn Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe
agtiisa, iyo u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin Eebe
naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (100)
kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar
iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli
noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku
waari waligood, taasina waa Liibaan wayn. (101) gaararkiinna
waxaa ka mida reebaadiye Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa
kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo,
ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab
wayn. (102) kuwo kalana waxay qirteen
Dambigooda, waxayna isku khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu
mudanyahay inuu ka toobad aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista. (103) Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu
Waxay u noqon Xasile, Eebana waa maqle og. (104) Miyayna Ogayn
in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe yahay kan toobad aqbalka Badan
ee Naxariista. (105) Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki
Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo
waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen. (106) Kuwo kalana
waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo,
Eebana waa oge Falsan. (107) Waxaa ka mida
kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la
dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn
Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (108)
ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho
yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga
iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is
Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya. (109)
Ma Ruux ku billaabay dhismihiisa ka dhawrsasho Eebe iyo raalli noqoshadiisa yaa
Khayrroon mise Ruux ku billaabay dhismihiisa God dumi dhinaciis oo kula dhici
Naarta Jahannamo Eebana ma hanuuniyo Qoomka daalimiinta ah. (110) Kama tago dhismahooda
ay dhiseen inuu ku Jiro shaki Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana»
Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan. (111) Eebe wuxuu
kaga gatay Mu'miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku
dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil
iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood
gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn. (112) waa kuwa
toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma
oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga
reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta. (113) kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi dhaaf
warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay
kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin. (114) ma ahayn u
dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee,
markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu
ahaa duco (Baryo)
badanaha (Eebe) oo
dul badan. (115) Eebana ma aha mid dhumiya qoom
intuu hanuuniyey ka dib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebana wax
kasta waa ogyahay. (116) Eebena waxaa u
sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila,
isagaana wax kasoo hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin. (117) wuxuu Eebe ka toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo
Ansaartii raaeday Saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub
koox ka mida ka dib, markaasuu ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u
naxariistee. (118) saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey
intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda
una maleeyeen (Yaqiinsaden)
inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay
inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista. (119)
kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan. (120) kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda
inay ka gadaal maraan Rasuulka Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa,
illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama
meejey ku joogsadaan oo Cadho galin Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi
camal suuban, Eebana ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha. (121)
waxay Bixiyaan oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal
mariyo Eebe wanaagga waxay falayeen. (122) mana aha inay
Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta
kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay
digtoonaadaane. (123) Kuwa Xaqa rumeeyow la dagaallama
kuwa idinla Xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen adayg, ogaadana in Eebe
la Jiro kuwa Dhawrsada. (124) marka la soo
Dejiyo Suurad waxaa ka mida kuwo (Munaafiqiina) dhihi kiinay u kordhisay Iimaan, kuwa xaqa rumeeyeyse
waxay u kordhisat Iimaan iyagoo Bishaaraysan. (125)
kuwa quluubta ka bukase waxay u kordhisaa xuman xumaantoodii (Kale) wayna dhintaan
iyagoo gaalo ah. (126) miyeyna arkayn in la
Imtixaamo sanad kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan toobadkeenin
xusuusanaynnam (127) marka la soo Dejiyo Suurad way
dayaan Munafiqiinta qaarkood waar waxayna isdhahaan ruuxna maydin arkaa
markaasay gadoomaan, Eebe ha iilo Quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kusayn. (128) waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku
darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan
Mu'miniinta. (129) haddayse jeedsadaan Dadku waxaad
dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah kalana ma jiro isagaana talo
saartay waana Eebaha Carsghiga wayn.
At-Tawba
Madinan
(1) Tani waa ka bari ahaasho Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaad la
Ballanteen oo Mushrikiinta (Gaalada) ah. (2) ee socda
Dhulka afar bilood ogaadana inaydaan daalinayn Eebe iyo in Eebe uu dulleyn gaalada.
(3) waana ogaysiin Eebe ka ahaaday iyo
Rasuulkiisa oo Dadka Maalinta Xajka wayn in Eebe ka bari yahay Gaalada iyo
Rasuulkiisu, haddaad Toobadkeentaanna saasaa idiin Khayrroon, haddaad
jeedsataanna ogaada inaydaan Eebe Daalinayn, uguna Bishaareeya kuwii gaaloobay
Cadaab daran. (4) 4 Kuwaad ballanteen Mooyee oo Gaalada ah
markaasna aan idinka Nusqaaminin waxba, idiinkuna kaalmaynin cidna, ee dhameeya
tan iyo ballankooda «Muddadood» Eebana wuxuu jecelyahay kuwa dhawrsada. (5) markay faydmaan bilaha xurmada leh ku
dila gaalada meejaad ka heshaan qabtana (qafaasha) Go'doomiya una fadhiista meel gabasho ah
oo dhan, haddayse toobad keenaan oogaanna salaadda, bixiyaanna Sakada u sii
daaya jidkooda Eebe waa dambi dhaafe Naxariistee. (6) mid ka mida
gaaladana hadduu magangal idin waydiisto magangaliya intuu ka maqlo hadalka
Eebe markaas Gaadhsiiya meeluu Aamin ku yahay, illeen waa qoom aan wax ogayne. (7) siday ugu ahaan gaalada ballan Eebe
agtiisa iyo Rasuulkiisa agtiisa kuwaad kula ballanteen Masaajidka Xur- mada leh
Agtiisa mooyee ee hadday idin toosnaadaan u loosanaada Eebe wuxuu jecel yahay
kuwa Dhawrsadee. (8) waa sidee
hadday idinka adkaadaan ayna idiin dbawrayn Qaraabanimo iyo ballan midna, waxay
idinku raalli galin afkooda wayna diidi quluubtoodu, badankooduna waa
faasiqiin. (9) waxay ku
gataan aayaadka. Eebe qiimo yar waxayna ka leexiyeen jidka Eebe waxaana xun
waxay falayeen. (10) umana dhawraan
Mu'min qaraabonimo iyo ballan (midna) kuwaasuna waa uun xadgudbayaal. (11) haddayse toobadkeenaan oo oogaan
salaadda hixiyaanna sakada waa walaalihiina diinta waana u caddaynay aayaadka
qoomkii wax garan. (12) haddayse
buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib, duraanna diintiinna dila madaxda
gaalada waa kuwaan dhaar lahayne inay ka joogan (Xumaanta). (13) miyeydaan la
dagaallamayn qoom buriyey dhaartooda oo hamiyey (doo-nay) bixinta Rasuulka idinkuna billaabay
markii horaba, miyaad ka cabsanaysaan Eebaa mudan inaad ka cabsataan haddaad
Mu'miniin tihiin. (14) la dagaallama,
Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana dulleeyee hana idinku gargaaree oo
bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina. (15) tegsiiyana
cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa
oge falsan. (16) ma waxaad u
malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo idinka mida oon
ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta Saaxiib,
Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan. (17) uma bannaana
gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda gaalnimo kuwaas
waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari. (18) waxaa uun
camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo
bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay
ka mid noqdaan kuwa hanuunsan. (19) ma waxaad kala
mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux
rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe
agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah. (20) kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday
oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe
agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay. (21) wuxuu ugu
bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah, ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku
mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto». (22) iyagoo ku
waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir wayn yahay. (23) kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin
iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka
sokeeye yeelata oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina. (24) waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin,
caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen,
ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka
jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni
amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (25) wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan
iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin
dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo
carari. (26) markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii
Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna
cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada. (27) markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka
dib cidduu doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista. (28) kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee
yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan
saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge
falsane. (29) la dagaallama kuwaan rumeyn Eebe iyo
maalinta aakhiro oon xaaraan yeelayn wuxuu reebay Eebe iyo Rasuulkiisu ka diin
dhiganayn diinta xaqa ah (islaamka) oo ah kuwa ehelu kitaabka ah yuhuud iyo
nasaarada intay ka dhiibaan jisyada (iyadoo darban) iyaguna dullaysanyihiin. (30) waxay dhaheen yuhuud cusayr waa wiil
Eebe, nasaarana waxay tidhi masiix (ciise) waa wiil eebe, kaasina waa hadalkoodii
oy afka ka sheegeen, waxay shabahaan kuwii horey u gaaloobay hadalkoodii, Eebe
hallaayo ee xaggee loo leexin. (31) waxay ka
yeesheen culimadoodii iyo suufiyadoodii Eebayaal ilaahay ka sokow iyo ciise
ibnu maryama waxaan cibaadada ilaahay kali ah ahaynna lama farin. Eebe mooyee
ilaah kalana ma jiro waana ka nasanyahay waxay la wadaajin. (32) waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan
Nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen
gaaladuye. (33) Eebe waa kan ku diray rasuulkiisa
hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladuye.
(34) kuwa xaqa rumeeyow wax badan oo ka mida
axbaarta (culimada yuhuud) iyo ruhbaantu (culimada Nasaarada) wxay ku cunaan xoolaha dadka xaq darro
waxayna ka celiyaan (dadka xaqa) kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku
bixinayn jidka Eebe ugu bishaaree cadaab daran. (35) maalinta lagu
gubi xoolahaas dartood naarta jahannamo ay ku guban wajiyadoodu iyo
dhinacyadoodu iyo dhabarkoodu oo lagu odhan kani waa waxaad u kaydsanayseen
Naftiinna ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa. (36) tirada bilaha Eebe agtiisa waa Labiyo
toban kitaabka Eebe dhexdiisa taniyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka,
waxaana ka mid ah afar xurmo (gaara) leh waana taas diinta toosan ee ha
dulmiyina dhexdooda naftiinna, lana dagaalama gaalada dhammaantiin, siday
idiinla dagaalamayaan dhammaan ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada. (37) dib u dhigidda (bilo) waa uun
badsasho gaalnimo laguna baadiyeeyo kuwa gaaloobay, waxay banneeyaan sanad
waxayna reebaan mid inay waafaqaan tirada Eebe reebay waxayna banneeyaan wax
Eebe reebay, waxaa loo qurxiyey camalkoodii xumaa Eebana ma hanuuniyo qoomka
gaalada ah. (38) kuwa xaqa
rumeeyow maxaad leedihiin oo marka laydin dhaho ku baxa jidka Eebe aad ugu
cuslaataan dhulka, ma waxaad ku ralli noqotaan nolosha adduun aakhiro ka sokow,
nolosha adduunyo marka aakharo loo dayo waa uun raaxo yar. (39) haddaydaan bixin wuxuu Eebe idincadaabi
cadab daran, wuxuuna idinku badali qoom aan idinka ahayn, waxna kama dhibaysaan Eebe, ilaahayna wax kasta oo uu doono waa
karaa. (40) haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u
gargaaray Eebe markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay
godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jirce,
oo Eebe ku dajiyey xasiikiisa kuna xoojiyey Januud aydaan arkayn kana yeelay
kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa,
Eebana waa adkaade falsan. (41) baxa idinkoo
fudud iyo idinkoo culus kiinajahaada xoolihiinna iyo naftiinna jidka Eebe,
saasaana idiin khayrroon haddaad wax ogtihiin. (42) hadduu jiro
muuqaal adduunyo oo dhaw iyo socdaal gaaban way ku raaci lahaayeen waxaase ku
fogaaday socdaalkii, waxayna ku dhaaran Eebe haddaanu kari waan idinia bixi
lahayn, waxayna halaagi naftooda Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (43) Eebe ha ku caliyee maxaad u idantay
intay kaaga cadaato kuwa runta sheegi ood ka ogaato Reenaalayaasha. (44) kaama idin waydiistaan kuwa rumeeyey
Eebe iyo maalinta dambe inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda, Eebana waa
ogyahay kuwa dhawrsada. (45) waxaase ku
idin waydiin kuwaan rumaynin Eebe iyo maalinta dambe ayna shakiday quluubtoodu,
waxayna ku noqnoqon (ku
wareersanyihiin) shakigooda. (46) hadday doonaan bixid waxay u darban
lahaayeen qalab, wuxuuse nacay Eebe Bixintooda wuuna dib mariyey waxaana lagu
yidhi «gaaladii» la fadhiista kuwa fadhiya. (47) hadday baxaan
dhexdiinna waxaan xuman ahayn idiinma kordhiyaan, waxayna u dagdagi lahaayeen
fasaadinta dhexdiinna iyagoo idinla dooni fidmo, waxaana idin ku jira kuwo
idiindhagaysan Eebana waa ogyahay daalimiinta. (48) waxay idinla
dooneen fidno mar hore waxayna kuu gagadiyeen umuuraha intuu ka yimaado xaqu oo
ka muuqdo amarka Eebe (xaqa) iyagoo nici. (49) waxaa ka mid
ah kuwo dhihi i fasax hana i fidneyn waxayse ku dhaceen fidno jahannamana way
koobtay gaalada. (50) hadduu wanaag
ku soo gaadho wuu walbahaarinayaa Munaafiqiinta, hadday ku hesho dibaatana
waxay dhahayaan waan ka dadaalay raaciddiisa, mar hore, wayna jeedsadaan iyagoo
faraxsan. (51) waxaad dhahdaa naguma dhaco wax Eebe noo
qoray mooyee, isagaa gargaarahannaga ah ee Ilaahay uun ha tala Saarteen
Mu'miniintu. (52) waxaad dhahdaa
ma waxaad nala sugaysaan waxaan labada wanaag midkood ahayn (Guul ama shahaado) annaguna waxaan idin la sugaynaa inuu
Eebe idinku assibo (ciqaabo) cadaab agtiisa ah ama gaemahanaga, ee
suga annaguna waan idin la sugaynaaye. (53) waxaad dhahdaa
Bixiya wax ama ogolaansho ama qasab marnaba laydinkama aqbalee, illeen waxaad
tihiin qoom faasiqiina. (54) wax u diiday
in la aqbalo bixinteeda oon ka gaaloowgooda Eebe iyo Rasuulkiisa ahayn majiro,
mana yimaaddaan salaadda iyagoo wahsan mooyee, mana bixiyaan iyagoo neeeb
mooyee. (55) yeyna ku yaab galinin xoolahoodu iyo
caruurtoodu, wuxuu un dooni Eebe inuu ku ciqaabo nolosha adduun oy baxdo
naftoodu iyagoo gaala ah. (56) waxay ku
dhaaran Eebe inay idinla jiraan idinlamana jiraan, waase qoom cabsan. (57) hadday helayaan meel ay magan galaan ama
godod (buuro) ama meel ay
galaan way u jeedsan lahaayeen iyagoo deg degi. (58) waxaa ka mid
ah kuwo kugu ceebin sadaqada (sakada) haddii la siiyana raali noqon haddaan la
siininna cadhoon. (59) hadday ku
raalli noqdaan waxay siin Eebe iyo rasuulkiisu oy dhahaan waxaana nagu filan
Eebe wuxuu naga siin Eebe fadligiisa rasuulkiisuna wuu nasiin Anaguna Eebe
unbaan wax ka doonaynaa (saasaa u
khayroon). (60) sadaqada (Zakada) waxaa uun muta
fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa
la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka,
waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan. (61) waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba
nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna
wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa
rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran. (62) waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin
raalli galinayaan, Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan
hadday Mu'miniinyihiin. (63) miyeyna ogayn
ciddii la dagaalanta (oo khilaafta) Eebe iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta
jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna waa dulli wayn. (64) waxay ka digtoonyihiin munaafiqiintu in
lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa
jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan). (65) haddaad warsato waxay dhihi waan un yar
tiimbanaynay oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebe iyo aayaadkiisa iyo
Rasuulkiisa yaad ku jees jeesayseen. (66) ha cudur
daaranina waad gaalowdeen Rumayn ka dib, haddaan cafino koox idinka mid ah
waxaan cadaabaynaa koox illeen iyagu waa dambiilayaale. (67) munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood
qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan sumaanta, waxayna ka reebaan
wanaagga, waxayna laabaan gaemahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aagayeeldarro
yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga umbaa faasiqiin ah. (68) wuxuuna Eebe u yaboohay Munaafiqiintaa
rag iyo haweenba iyo gaalada Naarta Jahannamo wayna ku dhex waari iyadaana ku
filan, waxaana lacnaday Eebe waxayna mudan cadaab joogta ah. (69) waxaad la midtihiin kuwii idinka
horreeyey, waxayna ahaayeen kuwo idinka badan xoog iyo xoolo iyo caruur waxayna
ku raaxaysteen nasiibkoodii idinkuna waxaad raaxaysatecn nasiibkiin siday ugu
raaxaysleen kuwii idinka horreeyey nasiibkoodii, waadna dhumbateen xumaanta
siday u dhumbadeen, kuwaas waxaa buray camalkoodii adduun iyo aakhiraba
kuwaasyna iyaga umbaa khasaaray. (70) miyeyna soo
gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud,
Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid
rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid dulmiya iyagaase naflooda dulmiya. (71) Mu'miniinta rag iyo Haweenba qaarkood
qaarka (kale) waa u Sokeeye
waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna
bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u
naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane. (72) wuxuu u
yaboohay Eebe Mu'miniinta Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda
Wabiyaalkii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli
ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn. (73) Nabiyow la jahaad gaalda iyo
Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun
meel loo ahaan. (74) waxay ku
dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna
gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin,
waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday
toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab
daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye
midna. (75) waxaa ka mid ah kuwo la ballamay Eebe
hadduu wax ka siiyo fadligiisa inuu sadaqaysto noqdana kuwa suuban. (76) markuu wax ka siiyey fadligiisa ay ku
bakhayleen jeedsadeenna iyagoo diidi. (77) wuxuu ku
reebay quluubtooda munaafiqnimo tan iyo maalintay la kulmi ka baajintooda Eebe
waxay kula ballantameen iyo beenintoodii darteed. (78) miyeyna ogayn
in Eebe ogyahay qarsoodigooda iyo muuqooda iyo in Eebe ogyahay waxa maqan. (79) waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo
mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees
jeesi Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran. (80) ama u dambidhaaf warso ama ha u
dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf warsato toddobaatan jeer uma
dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebe iyo rasuulkiisa, eebana
ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah. (81) waxay ku
farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen
inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku
bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax
kasi. (82) ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen
wax badan (aakhiro) iyadoo laga
abaal marin waxay kasbadeen. (83) hadduu kuu soo
celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi
maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen
fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray. (84) ha ku tukanin
mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka
gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah. (85) ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo
caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana
naftooduna iyagoo gaalo ah. (86) marka la soo
dejiyo suurad (dhihi) rumeeya Eebe jahaadana la jirka
Rasuulkiisa waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo ka mid ah waxayna dhahaan
na daa aan noqonno kuwa fadhiyee. (87) waxay ka
raalli noqdeen inay noqdaan kuwa dib maray, waxaana la daboolay quluubtooda
waxna ma kasayaan. (88) Rasuulkase iyo
kuwa rumeeyey ee la Jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana
kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (89) wuxuuna u Darbay Eebe Jannooyin oy
socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo kuwaari dhexdeeda taasina waa liibaan wayn. (90) waxaa yimid kuwii cudurdaaranayey oo
Reebaadiyaha ahaa in loo idmo (Dib mar) waxaana iska fadhiistay kuwii beeniyey
Eebe iyo Rasuulkiisa, waxaana ku dhici kuwii Gaaloobay oo ka mida cadaab daran.
(91) dhib ma saara kuwa tabarta yar, kuwa
huka iyo kuwaan helayn waxay bixiyaan, hadday u naseexeeyaan (Diinta) Eebe iyo
Rasuulkiisa, kuwa sama falana jid laguma leh Eebana waa Dambi dhaafe
Naxariista. (92) kuwiina dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku
tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro, markaas jeedsaday iyagoo indhahoodu la
daadan illin walbahaar inayna helin waxay bixiyaan.
Juz' 11
(93) waxaa uun jid
laguleeyahay kuwa ku idan warsada iyagoo hodanna oo ka raati noqday inay ka
midnoqdaan kuwa had hay (Xaaska) wuxuuna Eebe daabacay quluubtooda waxna
ma oga. (94) way idiin cudurdaaran markaad u noqotaan
xaggooda, waxaad dhahdaan ha cudurdaaranina idiin rumeynmenee, wuu nooga
warrdmay Eebe xaalkiinne, Eebana wuu arkaa camalkinne iyo rasuulkiisu,
markaasna waxaa laydiin Celin Eebaha og waxa maqan iyo waxaa muuqdaba oo
idiinka warrami waxaa camal falayseen. (95) way idiin
dhaaran markaad u gadoontaan xaggooda inaad ka jeedsataan ee iskaga jeedsada
iyagu waa wasakhe hoygooduna waa jahannamee waana ka abaal marin waxay
kasbanayeen. (96) way idiin
dhaaran inaad ka raalli noqotaan, haddaad ka raalli noqotaan Eebe kama raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah. (97) Reer baadiyahaa ugu daran Gaalnimada iyo
Munaafaqnimada, mudanna inayna waxba ka ogayn xuduudda (Soohdimaha) waxa Eebe ku
soo Dejiyey Rasuulkiisa, Eebena waa oge fal san. (98) Reer baadiyaha
waxaa ka mida kuwo kayeelan waxay bixin dayn Bax oo kale, oo idin la sugi
dhibaato korkooda ha ahaato wareegga xumaanta, Eebana waa maqle og. (99) Reer baadiyaha waxaa ka mida kuwa rumeyn
Eebe iyo maalinta aakhiro kana yeelan wuxuu bixin dhawaansho Eebe agtiisa, iyo
u ducaynta Rasuulka (Iyaga) taasi waa dhawaanshahooda wuxuuna galin
Eebe naxariistiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe naxariista. (100) kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee
horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga
Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin
ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan
wayn. (101) gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye
Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma
ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab
wayn. (102) kuwo kalana waxay qirteen Dambigooda,
waxayna isku khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu mudanyahay
inuu ka toobad aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista. (103) Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku
daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu Waxay u noqon Xasile, Eebana
waa maqle og. (104) Miyayna Ogayn
in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe
yahay kan
toobad aqbalka Badan ee Naxariista. (105) Waxaad dhahdaa
Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La
idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana
Warrami (abaalmarin) waxaad
falayseen. (106) Kuwo kalana
waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo,
Eebana waa oge Falsan. (107) Waxaa ka mida
kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la
dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn
Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi. (108) ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid
lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is
Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya. (109) Ma Ruux ku billaabay dhismihiisa ka
dhawrsasho Eebe iyo raalli noqoshadiisa yaa Khayrroon mise Ruux ku billaabay
dhismihiisa God dumi dhinaciis oo kula dhici Naarta Jahannamo Eebana ma
hanuuniyo Qoomka daalimiinta ah. (110) Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku Jiro shaki
Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana» Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan.
(111) Eebe wuxuu kaga gatay Mu'miniinta
Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna
dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka
oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa
uun Liibaanta wayn. (112) waa kuwa
toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga
reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta. (113) kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi
dhaaf warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u
caddaatay kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin. (114) ma ahayn u
dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee,
markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu
ahaa duco (Baryo) badanaha (Eebe) oo dul badan. (115) Eebana ma aha mid dhumiya qoom intuu
hanuuniyey ka dib intuu uga caddeeyo waxay ku dhawrsadaan, Eebana wax kasta waa
ogyahay. (116) Eebena waxaa u sugnaaday Xukunka
Samooyinka iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo
hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin. (117) wuxuu Eebe ka
toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raaeday Saacaddii
cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox ka mida ka dib, markaasuu
ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u naxariistee. (118) saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo
dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin
meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay
toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista. (119) kuwa xaqa
rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan. (120) kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino
iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka
Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama
dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin
Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana
ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha. (121) waxay Bixiyaan
oo yar ama wayn iyo Togay gooyaanna waa loo qori inuu ka Abaal mariyo Eebe
wanaagga waxay falayeen. (122) mana aha inay
Mu'miniinta oo dhan Baxaan, ee may Koox kastaha qaar ka baxdo inay Diinta
kasaan, una igaan dadkooda markay u soo noqdaan waxay u dhawdahay inay
digtoonaadaane. (123) Kuwa Xaqa
rumeeyow la dagaallama kuwa idinla Xidhiidha ee gaalada ah, hana idinka heleen
adayg, ogaadana in Eebe la Jiro kuwa Dhawrsada. (124) marka la soo
Dejiyo Suurad waxaa ka mida kuwo (Munaafiqiina) dhihi kiinay u kordhisay Iimaan, kuwa
xaqa rumeeyeyse waxay u kordhisat Iimaan iyagoo Bishaaraysan. (125) kuwa quluubta ka bukase waxay u
kordhisaa xuman xumaantoodii (Kale) wayna dhintaan iyagoo gaalo ah. (126) miyeyna arkayn in la Imtixaamo sanad
kasta hal jeer ama labo jeer markaas ayan toobadkeenin xusuusanaynnam (127) marka la soo Dejiyo Suurad way dayaan
Munafiqiinta qaarkood waar waxayna isdhahaan ruuxna maydin arkaa markaasay
gadoomaan, Eebe ha iilo Quluubtooda illeen waa kuwo aan wax kusayn. (128) waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida
oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis
badan Mu'miniinta. (129) haddayse
jeedsadaan Dadku waxaad dhahdaa Kaalmeeyahaygu waa Ilaahay 'Eebe mooyee Ilaah
kalana ma jiro isagaana talo saartay waana Eebaha Carsghiga wayn.
Yunus
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Kalimada hore waxay ku
tusin Mucjisada Quraanka, Taasin waa Aayaadka Kitaabka falkasan. (2) Dadka ma waxaa la yaab ku Noqotay inaan u waxyoon Nin ka
mida u Dig Dadka, uguna Bishaaree kuwa Rumeeyey inay ku leeyihiin Camal fiican
Eebahood agtiisa, waxay Dheheen Gaaladiina kani waa Sixirrow Cad. (3) Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix
Maalmood markaas ku istiwooday Carshiga Isagaana maamula Amarka wax Shafeecina
Idinkiisa la'aantiisa ma jiro, Kaasi waa Eebihiinna idin Barbaariya ee Caabuda,
Miyeydaan wax Xusuusanayn. (4) Xaggiisaa
laydiin Celin Dhammaan Yabooha Eebena waa Xaq, Eebaa Billaaba Abuurka Haddana
soo Celin inuu ku Abaal mariyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican, si Caddaalada, kuwa Gaaloobayna
waxaa u Sugnaaday Cabbid kulul iyo Cadaab Daran Gaalnimadoodai Darteed. (5) Eebe waa kan
ka yeelay Qorraxda Ifid Dayaxana Nuur una Qaddaray Meelo ay Socdaan, inaad
Ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta wuxuu u Ahuuray Eebe Arrintaas Xaq
Wuxuuna u Caddayn Aayaadka Ciddii wax Og. (6) Ishadalka
Habeenka iyo Maalinta iyo Abuurka Eebe ee Samooyinka iyo Dhulka aayadbaa ugu
sugan Ciddii Dhawrsan. (7) Kuwaan Rajaynayn
la Kulankanaga kuna Raalli Noqday Nolosha Dhaw kuna Xasilay iyo kuwa Halmaansan
Aayaadkannaga. (8) Kuwaas Hooygoodu waa Naar waxay
Kasbanayeen Darteed. (9) Kuwa Rumeeyey
Xaqa oo falay Camal wanaagsan wuxuu ku Hanuunin Eebahood Iimaankooda waxaana
socon Dhexdooda Wabiyadii Jannooyinka Naciimo Dhexdeeda iyagoo ku Sugan. (10) Yeedhidooduna dhexdeeda waa Eebow waad Nasahantahay,
Bariidadooduna waa (Nabadgalyo) Salaan, Ducadooduna waxaa ugu Dambayn Mahad Ilaahbaa leh
Eebaha Caalamka ah. (11) Haddu Eebe u
Dedejiyo Dadka Xumaanta siday khayrka u Dedejistaan waxaa loo Dhamayn lahaa
Ajashooda, Waanuse ku Dayn Kuwaan Rajaynayn la kulank nanaga Fasaadkooda iyagoo
ku Wareersan. (12) Markuu Taabto Dadka dhib wuu Na
baryayaa isagoo Jiifa, ama Fadhiya ama Taagan, markaan ka faydno Dhibkana wuu
iska Socdaa sidii isagoon Nabaryinba Dhibkii Taabtay, Saasaa loogu Qorxiyey
Xadgudbayaasha waxay Falayeen. (13) Waxaan
Halaagnay Quruumo idinka horreeyey markay Dulmi faleen, waxayna ula Timid Rasuuladoodii
Xujooyin, mana ay an Rumeynayn, Saasaana ku abaal marinaa Qoomka Dambiilayaasha
ah. (14) Markaasaan idinka yeelay kuwo u
hadha Dhulka Gadaashood inaan Eegno sidaad Fashaan. (15)
Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan
Rajaynayn la kulankanaga noo keen Quraan aan kan ahayn ama badal, waxaad
dhahdaa igama suurowdo inaan ka baddalo agtayda, waxaan nun Raaci waxa lay
waxyoodo, waxaan ka cabsan Haddaao Eebe Caasiyo Cadaab Maalin wayn. (16) Waxaad Dhahdaa Hadduu doono Eebe idnikiima Akhriycen
idinmana Ogaysiiyeen isaga, waxaan ku Nagaaday Dhexdiinna ka hor Cimri ee
Meyeydaan wax kasayn. (17) Yaa ka Dulmi
Badan Cid ku Been Abuuratay Eebe ama Beeniyey Aayaadkiisa, Illeen ma Lubaano
Dambiilayaal. (18) Waxay Caabudayaan Eebe ka sokow
waxaan Dhibayn Anfaceyna waxayna Odhan kuwana waa Shafeecayaalkanaga Eebe
Agtiisa, waxaad Dhahdaa ma waxaad uga warramaysaan Eebe wuxuusan ku Ogayn
Samooyinja iyo Dhulka, wuxuu ka Nasahanyahay oo ka Sarreeyaa waxay la
Wadaajiyeen Eebe. (19) Dadka wuxuu
ahaa Ummad Kaliya Markaasay Iskhilaafeen, haddayan Jirin Kalimad Eebahaa u
horraysay waa la kala Xukmin lahaa Dexdooda waxay isku diidanyihiin. (20) Waxay Odhan Gaaladu maa lagaga soo Dejiyo Xagga Eebahaa
Aayad, waxaad dhahdaa waxa Maqan Eebe umbaa iska leh, ee Suga Anuguna waan
idinka Sugiye. (21) Markaan Dhadhansiinno Dadka
Naxariis Dhibaato ka dib Taabatay waxaa soo Baxa iyagoo dhagri Aayaadkanaga,
waxaa Deg-Deg badan Ciqaabta Eebe Malaa'igtanaduna way Qori waxaad Dhagraysaan.
(22) Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay
ahaadaan Doonta oo ay ku socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u
Timaaddo Dabayl Daran ugana yimaaddo hirku Dhan kasta oy una Maleeyaan in la
koobay (la Halaagay)
waxay Baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Diinta Iyagoo (Dhihi) Haddaad naga koriso tan waannu kugu Mahdin. (23) Markuu koriyeyna Markaas ku xad gudbaan Dhulka Xaq
Darro Dadoow waxaad uun ku Xad Gudbaysaan Naftinna, waa uun Nolosha Dhaw
Markaas Xagganagaa laydiin soo Celin waxaana idiinka warramaynaa waxaad Camal
Falayseen. (24) Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo
kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay waxa ka so baxa Dhulka oo ah
wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka Buuxsamo oy isqurxhiso oo
Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar
waxaana ka yeelaa wax la Shafay sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu
Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri. (25) Eebe wuxuu ugu
yeedhi (Dadka)
Guriga Nabadgalyada (Jannada) wuxuuna ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan (Xaqa). (26) Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo
Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda. (27) kuwa
kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax Eebe ka
ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo
mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda, (28)
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la
wadaajiyey (Gaaloobay)
Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay
dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn. (29)
waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebe inaan Cibaadadiinna Moogayn. (30) halkaasaa lagu imtixaami naf kasta waxay hor marsatay,
waxanna loo eeliyaa Ilaaha Sayidkooda xaqa ah waxaana ka dhumay wa.xay been
abuuranayeen. (31) waxaad dhahdaa yaa idinka Arsaaqa
Samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana ka soo bixiya wax Nool
wax dhintay, kana soo bixiya was Dhintay wax Nool, yaana Maamula Amarka waxay
ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn. (32)
kaasi waa Ilaahiin Eebihiinna xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oon baadi ahayn,
ee xaggee laydiin Leexin. (33) Saasay ugu
Waajibtay Kalimadii Eebahaa kuwa faasiqoobay oo ah inayan rumeeynin (Xaqa). (34) waxaad dhahdaa ma ka midyihiin Shurakadiinna cid
billowda Abuurka Soona celiya, waxaad dhadaa Eebaa Bilaaba khalqiga soona
eeliya ee xaggee loo iili. (35) waxaad dhahdaa
ma ka midyahay shurakadiinna cid ku hanuunin xaqa, waxaad dhadaa Eebaa ku
hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan
hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee, maxaad leedihiin sideed xukumaysaan. (36) mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro xaqa, Eebana waa ogyahay waxay falayaan. (37) ma aha Quraankanu mid laga been abuurtay Eebe ka sokow,
waase u rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka (Xukunka) shakina kuma jiro
wuxuuna ka ahaaday Eebaha Caalamka. (38) mise waxay
odhan wuu Been abuurtay, waxaad dhahdaa la imaadda suurad la mida una yeedha
ciddaad kartaan oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan. (39) waxayse beeniyeen waxayna cilmigiisa koobin (Quraanka) uusanna wali u
imaanin aayahiisu saasayna u beeniyeen kuwii ka horreeyey ee bal day siday
noqotay Cidhibtii Daalimiinta. (40) waxaa ka mida
Dadka mid rumeyn Quraanka iyo midaan rumaynayn Eebana waa ogyahay Mufsidiinta. (41) hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa anuugu waxaan
leeyahay Camalkayga idinkuna camalkiinna idinku bari
baad ka tihiin waxaan fali anna bari
baan ka ahay waxaad falaysaan. (42) waxaa ka mida
gaalada kuwo ku dhagaysan ma adaa wax maqashiin kara mid dhaga la' oon wax
kasayn. (43) waxaana ka mida mid ku soo dhawri
ma adaa toosin kara mid indha la' oon wax arkayn. (44)
Eebe kama dulmiyo Dadka waxba, hasayeeshee Dadka Naftiisa Dulmiya. (45) Maalinta la kulminna waxay la mid noqon iyagoon nagaanin
Saacad Maalin mooyee, wayna is aqoonsan dhexdooda, waxaana khasaaray kuwa
beeniyey la kulanka Eebe mana hanuunsanayn. (46)
haddaan ku tusinno waxaannu ugu goodin qaarkiis ama aan ku oofsanno xagganaga
umbaa loo soo celin, markaasna Eebaa ka maraga waxay falayaan. (47) Ummad kasa Rasuulbay leedahay, markuu u yimaaddo
Rasuulkooduna waxaa lagu kala xukmin caddaalad lamana dulmiyo. (48) waxayna odhan gaaladu waa goorma yaboohaas (Gooddiga) haddaad
runsheegaysaan. (49) waxaad dhahdaa uma hanto naftayda
Dhib iyo nacfi midna wuxuu Eebe doono mooyee, Ummaad kastana waxay leedahay
Ajal (Muddo)
markay Ajashoodu timaadana lagama dib mariyo Saacad lagamana hor mariyo. (50) waxaad dhahdaa bal ka warrama hadduu idiinku yimaaddo
Cadaabkiisu (Eebe) Mir ama
Maalin maxay ka dedejisan xaggiisa Dambiilayaashu. (51)
Mise markuu dhaeaad rumaynaysaan hadda idinkoo Dedejisanayey. (52) markaasa lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya
cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal marinin waxaad kasbanayseen mooyee. (53) waxay ku warsan ma xaqbaa isagu, dheh haa Eebahaybaan
ku dhaartaye isagaa Xaqa, idinkuna ma tihidiin kuwo (Eebe) daalin. (54) hadday naf
kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd,
waxayna qarsan gaaladu shalayto markay Arkaan Cadaabka, waxaana lagu kala
xukmin Dhexdooda Xaq lamana dulminayo. (55) Eebana waxaa u
sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka, yabooha Eebana waa Xaq Dadka
badankiisuse ma oga. (56) Eebaa wax
nooleeyn waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin. (57)
Dadow waxaa idiin timid Waano Eebihiin iyo Caafimaadka waxa Laabta ku sugan iyo
Hanuun iyo naxariista Mu'miniinta. (58) Waxaad dhahdaa
Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu'miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine. (59)
waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka
yeesheen Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise Eebaad ku
Beenabuuranaysaan. (60) Maxay u malayn
kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma
mahadiyaan. (61) Wixii Xaala ood ku Sugan tahay
wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex
galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada,
wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin. (62) Awliyada Eebana cabsi masaarra mana murugoodaan. (63) waana kuwa rumeeyay (xaqa) dhawrsadana. (64) Waxaana u
sugnaaday Bishaaro nolosha adduunyo iyo Aakhiraba, wax badali Kalimada Eebana
ma jiro, taasina waa uuu Liibaanta wayn. (65) yuuna ku
walbahaarin hadalkoodu cisi dhamaantiis Eebaa iska leh, waana Maqle oge. (66) Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan,
waxay raacayaan oy Caabudi Eebe ka sokow wa Shurako (Sanamyo) waxaan mala ahayna ma raacayaan, waxaan heenaalayaal
ahaynna ma aha. (67) Eebe waa kan idiin yeelay Habeenka inaad xasishaan,
Maalintana Arag (Ka yeelay)
arrintaasna waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii wax maqli. (68)
waxay dheheen wuxuu yeeshay Eebe Ilmo, waa nasahanyahay, Eebana waa uun Hodan,
wuxuuna leeyahay waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, agtiinna xujo uma taal
waxaas (Beenta) mise
Eebaad ku sheegaysaan waxaydaan ogayn. (69) waxaad dhahdaa
kuwa Eebe ku abuurta beenta ma libaanaan. (70) waa uun waaxada
adduunyo markaas xagganagaa noqoshadoodu noqon, markaasaan Dhadhansiinaynaa
cadaab daran gaalnimadooda darteed. (71) ku akhri
korkooda warkii Nabi Nuux markuu ku yidhi qoomkiisii qoomkayow hadday idin la
waynaatay Nagaadigayga iyo ku waanintayada aayaadka Eebe waxaan tala saartay
Eebe ee kulmiya amarkiinna iyo shurakadinnaa yuuna ahaan amarkiinna wax qarsoon
(oo dhiba) markaas i xukuma
hana i sugina. (72) haddaad jeedsataan idin warsanmaayo
ujuuro, ujuuradayda waxaa idiin Eebe, waxaana lay faray inaan ka mid ahaado
Muslimiinta. (73) Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay
Nabi Nuux iyo intii la jirtay Doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka,
waxaana maanshaynay kuwii beeniyey Aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii
kuwii loo digay. (74) markaas kadib waxaan u
Bixinnay Rasuullo Qoomkoodii Waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana Rumayn
beenintoodii darteed ee horraysay Saasaan u Daabacnaa «daboollaa» Quluubta
xadgudbayaasha. (75) markaasaan u Bixinay gadaashood (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun fircoon
iyo colkiisii iyagoo Wata aayaadkannagii, wayna Isla waynaadeen waxayna Noqdeen
Qoom dambiilayaal ah. (76) markuu uga
yimid Xaqu Caggannaga waxay Dhaheen kani waa sixir cad. (77)
Wuxuuna yidhi (Nabi)
Muuse ma waxaad ku Dhahaysaan Xaqa markuu idiin yimid ma Sixirbaa kani?
isagoosan Liibaanin saaxiriintu. (78) Waxayna dhaheen
ma waxaad noogu timid inaad naga leexisid waxaan ka hellay Aabayaalkanni oy
idiin Ahaato waynaanta Dhulka (xukunka) annagu idinka idin Rumaynnaynno. (79)
wuxuu yidhi fircoon ii keena saaxir cilmi badan oo dhan. (80)
markay yimaadeen saaxiriintiina wuxuu ku yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (81)
markay tuureenna wuxuu yidhi (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Eebaana Burin, Eebana ma
hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha. (82) wuxuuna ku
sugaa Eebe xaqa kalimadiisa haba naceen Dambiilayaashuye. (83)
ma rumaymn Nabi Muuse Farac yar oo Qoomkiisii ka mida mooyee iyagoo ka Cabsan
fircoon fyo Kooxdiisii inay fidmeeyaan, fircoonna wuu isku kibriyey dhulka
wuxuuna ka mid ahaa xadgudbayaaaha. (84) wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Qoomkayow
haddaad tihiin kuwa rumeeyey Eebe isaga uun tala saarta haddaad MusIimiin
Tihiin. (85) waxayna dheheen Ilaahay yaan lalo
saarannay, Eebahannow hanooga yeelina fidmo Qoomka Daalimiinta ah. (86) nagana kori naxariistaada darteed qoomka gaalada ah. (87) waxaana u waxyoonay (Nabi) Muuse iyo walaalkiis inaad uga yeeshaan Qoomkiina Masar
Guryo kana yeesha guryihiinna Qiblada (Ku tukada) ooga salaadda Lina bishaaree Mu'miniinta. (88) wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse Eebahannow adaa siiyey Fircoon iyo Kooxdiisa Qurux
iyo Xoolo Nolosha Adduunka Eebow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebow halaag (Tirtir) Xoolahooda Adkeena
Quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan Cadaab daran. (89) Eebe wuxuu yidhi waa la ajiibay Baryadiinna ee
toosnaada hana raacina Jidka kuwaan wax ogayn. (90)
waxaan tallaabinay Banii Israa'iil Badda waxayna u raaceen Fircoon iyo
Qoomkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi (Fircoon) waxaan rumeeyey
inaan Eebahay rumeeyeen Bani Israa'iil mooyee Ilaah kale jirin waxaana ka mid
ahay Muslimiinta. (91) (Eebe wuxuu yidhi) hadda (Miyaad rumeyn) adoo horay u
caasiyey oodna ka mid ahayd kuwa wax fasaadiya. (92)
Maanta waxaannu korin badankaaga inaad u noqotid Cidda kaa dambaysa Calaamo wax
badan oo Dadka ka mida Aayaadkannaga waa halmaansanyihiin. (93)
waxaan dejinay Bani Israa'iil Dejin runa (meel fiican) waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxayna is khilaafeen markuu
cilmigi u yimid, Eebahaana wuu kala xukumi maalinia Qiyaame waxay isku
khilaafeen. (94) haddaad Shakisantahay waxaan kugu
soo Dejinay warso kuwa Akhriya Kitaabka hortaa, waxaa kaaga yimid xagga Eebe
Xaq, ee ha Noqonin kuwa Shakiya. (95) hana ka mid
noqon kuwa beeniya Aayaadka Eebe ood ka mid noqoto kuwa Khasaaray. (96) kuwa ku waajibtay Kalimadii Eebahaa (Ciqaab) rumeynmaayaan. (97) xataa huddaad ula timaaddid Aayad kasta, inlay ka
arkaan Cadaab Daran. (98) maxay u
jiriwayday Magaalo rumeysa (Xaqa) oo uu anfaco Iimaankeedu, laakiin Qoomkii (Nabi) Yuunus markay
nimeeyeen waxaan ka faydnay Cadaabkii dulliga ee Adduunka, waxaana u raaxaynay
tan iyo Muddo. (99) haddwi doono Eebabaa waxaa rumayn
tahaa waxa Dhulka ku sugan oo dhan, ee ma adaa Dad ku qasbi inlay ka rumeeyaan (Xaqa). (100) nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna
Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda. (101)
waxaad dhahdaa daya waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka waxna kama
deeqaan Aayado (Calaamooyin) iyo
Digid qoom aan rumeyn (Xaqa). (102) ma waxay sugi
waxaan ahayn Ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale, waxaad dhahdaa suga anna
waan idinla sugiye. (103) markaasaan
korinnaa Rasuulada iyo kuwa rumeeyey saasaana Xaq nagu ah, inaan u korinno
Mu'miniinta. (104) waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin
kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay
waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo
Mu'iniinta. (105) iyo inaan u jeediyo wajiga Diinta
anoo Toosan hana ka mid noqonin Mushrikiinta. (106)
Hana caabudin Eebe ka Sokow waxaan wax ku Tarayn kuna dhibayn, Haddaad fasho
waxaad ka mid Noqon Daalimiinta. (107) Hadduu ku
taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra
wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo
Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista. (108)
Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana
wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna
Wakiil uma ihi. (109) Ee raac waxa laguu waxyooday
Samirna inta Eebe ka kala Xukmin (Dadka) isagaa u Wanaagson Xaakime.
Hud
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Erayga hore wuxuu ku Tusin
Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la sugay Aayadihiisa, markaas
lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og Xaggiisa. (2) inaydaan Caabudin Eebe mooyee wax kale, anugu waxaan
idiinka ahay xagga Eebe Dige Bishaareeya. (3) dambi dhaafna
warsada Eebe una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo
muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh (Fadli) dheeraadkiisa (Fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan Cadaab
Maalin wayn. (4) xagga Eebaa noqoshadiinnu tahay wax
kastana wuu karaa. (5) waxay iilayaan Laabtooda inay iska qariyaan Eebe, markay
isku dadi maryahooda waa ogyahay Eebe waxay qarsan iyo waxay Muujin, illeen
Eebe waa igyahay waxa laabta ku sugane.
Juz' 12
(6) Dhul socod kasta
Risqigeedu wuxuu saaranyahay Eebe wuxuuna ogyahay meejey ku Hoyan ooy u
dheelman dhammaanna Kitaab Cad yey ku suganyihiin. (7)
Eebe waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood, wuxuuna ahaa
Carshihiisu Biyo korkood inuu idin Imtixaamo kiinna Camalka Wanaagsan, haddaad
dhahdo waa laydin soo bixin Geeri ka dib waxay odhan kuwii gaaloobay kani
waxaan sixir Cad ahayn ma aha. (8) haddaan dib uga
dhigno Cadaabka Xaggooda tan iyo muddo tirsa waxay odhan maxaa celinaya,
maalintuuse u yimaaddo mid Iaga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku
,jeesjeesi (Ciqaabtiisii). (9) haddaan dhadhansiinno Dadka naxariis xaggannaga ah
markaas aan ka qaadno wuxuu noqdaa mid quusasho badan oo dafir hadan. (10) haddaan dhadhansiinno Dadka Niemo dhib taabtay ka dib
wuxuu dhihi wwaxaa iga tagay sumaanti isagoo Farax iyo faan ku sugan. (11) kuwa Samra ee canal fiica fala mooyee, kuwaasna waxaa u
sugnaaday dambi dhaaf iyo ajir wayn. (12) waxaad u
dhawdahay inaad ka tegto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy Ia cidhiidhyanto
Laabtaadu inay dhahaan maa lagu soo Dejiyo korkiisa Kansi ama Ia yimaaddo
malag, adugu waxaad uun tahay Dige, Eebana wax kasta wuxuu u yahay (Ilaaliye) Wakiil. (13) mise waxay odhan wuu been abuurtay, waxaad dhahdaa
karaa Toban Suuradood oo la mida oo la been abuurtay una yeedha ciddaad kartaan
oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan. (14) 14, haddayna idin Ajiibin «yeelin» ogaada in lagu soo
dejiyey Quraanka ogaansho Eebe iyo inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, a ma
islaamaysaan. (15) ciddii dooni nolosha adduunyo iyo
quruxdeeda waxaan u dhamaynaynaa camalkooda dhexdeeda lagamana nusqaamiyo. (16) Kuwaasuna waa kuwaan kulahayn Aakhiro waxaan Naar
ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda waxaana baadhila (wax kama jire ah) waxay falayeen. (17) Ruux ku sugan (Xujo) cad oo Eebihiis,
uu raacina marag Eebe, hortiisna ahaayeen Kitaabkii Muuse isagoo Imaam iyo
Naxariis ah ma la midbaa mid adduunyo uun doonay, kuwaas fiican way rumeyn
Quraanka, ciddii ka gaalowda Quraanka iyo Nabiga oo Xisbiyada ka mida Naarbaa
ballan u ah, ee ha noqon mid Shakiya Xaggiisa isagu waa Xaq Eebe ka ahaadaye,
laakiin Dadka Radankiis ma Rumeeyaan. (18) yaa ka dulmi
badan ruux ku abuurtay Eebe Been, kuwaas waxaa loo bandhigi Eebahood waxayna
odhan maraggu kuwaasu waa kuwa ku been abuurtay Eebahood Lacnadi ha ahaato Daalimiinta
korkooda. (19) 19, ee
ah kuwa ka jeedsada Jidka Eebe lana dooni Qallooc Aakharana ka gaaloobay. (20) kuwaasu ma aha kuwa ku daalin Eebe Dhulka dhexdiisa
umana sugna wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaari waxaana loo Iaablaabi
cadaabka, mana karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan. (21) kuwaasu waa
kuwa Khasaariyey Naftooda waxaana ka dhumay waxay been abuurteen. (22) waxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyaga uun khasaaro
badnaadeen. (23) kuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican
falay oo u noqday Eebahood kuwaasu waa Jannada Ehelkeeda wayn, ku dhex waari. (24) waxay La midyihiin Labada kooxood mid indhala' iyo mid
dhaaa la' mid wax arka iyo mid wax maqli ma simanyihiin tusaale ahaan miyeydaan
wax xusuusaneyn. (25) waxaan u diray (Nabi) Nuux qoomkiisii (Isagoo leh) waxaan idiin ahay
dige Cad. (26) inaydaan Caabudin wax Eebe ka soo
hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab Maalin daran. (27) waxayna dheheen madaxdii Gaalowday oo qoomkiisa ka mida
waxaan bashar nala mida ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay
waxaan ahayn kuwannaga xun xun ee ku deg dega ra'yiga, Kuugumana ara- gno
korkannaga wax dheeraada waxaanse idiin malaynaynaa Beenaalayaal. (28) wuxuuna yidhi Qoomkayow ka warrama haddaan Xujo (cad) oo Eebahay ku
sugnahay uu ina siiyey naxariis Xaggiisa oo Laydinka indho tiray miyaao idinkii
laasimin karraa idinkoo nici. (29) Qoomkayow idin
warsan maayo Xoolo, Ajirkayga Eebaa haya, mana eryayo kuwa xaqa rumeeyey illeen
iyagu waxayla kulmi Eebahoode, waxaanse idinku arkaa Qoom Jaahiliina. (30) Qoomkayow yaa iiga gargaari Eebe haddaan eryo kuwaas (Xaqa rumeeyey) miyeydaao wax
Xusuusanayn. (31) idima dhahayo waxaa agtayda ah
Khasaa'intii Eebe mana ogi waxa maqan, idinmana odhanaayo waxaan ahay Malaa'ig,
idinmana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma siinayo Eebc khayr, Eebaa og
waxa Naftooda ku sugan, markaas waxaan ka mid noqon Daalimiinta. (32) waxay dheheen Nuuxow waad nala dooday ood badisay la
doodkannaga, ee noo keen waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi. (33) wuxuuna yidhi waxaa uun idiin keeni (kara) Eebe hadduu doono,
mana tihiin kuwo daalin Eebe. (34) waxna idiinma
tarto Naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeeyo hadduu Eebe doono inuu
iddin baadiyeeyo illeen waa Eebihiine. xagiisaana laydiin celin. (35) mise waxay dhihi isagaa been ahuurtay, waxaad dhahdaa
haddaan been abuurto dambigaygu anuu isaaranyahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan. (36) waxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn
Qoomkaaga inta ku rumaysay waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali. (37) samaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana
igula hadlin (xaalka)
kuwii dulmi falay waa Ia maansheyne. (38) wuxuu
samaynayye Doon mar kasta oo Qoomkiisa koox ka
mida martana way ku jees jeesayeen wuxuuna ku dhahayey haddaad nagu jees jeestaan
anaguna waan idinku jees jeesi saad u jees jeesaysaan. (39)
waadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya kuna dago cadaab joogta
ah. (40) markuu yimid amarkannagii oo
Tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi ku xambaar Doonida nooc kasta Labo iyo Xaaskaaga
ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo cidii rumaysa xaqa (iyana
ku xambaar) mana rumeynin wax yar mooyee. (41) wuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe oy kuna socon kuna
joogsan Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista. (42)
wayna la socotay hir dhexdiis oo buuro la mida wuxuuna u dhawaaqay Nabi Nuux
Wiilkiisii wuxuuna ahaa meel ka gaar ah (Isagoo leh) Wiilkaygow nala soo kor hana la jirin gaalada. (43) wuxuuna ku yidhi waxaan u dunmi buur iga dhawrta Biyaha
wuxuu yidhi (Nabi Nuux) wax
ilaalin kara maanta amarka Eebe ma jiro cid Eebe u naxariistay mooyee, waxaana
kala dhex maray hirkii wuxuuna noqday Wiilkii kuwa la maansheeyey. (44) waxaana la yidhi dhulow Liq Biyahaaga Samooyna qaad (Jooji) waxaana la
yareeyey «la gudhiyey» Biyihii waxaana la xukumay Amarkii waxayna Ku dul
ekaatay Doontii Juudi waxaana la yidhi fogaansho haw sugnaato Qoomka
Daalimiinta ah. (45) wuxuu u dhawaaqay (Baryey) Nabi Nuux Eebihiis
wuxunna yidhi Eebow Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay Ehelkeyga Yaboohaaguna waa xaq
(sugan)adaana xuk unkaagu
falsanyahay. (46) Eebe wuxuu yidhi Nuuxow Wiilku
Ehelkaaga kama mid ma aha waana camal aan
suubanayn ee hay warsan waxaadan cilmi u lahayn waxaan kaa waanin inaad
jaahiliinta ka mid noqoto. (47) wuxuuna yidhi
Nabi Nuux Eebow waxaan kaa magan galay inaan ku warsado waxaanan u cilmi lahayn
haddaadan ii dambi dhaafin oodan ii naxariisan waxaan ka mid noqon kuwa
khasaaray. (48) waxaa lagu yidhi Nuuxow ku deg
Nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira, ummadana waannu u raaxayn
markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka ahaada. (49)
kaasi waa warkii maqnaa oon kuu waxyoonayno maadan ahayn mid og adi iyo
Qoomkaagu midna kan
hortiis ee samir cidhibta (Fiican) waxaa leh kuwa dhawrsada. (50)
Caadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud, wuxuuna yidhi Qoomkayow caabuda
Eebe Ilaah kale idiinma sugnee waxaan been abuurasho ahayna kuma sugnidin. (51) Qoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda
waxaan uun ka mutaa Eebaha i Abuuray ee miyeydaan wax kasayn. (52) Qoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna
ha soo (Daayo) diro
Samada (Roobka)
korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina
idinkoo Dambiilayaal ah. (53) waxay dheheen
Huudow noolama aadan imaanin Xujo cad kagamana tageeyono llaalryahannaga
hadalkaaga kumana rumeynayno. (54) wax kale kuguma
dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan
Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada). (55) oo Eebe ka soo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i
sugina. (56) anugu waxaan tala saartay llaahay
ee ah Eebahay iyo Eebihiin wax socda oosan foodda qabanayn ma jiro (Awoodayn) Eebahayna wuxuu ku
sugan yahay jid toosan. (57) haddaad
Jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna, wuuna
idinka gadaal marin Eebahay qoom kale waana kama
dhibaysaan, Eebahayna wax kasta wuu ilaaliyaa. (58)
markuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay
Naxariistanada wexaana ka korinay Cadaab Adag. (59)
taasi waa Caad waxay diideen Aayaadkii Eebahood waxayna caasiyeen rasuuladiisii
waxayna raaceen amarka islaweyne madax adag dhammaantiis. (60)
waxaana la raaciyey Adduunyadan Lacnad iyo Maalinta Qiyaamaba, Caad way ka
gaaloobeen Eebahood Fogaanshaa (Halaagbaana) u sugnaaday Caadkii Qoomkii Huud ahaa. (61) Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna
yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana
idiinka ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una
toobad keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade) (62) waxay dheheen
Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan ka hor ma waxaad
naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen Aabayaalkanno annagu shaki daran
baan kaga suganahay waxaad noogu yeedhi. (63) wuxuu yidhi bal
ka warrama haddaan xujo Eebahay ku sunahay oo uu i siiyey Naxariis xaggiisa ah
yaa iiga gargaari Eebe haddaan Caasiyo iimana kordhinaysaan waxaan khasaarc
ahayn. (64) Qoomkayow tan waa Hashii Eebe
Calaamad bayna idiintahay ee iska Daaya ha cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina
Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab dhaw. (65) wayse dileen
Hashii, wuxuuna ku yidhi ku raaxaysta guryihiina Saddex maalmood kaasina waa
yabooh aan la beeninayn. (66) markuu u yimdi
amarkii Eebe waxaan ku korinay Nabi Saalax iyo intii rumaysay Naxariistanada
iyo inaan (ka korinay)
dulliga Maalintaas Eebana waa xoog badane Adkaada. (67)
waxaana wabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku
dhexdhinta. (68) sidii iyagoon ku dhex nagaanin,
Thamuud waxay ka gaaloobeen Eebahood waxayna muteen fogaansho (Halaag). (69) waxay ula yimaaddeen Malaa'igtanadii aan soo diray Nabi
Ibraahim Bishaaro, waxayna dheheen salaamo korkaaga ha ahaato, isna wuxuu yidhi
Salaam, kamana nagaan (Daahin) inuu u keeno dibi la dubay (Hilibkiis). (70) markuu arkay in
ayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay wuxuuna iska kasay cabsi xaggooda ah, waxayna
dheheen ha cabsan waxaa naloo soo diray Qoomka (Nabi) Luudhe. (71)
haweeneydiisiina way taagnayd wayna qososhay waxaana ugu bishaaraynay (Nabi) Isxaaq
gadaashiisna Yacquub (Wiilkiisii). (72) waxayna tidhi
waa la yaabe miyaan dhali anoo cajuuso ah ninkaygana oday yahay arrintaasu waa
wax la yaab leh. (73) waxay dheheen ma waxaad la
yaabi amarka Eebe naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna, qoyskanow, Eebana
waa la mahdiye la Sharrifo. (74) markay Nabi
Ibraahim ka tegtay Cabsidii (argagaxii) una timid Bishaaradii yuu noqday mid nagula dooda xaalka
Qoomka (Nabi Luudh). (75) Nabi Ibraahimna waa dulsame noqosho iyo toobadkeen
badan. (76) Ibraahimow iskaga jeedso xaalkan,
waxaa dhab u yimid Amarkii Eebahaaye iyagana waxaa u imaan cadaab aan laga
celinayne. (77) markay Malaa'igtaan soo diray u
timid Nabi Luudh wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi tani
waa Maalin daran. (78) waxaana yimid
Qoomkiisii oo u deg degi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala Xumaan,
wuxuuna yidhi Qoomkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dhahiran ee ka
dhawrsada Eebe bana igu dullaynina martidayda miyuusan Nin rashiida «fiican»
idinku jirin. (79) waxay dheheen waaad ogtahay
inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay waxaannu dooni. (80) wuxuu yidhi Nabi Luudh haddaan xoog idiin leeyahay ama
u dumi tiir adag (waan idin ciqaabi lahaa). (81) waxay dheheen (Malaa'igtii) Luudhow waxaan
nahay farriintii Eebahaa dhibna kuma gaadhsiinayaan ee Guuri Ehelkaaga qayb
habeenka ka mida dibna hasoo dayina haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa
ku dhacaya ballankooduna waa subaxa miyuusan subuxu dhawayn. (82) markuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii
hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan. (83) lagu calaameeyey Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka
fogna ma aha. (84) Madyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb, wuxuuna
yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah kalee, hana nusqaaminina
Beegidda (Miisiidda) iyo
miisaanka waxaan idinku arkaa khayre (xoolo) waxaana idiinka cabsan Cadaab Maalin koobi. (85) Qoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada
hana ka nusqaaminina Dadka waxooda Dhulkana ha fasaadinina. (86) Baaqiga Eebe yaa idiin khayrroone ma ihi mid idin
ilaalin (karee). (87) waxay dheheen shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan
ka tagno waxay caabudayeen Aabayaalkaanno ama ku fallo xoolahanaga waxaan
doonno adugu waxaad uun tahay dulbadane toosan (Jees
jees dartiis). (88) wuxuu yidhi Qoomkayow
bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebahay iguna arsuqay risqi wanaagsan,
oonan doonaynna inaan idiin dabo maro waxaan idinka reebi oonan doonayn waxaan
wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebe ahayn ma karo isagaana
talo saartay xaggiisaana u noqon, (Toobad). (89) Qoomkayow
yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay Qoomkii (Nabi) Nuux ama qoomkii
Nabi Huud ama (Nabi)
Saalax idinkamana foga waqtigii Qoomkii (Nabi) Luudh. (90) ee dambi dhaaf
warsada Eebihiin una toobadkeena ileen Eebahay waa Naxariiste Jeeel (Ciddii toobad keentee). (91) waxay dheheen Schucaybow ma kasaynno wax badan ood
sheegi waxaana kugu aragnaa inaad dhexdannada ku tabar yartahay, hadduusan
Qoomkaagu jirin waan ku dhegexyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cisi naguleh. (92) wuxuu yidhi Qoomkayow ma jamaacaddaydaa idin kala wayn
Eebe ood ka yeelateen waxaad dhabarkiinna ka tuurtaan (Xaqa) Eebahayna waxaad falaysaan wuu koobay. (93) wuxuu yidhi Qoomkayow ku camal fala dariiqadiinna anna
waan camal fali waxaadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya iyo
cidda beenaalaha ah ee suga anna waan idinla sugiye. (94)
markuu yimid amarkanagii waxaan ku korinnay Shucayb iyo kuwii rumeeyey
naxariistanada, waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo
guryahoodii ku dhintay. (95) sidii iyagoon
ku nagaanin fogaansho (halaag) baa u sugnaaday Madyan siday u fogaatay Thamuud (u halaagsantay). (96) waxaannu dhab ula dirray Nabi Muuse Aayaadkanagii iyo
xujo cad. (97) xagga Fircoon yaana u dirray iyo
Qoomkiisii, waxayna raaceen amarkii Ficoon, amarka Fircoonna ma ahayn mid
toosan (Hanuunsan). (98) wuxuu hor qaadi Qoomkiisa Maalinta qiyaame, wuxuuna ku
aroorin Naarta, meel lagu aroorana naarbaa u xun. (99)
waxaana la raacsiiyey Adduunyada Lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, wax laysu
kordhiyana waxaa u xun (Arrintaa). (100) arrintaasu waa
warkii Magaalooyinka waana kaaga qisoonaynaa, waxaana ka mida kuwo taagan iyo
kuwo la halaagay. (101) maanaan
dulmiyin iyagaase dulmiyey naftooda waxna ugama tarin Ilaahyahoodii ay
caabudayeen Eebe ka sokow markuu u yimid amarkii Eeba- (102)
waana sidaas qabashada Eebahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo (Dadkeed) oo dulmi fashay,
qabashadiisuna way xanuun leedahay oy darantahay. (103)
arrintaasna calaamadbaa ugu sugan ciddii ka cabsan cadaabka aakhiro waana
maalin loo kulmin dadka Dartiis, waana maalin la soo Joogsan. (104) dibna uguma dhigaynno muddo magacaaban darteed mooyee.
(105) maalintuu Qiyaamuhu yimaaddo ma hadasho nafi idinka
Eebe mooyee, waxaana ka mida dadka kuwo xun (Khasaaray) iyo kuwo liibaanay. (106) kuwa
xumaadayna naarbay gali dhexdeedayna ku hiinraagi kuna qaylyi. (107) iyagoo ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku
wuxuu Eebe doono mooyee, Eebahaana wuxuu doonuu falaa. (108)
kuwa la liibaanayna jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo Dhulku wuxuu
Eebe doono mooyee, waana siismo aan go'ayn. (109)
ha shakin (xumaanta)
waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay Aabayaalkood caabudayeen mar hore
mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda (Ciqaabta) oon laga Nusqaaminayn. (110)
waxaan siinnay (Nabi)
Muuse Kitaabka (Tawreed)
waana laysku khilaafay, hadduunan jirin hadal Eebahaa oo horreeyey waa lakala
xugmin lahaa dhexdooda, waxayna iyagu kaga suganyihiin shaki daran. (111) dhammaan wuu u oofin Eebahaa Camalkooda illeen Eebe
waxay camal fali wuu ogyahay. (112) ee u toosnow
sida lagu faray adiga iyo inta kula toobadkeentay hana xadgudbina illeen Eebe
waxaad camal falaysaan wuu arkaaye. (113) ha u iilanina
kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebe ka sokow Awliyo
markaas laydiinna gargaari Maayo. (114) oog salaadda
maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka ka mida (saacaad) illeen wanaagu wuxuu tegsiiyaa (Tirtiraa) xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah xuska badan. (115) samir (adkayso) ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama falee. (116) maxay u ahaan waayeen Quruumihii hore dad khayr (caqli) leh oo ka reeba
fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo ka mida kuwaan korinnay xaggooda, waxayna
raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal. (117) Eebana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax
wanaajin. (118) hadduu doono Eebahaa wuxuu ka
yeeli lahaa Dadka mid kaliya mana ka tagaan kuwo iskhilaafsan. (119) cid Eebe u naxariistay mooyee saasaana Eebe ku
abuuray, wayna taam noqotay kalimadii Eebahaa oo ah innu ka buuxiyo jahannamo
Jinni iyo insi dhammaan. (120) Dhammaan
waxaannu kaaga qisoon wararkii rasuulada waxaan ku sugno qalbigaaga, waxaana
taam kuugu yimid xaq iyo waedi iyo waanada Mu'miniinta. (121)
waxaad ku dhahdaa kuwaan rumeynin ahaada sidiinnaas (ku
camal fala) annana waannnu «ahaan» camal faliye. (122) sugana annana waaanu sugiye. (123)
Eebe waxaa u sugnaaday waxa ku maqan samoolyinka iyo dhulka, xaggiisaana loo
celin amarka dhammaan ee caabud oo talo saaro, Eebana mahalmaansana waxaad
falaysaan.
Yusuf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) xuruufta hore waxay ku
tusin mucjisada Quraanka, tanna waa aayaadkii Kitaabka ca (Quraanka). (2) Annagaana soo
dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan. (3)
Annagaa kaaga qisoon qissoyin tan u fiican waxyigaan Quraankan kuu waxyoonay
dartiis, waxaadna ka mid ahayd hortiisa kuwaan wax igayn. (4)
markuu (Nabi)
Yuusuf ku yidhi Aabbihiis aabow waxaan arkay Kaw iyo Toban xiddigood iyo
Qorraxda iyo Dayaxa waxaan Arkay iyagoo ii Sujuudsan. (5)
Wuxuuna yidhi (Aabbihiis Yacquub)
Wiilkayow hawga Qisoonin Riyadaada Walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar,
illeen Shaydaanku Dadka wuxuu u yahay col cade. (6)
Saasuuna kuu doortay Eebahaa kuuna baray fasiraadda Riyada iyo Xaddithyada,
kuuna taam yeeli Niemadiisa korkaaga iyo Yacquub Ehelkiisa siduu ugu taamyeelay
Labadaadii Waalid mar hore (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Isxaaq Eebahaana waa oge falsan. (7)
Yuusuf iyo Walaalihiis Calaamadbaa ugu sugan kuwa warsan (Waano). (8) markay dheheen
Yuusuf iyo Walaalkiis yaa Aabbe naga jecelyahay inagoo koox ah, Aabbeheen wuxuu
ku suganyahay Baadi cad (Jecaylkaas). (9) Dila Yuusuf ama
ku tuura Dhulka ha idiin kaliyoobo Wajiga Aabbihiine aadna ahaateen gadaashiis
qoom Suubane. (10) mid ka midaa yidhi ha dilina Yuusuf
ee ku tuura Ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan. (11) waxay dheheen Aabow maxaad noogu aamini la'dahay yuusuf
anagoo u Naasixa. (12) nala dir barri
ha cuno hana Ciyaaree anaguna isaga waannu ilaaline. (13)
wuxuu yidhi Yacquub waxaa i walbahaarin inaad la tegtaan waxaana ka cabsan in
Yeeyi Cunto idinkoo halmaansan. (14) waxay dheheen
hadday Yey Cunto annagoo kooxa waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray. (15) Markay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan Ceel
salkii, Waxaan u waxyoonay waad uga warrami Amarkoodan iyagoon kasayn. (16) Waxayna u yimaadeen Aabahood habeenkii iyagoo ooyi. (17) Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno
Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse
nama rumaynaysid aanba Run sheegnee. (18) Waxayna la
yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa Samir fiican
Eebaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan. (19)
Waxaa yimid socoto waxayna direen Dhaamiye Wuxuuna yidhi Bishaaradayda waa
Wiil, wayna Qarsadeen isagoo Badeeco ah, Eebana waa og yahay waxay fali. (20) waxayna ku gateen Qiima jaban Dirhamo tirsan Waxayna
ahaayeen kuwaan rabin. (21) wuxuu ku yidhi
kii gatay oo Masar ah Haweenaydiisii (wanaaji) ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay innu na anfaco ama ka
yeelanno ilmo, saasaana u Makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad «Riyada»
xadiithyada, Eebaana u adag arrinkiisa, Laakiin badida dadku ma oga. (22) markuu gaadhay Xoogiisa yaan siinnay Xigmad iyo Cilmi (Nabinimo) saasaana ku Abaal
marinaa samafalayaasha. (23) Waxaa dalbatay naftiisa
tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi kaalay,
wuxuuna yidhi magan gal Ilaah illeen waa Sayidkaygii wuxuu wanaajiyay horgaygee
mana Liibaanaan daalimiintu. (24) Way ku hamiday
«doontay» isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebe, saasaana uga
iili Xumaanta iyo falxumida illeen wuxuu ka mid yahay addoomahannaga la doortay
(Camalkana u kali yeela Eebe). (25) Waxay u orotameen albaabka (irridda) waxayna ka goysay Qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmen
ninkeedii irridda agteeda, Waxayna ku tidhi maxaa lagu Abaal marin Cid la
doontay Ehelkaaga (haweenaydaada) daran la gaashdiiyo mooyee. (26)
wuxuu yidhi Nabi Yuusuf iyadaa i dalabtay Naftayda Wuxuuna ku marag furay Marag
ehelkeeda ah haduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna
waa Beenalayaasha. (27) Hadduu
Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga Danbana iyadaa Beenalaay ah isna (Yuusuf) wuxuu Ka mid yahay
runlayaasha. (28) Markuu arkay ninkeedii Qamiiskii
Yuusuf oo Gadaal ka go'an wuxuu yidhi kaasi waa Dhagartiinii Dhagartiinuna waa
wayn tahay. (29) Yuusufow iskaga jeedso Xaalkan (ha ka waramin), Haweeneeyahay
adna ka Dambi Dhaaf warso Eebe danbi- gaaga waxaad kamid tahay Kuwa gafaye. (30) waxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni
Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi
cad. (31) markay maqashay dhagartooda (Xantoodii) way u farriin
dirtay waxayna u darabtay fadhi (martiqaad) waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf ku
soo bax markay arkeenna way waynesteen waxayna iska gooyeen «Sareen» Gaemaha (Faraha) waxayna dheheen
xaashaa Ilaah kani bashar (Dad) ma aha kani waxaan Malag sharaf leh ahayn ma aha. (32) waxay tidhi kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay
Naftiisa wuuna is dhawray hadduusanse falin waxaan fari walee waa la xabisa uu
noqon kuwa dullooba. (33) wuxuuna yidhi (Nabi Yuusuf) Eebow Xabbis baan
ka jeelahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan
Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta. (34) waxaan ajiibay
Eebihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebe waa Maqle og. (35) markaasaa waxaa u muuqday intay arkeen aayaad (Calamooyin) inay xidhaan tan
iyo Muddo. (36) waxaana la galay Xabiiska Laba
dhalinyara ah midkoodbaana yidhi waxaan arkay (Riyo) anoo Miiri kahmro, kii kalana wuxuu yidhi anna waxaan
arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa Khubus (kibis) kana cunayso shimirtu xaggiisa nooga warran fasiraadda
waxaan kugu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaashee. (37) wuxuu
yidhi (Yuusuf)
wixii cunna ah oo laydinku Arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa ka hor
imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebahay i baray, anuguna waxaan ka tagay (Nacay) milladda Qoomkaan
rumaynayn Eebe oo aakhirana ka gaaloobay. (38) waxaana raacay
milladda (Diinta)
Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno
Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba,
laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan. (39) Saaxiibadayda
Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda
badan. (40) ma caabudaysaan Eebe ka sokow
waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo
dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan
caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga. (41) Saaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin
sayidkiisa khamro, kan
kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad
warsateen. (42) wuxuuna (Yuusuf) ku yidhi kii uu u Maleeyay inuu nabad gali oo midkooda
iigu sheeg Sayidkaaga agtiisa, Waxaase halmaansiiyay Shaydaan Xusidda Eebihiis,
wuxuuna (Yuusuf) ku
Nagaaday Xabbiska Dhawr sano. (43) Xaakinkii wuxuu
yidhi waxaan arkay Todobo sac oo Shilshilis oy cunayaan todobo Wayda, iyo
Todobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dad Yahaw iiga warrama
Riyadayda hadaad Fasiri kartaan riyada. (44) Waxay dhaheen
waa qaraw annaguna ma naqaanno Fasirka qarawyada «dhadhabka». (45) wuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkooda markuu xasuustay
muddo ka dib Anaa idiinka Warrami fasirkiisa ee i dira. (46)
Wuxuu yidhi Yuusufow Saaxiibow nooga warran Toddoba sac oo Shilshilis
oycunayaan todobo Wayd ihi iyo todobo Sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo
kale inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan. (47) Waxuuna yidhi
waxaad tacbanaysaan Todoba Sano oo israaesan ee waxaad goosataan ku daaya
Sabuulkiisa wax yarood cunaysaan mooyee. (48) markaas waxaa
imaan arrintaas ka dib Todobo daran (abaara) oo cuni waxaad hor marsateen wax yar ood kaydsateen
mooyee. (49) markaas ka dib waxaa imaan Sano loo
gargaaro Dadka oo dhexdeeda ay wax miiran (Barwaaqo). (50) wuxuu yidhi
Xaakimkii ii keena Yuusuf markuu kii loo diray u yimidna wuxuu ku yidhi ku noqo
Sayidkaaga oo warso muxuu ahaa Xaalkii haweenkii iska Saray farahooda Eebehay
waa ogyahay Dhagartooda. (51) Wuxuu yidhi
Xaakimkii xaalkiinu muxuu ahaa markaad doonteen Yuusuf naftiisa waxayna Dhaheen
Eebaa xumaan ka nasahane kuma ogin xumaan, Waxayna tidhi Haweenaydii Wasiirka
hadduu cadaaday Xaqii anaa dalbay Yuusuf naftiisa isaguna runbuu sheegi. (52) Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan Khayaamin isagoo
maqan iyo inuusan Eebe toosinin dhagarta Khaa'imiinta.
Juz' 13
(53) mana
bari yeelayo
naftayda naftu waa farid Badanta Xumaanta Naxariis Eebahay mooyee Eebahayna waa
dambi dhaafe naxariista. (54) wuxuu yidhi
Xaakimkii ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee (talinta) markuu La hadlayna wuxuu yidhi adigu maanta agtannada
waxaad ku tahay Sharafle aamina. (55) wuxuuna yidhi
Yuusuf iga yeel Masuulka Khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe. (56) saasaan u makaninay Yuusuf dhulka (Masar) kagana tasarufi oo degi meejuu doono, waxaan gaadhsiinnaa
Naxariistanada ciddaan doonno mana dhuminaynno Ajirka samo falayaasha. (57) Ajirka aakhiraana u khayrroon kuwa rumeeyey (Xaqa) oo ah kuwa
dhawrsada. (58) waxaana yimid Yuusuf Walaalihiis
wayna u soo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn. (59)
markuu darbay rarkoodii u (oofiyey miisiddii) wuxuu ku yidhi ii keena Walaalkiinna Aabbe miyeydaan arkayn
inaan oofiyo Kaylka «miiska» ahayna mid dejin fiican. (60)
haddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama
helaysaan hana ii soo dhawaanina. (61) waxay dheheen
waannu ka dalbi Aabbihiis waana falaynaa (sidaas). (62) wuxuuna ku
yidhi dhallinyaradiisii yeela alaabtooda (Badeecadooda) rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan
Ehelkoodii inay soo noqdaan. (63) Kolkay u noqden
Aabahood waxay dhaheen Aabaw waa naloo diiday Beegidda (hadda
kadib haduuna walaalkood raacin) ee nala dir
Walaalkanno aan miisannee Annaguna waanu Ilaalin isagee. (64)
Wuxuuna yidhi Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis
horay, Eebaa u khayrroon Dhawre waana Naxariis badane. (65)
Markay fureen Alaabtoodii waxay ka heleen Badeecadoodii oo loo soo celiyay,
Waxayna Dhaheen aabow maxaan rabnaa tani waa badeecadeenii oo laynoo soo
celiyay Waxaanu u Shamadsanaynaa Ehelkeenna Waxaan ilaalinaynaa Walaalkanno
waxaana korosanaynaa miisid riti Taasina waa beegid sahlan. (66) Wuxuuna yidhi (Yacquub) idinla diri maayo intaad Ballan Eebe iga siisaan inaad
iikeenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee, markay siiyeen Ballankiina wuxuu
yidhi ilaahay waxaynu sheegi waa u WakiilShaahida. (67)
Wuxuu yidhi Wiilashaydow ha ka galina (Magaalada) irrid kaliya ee ka gala irido kala Tagsan, Waxna idiinkama
tarayo xagga Eebe, Amarka cidaan Eebe ahayn maleh, isagaan talo saartay isaga
uun ha talo saarteen kuwa wax talo saaran. (68) Markay ka
galeen meeju faray Aabahood ma ahayn wax Eebe xagiisa wax uga tari ee waxay
ahayd Dan Nafta (Nabi)
Yacquub ku sugnayd oo uu Gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon Barray
dadka badankiise ma oga. (69) Markay u galeen
Yuusuf wuxuu Dhaweeyay Walaalkiis Wuxuuna ku yidhi Anigu walaalkaabaan ahay ee
haka Murugoon Waxay faleen. (70) Markuu darbay
Safarkoodii wuxuu yeelay Galaaskii walaalkii Rarkiisa, Markas waxaa Dhawaaqay
mid Dhawaaqi Safaryahaw Tuugaad Tihiin. (71) Waxayna dhaheen
intay soo Qaabileen maxaad waydeen. (72) Waxayna dhaheen
Saacii Xaakimka ciddi keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah. (73) waxayna dheheen Eebaan ku dhaaranaye waad ogtihiin
inaanaan u imaanin inaan fasaadinno Dhulka Tuugana aanaan ahayn. (74) waxayna dheheen (Qoomkii Yuusuf) waa maxay Abaalkiisu haddaad Been sheegaysaan. (75) waxay dheheen Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa
saasaana ku abaal marinnaa Daalimiinta. (76) wuxuuna ka
billaabay (Fatashihii Yuusuf)
Alaabtoodii Walaalkii Alaabtiisa ka hor markaasuu ka soo bixiyey Weelkii
Walaalkiis, saasaana u baray kaydkaas yusuuf mana ahayn mid ku waadan kara
walaalkiis diinta Boqorka in Eebe doono mooyee, Waxaan kor yeelaa darajada
ciddaan doono, Mid kastoo cilmi lehna waxaa ka Sarreeya cilmi badane (Eebe) (77) waxayna dheheen (Yuusuf Walaalihiis) hadduu xaday waxaa xaday mar hore Walaalkiis, markaasuu
Yuusuf u Qarsaday Naftiisa oosan u muujin, wuxuuna yidhi idinkaa ka shar badan
Eebana waa ogyahay waxaad sheegeeysaan. (78) waxayn dheheen
wasiirow wuxuu leeyahay (Wiilku) Aabbo wayn oo oday ah ee qaado midkanno badalkiisa waxaan
kugu aragnaa samo falee. (79) wuxuuna yidhi
magan Eebe inaan waadanno midkaan ka hellay alaabtannadii agtiisa mooyee,
markaas daaliminiinbaan noqonaynaa. (80) markay ka
quuesteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi wuxuuna yidhi kii u waynaa waad ogtihiin
in aabbihiin ballan adag idinka waaday iyo inaad horay ugu xadgudubteen yuusuf
anugu dhulkan kama tagayo inta Aabbahay iga
idmi ama Eebe i xukumi isagaa Xukun fiicane. (81)
wuxuun ku yidhi ku noqda Aabbihiin waxaadna dhahdaan Aabbow Wiilkaagii wuu
xaday, mana furaynno waxaan ognaannay mooyee, mana nihin kuwo waxa maqan
illaliya (og). (82) waydiina magaaladaan ahayn iyo safarkaan la soo
noqonnay annaguna runbaannu sheegi. (83) wuxuuna yidhi
saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebe inuu ii keeno
dhammaan illeen isagaa oge falsan ehe. (84) wuuna iskaga
jeedsaday xaggooda wuxuuna yidhi walbahaarkay Yuusufow waxayna la caddadeen
indhihiisu Walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan. (85) waxayna dheheen dhaar allee ma daynaysid sheegidda
Yuusuf intaad ka tabar gabtid ama ka halaagsantid. (86)
wuxuuna yidhi waxaan uun u sheegan xusnigayga iyo walbaharkayga Eebe, waxaana
ka ogyahay xagga Eebe waxydaan ogayn. (87) (Wuxuu yidhi Yacquub) Wilashayow taga oo
soo daydaya (Warkii)
Yuusuf iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe
qoom gaala ah mooyee. (88) markay u soo
galeen Yuusuf waxay dheheen Wasiiryahow waxaa na taabtay annaga iyo
Ehelkanagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee Beegidda
nuguna sadaqayso ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee. (89) wuxuuna ku yidhi ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf
iyo Walaalkiis idinkoo Jaahiliina. (90) waxayna dheheen
oo adugu ma Yuusuf baa tahay wuxuu yidhi anugu Yuusuf baan ahay kanna waa
Walaalkay Eebaa nagu mannaystay (Kulmin) illeen ciddii ka dhawrsata Eebe oo samirta Eebe ma dayaca
Ajirka samofalayaashee. (91) waxay dheheen
dhaar Eebee waxaa naga kiin doortay Eebe waana gafsanayn. (92)
wuxuuna yidhi canaani korkiinna ma aha maanta, Eebe ha idiin dambi dhaafo
isagaa Naxariis badane. (93) la taga
qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena
Ehelkiinna dhammaan. (94) markuu safarkii
soo baxay wuxuu yidhi Aabbahood anugu waxaan heli Yuusuf Dabayshiisii
«Caraftiisii» haddaydaan i dhaliilayn. (95) waxayna dheheen
adugu wali waxaad ku sugantahay gafkii hore, (Jacaylkii
Yuusuf). (96) markuu yimid
kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray (Qamiiskii) Wajiigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi
miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn. (97) waxayna dheheen Aabbow nooga dhaafid warso dambigannaga
waan gafsanayne. (98) wuxuuna yidhi waan idiinka
dambi dhaaf warsandoonaa Eebahay isagaa dambi dhaafe Naxariista ehe. (99) Markay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay Labadiisii
Waalid, Wuxuuna yidhi gala Masar Eebe hadduu Doono idinkoo aamina. (100) Wuxuuna u koryeelay labada waalid Kursigii, Waxayna
ula hoobteen Sujuud, «Salaan» wuxuuna yidhi Aabbow waatan Fasirkii Riyadaydii
horay, Wuxuu ka yeelay Eebahay Xaq (sugan) wuuna ii Wanaag falay Markuu iga soo Bixiyay Xabbiska
idinkana keenay Baadiyaha Kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo Walaalahay
Dhexdanada Eebahayna waa u turaha wuxuu Doono waana Oge falsan. (101) Eebow waxaad i siisay Xukun Waxaadna i bartay
Fasiraadda riyada, Eebaha abuuray Samooyinka iyo Dhulkow adaa wali (Gargaare) ii ah aduun iyo
Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina Haleeshii kuwa suuban. (102) Kaasi waa wararka wax Maqan Annagaana Kuu Waxyoon,
Mana aadan ahayn Agtooda Markay kulmayeen Amarkoodii iyagoo Shirqooli, (103) Dadka badankiisna ma Rumaynayaan aad kuba Dadaashide. (104) Wax ujuura ahna kama
Warsanaysid (Xaqa) waa
uun waanada Caalamka. (105) Badanaa Calaamad
samooyinka iyo Dhulka oo ay Marayaan iyagoo ka Jeedsan. (106)
Mana rumaynayaan Badankoodu Eebe iyagoo la Wadaajin mooyee. (107) Ma waxay ka Aamin noqdeen inay u timaado
MasiiboCadaabka Eebe ama ugu Timaado Saacaddu Kado iyagoo ogayn. (108) Dheh tan waa waddadayda (xaqa
ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Eebe anoo Ku sugan Xujo cad aniga iyo inta i raacda,
Waxaana Nasahay Eebe, kamidna ma ihi Mushrikiinta. (109)
Ma ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan Rag loo Waxyoodo ahayn o Ehelka
Magaalooyinka miyayna soconin Dhulka oo ay Fiiriyaan siday noqotay Cidhibta
Kuwii ka horeeyay, Daarta Aakhiro yaana u khayrroon kuwii Dhawrsadayee
Miyaydaan kasayn. (110) markay
Quusteen Rasuuladii una Maleeyeen in la beeniyay waxaa U yimaadda gargaarkanaga
waxaana korinaynaa ciddaan doono lagamana celiyo Ciqaabtannada Qoomka
Danbiilayaasha ah. (111) Waxaa ugu
sugan Qisadooda waano Kuwa Caqliga leh, mana aha Sheeko la Been abuurtay Waase
urumayn wixii ka horeeyay (oo Kutubtii Xaqa
ahayda) iyo Caddaynta Wax kasta iyo Hanuunka
iyo Naxariista Ciddi Rumayn Xaqa.
Ar-Ra'd
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Xarfaha hore oo kale waan
soo Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka
Badankiise ma Rumaynin. (2) Eebe waa kan
koryeela Samooyinka Tiir La'aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga,
Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban,
Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin
yaqiinsataan. (3) Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna Dhexdiisa buuro,
iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna ku Dadaa
Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii fikiri. (4) Dhulka waxaa ah Goosinno daris ah (isku
dhaw) iyo Bustaan Cinaba iyo Beer iyo Timir
oo Mataano ah iyo kuwo aan Mataano ahayn, laguna Waraabiyo Biyo kaliya Waxaana
ku kala Fadilaynaa (Wanaajinaynaa) qaar qaarka kale Cunnada (Dhadhanka) Arrintaasna Calaamaa ugu Sugan Ciddii Wax kasi. (5) Haddaad yaabtana waxaa Yaaba Hadalkoodii Ahaa ma Markaan
noqonno Carro yaa Markaas Abuur Cusub (Nala abuuri) Kuwaasi waa kuwa Luquntooda la Yeelay Katiinado waana kuwo
Naarta Ehelkeeda ah Kuna Dhex waari. (6) Waxayna kaa Dedejisan
Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan
Eebahaana waa Ciqaab darane. (7) waxay dheheen
kuwii gaaloobay maxaa loogu soo Dejin waayey korkiisa Aayad xagga Eebihiis ka
timid, adugu waxaad uun tahay Dige cid kastana waxay leedahay Hanuuniye. (8) Eebaa og waxay ku siddo uurka Dhaddig kasta, iyo waxay
Ilmo galleennadu Nusqaamin, iyo waxay kordhin (Dhicis
iyo Shin) wax kastana Eebe agtiisa Qaddar (Waqti) yuu leeyahay. (9) wuxuuna ogyahay wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka
sarreeya (wax kasta). (10) waana isku mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la
qaylya, iyo kii isqariya habeenkii iyo kii Muujiya Maalintii. (11) wuxuuna leeyahay (Ruux kasta) kuwo ku isbedela (Malaa'ig) oo hortiisa iyo Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe,
Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku
sugan, markuu Eebe la doono Dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow
Gargaare. (12) Eebe waa kan idin tusiya Hillaaca cabsi gelin iyo
rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus. (13)
wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku Mahadda Eebe ku dheehan iyo Malaa'igtuna (waxay la tasbiixsan) Cabsida Eebe,
wuxuuna diraa Danabyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi
Eebe isagoo ciqaabtiisu darantahay. (14) Eebe waxaa u
Sugnaaday Baryo (iyo Cibaado)
Xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma ajiibaan (kuwa
baryi) sida mid ku fidiyey Gacmihiisa Xagga
Biyaha inay Afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, Baryada Gaaladuna waxaan baadi
ahayn ma aha. (15) waxaa Ilaahay u Sujuuda «u
khuduuca» waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka Ogolaansho iyo Qasab iyo
Hooskooda aroor iyo Galbihiiba. (16) waxaad dhahdaa
yaa ah Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, waxaadna dhahdaa waa Eebe, waxaadna
dhahdaa ma yeelanaysaan Eebe ka sokow Awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda Nacfi iyo dhib midna, dheh ma
egyihiin Indhoole iyo wax Arke, mase ehyihiin Mugdiyo iyo Nuur mise waxay u
yeeleen Eebe Shuruko wax u Abuuray sida Abuurka Eebe oo waxaa isaga ekaaday
Abuurkii, waxaad dhahdaa Eebaa wax kasta Abuuray waana kali awood badan. (17) wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray
waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku
huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Eebe
ugu yeelan tusaale xaqa iyo Baadilka, Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa
dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebe u yeelaa Tusaalayaasha. (18) kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la
mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) Hooygooduna waa
Jahannamo iyadaana u xun gogol. (19) cid og in waxa
laggaga soo dejiyey xagga Eebahaa uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la',
waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh. (20) ee ah kuwa
Oofiya ballanka Eebe oon burininna ballanka adag. (21)
ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebahood
kana cabsada xisaab xun. (22) ee ah kuwa u
samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana bixiyey waxaan ku
arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas
cidhib fiican yaa u sugnaatay. (23) waxaana gali
jannada cadnin iyaga iyo cidda suuban oo Aabbayaalkooda, Haweenkooda iyo
caruurtooda, Malaa'igtuna waxay uga soo gali irid kasta. (24)
iyagoo ku dhihi Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag
badan cidhibta daarta (Janno). (25) kuwa buriya
Ballanka Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo
fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun. (26) Eebaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduudoono), waxayna ku
farxeen gaaladii Nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda
waxaan maalmo lahu raaxaysto ahayn. (27) waxay dhihi
kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiina Aayado Eebihiisa
xaggiisa, waxaad dhahdaa Eebe wuu dhumiyaa ciduu doono (oo
xaqa diida) wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii u
noqota. (28) ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna
xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu. (29) ee ah kuwa rumeeyey xaqa falayna camal suuban waxaana u
sugnaaday khayr iyo Nicmo iyo Noqosho wanaagsan. (30)
saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu
waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee
Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon. (31) haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn
dhulka ama lagula hadli Dadki dhintay (Wuxuu noqon lahaa
Quraankan) amarkase Eebaa dhammaantiis iska leh,
miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey xaqu hadduu Eebe doonoinuu hanuunin lahaa Dadka
dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay (Xumaan) intay kaga dhacdo Musiibo waxay faleen Darteed ama degto
meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaaddo Yaboohii Eebe, Illaah Ma baajiyo
ballanka. (32) waxaa lagy Jees Jeesay Rasuullo ka
horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, ka dibna waan Qabtay ee siday
noqotay ciqaabtaydii (Way darrayd). (33) cid ku ilaalin
naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebe
Shurako dheh magacaaba, mise waxaad Eebe uga warramaysaan waxaan Eebe uga
warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal muuqaala, saas ma aha ee waxaa
loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey Jidka, cid Eebe
dhumiyeyna ma laha wax hanuunin. (34) waxayna mudan
cadaab nolosha adduun, cadaabka aakhiraana daran mana u sugna wax Eebe ka
Ilaalin. (35) tusaalaha (Tilmaanta) jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan
Wabiyaalkii, Cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa
dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar. (36) kuwaan siinnay Kitaabka
waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa ka mida kuwo diidi
Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebe una shariig
yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon. (37)
saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu
cilmi ku soo gaadhay ka dib, kama helaysid
xagga Eebe gargaare iyo dhawre. (38) waxaan dirray
hortaa rasuullo waxaana u yeellay Haween iyo caruur, Rasuulna Mucjiso lama
imaan karo idimka Eebe La'aantiis, muddo kastana way Qorantahay. (39) eebana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, Agtiisana
waxaa ah Looxul maxfuudka. (40) haddaan ku
tusinno qaar waxaan u yaboohi (oo dulli ah waa
saas) haddaanse ku Qofsanno waxaa uun
korkaaga ah Gaadhsiin Anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno. (41) miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo
nusqaamin furid (ama Abaar)
Eebana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay deg deg tahay
xisaabtiisu. (42) waxaa wax dhagray kuwii ka
horreeyey Eebaase abaal maris (Dhagar) iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto,
waxayna ogaan Gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican. (43)
waxayna dhihi kuwii Galoobay ma tihid Rasuul, waxaad dhahdaa waxaa marag ugu
filan dhexdeenna Eebe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.
Ibrahim
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) xarfaha hore oo kale waa
la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid
dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee la
Mahadiyo. (2) Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo
Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis. (3) oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya
(Dadka) Jidka Eebe lana
dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog. (4)
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna
baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin
cidduu doono, waana adkaade falsan. (5) waxaan la dirray
(Nabi) Muuse
Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi»
Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis. (6) iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta
Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin
dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa
ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn. (7) iyo markuu
Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna
cadaabkaygu waa daranyahay. (8) wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad
Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan. (9) miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux,
Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin
waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo
diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo
daran. (10) waxay dheheen Rasuuladoodii ma
Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu
idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna
dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan
waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad. (11)
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn,
Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni
karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. (12) maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey
Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen
kuwa talosaaran (Cid). (13) waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna
ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago daalimiinta.
(14) dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa
heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga. (15) wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badane
madax adag dhammaantiis (xaq diid) (16) waxaana ka
horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka
Ehelu Naarka). (17) wuuna ku margan
mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab
adag. (18) kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la
midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl
dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun. (19) miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo
dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub. (20) arrintaasina Eebe kuma adka. (21)
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii
madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka
Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa
isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho. (22) wuxuuna dhahaa
shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah
anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn
oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala
naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu
waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
(23) waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican
falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe
dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan. (24)
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan). (25) oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u
yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan. (26)
Kalimada (Erayga)
xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa
oon sugnaan lahayn. (27) wuxuu ku sugaa
Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu
doono. (28) ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii
Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag. (29)
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo). (30) waxayna u
yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta
ahaanshihiinnu waa Naare. (31) Ku dheh addoomadayda
rumeeyey (Xaqa) ha
oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka
hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada). (32) Eebe waa kan Abuuray samooyinka
iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna
dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna
sakhiray Wabiyada. (33) idiinkuna
sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo
Maalinta. (34) idinkana siiyey wax kastood warsataan,
haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane
gaalnimo badan. (35) zusuusta markuu Nabi Ibraahim yidhi
Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno
Sanamyada. (36) Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo
ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah. (37) Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan been lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa
Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna
arzaaq midho inay shugriyaan. (38) Eebow adugu
waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba
samada iyo dhulka (midna). (39) mahad Eebaa
iska leh ee ah kan
i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe). (40) Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda
Eebow Aqbal baryadayda. (41) Eebow ii dambi
dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu). (42) ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali
daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu. (43) oyna deg degi oo madax kor yeeli oosan soo noqonayn
aragoodu (taagmi indhuhu)
Quluubtooduna oy madhantahay «cabsi darteed». (44)
uga did dadka maalintuu u iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay eebow dib
noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhidaadee oon raacno rasuuladee, miyeydaan
ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn. (45)
oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay
iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal. (46) iyagoo dhagar
samayn Eebe agtiisaana Abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la
suulaan (tagaan)
Buuruhu. (47) ee ha u malayn in Eebe baajin u
yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee. (48)
Maalin Buuna (oofin) lagu
bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah
ee awoodda sara leh. (49) Waxaadna
arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays
kulaxidhay) Biro (Naareed). (50) Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli
wajigooda naar. (51) inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta
Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu. (52)
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah
Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta).
Juz' 14
Al-Hijr
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Xarfaha hore waa la soo sheegay
Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad. (2)
Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii). (3) ka tag ha cuneen
hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane, (4) Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la
yaqaanno. (5) Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto. (6) Waxay dhaheen kan
Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay. (7)
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi. (8)
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas). (9) Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri. (10) waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore. (11) Rasuul kasta oo
u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa. (12) saasaana
u galinaa (Gaalnimada)
quluubta dambiilayaasha. (13) mana rumeeyaan
Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey. (14)
haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora (15) waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii,
waxaabanse nahay qoom la sixray. (16) waxaan yeellay
samada buruuj (Meelo)
waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi). (17) waxaana ka
dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis. (18)
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee. (19)
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka
soo bixinay wax kasta oo Miisaaman. (20) waxaana idiinka
yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin. (21)
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno
qaddar la ogyahay mooyee. (22) waxaana dirnaa
dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno
idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda). (23) annagaa wax
looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u
hadha). (24) waxaana ognahay
kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray. (25)
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah. (26)
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon. (27)
Jaankana (Jinniga)
waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl). (28) Xusuuso markuu
ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon. (29) Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu
dhaca Sujuud. (30) wayna Sujuudeen malaa'igtii
dhammaan oo Kulansan. (31) Ibliis oo
diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee. (32)
Wuxuuna yidhi (Eebe)
Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda. (33)
Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon. (34) Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu
fogeeyaye. (35) Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo
Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada). (36) Wuxuuna yidhi
Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka. (37)
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay. (38)
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh. (39) Wuxuuna yidhi
Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana
Dhumin dhammaan. (40) Addoomadaada cibaadada kuu
kali Yeelay mooyee (lana doortay). (41) Eebe wuxuu
yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal
marin). (42) Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo
Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee. (43)
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan. (44) Waxayna
leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah). (45) kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri). (46) waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo. (47) waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah,
waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan. (48)
kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo. (49) U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe
Naxariista ahay, (50) iyo in Cadaabkaygu uu yahay
Cadaabka daran uun. (51) Ugana waran
dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi
Ibraahim. (52) Markay u soo galeen kuna Dhaheen
salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan. (53) ooy Dhaheena ha
cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane. (54)
Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad
iigu Bishaaraynaysaan. (55) Waxayna dhaheen
waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta. (56)
Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee. (57) Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
(58) Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah
xagood. (59) Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood. (60) Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga). (61) Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo
diray. (62) Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin
Qoom aan la Garanaynin. (63) Waxayna dhaheen
saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii). (64) Waxaana kuula
nimid Xaq, runna waan sheegaynaa. (65) Ee guuri
Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka
Mida (Dib) kuna socda meeja
Laydin Faray. (66) Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in
Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii. (67) Waxaana yimid
dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida). (68) Wuxuuna yidhi
kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina. (69)
kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina. (70) Waxayna dhaheen
Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido
cidna). (71) wuxuuna yidhi
Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood
guursanaysaan). (72) Cimrigaagee
iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin. (73) Waxaana qabatay
Qayladii qorrax soo baxa. (74) Waxaana ka
yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
(75) Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira). (76) Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad). (77) Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay. (78) Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb). (79) Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo
cad (oo la yaqaanno). (80) Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax). (81) Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa
xageeda ka jeedsada. (82) Waxaana
ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina. (83)
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii. (84) Waxna uma tarin
waxay Kasbanayeen. (85) Samooyinka iyo
Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way
iman ee iska saamax saamixid quruxsan. (86) Eebahaabaa ah
abuuraha cilmiga lehe. (87) waxaan ku
siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn. (88)
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon
una raarici (Jilei)
garabkaaga (macaamiladooda)
Mu'miniinta. (89) waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun
ahay u dige cad. (90) sidaan ugu soo dejinay
Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa). (91) ee kayeelay
Quraanka Qaybo. (92) Eebahaa baan ku dhaartaye waan
warsanaynaa dhammaantood. (93) waxay falayeen.
(94) ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta. (95) anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa. (96) ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). (97) waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay
sheegi (oo xun). (98) ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda. (99) Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).
An-Nahl
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxaa yimid amarkii Eebe
Qiyaamihii (iyo ciqaab) ee
ha dedejisanina, waxaa ka nasahan oo sarreeya Eebe waxay la wadaajin. (2) wuxuu ku soo dejiyaa Malaa'igta waxyi oo amarkiisa ka
mida cidduu doono oo addoomadiisa ka mida oo ah ugu diga inaan Ilaahay mooyee
Eebe kale jirin ee ani uun iga dhawrsada. (3) wuxuu u abuuray
Eebe Samooyinka iyo Dhulka xaq, wuuna ka sarreeya waxay la wadaajin. (4) wuxuu ka abuuray dadka dhibic markaasuu noqdaa dood
badane cad. (5) xoolahana wuu idiin abuuray
dhexdoodana waxaa ah dugaal iyo nacfi xaggeedaadna ka cuntaan. (6) quruxbaana idiinku sugan dhexdooda markaad dheelmaysaan
iyo markaad foofinaysaan. (7) waxaadna ugu
rarataan culaysyo xagga magaalo oydaan gaadhayn naf dhibkeed mooyee Eebihiinna
waa u ture Naxariista. (8) Fardaha iyo
Baqlaha iyo Dameeraha wuxuu (idiin ku abuuray
Eebe) Inaad kortaan iyo Qurux, Wuxuuna
abuuri Waxaydaan Ogayn. (9) Xagga Eebaana
jid toosan yahay (Hanuun), Mid
leexsanna waa jiraa (xumaanta) Hadduu Doonana wuu idin hanuunin lahaa dhammaan. (10) Eebe waa kan
idinka soo dejiyay Samada Biyo xagiisaa laga cabaa Xagiisaana Geeduhu ka
ahaadaan aad Daajisaan (xoolaha). (11) Wuxuuna idiinku
soo Bixiyaa Beero Saytuun, Timir, Cinab iyo Wax kastoo midha ah, arrintaasna
calaamadbaa ugu sugan Ciddii fikiri. (12) Wuxuuna idiin
sakhiray Habeenka, Maalinta, qirraxda, Dayaxa, Xiddigahana waxaa lagu sakhiray
Amarkiisa, Arrintaasna Calaamooyin yaa Ugu sugan Ciddii wax kasi. (13) Iyo wuxuu idiinku abuuray Dhulka oo kala Duwan yahay
Midabkeedu, Arriintaasna Calaamad Yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan (fikiri). (14) Eebe waa kan idiin sakhiray Badda inaad ka cuntaan
Hilib cusub kalana baxdaan Qurux (Macdan) ood xidhataan, Waxaadna aragtaan doonida (Markabka) oo Dillaacin (Dabbaalan) Dehxdeeda iyo
inaad Doontaan fadliga iyo inaad Doontaan fadliga Eebe iyo Inaad ku shugridaan.
(15) Wuxuuna ku riday (sugay) Dhulka buuro inayna Idinla iilan (wuxuuna
yeelay) wabiyo iyo Wadooyin inaad ku toostaan.
(16) Iyo calaamado iyo Xiddigo ay dadku ku toosaan. (17) Cidwax abuuri Ma la midbaa mid aan wax Abuurayn
miyaydaan wax xasuusanayn. (18) Haddaad
tirisaan Nicmada Eebe ma koobi Kartaan, Eebana waa danbi dhaafe Naxariista (19) Eebe waa ogyahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad
Muujinaysaan. (20) waxay Caabudayaan oo Eebe ka soo
hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa. (21)
waana Mayd aan Noolayn mana oga waqtiga la soo bixin (Dadka). (22) ILaahiinnu waa
Ilaah kaliya, kuwa aan rumeynin Aakhirana Quluubtoodu way diidi (Kalinimada Eebe), wayna iskibrin. (23) waxaa sugan in Eebe ogyahay waxay qarsan iyo waxay
Muujin Eebana ma jecla kuwa iskibriya. (24) marka lagu
dhoho muxuu soo dejiyey Eebihiin waxay dhahaan waa warkii kuwii hore. (25) inay xambaaraan culayskooda «dambigooda» oo dhan
Maalinta Qiyaame, iyo culayska «dambiga» kuway dhumiyeen cilmi la'aan waxaana
xun waxay xambaaranayaan. (26) waxaa wax
dhagray kuwii ka horreeyey markuu Eebe (amarkiisii) uga yimid xagga Asaaska (Tiirarka) waxaana kaga dumay saanqaafkii korkooda wuxuuna uga yimid
cadaab meelayan ogayn. (27) ka dibna maalinta
Qiyaame wuu dullayn wuxuuna dhihi aaway shura- kadaydii aad ku doodayseen
dhexdeeda, kuwiina waxay dheheen cilmiga la siiyey (Culimadii) dulli iyo xumaan maanta wuxuu saaranyahay Gaalada. (28) ee ah kuway oofsan Malaa'igtu iyagoo dulmiyey naftooda,
waxayna Muujiyaan hogaansi iyagoo dhihi maanaan ahayn kuwo xumaan fala, saas ma
aha ee Eebe waa ogyahay waxaad falayseen. (29) ee ka gala
irridaha Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda waxaana xumaan badan Hooyga kuwa
iskibriya. (30) Waxaa lagu Dhahaa kuwa dhawrsaday
muxuu soo Dejiyay Eebihiin Waxayna dhahaan Khayr, Kuwa Sama falay adduunyadana
waxay mudan wanaag Daarta aakhiraana u Khayrroon waxaana wanaag Badan daarta
mutaqinta (Kuwa dhawrsaday). (31) Waa jannada cadnin oy gali oy soconna dhexdeeda Wabiyaashii
waxayna ka heli waxay doonaan, Saasuuna Eebe ku abaal mariyaa kuwa dhawrsada. (32) Ee ah kuway oofsato Malaa'igtu iyagoo Fiican (Kuna dhihi) Nabadgalyo
korkiina ha ahaato ee Ku gala jannada Waxaad camal fali Jirteen Dartiis. (33) Gaaladuse miyay sugi inay u timaado Malaa'igtu mooyee
ama u yimaado Amarka Eebahaa, Saasayna Faleen kuwii ka horeeyay, Mana Dulmiyin
Eebe iyagaase dulmiyay Naftooda. (34) Waxaana ku
dhacay Xumaantii waxay faleen, Waxaana ku dagay (Ciqaahtii) Waxay ku jeesi Jireen. (35)
Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan caabudneen cid ka Soo Hadhay
waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen isaga ka sokow waxba, Saasayna
faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran yahay Waxaan gaadhsiin cad ahayn.
(36) Waxaan ka bixinay Umad kasta Rasuul inay caabudaan Eebe
kana dheeraadaan Dhaaquutka (Cibaadada Eebe ka
sokow), Waxaana ka mida dadka Cid Eebe
Hanuuniyay, Waxaana ka Mida ciday ku sugnaatay Baadinimo, Ee socda dhulka oo
Eega siday Noqotay Cidhibtii Beeniyayaasha. (37)
Hadaad ku Dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo ciduu Dhumiyay mana helaan
Gargaare, (38) waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag
inuusan soo bixinayn Eebe cid dhimatay saas ma aha ee waa yabooh Eebe isasaaray
(sugan) Dadka badidiise ma
oga. (39) inuu u caddeeyo waxay isku
diidanyihiin iyo inay ogaadaan kuwii Gaaloobay inay ahaayeen Beenaalayaal. (40) haddaan doono arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy
abaato. (41) kuwii u haajiray dar Eebe intii la
dulmiyey ka dib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka aakhiraana ka wayn
hadday wax ogyihiin. (42) waana kuwa
samray «adkaystay» Eebahoodna uun tala saarta. (43)
waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh
haddaydaan wax ogayn. (44) (waxaana la dirray) xujooyin iyo Kutub
waxaana kugu soo dejinay Quraanka inaad u caddayso Dadka waxa loo soo dejiyey,
inay fikiraan. (45) ma aamin bay ka noqdeen kuwii
dhagarta falay in Eebe la gooyo Dhulka, ama uga yimaaddo cadaab meelayna
filayn. (46) ama ku qabto Eebe gadgadoonkooda
mana aha kuwa Eebe daaliya. (47) ama ku qabto
Nusqaamin (iyo cabsi)
iyagoo ku sugan, Eebihiinna waa u Ture Naxariista. (48)
Miyeyna Arkayn wuxuu Eebe Abuuray oo u iilan Hooskiisu Midig iyo Bidix Sujuud
Eebe dartiis iyagoo u Khushuucsan. (49) Eebe waxaa u
Sujuuda waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo dhul socoda iyo Malaa'ig
iskamana wayneeyaan (Sujuuddiisa). (50) Waxayna ka
Cabsan Eebahooda Sarreeya waxayna falaan wax la faro. (51) Wuxuuna
Yidhi Eebe ha Yeelanina Ilaahyo Labo ah Eebe waa uun Ilaah kaliya ee Aniga uun
iga Cabsada. (52) Eebe waxaa u sugnaaday waxa
Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxaana u sugnaaday Diin (Cibaado) Joogta ah, ee nia Eebe cidaan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan.
(53) Waxa Niema ah ood haysataan waxay ka timid Eebe markuu
idin Taabsiiyo Dhibna xaggiisaad u Qaylyeysaan. (54)
Markuu idinka Faydo Dhibkana Koox idinka mida yaa Eebahood la wadaajisa (Cibaadada). (55) Inay ka Gaaloobaan waxaan siinnay, Raaxaysta waad Ogaan
doontaan «Cidhibta Xaalkiinne». (56) Waxay u yeelaan
waxayna ogayn Qayb waxaan ku Arzaaqnay ka mida, Dhaar Eebee waa laydin warsan (Gaaloy) waxaad Been
Abuuranaysaan. (57) Waxayna u yeelaan Eebe Gabdho waa
ka Nasahanyahay, iyaguna waxay yeelan waxay rabaan. (58)
Marka Loogu Bishaareeyo midkood Dhaddig wuxuu Noqdaa Wajigiisu Madow
waIbahaarina. (59) Wuxuuna iska Qariyaa Dadka Xumida
waxa loogu Bishaareeyey, miyuu ku haystaa Dulli misc wuxu Dhumbiyaa Dhulka,
waxaa xun waxay Xukumi. (60) Kuwaan rumayn Aakhiro
waxaa u sugnaaday Tusaale xun, Eebana waxaa u sugnaaday Sifada sare, waana
Adkaade falsan. (61) Hadduu Eebe u qaban Dadka
Dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu dhigi Muddo
Magacaaban, markay Ajashoodu timaadana kama dib maraan Saacad kamana hormaraan.
(62) Waxayna u yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami
carrabyadoodu Been inuu wanaag u sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u
sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna dhaafi). (63) Dhaar Eebee
waxaan (Rasuullo) u
dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana
sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran. (64)
Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u Caddaysid Dadka waxay isku
Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn. (65) Eebana waa kan
ka soo Dejiya Samada Biyo, kuna Nooleeya Dhulka Abaar ka dib, Arrintaasna
Calaamad yaa ugu sugan Ciddii wax maqli. (66) Waxaana idiinku
sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo
iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbi. (67) iyo Midhaha Timirta iyo Cinabka ood ka yeelataan Cabbid
iyo Risqi Fiican, Arrintaasna Calaamadbaa ugu sugan cidii wax kasi. (68) Wuxuu u Waxyooday (ku Ilhaameeyey) Eebahaa Shinnida ka yeelo Buuraha Guryo iyo Geedaha iyo
waxay Dhistaan. (69) Markaas Cun Midho kasta xaggooda
qaadna Jidadka Eebahaa oo laylyan, waxaana ka soo baxa Calooshooda Cabbid kala
duwantahay Midabkoodu dhexdiisana waxaa ah Daawo Dadka Arrintaasna Calaamaa ugu
sugan ciddii Fikiri. (70) Eebaa idin
abuuray markaas idin oofsan (Dili) waxaana idinka mida cid loo eelin (la
gaadhsiin) cimriga ugu liita inuusan ogaan waxba
cilmi «ogaansho» dabadiis, Eebana wax walba waa ogyahay karaana. (71) Eebe wuu ka fadilay Qaarkiin qaar Risqiga, mana aha kuwa
la fadilay kuwii ku celiya Risqigooda waxay gacantoodu hanato oy isku mid ku
noqdaan ee Ma Nicmada Eebaad diidaysaan. (72) Eebe wuxuu
idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo
farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka
Gaaloobi. (73) waxayna Caabudayaan Eebe ka sokow
waxaan uga hananayn Risqi Samooyinka iyo Dhulka waxba, waxna karin. (74) ee hawyeelina Eebe wax la mida Eebe wuu ogyahay
idinkuse ma ogidine. (75) Eebe wuxuu ka
yeelay tusaale Addoon la leeyahay oon Waxba karin iyo Ruux aannu ku Arzaaqnay
rizqi fiican oo u bixin qarsoodi iyo muuqaalba, Ma isku midbaa, Mahad Eebaa
iska leh, Badankooduse wax ma oga. (76) Waxaa (kale) oo Eebe tusaale ka
yeelay laba Nin oo midkood Af la'yahay (Mahadle) waxna karin dhibna ku ah (Culays) Ilaaliyihiisa meel Kastoos ujeediyana aan wanaag ka
imanaynin Ma Egyihiin isaga iyo ruux fari Caddaalada Jid toosanna ku sugan. (77) Eebaa iska leh waxa ku maqan Samooyinka iyo Dhulka,
Saacadda amarkeeduna ma aha ilbidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebana wax Kasta
wuu karaa. (78) Eebe wuxuu idinka soo bixiyay
Caloosha Hooyooyinkiin Waxba idinkoon ogayn wuxuuna Idiin yeelay Ma- qal iyo
Arag iyo Quluub inaad Ku Shukridaan Eebe. (79) Miyayna arkayn
Shinbiraha loo Sakhiray Hawada samaa, Waxaana Eebe ahayna haynin, taasina
Calaamooyin yaa ugu Sugan Cidii rumayn (Xaqa). (80) Eebe wuxuu
idinka yeelay Guryihiinna xasil (Degaan) wuxuuna idinka yeelay harkaha xoolaha Guryo idiin fudud
maalinta geediga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay Suufkeeda iyo
dhogarta (Geela) iyo
dhogorta (Riyaha)
Alaab iyo Maacuun tan iyo muddo. (81) Eebe wuxuu
idiinka yeelay wuxuu abuuray (Geedaha) hadh, wuxuuna idiinka yeelay Buuraha Dugaal, idiinkana
yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo Qamiis Bireed idinka dhawrta (Dhibka) Dagaalka, saasuuna
idiinku Taamyeeli Eebe Nicmadiisa inaad Islaam noqotaan (Xaqa
raacdaan). (82) hadday
jeedsadaan waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin cad. (83)
way garan Nicmada Eebe wayna dafiri, badankooduna waa Gaalo. (84) (Xusuusi) maalintaan ka soo bixin Umad kasta marag, markaasna aan
loo Idmayn kuwii Gaaloobay cudar daarasho, Lagana doonayn cudur daar. (85) Markay arkan kuwii Dulmi falay Cadaabka Lagama
fududeeyo xaggooda lamana sugo. (86) Markay arkaan
kuwii Gaaloobay shurakadooda waxay dhahaan Eebow kuwaasu waa Shurakadannadii
aannu Caabudi jirray Eebe ka sokow, markaasay ku soo tuureen Hadal ah idinku
Been baad sheegaysaan. (87) Waxayna u
Dhiibaan Eebe Maalintaa Hogaansiga, waxaana ka shuma waxay Been Abuuran jireen.
(88) Kuwii gaaloobay ee ka awday dadka jidka Eebe waxaan ugu
siyaadinnaa Cadaab Korka cadaabka Faasuqnimadooda Darteed. (89) (Xusuusi) Maalintaan ka soo
bixinayno Umad kasta marag Naftooda ah oon ku Keenayno (Nabiyow) Adoo marag ku ah kuwan (Umadaada) Waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah Caddaynta wax kasta iyo
hanuun iyo Naxariis iyo bishaarada dadka muslimiinta ah. (90)
Eebe wuxuu Fari Caddaalad iyo Samafal iyo Wax siinta qaraabada Wuxuuna reebi
Xumaan iyo Munkar iyo Gardarro, Wuuna idin Waanin inaad wax Xasuusataan. (91) Oofiya Ballanka Eebe markaad Ballantantaan hana
burinina Dhaarta ka dib intaad adkayseen ood uga yeesheen Eebe korkiina Kafiil (ilaaliye), Eebana waa
ogyahay Waxaad falaysaan. (92) Hana Noqonina
Sidii tii Burisay (furfurtay) Soohiddii Xoog ka dib furfurid idinkoo ka yeelan
dhaartiina Dhagar dhexdiina ah, inay ahaatay ummad mid ka badan Ummad kale,
Eebe wuu idinku imtixaami (Armakaas) iyo inuu idiin Cadeeyo maalinta Qiyaame waxaad isku
diidanaydeen. (93) hadduu doono Eebe wuxuu idinka
yeeli lahaa umad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu
doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen. (94)
haka yeelanina dhaartiinna dhagar dhexdiinna ah ood markaas simbiriirxataa
gomadi intay sugnayd ka dib ood dhadhamisaan xumaan (Cadaab) ka jeedintiinna dadka jidka Eebe darteed, waxaana idiin
sugnaaday Cadaab wayn. (95) hana ku
gadanina ballanka Eebe qiimo yar (waxba) waxa Eebe agtiisa ah yaa idiin khayrroone haddaad wax
ogtihiin, (96) waxa agtiinna ah wuu dhamaan waxa
Eebe agtiisa ahna wuu hadhi waxaana ku abaal marinaynaa kuwa samra (adkaysta) Ajirkooda midka
ugu fiican ee ay falsayeen. (97) Ciddii camal
fasha wanaag oo Raga ama haweena isagoo mu'mina waxaan noolaynaynaa Nolol
wanaagsan, waxaana ku abaal marinaynaa Ajirkooda waxa ugu Wanaagsan ee ay
falayeen. (98) markaad akhiriyi Quraanka ka magan
gal Eebe shaydaan la dheereeyey. (99) isagu kuma leh
xujo kuwa Rumeeyey xaqa Eebahoodna talo saarta (100)
wuxuuse xujo ku yeeshaa kuwa ka wali yeesha iyo kuwa la wadaajiya Eebe. (101) haddaan ku badallano Aayad meel Aayad kale Eebana
ogyahay wuxuu dejin waxay dhahaan waxaad uun tahay Beenabuurte, badankooduse
wax ma oga. (102) waxaad dhahdaa waxaa ka soo
dejiyey Ruuxii Daabirka ahaa (Jibriil) xagga Eebaha xaqa ah inuu ku sugo kuwii rumeeyey xaqa iyo
hanuun iyo Bishaaro isagoo u ah Muslimiinta. (103)
Waxaan dhab u ognahay inay dhihi Waxaa bara Nabiga Quraanka dad, Carrabkay ku
leexin waa Cajami Kanna waa Lisaan (af carabi) cad. (104) Kuwaan rumayn
Aayaadka Eebe ma Hanuuniyo Eebe Waxayna Mudan cadaab daran. (105) Waxaa uun abuurta Been kuwaan rumayn Aayaadka Eebe
kuwaasuna iyaga umbaa Beenaalayaala. (106) Oo ah kuwa
Eebe ka gaaloobay rumayn ka dib (ee mudan halaag) Ruux lagu Qasbay qalbigiisuna ku Xasillanyahay iimaanka
mooyee, ruuxiise laabtiissu u Waasac noqoto (rumayso) Gaalnimo Waxaa korkooda ah Cadho Eebe, Waxayna Mudan
Cadaab wayn. (107) Arrintaasuna waa inay ka doorteen
Nolosha dhaw (ee adduun)
Aakhiro iyo Inaan Eebe hanuuninayn kuwa gaalada ah. (108)
Kuwaas Eebaa daboolay quluubtooda, Maqalkooda iyo Aragooda waana kuwa uun
Halmaansan (xaqa). (109) Waxaa sugan in kuwaasu aakharo ay Iyagu uun Khasaareen
(110) Eebahaase kuwa Hijrooday intii la fidmeeyey (la dhibay) ka dib markaas
jahaaday oo samray (adkaystay) Eebahaana intaas ka dib waa u dambi dhaafe Naxariista. (111) waana Maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi (Daafici) nafteeda oo loo
Oofin naf kasta waxay fasahay lana duminayn. (112)
Eebe wuxuu tusaale ka yeelay Magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaaddo risqigeedu
(Cunnada) oo barwaaqo ah
meel kasta oo ka Gaalowday Nicmooyinkii Eebe oo Eebe dhadhansiiyey Gaajo
dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed. (113)
waxaa dhab ahaan ugu yimid Rasuul ka mida wayna beeniyeen, waxaana qabtay
Cadaab iyagoo Daalimiina. (114) ee cuna waxa
Eebe idinku Arsuqay ee xalaasha fiicana kuna shukriya Nicmada Eebe haddaad
isaga Caabudaysaan. (115) wuxuu uun
idinka xarrimay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu gawraco
waxaan Magaca Eebe ahayn, ciddii dhibaatoota (Gaajo) iyadoon dulmiyin xadna gudbin Eebe waa dambi dhaafe
Naxariista. (116) ha dhihina wuxuu carrabkiina ku
tilmaani been kani waa xalaal kanna waa xaaraan, inaad ku been abuurataan Eebe,
kuwa ku Been abuurta Eebe ma Liibaanaan. (117) waa Nolol yar (Adduunku) waxayna mudan
Cadaab daran. (118) kuwii Yuhuudoobay waxaan ka
xarrimay waxaan kaaga qisoonay horay, mana aanaan dulmiyin iyagaase naftooda
Dulmiyey. (119) markaas Eebahaa kuwa xumaan ku
fala Jaahilnimo markaas toobadkeena intaas ka dib oo suubiya Camalka eebahaa ka
dib wuu u dhaafi una Naxariisan. (120) (Nabi) Ibraahim wuxuu
ahaa Umad «Khayr Fare» Eebe adeece Xaqa u iishe mana ka mid ahayn Mushrikiinta.
(121) Kuna shukriya Nicmada Eebe wuuna doortay wuxuuna ku
hanuuniyey Jidka Toosan. (122) waxaana siinay
Adduunka wanaag, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa Suuban. (123)
markaas waxaan kuu waxyoonay Nabiyow raac Diinta (Nabi) Ibraahim ee Toosan kama
mid ahayn Mushriikiinta. (124) Sabtida waxaa
uun looyeelay kuwii isku khilaafay, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda
Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafayeen. (125) ugu yeedh
Jidka Eebahaa si xigmada iyo Wacdi fiicana kulana dood sida u fiican, Eebahaana
wuu ogyahay cidda ka dhunta Jidkiisa wuuna ogyahay kuwa Hanuunsan. (126) haddaad wax ciqaabaysaan u Ciqaaba inta laydin
ciqaabay, haddaad samirtaana isagaa u khayr roon kuwa samra. (127) Samir, mana aha samirkaagu dar Eebe mooyee, hana ka
murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay Dhagri. (128)
Eebana wuxuu la jira kuwa dhawrsada wuxuuna la jira kuwa samo fala.
Juz' 15
Al-Israa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyey
Addoonkiisa (Nabiga)
Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan Tusinno
Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka. (2) waxaana siinay
Nabi Muuse kitaabkii (Tawreed) waxaana uga yeellay hanuun BaniiIsraa'iil inaydaan ka
yeelanin wax iga soo hadhay Wakiil. (3) faricii kuwaan
la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuuna ahaa Addoon (Eebe) ee Shugri badan. (4) Waxaan ku (Ogaysiinnay) ugu Waxyoonay
Banii Isra'iil Kitaabka (Tawreed) inaad fasaadinaysaan Dhulka Labo Jeer, isna kibrinaysaan
iskibrin Wayn. (5) Markuu yimaaddo Yabooha (Watiga) midda hore waxaan
idinku soo Bixinaa «Dirraa» Addoomadanada oo Xoog daran leh, dhexgalina (Hanan) Gurya dhexdooda
waana Yabooh la fali. (6) Markaasaan
idinku soo Celinaa Dawladnimada, idinkuna Xoogaynaa Xoolo iyo Caruur idinkana
yeellaa kuwa Tiro badan. (7) Haddaad Samo
Fashaan waxaad u samo fasheen Naftiinna, haddaad Xumaan fashaanna waa uun
Naftiinna, markuu Yimaaddo Yabooha Dambana way Xumeeyaan Wajigiinna iyo inay
Galaan Masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay Damiraan «Tirtiaan»
waxay u Adkaadaan Tirtirid. (8) Waxay u dhawdahay
in Eebihiin idiin Naxariisto, haddaad ku Noqotaanna waannu ku noqon, waxaana
uga yeelnay Jahannamo Gaalada Gogol. (9) Quraankanna
wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay
Mudan Ajir wayn. (10) Kuwaan Rumeynin Aakhirana
waxaan y Darabnay Cadaab Daran. (11) Wuxuu u Yeedhaa
(Baryaa) Dadku Shar siduu
ugu Yeedho «Baryo» Khayrka, Dadkuna waa Deg dege. (12)
Waxaan ka Yeellay Habeenka iyo Maalinta Labo Calaamo, waxaana Tirraa Calaamada
Habeenka, waxaana ka Yeellaa Calaamada Maalinta mid wax Tusisa (Arag) inaad doontaan
Fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta, wax
kastana waxaannu u Caddeynay Caddayn (aada). (13) Ruux kasta
waxaan Laasiminay Camalkiisa (loo Qaddaray) Luquntiisa, waxaana u soo bixinnaa Maalinta Qiyaame Kitaab
uu la kulmi Isagoo fidsan. (14) Laguna Dhihi
akhri Kitaabkaaga isagaa kuugu Filan Maanta Korkaaga Xisaabe. (15) Ruuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii
Dhumana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana
Cadaabno intaan uga soo Dirro Rasuul. (16) Markaan doono
inaan Halaagno Qaryad waxaan farraa kuweeda loo Nicmeeyey «Khayr» markaasay ka
Faasiqoobaan waxaana ku sugnaada Ciqaab waana Tirtirraa Tirtirid (Halaag). (17) Imisaau Halaagnay Quruun (Nabi) Nuux ka dib Eebahaabaana ugu filan Dambiyada Addoomadiisa
Ogaade Arka. (18) Ruuxi dooni Adduunyo waan ugu soo
dedejinaa dhexdeeda waxaan Doonno Ciddaan doonno, markaasaan kayeellaa
Jahannamo mid gala isagoo Caayan oo Dullaysan. (19)
Ciddiise Doonta Aakhiro oo u fala camalkeedii isagoo Mu'mina kuwaas Camalkoodu
wuxuu Noqon mid la Mahdiyo. (20) Dhammaan
waxbaan uga Fidinaa kuwaas (Doona Adduun) iyo kuwaas (Doona aakhiro) siismada Eebahaa, mana aha siismada Eebahaa mid Reeban. (21) Day sidaan uga Fadilnay qaarkood qaarka (Kale) (Addunka) Aakharaase wayn
darajooyin oo wayn Fadilid. (22) Ila Yeelin Eebe
Miciisa Ilaah kale ood noqotid mid Caayan oo la Khasaariyo. (23) Wuxuu Faray Eebahaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo
inaad u samo fashaan Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni
midkood ama Labaduba ha ku Dhihin uf, hana Canaanan una dheh hadal Fiican. (24) Una Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar. (25) Eebihiin wuu ogyahay waxa Natiinna ku Sugan, haddaad
Suubantihiin isagu kuwa Toobad keenka badan wuu u Dhaafaa «Dambiga». (26) Sii qaraabada xaqeeda iyo Miskiinka iyo socdaalka hana
ku xadgudbin bixin Xadgudub (iyo si xun). (27) illeen kuwa ku
xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay. (28) haddaad ka jeedsato xaggooda (wax
la'aan) adoo rajayn Naxariista Eebhaa ood
rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud (fiican). (29) ha ka yeelin
gacantaada mid ku xidhan Luquntaada hana wada fidin dhammaan ood noqoto mid la
dagaalo oo tabar gaba. (30) Eebahaa wuu u
fidiya Risqiga cidduu doono wuuna u qaddaraa «cidhiidhyaa» (cidduu
doono) illeen Eebe Addoomadiisa waa oge
arkee. (31) ha Dilina Caruurtiinna ka Cabsi
Faqri (Saboolnimo)
anagaa Arsaaqayna iyaga iyo idinkaba Dilkooduna waa Gaf wayn. (32) Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune.
(33) Hana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu
dilo Gardarro waxaan u yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa
loo Gargaaraye. (34) Hana u dhawaanina Xoolaha agoonta
sida U fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, Oofiyana ballanka illeen
Ballanka waa lays warsane. (35) Oofiyana kaylka
«beegidda» markaad beehaysaan kuna miisama Miisaan toosan (caadila) Saasaa khayr roon oo Fiican cidhibe. (36)
hana dhihin (Raacraacin)
Waxaadan u Cilmi lahayn, Illeen Maqalka, Araga iyo Qalbigaba waa lays warsane. (37) Hana u soconin Dhulka kibir Illeen ma Jeexi Kartid
Dhulka kumana gaadhaysid Buuraha dherare. (38) Dhammaan waxaasna
Xumaantiisu Eebahaa Agtiisa waa lagu Neceb yahay. (39)
Arrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la
jirkiisa Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu
fogeeyey. (40) ma wuxuu idiin doortay Eebihiin
Wiilal oos ka yeeshay Malaa'igta gabdho idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn.
(41) dhab ahaan waan ku Caddaynay (gagadinay) quraankan (wax badan) inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn. (42) waxaad dhahdaa hadduu la jiro Eebe Ilaah kale siday
sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebaha Carshiga leh jid (Cibaado
ama la mid noqosho). (43) Eebaa ka Nasahan Kana Sarreeya waxay sheegi sarrayn
wayn. (44) waxaa u tasbiixsada (Qaddariya) Eebe Samooyinka
todobada ah iyo Dhulka iyo waxa u dhexecya, waxaan Eebe u Tasbiixsanayn ama ku
mah- dinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebana waa dulsame dambi
dhaafa. (45) markaad Akhriyi Quraanka waxaan
yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab (dayr) asturan. (46) waxaana yeellay Quluubtooda dabool inay kasaan Quraanka
dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebhaana Quraanka kaligis waxay u
jeedsadaan Gadaal iyagoo carari. (47) anagaa og waxay
dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi Daalimiintu Waxaan
Nin sixran ahayn ma raacaysaan. (48) Day siday kuugu
yeelaan tusaalayaal oy U dhumeen oyna u karin jidka Hanuunka. (49) Waxay dhaheen (gaaladii) ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin
Abuur cusub. (50) waxaad dhahdaa noqda dhagax ama
bir. (51) ama khalqi (Abuur) ku wayn laabtiinna, waxayna dhihi yaa na soo eelin ku dheh
Eebihiin idin abuuray markii hore, waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh waa
goorma isagu, waxaad dhahdaa waxaa suurowda inay dhawdahay. (52) waana maalintuu idiin yeedhi Eebe ood maqlaysaan isagoo
mudan Mahad una malaynysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee. (53) waxaad ku dhahdaa Addoomadayda ha dheheen sida u
fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna Dadka col cadbuu u
yahay. (54) Eebihiinna idin og (waxaad tihiin) hadduu doono wuu
idiin Naxariisan, hadduu doonana wuu idin Cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad
wakiil (Ilaaliye u Noqoto). (55) Eebahaana waa ogyahay waxa ku sugan Samooyinka iyo
Dhulkam, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada Qaarkood qaarka (kale) waxaana Siinay
Nabi Daawuud Zabuur. (56) waxaad dhahdaa
u yeedha kuwaad sheeegateen oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan inay idinka
faydaan dhib ama idinka wareejiyaan. (57) kuwaas ay
caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho
waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebana waa
wax laga digtoonaado. (58) Qaryo (Magaalo) Aanaan halaagayn
ma jirto ka hor Qiyaamada ama aan la cadaabayn (Ciqaabayn) cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka (Looxul Maxfuudka). (59) Umana aanaan daynin soo diridda Aayado (Mucjiso) inay beeniyeen
kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud Hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi
faleen (ka gaaloobeen)
Aayadaha waxaan Cabsi galin ahayn uma soo dirro (Dejinno). (60) (Xusuuso) markaan kugo nidhi
Eebahaa wuxuu koobaa Dadka, kamana aanaan yeelin Riyadaan ku tusinay fidmada
Dadka mooyee (Imtixaan) iyo
Geedka lagu lacnaday Quraanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xadgudub
wayn ahayn. (61) (Xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadan oy Sujuudeen
Ibliis moyee, oo yidhi ma waxaan u sujuudi waxaad Abuurtay isagoo dhooba ah, (62) wuxuuna yidhi ka warran kan aad iga sharriftay, haddaad dib ii
dhigto tan iyo Qiyaamada waxaan ka adkaan (Dhumin) Faraciisa wax yar mooyee. (63)
Eebe wuxuu ku yidhi: Tag ciddii ku raacda oo ka midana Jahannamaa Jashiisu
yahay abaal marin dhamaystiiran. (64) ku duufso
ciddaad karto oo ka mida codkaaga kuna soo Jiido fardahaaga iyo lugtaada lana
wadaag xoolaha iyo Carruurta una yabooh, mana yabooho shaydaan waxaan dhagar
ahayn (iyo Baadi). (65) Addoomadayda kuma lihid xujo, Eebahooda waa ku filan
yahay wakiil (Ilaaliye). (66) Eebihiin waa kan
idinku wada doonta (Markabka) badda dhexdeeda inaad doonataan Fadligiisa (Risqi) Eebana waa idiin
Naxariiste. (67) markuu idinku taabto badda dhibna
wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebe mooyee, markuu idiin soo koriyo Barrigana
waad jeedsatan Dadkuna waa Gaalnimo badane. (68)
Miyaad ka Aamin Noqoteen in Eebe idinla Gooyo dhinac Dhulka ka mida, ama idinku
soo diro Dabayl daran markaas aydaan helin Wakiil. (69)
Miyaadse ka Aamin Noqoteen inuu idinku eeliyo (Badda) mar kale oos idinku diro Dabayl (wax
jajabisa) oos idin Maansheeyo gaalnimadiinna
darteed, markaas aydaan u helin wax noo raacda. (70)
dhabbaanu u sharrifnay Binii Aadamka waxaana ku xambaarray Barriga iyo Baddaba
waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxaana ka fadilnay wax badan oo ka mida waxaan
Abuurray fadilaad. (71) (xusuuso) Maalintaan cid
walba ugu yeedhayno Imaamkeeda «Quraanka ama Nabiga» ciddiise laga siiyo
Kitaabkiisa Midigta kuwaasi way akhrin Kitaabkooda lagamana dulmiyo xuub laf
timireed. (72) cidiise Addunka ku indho la' (xaqa diida) aakharana wuu
indho la'aan oo ka dhumi Jidka. (73) Waxay u
dhawaadeen Gaaladii inay kaa Fidmeeyaan waxaan kuu waxyoonay inaad Nagu been abuuratid
wax kale, Markaas ay kaa Yeeshaan Saaxiib. (74) Hadaanan ku
sugin waxaad u dhawaan lahayd inaad u iilato xagooda wax yar. (75) Markaasaan ku dhadhansiin lahayn (Cadaab) Labanlaaban nolosha Adduun iyo Mid labanlaaban Geerida
manahesheen gargaare. (76) Waxayna u
dhawaadeen inay kaa argagixiyaan Dhulka inay kaa bixiyaan Markaas oyna
nagaadeen Gadaashaada wax yar Mooyee. (77) Waana sunnada
Rasuuladaan dirray Hortaa, una heli maysid Sunnadannada Wax dooriya (Leexin). (78) Oog salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga
Habeenka iyo Quraanka (Salaada) waabariga (subaxa) Quraanka waabariguna waa mid la Joogee (Malaa'igta). (79) Habeenkana Tahajud (Qaar tuka) isagoo Dheeraad kuu ah, Waxay u dhawdahay In Eebahaa kuu
soo bixiyo maqaan la Mahadiyo (Shafeecada). (80) Waxaad dhahdaa
Eebow i gali Meel galid run ah, ina bixi bixin runa, iigana Yeel agtaada Xujo
gargaara. (81) Waxaad dhahdaa waxaa yimid Xaqii
Waxaana tirtirmay Baadhilkii, Baadhilkiina wuxuu noqday mid la tirtiro. (82) Waxaana soo dajinaynaa Quraanka Isagoo caafimaad iyo
Naxariis u ah Mu'miniinta, Daalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasare ahayn. (83) Markaan u nicmaynno dadka wuu Jeedsadaa (xaqa ka fogaadaa) Haduu taabto
dhibna wuu quustaa. (84) Waxaad dhahdaa
cid kasta ha ku camal fasho jidkkeda (Diinteeda) Eebihiinbaa og Cidda jidkeedu hanuun badan yahaye. (85) Waxay ku warsan Ruuxda, dheh ruuxdu waa Amarka Eebahay
Cilmina wax yarbaa la idin siiyay. (86) Haddaan doonno
waanu la tagi kaan kuu Waxyoonay (Quraanka) Markaasna uma helaysid Korkannaga wakiil (gargaare). (87) Naxariista Eebahaa Mooyee illeen fadligiisu Korkaaga
waa ku wayn yahaye. (88) Waxaad dhahdaa
hadday u kulmaan Insi iyo Jinni inay la yimaadaan Quraankan oo Kale lama imaan
karaan wax lamida Qaarkood qaar haba caawiyee. (89)
Dhabaan ugu Cadaynay dadka Quraanka Tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday
Gaalnimo mooyee. (90) waxay dheheen Gaaladii )Makaad) ku rumayn mayno
intaad nooga jeexdo Dhulka Ilo (Burqan). (91) ama kuu ahaan Beer
Timir iyo Cinaba ood ku sii dayso dhexdeeda Wabiyo socda. (92)
ama nagaga soo riddid Samada saad sheegatay, Goosimo iyadoo ah, ama u keentid
Eebe iyo Malaa'igta si caddaana. (93) ama ku ahaado
Guri dahaba ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada intaad noogaga
soo dejisid kitaab aan Akhrino, waxaad dhahdaa Eebahaybaa nasahane ma waxaan
bashar (Dad) Rasuula ahayn baan
ahay. (94) Dadka uma diidin inay Rumeeyaan
markuu xaqu u yimid oon ahayn inay dhahaan ma wuxuu soo bixiyaa Eebe Bashar (Dad) ah Rasuullo. (95) waxaad dhadaa hadday Dhulka yihiin Malaa'ig ku
xasilloon (Degan)
waxaan uga soo Dejin lahayn Samada Malag Rasuula. (96)
waxaad dhahdaa Eebaa ugu filan Marag dhedeenna, isaguna waa ogaha arka
Addoomadiisa. (97) Cidduu Eebe Hanuuniyo umbaa hanuunsan,
cidduu Dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo hadhay, waxaana ku soo
kulminaynaa Qiyaamada Wajigooda iyagoo Indho la' oo hadal la' oo Dhaga la',
Hooygooduna waa Jahannamo, markastooy Dantana waxaan u siyaadinaa Shidi (Hurin). (98) taasina waa Abaalkooda ah inay ka gaaloobeen
Aayaadkanaga, oy dheheen markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nala soo bixin
Abuur Cusub. (99) miyeyna ogayn Eebaha Abuuray
Samooyinka iyo Dhulka inuu karo inuu Abuuro wax la mida una yeelo muddo aan
shaki lahayn, wayse diideen Daalimiintii Gaalimo mooyee (wax
kale). (100) waxaad dhadaa
idinku haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Eebahay waad xajisan lahaydeen ka
cabsi faqri, Dadku waa Bakhayl. (101) waxaan dhab u
siinay (Nabi)
Muuse sagaal Aayadood (Mucjiso) oo cad cad ee warso Binii Israa'iil markuu u yimid oo ku
yidhi Fircoon waxaan kuu malayn Muusow mid la sixray. (102)
wuxuuna yidhi (Nabi Muuse) waad
ogtahay inuusan soo dejinin kuwaan waxaan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ahayn
iyagoo xujooyin ah, anna waxaan kuu malayn Fircoonow mid la halaagi. (103) markaasuu doonay fircoon inuu ka kaxeeyo Dhulka
markaasaan Maansheynay isagii iyo intii la jirtay dhammaan. (104) waxaana ku nidhi gadaashiis Banii Isra'iil dambane
waanu idin keeni dhamaan. (105) xaqbaana ku
soo dejinay Quraanka xaqbuuna ku soo degay, waxaana ku dirray adoo Bishaareeye
u diga ah,. (106) waana Quraan oon u kala bixinnay (soo dejintiisa) inaad ku akhrido
dadka kaadsiinyo, waana soo dejinay soo dejin Qaar Qaar ah. (107) waxaad dhahdaa rumeeya Quraanka ama ha rumeynina kuwa
la siiyey cilmiga (kuwa fiican) marka lagu akhriyo korkooda waxay u dhacaan wajiga iyagoo
Sujuudi, (108) waxayna dhihi waxaa Nasahan
Eebahanno ee yabooha Eebahanno waa la fali (Imaan). (109) waxayna u
dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u kordhiyaa «Quraanku» Khushuuc. (110) waxaad dhahdaa ama ku barya Ilaah, ama ku barya
Raxmaan wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican, ee ha la
qaylyina Akhriskaaga (salaadda) hana qarsan ee doon jid u dhexeeya Arrintaas
«dhexdehexaad». (111) waxaadna dhahdaa mahad Eebaa iska
leh een Yeelanin Ilmo, una signayn shariig xukunkiisu (lawadaage) una sugnayn gargaare dulli dartiis (uga
gargaare) ee waynee waynayn (Sharrif).
Al-Kahf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) Mahad Eebaa iska leh
Eebaha ku soo Dejiyey Addoonkiisa (Nabi Muxamad ah) Kitaabka (Quraanka) oon yeelinna Dhexdiisa Qallooc. (2)
Waana Toosanyahay si uu ugaga Digo Ciqaab daran oo Eebe Xaggiisa ka ahaatay,
uguna Bishaareeyo Mu'miniinta fala Wanaagga inay Muteen Ajir Fiican. (3) Kuna Nagaanayaan (janada) Waligood. (4) Ugana Digo kuwa
Yidhi wuxuu yeeshey Eebe Ilmo. (5) Uma laha wax
Cilmi ah iyaga iyo Aabayaalkood midna, waxaana waynaatay Kalimad ka soo Baxday
Afafkooda, mana dhahayaan waxaan Been ahayn. (6)
Waxaad u Dhawdahay inaad ku (Halaagto) Naftaada Nabiyow Raadkooda (gadaashooda) haddayna rumeyn Quraankan, walbahaar dartiis. (7) Waxaan ka yeellay waxa Dhulka Korkiisa ah Quruxdiisa, si
aan u Imtixaanno Midkooda Fiican-Camal. (8) Waxaana ka
yeelaynaa waxa korkeeda ah Bannaan aan wax ka soo Bixin. (9) Ma
waxaad u malaysay Nabiyow Godkii Asaxaabtiisii (Dadkiisii) iyo Kitaabkii (iyo Looxii) inay ugu yaab badantahay Aayaadkanaga. (10) Waa markay u Dummeen Dhallinyaradu Godka oy dhaheen
Eebow naga sii Agtaada Naxariis noona Darab Amarkanaga Hanuun. (11) Markaasaan ku Siidaynay Hurdo Godka dhexdiisa Sanooyin
Badan. (12) Markaasaan soo Bixinnay si aan u
Muujinno Labada Xizbi midkooda Kobid Badan intay Nagaadeen Muddo. (13) Anagaa kaaga Qisoon warkooda si Xaq ah, waxay ahaayeen
Dhallinyaro rumeeyey Eebehood, waxaana u siyaadinay hanuun. (14) waxaan xoojinay (oon adkayna) quluubtooda, oyna dhaheen Eebehanno waa Eebeha Samaawaadka
iyo Dhulka, baryinamayno (Caabudimayno) Ilaah ka soo hadhay, waxaan ku hadalay markaas hadal Xun (oo baadil ah). (15) Kuwaasu waa qoomkanagii waxay yeesheen Eebe ka sokow
ilaahyo, mey u keenaan korkooda wax xujo cad ah, yaase ka dulmi badan ruux ku
abuurtay Eebe dushiisa been. (16) markaad ka
fogaataan gaalada iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay u dunma godka wuxuu
idiin fidin Eebihiin naxariise idinkanadarbi amarkiinna waxaad ku istareexdaan
kuna kala saartaan xumaanta iyo wanaagga. (17) waxaad arkaysaa
Qorraxda oo markay Dhalato uga iilan Godkooda xagga Midig, markay dhicina ka
Gooyn xagga bidix iyagoo ku sugan Meel Waasac ah oo Godka, taasina waxay ka mid
tahay Aayaadka Eebe, Ruuxuu hanuuniyo Eebe unbaa hanuunsan, Ruuxuu Dhumiyana u
helimaysid Gargaare hanuuniya. (18) Waxaad u malayn
inay soo jeedaan iyagoo Jiifa, waxaana u gagadin Midig iyo Bidix, Eygoodiina
wuxuu ku fidin Dhudhumadiisa Albaabka, haddaad aragto waad ka jeedsanlahayd,
adoocarari waxaana lagaa buuxinlahaa Xagooda Argagax. (19)
Saasaana u soo bixinay inay is warsadaan dhexdooda, wuxuu yidhi mid ka mid ah
imisaad nagaateen, waxay dhaheen waxaan nagaannay Maalin ama maalin qaarkeed,
waxay dhaheen Eebeheenbaa og waxaad nagaateen ee ladira midkiin lacagtan xagga
Magaalada, hana soo fiiriyo Cid Cunno xalaalaysan * hana idiinka Keeno Rizqi hana
isqariyo (oo istartiibiyo)
yuuna idin ogeeysiin xaggooda ruuxna. (20) iyagu hadday
idin arkaan way idin dhagaxyeyn, ama idinku Celin diintooda mana Liibaanaysaan
markaas waligiin. (21) Saasaan u
daalacsiinay (u tusinay)
Dadka si ay u ogaadaan in yabooha Eebe Xaq yahay, saacadda (qiyaamana) aan shaki ku jirin (waxaan tusinay) markay ku murmeen dhexdooda amarkooda, oy (isku) dhaheen ka dhisa
korkooda dhismo, Eebahood baa og iyagee, waxay dhaheen kuwii ku reeyey
amarkooda aan ka yeelano korkooda Masaajid. (22)
waxay dhihi waxay ahaayeen saddex waxaana afreeyey Eygoodii, waxay dhihi waxay
ahaayeen shan waxaana lixeeyey eygoodii iyagoo iska gani wax maqan (iska dhihi cilmi la'aan) waxay dhihi waxay
ahaayeen todobo waxaana siddeedeeyey eygoodii, waxaad dhahdaa Eebahay baa og
tiradooda, mana oga wax yar mooyee, ee ha kula murmin xaalkooda muran muuqda oo
fudud mooyee, hana waydiin xaggooda Ruuxna. (23)
ha ku dhihin shaygaasaan fali barii. (24) (adoon dhihin) hadduu doono Eebe,
xusna Eebahaa haddaad halmaanto, waxaadna dhahdaa wuxuu u dhawyahay inuu igu
hanuuniyo Eebahay wax ka dhaw kaas oo toosni ah. (25)
waxay ku nagaadeen godkoodii seddex boqol oo sano waxayna siyaadsadeen sagaal. (26) waxaad dhahdaa Eebaa og waxay nagaadeen waxaa u
sugnaaday waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, arki ogaa oo maqli ogaa Eebe,
umana sugnaanin Dadka isaga ka sokow gargaare lamana wadaajiyo xukunkiisa
Cidna. (27) akhri (oo
raac) waxa laguu waxyooday oo kitaabka
Eebahaa ah, wax baddali kalimooyinkiisana ma jiro, mana helaysid wax ka sokeeya
ood magangashid. (28) ee ku samirsii naftaada la
jirka kuwa baryaya Eebahood aroor iyo galabba, iyagoo dooni wajigiisa, yeyna ka
iilanin Indhahaagu xagooda adoo dooni quruxda nolosah dhaw (ee
aduun) hana adeeein ruuxaan halmaansiinnay
qalbigiisa Xusiddanada oo raacay hawadiisa uuna ahaaday amarkiisu xadgudub (iyo Xumaan). (29) waxaad dhahdaa xaqu Eebihiin buu ka ahaaday ee ciddii
doonta ha gaalowdo, anagu waxaan u darabnay daalimiinta naar oy koobtay iyaga (barxadeedu) iyo darbigeedu,
hadday kaalmo warsadaanna waxaa, loogu kaalmeeya biyo daamuur oo kale ah oo
duba wajiyada iyagaa u xun cabbid iyadaana u xun dangiigsi. (30) Kuwa rumeeyey (Xaqa) oo camal fiican falay annagu ma hallayno Ciddii Wanaajisa
Camalka. (31) Kuwaas waxay mudan janada Cadnin oo
dureeri Dhexdeeda Wabiyaal, looguna Labisi Dhexdeeda Jijimo Dahab ah, una
xidhay Maryo Caggaaran oo Xariir Jilicsan iyo mid adagba, waxayna ku Dangiigsan
dhexdeeda Sariiro korkood, waa abaal marin Fiican una Wanaagsan meel lagu (istareexo) laguna nasto. (32) Uga yeel tusaalc Labo Nin oon u yeellay Midkood Laba
Beerood oo Cinab ah, kuna koobnay Timir yeellayna Dhexdeeda Tallaal (beer). (33) Labada Beeroodba oy keentay Cunnadeedii, oyna waxba
Nusqaamina, oon kana Dhambalay dhexdeeda Wabiyo. (34)
Midhana uu leeyahay oo markaas ku yidhi Saaxiibkiis asagoo hadalka ku celcelin
anaa kaa Xoolo badan Kaana Tol badan. (35) Wuxuu galay
Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yidhi uma malaynayo inay Halaagsami
Waligeed. (36) Umana Malaynayo in Saacadda (Qiyaame) kici, haddii lay
celiyo Xagga Eebahayna waxaan ka heli mid ka khayrroon Noqoshada. (37) Wuxuu yidhi saaxiibkiisii isagoo la hadli ma waxaad ka
gaaloowday Eebaha kaa Abuuray Carro, hadana dhibic markaas ku ekeeyey adoo nin
ah. (38) hasa yeeshee ilaahay waa Eebahay
lana wadaajiin maayo Eebahay (cibaadada) cidna. (39) maxaadan
markaad gasho beertaada u dhihin wuxuu doone Eebe*, xoog ma jiro Eebe mooyee,
haddaad aragtay anoo kaa yar adiga xoolo iyo Caruurba. (40)
wuxuu u dhawyahay Eebehay inuu i siiyo wax ka khayr badan Beertaada, kuna diro
korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiririxoodo. (41) ama ahadaan biyaheedu kuwa gudha oodan karin doonid (soo celin). (42) waa la koobay midhihiisii (la
halaagay) oo ahaaday kii gaddin gaemihiisa wuxuu
ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalleytee maanan la
wadaajin Eebahay Cidna. (43) uma ahaanin
koox u gargaarta oo ka soo hadhay Eebe mana aha mid gargaarta. (44) halkaas (qiyaamada) yey awoodu u ahaan Eebaha xaqa ah, isagaana khayrroon abaal
marin khayrroonna cidhib. (45) uga yeel
Nabiyow tusaale nolosha Adduunyo Biyo oo kale oon ka soo dejinay samada oo isku
darsamay waxa ka soo baxay dhulka oo markaas noqday ingayg kala firdhiso
dabayluhu, wuxuuna ahaaday Eebe kii wax kasta kara. (46)
xoolaha iyo wiilashu (caruurtu) waa quruxda nolosha adduunyo, kuwa hadha ee wanaagsan yaa
ku khayrroon Eebahaa agtiisa abaalmarin una khayrroon yididiilo (camalka fiican). (47) xus maalinta aannu kaxayn buuraha ood arkayso dhulka oo
muuqda, oon soo kulminay dadkii oonan ka tagin cidna. (48)
waxaana loo banbhigi dadkii Eebahaa iyagoo saf ah, dhab ahaan yaad noogu
timaadaan saan idiin abuuray markii horaba (yaa lagu dhihi) waxaadse sheegateen inaanaan idiin yeelayn ballan
«kulama». (49) waxaana la dejin (keeni) Kitaabkii (camalka) waxaadna arkaysaa
dambiilayaashii oo ka cabsan waxaa ku sugan oo dhihi halaaganee muxuu leeyahay
kitaabkan oosan uga tagayn wax yar iyo wax wayn ee uu koobay wayna heli waxay
camal faleen oo jooga, manadulmiyo Eebahaa cidna. (50) (xusuuso) markaan ku nidhi
Malaa'igta u sujuuda Aadam, oo ay sujuudeen Ibliis mooyee, wuxuu ka mid yahay
Jinniga wuxuuna ka faasiqoobay (baxay) amarka Eebe, miyaad ka yeelanaysaan isaga iyo faraciisa
gargaare ani ka sokow iyagoo col idiin ah, waxaa u xun daalimiinta badelkooda (ibliis). (51) maraga ugama dhigin kuwaas abuurka Samooyinka iyo
dhulka iyo abuurka Naftooda, mana ihi mid ka yeelan baadiyayaalka kaalmo. (52) (xusuuso) maalinta Eebe dhihi u yeedha kuwaad ila wadaajiseen (Cibaadada) ood sheegteen (adduunka) markaasay u
yeedheen mana ajiibin (u jawaabin) waxaana yeellay dhexdooda Meel halaag. (53) waxayna arkaan dambiilayaashu naarta waxayna yaqiinsan
inay ku dhici mana helayaan xageeda meelay uga iishaan. (54)
dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen
dadkii kuwo muran badan. (55) wax ka reebay
dadka inay rumeeyaan markuu u yimid hanuunku oy dambi dhaaf warsadaan Eebahood
ma jiro oon ahayn (sugid) inay u timaaddo waddadii kuwii hore, ama ugu yimaaddo
cadaab caddaan. (56) mana dirro rasuullada iyagoon
bishaaraynneyn oon digayn, waxayna ku murmi kuwii gaaloobay xumaan inay ku
buriyaan xaqa, waxayna ka yeesheen aayaadkeygii iyo wixii loogu digay jeesjees.
(57) ruuxna kama dulmin
badana cid lagu waaniyey aayaadka Eebihiis markaas ka jeedsaday xageeda oo
halmaamay waxay hormarsadeen gacmihiisu, waxaan yeellay quluubtooda dabool
inayan fahmin quraanka dhagahooda culays haddaad ugu yeedho hanuunkana ma
hanuunayaan waligood. (58) Eebahaa waa
dambi dhaafe naxariisleh hadduu u qaban dadka waxay kasbadeen (oo xumaan) wuxuu u dadajin
cadaabka, waxayse leeyihiin ballan oyna helayn meelay uga iishaan. (59) taasi waa magaalooyinkii oon halaagnay markay dulmi
faleen waxaana u yeellay halaagoodii ballan (waqti). (60) (xusuuso) markuu ku yidhi (Nabi) Muuse yarkiisii (ardaygiisii) ma joogayo intaan
ka gaadho kulanka labada Badood, amaan socdo muddo. (61)
markay gaadheen kulankooda waxay halmaameen kalluunkoodii oo ka dhigtay
waddadiisa badda dhexdeeda Godoo kale. (62) markay
tallaabeen yuu ku yidhi khaadimkiisii ina sii qadadeenna waxaan kala kulannay
safarkeenna daale. (63) wuxuu yidhi (yarkii) ka warran markaan
u dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon shaydaan
ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab. (64) wuxuu yidhi (Nabi Muuse) kaasi waa kaan doonaynay, waxayna ku noqdeen raadkoodii
iyagoo raaci. (65) waxayna ka heleen addoon ka mid ah
addoomadanada oon siinay naxariis agtanada ah ka barneyna agtanada cilmi. (66) wuxuu ku yidhi muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid
waxa lagu baray oo hanuun ah. (67) wuxuuna ku
yidhi (Khadir)
adigu ma karaysid la jirkayga samir. (68) seed ugu samri
waxaadan koobin cilmi (aqoon). (69) wuxuu yidhi (muuse) waad i heli hadduu
Eebe doono mid ku samra oon kuguna caasiyin arrin. (70)
wuxuu yidhi haddaad i raacdo hay waydiinin waxba intaan kaaga sheego (warramo). (71) way tageen intay ka koreen markab oo uu rujiyey (loox) markaas uu yidhi
ma waxaad u rujisay inaad dadkeeda maansheyso waxaad la timid arrin la kahdo. (72) wuxuu ku yidhi miyaanan ku dhihin adigu ma karaysid la
jirkayga samir. (73) wuxuu yidhi (muuse) ha iiqabanin waxaan halmaamay hana igu mashaqayn amarkayga
si dhib ah. (74) way tageen
intay kala kulmaan wiil (yar) markaasuu dilay, markaasuu yidhi Muuse ma waxaad dishay
naf daahir ah oon naf dilin, waxaad la timid shay la kahdo.
Juz' 16
(75) wuxuu
yidhi miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir. (76) wuxuu yidhi haddaan ku warsado wax tan dabadeed hayla
saaxiibin waxaad gaadhay garowsho xaggayga ahe. (77)
way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen
inay martigaliyaan waxayna heleen darbi dooni inuu dumo markaasuu joojiyey
wuxuuna yidhi haddaad doonto waxaad ka yeelan lahayd ujuuro. (78) wuxuu yidhi kan
waa kala tagii dhexdeenna, waxaana kaaga warrami fasiraadda waxaadan karin
inaad ku samirto. (79) markabka waxaa
lahaa masaakiin ka shaqqeeya badda waxaana doonay inaan Ceebeeyo waxaana ahaa
hortooda xaakim ka qaata doon kasta (oo fayow) dhaca. (80) Wiilkana waxay
ahaayeen labadiisii waalid mu'miniin waxaana ka cabsannay inuu ku mashaqeeyo
xadgudub iyo (gaalimo). (81) waxaana doonnay inuu ugu badalo Eebahood mid ka
khayroon daahirnimo iyo u dhawi naxariis. (82) darbigana waxaa
leh labo wiil oo agoon ah oo magaalada, waxaana hoostiisa ah kansi ay leeyihiin
wuxuuna ahaa aabahood mid suubban, wuxuuna doonay Eebahaa inay gaadhaan
xooggooda lana baxaan kansigooda naxariista Eebahaa dartiis, uma falin
rayigayga kaasi waa fasirka waxaadan karin samirkiisa*. (83)
waxay ku warsan Dul qarnayn xaggiisa waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin
xaggiisa war (waxyi). (84) a nagaa makaninay (siinnay) xukun dhulka waxaana u sinnay wax kasta sabab (cilmi). (85) wuxuuna raacay waddo. (86) markuu
gaadhay qorrax u dhacna wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah (muuqaalka) wuxuuna ka helay
agteeda qoom, waxaana nidhi Dul qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato
wanaag. (87) wuxuuna yidhi ruuxii dulmi fala
waannu cadaabi (ciqaabi)
markaasaa loo celin Eebihiis wuuna cadaabi cadaab daran. (88)
ruuxiise rumeeya oo fala wanaag wuxuu mudan abaal fiican waxaana u dhihi
amarkannaga fudayd. (89) markaasuu
raacay waddo. (90) markuu gaadhay qorrax ka soo baxna
wuxuu helay iyadoo ku soo baxda qoom aanaan yeelin sokeydeeda asturaad. (91) waa sidaas, waxaana ku koobnaa waxa agtaada ah
ogaansho. (92) markaasuu raacay waddo, (93) markuu gaadhay labada xidhmo dhexdooda wuxuu ka helay
hortooda qoom aan garanayn hadal (af gaar ah k u
hadla). (94) waxayna dheheen
dul qarnaynow yaajuuj iyo maajuj waxay fasaadin dhulka ee ma kuu yeellaa ujuuro
inaad yeesho dehxdanada xidheen jidaar. (95) wuxuu yidhi
wuxuu imakaniyey (isiiyey)
Eebahay yaa ka kjayrroon ee iigu caawiya xoog aan yeelo dhexdiinna xidheene. (96) i siiya goosimo bir ah, markuu ekeeyey labada dhinac
dhexdooda wuxuu yidhi afuufa markuu ka yeelay dabna wuxuu yidhi i siiya aan ku
shubee maar la dhalaaliyey. (97) mana karayaan
inay ka soo kor baxaan (ka soo dhacaan) mana karayaan inay duleeliyaan. (98)
wuxuuna yidhi kan
waa naxariis Eebahay, Markuu yimaaddo yabooha Eebahayna wuxuu ka yeela burbur,
yabooha Eebahayna waa zaq (sugan). (99) waxaana ka
yeeli qaarkood maalintaas kii qaarka (kale) dhexgali waxaana la afuufaa suurka waana soo kulminnaa
kulmin. (100) waxaana u bandhigaynaa jahannamo
maalintaa gaalada bandhig. (101) waana kuway
indhahoodu yihiin dabool dhexdiis xagga xuskayga mana aha kuwo kara (maqalka) xaqa. (102) ma waxay u maleeyeen kuwii gaaloobay inay ka yeesheen
addoomadayda iga sokow awliyo (oy caabudaan) waana u darabnay jahannamo gaalada dagid. (103) waxaad dhahdaa ma idiin warramaa kuwa khasaaro badan
camallo. (104) waa kuwuu dhumay camalkoodu
nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay wanaajin camalka. (105)
kuwaasu waa kuwa ka gaaloobay aayaadka Eebahood iyo la kulankiisa oo buray
camalkoodu umana joojinno maalinta qiyaame miisan «qiimana ma leh». (106) kaasina waa abaalkoodii jahannamo gaalnimadooda
darteed, waxayna ka yeesheen aayaad kayga iyo rasuulladayda jeesjees. (107) kuwa rumeeyey (xaqa) oo fala camal fiican waxay u ahaatay jannada firdowso
degid, (martiqaad). (108) wayna ku waari dhexdeeda mana doonaan inay xaggeeda ka
wareegaan (guuraan). (109) waxaad dhahdaa hadday u noqoto badda khad kalimooyinka
Eebahay waxaa dhammaan lahaa badda ka hor dhammaanshaha kalimaadka Eebahay
aaban keenno isagoo kale (oo siyaadin ah). (110) waxaad dhadha
waxaan uun ahay anigu bashar (dad) idinkoo kale ah, waxaa laywaxyooday in uun yahay ilaahiin
ilaah kaliya, ruuxiise dooni la kulanka Eebihiis ha falo camal fiican, yuuna la
wadaajinna cibaadada Eebihiis cidna.
Maryam
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waa la soo sheegay kuwo
lamid ah. (2) (kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye. (3) markuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah. (4) yidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu
la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara. (5) anigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna
waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad). (6) i dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii
yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo. (7)
zakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u
yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah). (8) wuxuu yidhi
Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka
gaadhay waynida gabow. (9) wuxuu yidhi waa
saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon
ahayn waxba. (10) wuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa
inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo
fayow). (11) markaasu ugaga soo
baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo
galabba. (12) (waxaa
loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay
xigmo isagoo yar. (13) iyo naxariis
agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade. (14)
iyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah. (15)
nabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo
maalinta la soo bixin isagoo nool. (16) (ku xusuuso) kitaabka maryama
markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari
ah, (bariga qudsi). (17) oyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda
ruuxannagii (jibriil), oo
isugu shabahay dad eg. (18) una tidhi anigu
waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade. (19)
kuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir
ah., (20) waxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil
anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo). (21) wuxuuna yidhi
waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u
fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah
waana arrin la xukumay (dhammeeyey). (22) way xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay
meel dheer (durugsan). (23) waxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna
tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga
tago. (24) wuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha
murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar). (25) una gilgil
xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane. (26) ee cun oo cab
qabowsana il (farax)
haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u
soomi oonan la hadlin maanta cidna. (27) waxayna ula
timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la timid
wax wayn. (28) haruun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa
ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo). (29) wayna u
ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan
Sariirilmood isagoo yar. (30) wuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay
addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi. (31)
wuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay
salaadda iyo zakada intaan noolahay. (32) wuxuuna iga
yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun. (33)
nabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo
maalinta laysoo bixin anoo nool. (34) kaasi waa Ciise
ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin. (35)
kuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun
«amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan. (36) Ilaahay waa
Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane. (37)
wayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii
gaaloobay kulan maalin wayn. (38) maqli ogaa oo
arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku
suganyihiin baadi cad. (39) uga dig iyaga
maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn.
(40) annagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana
laydiin soo celin. (41) ku sheeg
kitaabka (nabi)
Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah. (42) markuu ku yidhi
aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana qeeqayn
waxba. (43) aabow aniga waxaa ii yimid cilmi
waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa). (44) aabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay
Eebaha Rasmaan ah caasi. (45) aabbow anigu
waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto
shaydaan qaraabo. (46) wuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici
adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag
waligeed. (47) wuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi
dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste. (48)
waana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay,
waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku
xumaada (khasaara). (49) markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka
soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi.
(50) waxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa. (51) ku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah. (52) waana
uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
(53) waxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo
nabi ah. (54) kuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu
ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah. (55)
wuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe
agtiisa lagaga raalli yahay. (56) kuna sheeg
kitaabka (nabi)
Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah. (57) waxaana u
koryeellay meel sare. (58) kuwaas waa
kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan
xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo
kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha
Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi. (59)
waxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu
doonto (oo xun)
waxayna la kulim sharr. (60) cidda toobad
keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada
lagamana dulmiyo waxba. (61) jannooyinka
cadnin (yey gali) ee
ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan
yaboohiisu kii yimaadda. (62) kuma maqlaan
dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan
rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba. (63) taasi waa
jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada. (64) kuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday
waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana
aha Eebahaa mid halmaansan. (65) waa Eebaha
samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma
u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca). (66) wuxuu dhihi
dadkii (gaalka) ma
markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool. (67) miyuuna
xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn. (68) Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo
shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya. (69) markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu
daran madax adayg (gaalimada). (70) annagaa og kuwa
mudnaan badan galidda naarta. (71) cid idinka mid
ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax
go'an oo xukuman. (72) Markaas
waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo
Jilbo u Fadhiya. (73) marka lagu akhriyo korkooda
aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada
kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi). (74) badanaa intaan
halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba. (75) waxaad dhahdaa
ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu
gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar
junuud (ciidamo). (76) wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha
ee suuban (camalka) yaa
khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo. (77) ka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa
lay siin (aakhiro)
xoolo iyo carruur. (78) ma wuxuu
daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan. (79) saas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u
fududaynaa (kordhin)
cadaabka fidin. (80) waana dhaxlaynaa wuxuu sheegi
wuxuuna noo imaan kali. (81) waxay yeesheen
Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar). (82) saas ma aha ee
waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col). (83) miyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy
boorrin (baadiyeyn)
baadi. (84) ee ha ku degdegin korkooda, waannu
uun u tirin tirec. (85) xusuuso
maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah. (86) oon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo
aroora. (87) mana hantaan shafeeco cid ka
yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee. (88)
waxay dheheen (gaaladu)
wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo. (89) waxaad la
timaadeen wax wayn. (90) oy u dhawdahay
samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur. (91) inay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo. (92) kuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo. (93) wax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe
isagoo Addoona. (94) wuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro.
(95) Dhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali
ah. (96) kuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican
falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl. (97)
waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka
kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo
xun). (98) Badanaa intaan
halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod.
Taa-Haa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Dhaahaa (Nabiyow) micna kalana (2) maanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto. (3) waase waanada Ciddii cabsan. (4)
waana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare. (5) Eebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta). (6) waxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan
iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka. (7)
haddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
(8) Eebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday
Magacyo Fiican. (9) ma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (10) markuu arkay Dab oo u yidhi Ehelkiisa Nagaada (suga) Anigu waxaan Arkaa
Dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno Dhuxul ama aan ka helo Dabka
korkiisa Cid wax tusisa. (11) markuu yimid (Muuse) Dabkii waxa loogu
Dhawaaqay Muusow. (12) anigu waxan ahay
Eebahaa ee Siib Kabahaaga Adigu waxaad ku sugantahay Toggii Daahirnaa ee Dhuwa.
(13) anaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon. (14) Anigu waxaan ahay Alle Ilaah (kalana) ma jiro Ani mooyee ina Caabuda, Oogna Salaadda Xuskayga. (15) Saacadda (Qiyaame) way imaan waxaana u Dhawayahy inaan Qariyo in laga Abaal
mariyo Naf kasta waxay Camal Fashay. (16) ee Yuusan kaa
lilin Xaggeeda Ruuxaan Rumeyn Saacadda, raacayna Hawadiisa (Xun) ood Halaagsanto. (17) waa maxay Taas
midigtaada ku Jirta Muusow (ogaal waydiin). (18) wuxuu yidhi
iyada waa Ushaydii waa Cuskadaa Korkeeda waxna waan ugu Lulaa Adhigayga Dana
kalana waa iigu sugnaadeen. (19) wuxuu yidhi (Eebe) Tuur Usha Muusow. (20) wuuna Tuuray waayna soo baxday Mas Ordi. (21) wuxuuna yidhi (Eebe) Qaad hana Cabsanin waxaannu ku celin Xaalkeedii Horce. (22) U Dum Gacantaada Garabkaaga waxay soo Bixi iyadoo Cad
Xumaan la'aan, waana Calaamad kale. (23) Inaan ku
tusinno Aayaadkanaga wey. (24) ee Aad xagga
Fircoon wuu Xadgudbaye (Kibray). (25) wuxuu yidhi (Muuse Eebow ii waasici Laabta. (26)
iina Sahal (fududee)
Amarkayga. (27) Furna Guntinta Carrabkayga. (28) ha Kaseen Hadalkeygee. (29)
Iina yeel Wasiir Ehelkeyga ah. (30) Haaruun
Walaalkay. (31) Kuna adkee «Xooji» Tabartayda (Dhabarkayga). (32) Lana wadaaji Amarkayga. (33)
Inaan kugu Tasbiixsanno wax badan. (34) oon ku Xusno
wax badan. (35) Adugu waxaad tahay mid na Arkee. (36) Wuxuu yidhi (Eebe) waa lagu siiyey Warsigaagii Muusow. (37)
Waana kugu Mannaysannay Wanaag (ku siinay) korkaaga markale. (38) markaan u waxyoonay
Hooyadaa (ku ilhaamay)
wixii lagu ilhaameeye. (39) ku Tuur Muuse
Taabud, kuna tuur Taabuudka Hirka Badda, Hirkuna ha ku rido Xeebta, waxaa
qaadan Colkayga iyo Colkiisa (Fircoon), waxaana kugu tuuray Jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu
barbaariyo Ilaalintayda. (40) (waxaan kugu Mannaysanay) markay Socotay
Walaashaa oy lahayd maydin tusiyaa Ruux idiin Dhaqaalayn waxaana Kugu eelinay
Hooyadaa si ay u qabowdo isheedu, oyna Murugoon, waxaadna Dishay Naf waana kaa
korinay walbahaar, waana ku Imtixaanay Imtixaan, waxaadna ku nagaatay Sanooyin
Ehelkii Madyan, markaasaad ku timid Qaddar (Eebe) Muusow. (41) waxaana kuu
doortay Naftayda. (42) ee La taga
Adiga iyo Walaalkaa Aayaadkayga hana ka daalina Xuskayga. (43)
Aad Xagga Fircoon wuu Xadgudbaye. (44) una dhaha Hadal
Jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama Cabsado. (45)
waxay dheheen Eebow waxaannu ka Cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo. (46) wuxuu yidhi (Eebe) ha Cabsanina anaa idinla jira waana Maqli oon Arkaa. (47) ee u Taga (Fircoon) una dhaha annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebahaa ee Dir (u daa) Banii Israa'iil
hanala jireene, hana Cadaabin (Ciqaabin) waxaan kuula nimid Aayad xagga Eebahaa, nabadgalyana ha
ahaato Tuuxii raaca Hanuunka. (48) Annaga waxaa
Naloo Waxyooday in Cadaab u Sugnaaday Ruuxii Beeniya (Xaqa) oo Jeedsada. (49) Wuxuu Yidhi (Fircoon) waayo Eebihiin
Muusow. (50) Wuxuu yidhi (Muuse) Eebahanno waa kan
Siiya wax kasta Abuurkiisa oo Toosiyey. (51) Wuxuu yidhi (Fircoon) Sidee Yahay
Xaalkii Quruumihii hore. (52) Wuxuu Yidhi (Muuse) Cilmigoodu waa
Eebe Agtiis Kitaab aan ka dhumeyn Eebe uuna Halmaameyn. (53)
Waa Eebaha ka yeelay Dhulka Gogol, oo idinka bixiyey Dhexdeeda Waddooyin oo
idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Noocyo Doog ah oo kala
Tagsan. (54) ee Cuna oo Daajiya Xoolihiinna,
Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh. (55)
Xaggeedaan (Dhulka)
idinka Abuuray, Dhexdeedana idinku Celin, Xaggeedaana Laydinka soo Bixin Mar
Kale. (56) Waxaan Dhab ahaan u Tusinay (Fircoon) Aayaadkanaga Dhamaan,
wuuna Beeniyey oo Diiday. (57) Wuxuu yidhi (Fircoon) Ma waxaad noola
timid Inaad nagaga Bixiso Dhulkanaga Sixirkaaga Muusow. (58)
Waxaannu kuula imaanaynaa Sixir la mid ah ee mooyeel Dhexdeenna Balaan aynaan
Baajinayn anaga iyo Adigu, Meel eg (La yaqaan). (59) Wuxuu yidhi (Nabi Muuse) Ballankeennu waa
Maalinta Quruxda (Kulankooda)
waana in la soo kulmiyo Dadka Barqin. (60) Wuuna jeedsaday
Fircoon wuxuuna kulmiyey Dhagartiisii wuuna yimid. (61)
Wuxuu ku yidhi Muuse Magaciin be ha ku Abuuranina Eebaha korkiisa Been oos
idinku Halaago Cadaab, waxaana Khasaaray Ruuxii Been Abuurta. (62) Waxayna ku Doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen. (63) Waxayna dheheen Labadani waa Saaxirro waxayna dooni
inay Idinkaga Bixiyaan Dhulkiinna Sixirkooda oy la tagaan Dariiqadiinna (Sharaftiinna) Fiican. (64) ee Kulmiya Dhagar (tiinna) Imaadana idinkoo Saf ah waxaa Liibaanay Maanta Ciddii
Sarreysee. (65) waxay dheheen Muusow ama Tuur Usha
ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura. (66) wuxuu yidhi (Muuse) bal Tuura waxaana
soo baxay xadhkahoodii iyo Ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi.
(67) wuxuuna ka kasay naftiisa Cabsi Muuse. (68) waxaana nidhi ha Cabsan adigu adaa Sarreyne. (69) Tuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay
sameeyeene, waxay uun sameeyeen Dhagar sixir, mana Liibaano Sixirrow meejuu
yimaaddo. (70) waxaa la riday Saaxiriintii iyagoo
Sujuudi, waxayna dheheen waxaan rumeynay Eebaha Haaruun iyo Muuse. (71) wuxuuna yidhi (Fircoon) miyaad u rumeyseen ka hor idankayga isagu waa kan idinku wayn ee idin
baray Sixirka waxaaan goyn Gacmihiinna iyo Lugihiinna si isdhaaf ah waxaana
idinku (daldali)
wadhi Jirrid Timir, waxaadna ogaanaysaan midkanaga daran cadaab hadhidna badan.
(72) waxay dhaheen ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah
iyo Eebaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha
adduunyo. (73) annagu waxaan rumeeynay Eebahanno
inuu noo dhaafo gafafkanaga iyo waxaad nagu qasabtay (fircoon) oo Sixira Eebaa Khayrroon oo hadhi. (74)
ruuxii u yimaadda Eebihiis (aakharo) isagoo dambiile ah waxaa u sugnaaday jahannamo kumana
dhinto dhexdeeda kumana noolaado. (75) ruuxiise u
yimaadda isagoo Mu'min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u sugnaaday
Jannooyinka sare. (76) Jannooyinka
nagaadiga (yey gali) ooy
socoto dhexdeeda Wabiyaal iyagoo kuwaari dhexdeeda, taasina waa abaalmarinta
Ciddii nadiif noqota. (77) waxaan dhab ugu
waxyoonay (Nabi)
Muuse guuri Addoomahayga uguna yeel waddo Badda oo ingagan hana ka cabsan
haleel, hana cabsan (Badda). (78) waxaana raacay
Fircoon (oo wata)
Colkiisii waxaana ka daboolay hirka Xaggiisa wax daboolay. (79)
wuxuuna dhumiyey Fircoon Qoomkiisii mana hanuunin. (80)
Banii Israa'iilow waxaan idinka korinay Cadawgiinna, waxaana idinkula
yaboohtanay (ballari)
dhinieii buurta ee midig, waxaana ku soo dejinay kor kiinna Macaan iyo Shimbir.
(81) ka cuna wanaaggaan idinku Arsuqay hana ku xadgudbina
dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhaedo cadhadaydu dhabbuu u
Hoobtay (halaagmay). (82) anigu waan u dhaafid badanahay ruuxii Toobad keena oo
rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna. (83) maxaa kaa soo
dedejiyey Qoomkaagii Muusow. (84) wuxuu yidhi (Muuse) iyagu waa kuwan
raadkaygay ku soo joogaan, waana kuu soo dag degay Eebow inaad iga raalli
noqoto. (85) wuxuu yidhi (Eebe) Annagu waxaan imtixaannay qoomkaagii gadaashaa waxaana
dhumiyey Saamiri. (86) markaasuu u
noqday (Nabi Muuse)
qoomkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi qoomkayow miyuuna
idiin yaboohiin Eebihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna
ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhaedo Cadhada Eebe ood u baajiseen
ballankaygii. (87) waxay dheheen maanaan u baajin
ballankaaga awooddanada waxaase nala saaray culaysyo Alaab oo ah waxa qoomku
isku qurxinjireen waana tuurray siduu u tuuray Saamiri. (88)
wuxuuna u soo bixiyey dibi muuqal ah oo ood leh, waxayna dhaheen kani waa
Ilaahiin iyo Ilaahii Muuse wuuna halmaamay. (89)
miyeyna arkay inuusan u soo Celinayn Hadal una hananayn dhib iyo Nacfi (midna). (90) wuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun laydinku
fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga. (91) waxay dhaheen kama
tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse. (92) wuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen. (93) inaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii. (94) wuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka
cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin
hadalkayga. (95) wuxuu yidhi (muuse) xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow. (96)
wuxuuna yidhi waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax ka mid ah raad
rasuul (malaga)
waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu. (97)
wuxuu yidhi (Muuse) tag,
waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu
sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi (caabudi) waanu gubi markaas
waxaana ku firdhin mowjadda (badda) firdhin. (98) Eebihiin waa
uun Ilaahiinna ah kaan Eebe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac noqday wax kasta
ogaansho. (99) saasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray,
waxaana kaa siinay agtanada quraan. (100) ciddii ka
jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi). (101) iyagoo ku
waari (ciqaabta)
dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar. (102)
waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas
iyagoo indho cawlan. (103) wayna is
warsan (xansan)
dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood) (104) anagaa og
waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee. (105) waxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin
Eebahay burburin. (106) wuxuuna ka
yeeli meel siman oo ebar ah. (107) ku arki maysid
qallooc iyo taag midna. (108) maalintaas
waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha
Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee. (109) maalintaas ma
anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa
mooyee. (110) Wuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada
ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho. (111)
waxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray
ruuxii xambaara dulmi. (112) ruuxii fala
wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo
nusqaamin midna. (113) saasaanu kugu soo dejinnay
Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado
xusuus (waano). (114) waxaa sarreeya Eebaha xaakimka xaqa ah, hana ku
degdein quraanka ka hor dhamayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa Eebow ii
kordhi Cilmi. (115) dhab ahaan yaan ula Ballantannay
Aadan mar hore wuuna halmaamay kama aanaan
helin niyo Adag. (116) xusuuso markaan ku nidhi
Malaa'igta u Sujuuda Aadam wayna Sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday. (117) waxaana nidhi Aadamow kani (Ibliis) waa Colkaaga iyo colka Haweeneydaada ee yuusan idinka
bixinin janada ood dhibbooto. (118) waxaa kuu
sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin. (119)
waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin. (120) waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma
ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn. (121)
wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku
dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday. (122) waxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo
hanuuniyey. (123) wuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u
yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma
dhumo (adduunka) mana
xumaado (aakhiro). (124) ruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo
kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La'. (125)
wuxuuna dhihi Eebow maxaad ii soo kulmisay (keentay) anoo arag la' oona ahaa arke (adduunkii). (126) wuxuu yidhaa (Eebe) waa saas waxaa kuu
timid aayadahanaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi (sida halmaan). (127) saasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oon rumayn
aayaadka Eebihiis cadaabka aakhiraana daran oo hadhid badan. (128) miyuuna u caddayn Gaalada intaan halaagnay hortood
quruumo iyagoo ku socda guryahooda, taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
(129) haddayna jirin kalimad u hor martay Eebahaa iyo muddo
maga caaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid ku soo deg dega. (130) ee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda
Eebahaa ku dheehan ka hor qorrax soo bax iyo ka hor dhicidda, saacadaha
habeenkiina tasbiixso (Tuko) iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto. (131) hawtaagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc ka mid
ah oo quraxda nolashaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebahaa yaase
khayrroon oo hadhid badan. (132) far ehelkaaga
salaadda kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta (fiicana) waxaa iska leh
dhawrsashada. (133) waxay dheheen gaaladii muu noola
yimaaddo aayad xagga Eebihiis ka timid, miyuuna u imaanin Maraggii wixii ku
sugnaa Kutubihii hore. (134) haddaan ku
halaagno Cadaab Rasuulka (iyo Quraanka) ka hor waxay dhihilahaayeen Eebahannow maxaad noogu diri
wayday rasuul oon raacno aayaadkaaga ka hor dullowganaga iyo khasaarahanaga. (135) waxaad dhahdaa (Nabiyow) dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda
jidka toosan iyo cidda hanuunsane.
Juz' 17
Al-Anbiyaa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) Xisaabtoodii iyagoo
Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan. (2) Quraankastee oo
uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari. (3) Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen
Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u
imanaysaan sixir idinkoo Arka. (4) Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og
Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah. (5)
Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas
ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa
gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore. (6)
Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn. (7) Maanaan Dirin
Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh
Haddaydaan wax Ogayn. (8) Kamaanaan Dhigin
(Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno
mana ahayn kuwo Waara. (9) Markaasna waxaan
u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay
Xadgudbayaasha. (10) Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab
Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn. (11)
Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale. (12)
Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari. (13)
Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u
Dhawdahay in wax laydin warsadee. (14) Waxay Dhaheen
Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin. (15) Saasna kuma
tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya. (16) Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u
Dhaxeeya Anagoo Ciyaari. (17) Haddaan Doono
Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno. (18) Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa,
waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan. (19)
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe
Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan. (20)
wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan. (21)
Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya. (22) Hadday yihiin dhexdooda (Samada
iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa
ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami. (23)
Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan. (24)
Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna,
kana waa (quraanka)
sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga
Xaqa wayna ka Jeedsan. (25) Rasuulkaan
hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda. (26) waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa
ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo. (27) kagama hor
maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan. (28)
wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka
raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan. (29)
ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu
ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. (30) miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku
ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo
Nool ee miyeyna Rumaynayn. (31) waxaana yeellay
Dhulka Sugayaal (buuro)
inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku
Toosaan. (32) waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf
ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan. (33)
Eebe waa kan
Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu
Dhexdabbaalan. (34) maanan yeelin Dadka ka horreeyey
kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu). (35) Naf kastaa
waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed,
xagganagaana laydiin soo Celin. (36) markay ku
arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna
iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana. (37)
waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha
degdegina. (38) waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run
sheegaysaan. (39) hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay
markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen). (40) waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana
Sugo. (41) waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa
horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees
jeesi jireen. (42) waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin
Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood.
(43) ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda
nalagamana Magan galiyo. (44) Saas ma aha cc
waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna
Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha
Islaamka) Miyagaa Adag. (45)
Waxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa
marka loo Digi. (46) Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka
Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,. (47)
Waxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo
Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax
yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye. (48) Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada. (49)
Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan. (50) Kan
(Quraankuna) waa Quraan la
Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga. (51)
Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn. (52) Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay
Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan). (53) waxay Dheheen
waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi. (54) Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku
Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad. (55)
Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa
Ciyaari. (56) Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha
Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka
Marag Kici. (57) Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri
Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi. (58)
Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu). (59) waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi
waa Daalime. (60) Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay
Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim. (61) Waxay Dheheen
keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan. (62)
waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow. (63) Wuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya
Iladday Hadli. (64) Markaasay u Noqdeen Naftooda
waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina. (65)
Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn. (66) Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan
Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn. (67) Ufbaa laydin
Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn. (68) Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad
wax Falaysaan. (69) Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo
Nabadgalyi Ibraahim. (70) Waxay la
Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray. (71)
Waannu u Korinay (Nabi)
Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam). (72) Waxaan Siinay
Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban. (73) Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga,
waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada
waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda. (74) (Nabi) Luudhna waxaan
Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo
waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina. (75) Waxaana Galinay
Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban. (76) (Nabi) Nuuxna waa
Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo
Ehelkiisaba Murugadii Waynayd. (77) Waana uga
Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana
Maanshaynay Dhammaantood. (78) Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay
Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka). (79) Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay
Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo
Shimbiraha, waana Fallaa «karraa». (80) Waxaana Barray
Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo
Mahadin. (81) Suleymaanna waxaan u Sakhirray
Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan
Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og. (82)
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna. (83) (Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo
Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna
waxaad Tahay Naxariis Badane. (84) Waana Ajiibnay
Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid
ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka. (85)
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.
(86) Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid
ahaayeen kuwa Suuban. (87) Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo
Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay
Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka
Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah. (88) Waana Ajiibnay
kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta. (89)
Zakariyana (Xusuuso)
markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u
Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee». (90) Waana Ajiibnay
waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen
kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen
kuwa Noo Khusuuca. (91) Tiina (Xusuuso) Dhawrtay
Xubinteedaa waa (maryama) oon
ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda
Caalamka. (92) Tani waa Diintiinii waana Diin
kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda. (93)
waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin.
(94) Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo
Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa. (95) Waxaa ka Reebban
Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor». (96)
Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey
ka soo Deg degi. (97) Waxaa Dhawaaday Yaboohii
Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee
waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan
Waxaanse ahayn Daalimiin. (98) Idinka iyo
waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo
idinkuna waad ku Arooraysaan. (99) Hadday Yihiin
kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari. (100)
waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan. (101) kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda
waa laga Fogayn. (102) mana Maqlaan Shanqadteeda
iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari. (103)
mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa
Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay. (104) waana
Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku
Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah,
annagaana Falna saas. (105) Dhab ahaan
waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban. (106) kan
Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe). (107) kumana aanaan
Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee. (108) Waxaad Dhahdaa
waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku
Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan). (109) Haddayse
Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin
Yaboohay. (110) Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala
Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan. (111)
Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo. (112) Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto
waxaad sheegaysaan.
Al-Hajj
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Dadaw ka Dhawrsada
Eebihiin Maxaayeelay Gilgilashada Saacadda (Qiyaame) waa wax wayn (Daran). (2) Waana Maalintaad
Arkaysaan Iyadooy Halmaami Mid wax Nuujisa Dhammaanteed waxay Nuujinaysay, ooy
Dejin (Tuuri) mid
Kastoo Uur leh Uurkeeda, waxaadna Arkaysaa Dadkoo Waalan, mana aha kuwo (dhab) u Waalan ee Cadaabka
Eebaa Daran. (3) Dadka waxaa ka mid ah Ruux ku Murmi
Eebe Cilmi la'aan oo raaci Shaydaan kastoo Madax Adag. (4)
Waxa loo Qoray (Shaydaan)
Ruuxii Talada u Dhiibta (Raaca) inuu Baadiyeeyo kuna Toosiyo Cadaabka (5)
Dadow haddaad Tihiin kuwo Shakisan oo Bixinta Annagaa idinka Abuurray Carro,
Hadaana Dhibic Haddana Calaqo, Hadaana Goosin la Abuuray iyo Midaan la Abuurin
si aan idiinku Caddayno (Qudrada Eebe) waxaana ku sugnaa Makaanka waxaan Doono Tan iyo Muddo
Magacaaban, markaasaan idin soo Bixinaynaa Idinkoo Yar, markaas inaad Gaadhaan
Xooggiinna: waxaa idinka mid ah Cid la oofsan (Dhiman) waxaana idinka mid ah kuwo loo celin Cimri Liita (Gabow) si ayna u Garanin
intay wax Yaqiineen ka dib waxba, waxaad Arkaysaa Dhuloo Abaar (Dhimaad) ah markaan ku soo
Dejinno Korkeeda Biyana way Gilgilataa wayna Kortaa, waxayna soo Bixisaa Nooc
kastoo Quruxsan. (6) Tassna waxaa ugu Wacan in
Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu wax walba Karo. (7) Iyo in Saacadda Qiyaame iman Shaki la'aan, Eebana wuxuu
soo Bixin waxa Qubuuraha ku Sugan. (8) Dadka waxaa ka
mid ah mid ku Dloodi Eebe Cilmi La'aan iyo Hanuun La'aan iyo Kitaab wax Nuurin
la'aantiis. (9) oo Dadbi Luqunta (Iskibrin) inuu ka Dhumiyo
Jidka Eebe, wuxuu Mudan Adduunyada Dulli waxaana Dhadhansiin Maalinta Qiyaame
Cadaab wax Guba. (10) Taasna waa waxay Ilor
marsatay Gacmahaagu, Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada. (11)
Waxaa ka mid ah Dadka mid u Caabudi (Eebe) Dhinac (Shaki) Hadduu soo Gaadho Khayra Xasili, Hadduu soo Gaadho
Imtixaan (Dhibna) u
Gabdooma Wajigiisa (Gaalooba) wuxuu Khasaariyey Adduun iyo Aakhiraba Kaasina waa
Khasaaraha Cad uun. (12) Wuxuu Caabudi (Baryina) Eebe ka Sokow
waxaan Dhibayn Anfacaynna Kaasina waa uun Baadida Fog. (13)
Wuxuu Caabudi wax Dhibkiisu ka Dhawyahay Naefigiisu, isagaa u Xun Sokeeye una
Xun la noolaadi. (14) Ilaahay wuxuu Galiyaa kuwa
Rumeeyey (Xaqa) oo
Falay Camal Fiican Jannooyin ay Socoto Dhexdeeda Wabiyaal, Eebana wuxuu Falaa
wuxuu Doono. (15) Ciddii u Malayn Inuusan u
Gargaarayn Eebe Nabigiisa Adduun iyo Aakhiraba ha u Fidiyo Xadhig Xagga Samada
hana isku Gooyo (Marjiyo) hana
dayo inay Dhagartiisu Tegiiso waxa Cadho Galin. (16)
Saasaana kuugu soo Dejinay Aayaad Cad Eebana wuxuu Hanuuniyaa Cidduu Doono. (17) Kuwa Rumeeyey (Xaqa) iyo Kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'inta (Xiddigaha
Caabuda) iyo Nasaarada iyo Majuusiga iyo
Mushrikiinta Eebaa kala bixin Dhexdooda Maalinta Qiyaame, Eebana wax kasta wuu
Arkaa. (18) Miyaadan Arkayn inay Eebe u Sujuudi
waxa Samooyinka iyo Dhulka iyo Qorraxda iyo Dayaxa iyo Xidigaha iyo Buuraha iyo
Geedaha iyo Xayawaanka iyo Waxbadan oo Dadka ah, wax badanna waxaa ku sugnaaday
Korkooda Cadaab, Ruuxuu Ihaaneeyo Eebana ma laha wax Sharrifi, Eebana wuxuu
Falaa wuxuu Doono. (19) Labadani waa
Doodayaal, waxayna ku Doodeen Eebahood, kuwa Gaaloobay waxaa loo Goyn Maryo
Naar ah waxaana Lagu Shubi Korkooda Biyo Kulul. (20)
Waxaana lagu Gubaa (Lagu Dhalaaliyaa) waxa Caloosha ku Jira iyo Jidhka (Haraga). (21) waxay Mudan
Budhadh Bir ah. (22) Markastooy Doonaan inay ka Baxaan
Xaggeeda Walbahaar Dartiis waa lagu Celiyaa Dhexdeeda (waxaana
la Dhahaa) Dhadhamiya Cadaabka Gubidda. (23) Eebana wuxuu Galiya kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Fala Camal Fiican Jannooyin ay Dureeri Dhexdeeda
Wabiyaal, waxaana, Loogu Xidhaa Dhexdeeda Jinjimo Dahab ah iyo Jawhar,
Dharkooduna Dhexdeeda waa Xariir. (24) Waxaana lagu
Hanuuniyey Wanaagga Hadalka waxaana lagu Hanuuniyey Jidka la Mahdiyo/ (25) kuwa Gaaloobay oo ka Celiya Jidka Eebe iyo Masaajidka
Xurmaysan ee looga Yeelay Dadka Sinnaan mid ku Nagi iyo mid Meel ka yimidba cidii
la Doonta Dhexdiisa Leexin Dulmi ah (Xumaan) waxaanni Dhadhansiin Cadaab Daran. (26) (Xusuuso) markaan u Muujinay
Nabi Ibraahim Meeja Baytja (Kacbada) Annagoo ku Dhihi Ha la Wadaajin Eebe (Cibaadada) waxba, u Daahirina Gurigayga kuwa Dhawaafi iyo kuwa Taagan
iyo kuwa ku Rukuucsan ee Sujuudsan. (27) Ogaysiina Dadka
Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer Dhammaanteed oo ka iman
Jaha kasta oo Dheer. (28) inay Joogaan (u yimaadaan) Nacfigooda
Dartiis, oy xusaan Magaca Eebe Maalmo la Yaqaan, waxa Eebe ku Arzaaqay oo ah
Xayawaanka nicmoolayda, ca Cuna Xaggeeda Quudiyana kan Dhibaataysan ee Faqiirka ah. (29) markaas ha Dhammeeyeen hasaastooda, hana Oofiyeen
nadorkooda, hana Dhawaafeen Baydka Horeeyey. (30)
Waa Saas, Ruuxii Wayneeya wuxuu Reebay Eebe Saasaa u Khayrroon Eebihiis
Agtiisa, waxaana laydiin banneeyey Nicmoolayda waxa Laydinku akhriyo Mooyee, ee
ka Dheeraada Xumaanta ah Sanamyada kana Dheeraada Hadalka Beenta ah. (31) Idinkoo u Toosan Eebe oon Mushrikiin ahayn, Ruuxii u
Shariig yeela Eebe wuxuu la mid yahay mid ka Soo Dhacay Samada oy Dafi
Shimbirtu ama ay ku Tuuri Dabaysho Meel Dheer oo halaag ah. (32) waa Saas Ruuxii wayneeya Amarada Eebe (Sharcigiisa) taasi waa
dhawrsashada Quluubta. (33) waxaa idiinku
Sugnaaday (hadiyada)
Nacfi Tan iyo Muddo Markaas. waxay ku Dhammaan Baydka Horeeyey. (34) Ummad kasta waxaan u yeellay Cibaado (Ciid) inay ku Xusaan
Eebe wuxuu ku Arzaaqay oo Xayawaanka Nicmoolayda ah, Ilaahiinna waa Ilaah
kaliya ee u Hogaansama una Bishaaree, kuwa Xasilloon (ee
Cabsada) ee ah. (35)
Kuwa marka la Xuso Eebe ay Cabsato Quluubtoodu, kuna Samra waxa ku Dhaca ee
Ooga Salaadda, waxaan ku Arzaaqnayna wax ka Bixiya. (36)
Loogga (Hadyada)
waxaan idiinka Yeellay Sharciga Calaamooyinka Eebe waxaana idiinku Sugan
Dhexdeeda Khayr ee ku Xusa Magaca Eebe Korkeeda iyadoo Jilib Xidhan, markay U
dhacdo Dhinacna wax ka Cuna, kana Quudiya kan Dhawrsoon iyo kan Warsanba,
Saasaana idiinka Fududaynaa, inaad Mahdisaan. (37)
Ma gaadho Eebe Hilibkeedu iyo Dhiiggeedu waxaase Gaadha ka Dhawrsoonidiinna,
Saasaana Eebe idiinku Fududeeyaa inaad ku Waynaysaan wuxuu idinku Hanuuniyey
una Bishaaree kuwa Wanaagga Fala. (38) Eebana wuu
Daafacaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) Eebana ma Jecla mid kastoo Khayaamo Badan oo Gaalimo
Badan. (39) waxaa loo Idmay kuwa lala Dagaallami
(inay Dagaalamaan) maxaayeelay waa la
Dulmiyey Eebena Gargaarkooda wuu Karaa. (40) waana kuwa laga
Bixiyey Guryahoodii xaq Darro iyo Inay Dheheen Eebahanno waa Ilaahay, haddayna
Jirin ku Daficidda Eebe Dadka Qaarkood Qaar waxaa la Dumin lahaa Macaabidda
Yuhuud, iyo Biyac Kaniisadaha, iyo Kaniisadda Dad kale, iyo Masaajidda lagu
Xuso Dhexdeeda magaca Eebe wax badan, wuuna u Gargaari Eebe Cidii u Gargaarta (Diintiisa) Eebana waa Xoog
Badane Adkaada. (41) waana kuwa Haddaan Makanino Dhulka
Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Fara Wanaagga oo ka Reeba Xumaanta, Eebaana
iskale Cidhibta Arrimaha. (42) Hadday ku
Beeniyaan waxaa Beeniyey Ilortood Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Caad iyo Thamuud. (43)
iyo Qoomkii (Nabi)
Ibraahim iyo Qoomkii (Nabi) Luudh. (44) iyo Ehelkii
Madyan, waana la Beeniyey (Nabi) Muuse, waana Sugay Gaalada markaasaan Qabtay ee see noqday
Ciqaabkii. (45) maxay Badantahay Magaalo aan
Halaagnay iyadoo Gardaran iyaduna u Dhacday Darbiyadeedii iyo Ceel la Halleeyey
iyo Daar wayn (markii la Halaagay Dadkii). (46) Miyeyna ku
Soconin Dhulka oy u Ahaato Quluub ay wax ku Kasaan ama Dhago oy wax ku Maqlaan,
Indha Beelka Dhabta ahna waa Indho Beelka Quluubta ku Sugan Laabta. (47) waxay Dedejisan Cadaab mana Baajinaayo Eebe Yaboohiisa,
Maalin Eebe Agtiisana waxay la mid tahay kun Sano oo waxaad Tirinaysaan. (48) Badanaa Magaalo aan u Sugnay iyadoo Daalimad ah,
Markaas aan Qabtay Xaggayga Umbaana loo Ahaan. (49)
waxaad Dhahdaa Dadow waxaan uun Anigu idiin ahay Dige Cad. (50)
kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo
falay Camal Fiican waxay mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno). (51) kuwa u Socda (Xumaanta) Aayaadkanaga iyo (isku dayi) inay na daaliyaan kuwaasu waa Ehelka Jaxiimo. (52) Rasuulkastoon Dirray ama Nabi Hortaa, markuu wax Akhrin
waxbuu ku Tuuraa Shaydaanku Akhriskiisa, markaasuu Baabi'yaa Eebe wuxuu Tuuri
Shaydaanku wuxuuna Sugaa Aayaadkiisa, Eebana waa Ogaade Falsan. (53) si uu uga yeelo waxa Shaydaanku Tuuri Fidmo kuwa
Quluubtoodu Bugto ee ka Ingagan Quluubta Daalimiintuna waxay ku Suganyihiin
Khilaaf (Baadi) Fog.
(54) inay Ogaadaan kuwa Cilmiga la siiyey «Mu'miniintu» innu
yahay Xaq Eebe ka yimid (Quraanka) oy Rumeeyaan, oy u Khushuucdo Dartiis Quluubtoodu Eebana
wuu ku hanuunin kuwa Rumeeyey (xaqa) Jid Toosan. (55) kana tagaan
kuwa gaaloobay Shaki intay ugu Timaaddo Saacaddu Kado ama u yimaaddo cadaab
Maalin daran. (56) Xukunka Maalintaas Eebaa iska leh,
wuuna kala Xukmin Dhexdooda, kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxay Gali Janada Naciimo. (57) kuwa Gaaloobay oo beeniyey Aayaadkanagana kuwaas waxaa
u Sugnaaday Cadaab wax Dulleeya. (58) kuwa ku
Hijrooday Jidka Eebe Haddana la Dilo ama dhinta wuxuu ku Arzaaqi kuwaas Eebe
Rizqi Wanaagsan, Eebana waa ku Khayrroon yahay Rizqigiisu. (59)
wuxuuna Galin Meel ay ka Raalli Noqon (Janno) Eebana waa Oge Dhulbadan. (60)
waa saas, Ruuxii Ciqaaba inta la Ciqaabay oo kale Markaas la gardaraysto wuu u
Gargaari Eebe, Eebana waa Cafiye Dhaafa. (61) waxaana ugu
wacan in Eebe Galiyo Habeenka Maalinta Galiyana Maalinta Habeenka, Eebana waa
Maqle Arka. (62) waxana ugu Wacan Taas in Eebe Xaq (Sugan) yahay, waxay
Caabudi oo ka soo Hadhayna Baadil yahay, Eebana yahay Sarreeye Weyn. (63) Miyeydaan Ogayn in Eebe ka soo Dejiyo Samada Biyo oo
ahaado Dhulku Cagaar, Eebana waa Oge Xeel Dheer. (64)
Waxaa u Sugnaaday Eebe waxa Samaawaadka ku Sugan iyo waxa Dhulku ku Suga,
Eebana waa Hodan Mahadsan. (65) Miyeydaan ogayn
in Eebe idiin Sakhiray waxa ku sugan Dhulka iyo Markabka Socda Badda Dhexdeeda
Amarka Eebe, wuxuuna ka Hayaa Samada inay ku dhacdo Dhulka Idinka Eebe mooyee,
Eebana Dadka waa u Naxariis badane. (66) Eebana waa kan idin Nooleeya,
Haddana idin Dila haddana idin Nooleeya Dadkuna waa Diidmo badane (Nicmada Eebe). (67) Umaad kasta waxaan u yeellay Hab Cibaado oy ku
Cibaadaysan ee yeyna kugula Doodin Amarka (Xaqa) uguna yeedh Xagga Eebahaa Adigu waxaad ku Sugantahay
Hanuun Toosane. (68) Hadday kula Doodaan waxaad dhahdaa
Eebaa Og waxaad Falaysaan. (69) Eebana wuu kala
Xugmin Dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafsanaayeen. (70) Miyaadan Ogayn in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samada iyo
Dhulka, Arrintaasna waxay ku Sugantahay Kitaab, Arrintaasuna Eebe waa u
Fududahay. (71) Waxay Caabudi Eebe ka sokow
Wuxuusan u soo Dejini Xujo oyna u Lahayn cilmi, umana Sugna Daalimiinta
Gargaare. (72) Marka lagu Akhriyo korkooda
Aayaadkanaga oo Cad cad waxaad ka Garataa Wajiyada kuwa Gaaloobay Diido,
waxayna u Dhawyihiin inay ku Boodaan (Dhibaan) kuwa ku Akhrin Aayaadkanaga, waxaad Dhahdaa Maydiinka
Warramaa wax ka Shar badan Taas, waa Naar u Darbay Eebe kuwa Gaaloobay,
Iyadaana u Xun Meel Loo Ahaado. (73) Dadow waxaa
layeelay Tusaale ee Dhagaysta, kuwaad Baryeysaan (Caabudaysaan) Eebe ka Sokow ma Abuuraan Daqsi haba u Kulmeene, Hadduu ka
Qaato Daqsi waxna kama Ceshadaan waxaa Tabar yar kan
wax Dooni iyo kan
la Dooni. (74) Mayna Waynayn Eebe Mudnida
Weynidiisa, Eebana waa Xoog Badane Adkaada. (75)
Eebe wuxuu ka Doortaa Malaa'igta Rasuullo Dadkana (Rasuullo) Eebana waa Maqle Arka. (76)
Wuxuuna Ogyahay waxa Hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah Zagga Eebaana loo
Celin Umuuraha. (77) kuwa (Xaqa) Rumeeyow Rukuuca oo Sujuuda oo Caabuda Eebihiin Falana
Khayrja waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane. (78)
kuna Dadaala dar Eebe Dadaal Dhab ah, Isagaana idin Doortay, mana yeelin Diinta
Dhib, waa Milladdii Aabihiin Ibraahim, isagaana (Eebe) Idiinku Magacaabay Muslimiin horay iyo Quraankan si
Rasuulku marag korkiina ugu Noqdo, idinkuna aad Marag u ahaataan Dadka, ee Ooga
Salaadda oo Bixiya Xakada oo Qabsada Eebe isagaa Gargaarihiina ah isagaana u
Fii can Sayid isagaana u Fiican Gargaare.
Juz' 18
Al-Muminoon
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Dhab ahaan u
Liibaanay Mu'miniinta. (2) Ah kuwa
Salaaddooda ku Khushuuca. (3) Oo ah kuwa
Hadalka Macno Darro ka Jeedsada. (4) Oo ah kuwa Fala
Zakada «bixiya». (5) Oo ah kuwa Furuujtooda
Ilaaliya. (6) Haweenkooda iyo waxay Hanatay
Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas. (7) Ruuxiise Doona
waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal. (8)
Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra. (9)
waana kuwa Salaadda Ilaaliya. (10) Kuwaasu waa
kuwa Dhaxli. (11) oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku
Dhexwaari. (12) Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga
soo Soocay Dhoobo. (13) Markaasan ka
yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan. (14) Markaasaan ka Abuuray
Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon
Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr
Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay. (15) Markaas Idinku
Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan. (16) Markaas
Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin. (17) Waxaana ku
Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan. (18) Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana
Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa. (19)
Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar
Badani ku sugantahay ood wax ka Cuntaan. (20) Iyo Geed ka
Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni. (21) Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka
Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan,
Xaggeedaadna wax ka Cuntaan. (22) Korkeeda iyo
Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa. (23)
Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux
Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo
Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn. (24) Waxayna Dheheen
Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah
ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo
Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey. (25) Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo,
Geerida. (26) Wuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar
Beenintooda. (27) Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon
Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku,
Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid
ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne. (28) Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad
Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan
iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah. (29) Waxaadna
Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee. (30) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo
wax Imtixaama. (31) Markaasaan ahaysiinay Gadaashood
Qarni kale. (32) Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul
ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan
Dhawrsanayn. (33) waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee
ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha
Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina
waxaad Cabbaysaan. (34) Haddaad
Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen. (35)
ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin
soo Boxin. (36) Waa Fogtahay oo Fogtahay waxa
laydinku Goodin. (37) Ma aha waxaan Noloshanada
Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin. (38)
Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn. (39) Wuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda. (40) Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo
Nidaamooda. (41) Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo
waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta. (42) Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale. (43) Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto. (44) Markaasaan
Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu
waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn. (45) Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad. (46) Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana
u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen
Qoom is korraysiiya. (47) waxayna dheheen
ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo. (48) Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay. (49) Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan. (50)
Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare
oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh. (51) Rasuullow ka
Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye. (52) Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada. (53) Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo,
Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin. (54)
ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo. (55)
ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah. (56)
Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga. (57)
kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid. (58) kuwa uun
Aayaadka Eebahood Rumeeya. (59) kuwa uun
Eebahood aan la Wadaajinin. (60) kuwa Bixin waxa
la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon. (61) Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay. (62) kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah
Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana. (63)
waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin
Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali. (64)
Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan. (65) (Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree. (66) Waxay ahayd
Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib
ugu noqda (Xaqa Diida). (67) Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama
Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina
idinkoo Hadal Xun. (68) Miyeyna
Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore. (69) Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi. (70) Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq
Badankoodse Xaqay Nici. (71) Hadduu Raaco
Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya,
waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka. (72)
Mise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u Khayr Badan Arzaaqe. (73) Adiguna waxaad ugu Yeedhi Jid Toosan. (74) Kuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan. (75) Haddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib
ah waxay ku Madax Taagi Xumaantooda iyagoo ku Indho la'. (76)
Waxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana
Khushuucin. (77) Markaan ku Furro Korkooda Cadaab
Daran markaasay Quustaan. (78) Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka,
iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe). (79) Eebe waa Kan idinka Abuuray
Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina. (80) Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna
Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn. (81) Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii). (82) Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo
Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin. (83) Waa Naloo
Yaboohay Aabayaalkanno kan
(Soo Bixinta) horay mana aha kani
waxaaan warkii hore ahayn. (84) Waxaad Dhahdaa
yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin. (85)
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn. (86) Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha
Carshiga Wayn. (87) Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan
Dhawrsanayn. (88) Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka
wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax
Ogtihiin. (89) Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee
Laydiin Sixri. (90) Waxaanse Siinay Xaq waana
Beenaalayaal. (91) Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha
Miciisa Ilaah (kale)
Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari
lahaa (Adkaan lahaa)
Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami. (92)
Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin. (93) Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay. (94) Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah. (95) Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan
Karraa. (96) ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi). (97) Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska
Shayaadiinta. (98) Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay
ii Yimaadaan Shayaadiintu. (99) Markuu u
Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku
wuxuu Dhihi Eebow I celiya. (100) Waxaan u
Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska
Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin. (101) Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas,
waxna isma Warsadaan. (102) Ciddayse
Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay. (103)
Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda
Jahannamayna ku Waari. (104) Waxaana Gubi
Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran. (105) (Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn
Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen. (106) Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii,
waxaana ahayn Qaar Dhunsan. (107) Eebow naga
Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah. (108)
Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina. (109) Waxaa Jirtay
in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf
noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone. (110)
Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna
Qoslayseen. (111) Waan ka Abaal marinay Maanta
Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay. (112)
Wuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka. (113)
Waxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax
tiriya «Malaa'gta». (114) Wuxuu Yidhi
Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin. (115)
ma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo
Celinayn. (116) Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka
Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh. (117) Ciddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo
lahayn Xisaabtiisu waa uun Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo. (118) Waxaad Dhahdaa Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa
Naxariiste u Khayr Roone.
An-Noor
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1) (Tani) waa Suurad aan Soo Dejinay oo Faralnay (wax ku Caddaynay) kuna soo Dejinay
Dhexdeeda Aayaad Cad Cad inaad wax Xusuusataan (waano
qaada Taan) (2) Zaaniyadda (Haween) iyo Zaaniga (Ragga) Garaaca mid kastoo
ka mid ah Boqol Garaac yeyna Idiin Qabanin Xagooda Naxariis Diinta Eebe
Dhexdeeda Haddaad Tihiin kuwa Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) hana Joogo Garaacooda
Koox ka Mid ah Mu'miniinta. (3) Zaani ma
Guursado waxaan Zaaniyad ahayn, ama Gaal, Zaaniyadna ma Guursato waxaan Zaani
ahayn ama Gaal, waana laga Reebay Arrintaas Mu'miniinta. (4)
Kuwa (Zino) ku
Gana (Sheega)
Haweenka Dhawrsoon oon Afar Marag ah keenin Garaaca Siddeetan Garaacood, hana
ka Aqbalina Marag Waligood, kuwaasina waa uun Faasiqiin. (5)
Marka laga Reebo kuwa Toobad Keena intaas ka Dib oo Wanaajiya, Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.
(6) Kuwa Qadfa (Zino ku Sheega) Haweenkooda oon Marag aan Naftooda ahayn Lahayn midkood
Maraggiisu waa inuu ku Marag Kaco Dhaarta Afar Dhaarood Eebe inuu Run Sheegi (7) Tan Shanaad waa inuu ku Dhaarto in Lacanadda Eebe ku
Dhacdo hadduu Beenaale yahay. (8) Waxaa Ka rida
Iyadana Ciqaabta inay ku Dhaarato Afar Dhaarood inuu Beenaale yahay. (9) Tan Shanaadna waxay ku Dhaaran in Cadhada Eebe ku Dhacdo
hadduu Run Sheegi. (10) Hadduuna Jirin
FAdliga Eebe iyo Naxariistiisa Korkiinna oosan ahayn Toobad Aqbal Badane Falsan
«Waxaa Beenaalaha ku Dhici lahaa Cadaab Daran». (11)
Kuwa la Yimid Been Abuurka (Qadafka Caasho) waa Koox Idinka mid ah, How Malaynina inay Shar Idiin
tahay, waxayse idiin tahay Khayr, Qof kasta oo ka Mid ahna waxaa u Sugnaaday
wuxuu kasban oo Dambi ah midka Qaatay Waynanka Arintana oo ka mid ah wuxuu Mudan
Cadaab weyn (Ibnu Salool). (12) Maxaydaan Markaad Maqasheen Xaalka (Qadafka) ayna ugu malayn Mu'miniinta ragga iyo Haween Naftooda
Khayr, oyna u Dhihin Kaasi waa Been Abuur Cad. (13)
Mayse u Keenaan Korkiisa Afar Marag, Haddayna keenin Marag kuwaasu Eebe Agtiisa
waxay ku Yihiin Beenaalayaal. (14) Hadduuse Jirin
Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa Adduun iyo Aakhiraba waxaa Idin
Taaban lahaa waxaad Dhexgasheen Dartiis Cadaab weyn. (15)
Markaad kula kulmaysaan Qadafka Carrabkiinna oo ku Dhahaysaan Afkiinna
waxaydaan Ogayn, una Malaynaysaan wax Fudud Isagoo Eebe Agtiisa ku wayn. (16) Markaad Maqasheen Maad Dhahdaan Nooma Habboona Inaan ku
Haddallo kan, Eebaa Nasahan ee kan (Qadafka) waa Been Abuur wayn. (17) wuu idinka
Waanin Eebe inaad u Noqotaan Isagoo kale Waligeed Haddaad Tihiin Mu'miniin. (18) Wuxuuna idiin Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge
Falsan. (19) Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu
Kuwa Rumeeyey (Xaqa)
waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo Aakhiraba, Eebena waa Ogyahay idinkuna
ma Ogidin. (20) Hadduuna jirin Fadliga Eebe ee
Korkiina iyo Naxariistiisa iyo in Eebe yahay Naxariis badane Ilaaliya, (Waxaa ahaan lahaa wax kale). (21) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu
wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco, Hadduusan jirin Fadliga Eebe ee
Korkiinna iyo Naxariistiisa ma Daahirineen Ruux idinka Mid ah Waligeed, Laakiin
Eebaa Daahiriya Cidduu Doono, Eebana waa Maqle Og. (22)
Yeyna ku Dhaaranin kuwa Fadliga (Dheeraadka) leh iyo Ilodanimada inayan wax siinayn Qaraabada,
Masaakiinta iyo kuwa ku Hijrooda Jidka Eebe, hana iska Cafiyaan hana Saamaxeen,
miyeydaan Jeelayn inuu idiin Dhaafo Eebe, Ilaahayna waa Dhaafe Naxariista. (23) Kuwa Gana «Qadfa» Haweenka Dhawrsoon ee Halmaansan (Xumaanta) ee Mu'minaadka ah
waa La Lacnaday Adduun iyo Aakhiraba, waxayna Mudan Cadaab Weyn. (24) Maalinta Ay ku Marag-kici Carrabadoodu, Caemahoodu, iyo
Lugahoodu waxay Camalfaleen. (25) Maalintaas
wuxuu u oofin Eebe Abaal Marintooda Sugan, waxayna Ogaan in Eebe Yahay Xaqa Cad
(Sugan). (26) Haweenka iyo Hadalka Xunba wuxuu u Sugnaaday Nimanka
Xun, kuwa Xunna waxay u sugnaadeen kuwa Xun, Kuwa Wanaagsanna waxay u
sugnaadeen Kuwa Wanaagsan, kuwaasna (Caa'isha iyo
Ehelkeedu) waa Ka Bari (Dheeryihiin) waxay Sheegi, waxayna Mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf
leh (Janno). (27) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Galina Guryo aan Kuwiinna ahayn Intaad ka Idam
Warsataan kana Salaantaan Ehelkooda, Saasaana idiin Khayr Roon si aad u
Xusuusataan. (28) Haddaydaan ka Helin Dhexdeeda
Ruuxna ha Galina inta Laydinka Idmi, Haddii laydindhaho Noqdana Noqda, Saasaa
idiin Wanaagsan, Eebana Waxaad Falaysaan wuu Ogyahay. (29)
Ma aha Korkiinna Dhib (Dambi) Inaad Gashaan Guryo aan la Deganayn oo Dan (Anfaco) idiinku Jirto,
Eebe wuxuu Ogyahay waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan. (30) Waxaad ku Dhahdaa Mu'miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen
Furuujtooda (Zinada)
saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn. (31)
Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu'minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna
Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u
Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo
Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod,
iyo Wiilasho (Gabdhahay)
Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood
u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan
Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad
keena (U Noqda)
Xagga Eebe Dhammaan Mu'miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane. (32) U Guuriya Xaaslaawaha Idinka Mid ah iyo Kuwa Suuban oo
Addoomadiinna ah (Rag iyo Haweenba) hadday Sabool Yihiin wuxuu ka Hodmin Eebe Fadligiisa,
Eebana waa Waasac (Fadligiisu) Waana Oge. (33) Hase
Dhawrsadeen Kuwaan Helayn (awood) Guur inta Eebe kaga Hodmin Fadligiisa, kuwa Dooni Inay
Isfurtaan oo Hanatay Gacantiinnu Kitaabeeya (Ka
Ogolaada) Haddaad ku Ogtihiin Khayr, wax ka
Siiyana Xoolaha Eebe ee uu Idin Siiyey, hana ku Qasbina Gabdhihiinna (aad Ilanataan) Zino Hadday
Doonaan Dhawrsooni Idinkoo Dooni Sadka Nolosha Adduunyada, Ciddii Qasabta Eebe
Qasabkaas ka Dib waa Dambi Dhaafe Naxariista. (34)
Waxaan idiin soo Dejinay Aayaad Cad Cad iyo Tusaale Kuwii Tagay ee Idinka
Horreeyey iyo Waanada kuwa Dhawrsada. (35) Eebe waa
Nuuriyaha Samooyinka iyo Dhulka, Nuurkiisu wuxuu la mid yahay Daaqad Misbaax ku
Jiro Misbaaxuna ku Jiro Dhalo, Dhaladana aad Mooddo Xiddig lfi lagana Huriyey
Geed la Barakeeyay oo ah Zaytuun (Saliidd leh) oon bari iyo Galbeed midna ahayn, waxayna u Dhawdahay
Saliideedu inay iska Ifto Yuuna Taabaninba Dabe, waa Nuur lagu kordhiyay Nuur,
wuxuuna ku Hanuuniyaa Eebe Nuurkiisa Cidduu Doono, wuxuuna u Yeelaa Eebe Dadka
Tusaale, Eebana wax kasta waa Ogyahay. (36) (Kaasoo ah) Guryo (Masaajidda) uu idmay Eebe in
la Koryeelo Laguna Xuso Dhexdeeda Magaciisa, waxaana ugu Tasbiixsada Dhexdeeda
Aroor iyo Galabba. (37) Raga ayna ka
Shuqlinayn Ganacsi iyo Gadasho Xuska Eebe, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Zakada
kana Cabsan Maalin oy Gagadoomi Dhexdeeda Quluubta iyo Aragguba. (38) Inuu ka Abaal Mariyo Eebe Wanaagay Faleen una Kordhiyo
Fadligiisa, Eebana wuu Arzuqaa Cidduu Doono Xisaab la'aan. (39)
Kuwii Gaaloobay Camalkoodu wuxuu la Midyahay Dhalanteed Dhul Siman (Ka Muuqda) oos u Malayn kan Oomani biyo Markuu
Yimaadana uuna ka Helayn waxba, oo uu ka heli Eebe (Abaal
marintiisa) Agtiisa una Oofiyey Xisaabtiisa,
Eebana way Deg degtaa Xisaabtiisu. (40) Ama wuxuu la
Midyahay Mugdiyo Bad Dhexdeed ah oos Dabooli Hir Korkiisana yahay Hir,
Korkiisana Tahay Daruur, waa Mugdiyo Qaarkood Qaar ka Sarreeyo Hadduu Bixiyo
Gacantiisana uma Dhawa inuu Arko, Ruuxaan Eebe u yeelin Nuur malaha Nuur. (41) Miyaadan Ogayn in Eebe u Tasbiixsado waxa ku Sugan
Samooyinka iyo Dhulka iyo Shimbiraha oo (Fidsan) Safan mid kasta wuu Ogyahay Salaaddiisa iyo Tasbiixdiisa,
Eebana waa Ogyahay waxay Fali. (42) Eebe waxaa u
Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo dhulka Xagga Eebaana loo Ahaan. (43) Miyeydaan Arkayn in Eebe Kexeeyo Daruuro Markaas
Isudumo Kana Yeelo Mid is dulSaaran ood aragto Roobkoo ka Soo Bixi Dhexdiisa
wuxuuna ka soo Dejiyaa (Eebe) Samada Buuro Qabow ah (Thalaj) wuxuuna Gaadhsiiyaa Cidduu Doono, wuxuuna u Dhawyahay
Nuurka Hilaaciisu inuu la Tago Aragga. (44) Wuu Gagadiyaa
Eebe Habeenka iyo Dharaarta, Arrintaasna waano Qaadasho yaa ugu Sugan kuwa
Aragga leh (Caqliga lch). (45) Eebaa ka Abuuray wax Kastoo socda (oo
nool) Biyo waxaana ka Mid ah mid ku Socda
Calooshiisa, waxaana ka mid ah mid ku Socda Labo Lugood, Waxaana ka mid ah mid
ku Socda Afar, wuxuu Abuuraa Eebe wuxuu Doono, Eebana wax kasta waa Karaa. (46) Waxaan soo Dejinay Aayaad Cad Cad, Eebana wuxuu ku
Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan. (47) Waxay Dhihi (Munaafiqiintu) Waxaan rumeeynay
Eebe iyo Rasuulka waana Adeecnay markaasaa waxaa Jeedsada Kooxo ka Mid ah
Intaas ka Dib, Kuwaasi ma ah Mu'miniin. (48) Marka Loogu
Yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala Xukumo Dhexdooda waxaa soo Baxa Koox ka
Mid ah oo Jeedsan. (49) Hadduu Xaqu
iyaga U sugnaado way u Yimaadaan iyagoo Adeeci. (50)
Ma Qalbigay ka Bukaan mise way Shakiyeen mise waxay ka Cabsan in Eebe ku Jawr
falo iyo Rasuulkiisu, saas ma aha ee kuwaasu waa kuwo Daalimiin ah. (51) Mu'minka Hadalkiisu marka loogu yeedho Eebe iyo
Rasuulkiisu inuu kala Xukumo Dhexdooda waa uun Inay Dhahaan waan Maqallay Waana
Adeecnay kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay. (52) Ciddii Adeecda
Eebe iyo Rasuulkiisa oo Cabsata kana Dhawrsata Kuwaasi waa uun kuwa Liibaanay. (53) Waxay ugu Dhaarteen Eebe (Munaafiqiinta) Dhaar Daran inay u Baxaan (Jahaad) waxaad Dhahdaa ha Dhaaranina Adeecid la Yaqaan (ha Ahaado Xaalkiinnu) Eebana waa Ogyahay
waxaad Falaysaan. (54) Waxaad Dhahdaa
Addeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka Haddaad Jeedsataanna waxaa uun Korkiisa ah (Nabiga) waxa la Saaray (la Faray) idinkana waxa
Korkiinna ah waxa laydin Saaray (Xaq raacid) haddaad Addeecdaan (Nabiga) waad Hanuunaysaan, Rasuulkana ma Saarra waxaan Gaadhsiin
Cad ahayn. (55) Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyay
Xaqa oo Camal Fiican Falay inuu u Reebo Dhulka siduu ugu Reebay kuwii ka
Horreeyay, wuxuuna Makanin Diintooda uu uga Raalli Noqday wuxuuna ugu Badali
Cabsidooda ka Dib Nabadgalyo, wayna I cabudi Ilamana Wadaajiyaan waxba, Ciddii
Gaalowda intaas Ka Dibna kuwaasu waa uun Faasiqiin. (56)
Ooga Salaadda, Bixiya Zakada oo Addeeca Rasuulka waxaad Mudantihiin in laydiin
Naxariistee. (57) Hana Umalayn Kuwa Gaaloobay inay ku
Daalin (Eebe)
Dhulka, Guryahooduna Waa Naar waxaana u Xun Meel Loo Ahaado (Naar). (58) Kuwa Xaqa Rumeeyow Haydin Idan Warsadeen kuway Hanatay
Gacantiinnu, iyo Kuwaan Qaan Gaadhin oo Idinka Mid ah Saddex Jeer, Salaadda
Subax ka Hor iyo Markaad iska Dhigtaan Dharka Duhurkii, iyo Salaadda Cishaha ka
Dib, waa Seddex Waqti oo Cawro ah «la Nasto», ma aha Korkiinna iyo korkooda
midna Dhib «ma Saarra» intaas ka Dib, way idin kor Socdaan (Shaqeeyaan) Qaarkiinna Qaarbuu ka Ahaaday, saasuuna idiinku Caddayn
Eebe Aayaadkiisa Eebana waa Oge Falsan. (59) markay
Carrurtiinnu Qaangaadhana haydin Idan warsadeen siday idiin Idamwarsadeen kuwii
ka Horreeyay, saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge Falsan.
(60) Kuwa ka Fadhiistay (Ka quustay dhalmada) oo Haweenka ah oon guur Rajaynayn Korkooda Dhib (Dambi) ma Saarra inay
iska Dhigaan Dharkooda (Iska Fududeeyaan) iyagoon ismuujinayn Qurux, Inay Dhawrsadaan yaase u Khayr
Roon Eebana waa Maqle Og. (61) Ma Saarra
Indhoole Dhib, Lugoolana Dhib ma Saarra, Mid Bukana Dhib Ma Saarra, Naftiinnana
Dhib ma Saarra Inaad wax ka Cuntaan Guryihiinna ama Guryaha Aabayaalkiin, ama
Guryaha Hooyooyinkiin, ama Guryaha Walaalihiin, ama Guryaha Walaashiin, ama
Guryaha Adeeradiin, ama Guryaha Eeddooyinkiin, ama Guryaha Abtiyadiin, ama
Guryaha habaryarihiin, ama Guryahaad Hanataan Furihiisa, ama Guryaha
Saaxiibahiin, Dhibna Idinma Saarra Inaad wax Cuntaan Idinkoo Kooxa ah ama kala
Tagsan, markaad Gashaan Guryana Salaama Naftiinna, Salaan ka Ahaatay Eebe
Xagiisa oo la Barakeeyey oo Fiican, Saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayaadka
Inaad wax kastaan. (62) Mu'miniintu Waa
Uun kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa, markay la Joogaan Amar kulmiyey Dartiis
aan Tagin intay ka Idan Warsadaan, kuwa Idan warsada kuwaasu waa kuwa Rumeeyey
Eebe iyo Rasuulkiisa, ee hadday kuu Idan warsadaan Danahooda Qaarkood u Idan
Ciddaad Doonto oo ka Mid ah una Dambi Dhaafwarso Eebe, Ilaahay waa Dambi Dhaafe
Naxariistee. (63) Ha ka Yeelina u Yeedhidda Rasuulka
sida U Yeedhidda Qaarkiin qaar, Eebe wuu ogyahay kuwa Dusi iyagoo Gabban, (Fadhiga Nabiga) ha ka
Digtoonaadeen kuwa Khilaafi Amarka Nabiga inay ku Dhacdo Fidmo (Masiibo) ama ku Dhoco
Cadaab Daran. (64) Eebaa iska Leh waxa ku Sugan
Samooyinka iyo Dhulka, waana Ogyahay Waxaad ku Sugantihiin, iyo Maalinta loo
Celin Xaggiisa, oo uga Warami waxay Camal faleen, Eebana wax kasta waa Ogyahay.
Juz' 19
Al-Furqaan
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Khayr Batay (oo wayn) Eebaha ku soo Dejiyey
Quraanka Addoonkiisii (Nabiga) inuu u ahaado Caalamka u Dige. (2)
Eebaha uu u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, Yeelaninna Ilmo una
Sugnaanin Shariig (la Wadaage) Xukunka, Abuurayna wax kasta, oo u ahaysiiyey si Qiyaasan.
(3) Waxay ka Yeesheen Eebe ka Sokow Ilaahyo oon Abuurayn
waxba Iyagana la Abuuri una hananayn Naftooda Dhib iyo Nacfi (Midna) oonan hananayn
Geeri iyo Nolol iyo soo Bixin (midna). (4) Waxay Dheheen
Gaaladii kani (quraanku) ma
aha waxaan Been Abuur ahayn, uu la Yimid, Uguna Kaalmeeyeen Qoom kale, waxay la
Yimaadeen Dulmi iyo Been (Daran). (5) Waxay Dheheen
waa Warkii Dadkii Hore oos ka Qoray Iyadaana loo Yeedhiyaa Aroor iyo Galabba. (6) Waxaad Dhahdaa waxaa soo Dejiyey Eebaha Og waxa ku
Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka Waana Dambi Dhaafe Naxariista. (7) Waxay dheheen Gaaladii Muxuu leeyahay Rasuulkani oos u
Cuni Cunto una Socon Suuqa, maa loo Soo Dejiyo Malag oo ahaado mid la Diga. (8) Ama maa loo Tuuro (Dejiyo) Kansi ama u ahaato Beer uu wax ka Cuno Xageeda, waxayna
Dheheen Daalimiintu ma Raacaysaan waxaan Nin Sixran ahayn. (9)
Bal day siday kuugu Yeeleen Tusaale oy u Dhumeen una Karin (Qaadidda) Jidka (Xaqa). (10) Waxaa Khayr
Badan Eebaha Hadduu Doono kuu Yeeli wax ka Khayrroon Taas, Jannooyinna (Kuu yeeli) oy Socolo
Dhexdeeda Wabiyaal Kuuna Yeeli Daaro (Janno). (11) Waxayse
Beeniyeen Saacadda (Qiyaame) waxaana u Darabnay Ciddii Beenisa Saacadda Naarta Saciira.
(12) Markay ka Aragto Meel Fog waxay ka Maqlaan Cadho iyo
Guux. (13) Marka lagu Tuuro Dhexdeeda Meel
Cidhiidhi ah Iyagoo isku Xidhan waxay u Yeedhaan Halaag, iyo (Khasaare). (14) (Waxaana la Dhihi) Howyeedhanina Maanta Halaag Kaliya ee u Yeedha Halaag
Badan. (15) Waxaad Dhahdaa Ma Taasaa Khayrroon
mise Jannada Waaridda ee ah Middii loo Yaboohay kuwa Dhawrsada, waxayna u Ahaatay
Kuwaas (Dhawrsada)
Abaal Marin iyo Noqosho. (16) Waxayna ka
Helayaan Dhexdeeda waxay Doonaan wayna ku Waari, Arrintaasuna waa Yabooh
Isaaray Eebaha oo Sugan. (17) Xusuusta
Maalintaan Kulminayno Gaalada iyo waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oos ku
Dhihi Ma idinkaa Dhumiyey Addoomadaydaas, Mise Iyahgaa ka Dhumay Jidka. (18) Waxayna Odhun Waad Nastahantahay Naguma Habboona Inaan
Yeelanno Adi ka Sokow Awliyo (Gargaare), waadse u Raaxaysay iyaga iyo Aabayaalkood Intay ka
Halmaamaan Waxyiga, waxayna Noqdeen kuwa Halaagsamay. (19)
Way Idinku Beeniyeen waxaad Sheegaysaan mana Kartaan Furasho iyo Gargaar midna,
Ciddii wax Dulmida oo Idinka midah Waxaannu Dhadhansiin Cadaab Wayn. (20) Manaan Dirin Rasuul kaa Horeeyey oon Cunayn Cunnada
Soconaynna Suuqa, waxaana uga Yeellay Qaarkiin Qaarka kale Fidmo (Ibtilo) ee ma Samraysaan,
Eebahaana waa Arke. (21) Waxay Dheheen
Kuwaan Rajaynayn la kulankanaga naloogu soo Dejinwaayey Malaa'ig, ama maan
Aragno Eebahanno, way Iskibriyeen (isula waynaadeen) Naftooda wayna Madax Adaygeen Madax Adayg Wayn. (22) Maalintay Arki Malaa'igta (Geerida) ma Bishaaraystaan Maalintaas Dambiila Yaashu, waxayna
Odhan Xijaab oodan iyo Reebnaan yaa ah (Wanaag iyo Isla
kulan majiro). (23) Waannu u soo
Hormarinay waxay Faleen oo Camal ah Waxaana ka yeelay Dhalanteed la Firdhiyey. (24) Ehelu Jannaha yaa Maalintaas Khayr Roon Sugnaansho iyo
Wanaag badan Qayluushi (Hurdo). (25) Xusuuso
Maalintay Samadu la Dillaaci Daruuraha, lana soo Dejin Malaa'igta soo Dejin. (26) Xukunka Maalintaas ee Xaqa ah waxaa iska leh Eebaha
Raxmaana, Waana Maalin Gaalada ku Daran. (27) Xusuusana
Maalintuu Qaniini Daalimku Gacantiisa (Faraha) Isagoo Dhihi Shalleytee maan Yeesho la Jirka Rasuulka Jid (maan Rumeeyo). (28) Halaag iyo Shalleytee Maxaan hebel Saaciib uga Yeeshay.
(29) Wuxuu iga Leexiyey Quraanka intuu ii yimid ka Dib,
Shaydaanna Dadka Wuxuu u Yahay Dayace (Mee Xun kaga tage). (30) Wuxuu Yidhi
Rasuulkuna Eebow Qoomkaygii waxay ka Yeesheen Quraankan mid laga Tagay (Ma Maqlaan). (31) Saasaan ugu Yeellay Nabi kasta Col Dambiilayaal ah,
Eebana ku Filan Hanuuniye iyo Gargaare. (32) Waxay Dheheen
kuwii gaaloobay maa lagu Soo Dejiyo Nabiga Quraanka Mar kaliya (Isagoo dhan) saasaan Yeellay,
inaan ku Sugno Qalbigaaga, waana kugu Akhriyeynaa Akhrin (Fiican). (33) Wixii Tusaale
ah oy Kuula Yimaadaanna waxaannu Kuugula imaan Xaq iyo Fasiraadda u Fiican. (34) Kuwa lagu soo Kulmin Wajigooda (Naarta) Jahannamo kuwaasu waa kuwa u Xun meel uguna Dhumid Badan
Jid. (35) Waxaana Siinay Nabi Muuse Kitaabkii
Waxaana ka Yeellay la Jirkiisa Walaalkiis Haaruun Wasiir. (36)
Waxaana Nidhi Aada Qoomkii beeniyey Aayaadkanaga Waana baabi'inay (Halaagnay) baabi'in, (Halaagnay). (37) (Xusuuso) Qoomkii Nabi Nuux, Markay Beeniyeen Rasuulladii Yaan
Maan-Sheynay Ugana Yeellay Dadka Calaamad, Waxaana u Darabnay Daalimiinta
Cadaab Daran. (38) Caadna waan Halaagnay iyo Thamuud,
iyo Rasi (Ceelkii)
Ehelkiisii, iyo Quruumo Intaas u Dhaxeeyey oo Badan. (39)
Dhammaan waxaan u Yeellay Tusaale Dhammaanna waan Halaagnay Halaag. (40) Way Tageen Gaaladu Magaaladii lagu soo Daadiyey Roob
Xun (Dhagax Cadaab)
Miyeyna Arkeyn, waxayse Ahaayeen kuwaan Rajaynayn (ka
yaabayn) soo kulmin. (41)
Hadday ku Arkaan Gaaladu waxay kaa yeeshaan Jees Jees, iyagoo (Dhihi) ma kanaa kan Eebe Soo Bixiyey
Isagoo Rasuul ah. (42) Wuxuu U
dhawaaday inuu Naga dhumiyo Ilaahyadanada Haddaanaan ku Samrin, (ku adkaysan) waxay Ogaadaan
Markay Arkaan Cadaabka Cidda Dhunsan. (43) Ka Warran Ruux
ka Yeeshay Ilaahiisa Hawadiisa (Suu Jecelyahay) Ma adaa Wakiil (Ilaaliye) ka Noqon. (44) Mise waxaad u
Malayn in Badankood wax Maqli ama wax kasi, ma aha waxaan Xoolo oo kale ahayn,
Iyagaabase ka Sii Dhunsan. (45) Miyeydaan Ogayn
sida Eebe u Fidiyo hadhka, hadduu Doonana wuxuu ka Yeeli lahaa Mid Xasillan (Taagan) markaasaan ugu
Yeellay Qorraxda korkiisa Daliil (Xujo). (46) Markaasaan u
Soo qabanaa Xagganaga Qabasho Yar. (47) Eebe waa kan Idinka Yeelay
Habeenka Astur, Hurdadana Raaxo, kana yeelay Maalinta soo Kulan (Dhaqdhaqaaq). (48) Eebe (Sareeye) waa kan
u Dira Dabaysha Bishaaro Darteed Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa, Waxaana ka soo Dejinay Samada Biyo wax
Daahiriya. (49) Inaan ku Nooleyno Magaalo Dhimatay
oon kuna Waraabino waxaan Abuuray, Xoolo iyo Dad Badan. (50)
Waana ku kala Duwnay «Badinay» Dhexdooda, inay Xusuustaan, Wuuna Diiday Dadka
Badidiis waxaan Gaalnimo Badan ahayn. (51) Haddaan Doonno
waxaan ka Bixin Lahayn Magaalo Kasta Dige (Nabi). (52) ee ha Adeecin
Gaalaga kulana Jahaad Quraanka Jahaad Weyn. (53)
Eebe wuu isku daraa Labada Badood, Kaasi waa Macaan Daran, kaasna waa Khadhaadh
Daran (Afku Diido)
yeelayna Dhexdooda Soohdin iyo Xaajis Awdan. (54)
Eebana waa kan
ka Abuuray Biyaha Dad kana Yeelay Qaraabo iyo Soddognimo, Eebahaana wuu karaa (Wuxuu Doono). (55) Waxayna Caabudi Gaaladu Eebe ka Sokow waxaan Anfacayn
Dhibayna Gaalna wuxuu ahaaday mid ka soo hor Jeeda Eebihiis. (56) Maa naan kuu Dirin inaad Bishaareeye Dige ah (Noqoto Mooyee). (57) Waxaad Dhahdaa Idinkama warsado (Xaqa
Gaadhsiintiisa) UJuuro Ruuxiise dooni inuu ka Yeesho
Eebehiis Xaggiisa Waddo (Khayr ha falo). (58) Talo Saaro Eebaha
Nool een Dhimanayn una Tasbiixso adoo Mahdin, Eebaana ku Filaan Dambiga
Addomadiisa Ogaanshihiisa. (59) Waana Eebaha ku
Abuuray Samooyinka iyo Dhulka iyo Waxa u Dhexeeya Lix Maalmood, kuna Istawooday
Carshiga (Si u Cununta), ee
Warso Cid wax Og. (60) Marka la Dhaho
u Sujuuda (Eebaha)
Raxmaan ah waxay Dhahaan Muxuu Yahay Raxmaan, ma waxaan u Sujuudeynaa waxaad na
Farayso, wuxuuna u Kordhiyey Carar. (61) Waxaa Khayr
Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi. (62) Eebana waa Ilaah uga Yeelay Habeenka iyo Maalinta
Isbaddel Ciddii Doonta inuu wax Xusuusto ama Doono inuu Mahdiyo. (63) Addoomada Eebaha Raxmaana waa kuwa u Socda Dhulka
Xasillooni, markay la Hadlaan (Af Xumeeyaan) Jaahilliinna Yidhaahda Nabadgalyo. (64)
ee ah Kuwa ku Barya (Habeenkii) Iyagoo u Sujuudi oo u Istaagi (Cibaado) Eebe. (65) ee Ah kuwa
Dhihi Ilaahow naga Iil Cadaabka Jahannamo, Cadaabkeedu waa joogtee. (66) Iyaduna waxay u Xuntahay ku Sugnaansho iyo ku Nagaadi. (67) Ee ah kuwa Markay wax Bixiyaan aan Xad gudbin
Cidhiidhyinna, oo intaas Dhexdeeda ku Tolosnaada. (68)
Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona Dilayn Naftuu Eebe
Xarrimay Dilkeeda Xaq Mooyee oon Zinaysanayn, Ciddii Saas fashana waxay la
Kulmi Dambi. (69) Waxaana loo Laab laabi Cadaabka
Maalinta Qiyaame wuuna ku Waari Dhexdiisa Isagoo Dullaysan. (70) Ciddii Toobad keenta oo Rumaysa oo Fasha Camal Fiican
Mooyee, oo kuwaas waxaa loogu Badali Xumaantooda Wanaag, Eebana waa Dambi
Dhaafe Naxariista. (71) Ruuxii Toobad
keena oo Fala Wanaag wuxuu u Noqon Eebe Noqosho. (72) (Kuwa Fiican) waa kuwaan Furayn
Been, Markay Maqlaan Hadal Xunna Mara iyagoo Wanaagsan (Ka
Jeedsada). (73) Waana kuwa
marka lagu Waaniyo Aayaadka Eebahooda aaan Dhicin Dhago iyo Indho La'aan. (74) waana kuwa Dhihi Eebow nagasii (naga
tusi) Haweenkanaga iyo Caruurtanada wax Ishu
ku Qabowsato, noogana yeel kuwa Dhawrsada Imaam. (75)
Kuwaas waxaa lagu Abaal marin Fooqa (Janno) Samirkooddi Dartiis waxayna kula Kulmi dhexdeeda Salaan
iyo soo Dhawayn. (76) Wayna ku waari Dhexdeeda
waxaana u Wanaagsan Janada ku Sugnaan iyo Nagaadiba. (77)
Waxaadna Dhahdaa Idiinma Aabo Yeeleen Eebahay Haddaydaan Baryeyn (Illeen) waad beeniseen (Xaqee) wuxuuna ahaan mid
idin Laasima Beeninta «Ciqaabta».
Ash-Shu'araa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku Tusin Mucjisada
Quraanka sida soo Hor martay. (2) Taasi waa
Aayadihii Kitaabka Cad. (3) Waxaadna u
Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. (4) Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada
Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. (5)
Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo
ka Jeedsada. (6) Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan
Warka waxay ku Jees Jeesayeen. (7) Miyeyna Arkayn
Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. (8)
Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). (9) Eebahaana Waa
Adkaade Naxariista. (10) (Xusuuso) markuu ugu Yeedhay
Eebahaa (Nabi)
Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. (11) Qoomka Fircoon,
Maydhawrsadaan. (12) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (13) Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu
ee Dir la Jirkayga Haaruun. (14) Waxayna igu
Leeyihiin Dambi (Godob)
waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (15) Wuxuu Yidhi
Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. (16) ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay
Rasuulka Eebaha Caalamka. (17) Ee Dir «u
Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. (18) Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu
Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga
Sanooyin. (19) Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo
Diidan (Sama Falkii). (20) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. (21)
Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo,
Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). (22) Taasise ma
Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. (23) Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. (24) Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad
wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). (25) Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa
ahaa War ma Maqlaysaan. (26) Wuxuu Yidhi
Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. (27)
Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. (28) Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad
wax kasaysaan. (29) Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato
Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. (30)
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. (31)
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. (32)
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. (33) Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad
Dadka Dayi. (34) Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. (35) Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee
Maxaad Faraysaan. (36) Waxay Dheheen
Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. (37) Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. (38) Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la
Yaqaan. (39) Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma
Kulmaysaan. (40) Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday
Adkaadaan. (41) Markay Yimaaddeen Saaxiriintii
waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. (42) Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. (43) Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (44)
Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon
yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. (45) Markaasuu
Tuuray (Nabi)
Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. (46) waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. (47) Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. (48) Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. (49) Wuxuu yidhi
Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee
idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo
Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. (50)
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. (51) waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii
ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). (52) Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa
Laydin Raaciye. (53) Markaasuu u Diray Fircoon
magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. (54) Isagoo dhihi
Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. (55) Wayna Na cadho
Galiyeen. (56) Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer
Digtoon. (57) Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. (58) Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. (59)
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. (60) Markaasay
Raacen (ka daba Duulcen)
Qorrax soo Bixii. (61) Markay isu Muuqdeen
Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. (62) Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. (63) Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii
wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. (64)
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). (65) Waxaana Korinay
(Nabi) Muuse iyo Intii la
Jirtay Dhammaan. (66) Ka dibna waxaan Maanshaynay
Kuwii kale. (67) Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad
Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. (68) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista, (69) Ku Akhri
Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. (70) Markuu ku Yidhi
Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. (71)
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. (72) Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. (73)
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. (74) Waxay Dheheen
waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. (75)
Wuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan. (76)
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. (77) Hadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha
Caalamka Mooyee. (78) Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. (79) Kan I Quudin ee I Waraabin. (80)
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. (81) Waana kan I dili Ina Noolayn. (82) Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta
Abaal marinta. (83) Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa
Suuban. (84) Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. (85) Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. (86) Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
(87) Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). (88) Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. (89) Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). (90) Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). (91) Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. (92) Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. (93) Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama
Gargaarsanayaan. (94) Waana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga
iyo kuwa Baadiyoobay. (95) Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. (96) Waxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. (97) Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. (98) Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. (99) Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. (100) Mana Lihin wax Noo Shafeeca. (101)
Iyo Saaxiib Dhaw. (102) Ee hadaan
Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. (103) Taas waxaa ku
Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). (104) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista. (105) Waxay
Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. (106) Markuu ku Yiidhi
Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. (107) Anigu waxaan
idiin ahay Rasuul Aamin ah. (108) Ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (109) Idinkana
Warsanmaayo (Xaqa)
Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (110)
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (111) Waxay Dheheen
ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun
Xun). (112) Wuxuu Yidhi
Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. (113) Xisaabtooda
Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. (114) Anuguna ma
Eryayo Mu'miniinta. (115) Waxaan u Dige
Cad ahayna ma ihi. (116) Waxay Dheheen
Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. (117)
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. (118)
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. (119) Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii
Buuxday. (120) Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii
Hadhay (Gaaladii). (121) Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu
kuwo Rumayn. (122) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (123) Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. (124)
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. (125)
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (126) Ee ka
Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. (127) Idinkamana
Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (128) Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. (129) Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. (130)
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. (131)
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. (132) Kana Dhawrsada
Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. (133) Wuxuu idin
Siiyey Xoolo iyo Caruur. (134) Iyo Beero iyo
Ilo. (135) Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin
Wayn. (136) Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid
ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. (137) Kanna ma aha
waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. (138)
Nalamana Cadaabayo. (139) Wayna
Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha
Badankoodu kuwo Rumayn. (140) Eebahaana waa
Adkaade Naxariista. (141) Waxay Beenisay
Thamuud suulladii. (142) Markuu ku
Yidhi Walaalkood (Nabi)
Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. (143) Waxaan idiin
ahay Rasuul Aamin ah. (144) ee ka
Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. (145) Idinkamana
Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (146) Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. (147) Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). (148) Iyo Beero iyo
Timir Fiideedu Bisayl Tahay. (149) Ood ka
Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. (150)
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (151) Hana Adeecina
«Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. (152) ah kuwa Fasaadiya
Dhulka oon Hagaajinayn. (153) Waxay Dheheen
waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. (154) Mana Tihid
waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. (155) Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna
Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan. (156) Ee ha ku
Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn. (157)
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. (158)
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo
Rumayn (Xaqa). (159) Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (160)
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. (161) Markuu ku
Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. (162)
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (163) ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (164) Idinkama
Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (165) Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. (166) Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo
Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. (167)
Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. (168) Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. (169) Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. (170) Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. (171) Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). (172) Markaasaan
Halaagnay Intii kale. (173) Waxaa ku soo
Daynay (Roob Dhagax Naara)
waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. (174) Taasna waxaa
ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. (175)
Eebhaana waa Adkaade Naxariista. (176) Waxay
Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. (177) Markuu ku Yidhi
Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. (178) Waxaan idiin
ahay Rasuul Aaminee. (179) ee ka
Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (180) Idinkama
Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (181) Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. (182) Una Miisama Cadaalad Toosan. (183)
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. (184) Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii
Horreeyey. (185) Waxay Dheheen waxaad uun Tahay
kuwa la Sixray. (186) Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah
ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. (187)
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. (188) Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. (189) Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii
Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. (190) Arrintaasna
waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. (191)
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (192) Quraankuna waa
soo Dejin Ebaha Caalamka. (193) Waxaa kula soo
degan Ruux Aamin ah (Jibriil). (194) Qalbigaaga
inaad ahaato kuwa ku Diga. (195) Af Carabi ahoo
Cad. (196) Quraankuna wuxuu ku Sugnaa
Kutubtii hore. (197) Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu
Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/ (198) Haddan ku soo
Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. (199) oo uu ku
Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. (200) Saasaan u
Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. (201) Mana
Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. (202)
Oos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. (203)
Oy Dhahaan ma nala Sugi. (204) Ma Cadaabkanagay
Dadajisan. (205) Ka Warraan Haddaan u Raaxayno
Sanooyin. (206) Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu
Goodinaayey. (207) Muxuu uga Tari Xaggooda wixii
loogu Raaxeeyey. (208) Magaalo aan Halaagno oon
loo Diginna ma Jirto. (209) Waano Darteed,
mana nihin Daalimiin. (210) Kumana soo
Degto Quraanka Shayaadiintu. (211) Kumana
Habboona mana Karaan. (212) Shayaadiintu
Maqalka waa ka Fogyihiin. (213) Ee ha Caabudin
(Baryin) Eebe Miciisa Ilaah
kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. (214) Una Dig
Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. (215) Una Raarici
Garabkaaga (U Naxariiso)
Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. (216) Hadday ku
Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari
baan ka ahay waxaad Falaysaan. (217) Talo Saaro
Eebaha Adkaada ee Naxariista. (218) Ee ku Arka
Markaad Kici. (219) Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. (220) Eebana waa Maqle Og. (221)
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. (222)
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. (223)
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. (224) Gabayaana
waxaa Raaca kuwa Baadida ah. (225) Miyaadan Arkin
in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. (226)
Oyna Sheegi waxayna Falayn. (227) Kuwa Xaqa
Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi
ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).
Juz' 20
An-Naml
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Xarafka
hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin
Mucjisada Quraanka, Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad. (2) Waana Hanuunka iyo Bishaarada Mu'miniinta. (3) Ee ah kuwa Ooga Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro
Yaqiinin. (4) Kuwaanse Rumayn Aakhiro waxaan u
Qurxinay Camalkooda waana ku Indho la'Yihiin (Wareersanyihiin). (5) Kuwaasi waa
Kuwuu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakharaba Iyaga unbaa Khasaaray. (6) Adiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi Quraanka Falka San ee
Og Agtiisa. (7) Xusuuso Markuu ku Yidhi Nabi Muuse
Ehelkiisa Anugu waxaan Arkaa Iftiin waxaan Idiinka Keeni Xaggiisa War Ama
Waxaan Idiinka Keeni Dhuxul Daba inaad Kulaashaan. (8)
Markuu Yimid waxaa Loogu Dhawaaqay Waa la Barakeevev Cidda Dabka la Joogta iyo
kuwa Gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Ilaaha Caalamka. (9)
Muusow Anugu waxaan ahay Ilaaha Adkaada ee Falka San. (10)
Ee Tuur Ushaada, Markuu Arkay Iyadoo Gilgilan Sida Maska wuu Jeedsaday Isagoo
Carari, Mana soo Noqon, Muusow ha Cabsanin, kuma Cabsadaan Agtayda
Rasuulladuye. (11) Ciddiise Dulmi Fasha markaas Wanaag
ku Baddasha Xumaan ka Dib Anugu waxaan ahay Dambi Dhaafe Naxariista. (12) Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay soo Bixi Iyadoo Cad
Xumaan La'aan (Waxayna ka mid yihiin) Sagaal Calaamo oo Fircoon iyo Qoomkiisa loo Muujiyey,
waxayna ahaayeen Qoom Faasiqiina. (13) Markay u Timid
Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay Dheheen Kani waa Sixir Cad. (14) Wayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo
Isla Sarreeyn Darteed, ee Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha). (15) Waxaan siinay Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen
Mahad Ilaahbaa iska leh ee ah kan
Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah. (16)
Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka
Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad. (17)
Waxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh,
iyagoo iseeleelin. (18) Markay
Yimaaddeen Togii Qudhaanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo
Junuudiisu Iyagoo idin Ogayn. (19) Markaasuu
Muusooday Isagoo ku Qosli Hadalkeeda wuxuuna yidhi Eebow I waafaji inaan ku
Mahdiyo Nicmadaad ugu Nicmaysay Ani iyo Waalidkay iyo Inaan Falo Wanaag Aad ka
Raali tahay ina Gali Naxariistaada Addoomadaada Suuban Dhexdooda. (20) Wuxuu Fiirfiiriyey Shimbiribii (Sulaymaan) Wuxuuna Yidhi Maxaan la Arki La'ahay Hud-Hudkii Mise kuwa
Maqan buu ka Midyahay. (21) Waxaan Cadaabi
Cadaab Daran ama waan Gawrici ama wuxuu iikeeni Xujo Cad. (22)
Markaasuu Muddo Yar Maqnaa Markaasu Yidhi (Markuu Yimid) waxaan Ogaaday waxaadan Ogaanin, waxaana kaaga keenay
ReeSaba War Yaqiina. (23) Waxaan Helay
Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn. (24)
Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U
qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana. (25) May u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon
Samooyinka iyo Dhulka oo Og waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan. (26) Ilaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha
Carshiga Wayn. (27) Wuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run
Sheegi iyo inaad ka mid Tahay Beenaalayaasha. (28)
La Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri
waxay soo Celiyaan. (29) Waxayna Tidhi
Maxaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh. (30) (Kuna Qoran) Waxay ka Timid
Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba
Naxariista. (31) Ee Hayska Kay waynaynina iina
Imaadda Idinkoo Muslimiina. (32) Waxayna Tidhi
Madaxeey ii Ishaara Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka Joogtaan. (33) Waxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo
Geesinimo Badan, amarkase adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari. (34)
Waxay Tidhi Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh
kuwo Dullaysan Saasayna Falaan. (35) Waxaanse u Diri
Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray. (36)
Markay soo Gaadhay Hadyaddii (Nabi) Sulaymaan Yuu Yidhi ma waxaad ii Kordhinaysaa Xoolo, wuxuu
I siiyey Eebe yaa ka khayr Roon wuxuu idin siiyey, Idinkaase ku Farxi
Hadyadiina. (37) Ee U celi Waxaana ula Imaanaynaa
Junuud (Col) ayna Awoodayn waxaaana ka Bixinaynaa Magaalada Iyagoo
Dullaysan oo Ihaanaysan. (38) Wuxuuna Yidhi
Qoomow Yaa ii Keena Carshigeeda (Kursigeeda) ka hor Imaatinkooda Iyagoo Muslim ah. (39) Wuxuuna
yidhi Mid Xoog badan oo Jin ah anaa kuu Keeni Intaadan ka Kicin Fadhigaada,
waxaana ahay Xoog badane Aamina. (40) Wuxuuse yidhi
kay Agtiisa ahayd Ogaanshaha Kitaabka Anaa kuu keeni Ishaada Laabideeda horteed
(Ilbidhiqsi) Markuu ku Arkay
Agtiisa Isagoo ku Sugan wuxuu Yidhi Kani waa Fadliga Eebahay inuu Imtixaamo
inaan ku Mahdiyo iyo Inaan ka Gaaloobo, Ciddii ku Mahadisa wuxuu uun u Mahdiyey
Naftiisa Ciddii Gaalowdana Eebahay waa ka Kaaftoonyahay waana Sharafbadanyahay.
(41) Wuxuuna Yidhi Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay
Noqoto Cidaan Garanayn. (42) Markay Timid
waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu, waxayna Tidhi waxaad Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey
Horteed Cilmi waxaana nahay Muslimiin. (43) Waxaana (Xaqa) ka Reebay Waxay
Caabudaysay oo Eebe ka soo Haddhay, waxayna ka mid ahayd Qoom Gaala ah. (44) Waxaa lagu Yidhi Gal Daarta Markay Aragtayna waxay U
Malaysay Mawjad (Biya ah)
waxayna ka Faydatay Dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi waa Daar Salaax Sugan oo
Quruurado ah, waxayna Tidhi Eebow anigu waxaan Dulmiyey Naftayda, waxaana u
Islaamay la Jirka Sulaymaan Ilaahay Dartiis ee Eebaha Caalamka ah. (45) Waxaan u Dirray Ree Thammuud Walaalkood Saalax inay
Eebe Caabudaan Markaasay soo Bexeen iyagoo Labo Kooxooda oo Doodi. (46) Wuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u Dedejisanaysaan Xumaan
Wanaag ka Hor, Maadse Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu idiin Naxariisto. (47) Waxayna Dheheen waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula
Jirta, wuxuuna ku Yidhi Baaskiinnu wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin
Qoom la Fidneeyey. (48) Waxaana
Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin Dhulka Hagaajinayna. (49) Waxayna Dheheen isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo
Ehelkiisaba Markaas aan ky Dhahno Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeju ku
Halaagmay Ehelkiisu waxaana Sheegaynaa Run. (50)
Way Dhagreen Dhagar Anana waan Abaal marinay Iyagoon Ogayn. (51) ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa
Halaagnay Iyagii iyo Qoomkoodiiba Dhammaan. (52)
Taasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad
yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan. (53) Waxaana Korinay
kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey. (54) (Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi
Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan Idinkoo Arko. (55)
Idinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin
Qoom Jaahiliina. (56) Mana Noqonin Jawaabtii
Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya Luudh iyo Ehelkiisa Magaaladiina waa Dad
Isdaahirine. (57) Waana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii
Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray (ka dhignay) kuwa Halaagsami. (58) Waxaana ku soo
Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday Roobka kuwa Loo Digay. (59) Waxaad Dhahdaa mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha
Ahaato Addoomadiis uu Doortay Korkooda, ma Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin.
(60) Ma Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo
Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa
Khayrroon mise waxaad Caabudaysaan) ma kari kartaan
inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis, waase Qoom (xaqa) ka Leexaan. (61) Mise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo, buuro
oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa,
Badankooduse wax ma Oga. (62) Mise Eebaha
Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska
Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa,
Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan. (63) Mise Eebaha
idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista
Eebe (Roobka)
hortiisa, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la
Wadaajin. (64) Mise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin
oo ah kan
Idinka Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma Ilaah (kalaa) Jira Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa Keena Xujadiinna Haddaad
Run Sheegaysaan. (65) Waxaad Dhahdaa ma Oga waxa
Samooyinka iyo Dhulka ku Sugan waxa Maqan Eebe mooyee, mana Oga Goorta la Soo
Bixin. (66) Wuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga
Suganyihiin Xageeda Shaki, wayna ka Indho La'yihiin Xaggeeda. (67) Waxay Dheheen kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro
Anaga iyo Aabayaalkanno miyaa nala soo Bixin. (68)
Waa Naloo Yaboohay Kan
(soo Bixinta) Anaga iyo
Aabayaalkanno mar hore, kanna ma aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn. (69) Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay
Cidhibtii Dambiilayaasha. (70) Hana u Murgin
Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay Dhagri. (71)
Waxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi Haddaad Run sheegaysaan. (72) Waxaad Dhahdaa waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad
Dedejisanaysaan Qaarkeed. (73) Eebahaana waa
Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu kuma Mahdiyaan. (74)
Eebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin Laabahoodu iyo waxay Muuiin. (75) Waxa ku Maqan Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin
Kitaab Cad. (76) Quraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil
wixii Badnaa ay isku Khilaafeen. (77) Quraankuna waa
Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta. (78) Eebahaana wuxuu
ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa Adkaade Og. (79)
ee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku Sugantahay Xaq Cade. (80)
Adugu wax ma Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq
markay Jeedsadaan iyagoo sii Socda. (81) Mana Tihid mid
ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid Ruux Rumeeyey
Aayaadkanaga oo Muslima mooyee. (82) Markuu ku Dhaco
Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii)
waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen
kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga. (83) Xusuuso
Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey
Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi. (84) Markay
Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin
Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen. (85) Waxaa ku Dhacey
Qawlkii (Ciqaabtii)
Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan. (86) Miyeyna Arkayn
inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag, Arrintaasna
Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa). (87) Xusuuso
Maalinta la Afuufi Suurka oos Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka
Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan. (88) Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay
ingagantahay (Sugantahay)
iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana
waa Ogaha waxaad Falayasaaan. (89) Ciddii la
Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argaxa Maalintaasna Iyagu way
Aamin Noqon. (90) Ciddiise la Timaadda Xumaan waxaa
Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.
(91) Waxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo wax
kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta. (92) iyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u
Hanuunay Naftiisa, Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa
Diga. (93) Waxaadna dhahdaa Mahad Eebaa iska
leh wuxuu idin tusin Aayaadkiisa oo Aqoonsanaysaan, mana aha Eebaha mid
Halmaansan waxaad Falaysaan.
Al-Qasas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Wuxuu ku Tusin Mucjisada
Quraanka. (2) Taasina waa Aayaadka Kitaabka (Quraanka) ee Cad. (3) Waxaannu kugu Akhrin Korkaaga Warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon
si Xaq ah Qoomkii Rumayn. (4) Fircoon wuu Isku
Kibriyey Dhulka (Masar)
wuxuuna ka Yeelay Ehelkiisii Kooxo, Isagoo Yaraysan (Dullayn) Koox ka Mid ah Gawricina Wiilashooda oo Dayn Haweenkooda
wuxuuna ka mid ahaa kuwa wax Fasaadiya. (5) Waxaanu Dooni
inaan ku Mannaysanno (Waxsiino) kuwii lagu Dullaysanayay Dhulka kana yeello Imaamyo, kana
Yeello kuwa Dhaxli Dhulka. (6) Oon Makansiinno
Dhulka, Tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo Januuddooda waxay ka Digtoonaayeen (Halaagooda). (7) Waxaan u Waxyoonay ku (Ilhaamaynay) Muuse Hooyadiis Nuuji, markaad u Cabsatana ku Tuur Hirka (Badda) hana Cabsan hana Murugoon
anagaa kugu soo Celine kana Yeeli kuwa la Diro (Rasuul). (8) Waxaana Qaalay
Fircoon Dadkiisii Isagoo u Noqon doona Col
iyo Walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo Colkoodiina waxay Ahaayeen kuwo Gefay. (9) Waxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda
iyo taada ee ha Dilina, waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno
Wiile, mana Oga Iyagu (Dhabta). (10) Wuxuu Ahaaday
Qalbigii Muuse Hooyadiis mid Madhan waxayna u Dhawaatay inay Muujiso Haddaanaan
Adkaynin Qalbigeeda inay ahaato Mu'miniinta. (11)
Waxayna ku Tidhi Walaashiis Raac, waxayna ka eegaysay Dhinac Fog, iyagoon
ogayn. (12) Waxaana ka Reebnay Korkiisa
Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una
Samo Fali. (13) Waxaana ku soo Celinay Hooyadiis, si
ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin, Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq Laakiin
Dadka Badankiisu ma Oga. (14) Markuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo
Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi, Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha. (15) Wuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn,
wuxuuna Helay Labo Nin oo Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay
Colkiisa, waxaana u Kaalmo warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay
Muuse wuuna Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya
oo Cad. (16) Wuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan
Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi Dhaafay Illeen Ilaahay waa
Dambi Dhaafe Naxariistee. (17) Wuxuuna Yidhi
Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u Kaalmeeya
Dambiilayaasha. (18) Wuxuu ku Waabariistay Magaaladii
Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo
Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu waxaad tahay baadi cad. (19) Markuu Doonay inuu Qabto (Wax
yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey) Muusow ma waxaad
dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale) Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir
badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana Doonaysid
inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya. (20) Waxaana ka
Yimid Magaalada Xageeda God Nin Ordi oo leh Muusow, Qoomku waxay ku Tashanayaan
inay ku Dilaan ee Bax Anuguna waan kuu Naseexayne. (21)
Wuuna ka Baxay (Magaaladii)
Isagoo Cabsan oo Filan (waxyeello) wuxuuna yidhi Eebow iga Kori Qoomka Daalimiinta ah. (22) Markuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu
u Dhawyahay Eebahay inuu igu (Hanuuniyo) jidka Toosan. (23) Markuu Gaadhay
Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa wuxuuna ka helay
Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma
Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku, Aabbahanana waa Oday Wayn. (24) Markaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska
wuxuuna Yidhi Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay. (25) Markaasay
u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu kuu
Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid oos
Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta
ahaa. (26) Waxayna Tidhi Middood Aabbow noo
Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto Mid Xoog Badan oo Aamin ah. (27) Wuxuuna ku Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo
Labadaydan Gabdhood Middood inaan ku Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso
Tobankana waa Adiga Agtaada, mana Doonayo inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan
Hadduu Eebe Doono kuwa Wanaagsan. (28) Wuxuuna Yidhi
Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana dhib iguma aha,
Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil. (29) Markuu
Dhammeeyey (Nabi)
Muuse Muddadii oo la Tegay Ehelkiisii wuxuu ku Arkay Dhinaca Dhuur Dab, wuxuuna
ku Yidhi Ehelkiisii Suga waxaan Arkaa Dabe waxaan u Dhawahay inaan Idiinka
Keeno War ama Dhuxul Daba inaad Kulaashaan. (30)
Markuu Yimidna waxaaa Looga Dhawaaqay Togga Dhiniciisa Midig, Meejii
Barakaysnayd oo Geedka (Isagoo la Yidhi) Anugu Ilaahay Baan ahay Eebaha Caalamka ah. (31) Ee Tuur Ushaada Markuu Arkay iyadoo Gilgilanna ood
Mooddo Mas wuu Jeedsaday Isagpp Carari, mana soo Jeedan, (waxaana
lagu Yidhi) Muusow soo Qaabil (soo
Noqo), hana Cabsan Adugu Aaminbaad tahay (waad nabadgali). (32) Gali Gacantaada Jeebkaaga waxay so Bixi Iyadoo Cad
Xumaan (cudur)
La'aan, Iskuna Dhaji Garabkaaga Argagaxa Dartiis taasina waa Xujooyin Eebe ka
ahaatay oo Fircoon iyo Qoomkiisa (Loo diray) waana Qoom Faasiqiina. (33)
Wuxuu Yidhi Eebow waxaan ka Dilay Naf waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (34) Walaalkay Haaruunbaana iga Fasiixsan Carrabka (Hadalka), ee Ila Dir Xoojin
ha ii Rumeeyee, waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (35)
Wuxuu yidhi (Eebe)
waannu ku Xoojin Cududdaada Walaalkaa waxaana idiin yeeli Xujo Idimana
Gaadhayaan (Dhibkiinna)
aayaadkanaga Dartood, Idinka iyo Inta idin Raacday yaana Adkaan. (36) Markuu Ula Yimid muuse Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay
Dheheen kani waa Sixir la Abuurtay mana Aanaan ku maqal kan (oo kale) Aabbayaalkannagii horreeyey. (37)
Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebahaybaa og Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo
Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidday u ahaan Cidhibta dambe illeen ma
Liibaano daalime. (38) Wuxuu Yidhi Fircoon
Maxaxeey Idiinma Ogi Eebe Iga soo Hadhay ee ii Huri Haamaanow Dhoobada iina
Yeel Daar (dheer)
inaan Daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u Malayn inuu Beenaale yahaye. (39) Waxay Isku Kibriyeen isaga iyo Colkiisiiba Dhulka Xaq
Darro waxayna u Maleeyeen inaan Xagganaga loo soo Celinayn. (40) Waana Qabanay Isaga iyo Colkiisii waxaana ku Turray
Badda ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Daalimiinta. (41)
waxaana ka Yeellay Madax ugu Yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma Gargaaro. (42) Waxaana Raacinay Adduunayadan Lacnad, Maalinta
Qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey (La halaagay). (43) Waxaan Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka ka
Dib Intaan halaagnay Quruumihii hore, Isagoo Aragti u ah Dadka iyo Hanuun iyo
Naxariis inay Xusuustaan Darteed. (44) Maadan ahayn Dhinaca
Galbeed ee Buurta markaan Sinnaynay Muuse Amarka «Nabinimada» mana aadan ahay
Kuwii Joogay. (45) Laakiin waxaan ahaysiinay Quruumo
waxaana ku dheeraday Cimrigii, mana aadan ahayn mid ku nagaa Ehelkii Madyan
Adoo ku Akhrin Korkooda Aayaadkanaga Laakiin anagaa ku Dirray. (46) Mana aadan ahayn Dhinicii (Buurta) Dhuur markaan u Dhawaaqnay Laakiin waa naxariista Eebahaa
Inaad u Digto qoom uusan u Imaan Dige kaa Horreeyey inay Waantoobaan. (47) Hadday markay ku Dhacdo Musiibo (Dhib) waxay hormarsadeen Gacmahoodu Darteed oo Markaas ay
Dhahaan Eebow Maxaad noogu soo Diri wayday Rasuul oo Raacno Aayaadkaaga
Noqonnana Mu'miniinta «waa la Ciqaabi lahaa». (48)
Markuu uga yimid Xaqii Xagganaga yey Dheheen maa la Siiyo wixii la Siiyey (Nabi) Muuse oo kale,
miyeyna ka Gaaloobin wixii la Siyyey Muuse Horay, oyna Dhihin waa Labo Sixir oo
Iskaalmaystay waxayna dheheen Annagu Dhammaan waan ka Gaalownay. (49) Waxaad Dhahdaa ka Keena Kitaab Xagga Eebe ka Hanuun
badan Labadooda aan raacnee haddaad Run Sheegaysaan. (50)
Haddayna ku Ajiibin (Maqlin) Ogow inay uun Raacayaan Hawadooda, wax ka Dhumid badanna
ma jirto cid Raacday Hawadeeda Hanuun Eebe La'aantiis, Eebana ma Hanuuniyo Qoom
Daalimiin ah. (51) Dhah ahaanbaan ugu Xidhiidhinay (ugu Caddayn) Hadalka inay
Waantoobaan. (52) Kuwaannu Siinay Kitaabka Hortiis
way Rumayn isaga. (53) Marka lagu
Akhriyo Korkoodana waxay Dhahaan waan Rumaynay Quraanka inuu Xaq Eebaheen ka
Yimid yahay Annaguna waxaan ahayn hortiis Muslimiin. (54)
Kuwaas waxaa la Siiyey Ajrigooda Labo mar Samirkoodii Dartiis, waxayna
Raaciyaan Xumaanta Wanaag waxaan ku Arzugnayna waxbay ka Bixiyaan. (55) Markay Maqlaan hadal Macno Darrana way ka Jeedsadaan
waxayna Dhahaan Annagu Camalkanaga yaan leenahay idinna Camalkiinna Waad
Salaamantihiin ma Rabno Jaahiliin (Waddadooda). (56) Adugu ma
Hanuunisid Ciddaad Jeceshahay laakiin Eebaa Hanuuniya Cidduu Doono Isagaana Og
kuwa Hanuunsan. (57) Waxay Dheheen Gaaladii (Maxaad) Haddaan Raacno
Hanuunka waxaa Nalaga Dafi Dhulkannaga, Miyaanaan Siinin Xaram Aamina oo la
Keeno Midhaha wax Kasta quudin Darteed oo Xagganaga ah, Laakiin Badankood ma
Oga. (58) Badanaa intaan Halaagnay Magaalo ku
Kibirtay Nolasheeda waana Taas Guryahoodii lamana Degin Gadaashood wax yar
mooyee, Anagaana ah kuwo Dhaxla (Hadha). (59) Mana aha
Eebahaa mid Halaaga Magaalo intuu uga Bixiyo Tan Hooyada u ah «Caasimaadda»
Rasuul ku Akhriya Korkooda Aayaadkanaga mana nihin kuwo Halaaga Magaalo aan
Ehelkeedu Daalimiin ahayn. (60) Wixii Laydin
Siiyey oo Wax ah waa uun Raaxada Nolasha Dhaw iyo Quruxdeed waxase Eebe Agtiisa
ah yaa Khayr Roon oo Hadhid badan ee Miyeydaan wax Kasayn. (61)
Ruuxan u Yaboohnay Yabooh Fiican oo La Kulmi ma la Midbaa Ruuxaan ugu Raaxaynay
Nolosha Dhaw markaas noqon Maalinta Qiyaame kuwa la Soo Joojin (La Cadaabi). (62) Xusuuso Maalinta Eebe u Yeedhi Gaalada oo ku Dhihi
Aaway kuwaad ila Wadaajiseen ah kuwaad Sheeganayseen (Caabudayseen). (63) Kuwii waxay
Dheheen uu ku Sugnaaday Hadalkii Eebe (Ciqaabtii) Eebow kuwaasu waa kuwaan Baadinyeynay, waana Baadiyeynay
sidaan u Baadiyoownay waana isagakaa Baryeelay mana ahayn kuwo Anaga Nacaabuda.
(64) Waxaana loo Odhan Uyeedha Shurukadiinna markaasay u
Yeedhaan mase Ajiibaan (Maqlaan) waxayna arkaan Cadaabka Markaasay Qoomamoodaan Hadday
Hanuunilahaayeen. (65) Xusuuso Maalintaan
u Yeedhayno Gaalada oos ku Odhan Eebe Maxaad ugu Jawaabteen Rasuulladii. (66) Markaasay ku Indho Beeshay korkooda Xujadii (Waayeen Xujo) Maalintaas, waxna
Isma Warsadaan. (67) Ruuxiise Toobadkeena oo Rumeeya oo
Fala Camal Fiican wuxuu u Dhawyahay inuu Noqdo kuwa Liibaanay. (68) Eebahaa wuxuu Abuuraa wuxuu Doono oo Doorto, Doorasho
ma Leh Iyagu (Dadku) waa
ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay la Wadaajin. (69)
Eebahaana waa Ogyahay waxay qarin Laabtoodu iyo waxay Muujinba. (70) Eebana waa Ilaaha isaga mooyee aan Ilaah kale Jirin,
Mahad buu mutaa Adduun iyo Aakhiraba, Xukunkana isagaa iska leh Xaggiisaana loo
Noqon. (71) Waxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu
ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka
soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur miyaydaan wax Maqlayn. (72) Waxaadna Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe
Korkiinna Maalin Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay
Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn. (73) Naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen
iyo Dharaarba inaad Xasishaan dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku
Shugridaan. (74) Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno
Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah kuwaad Sheeganayseen. (75) Waxaana ka soo Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku
nidhi keena Xujadiinna waxayna Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay
Xagooda waxay Been Abuuran Jireen. (76) Qaaruunna wuxuu
ka mid ahaa qoomkii (Nabi) muuse, wuuna ku Kibray Korkooda, waxaana Siinay wax
Furayaalkiisu ku Culustahay Koox Xoog badan, markay ku Dheheen qoomkiisii ha
Farxin (Kibrin) Eebe
ma Jeela kuwa Farxa «Kibree». (77) Kuna doon waxa
Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka Samana Fal sida
Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jeela
Fasaadiyaashee. (78) Wuxuuna Yidhi waxaa uun La ii
siiyey Xoolaha Ogaanshahayga, Miyuusan ogayn in Eebe Halaagay Hortiis
Quruumihii kuwo ka daran Xagiisa Xoogga kana Badan Kulan, lamana Warsado Dambigooda
Dambiilayaasha. (79) Markaasuu u soo Baxay Qoomkiisii
isagoo Xarragoon waxayna Dheheen kuwa Dooni Nolosha Dhaw Shallaytee Hadaan
leenahay waxa la siiyey Qaaruun oo kale waa Nasiib wayn. (80)
Waxayna Dheheen kuwii la Siiyey Cilmiga Magaciinba'ee Abaal marinta Eebaa u
Khayr roon Ciddii Rumaysa oo Fasha Camal fiican lamana Waafajiyo hadalkaas
Saabiriinta Mooyee. (81) Markaasaan la
Goynay Isagii iyo Xoolihiisiiba Dhulka mana Helin Koox uga Gargaarta Eebe ka
Sokow, mana Noqonin mid Gargaarta. (82) Waxayna
ahaadeen kuwii Doonayey Meejiisa Shalay inay Dhahaan. waa Yaabe Illeen Eebaa u
Waasiciyey Rizqiga Cidduu Doono oo Addoomadiisa ah kuna Cidhiidhya, Hadduusan
Eebe Nagu Galladaysan wuxuu nala Goynlahaa (Dhulka) waa Yaab ma Liibaanto Gaalo. (83)
Taasi waa Daartii Aakhiro waxaana u Yeelay kuwaan Doonayn isla Sarraynta (Kibirka) Dhulka iyo Fasaad,
cidhibta (Fiicanna)
waxaa leh kuwa Dhawrsada. (84) Ciddii la
Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka khayr roon Ciddiise la Timaadda Xumaan
lagama Abaal mariyo kuwa Xumaanta Sameeya, waxaan waxay faleen ahayn. (85) Eebaha kugu Faral yeelay Quraanka wuxuu kuu soo Celin
Meejii Ballanka (Qiyaamada ama Maka),
waxaad Dhahdaa Eebahaybaa og ruuxii la Yimid Hanuun iyo kan ku Sugan Baadi Cad. (86)
Mana Aadan ahayn mid Rajayn in lagugu soo dejiyo Kitaabka, Hasayeeshee waa
Naxariista Eebahaa ee ha Noqonin mid u Kaalmeeya Gaalada. (87)
Yeyna kaa leexin Aayaadka Eebe intii lagugu soo Dejiyey ka Dib uguna Yeedh
Xagga Eebahaa, hana ka mid noqonin Mushrikiinta. (88)
Hana Caabudin Eebe la Jirkiisa Ilaah kale Eebbe mooyee Ilaah (kalana) ma Jiro, wax kasta
wuu Halaagsami (Tagi) Eebe
mooyee Xukunkana Isagaa iska leh, Xaggiisaana laydiin Celin.
Juz' 21
Al-Ankaboot
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxay ku tusin mucjisada
Quraanka (sida la soo sheegay). (2) ma wuxuu u maleeyey Dadku in loogaga tagi inay dhahaan
waan rumeynay oon la imtixaamayn. (3) dhab ahaan yaan
u imtixaanay kuwii ka horreeyay, Eebana wuu muujin kuwii run sheegay, wuxuuna
muujin kuwa beenlowga ah. (4) mise waxay u
maleeyeen kuwii xumaanta samaynayey inay naga dheereyn (carari) waxaa xun waxay xukumi. (5)
ruuxii rajayn (ka cabsan) la
kulanka Eebe, Ajashii Eebe (uu qadaray) way imaan, Eebana waa maqle oge ah. (6)
ruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay naftiisa, Eebana waa ka kaaftoon yahay
caalamka. (7) kuwa (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan asturaynaa
xumaantooda, waxaana ka abaalmarinaynaa kii u fiicnaa ay camalfali jireen. (8) waxaan u dardaaaranay Dadka Labadiisii Waalid wanaagfalkooda,
hadday kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso waxaadan cilmi u lahayn (Gaalowdo) ha ku adeecin,
xaggayga unbaa laydiin soo celin, waxaana idiinka warrami (abaalna
marin) waxaad camalfali jirteen. (9) kuwiise (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan dhexgalinaynaa kuwa
suuban (Janada). (10) Dadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeynay Eebe,
markii lagu dhibo Eebe dartiisna kayeela imtixaamka Dadka (dhibookda) cadaabka Eebe oo kale, hadday timaado Guul xagga Eebe ka
ahaatay waxay dhahaan anagu waan idin lajiraa, Eebe miyuusan ahayn kan og waxa
laabta Dadka ku jira. (11) dhab ahaan yuu
u muujin Eebe kuwa xaqa rumeeyey, dhab ahaanna wuxuu u muujin kuwa
munaafiqiinta ah. (12) waxay ku
dhaheen kuwii galoobay kuwii xaqa rumeeyey raaca waddadannada aan xambaarro
gafafkiinee, mana aha kuwo xambaari waxa gafafkooda ah, ee waa beenaalayaal. (13) waxayse dhab ahaan xambaari culaysyaalkooda iyo
culaysyo Culaysyadoodii la jira, waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta Qiyaame
waxay been abuuran jireen. (14) dhab ahaan baan
ugu dirray (Nabi) Nuux
Qoomkiisii, wuxuuna ku dhexnagaaday Kun sano oo kontan la'waxaana wabtay
dhuufaankii (Halaagii Biyaha)
iyagoo daalimiin ah. (15) waana korinay
Nuux iyo Dadkii Doonta, waxaana ka yeellay aayad (uu ku
waantoomo) Caalamku. (16) (Nabi) Ibraahimna (waa diray) wuxuuna ku yidhi
qoomkiisii Cabuda Eebe akana dhawrsada saasaa idiin khayrbadane haddaad wax
ogtihiin. (17) waxaad uun caabudaysaan Eebe ka
sokow Sanamyo, waxaadna abuuraysaan been, kuwaad caabudaysaan Eebe ka sokow
idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Eebe rizqiga Cabudana kuna mahdiya
xaggiisaa laydin celine. (18) haddaad
Beenisaan (Xaqa)
waxaa beeniyey Umado idinka horreeyey Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad
ahayn. (19) miyeyna arkayn sida Eebe u
billaabay (Abuuridda)
Khalqiga una soo celin, arrintaasna Eebe waa u fududahay. (20)
waxaad dhahdaa socda Dhulka oo daya sida Eebe u biilaabay khalqiga, hadana Eebe
u ahaysiin abuuridda dambe (Soo bixinta), Eebana wax walba wuu karaa. (21)
wuxuu cadaabaa cidduu doono wuxuuna u naxariistaa cidduu doono xaggiisaana
laydiin celin. (22) idinkuna ma tihidin kuwa Eebe ku
daaliya Dhulka iyo Samada midna wax Eebe ka soohadhay oo idiin sokeeya ah ama
idiin gargaarina ma jiro. (23) kuwii ka
gaaloobay aayaadka Eebe iyo la kulankiisa kuwaasi waxay kaquusteen
naxariistayda waxaana kuwaas u sugnaaday Cadaab daran. (24)
Jawaabtii Qoomkiisuna waxaad ahayn Dila ama Guba ma ahayn, markaasaa Eebe ka
koriyey Dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan Cidii wax rumeyn. (25) wuxuuna ku yidhi (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen Eebe ka sokow Sanamyaal Jacayl dhexdiinna
ah dartiis Nolosha adduunyo, Maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarka kale
Lacanadina qaarkin qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina
idiin ma sugnaan. (26) waxaa rumeeyey
Nabi Ibraahim (Nabi)
Luudh wuxuuna yidhi Nabi Ibraahim waxaan u hijroon Eebehay illeen waa adkaade
falsane. (27) waxaana siinay isxaaq iyo yacquub
waxaana yeelay faraciisii Nabinimo iyo Kitaab (loo
soodajiyey) waxaana siiney ajrigiisii adduunyada
dhexdeeda aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa suuban. (28)
«Nabi» Luudhna «xusuuso» markuu ku yidhi qoomkiisii waxaad latimaadeen xumaan
aan cidna idiinkahormarin addunyada. (29) idinku ma
waxaad u tagaysaan Ragga ood goynaysaan Jidka Kulana imaanaysaan Naadigiina wax
la naco, mana noqonin qoomkiisii jawaabtoodii inay dhahaan noo keen cadaabka
Eebe hadaad ka Mid tahay runlayaasha mooyee. (30)
wuxuuna yidhi Eebow iiga gargaar qoomka wax fasaadiya. (31)
markay ulatimid fariintanadii (Malaa'igtii) Nabi Ibraahim bishaaro waxay dhaheen anagu waxaan
halaagayna ehelka magaaladan, ehelkeedu waa daalimiine. (32) (wuxuu yidhi Nabi Ibraahim)
waxaa ku sugan Luudh, waxay dhaheen anagaa og cidda dhexdeeda ah waanu korinaynaa
Luudh iyo ehelkiisa Haweenaydiisa mooyee oo noqon ku wa halaaggu ku hadhi. (33) markay Rasuuladanadii (Malaa'igtii) u timid Luudh wuu ka tiiraanyooday wuuna la cidhiidhyamay
waxayna ku dhaheen ha cabsan hana tiiraanyoon waanu ku korin adiga iyo ehelkaagabee
Haweenaydaada mooyee oo noqon kuwa lahalaagi. (34)
waxaanu ku soo dajin magaalada Dadkeeda Dhagaxyo (Naarced) oo Samada ka yimid faasiqnimadooda darteed. (35) waxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u muuqata
Qoomkii wax kasi. (36) ree Madyanna (waxaanu u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb wuxuuna ku yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe, rajeeyana
(ka yaaba) Maalintii
dambaysay hana la soconina dhulka fasaadin. (37)
markaasay beeniyeen waxaana qabtay Gariir (iyo Qaylo) waxayna noqdeen kuwo Lawyaha u dhaca. (38)
Caad iyo Thamuudna (waan halaagnay), «halaagooduna» wuxuu idiinka muuqdaa Guryahoodii, wuxuuna
u qurxiyey Shaydaan Camal koodi, wuxuuna kaleexiyey Jidka waxayna ahaayeen kuwo
wax arka (haday waantoobi) . (39) Qaaruun, Fircoon iyo Haamaana (waa
lahalaagay), dhab ahaanna wuxuu ugula yimid (Nabi) Muuse xujooyin
wayna isku kibriyeen dhulka, mana aha kuwo naga dheereyn (carari) kara. (40) dhammantood
waxaan u qabanay dambigooda, waxaa ka mid ah mid aan ku diray Dabayl Dhagax
wadata, waxaa ka mid ah miday qabtay Qaylo, waxaa ka mid ah midaan la goynay
Dhulka, waxaa ka mid ah midaan maanshaynay, Eebana ma aha kii dulmiya
hasayeeshee iyagaa naftooda dulmiyey. (41) kuwii yeeshay
Eebe kasokow Awliyo (sokeeye u gargaara) waxay lamid yihiin Caaro yeelatay Guri waxaana ugu xun
Guri' Guri Caaro hadday wax ogyihiin. (42) Eebe waa
ogyahay waxay baryayaan (Caabudayaan) oo isaga kasoo hadhay, Eebana waa adkaade falsan. (43) taasina waa tusaale aannu u yeelayno Dadka'wax kasi oon
ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro. (44) Eebaa u abuuray
Samooyinka iyo Dhulka si xaq ah, arrintaasna Calaamaa ugu sugan Mu'miniinta. (45) Akhri (Nabiyow) waxa luguu waxyoon oo Kitaabka ah oog Salaaddana
maxaayeelaySalaaddu waxay ka reebta (Dadka) Xumaanta iyo waxa la noco, xusidda Eebaana weyn, Eebana
waa ogyahay waxaad sanceyneysaan. (46) hakula murmina
ehelu Kitaabka wax fiican mooyee, marka lagareebo kuwa dulmiga fala oo ka mid
ah, waxaadna dhahdaan waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey iyo wixii
laydinku soo dajiyey Ilaahaanno iyo ilaahiinna waa mid annaguna isagaan u
hogaansanay. (47) saasaanu kuugu soodajiney Kitaabka,
kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan, kuwaasna waxaa ka mid ah kuwo rumeyn (ree Makaad), mana diido
aayaadkanaga Gaalmooyee. (48) matihid mid wax
akhriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi jirin Midigtaada markaas ay
shakiyaan kuwa baadhilka (xumaanta) ku socda. (49) waase aayaad
cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi aayaadkanaga oon
daalimiinta ahayna ma jiro. (50) waxay dhaheen
gaaladii (Makaad)
maxaa loogu dajinwaayey korkiisa aayado xagga Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa
aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa aniguse waxaan uun ahay udige
muuqda. (51) miyuusanse ku fileyn inaan kugu soo
dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu
akhriyo korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa). (52) waxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati
ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil
kana gaaloobay Eebe kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray. (53)
waxay kaa dadajisan Cadaab, haddaynajirin muddo magacaaban waxaa u imaan lahaa
Cadaabka, wuxuuna ugu imaanlahaa kado iyagoon ogayn. (54)
waxay kaa dadajisan Cadaab, Naarta Jahannamana waxay koobi gaalada. (55) maalinta (Qiyaamada) waxaa dabooli Gaalada Cadaab korkooda iyo Lugahooda
hoostoodaba, wuxuuna ku dhihi Eebe dhadhamiya waxaad Camalfali jirteen. (56) addoomadayda rumeeyow Dhulkayga waa waasac ee Aniga uun
i caabuda. (57) Nafkastaa waxay dhadhamin Geerida
xaggaygaana laydiin soo celin markaas. (58) kuwa (xaqa) rumeeyey
Camalfiicanna falay waxaanu dajin Jannada Qolol ay dureri dhexdeeda wabiyaal
ayna ku waari dhexdeeda, waxaana ugu wanaagsan ujuurada kuwa shaqeeyey (Jannada). (59) ee ah kuwa samray Eebahoodna tala saarta. (60) badanaa dhul socod aan xambaaran karin rizqigeeda ee
Eebe arzuqo iyada iyo idinkaba. Eebana waa maqle oge ah. (61)
haddaad waydiiso Gaalada yaa abuuray samooyinka iyo dhulka oo sakhiray Qoraxda
iyo Dayaxa, waxay odhan Ilaahay, ee xagee loo iili Gaalada. (62) Eebaa u waasiciya rizqiga ruuxuu doono oo addoomihiisa
ah, kuna cidhiidhya (kuu doono), Eebana wax walba waa ogyahay. (63)
haddaad waydiiso Gaalada yaa ka soo dajiya Samada Biyo oo ku nooleeya dhulka
intuu dhintay (abaaroobay)
kadib waxay odhan Ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, badankooduse
wax ma kasayaan. (64) mana aha noloshan adduunyo
Ciyaar iyo dheeldheel mooyee, Daarta aakhiraana meel nololeed ah hadday wax
ogyihiin Dadku. (65) markay koraan Doonta waxay baryaan
Eebe iyagoo u kaliyeeli Cibaadada, markuu u koriyo (oo
geeyo) Barrigana (Dhulkana) markaasay u shariigyeelaan (wax
la caabudaan). (66) si ay uga
gaaloobaan waxaan siinay uguna raaxaystaan, wayse ogaan doonaan (Cidhibteeda). (67) miyeyna arkeyn Gaaladii (Qureesheed) inaan yeeley (dajiney) Xaram aamin ah oo ladafayo Dadka dhinacyadooda ah,
mabaadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka gaaloobi. (68)
Cidna kama dulmi badna ruux ku been abuurtay Eebe korkiisa ama beeniyey xaqa
markuu u yimid, miyeyna ahayn Jahannamo Hoyga Gaalada. (69)
kuwa ku jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkanaga, Eebana wuxuu la jiraa
kuwa wanaagga fala.
Ar-Room
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxay ku tusin mucjisada
Quraanka (sidii soo hormartay). (2) waxaa lagaga adkaaday Ruum. (3)
Dhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan. (4)
dhawr sano dhexdeed, amarkana Eebaa iska leh horey iyo diba, Maalintaasayna ku
farxi Mu'miniintu. (5) Gargaarka Eebe,
wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah. (6) waa yabooha Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohiisa, laakin
Dadka badankiisu ma oga. (7) waxay yaqaanaan
Dadku muuqaalka nolosha addunyo Aakhirose way halmaansanyihiin (ka jaahil yihiin). (8) miyeyna ka fikirin naftooda Inuusan Eebe Samaawaadka iyo
Dhulka iyo waxa u dhaxeeya u abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax
badan oo dadka ka mid ahna waxay ka Gaaloobi la kulanka Eebahood. (9) meyeyna ku soconin Dhulka oy eegan siday ahaatay
cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan,
Dhulkana waybeerteen wayna Dhiseen Dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna
ula timid Rasuulladoodii Xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin
iyagaa naftooda dulmiyey. (10) markaasay
noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo (Jahannamo) beenintay aayadaha Eebe beeniyeen darteed, waxayna
ahaayeen kuwo aayadaha ku jees jeesa. (11) Eebaa billaahay
(Abuurka) Khalqiga isagaana
soo celin, xaggiisaana laydiin celin. (12) Maalintay kici
Saacaddu (Qiyaamadu) way
aamusi dambiilayaashu (ooy quusan). (13) ugumana
sugnaanin kuway Eebe lawadajiyeen (Cibaadada) Shafeeco waxayna noqon kuwo diida Shurakadoodii. (14) Maalintay kici Saacadu waa maalin ay kala tagi Dadku. (15) kuwa rumeeyey (xaqa) oo camalfiicanfalay Beer Janno yaa lagu faraxgaliyaa. (16) kuwa Gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga iyo lakulanka
aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin Cadaabka., (17)
Eebaa nasahan (Ceeb ka fog)
markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan. (18)
mahadna isagaa ku leh Samooyinka iyo Dhulka dhexdooda iyo Habeenkii iyo
Duhurkiiba. (19) kana soobixiya wax nool wax dhintay
wax dhintayna wax nool, nooleeyana Dhulka intuu dhintay ka dhib, saasaana
laydiin soo bixin. (20) waxaana ka mid ah
Calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray Carro markaasaad noqoteen Dad dhaqdhaqaaqi
(Faafi). (21) waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray
naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo
naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri. (22)
Waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta
Afkiina (Luuqada) iyo
midabkiinaba, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa Cilmiga leh. (23) waxaa ka mid ah Aayadka tusin (Qudrada) Eebe Hurdadiina Habeenkii iyo Maalintii iyo doonidiina
Fadliga Eebe, taasna calaamad yaa ugu sugan kuwa wax maqli. (24) waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudra) Eebe Hillaaca uu idin tusiyo, Cabsi iyo Doonid darteed,
iyo Samada uu idiinka soo dajiyo Biyo, kuna nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka
dib, taasina Calaamado yaa ugu sugan kuwa wax kasi. (25)
waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudrada) Eebe inay Samada iyo Dhulku ku taaganyihiin amarka Eebe,
markuu Dhulka idiinka yeedhana (soobixinta) aad durba soo baxdaan. (26)
Eebaa iska leh waxa Samooyinka iyo Dhulkaba ku sugan, isagayna u khushuucaan (u hogaansamaan). (27) Eebe waa kan
billaabay abuurka Khalqiga, hadana soo celin wayna u fududahay arrintaasu,
Eebaana sifo sare ku muta Samooyinka iyo Dhulka, waana adkaade falsan. (28) Eebe wuxuu idiin yeeley tusaale naftiina ah, waxaad
hanataan miyey idinlawadaagaan wax laydinku arzuqay, ood si isku mid ah u
maamulaysaan, ugana cabsanaysaan sidaad isaga cabsataan, saasuuna u caddayn
aayaadka ciddii wax kasi. (29) haseyeeshee
waxay raaceen kuwii dulmilowga ahaa Hawadooda iyagoon wax ogayn, yaa hanuunin
kara ruux Eebe dhumid u qadaray, wax u gargaarana lahayn. (30)
ee Wajigaaga u jeedi Diinta adoo toosan (Diintu) waa abuuridda Eebe ee Dadka uu ku abuuray, wax badali kara
abuurka Eebana ma jiro, saasina waa Diinta toosan laakiin dadka babidiis ma
oga. (31) idinkoo Eebe u noqon, kana yaaba,
Salaadana ooga, Galadana ha ka mid noqonina. (32) ee
Diintooda ku kala tagay noqdayna kooxo, Xisbi walba uu ku farxi waxa agtiisa
ah. (33) hadduu Dadka taabto dhib waxay
baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka
mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood. (34) si ay uga gaaloobaan
waxaan siinney, iska raaxaysta, waadna ogaandoontaan Cidhibta raaxadaasi. (35) mise waxaan ku soo dejiney xujo, oo ku hadli waxay Eebe
la wadaajin. (36) haddaan dhadhansiino dadka naxariis
way ku farxi «kibraan» hadduu dhibku dhacana waxay hor marsadeen darteed way
quustaan. (37) miyeyna arkayn in Eebe u waasiciyo
rizqiga cidduudoono, kuna cidhiidhyo (Cidduu doono) arrintaasna Calaamooyinbaa ugu sugan kuwa rumeyn (Xaqa). (38) ee Qaraabada sii xaqeeda iyo Miskiinka iyo Musaafurka,
saasaa u khayroon kuwa dooni Wajiga Eebe, (u dhawaanshahiisa) kuwaasina waa kuwa liibaanay. (39)
waxaad bixisaan oo Ribo ah si aad uga badsataan xoolaha dadka ma badnaado Eebe
agtiisa, wixiise aad bixisaan oo Zako (xalaal ah) idinkoo ku dooni Wajiga Eebe kuwaas waa loo laablaabi. (40) Eebe waa kan
idin abuuray Iladana idin arzaaqay hadana idin Dili, hadana idin soo noolayn,
majiraa shurakadiina mid fali sidaas wax ka mid ah, Eebaa ka nasahana kana
sareeya waxay la wadaajin. (41) xumaanbaa ka
daahirtay Barri iyo Badba, waxay kasbatay Gaemo Dad dardiis, si Eebe u
dhadhansiiyo waxay camalfaleen qaarkiis, inay noqdaan. (42)
waxaad dhahdaa ku socda Dhulka fiiriyana siday noqotay cidhibtii kuwii hore,
wuxuu ahaa badankoodu Mushrikiin. (43) ee Wajigaaga
Diinta toosani (Islaamka) u jeedi,
maalin aan la eelin karin ka hor, Eebe xaggiisana ka iman, Maalintaas Dadku way
kala tagi. (44) ruuxii Gaalooba isagay (dhibi) Gaalimadiisu,
ruuxii camal wanaagsan fala Naftiisa yuu u goglay. (45)
si Eebe u abaalmariyo kuwa rumeeyey xaqa oo camal wanaagsan falay fadligiisa,
Eebana ma jeela Gaalo. (46) Calaamaadka
Eebe ku tusin waxaa ka mid ah inuu dabaylaha diro iyagoo ku bishaarayn (Roob) iyo in Eebe idin
dhadhansiiyo naxariistiisa iyo in doontu ku socoto amarkiisa iyo inaad
dalabtaan fadligiisa, markaas aad Eebe ku mahdisaan. (47)
waxaan dhab ahaan ugu diray hortaa Rasuulo qoomkoodii, waxayna ulayimaadeen
xujooyin waana ka aarsanay kuwii dambi Falay, waxaana korkanaga ah u gargaarka
Mu'miniinta. (48) Eebe waa kan diray Dabaylaha oo
markaas kicisa Daruuro kuna fidiya Samada siduu doono kana yeela Goosimo aad
aragtid Roobka oo ka soobixi dhexdeeda, markaasuu Eebe Roobka siiyaa Ciduu
doono oo adoomadiisa ka mid ahna markaasay bishaaraystaan. (49)
waxayna ahaayeen soo dajinta Roobka ka hor kuwo Quusan. (50)
ee day naxariista Eebe raadkeeda sida Eebe, ugu nooleeyo dhulka intuu dhintay
ka dib Eebaha wuxuu nooleeyaa wixii dhintay wax walbana waa arkaa. (51) haddaan ku diro Dabaylo (daran) Beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas ka dib
noqdaan kuwo Gaalooba. (52) adigu wax ma
maqashiin kartid kuwo dhintay, Mid dhagala' oo jeedsadayna wax ma maqashiin
kartid. (53) ruux Indha la'na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiinkartid (xaqa) ruuxaan rumeynin
Aayaadkanaga oo muslimiin ahayn. (54) Eebe waa kan idin
ka abuuray Tabaryare, hadana idinka yeelay Tabaryare ka dib xoog, hadana xoog
dabadi idinka yeelay Tabaryari iyo Gabow, wuxuu doono yuu abuuraa, waana wax
walba oge, wax walba karc (oo uu doono). (55) maalinta
Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin Saacad
mooyee, saasaana (xaqa)
looga leexiyey. (56) kuwii waxay dheheen cilmiga iyo
Iimaanka la siiyey waad ku nagaateen Qadarka Eebe tan iyo maalinta soobixinta,
kanna waa maalintii soobixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn. (57) Maanta (Qiyaamada) ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur daar iyo toobad keen.
(58) dhab ahaanbaan ugu caddaynay Dadka Quraankan dhexdiisa
tusaale kasta, haddaadna ula timaado aayad waxay dhihi kuwii Gaaloobay waxaan
baadhil (xumaan) ahayn
kuma sugnidin. (59) saasaa Eebe u daboolaa Quluubta
kuwaan wax ogayn (wax anfaca). (60) ee samir yabooha Eebe waa xaqe, yeyna ku fududayn
kuwaan yaqiinsanayn (Xaqa).
Luqman
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxay ku tusin mucjisada
Quraanka (sida soo hormartay). (2) tan waa aayaadka Kitaabka (Quraanka) xigmada leh. (3) waana hanuunka
iyo naxariista samalfalayaasha. (4) kuwa salaadda
ooga, Zakadana bixiya, iyagoo aakhiro yaqiinsan. (5)
kuwaasi waxay ku suganyihiin hanuun Eebe, kuwaasina waa kuwa liibaanay. (6) Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si
uu uga dhumiyo (Dadka)
Jidka Eebe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebene ku Jees jeesa, kuwaasi waxay mudan
Cadaab Dulleeya. (7) marka lagu akhriyo
aayadkanaga wuu jeedsadaa isagoo iskibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu
culusyihiin, ugu bishaaree Cadaab daran. (8) kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna
falay waxay mudan Janatu Naciima. (9) iyagoo ku waari dhexdeeda
waana yabooh Eebe oo xaq ah, Eebana waa adkaade falsan. (10)
isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray
Buuro (suga)
inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana
waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan. (11) kaasi waa abuurkii Eebe, ee i tusiya waxay abuureen
kuwa ka soo hadhay Eebe, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku suganyihiin
baadi Cad. (12) dhab dhaan ayaan luqmaan u siinay
Xigmad iyo inuu Eebe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa,
ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay waana amaananyahay. (13) (xusuuso) markuu ku yidhi Luqmaan Wiilkiisa isagoo waanin Wiilkayow
Eebe hawshariigyeelin, shirkigu waa dulmi weyne. (14)
waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way sidday Hooyadis iyadoo
tabaryar tabar yari kalana ku sugan, Gudhidiisuna waa Labo sano ee ku mahadi
ani iyo Labadaadii Waalid, xagaygaana loo ahaan. (15)
hadday kugula dadaalaan (Labada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila
wadaajiso) waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin
kulana noolow adduunka si fiican, raacna Jidka kuwa ii noqda, xagayga yaa
laydiin soo celin waxaana idiinka warami waxaad camalfali jirteen. (16) Wiilkayow hadday xumaantu tahay Xabbad Khardal ah oo
kale (wax yar) oo
sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama Dhulka dhexdiisa wuu
keeni Eebe, Eebana waa oge xeeldheer. (17) Wiilkayow oog
Salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa lanaco kuna Samir waxa ku gaadha,
arrintaasu waxay ka midtahay umuuraha wanaagsane. (18)
hana ka jeedin Wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Eebana ma jeela mid
kastoo isla weyn oo faanbadane. (19) socodkaagana ku
dhexdhexayso, hoosna u dhig Codkaaga, Cod waxaa ugu xun Codka Dameerahee. (20) miyeydaan arkayn in Eebe idiin sakhiray waxa Samooyinka
iyo Dhulka ku sugan oo idin mid qarsoonba, Dadkana waxaa ka mid ah kuwo Eebe ku
murmi Cilmi iyo hanuun iyo Kitaab nuuriya la'aantiis. (21)
marka loodhaho raaca waxa Eebe soo dajiyeyna waxay dhahaan waxaannu raaci
waxaan ka helay Aabayaalkanno, haduu Shaydaan ugu yeedho Cadaabka Saciirana (miyey raaci). (22) ruuxii u jeediya Wajigiisa xagga Eebe isagoo samo fali
wuxuu qabsaday guntin (Ballan adag), xagga Eebaana Cihdhibta arrimuhu u noqon. (23) Ciddiise Gaalowda yuuna ku walbahaar galin
Gaalimadiisu, xagganagay u soo noqon waxaana uga warramaynaa waxay camalfali
jireen, illeen Eebaa og waxa laabta ku sugane. (24)
waanu u raaxayn wax yar, markaasaannu u dhibaatayn (u
iili) Cadaab adag. (25)
haddaad waydiisid yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waay odhan ilaahay, waxaad
dhahdaa mahad Eebaa iska leh, hadankoodse ma oga. (26)
Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa hodan amaanan. (27) hadday waxa dhulka ku sugan oo geeda ah Qalimo noqdaan
Badduna khadayso oo gadaasheeda Todobo badood yihiin madhamaateen Kalimooyinka
Eebe, Eebana waa adkaade falsan. (28) abuurkiinna iyo
soobixintiinu ma aha sida Nafkaliya mooyee (Fudaydka), Eebana waa maqle arke ah. (29)
miyeydaan ogayn in Eebe Habeenka dhex galiyo Maalinta, Maalintana dhexgaliyo
Habeenka sakhirayna Qoraxda iyo Dayaxa mid, kastana uu u socdo muddo
magacaaban, Eebana waxaad Camalfalaysaan waa ogyahay. (30)
Taasna wa in Eebe xaq yahay waxay caabudi ee ka soohadhayna baadil yahay iyo in
Eebe yahay Sareeye wayn. (31) miyeydaan ogayn
in Doontu dhexsocoto Badda Nicmada Eebe darteed si uu idiin tusiyo aayaadkiisa,
arrintaasna aayaadbaa ugu sugan Samirbadane shugri badan oo dhan. (32) marka hirku daboolo dadka oo Hoos la moodo waxay
baryaan Eebe iyagoo u kali yeeli Diinta (Cibaadada) markuu u koriyo xagga Barrigana waxaa ka mid noqon Dadka
mid dhexdexeysan, mana diido aayadkanaga mid khaa'in ah oo gaalimo badan
mooyee. (33) Dadow ka dhawrsada Eebihiin oo ka
Cabsada Maalin uusan ka abaalmarinayn Waalid Ilmihiisa, Ilmuhuna Waalidka
waxba, yabooha Eebana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna
idinku dhagrin Eebe dhagar badane (shaydaan). (34) Eebe agtiisuu
yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma
oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer.
As-Sajda
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waxay ku tusin mugjisada Quraanka (2) soo dajinta Quraanka shaki kuma jiro,
wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka xaggiisa. (3) mise waxay
dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku Eebahaa
xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa horeeya, si
ay u hanuunaan, (4) Eebe waa ka ku
abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood dhexdeed,
markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin Eebe ka
sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax
xusuusanayn. (5) amarka Eebaa
ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin
qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana. (6) kaasina waa
Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista. (7) Eebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta,
wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka Dhoobo, (Nabigii Aadam
ahaa). (8) markaas
kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar. (9) markaas
ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba,
waxyar baadse Eebe ku mahdisaan. (10) waxay dhaheen
Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma
aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen. (11) waxaad dhahdaa
waxaa idin oofsan (dili) Malaga
mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin. (12) haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu
madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan
aragnay waana maqalay ee naceli si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh). (13) haddaan doono
waxaan siin lahayn (ku toosin
lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa
hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi dhammaan. (14) ee dhadhamiya halmaanshihiinii la
kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya
cadaabka waaridda camalkiinii dartiis. (15) waxaa uun
rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna
tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn). (16) waxayna ka
dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan
ku arzuqnayna wax ka bixiya. (17) ma oga Nafu
waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay
camalfalayeen dartiis. (18) ruux Mu'min ah
mala midbaa mid faasiq ah, ma eka. (19) kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal
fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa martiqaad waxay xamal falayeen
dartiis. (20) kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar,
markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi
dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin jirteen. (21) waxaana
dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed. (22) yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay
aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka
aarsanaynaa. (23) dhab ahaanbaan
u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin lakulankiisa waxaana ka
yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil. (24) waxaana ka
yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen, waxayna
ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya. (25) Eebahaabaana
kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku diidan. (26) myayna ku hanuunin kuwaasi intaan
halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii, taasina waxaa ku sugan
calaamado ee miyayna wax maqlaynin. (27) miyeyna arkeyn
inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino Beero ay wax
ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin. (28) waxay dhihi waa goorma kala xukunku
haddaad run sheegaysaan. (29) waxaad dhahdaa
maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lamaga sugo. (30) Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene.
Al-Ahzaab
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Nabiyow ka dhawrso (ka yaab) Eebe hana adeecin Gaalada
iyo Munaafiqiinta, Eebana waa oge falsan. (2) Raacna waxa
lagaaga waxyoon xagga Eebahaa, Eebana waxaad camal falaysaan waa ogyahay. (3) Talana Saaro Eebe, Eebaana kufilan wakiile. (4) Mayeelin Eebe Laba qalbi Ruux Laabtiis, mana yeelin
Haweenkiina aad dihaaraysaanna (ku dhaaranaysaana) Hooyooyinkiin oo kale, mana yeelin kuwaad sheegateenna
Caruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun Eebana wuxuu sheegi xaqa,
isagaana ku hanuuniya Jidka (toosan). (5) Ugu yeedha
kuwaas Aabayaalkood saasaa ku cadaalo badan Eebe agtiise, hadaydaan aqoonin
aabayaalkoodna waa walaalihiinna Diinta iyo Sokeeyihiinna, Korkiinana dhib ma
saara waxaad ku gaftaan, hasayeeshee waxay u kasto Qulubtiinu (yaa laydin waydiin) Eebana waa dambi
dhaafe Naxariista. (6) Nabigaa uga Roon
(Turid badan) Mu'miniinta
Naftooda, haweenkiisuna waa Hooyooyinkood, Qaraabaduna iyagaa qarkood qaarka
kale kaga Mudan Kitaabka Eebe, Mu'miniinta (kale) iyo Muhaajiriinta, inaad wanaag u fashaan
gargaarayaashiina mooyee, Xukunkaasna wuxuu ku Qoran yahay Kitaabka. (7) «Xusuuso» markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo
adiga iyo Nuux, Ibraahim, Muuse iyo Ciise Ibnu Maryam, oo ka qaadnay Ballan
adag. (8) si Eebe u warsado kuwa Runlayaasha
ah Runtooda, Gaaladana wuxuu u darbay Cadaab daran. (9)
Kuwa (xaqa)
rumeeyow xusuusta Eebe siduu idiinku Nicmeeyey, markay Junuud (Askar) idiin timid
markaas oon ku diray Dabayl iyadoy aydaan arkayn, Eebana waxaad Camal falaysaan
waa arkaa. (10) xusuusta markay idinkaga yimaadeen
Kor iyo hoosba, Indhuhuna lisheen Quluubtuna dhuunta gaadhay Eebana aad u
maleyseen malooyin. (11) Halkaasaa lagu
imtixaamay Mu'miniinta Gilgilid daranna lagu gil gilay. (12)
Markey Munaafiqiintu lahaayeen iyo kuwa Quluubta ka buka Eebe iyo Rasuulkiisu
waxaan dhagar ahayn nooma yaboohin. (13) markay qayb ka
mid ah lahayd ree Madiinow meel aad kunagaataan (goobta) dagaalka ma jirto, ee noqda (xagga
Madiino) koox iyaga ka mid ahna waxay idan
warsan nabiga iyagoo dhihi Guryihiibaa naga dayacnaa, mana dayacna ee waxaan
carar ahayn ma rabaan. (14) Haddii loogu
soo galo Magaalada dhan kasto, markaas la warsado Gaalnimo way la imaan
lahaayeen, waxaan wax yar ahaynse kuma dhexnagaadeen. (15)
Horay waxay ugu ballantameen inayan cararin, Ballanka Eebana waa lays warsan. (16) waxaad dhahdaa carar aad geeri ka carartaan ama dil wax
idiinma taro wax yar waxaan ahayna laydiin ku raaxeyn maaayo (adduunka). (17) dheh yaa idinka ilaalin Eebe hadduu dhib idiin la
doono, ama naxariis, wax Eebe ka soo hadhay oo sokeeya ama gargaare ahna heli
meysaan. (18) Dhab ahaan yaa Eebe u ogyahay kuwa
reebayaalka ah (ku cabsiinta dagaalka) oo idinka mid ah iyo kuwa ku dhaba Walaalahooda (munaafiqiinta ah) noo imaadda
Dagaalkana ma tagaan wax yar mooyee. (19) way idinkala
bakhayli (wanaaga)
marka cabsi timaadna waxaad arki iyagoo ku soo eegi indhahooduna wareegi sida
mid Geeri hayso, marka cabsidu tagtana waxay idiinkugu Dhibaan Carrabo afbadan,
isagoo idinkala bakhayli khayrka, kuwaasi ma rumeynin (xaqa) waana Hoobiyey Eebe camalkooda arrintaasuna waa u
fududahay Eebe. (20) waxay malayn inayan tagayn
Xisbiyadu (colalka)
waxayna Jecelyihiin in marka Cololku yimaadaan ay baadiyaha jiraan ay warkiina
warsadaan, hadday idiin joogaana ma dagalameen wax yar mooyee. (21) waxaa idinku sugan Rasuulka Eebe Kudayasho wanaagsan,
ruuxii rajayn Eebe iyo Maalinta Aakhiro, Eebana xusa in Badan. (22) markay Mu'miniintu arkeen Xisbiyadii (colkii) waxay dhaheen kan waa wixii Eebe iyo
Rasuulkiisu noogu yagooheen, runbuu sheegay Eebe iyo Rasuulkiisu, waxaan Iimaan
iyo Hagaansan ahayna uma siyaadinin. (23) Mu;miniinta
waxaa ka mid ah Rag ka rumeeyey waxay Eebe kula ballantameen, waxaana ka mid ah
mid Gutay Ballankii (Ajashiisii) waxaana ka mid ah mid sugi mana ayna badalin. (24) in Eebe ka abaalmariyo Runlowyaasha Runtooda, oo
cadaabana Munaafiqiinta, hadduu doono, ama ka toobad aqbalo, Eebana waa
dambidhaaf badane Naxariista. (25) Eebe wuxuu ku
eeliyey kuwii Gaaloobay cadhadoodii, wax khayr ahna mayna gaadhin, Eebaana ka
kaafiyey Mu'miniinta Dagaal, Eebana waa xoogbadane adkaada. (26) kuwii u kaalmeeyey ehlu Kitaabka ahaana wuxuu ka soo
dajiyey (ka soo saaray)
Dhufaysyadoodii, wuxuuna ku tuuray Quluubtooda argagax, koox ka mid ah waad
dilaysaan, Kooxna waa Qafaalanaysaan. (27) wuxuuna idin
dhaxalsiiyey Dhulkoodii Guryahoodii iyo xoolahoodii, iyo Dhul aydaan hadda ka
hor ku joogsan, Eebana wax kasta (oo uu doono) wuu karaa. (28) Nabiyow ku dheh
Haweenkaaga haddaad tihiin kuwo dooni Nolosha adduunyo iyo Quruxdeeda kaalaya
waan idin gacan marin si quruxsanna idiinsiideyne. (29)
Haddaadse tihiin kuwo dooni Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Dartii Aakhiro Eebe wuxuu
u darbay Haweenka wanaagga fala oo idinka id ah ajir wayn. (30) Haweenka Nabigow tiinii la timaadda xumaan cad waxaa
loo laalaabi cadaabka arrintaasna waa u fududahay Eebe.
Juz' 22
(31) Tiise adeecda Eebe iyo
Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa Labo ajir, waxaana u
darbaynaa Rizqi wanaagsan. (32) Haweenka
Nabigow ma tihidiin sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha
nuglaynina oo uu damco midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla. (33) kuna sugnaada Guryihiinna, hana u wareegaysanina (idinko isfaydi) sidii jaahiliyadii
horraysay, Salaadana ooga, Sakadana biya, Eebe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebe
wuxuu uun dooni inuu xumaanta idinkatagsiiyo (fogeeyo) dambiga, Ehelubaytkow idinna daahiryeelo. (34) xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe
ah iyo Sunada (Nabiga),
Eebana waa wax walba oge Xeeldheer. (35) Raga
Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu'miniinta ah iyo Haweenka
Mu'minaadka ah, Ragga Eebe adeeca iyo Haweenka adeeca, Ragga Runlowga ah iyo
Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Eebe
iyo Haweenka u kushuuca, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma
iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan
Eebe xusa iyo Haweenka inbadan xusa, wuxuu Eebe u darbay Dambi dhaaf iyo ajir
weyn. (36) kuma haboona (umana
banaana) nin Mu'min ah iyo Haweenay Mu'minad ah
Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise
caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad. (37) (xuxuuso) markaad ku lahayd
kuu Eebe u Nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayd BinuXaarithah) hayso Haweenaydaada Eebana ka yaab, Naftaadana aad ku
Qarinaysay wax Eebe Muujin, ood kana cabsanaysid Dadka (xishoonaysid) Eebaana u muta in laga cabsado (lagana
xishoodo) markuu Zayd dantiisii ka dhamaaystayna
(isfureenna) aan kuu guurinay
si ayan wax dhib ah u ahaanin Mu'miniinta (hadday guursadaan) Haweenka ay fureen kuway Wiilal ka dhigteen (iyagoo dhalin) amarka Eebana waa
kii la Fuliyo. (38) Nabiga korkiisa dhib ma aha waxa
Eebe u Banneeyey, waana Jidkii Eebe ee Dadkii tagay ee hore amarka Eebana waa
qadar Xukuman. (39) (waxaa
amaan mudan) kuwa gaadhsiiya (Dadka) Fariimaha Eebe kana cabsada Eebe, oon kana cabsan Axad ka
soo hadhay, Eebaana ku filan, Xisaabiye (Kaalmayn). (40) ma aha (Nabiga) Muxamad ah aabaha
Ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Eebe iyo Khatimidii Nabiyada,
Eebana wax walba waa ogyahay. (41) kuwa xaqa
rumeeyow xusa Eebe wax badan. (42) weyneeyana
Aroortii iyo Galabtii. (43) Eebana waa kan idiin naxariista Malaa'igtiisuna idiin ducayso, si uu
idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan
u Naxariista Mu'miniinta. (44) Bariidoodu
Maalintay Eebe la kulmi waa Salaan wuxuuna u darbay ajir weyn. (45) Nabiyow waxaanu ku dirray adoo marag ah, oo bishaarayn
oo digi. (46) oo Dadka Eebe ugu yeedhi Idankiisa,
oo siraad ifi ah. (47) ee u bishaaree
Mu'miniinta inay xaga Eebe ku leeyihiin fadli (dheeraad) weyn. (48) hana, adeecin
Gaalada iyo Munaafiqiinta, dhibkooda iska gudub (hana
u aabayeelin) Eebana talo Saaro isagaa ku filan
wakiile. (49) Kuwa (xaqa) rumeeyow hadaad guursataan Haween Mu'minaad ah markaas aad
furtaan taabasho horteed, wax cidda ah kuma lihidin korkooda oy tirsan, ee
gacan mariya una siidaaya si quruxsan. (50) Nabiyow waxaan
kuu banaynay Haweenkaaga aad siisay meherkoodii iyo waxaad hanatay (Xagga gaalada) oo Eebe kugu soo
celiyey, iyo Gabdhaha Adeerkaa, Gabdhaha Eedadaa, Gabdhaha Abtiyadaa, Gabdhaha Habaryarahaa
oo kula soo hijrooday, iyo Haweenay Mu'minaad ah hadday Nafteeda Nabi u
hibayso, hadduu doono inuu guursado Nabigu, iyadoo gaar kuga tahay Mu'miniinta
ka sokow, waan ognahay waxaan ku faralyeelay Mu'miniinta xagga Haweenkooda, iyo
waxa gacantoodu hanato, sii aan korkaaga dhib u ahaan, Eebana waa dambi dhaafe
Naxariista. (51) Waad dib dhigi taad doonto, waadna
soo dhaweyn taad doonto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay dhibna korkaaga ma aha.
saasaana u dhaw inay indhahoodu qabowsadaan ooyan murugoon oy raali ku noqdaan
waxaad siisay dhamaantood, Eebana waa ogyahay waxa Quluubtiina kuy sugan,
Eebana waa oge Dulqaad leh. (52) kuuma banaana
Nabiyow Haweenka (kale) mar
dambe iyo inaad Haween kale ku badasho si kasta ood ula yaabto Quruxdooda
waxaad hanato mooyee (oo Gaalo laga helo) Eebana wax walba waa ilaaliye. (53)
kuwa (xaqa)
rumeeyow ha galina Guryaha Nabiga in cunno leydiinku Idmo (yeedho) mooyee idinkoon sugayn Bislaadkiisa, hasayeeshee marka
laydiin yeedho gala, markaad cuntaanaa socda hanasugina sheeko, Illeen taasi
waxay dhibi Nabigee wuuna idinka xishoone Eebese xaqa kama xishoodo, haddaad
wax warsataan Haweenka (Nabigana) ka warsada Xijaab gadaashiis. saasaa u daahirnimo badan (ufiican) Quluubtiina iyo
Quluubtoodaba, xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Eebe ama aad
Guursataan Haweenkiisa Gadaashiis waligeed, arrintaasuna way ku wayn tahay Eebe
agtiisa. (54) Haddaad muujisaan wax ama qarisaan
Eebe waa wax kaste oge. (55) Korkooda (Haweenka) dhib kama Saarra Aabayaalkood, Wiilashooda, Walaalahood,
Wiilasha Walaalahood, Wiilasha Walaashood, Haweenkooda (Mu'miniinta
ah) iyo waxay hanatay Gacmahoodu, kana dhawrasada Eebe, Eebe
wax kaste wuxuu u yahay Marage. (56) Eebe iyo
Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan. (57) kuwa dhiba Eebe iyo Rasuulkiisa wuu lacnaday Eebe
Adduun iyo Aakhiroba, wuxuuna u darbay cadaab wax dulleeya. (58) Kuwa ku dhiba Mu'miniita Rag iyo Haweenba waxayan
kasbanin waxay xambaarteen Been abuurasho iyo Dambi cad. (59)
Nabiyow ku dheh Haweenkaaga iyo Gabdhahaada iyo Haweenka Mu'miniinta isku dada
Shukadiinna, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine, Eebana
waa dambi dhaafe Naxariista ah. (60) haddayna ka
joogin Munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa Gilgili (Beenta ku faafin) madiino waanu kugu
diri kulamana Darsayaan wax yar mooyee. (61) Waana la
lacnaday meelkastooy joogaanba hana la qabto oo la diloDilmo. (62) waana sunadii Eebe dadkii horee tagay wax badalina uma
heshid Sunada Eebe. (63) Dadku waxay
warsan Nabiyow Saacadda (Qiyaame) waxaad dhahdaa Cilmigeedu wuxuu jiraa Eebe agtiis,
miyaadse ogtahay inay suuroowdo inay Saacaddu dhawdahay. (64)
Eebe wuxuu Lacnaday Gaalada wuxuuna u darbay (Naarta) Saciiro. (65) Iyagoo ku waari
dhexdeeda waligood oon helaynna Sokeeye iyo gargaare midna, (66) Maalinta lagu gagadin Wajigooda Naarta waxay dhihi waan
halaagsanaye haddaan Adeecno Eebe oon Adeecno Rasuulkii. (67)
Waxayna dhihi Eebow waxaan Adeecnay Madaxdannadii iyo kuwii noowaaweynaa waxayna
naga dhumiyeen Jidkii. (68) Ee Eebow Sii
kuwaas Laban laab Cadaab Lacanadwayna Lacnad. (69)
Kuwa (xaqa)
rumeeyow hanoqonina sidii kuwii dhibay (Nabi) Muuse oo Eebe ka bariyeelay waxay (ku) sheegan, Eebe agtiisana wuxuu ku leeyahay Waji (Sharaf). (70) kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Eebe hadal toosanna ku hadla. (71) Haydiin wanaajiyo Camalkiinna hana idiin dhaafo
Dambigiinee, Ruuxii Adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan
Liibaan weyn. (72) Annagaa u bandhignay Amaanadda (Cibaadada) Samooyinka, Dhulka
iyo Buuraha wayna diideen inay Xambaaraan wayna ka Cabsadeen xaggeeda, waxaase
xambaaray Dadka wuxuuna noqday Dulmi badane Jahli badan. (73)
Si Eebe u cadaabo Munaafiqiinta Rag iyo Haweenba iyo Mushrikiinta (Gaalada) Rag iyo Haweenba, uu
kana toobad aqbalo Mu'miniita Rag iyo Haweenba, Eebana waa dambidhaafe
Naxariista.
Saba
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa
kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta aakharo iyo
aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba oge). (2) wuxuuna ogyahay
waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u
kori, waana naxariiste dambidhaafa ah. (3) kuwii gaaloobay
waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way
idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona
samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna,
wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin. (4) Si Eebe u abaal
mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo
risqi wanaagsan. (5) Kuwa u socda iney
aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo
u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun. (6) Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo
dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo. (7) Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin
ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri. (8) Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma
aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog. (9) Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda
ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo
rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo
towbadkeen badan. (10) Dhab ahaanbaan
u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya
tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya
tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta. (11) Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda
wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa. (12)
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil,
carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe,
ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka
saciiro. (13) Waxay u sameyn suleymaan wuxuu
doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo
sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda
shugriga badan. (14) Markaan geerida ku xukunay Nabi
suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa,
markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku
nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed). (15) Guryihii reer
sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga
bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad
wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane. (16) Wayse
jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood
beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah. (17)
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan
abaal marinaa kuwa gaalnimada badan. (18) Waxaana yeeley
dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku
nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah. (19) Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna
dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney,
sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan. (20) Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis
Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee. (21) Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma
aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax
walba waa ilaaliye. (22) Waxaad dhahdaa
u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eb samooyinka iyo dhulka midna,
wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha
khaliqiga. (23) Kumana anfacdo shafeeco Eebe
agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi
muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha
sarreeya. ee weyn. (24) Waxaad dhahdaa
yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka
mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan. (25) Waxaad dhahdaa
laydin warsan mahayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad
camalfaleysaan. (26) Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin
Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og. (27) waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo
shurako ah (wax la wadaago) saas
ma aha ee Eebe waa adkaade falsan. (28) Kuu maanaan
dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi
gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga. (29) Waxayna dhihi waa
goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan. (30)
Waxuud dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana
hor dhacaynin. (31) Waxay dheheenna kuwii galoobay
rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd
daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii
raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan
laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd
arin weyn oo lala yaabo). (32) Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas
ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa. (33) Kuwii tabarta
yaraa (raaciyaddii)
waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii
Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo
shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay
kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay
camal faleen mooyee. (34) Magaalo kasta
oo aan dige (Nabi) u
dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan
ka gaalownay. (35) Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo
Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo. (36) Waxaad dhahdaa
Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono,
laakiin dadka badankiisu ma oga. (37) Ma aha
xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii
rumeeya (xaqa) oo
camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda
dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno. (38)
Kuwa u socda ka (reebidda)
aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab. (39) Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu
doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad
bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax
arsaaqa. (40) Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin
dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin
caabudi jireen. (41) Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog
Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni
badidoodna isagay rumaysnaayeen. (42) Maantase
«Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku
dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen. (43) Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay
dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin
caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan
(quraanku) ma aha waxaan
beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani
waxaan sixir muuqda ahayn ma aha. (44) Ma aanaan
siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta). (45) Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii
Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay
kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay). (46) Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin
inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan
saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran
hortiisna uu yahay, (47) Waxaad dhahdaa
Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii
laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax
walbana Eebe wuu daalacan. (48) Waxaad dhahdaa
Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku
baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane. (49) Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay,
(50) Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay
naftayda, hadaan hanuunana waa wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa
maqli dhawe. (51) Hadaad arki lahayd Nabiyow markay
argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn). (52) Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan
inay meel fog wax ku qaataan (rumayn). (53) Dhab ahaanna
waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog. (54) Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii
lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki
daran ku sugan.
Faatir
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Mahad Eebaha billaabay
«abuuray» samooyinka iyo dhulka yaaleh kana yeelay Malaa'igta farriinwade, oo
garbolabo labo ahiyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebe
abuuriduu doono, Eebana wax walba uu doono wuu karaa. (2)
Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu
celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan. (3) Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale
ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee
ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa. (4)
Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay,
Eeba xagiisaana loo celin umuuraha. (5) Dadaw yabooha
Eebe waa xaq ee yayna idindhagrin nolasha aduunyo, yuuna idinkudhagrin Eebe ku
dhagris badane (shaydaan). (6) Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna
idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta Naaarta saciiro u noqdaan. (7) Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab darab, kuwii xaqa
rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaag iyo ajri wayn. (8) Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu
fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa Ruuxuu doonana wuu Hanuuniyaa
ee yeyna Naftaadu ku tagan walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne. (9) Eebe waa kan
diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku
noolaynay roobkaas dhulka intu dhintay ka dib, saas weeye soo bixintiina. (10) Ruuxii dooni sharaf Eebe iska lehsharaf dhammaanteed,
xagiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa
xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun
halaagi. (11) Eebe waa kan idinka abuuray Carro, hadana dhibic,
markaas Lab iyo dhadig, haweenayna wax uurka kuma qaado mana dajiso ogaansho
Eebe mooyee, ruuxii cimri dhe iyo ruuxii cimri gaabanba waxay ku sugan yihiin
kitaabka Eebe, waana u fudud yahay. (12) Ma eke labada badood
taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka
cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad xidhataan, waxaadna
arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe iyo inaad ku
mahadisaan. (13) Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa
maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu
sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa falana waa
Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed. (14) Hadaad u yeedhataana idin ma maqlaan, haday idinbase
maqlaan wax idiima taraan, Qiyaamadana way diidigaalnimadooda, cid wax og,
sidaana wax kuugu warrama ma jiro. (15) Dadow idinka
unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe,
Eebena waa hodan amaanan. (16) Hadduu doono
wuu idin dhamayn wuxuuna keeni kuwo cusub. (17) Arrintaasna wax
Eebe ku culus ma aha. (18) Nafna naf kale
dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro
waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan,
oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga
Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed). (19) Ma Eka indhoole
iyo wax arke. (20) Mana eka mugdiyo iyo iftiin. (21) Mana eka hoos iyo kulayl. (22)
Mana eka kuwa nool iyo kuwo dhintay, Eebana wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono,
mase maqashiin kartid cid qubuur ku sugan (gaaladuna) waa wax dhintay oo kale). (23) Waxaan u dige ahayn ma tihid. (24)
Annagaa kugu dirray xaq adoo bishaarayn oo digi, umadaan udige loo dirinna ma
jirto. (25) Haday gaaladu ku beeniyaan waxaa
wax beeniyay kuwii ka horreeyay, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin iyo
kutub (waano) oo
xukun leh. (26) Markaasaan qabtay kuwii gaaloobay,
sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas)/ (27) Miyaadan arkayn
in Eebe ka soo dajiyay Samada biyo markaasna aan ku soo bixinaa Midho ay kala
duwanyihiin midabkoodu, Buurahana waxaa ka mid ah wadooyin cad cad, iyo kuwo
gaduud ah oo midabo kala duwan leh iyo kuwo madow daran ah. (28) Dadka iyo dhulsocotada iyo xoolahaba waxaa ka mid ah
midabo kala duwan saas oo kale. (29) Kuwa akhriya
kitaabka Eebe oo salaadda ooga wax ka nafaqeeya (ka
bixiya) waxaan ku arsaaqnay qarsoodi iyo
caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin. (30) Si Eebe ugu
oofiyo ajrigooda uguna siyaadiyo fadligiisa, illeen Eebe waa dambi dhaafe mahad
badane. (31) Kaan kuu waxyoonay ee Quraanka ah
unbaa xaq ah wixii ka horreeyayna u rumayn Eebana addoomadiisa waa ogyahay,
arkaana. (32) Markaasaan dhaxalsiinay kitaabka
kuwaan dooranay oo addoomadanada ka mid ah, waxaase ka mid ah mid dulmiyay
naftiisa, iyo mid dhexdhexaystay, iyo mid ku hanuunay khayrka idanka Eebe,
arrintaasna waa fadli weyn. (33) Jannada cadnin
yeyna gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed asaawir (wax
loogu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar
kooduna dhexdeeda waa xariir. (34) Waxayna dhihi
waxaa mahad leh Eebaha naga tagsiiyay walbahaarka, illeen Eebeheen waa danbi
dhaaf badane mahad badane. (35) Eebihii
nadagjiyay guri nagaadi fadligiisa dartiis (janno) nagumana taabto dhexdeeda dhib, nagumana taabto daal. (36) Kuwii gaaloobay waxay mudan naarta Jahannamo, laguma
xukumo geeri oy dhintaan, lagamana fududeeyo Cadaabkeeda, saasaana ku abaal
marinaa mid kastoo gaalimo badan. (37) Waxay ku qaylyi
dhexdeeda Eeboownaga bixi aan camal fiican ookaan sameynjirray ka duwan fallee,
miyaanaan idin cimri siin muddo uu wax ku xusuusto ruuxii wax xusuusan oosan
idiin imaanin dige (Nabiga) ee dhadhamiya gaaloy (ciqaabta) uma sugnaanin daalimiin gargaaree. (38)
Eebe wuxuu ogyahay waxa ku maqan samooyinka iyo dhulka, wuxuuna ogyahay waxa
laabta (Qalbiga) ku
sugan. (39) Eebe waa kan idinka dhigay kuwo dhulka iska badala,
ruuxii gaaloobase gaalnimadiisu isagaydhibh, Gaaladana uma kordhiso
gaalimadoodu Eebahood agtiisa cadho mooyee, umana kordhiso gaalada gaalnimaadu
khasaaro mooyee. (40) Ka warrama shariigyada aad
baryeysaan ood (caabudaysaan) Eebe
ka sokor, i tusiya waxay abuureendhulka, ama wadaag ah oy ku leeyihiin
samooyinka, mise waxaan siinay Kitaab oo ay xujeesan, saas ma aha ee gaalada
qaarkood qaar uma yabooho waaxaan Dhagar ahayn. (41)
Eebaa ka haya Samooyinka iyo dhulka inay gilgishaan (oo
tagaan), haday gilgishaana waxaan Eebe ahayn oo
qaban ma jiro, Eebena waa dulbadane dhaafid badan. (42)
Waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag hadduu uyimaado udige inay noqdaan kuwa ka
hanuunsan (ka toosan)
umadaha kale, markuu uyimid digihiina uma siyaadinin waxaan carar ahayn. (43) isku kibrin dhulka iyo dhagar xun darteed, dhagarna
xumaan waxaan ahayn ehelkiisa kuma dhaco ee miyaad sugaysaan waxaan wadadii
kuwii hore ahayn, mana helaysid sunnada Eebe wax badala, ma helaysid sunnada
Eebe wax wareejiya. Miyeyna ku soconin dhulka ooyna dayeeynin siday noqotay
cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay ahaayseen kuwo ka
xoogbadan, Ebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge
wax walba kara. (44) Miyeyna ka soconin dhulka ooyna
dayeeynin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey gaaladii Makaad, waxay
ahaayeen kuwo ka xoogbadan, Eebana wax ku cajisiya (daaliya) ma jiro Samooyinka iyo dhulka dhexdooda midna, waana oge
wax walba kara. (45) Haddu Eebe u qaban dadka waxay
kasbadeen (oo xumaan ah)
kagama tageen dhulka korkiisa waxsocda, laakin wuxuu dib ugu dhigi tan iyo
muddo magabaaban, marka ajashoodu (Geeridoodu) timaadana Eebe addoomadiisa wuu arkaa.
Yaseen
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Waxay
ku tusin mucjisada Quraanka). (2) Quraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye. (3) Nabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada). (4) Jid toosanna waad ku sugan tahay. (5)
Quraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista, (6)
inaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan. (7) Dhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan
xaqa. (8) Annagaa yeelay cunahooda Bir waxayna
qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed). (9) Waxaana yeelay
hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan. (10) waxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan. (11) Waxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn,
uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan. (12)
Annaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo
raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda. (13) Uga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay
uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray). (14) Markaan u diray
xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen
idinkaa naloo kiin soo diray. (15) Waxayna dhaheen
(gaaladii) idinku ma tihidiin
waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn,
Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn
masheegaysaan. (16) waxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray. (17)
Korkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn. (18)
Waxay dhaheen (gaaladii) waan
idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana
xagganaga idinka taahan cadaab daran. (19) Waxay dhaheen
Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin
qoon xadgudbay, (20) Waxaa ka yimid Magaalada dhankeeda
fog nin dagdagi (ordi)
wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada. (21)
Raaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan. (22)
Maxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin. (23) Miyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu
Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i
korinayn. (24) Markaas waxaan ku sugnaan baadi
muuqata (cad). (25) Anigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla. (26) Waxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee
qoomkaygii muu ogaado. (27) Waxa Eebe iigu
dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.
Juz' 23
(28) Kuma aanaan dajinin
qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin. (29) Waxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas
ay bakhtiyeen (halaagsameen). (30) Nidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay
ahaadaan kuwo ku jees jeesa. (31) Miyayna arkeyn
intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn. (32) Dhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada. (33) Waxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan. (34) Waxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah,
waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah). (35) Si ay u cunaan
midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe. (36) Waxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo
ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn. (37) Waxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka
soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii. (38)
Qorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha
adkaada ee waxwalba og. (39) Dayaxana waxaan
uqadaray (uyeelay)
meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale. (40) Qorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana
uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan. (41) Waxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray
aabaylkood Doontii buuxday. (42) Waxaana uga
abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan. (43) Hadaan doonana
waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo. (44)
Naxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee. (45)
Markaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah
waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan). (46) Aayad kasta oo
u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan. (47) Marka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka
mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid
hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin. (48) Waxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu
dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan. (49)
Ma sugaayaan (gaaladu) hal
qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi. (50) Mana karaan
dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan. (51) Suurkaa la
afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi. (52) Iyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga
soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna
ku run sheegeen. (53) Waxaan qayki kaliyo ahayn ma
aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin. (54)
Maantana (qiyaamada)
lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal
falayseen mooyeen. (55) Asaxaabta
Jannada (ehelkeeda)
Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax. (56)
Iyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro
(sare). (57) Waxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay
dalbaan. (58) salaan Eebaha Naxariista xagiisa ka
timidna way heli. (59) Soocma maanta
danbiilayaalyahow (gaalada). (60) Miyaanan
idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu
idiin yahay. (61) Ood ani i caabudaan, taasina waa
wadada toosan. (62) Dhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad
badan, miyaydaan wax kasaynin. (63) Tanina waa
jahannamadii laydiinku yaboohay. (64) Ee gala Maanta
gaalimadinii darteed. (65) Maanta waxan
daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi
lugahooda waxay kasban jireen. (66) Haddaan doono
waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki. (67) Hadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid
iyo soo noqosho midna. (68) Ruuxaan cimri
siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn. (69)
Maanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad. (70)
Si uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada. (71) Miyeyna
arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan. (72) OOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan. (73) Waxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna
mahdinaynin Eebe. (74) Waxay ka
yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan. (75)
Mana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan. (76) Ee yeyna ku
walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay muujinbee. (77) Miyuusan arag dadku (oo
ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu
noqday dood badane cad. (78) Wuxuuna noo
yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo
baaliyoobay. (79) Waxaad dhahdaa waxaa noolayn
Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay. (80) Eebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas
aad bursataan. (81) Eebaha abuuray Samooyinka iyo
dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane
ogaansho badan. (82) Amarka Eebena markuu wax inuu
abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado. (83)
Waxaa nasahan (xumaan ka fog)
Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.
As-Saaffaat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Waxaan
ku dhaartay) malaa'igta safan. (2)
Iyo tan kaxaysa daruuraha. (3) Iyo tan akhrida
Quraanka. (4) Ee ilaahiin waa mid (qudha). (5) Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo
Eebaha qorrax ka soo bixidda. (6) Annagaa ku
qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. (7) Iyo ka dhowrid shaydaan
kastoo madax adag. (8) Mana dhagaystaan
jameecada sare, (Malaa'igta)
waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. (9) Iyagoo la cryi
oo cadaab joogta ah usugnaaday. (10) Marka laga
reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. (11)
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka
abuurray dhoobo dhagta. (12) Waxaadse la
yaabtay (beenintooda)
iyaguna way jees jeesi. (13) Marka la
waaniyana ma waantooban. (14) Hadday calaamo
arkaana way ku jees jeesaan. (15) Waxayna dhahaan
kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. (16) Waxayna dhahaan
ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. (17) Ama aabayaalkannagii hore (iyagana
malasoocelin). (18) Waxaad dhahdaa
haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. (19)
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. (20) Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta. (21) Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee
aad beeninjirteen. (22) Kulmiya kuwii
daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. (23) Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. (24) Joojiyana waxbaa la waydiine. (25) (Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin
oydaan isugu gargaaraynin. (26) Saas ma aha ee
maanta way isdhiibeen. (27) Wuxuu qaabilay
qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. (28) Waxayna dhaheen
kuwii waxraacay (raaciyadii)
waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). (29) Waxay dhaheen
madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. (30)
Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. (31) Markaasuu nagu waajibay (nagu
rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). (32) Markaasaan idin
dhuminay annaguna waan dhunsanayn. (33) Iyagu
maalintaas cadaabkay wadaagi. (34) Annaguna
saasaan kufalla dambiilayaasha. (35) Waxayna
ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. (36) Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa
waalan. (37) Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey
Rasuulladii (Eebe soodiray). (38) Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax
xanuujiya). (39) Waxaan
camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. (40) Addoomada Eebe
ee niyada san (xumaan ma arkaan). (41) Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). (42) Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. (43) Jannooyinka Naciima. (44)
Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. (45)
Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). (46) Taasoo cad oo u
macaan kuwa cabi. (47) Mana laha caqli
qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). (48) Agtoodana waxaa
ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn. (49) Ood moodo ukun
la dhowray. (50) Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka
kale (ehelo Jannaha)
iyagoo wax iswaydiin. (51) Wuxuuna dhihi
mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih. (52) Dhihi jiray
adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (53) Ma markaan
dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. (54)
Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. (55) Markaasu dayaa kuna
arkaa jaxiima dhexdeeda. (56) Wuxuuna dhahaa
Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). (57) Haddayna
Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (58) (Waxayna dhahaan
ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. (59) Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn. (60) Taasina waa uun liibaanta wayn. (61)
Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. (62) Mataasaa marti
qaad u fiican (Jannada) mise
geedii zaquum (xumeyd). (63) Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. (64) Waana geed
kasoobaxda gunta jaxiimo. (65) Midhaheeduna
waxaad moodaa madaxyo shaydaan. (66) Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan,
waxayne ka buuxiyaan caloosha. (67) Waxayna kalooy
mudan dheehid biyo kulayl daran. (68) Markaas waxay
ku noqon jaxiimo. (69) Waxay heleen
aabayaalkood oo baadi ah. (70) Iyaguna
raadkoodii bay ku dag dagi. (71) Waxaa dhab
ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. (72) Waxaana
udiraydhexdooda udigayaal. (73) Ee eeg siday
noqotay cidhibtii kuwii loo digay. (74) Hasa yeeshee
addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). (75) Waxaa dhabahaan
noogudhawaaqay (beryey) Nabi
nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. (76) Waxaana Ka
korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). (77) Waxaana ka yeelay
faraciisii kuwa soo hadhay uun. (78) Waxaana ugu
reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). (79) NabadGalyo Nuux
korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. (80) Saasaana ku
abaal marinaa samafalayaalka. (81) Wuxuuna ka
midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). (82) Markaasaan
maanshaynay kuwii kale, (83) Waxaa kamid ah
gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. (84) Markuu ula
yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). (85) Markuu ku yidhi
Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. (86)
Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. (87) Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. (88) Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. (89) Wuxuuna yidhi waan bukaa. (90)
Markaasay katageen kana jeedsadeen. (91) Markaasuu aaday
Ilaahyaalkoodii (sanamyadii)
wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. (92) Maxaad
leedihiin oydaan la hadlaynin. (93) Markaasuu
foorariyay midigta oo ku garaacay (94) Wayna soo
qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu
jajabiyay). (95) Wuxuuna ka
yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). (96) Eebaana idin
abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. (97) Waxayna dhaheen
u dhisa meel (dab lagushido) kuna
tuura Jaxiimo (dabka). (98) Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo
hooseeya (laga adkaaday). (99) Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. (100) Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). (101) Waxaana ugu
bishaaraynay wiil dabeeco. (102) Markuu ku
gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada
anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray
waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. (103) Markay hogaansameen oos u lagday wajiga. (104) Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. (105)
Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. (106) Taasina waa imtixaan muuqda (oo
weyn). (107) Waxaana ku
furanay loog weyn (wan). (108) Waxaana ugaga
tagnay (ugureebnay) kuwa
dame. (109) Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. (110)
Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. (111) Wuxuu ka mid
ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. (112) Waxaan ugu
bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. (113) Waana
barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo
mid naftiisa si cad u dulmiya. (114) Dhab ahaan
yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). (115) Waana ka
korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. (116)
Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). (117) waxaana siinay
Kitaabkii caddaa. (118) Waxaana ku
hanuuninay Jidka toosan. (119) Waxaana ugu
dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). (120) Nabadgalyo ha
ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. (121)
Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, (122)
Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. (123)
Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. (124) Markuu ku
yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). (125) Mawaxaad
baryeysaan Bacli (Sanam) ood
ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. (126) Ee ah Eebihiina
iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. (127) Markaasay
beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). (128) Laakiin
adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). (129) Waxaana ugu
reebnay dadka danbe (amaan ah). (130) Nabadgalyo ha
ahaato Ilyaas korkiisa. (131) Saasaana ku
abaalmarinaa kuwa sama fala. (132) Wuxuuna ka
midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. (133) Nabi luudhna
wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). (134) Xus markaan
korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. (135) marka laga
reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo
ku hadhay halaaga. (136) Ka dibna
waxaan halaagnay intii kale. (137) Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan
dhulkoodii waabariga. (138) Iyo Habeenkaba
ee miyeydaan wax kasaynin. (139) Nabi Yuunusna
wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). (140) Xus markuu
kudhuuntay (kucaray)
Doontii buuxday. (141) Oo uu qoriritay nodayna mid
laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). (142) Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. (143) Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). (144) Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta
lasoo bixin dadka. (145) Waxaana
kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. (146) Waxaana ka soo
bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). (147) Waxaana u
diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. (148) Wayna rumeeyeen,
waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. (149) Waydii
gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. (150)
Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. (151) Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. (152) Eeba waa dhalay waana beenaalayaal. (153) Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. (154) Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. (155) Miyeeydaan wax xusuusaneyn. (156)
Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. (157) Keena
Kitaabkiina (cadayn)
hadaad runlayaaltihiin. (158) Waxay yeeleen
gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni
(qiyaamada). (159) Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. (160)
Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin
xumaan). (161) Idinka iyo
waxaad caabudaysaan (gaalooy). (162) Waxaa ka
fidmaysaan (dhumisaan)
Eebe. (163) Marka laga reebo kuwagali jaxiimo.
(164) Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. (165)
Waana safannahay (cibaado darteed). (166) Waana
tasbiixsanaa (qadarinEebe). (167) Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. (168) Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). (169) Waxaan
noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. (170) Wayse ka
gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). (171) Dhab ahaanbuu
ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). (172) In iyaga uun
loo gargaari. (173) Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), (174) Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (175) Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). (176) Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. (177) Markuu ku dago
cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. (178)
Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (179) Fiirina
iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). (180) Waxaana
kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun). (181) Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. (182) Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.
Saad
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Xarafka hore wuxuu kutusin
mucjisada (Quraanka),
Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin). (2) Kuwii gaaloobay
waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido). (3) Imisaan
halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin.
(4) Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah
waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah. (5) Ma
wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo. (6) Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina,
arrintani waa wax laynala dooni. (7) Manaan kumaqlin
tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay. (8) Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan
yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga. (9) Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee
bixinta badan (khayrka)
yahay. (10) Mise waxaa u sugnaaday xukunka
Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada). (11) Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan). (12) Waxaa beeniyey
xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa. (13)
Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa
beeniyey). (14) Midaan Rasuullada
beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday. (15)
Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma
sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna. (16) Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta
ka hor, (Qiyaamada). (17) Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga
lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane. (18) Annagaa u
sakhirray (u fudaynay)
Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo Subaxba. (19)
Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe. (20) Waana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal cadday (iyo
garsoorid). (21) Ma ku soo
gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen. (22) una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku
dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si
ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa). (23) (Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan
Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo
hadalkiina wuu igaga adkaaday. (24) Wuxuuna yidhi
«Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu
ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa
wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee
camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey
inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna
noday. (25) Markaasaan u dambi dhaafnay,
agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo
sare). (26) (Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa
kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa
dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran
halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed. (27) Maanaan u
abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna
wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar. (28) Miyaan ka
yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka,
mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada). (29) (Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u
fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh, (30) Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan. (31)
Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican. (32) Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe
xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo. (33) ii soo celiya
wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu
gawraco sadaqo darteed). (34) Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad
markaasuu toobad keeney. (35) Wuxuuna yidhi
Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin
badane ahe. (36) Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo
ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono. (37)
Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid
wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba. (38) Iyo kuwo kale
oo ku xidhxidhan silsilado., (39) (Waxaan ku nidhi) tan waa siismada
ee bixi ama hayso xisaab la'aan. (40) Wuxuuna ku
leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican. (41)
Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo
Cadaab. (42) Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada
(dhulka) waxaana ku nidhi
kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo. (43)
Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka
ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch. (44) Kuna qabo
gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay
inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan. (45)
Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog
badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa). (46) Anagaa u
dooranay xusidda aakhiro. (47) Waxayna ka
yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan. (48) 48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli
dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan. (49) Waxaas la soo
sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican. (50) Janada cadnimo loo furay albaabada yey mudan. (51) Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo Cabbid. (52) Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay
Ragooda (dhowrsoon) oo
Isla eg. (53) Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta
Xisaabta (qiyaamada). (54) Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado. (55) Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho
xun. (56) Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun
Gogol. (57) Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya,
isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka. (58)
Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah. (59) Malaa'igtuna
waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo
dhawaanina, waxayna galaan Naarta. (60) Waxay ku
dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag
halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan
isagaana uxun meel lagu nagaado. (61) Waxayna dheheen
kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab
Naarta. (62) Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la
arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun, (63)
Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii. (64) Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka. (65) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan
Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa. (66)
Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade
dambidhaaf badan. (67) Waxaad dhahdaa
Nabiyow Quraanku waa war weyn. (68) Ood idinku ka
jeedsaneysaan. (69) mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin). (70) waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda. (71) Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka
abuuri dadka (Aadam)
Dhoobo. (72) Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo
Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan). (73) Wayna sujuudey
malaa'igtii dhamaantood oo idil. (74) Ibliss mooyee
oo is kibriyey kana mid noqday gaalada. (75) Eebe wuxuu
yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma
iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya. (76)
Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey
dhoobo. (77) Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax
samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye. (78)
Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta. (79) Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka. (80) Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi. (81) Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah. (82) Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan
baadiyeyn dhamaantood. (83) marka laga
reebo addomadaada suuban. (84) Eebe wuxuu
yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa. (85)
Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka
midah dadka dhamaan. (86) Waxaad dhahdaa
Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana
ibi kuwa is dhiba (isku dhibawaxaan la
firin). (87) Waxyiguna
waxaan waanada caalamka ahayn ma aha. (88) Dhab ahaanna
waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.
Az-Zumar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Soo dajinta Kitaabka (Quraanka) wuxuu ka ahaaday
xagga Eebaha adkaada ee falka san. (2) Annagaana kuugu
soo dajinay Nabiyow Kitaabka si xaq ah, ee caabud Eebe adoo kali yeeli Diinta. (3) Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebe, kuwa ka
yeesha Eebe ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Eebe noo dhaweeyaan
mooyee dhawaansho, Eebaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan,
Eebana ma hanuuniyo Been badane gaalnimobadan. (4)
Hadduu doono Eebe inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu
doono, waa naxahanyahey, waana Eebaha kalida ah ee awoodda badan. (5) Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah,
wuxuuna Habeenka ku daboolaa Maalinta, Maalintana ku daboolaa Habeenka,
wuxuuuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo
magacaaban, Eebana waa adkaade dambi dhaafbadan. (6)
Wuxuu idinka abuurey naf kaliya (Nabi aadam) markaasuu Eebe ka yeeley (ka
abuurey) xagga aadam haweeneydiisi (Xaawo) wuxuuna Eebe idiin
soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo ka mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka
hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela
Eebaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, Eebe mooyee ilaah kale
majiro, ee xaggee laydiinka iili (Xaqa). (7) Haddaad
gaalowdaan dadow Eebe waa idinka kaaftoomey, ugamana raalli aha addoomadiisa
gaalnimo, hadaad ku mahdisaanna wuu idin ka raalli noqon, nafna naf kale
danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin Eebihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka
warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahey wax laabta (qalbiga) ku sugan. (8) Markuu dadka
taabto dhib wuxuu baryaa Eebihiis isagoo u noqon, markuuse Nicmo siiyo wuu
illoobaa wuxuu baryey horey, wuxuuna u yeelaa Eebe shariigyo si uu uga
baadiyeeyo (kaasi)
jidka Eebe, waxaad dhahdaa ku raaxaysogaalnimadaada wax yar waxaad ka mid tahay
chelu naarke. (9) Ruux tukan oo Eebe adeece saacadaha
habeenka isagoo sujuudsan oo taagan kana digtoon aakhiro quudarreynayana naxariista
Eebihiis (Ma la midbaa cidaan saas faleynin). waxaad dhahdaa Nabiyow ma egyihiin kuwa wax yaqaanna iyo
kuwaan wax aqoonin, waxaa uun waantoomi kuwa caqliga leh. (10)
Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadeyda xaqa rumeeyow ka dhowrsada Eebihiin, ciddii
wanaag fashana addooomadeyda waxaa usugnaadey wanaag, dhulka Eebena waa waasac (ee ku caabuda) waxaa uun loo
oofiyaa (dhameyaa) kuwa
samra ajrigooda xisaab la'aan. (11) Waxaad dhahdaa
Nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo Eebe anoo u kali yeeli diinta. (12) Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horreeya muslimiinta. (13) waxaad dhahdaa Nabiyoow anigu waxaan ka cabsan hadaan
caasiyo Eebahay cadaab maalin weyn. (14) Waxaad dhahdaa
Eebe uun baan caabudi anoo ukaliyeeli Diintayda. (15)
Ee caabuda Gaaloy waxaad doontaan Eebe ka sokow, waxaadna dhahdaa kuwa
khasaaray waa kuwa khasaariyey Naftooda iyo Ehelkoodii Maalinta Qiyaame,
taasina waa khasaaraha cad. (16) Korkooda waxaa
ah lakabyo Naar ah, hoostoodana waxaa ah lakabyo Naar ah, kaasina waa waxa Eebe
ku cabsi galiyo (ugu digo)
addoomadiisa ee addoomadeydoow iga dhawrsada. (17)
Kuwa ka fogaaday inay caabudaan shaydaan (iyo xima fare) oo Eebe u noqday waxaa usugnaaday Bishaaro ee u bishaaree
addoomadayda. (18) Ee ah kuwa dhageysta hadalka oo
raaca kiisa fiican, kuwaasna waa kuwa Eebe hanuuniyey, kuwaasna iyaga uunbaa ah
kuwa caqliga leh. (19) Ruuxay u
waajibtay ereyga cadaab ma adaa Nabiyoow ka korin cid Naar gali. (20) kuwa ka dhawrsaday Eebahoodse waxay mudan Qawlado (Janno) oo qawlada kale ka
korreeyaan sifiicanna (udhisan), waxaana dhexsocda Wabiyaalkii, waana yabooh Eebe, mana
baajiyo Eebe yaboohissa. (21) Miyaadan arkeyn
in Eebe ka soodajiyey samada biyo oo markaas uu galin dhulka iyagoo ka soo
burqan dhulka, markaasna Eebe ku soo bixin Beer midabkeedu kala duwanyahay
markaas ka dibna uu ingagi ood arki isagoo cawlan, kadibna kayeeli bur bur,
arrintaasna waxay xusuus u tahay kuw caqliga leh. (22)
Ruux Eebe uwaasiciyey Laabtiisa Islaamka oo nuurka Eebe ku sugan ma lamidbaa (mid la daboolay) halaag wuxuu u
sugnaaday kuwey ka ingagtay quluubtoodu xuska Eebe (Quraanka) kuwaasina waa kuwa baadi cad kusugan. (23)
Eebaa soo dejiyey kan ugu fiican hadal, kitaabuu soo dajiyey isu eg, oo soo
noqnoqda, ay lana qamandhacyooto Jidhka kuwa ka yaaba Eebahood, markaasay la
jilci jidhkoodu iyo quluubtoodu xusuusta Eebe, arrintaasuna waa hanuunka Eebe
uu ku hanuuniyo cidduu doono, ruuxuu Eebe dhumiyana ma jiro cid hanuunin. (24) Ma ruux wajigiis kaga gabada cadaab xun maalinta qiyaame
mala midbaa mid aan saas ahayn, waxaana loo yidhaa daalimiinta dhadhamiya
waxaad kasban Jirteen, (abaalkiisii). (25) Waxaa beeniyey (xaqa) kuwii ka horreeyey
(gaaladan) wuxuuna uga yimid
cadaabku meelayn kasayn. (26) Markaasuu Eebe
dhadhansiiyay dulli nolasha adduunyo, cadaabka aakhiraana weyn hadday wax
garan. (27) Dhabbaan ugu caddayney dadka
Quraanka tusaale kasta inay waantoobaan, (28) Waana Quraan
carabi ku (qoran) oon
qalloclahayn may dhawrsadaan. (29) Eebe wuxuu
qadaray tusaale nin dad wadaagaan iskuna khilaafsan iyo mid usugnaada ruux si
gaar ah ma egyihiin tusaale ahaan. mahad Eebaa iska lch dadka badidiisna ma
oga. (30) Adigu waad dhiman iyaguna (Gaaladu) way dhiman. (31) Markaas maalinta qiyaame waxaad ku doodaysaan Eebihiin
agtiisa.
Juz' 24
(32) Yaa ka dulmi badan Ruux ku
been abuurtey Eebe korkiisa oo beeniyey runta (Xaqa) markuu uyimid, miyeyna ahayn Jahannamo Guriga Gaalada. (33) Kii la yimid Runta iyo kii rumeeyey waa dhawrsadeen/ (34) Waxayna ku leeyihiin Eebe agtiisa waxay doonaan taasina
waa abaalmarinta kuwa wanaagga fala. (35) Si Eebe ugu
asturo wixii xumaa oy camal faleen, kuna abaal mariyo ajirkii ufu fiicnaa waxay
falayeen. (36) Miyuusan ahayn Eebe kufillaha
addoonkiisa waxay kugu cabsi galin waxa Eebe ka soo hadhay (ay
caabudi) ruux Eebe dhumiyeyna ma laha cid
hanuunin. (37) Cid Eebe hanuuniyeyna ma jiro wax
dhumin, Eebana miyuusan ahayn adkaade aarsada. (38)
Hadaad warsato Gaalada yaa abuuray Cirka iyo Dhulka waxay odhan Eebe, waxaad
dhahdaa bal ka warrama waxaad caabudaysaan Eebe ka sokow hadduu ila doono Eebe
dhib miyey yihiin kuwa fayda dhibka ama hadduu ila doono naxariis ma joojin
karaan naxariistiisa, waxaad dhahdaa waxaa i kaafiya Eebe ee korkiisa ha tala
saarteen kuwa tala saaran. (39) Waxaad dhahdaa
qoomkayoow sidaadtihiin u camalfala anna waan camal faliye waadna
ogaandoontaan. (40) Ruuxu yimaado cadaab dulleeya oo ku
dago korkiisa cadaab joogta ah. (41) Annagaa kugu
soodajinay Kitaabka (Quraanka) Dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici
naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nabiyow kama
tihid wakiil. (42) Eebaa oofsada nafta markay dhiman
iyo tii aan dhimanin ee hurudday, wuxuna hayn tuu geerida ku xukumay wuxuuna
siideyn tii kale tan iyo muddo magacaaban, arrigtaasna aayaad (Calaamooyin) yaa ugu sugan
ciddii fikireysa. (43) Mise waxay ka
yeesheen Eebe wax ka soohadhay shafeecayaal, waxaad dhahdaa (oo ma kayeelanyesaan) xaataa haddayna
wax hananayn waxna kasayn. (44) Waxaad dhahdaa
Eebaa iska leh shafeeco oo dhan, waxaana u sugnaaday xukunka Cirka iyo Dhulka
xaggiisaana leydiin celin. (45) Marka la xuso
Eebe kaliya waxaa diida qalbiyada kuwaan rumeynin aakhiro markii la xuso waxa
Eebe ka soo hadhayna markaasay bishaareystaan farxaan. (46)
Waxaad dhahdaa Nabiyow Eebow adaa abuuray Cirka iyo dhulka ogna waxa maqan iyo
waxa jooga, adaase kala bixin addoomadaada dhexdooda waxay isku
Khilaafsanyihiin. (47) Hadday kuwii
dulmiga falay waxa dhulka ku sugan shamaantii iyo wax la mid ah leeyihiin way
iskaga furan lahaayeen Cadaabka Maalinta Qiyaamaha, waxaana uga muuqday xagga
Eebe Waxayn maleeysanaynin. (48) Waxaana u
muuqday xumaantay kasbadeen, waxaana ku dhacay waxay ku jees jeesi jireen. (49) Markuu dhibtaabto dadku wuu na baryayaa, markaanse
siino Nicmo wuxuu dhahaa waxaa la i siiyey waan mutaa, saas ma aha ee waannu
imtixaami mase oga badankood. (50) Waxaa saas
yidhi kuwii ka horeeyey waxna uma tarin waxay kasbadeen. (51)
Waxaana ku dhacay xumaantay kasbadeen, kuwii dulmifalay oo ka mid ahaa kuwaas
waxaa ku dhici xumaantey kasbadeen, namana daaliyaan. (52)
Miyeyna ogayn inuu Eebe u waasiciyo Rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhyo (cidduu doono) arrintaasna waxaa
ugu sugan aayad cidii wax rumeyn. (53) Waxaad dhahdaa
Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista Eebe,
Eeba dhaafa danbiyada dhamaantoode, waana dambi dhaafbadane naxariis badane. (54) U noqda Eebihiin una hogaansama ka hor cadaab idiin ku
yimaaddoon laydiinkana gargaarayn. (55) Raaca kan wanaagsan e
laydiinka soo dajiyey Eebe xaggiisa, ka hor cadaab idinku yimaadda kado,
idinkoon ogayn. (56) Ama odhan nafu shaleyte waxaan ku
gaboodfalay cibaadada Eebe waxaana ahaa kuwa jees jeesa. (57)
Ama ayan odhan haddii Eebe ihanuuniyo waxaan noqon lahaa kuwa dhawrsada. (58) Ama ayan odhan markay aragto cadaabka hadday noqosho
iisugnaan laheyd waxaan ahaan lahaa kuwa samo fala. (59)
Saas ma ah ee waxaa kuu yimid aayaadkaygii waadna beenisay waadna iswaynaysay
waxaadna ka mid noqotay gaalada. (60) Maalinta
qiyaamana waxaad arkeysaa kuwii ku been abuurtay Eebe korkiisa oo wajiyadoodu
madowyahay, miyayna Jahannamo dhexdeedu ahayn hoyga kuwa is kibriya. (61) Wuuna koriyaa Eebe kuwa dhawrsaday liibaantooda
darteed, mana taabto xumaanu mana murugoodaan. (62)
Eebana waa abuuraha wax kaste, waana wax walba wakiilkiisa, «maamulaha». (63) Isagaana iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulkaba, kuwa
gaaloobay aayaadka Eebana waa kuwa khasaaray. (64)
Waxaad dhahdaa ma waxkasoohadhay Eebaad i faraysaan inaan caabudo
jaahiliinyahay. (65) Waxa dhab ahaan loogu
waxyoodayadiga iyo kuwii kaa horreeyeyba Nabiyow haddaad wax la wadaajisa (Eebe) waxaa buri
camalkaaga, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray. (66)
ee Eebe uun caabud noqona kuwa ku mahdiya. (67) Mayna waynaynin
gaaladii Eebe waynaantiisa dhabta ah, isagoo dhulka dhamaantiis kujiro
xukunkiisa Maalinta qiyaame Samooyinkuna ku duuban yihiin Yamiintiisa Eebaa ka
nasahan kana sarreeya waxay la wadaajiyeen. (68)
Waxaa la afuufi suurka (Buunka qiyaame) waxaana suuxi (Dhiman) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, cidduu Eebe doona mooyee,
markaasaa la afuufi mid kale waxaana soo bixi dadkii iyagoo taagan oo sugi (xukunka Eebe). (69) Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo
dajin (dhawayn)
Kitaabkii (Camalka)
waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa'igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo. (70) Waxaana loo oofin (dhameyn) nafkastaa waxay camalfashay, Eebana waa ogyahay waxay
camalfalayaan. (71) Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga
jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda
waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo
idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna
dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe). (72) Waxaana lagu dhihi gala albaabada Jahannamo idinkoo ku
waari dhexdeeda iyadaana u xun meelay ku hoydaan kuwa is kibriya. (73) Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebahood xagga
jannada iyagoo kooxa ah markay yimaadaan jannadana iyadoo la furay albaabadeeda
(marhore) waxay ku dhihi
adeegaheedu nabadgalyo korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen (liibaanteen) ee gala janada
idinkoo ku waari. (74) Waxayna dhihi
mahad waxaa iska leh Eebaha noo rumeeyey yaboohiisa, nana dhaxalsiiyay dhulka (janada) waxaana ka dagnaa
janada meeshaan doonno waxaana wanaag badan ajriga kuwii camal falay. (75) Waxaad arkaysaa malaa'igtoo ku wareegsan gaararka
carshiga kuna tasbiixsan mahadda Eebahood, waana la kala xukumi dadkii
dhexdooda si xaqw ah, waxaana la dhihi mahad Eebaa iska leh ee ah Eebaha
caalamka.
Al-Ghaafir
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (waxay
ku tusin mucjisada quraanka sidii soo hor martay). (2) Soo dajinta Kitaabka (quraanka) waxay ka ahaatay Eebaha adkaada ee wax walba og. (3) Ee dhaafa danbiga aqbalana toobadda, ayna darantahay
ciqaabtiisu, ee nicmada badanleh, Eebe aan ilaahay ahayna ma jiro, xaggiisaana
loo noqon. (4) Kuma doodo aayaadka Eebe kuwa gaaloobey
mooyee, ee yeyna kugu dhagrin gagadoonkooda adduunka. (5)
waxaa beeniyay hortood qoomkii (Nabi) Nuux iyo xisbiyadii ka dambeeyey, waxayna doontay ummad
kastaa rasuulkoodii inay qabato (oy dilaan) waxayna ku doodeen baadil (xumaan) inay xaqa ku tirtiraan, markaasaan qabtay ee waa sidee
ciqaabteydii. (6) Saasayna ugu sugnaatay kalimadii
Eebe «ciqaabtiisu» kuwii gaaloobay, waana inay yihiin naarta ehelkeeda. (7) Kuwa (Malaa'igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku
tasbiixsan kuna Mahadin Eebehood wayna rumeysanyihiin, waxayna u dambi dhaaf
warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Eebahanow waxaad ugu waasac noqon wax kasta
naxariis iyo ogaanshee u dambidhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana
dhawr cadaabka jaxiimo. (8) Eebow gali kuwaas
jannada cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii suubanaada oo ah
Aabayaalkood, Haweenkooda iyo Caruurtooda, adigaa ah adkaade falsane. (9) Kana dhawr xumaanta (Ciqaabta) ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay
taasina waa liibaanta wayn. (10) Kuwa gaaloobay
waxaa loogu dhawaaqaa (qiyaamada) cadhada Eebaa ka wayn cadhadaad naftiina ucadhootaan,
maxaayeelay waxaa laydiinku yeedhi Jiray Iimaanka markaasaad gaaloobayseen. (11) Waxay dhihi Eebow waxaad na dishay laba jeer waxaadna
na noolaysay laba jeer waana qiranay dambiganagii ee ma suuroowdaa jid naarta
looga baxo. (12) Arrintaas waxaa ugu wacan in marka
loo yeedho Eebe kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad
rumeysaan xukunka dhamantiisna Eebaa iska leh ee sarreeya waynna. (13) Eebe waa kan
idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soodajiya Samada Rizqi (Roob) mana xusuusto ruux Eebe unoqon mooyee. (14) Ee bari
(Caabud) Eebe adoo ukali
yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye. (15) Eebe waa kan ay sarrayso
darajadiisu (waxna koryeela)
carshigana iska leh, kuna soo dajiya waxyigiisa (iyo
jibriil) oo ah amarkiisa cidduu doono oo
adoomadiisa ah, si uu uga digo maalinta kulanka (Qiyaamada). (16) Maalintay usoo
muuqan (usoo bixi) Eebe
waxba karna qarsoona korkiisa, wuxuuna dhihi Eebe yaa xukunka iska leh maanta,
markaasuu dhihi Eebaha kalida ah ee awooda badan. (17)
Maanta (Qiyaamada)
waxaa laga abaalmarin nafkastaa waxay kasbatay, dulmina majiro Maanta, Eebana
wey dag dag badantahay xisaabtiisu. (18) Uga dig Nabiyow
dadka Maalinta dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (Cabsi
darteed) iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan
sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo. (19) Eebe waa
ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu. (20) Eebe
wuxuu xukumaa xaqa, waxay caabudina oo Eeba ka sokeeya waxba ma xukumaan,
Eebana waa maqle arka ah. (21) Miyayna ku
soconin Dhulka ooyan fiirin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladan) waxay ahaayeen
kuwa ka xoogbadan kana camiraadbadan dhulka, markaasuu qabtay Eebe danbigooda
dartiis umana sugnaan waxa Eebe ka soo hadhay wax daafaca. (22)
Waxaana saas ugu wacan inay ahayd xujooyin, oy ka gaaloobeen markaas Eebe
qabtay maxaa yeelay waa xoogbadane ay darantahay ciqaabtiisu. (23) Dhab ahaan yaan (Nabi) Muuse ugu dirray isagoo wata aayaadkanaga iyo xujo cad. (24) Xagga Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxayna dheheen waa
sixirroow beenaala ah. (25) Markuu ugala
yimid xaqa agtanada waxay dheheen dila Wiilasha kuwa rumeeyey, daayana Haweenka
(Gabdhaha) dhagarta gaaladuna
ma aha waxaan khasaare ahayn. (26) Wuxuu yidhi
Fircoon, i daaya aan silo Muusee hana uyeedho Eebihiisa, waxaan ka cabsan inuu
idinka badalo Diinta ama uu ka muujiyo dhulka fasaad. (27)
Wuxuuna yidhi (Nabi)
Muuse waxaan ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin mid kasta oo is kibriya (isla wayn) oon rumayn
Maalinta xisaabta qiyaamada. (28) Wuxuu yidhi nin
Mu'min ah oo ka mid ah dadka Fircoon oo qarinaayay limaankiisa, ma waxaad
udilaysaan in uu yidhi Eebahay waa Alle, isagoo idiinkala yimid xijooyin xagga
Eebihiin hadduu beenaale yahayna isagay dhibi beentiisu, hadduu runle yahayna
waxaa idin ku dhici wuxuu idiin ku yaboohay qaarkiis, Eebana ma hanuuniyo danbi
badane been badan. (29) Qoomkayoow
idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari caddabka
Eebe hadduu inoo yimaado, fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan
ahayn ra'yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah. (30) Wuxuu yidhi kii rumeeyey (Xaqa) qoomkayoow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii
xisbiyadii. (31) Sidii Qoomkii Nabi Nuux iyo reecaad
iyo thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebana ma aha mid la doonadulmi addoomada. (32) Qoomkayow wxaan idinka cabsan maalinta isu yeedhidda (Qiyaamada). (33) Maalintaad jeedsandoontaan idinkoo carari, idiinna
sugnayn wax Eebe idinka ilaaliya, ruux Eebe dhumiyeyna malaha «ma jiro» wax
hanuunin. (34) Waxaa dhab ahaan idiin kula mid
xujooyin marhore (Nabi)
Yuusuf, kamana aydaan tagin shaki wuxuu idiin la yimid, markuu dhintayna waxaad
dhahdeen ma soobixinaayo Eebe gadaashiis Rasuul, saasuuna udhumiyaa Eebe Ruux
xad gudba oo shaki badan. (35) Kuwa kudoodaya
aayaadkanaga xujo utimid la'aanteed waxaa ku waynaatay cadho Eebe agtiisa iyo
kuwa rumeeyay, saasuuna u daabacaa Eebe qalbi kastoo is kibriya oo daalim ah. (36) Wuxuu yidhi fircoon Haamaanoow ii dhis Daar (sare) si aan ugu gaadho
wadooyinka. (37) Wadooyinka Samooyinka markaas
aandaalacdo Ilaaha Muuse anigu waxaan u malayn beenaalee, saasaana loogu
qurxiyay fircoon camalkiisa xun loogana leexiyay jidka, dhagarta fircoonna, ma
aha waxaan khasaare ahayn. (38) Wuxuu yidhi kii
rumeeyay (Xaqa)
qoomkayoow i raaca waxaan idinku hanuunin jidka fiicane. (39)
Qoomkayoow nolashan adduunyo ee dhaw waa uun raaxo (yar) aakharaase guri nagaadi ah. (40) Ruuxii
camal xun sameeya laguma abaalmariyo wax lamid ah mooyee, Ruuxiise camal fiican
fala Lab iyo Dhaddiigba isagoo rumaysan kuwaasi waxay gali Jannada, waana lagu
arzuqi dhexdeeda xisaab la'aan. (41) Qoomkayoow
maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar. (42) liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon
ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa. (43) Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa
uusan lahayn Nacfi (iyo wax ajiiba) adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebe kuwa
xadgudbana iyaga uunbaa ah asaxaabta (Ehelka) naarta. (44) Waadna xusuusan
doontaan waxaan idin kuleeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga
Eebe,illeen Eebaa arka addoomadee. (45) Markaasaa Eebe
ka dhawray Mu'minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay (ku dagay) Fircoon iyo
ehelkiisii cadaab xun. (46) Naarbaana loo
bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, Maalintay kacayso Saacaduna (Qiyaamada waxaa ladhihi) galiya fircoon iyo
ehelkiisa kan
ugu daran cadaab. (47) Xusuuso
waqtigay ku doodi ehelu Naarku Naarta dhexdeeda ooy ku odhan kuwii (raaciyada ahaa) kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa
idinkaan idin raacaynay ee wax manooga taraysaan qayb naarta ka mid ah. (48) waxay dheheen kuwii iskibriyey dhamaanteen waxaan
ahaanaynaa naarta dhexdeeda, Eebana waa kala xukumay addoomadiisa dhexdooda. (49) Waxayna ku dhaheen kuwa naarta kusugan adeegaha
jahannamo noo barya Eebihiin inuu naga fududeeyo maalin cadaabka. (50) Waxay dheheen adeegayaashii miyeyna ahayn inay idiinla
timid Rasuuladii xujooyin, waxay dhaheen way noola timid, waxayna dhaheen harya
idinkii marka Eebe, baryada gaaladana ma aha waxaan baadi iyo khasaare ahayn. (51) Annagaa u gargaari Rasuuladanada iyo kuwa rumeeyey xaqa
nolosha adduun iyo maalinta ay kici maragyadu. (52)
Maalintayna antacayn daalimiinta cudur daarkoodu, ayna u sugnaan Naclad iyo
Guri xun (Naar). (53) Dhab ahaan yaan u siinay Nabi Muuse hanuun (Nabinimo) una dhaxalsiinayna
Bani Israa'iil Kitaabka (Tawreed). (54) Hunuun iyo
waano isagoo u ah kuwa caqliga leh. (55) Ee samir
Nabiyow yabooha Eebe wan dhabe, dambi dhaafna waydiiso kuna tasbiixso adoo ku
dheehan mahadda Eebahaa Galab iyo Aroorba. (56) Kuwu ku murmi
aayaadka Eebe xujo la'aan u timid laabtooda ma aha waxaan kibir ayna gaadhayn
ahayn, ee ka magan gala Eebe isagaa wax muqla waxna arkee. (57)
Abuuriddu cirka iyo Dhulka yaa kawayn abuuridda Dadka (sida
u muuqata) laakiin Dadka badidiis ma oga. (58) Ma eka indhoole iyo arkc iyo kuwa rumeeyey (Xaqa) camalfiicanna
falay iyo xumuunloow, wax yar baadse xusuusanaysaan. (59)
Saacadda (Qiyaame) way
iman shaki la'aan laakiin Dadka badidiis ma rumeynayaan. (60)
Wuxuu yidhi Eebehiin i barya aan idiin ajiibee, (aqbalee) kuwa iska weyneeya cibaadadayda waxay gali doonaan naarta
jahannamo, iyagoo dulleysan. (61) Eebe waa kan idiin yeelay habeenka inaad xasiLoonaataan dhexdiisa,
maalintana (Ifid)
arag, Eebana waa kan
wax ku galladaysta dadka, laakiin dadka badankiisu kuma mahdiyaan. (62) Kaasi waa allihiin, Eebana idiin ah wax walbana abuuro,
Eebe mooyee mid kale ma jiro ee xagee xaqa laydiinka iili. (63)
Saas ookale yaa loo iilay kuwii aayaadka Eebe diidi jiray. (64)
Eebe waa kan idiinka yeelay Dhulka meel sugnaansho, Cirkana dhismo oo idin
sawiray wanaajiyayna Suuraddiina oo idinku Arzaaqay wax wanaagsan kaasi waa
Eebihiin waxaana sarreeya oo nasahan Eebaha Caalamka Eebihiisa ah, (65) Eebaha nool, Eebe aan isaga ahaynna ma jiro ee barya (caabudana) idinkoo u
kaliyeeli Diinta, mahadna waxaa iska leh Eebaha Caalamka. (66)
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad baryeysaan Eebe
ka sokow markay iigayimaadeen xujooyin xagga Eebahay, waxaana lay faray inaan
uhogaansamo Eebaha Caalamka. (67) Eebe waa kan idinka abuuray
CarRada Hadana Dhibic, haddana Calaqo markaas idin soo bixiyey idinkoo ilma ah,
hadana aad gaadhaan xoogiina, haddana aad noqotaan Odayo waxaase idinka mid ah
cid la oofsado (Dhimata)
intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan waqti magacaaban waxaad udhawdihiin inaad wax
kastaan. (68) Eebe waa kan wax nooleeya waxna dila markuu doono
inuu xukumo amarna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa. (69)
Ka warran kuwa ku murmi aayaadku Eebe xaggee looga iili xaqa. (70) Kuwa beeniyay Kitaabka «Quraanka» iyo waxaan la soo
dirray Rasuulladanada way ogaandoonaan, cidhibtooda. (71)
Marka Katiinado layeelo Luquntooda Silsiladdana lagu jiido. (72) Kulayl haddana «Naar» lagu jiido. (73)
Markaas lagu dhaho aaway waxaad la wadaajiseen cibaadada. (74)
Eebe ka sokoow, waxayna odhan waa naga Dhumeen (waynay), mase aanaan ahayn kuwo Wax ucaabuday horay, saasuuna Eebe
udhumiyaa Gaalada. (75) Taasina waa
waxaad ugu farxi jirteen Xumaanta dhulka dhexdiisa xaq daro iyo Waxaad la kibri
jirteen. (76) Eegala irdaha jahannamo idinkoo ku
Waari waxaana u xun meeluu ku hoydo isla wayne
Naarta Jahanamo. (77) Samir (adkayso) nabiyow yabooha Eebe waa xaqe, haddaanu kutusinno waxa (guusha) aannu Kuu yaboohi
qaarkeed (intaad nooshahay waa Wanaagayamaan ku
oofsanno (intaas Ka hor)
Xaganagaa loo soo celin (gaaladaas). (78) Waxan dirray
rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan
kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la'aantiis hadduuse yimaado
amarka Eebe (cadaabkiisu)
waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah. (79) Eebe waa kan
idiin yeelay Nicmoolayda (xoolaha) inaad waxna ka fuushaan waxna ka cuntaan. (80) Waxaana idinka sugnaaday dhexdeeda Nacfi iyo inaad ku gaadhaan
danihiina Laabta idinkaga jira, korkeeda iyo doonta Ayaana la idinku xambaaraa.
(81) Wuxuuna idin tusiyaa aayaadkiisa ee teed aayaadka Eebe
diidaysaan. (82) miyayna ku soconin dhulka oo ay
fiiriyaan Siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo ka
badan kana xoog badan iyo camiridda dhulka, waxna uma tarin waxay kasbadeen. (83) markay ula yimaadeen rasuuladoodii xujooyin waxay ku
farxeen gaaladii waxa agtooda ah oo cilmi ah, waxaana ku dagay waxay ku
jees-jeesi jireen (abaalkiisii). (84) markay arkaan
cadaabkanaga waxay dhahaan waxaan rumaynay Eebe kaliya waana diidnay waxaan
Eebe la wadaajin jirray. (85) Mana aha kuu
anfici iimaankoodu markay Arkaan cadaabkanaga, waa sunnada (dariqada) Eebe ee u horaysay adoomadiisa, waxaana ku khasaaray
halkaas gaalada.
Fussilat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku tusin mucjisada
Quraanka sida soo hormartay. (2) Quraanka waa soo
dajinta Eebe naxariista guud iyo mid gaaraba naxariista, (3)
Waana Kitaab loo caddeeyey aayaadkiisa isagoo Quraan carabi ku qoran ah ciddii
wax garan. (4) Waana bishaareeye u dige ah, waase
ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan. (5)
Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi,
dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab,
ee camal fal anana waancamalfaleynaaye. (6) Waxaad dhahdaa
Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay
Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu
u sugnaaday mushrikiinta. (7) Kuwaan bixinin
zakada ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey. (8) Kuwa xaqa
rumeeyeyse oo camalfiican falay waxaa usugnaaday ajri aan guraynin. (9) Waxaad dhahdaa Nabiyow idinku ma waxaad ka gaaloobaysaan
kan (Eebaha) ku abuuray Dhulka
laba maalmood, ood uyeelaysaan kuwo la mid ah, kaasi waa Eebaha Caalamka. (10) Wuxuuna yeelay Dhulka dhexdiisa Buuro wuuna barakeeyey
dhexdiisa una qadaray (u qiyaasay) Cunnadiisa afar maalmood iyadooy usimantahay dadka
weydiin. (11) Markaasuu Eebe u istawooday (qasday) Cirka oo qiiq ah
kuna yidhi Cirka iyo Dhulka ahaada idinkoo adeecsan ama la ikraahi (laqasbi) waxayna dheheen
waan nimid anagoo addeecsan. (12) Wuxuuna Eebe ka
abuuray Cirka Todobo Samo laba maalmood wuxuuna faray Samo kasta amarkeedii,
waxaana ku qurxinay Cirka dhaw Misbaaxyo, waana ilaalinay, taasina waa
qadaridda (maamulka)
Eebaha adkaada ee wax og. (13) Hadday ka
jeedsadeen Gaaladu (xaqa) waxaad ku dhahdaa Nabiyow waxaan idiinka digi cadaab daran
oo lamid ah kii Reer Caad iyo Thamuud. (14) Markay ugaga
timid Rasuuladii hor iyo gadaalba, iyagoo ku leh ha caabudina waxaan Eebe ahyn,
ayna ku dhaheen hadduu doono Eebeheen wuxuu soo dajinlahaa Malaa'ig, anaguna
waxa laydiin soo diray waan ka gaaloownay. (15) Ree Caad iyagu
way isku kibriyeen Dhulka xaq darro, waxayna dheheen yaa naga xoog badan
miyeyna arag Eebaha abuuray inuu ka xoogbadanyahay waxayna ahaayeen kuwo
aayaadkanaga diidan. (16) Waxaana ku
dirray korkooda Dabayl qaylo daran Todobo Maalmood oo uxun (iyaga) si aan u dhandhansiino cadaabka dulliga Nolosha adduun,
cadaabka aakhiraana ka sii dulli badan loomana gargaaro. (17)
Ree thamuud waxaantusinay xaqa, waxayna ka jeeclaadeen indho la'aan (baadi) hanuunkii, waxaana
qabtay qaylo cadaab wax dulleeya, waxay kasbanayeen darteed. (18) Waxaana korinay kuwii rumeeyey (xaqa) oo dhawrsan jiray. (19) (u sheeg gaalada) Maalinta lagu
kulmin colka Eebe naarta iyagoo is cidhiidhyi. (20)
Markay yimaaddaana uu ku maragfuro korkooda, maqalkooda, aragoodu, iyo
haragoodu (jidhkoodu)
waxay falijireen. (21) ayna ku dhahaan
korkooda (Jidhkooda)
maxaad noogu marag kacdeen, ayna ku dhahaan waxaa naga hadliyey Eebaha ka
hadliya wax kasta, isagaana idin abuuray markii hore xagiisana laydiin celin. (22) Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku maragkacaan
jidhkiinu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebe ogayn wax badan ood
falaysaan. (23) kaasina waa malihiinii aad u
malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray. (24) haday samraanna naarbay ku hoyan hadday cudur daar
dalbaana lagama aqbalo. (25) Waxaan u
darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya,
waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey
Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray. (26)
Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u
dhawdihiin inaad adkaataane. (27) Waxaan
dhadhansiinaynaa kuwii Gaaloobay Cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii
ugu xumaa waxay camal falayeen. (28) Kaasi waa
abaalmarinta colka Eebe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon Curi waarid, iyagoo
laga abaal marin aayaadkanaga aydiideen. (29) Waxay dheheen
kuwii Gaaloobay Eebow na tusi labadaas nadhumiyey oo Jinni iyo Insi ah aan
yeelo Gomadahanaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya (Naarta). (30) kuwa yidhi Eebahanno waa Alle hadana toosnaaday waxaa
ku soo dagta Malaa'igta (markey dhiman
iyadoo ku dhihi) ha cabsanina hana murugoonina, kuna
bishaareysta Jannadii laydiin yaboohay. (31) anagaa sokeeye
idiin ah nolosha addunyo iyo aakhiraba, waxaana idiinsugnaaday dhexdeeda waxay
doonto Naftiinnu waxaadna ka helaysaan waxaad dalabtaan. (32)
Waana martiqaadka Eebaha dambi dhaafa ee Naxariista. (33)
yaa ka fiican hadal ruux ugu yeedhay (Dadka) Eebe xagiisa, oo camalfiican sameeyey, oo dhaha anigu
waxaan ka mid ahay Muslimiinta. (34) Mana eka Wanaag
iyo Xumaan, reebna oo (bixi) arrinta fiican markaas waxaa soobixi in midkii col idin
dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib. (35) Lalamana
kulmiyo arrintaas kuwii samrey mooyee, lalamana kulmiyo mid nasiib weyn leh
mooyee. (36) Hadduu ku waswaasiyo shaydaan
xaggiisa waswaasiye ka magangal Eebe isagaa wax maqla waxna oge. (37) Aayaadka Eebe (jiridiisa iyo
qudradiisa) waxaa ka mid ah Habeenka, Maalinta,
Qorraxda iyo Dayaxa, ha u sujuudina Qorraxda iyo Dayaxa ee u sujuuda Eebaha
abuuray haddaad tihiin kuwo (dhab) u caabudi. (38) Haday iska
kibriyaan (cibaadada) kuwa
Eebahaa agtiisa ah way u tasbiixsadaan Habeen iyo Dharaarba kana noogin. (39) Aayaadka Eebe waxaa ka mid ah inaad aragtidDhulkoo
dulleysan (abaar ah)
markaan ku soo dajinno Biyaha uu gilgisho soona kor noqdo, midka nooleeyey wuxuu
nooleyn wixii dhintay wax walbana wuu karaa. (40)
Kuwa iilaya aayaadkanaga nagama qarsoona, ruux lagu tuuray Naarta miyaa
khayrroon mise mid isagoo aamin ah imaan Qiyaamada, fala waxaad doontaan, Eebe
waxaad faleysaan waa arkaa. (41) Kuwa ka
gaaloobay Quraanka markuu u yimid (waa la abaal marin) waana Kitaab qaali ah. (42)
Mana timaado xumaan hortiisa iyo gadaashiisa, (waa
dhawran yahay) waana soo dajinta Eebaha falka san ee
lamahdiyo. (43) Lagumana dhaho waxaan ahayn waxii
lagu yidhi Rasuuladii ka horreeyey, Eebahaana waadambi dhaafe ciqaab daran. (44) Hadaan kayeelo «Kitaabka» Quraanka Cajami ah waxay
dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey Aayaadkiisa, ma (quraan) Cajami ah iyo Nabi (Carabi ah) waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay Haanuun iyo
Caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la'
yihiin kuwaasna waxaa looga yeedhi meel fog. (45)
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabka waana laysku khilaafay, haddayan
jirin kalimo ka hormartay Eebahaa waa lakala xukminlahaa dhexdooda waxayna ku
suganyihiin gaaladu shaki daran. (46) Ruuxi
camalfiican fala wuxuu u falay Naftiisa, Ruuxii xumaan fala wuxuu dhibay
Naftiisa, Eebaheena ma aha dulmiyaha Addoomada.
Juz' 25
(47) Xagiisaana loo celiyaa
ogida Saacadda (Qiyaame)
midhana kama
soobaxaan Sabuulkooda, mana uuroobo Dhadig mana dhalo ogaanshaha Eebe
la'aantiiis, Maalintuu ku dhihi away kuwaad ila wadaajiseenna waxay dhihi
waxaan ku ogaysiinnay Nagamidma aha Ruux marag furi arintaas. (48) Waxaa ka dhumey waxay ahaayeen kuwo (baryo) caabuda horey,
waxayna yaqiinsadeen inuusan u sugnaan gargaare. (49)
Dadku kama daalo baryada khayrka, hadduu taabto sharra wuu quusasha badanyahay.
(50) Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib
taabtay kadib, wuxuu dhahaa kan anaa iska leh mana u maleeynaayo inay Saacadda (qiyaame) kici, haddii
layceliyo Eebahayna waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag, dhab ahaan baan ugu
warranmeynaa kuwii Gaaloobey waxay camal faleen, waxaana dhabahaan u
dhadhansiinaynaa Cadaab daran. (51) Markaan
unicmeyno Dadka wuu jeedsadaa oo is dadbaa (daacadduu ka tagaa) markuu taabto dhibna wuxuu soo baxaa isagoo baryo badan. (52) Waxaad ku dhahdaa bal kawarrama hadduu Quraankani xaga
Eebe ka yimid markaas aad ka Gaaloowdaan yaa ka baadi badan Ruux Gaalnimo iyo
khilaaf fog ku sugan. (53) Waxaanu ku
tusin aayaadkanaga jahooyinka iyo Naftooda intey uga caddaato inuu Quraanku xaq
yahay, miyuuna ku filleyn inuu waxkaste ogyahay. (54)
Waxayna Gaaladu kaga suganyihiin shaki lakulanka Eebe, Eebana waxkasta wuu
koobay.
Ash-Shura
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku tusin mucjisada
Quraanka. (2) Sidoo kale. (3)
Sida waxyiga laguugu soodajiyey Nabiyoow yaa Nabiyadii horana loogu waxyooday, waxaana
waxyooda Eebaha adkaada ee falka san. (4) Waxaa u
sugnaaday waxa Samada iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa sarreeyaha weyn. (5) Waxay u dhawdahay Samooyinku inay ku dildillaacaan
korkooda, Malaa'igtuna waxau ku tasbiixsan mahadda Eebahood, waxayna u dambidhaaf
warsan kuwadhulka ku sugan (Dadka) Eebana waa dambidhaafe Naxariista. (6)
Kuwa yeeshay Eebe ka sokoow owliyo Eebe waa ogyahay korkooda (wuu daalacay) adiguna kama tihid wakiil. (7) (Sidaan ugu waxyoonay Nabiyadii hore) yaan
adigana Nabiyow kuugu waxyoonay Quraan Carabi ah saad ugu digtid Ree Makaad iyo
wax ka hareereeya (dadka kale) ugana digtid maalinta kulanka (Qiyaamada) shaki male Maalintaas, kooxi Jannay gali kooxna Jaxiimo. (8) Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad
kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma
helaan sokeeye iyo Gargaare midna. (9) Mise waxay
yeesheen Gaaladii Eebe ka sokow awliyo (ay caabudaan) Eebe umbaa wali ah, isagaana nooleeya wixii dhintay,
isagaana wax walba kara. (10) Waxaad isku
khilaaftaan oo shay ah Eebaa leh xukunkiisa (loo
celin) kaasina waa Eebaha i barbaariya,
isagaana tala saartaa, xaggiisaana u noqon. (11)
Isagaa abuuray Samooyinka iyo dhulka idiinkana yeelay naftiinna noocyo (Lab iyo Dhaddig) xoolahana idiinka
yeelay Noocyo, wuuna idin abuuraa wax la mid ahna ma jiro, waana maqle arka. (12) Isagaa iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuuna u
fidiyaa Rizqiga ruuxuu doono, wuxuuna ku cidhiidhyaa Cidduu doono, wax walbana
waa ogyahay. (13) Wuxuuna idiin jideeyey xagga Diinta
wuxuu u dardaarmay (Nabi) Nuux iyo kaan kuu Waxyoonay adiga iyo waxaan u dardaaranay
(Nabi) Ibrahiim (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise inay oogaan
Diinta aydaan kuna kala tagin dhexdiisa, waxaa ku waynaaday Gaalada waxaad ugu yeedhi,
Eebaa u doorta xaggiisa Cidduu doono una hanuuniya xaggiisa cidduu hanuunin. (14) Mana kala tagin markuu u yimid cilmigu ka dib mooyee,
dulmi iyo xasad dartiis, hadayana jirin kalimo Eebahaa ka hormartay oo tan iyo
muddo magacaaban (in lasugo) waxaa
lakala xukmin lahaa dhexdooda, kuwii la dhaxalsiiyey Kitaabka kadib waxay ku
suganyihiin shaki daran. (15) Waxaas dartiis
ugu yeedh Dadka, utoosnawna sidii lagu faray, hana raacin hawadooda, waxaadna
dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaab ah, waxaana lay faray
inaan u caddaalo falo dhexdiina, Eebana waa Rabbiganno iyo Rabbigiin, waxaa noo
sugnaaday waxaan camal fallo, idinkana waxaa idiinsugnaaday waxaad camal
fashaan, doodina inama dhextaallo Eebaa kulmin dhexdeena xaggiisaana loo ahaan.
(16) Kuwa ku doodaya Eebe intaa la ajiibay kadib xujadoodu
waa baadil Eebe agtiisa, korkoodana cadhaa ah, waxaana usugnaaday Cadaab daran,
(17) Eebe waa kan
u dajiyey Kitaabka si xaq ah iyo miisaan. (caddaalada) mana ogid waxay mudantahay in sacaadda (Qiyaame) dhawdahay. (18) Waxaa dadajista saacadda kuwaan rumeynin iyafa, kuwa
rumeeyayna way ka cabsadaan xaggeeda waxayna ogyihiin inay xaq tahay kuwa ku
murmi saacaddana waxay ku suganyihiin baadi cad. (19)
Eebe waa u naxariisbadanaha addoomadiisa wuxuuna arzuqaa cidduu doono, waana
xoogbadane adkaade ah. (20) Ruuxii dooni
camalka aakhiro waan u siyadinaa camalkiisa, Ruuxiise ah mid dooni camal
adduunyo waan ka siinaa xaggeeda, kumana leh aakhiro wax nasiib ah. (21) Mise waxay leeyihiin Gaaladu shurako Eebe oo u Jideeyey
diin iyo (xukun) aan
Eebe idmin haddayna jirin kalimadda kala bixinta (qiyaamada) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, daalimiintana waxaa u
sugnaaday cadaab daran. (22) Waxaad arkeysaa
daalimiinta oo ka cabsan waxay kasbadeen, wuuna ku dhici korkooda, kuwa
rumeeyey xaqse oo camalfiican falay waxay gali Beero Janno, waxayna ku
leeyihiin waxay doonaan Eebe agtiisa, taasina waa fadli weyn. (23) kaasi waa midka ugu bishaareyn Eebe addoomihiisa ah
kuwa rumeeyey (xaqa)
camal fiicanna falay, waxaadna dhahdaa Nabiyooy maydin warsanaayo ujuuro xaqa
gaadhsiintiisa oon ahayn jacayl qaraabanimo, ruuxii kasbada wanaagna waxaannu u
siyaadin wanaag, Eebana waa dambidhaafe mahdiyo. (24)
mise waxay dhihi wuxuu ku been abuurtay Eebe, hadduu doono Eebe wuxuu dabooli
lahaa qalbigaaga, wuxuuna tiraa Eebe xumaanta xaqana wuxuu ku sugaa kalimadiisa
(quraanka) Eebana waa ogyahay
waxa laabta kusugan. (25) Eebana waa kan aqbala loobada
addoomadiisa, kana dhaafa xumaanta ogna Waxaad falaysaan. (26)
Ee (Eebana) wuxuu ajiibaa kuwa
rumeeyey xaqa oo camal fiican falay wuxuuna u siyaadiyaa fadligiisa, gaalana
waxaa usugnaaday cadaab daran. (27) Hadduu Eebe
ufidiyo (waasiciyo)
rizqiga addoomadiisa waxay ku kibri lahaayeen dhulka wuxuuse u soodajin
qadarkuu doono, Eebana addoomadiisa wuu ogyahay uu arkaa. (28)
Eebana waa kan
soo dajiya Roobka intay quustaan kadib fidiyana naxariistiisa, waana Eebaha
waliga ah (gargare) ee
la mahdiyo. (29) Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah
Abuuridda Samooyinka iyo Dhulka iyo wuxuu ku fidiyay (ku
abuuray) dhexdooda oo socda, Eebana inuu soo
kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu karaa. (30)
Wixii idinku dhaca oo musiiba ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen Gacmihiinu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan. (31) Mana tihidin kuwo Eebe ku daaliya dhulka dhexdiisa,
idiimana sugnaanin isaga ka sokoow Wali iyo Gargaare midna. (32) Calaamooyinka Eebe waxaa ka mid ah Maraakiibta (socota) Badda iyadood
moodo buuro. (33) Hadduu doono (Eebe) wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) Dabaysha markaasay fadhiistaan Biyaha korkooda, taasina
waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo samir iyo mahad badan. (34)
Hadduu doonana (Eebe) wuu
halaaga Doomaha waxay kasbadeen darteed wax badanna wuu ka cafiyaa. (35) Waxayna ogaan kuwa ku murmi aayaadkanaga inuusan u
sugnaanin meeley magan galaan. (36) Wixii laydiin
siiyo oo wax ah waa uun nolasha dhaw raaxadeeda waxa Eebe agtiisa ah yaase u
khayrbadan una hadhid badan kuwa rumeeyey (xaqa) Eebehoodna tala saarta. (37)
kuwaasi waa kuwa ka fogaada dambiga waaweyn iyo xumaanta, markey cadhoodaanna u
Cafiya (u dhaafa). (38) Waana kuwa ajiibay (maqlay) Eebahood oogayna Salaadda amarkooduna tashi yahay
dhexdooda waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya. (39)
Waana kuwa marka gardarro (iyo dulmi) ku dhaco gargaarta (iska celiya). (40) Xumaan
abaalkeeduna waa ku abaal marin mid lamid ah Ruuxiise iska cafiya oo wanaajiya
ajrigiisa Eebaa siin, Eebana ma jecla daalimiinta. (41)
Ruuxiigargaarta inta la dulmiyey ka dib kuwaas korkooda wax masaarro (jid lagumaleh). (42) Waxaase dhib saaranyahay uun (jid
laguleeyahay) kuwa dulmiya Dadka kuna kibra Dhulka
xaq daro, kuwaas waxaa u sugnaaday cadaabdaran. (43)
Ruuxii samra oo iska cafiya taasi waa arrin loo qasdo (la
jecelyahay). (44) Ruxii Eebe
dhumiyo ma helo sokeeye gadaashiis, waxaadna arkeysaa daalimiintu markey arkaan
cadaabka iyagoo leh ma suroobi karaa waddo (hab) loogu noqdo adduunkii. (45)
Waxadna arkeysaa iyagoo loo bandhigi Naarta, oo la khushuucsan dulli, kana dayi
wax si Qarsoon, waxayna dhaheen kuwii rumeeyey (xaqa) kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey naftooda iyo ehelkooda
Maalinta Qiyaame, daalimiintuna waxay gali cadaab joogta ah. (46) Umana sugnaan awliyo (sokeeye) ugargaara Eeve ka sokoow ruux Eebe qaddaray dhumidiisana
jid uma sugnaanin (uu ku tooso). (47) Ajiiba (maqla) Eebihiin ka hor
imaatin maalin aan laga celinkarin Eebe, idiinmama sugnaanayo wax la magangalo,
Maalintaas, idiinmana sugna gargaare. (48) Haday
jeedsadaane kuuma aanaan dirin inaad ilaaliso korkooda, korkaaga ma aha waxaan
gaadhsiin ahayn, markaan dhadhansiino Dadkana naxariis way farxaan «si kibir
ah», hadday ku dhacdo xumaan waxay Gacmahoodu hor marsadeen darteed dadkii
aadbuu u Gaaloobaa. (49) Eebaa iska leh
xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa cidduu
doono gabdho, cidna wuxuu siiyaa Wiilal. (50) Ama wuu isku
lamaaneeyaa Wiilal iyo Gabdho, ruuxuu doonana wuxuu ka yeelaa Mandhaleys Eebana
wax og, karana. (51) Uma suurawdo Dad inuu Eebe la hadlo
waxyi mooyee, ama kala hadlo xijaab gadaashiis, ama uu u soo diro farriin (Malag), oo markaas ugu
waxyooda idamka Eebe wuxuu doono, Eebana waa sarreeye falsan. (52) Saasaannu kuugu waxyoonay nolol amarkanaga ah (Quraanka) maadan aqoonin
Kitaab wuxuu yahay iyo Iimaan midna, laakiin waxaan ka yeellay Nuur aannu ku
hanuunino ciddaan doono oo addoomadanada ka mid ah, adiguna Nabiyow waxaad ku
hanuunin jidka toosan. (53) Jidka Eebaha
iska leh xukunka waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan xagga Eebeyna u ahaan
umuuruhu.
Az-Zukhruf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Mucjisada Quraankay ku tusin. (2) Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Quraanka) cade (muuqda) ee. (3) annagaa ka yeelley Quraan Carabi ku soo
dagay, inaad kastaan darteed. (4) Wuxuuna ku
suganyahay Kitaabka asalkiisa (Looxul
maxfuudka) agtiisa, waana sarreeyaa Quraanku falna
sanyahay. (5) Ma waxaan Quraanka idiinka haysanaynaa (daysanayna) inaad tihiin
qoom ku xadgudbay xumaanta. (6) Badanaa intaan
udiray Nabi kuwii hore. (7) Nabi uma yimaado
Gaaladii hadii kale way ku jees jeesi jireen. (8) Waxaana
halaagnay kuwo ka xoogbadan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaaga ahaa). (9) Haddaad
warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray
Eebaha adkaada ee wax walba og. (10) Waana Eebaha
idiin kayeeley dhulka gogol idiinkana yeeleydhexdiisa Wadooyin si aad ugu
hanuuntaan (toostaan). (11) Waana Eebaha
ka soo dajiyey Samada Biyo qadaran oon ku noolayno Magaalo dhimatay, saasaana
leydiin soobixin. (12) Waana Eebaha
abuuray noocyada dhamaantood idiinkana yeeley Maraakiibta iyo Xoolaha waxaad
kortaan. (13) Inaad ku ekaataan dhabarkeeda markaas
aad xusuusataan Nicmada Eebihiin markaad ku ekaataan ood dhahdaan waxaa nasahan
Eebaha noosahley tan mana nihin kuwo kara leyligeeda. (14) Anaguna xagga Eebahanno yaannu u
gadoomeynaa. (15) Waxay uga
yeeleen Eebe addoomadiisa qayb, Dadkuna waa gaaloow badane cad. (16) Miyuu ka yeeshay Eebe wuxuu abuuray
qarkood Gabdho, oo idiin doorey Wiilal. (17) Marka loogu
bishaareeyo midkood wuxuu Eebaha Raxmaana uga yeeley tusaale, wuxuu noqdaa
wajigiisu mid madow oo walbahaarsan. (18) Ma Eebey u
yeeleen wax ku barbaara isqurxin, oon doodna caddayn karin. (19) Waxay ka yeeleen Malaa'igta ah addoomada
Eebaha Raxmaan ah dhadig, miyey joogeen abuurkoodii, waan qoreynaa maragooda
waana la warsan (waxaas). (20) Waxay dhaheen
hadduu doono Eebaha Raxmaan ah maanaan caabudneen waxkale ugumana sugnaanin wax
cilmi ah arrintaas, waxaan beensheegayaal ahayna ma aha. (21) Mise waxaan siinay Kitaab ka horreyey (quraanka) oy haystaan
isagaas. (22) Waxaybase dhaheen waxaan bellay
Abbayowganoo jid ku socda anaguna iyaga raadkoodii yaan ku hanuunsanahay. (23) Waa saasoo kale umaanaandirin Magaalo
hortaa u dige haddii kale waxa dhihi Jireen kuwa raaxaystay anagu waxaan hellay
Aabayoowganoo jid ku sugan anaguna raadkooda yaan ku dayanaynaa. (24) Waxaad dhahdaa (ma waxaad raaxaysaan waxaas) haddaan idiinla imaado wax ka hanuunsan
waxaad ka hesheen Aabayaalkiin (oo ku sugan) waxay dhihi annagu waxa laydiin ku soo
diray waannu ka Gaalownay. (25) Markaasaan ka
aarsanay, bal day siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha (xaqa). (26) Xusa Markuu ku yidhi (nabi) Ibraahim
Aabihiis iyo Qoomkiisii anigu waxaan bari
ka ahay waxaad caabudaysaan. (27) Waxaanse
caabudi Eebaha I abuuray isagaana i hanuunin. (28) Wuxuuna
kayeelay Kalimada (tawxiidka) tii ku baaqi ah Faraca Ibraahiim si ay
xaqa ugu noqdaan. (29) Saas ma aha ee
waan u raaxeeyey kuwaas iyo Aabbayaalkood intuu uga yimaado xaqu iyo Rasuul cad
(oo muuqda). (30) Markuu u yimid xaqii waxay dhaheen kan waa sixir annaguna
waannu ka Gaalownay. (31) Waxay dhaheen
gaaladii maxaa loogu dajin waayey Quraankan mid ka mid ah labada Magaalo ee
weyn. (32) Miyagaa qaybin Naxariista Eebahaa anagaa
u qaybina dhexdeeda rizqigooda nolosha adduunyo waana ka kor yeelay qaarkood
qaarka kale darajooyin, si leysugu shaqeeyo, Naxariista Eebahaa yaa ka
khayrbadan waxay kulmin. (33) Hadduusan
Dadku noqoneyn umad kaliya (Gaalimada) waxaan uga yeelilahayn kuwa ka Gaalooba
Eebe guryahooda Saanqaag Fidlo ah iyo Sallaano Fidla ah, oy ku koraan. (34) Guryhoodana waxaan uga yeeli lahayn
Albaabyo iyo Sariiro ay ku dangiigsadaan oo fidla ah. (35) Iyo Dahab, waxaas dhamaantiisana waxaan
raaxada nolasha dhaw ahayn ma aha, aakhiraase u ah Eebe agtiisa kuwa dhawrsada.
(36) Ruuxii ka jeedsada «aragheela» xuska
Eebahaa Raxmaan ah (Quraanka) waxaannu la xidhiidhinaa shaydaan oo
saaxiib u noqon. (37) Shayaadiintuna
waxay ka leexin Jidka (xaqa) waxayna isu maleyn inay hanuunsanyihiin (toosan yihiin). (38) Markuu nooyimaaddo (Gaalku Qiyaamada) waxuu ku dhahaa (Shaydaanku) shaleytee mey
dhexdeenna ahaato «wax la mid ah» fogaanshaha qorrax ka soobax iyo u dhaca,
adaana u xun Saaxiib. (39) Wax idiinma
tarayso Maanta haddaad dulmi fasheen inaad cadaab wadaagtaan (ku kulantaan). (40) Ma adaa wax maqashiin kara wax ma maqle,
ma adaase hanuunin Kara (toosin kara) wax ma arke iyo cid ku sugan baadi cad. (41) Haddaan kulatagno adiga ku (oofsano) anaga uunbaa
ka aarsan Gaalada. (42) Haddaan ku
tusino waxaan u yaboohnayoo cadaab ah, waanu karraa korkooda. (43) Ee qabso waxa laguu waxyooday Nabiyow
waxaad ku sugantahay Jid toosan. (44) Quraankuna
sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaagaba, waana leydin warsan doonaa. (45) Warso kuwaan dirray ee kaa horeeyey oo
Rasuuladanada ka mid ahaa inaan yeellay Eebaha Raxmaana Kasoboow Ilaahyaal la
caabudo. (46) Dhab ahaan yaan ugu dirray Nabi Muuse
isagoo wata aayaadkanaga xaga Fircoon iyo Jamaacadiisa, wuxuu yidhi anigu
waxaan ahay Rasuulkii Eebaha Caalamka. (47) Markuu ulayimid
aayadkanaga waxay noqdeen kuwo ku qosla. (48) Ma tusino
aayad haddii kale wey ka weyntahay walaasheed (tan kale) waxaana ku qabanay cadaab inay noqdaan
darteed. (49) Waxay dhaheen kan
Saaxirka (Caalimka) ahaw (Muuse) noo bari Eebahaa wuxuu kugula
ballantamay wanagu waan hanuuneynaaye. (50) Markaan ka
faydnay xaggooda cadaabkii waxay soo bexeen kuwo buriya (ballankii). (51) Wuu u dhawaaqay Fircoon Qoomkiisii wuxuu
yidhi miyuusan ii sugnaan xukunka Masar, iyo Wabiyadan socota hoostayda,
miyeydaan wax arkaynin. (52) Saw anagu kama
khayroonin kan
dulleysan een karayn waxcaddayn (Nabi Muuse). (53) Maxaa loogu
soo tuuriwaayey Jijimooyin Dahab ah, ama maxay ula imaan wayday Malaa'ig israac
raacsan. (54) Wuxuu fudaysaday (Fircoon) qoomkiisii
wayna adeeceen waxayna ahaayeen Qoom faasiqiin ah. (55) Markey nacadha
galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan. (56) Waxaan ka yeeley waano iyo tusaaale
Dadka dambe. (57) Markaan uga
yeellay ina maryama (Ciise) tusaale, markaasay qoomkaagu Nabiyow ka
jeedsadaan. (58) Waxayna
dheheen ma Ilaahyadanaa khayr roon mise isaga, mayna kuugu qadarin tusaale
muran mooyee, waana qoom dood badan. (59) Wax kale ma
aha Ciise ee waa uun addoon aan u Nicmaynay ugana yeellay tusaale ree Bani
Israa'iil. (60) Haddaan doono
waxaan idiinka yeelilahayn Malaa'ig badalkiina Dhulka u hadha. (61) Nabi Ciisana waa calaamadda Saacadda (Qiyaame) ee ha
shakiyina, ina raaca kaasaa ah jidka toosane. (62) Yuuna idinka
leexinin Shaydaan (Jidka) wuxuu idiin yahay Col cade. (63) Markuu
ulayimid Ciise xujooyin wuxuu ku yidhi waxaan idiin la imid xikmad iyo inaan
idiin cadeeyo waxaad isku diidantihiin qaarkiis ee ka dhawrsada Eebe ina
adeeca. (64) Eebe isagaa ah Eebahay iyo Eebihiinba ee
caabuda taasaa ah jidka toosane. (65) Wayse is khilaafeen
Xisbiyadii dhexdooda halaagna wuxuu u sugnaaday kuwii dulmi falay Cadaab Maalin
daran xageed. (66) Miyey sugi (Gaaladaasi) waxaan
saacadda (qiyaame) ahayn inay ugu
timaado si kado ah iyagoon ogayn. (67) Saaxiibadu
Maalinta Qiyaame qaarkood qaarka (kale) waa u col kuwa dhawrsaday mooyee (Mu'miniinta). (68) (Waxaana loo
odhon) addoomadaydoow korkiina cabsi ma aha
Maanta mana murugoonaysaan. (69) Waana kuwa
rumeeyey Aayaadkanaga oo ahaa Muslimiinta. (70) (Waxaana lagu dhihi) gala Janada idinkiyo Haweenkiinna (iyo kuwa idin la midka ah) idinkoo laydiin Nicmeeyey (laydin kana farxin). (71) Waxaana lala
korsocon Weelal (Saxamo) Dahab ah iyo Koobab, waxayna ka heli (Jannada) dhexdeeda
waxay doonto Naftu kuna raaxaystaan Indhuhu idinkoo dhexdeeda ku waari. (72) Taasina waa janadii aad ku dhaxasheen
waxaad camalfalayseen. (73) Waxaadna ku
leedihiin dhexdeeda Faakiho badan ood xaggeeda wax ka cuntaan. (74) Dambiilayaashu waxay gali cadaabka
jahanamo iyagoo ku waari. (75) Lagamana fudaydiyo
dhexdiiseyna ku quustaan (aamusaanna). (76) Manaan
dulmiyin hasa yeeshee iyagaa dulmiilayaal ahaa. (77) Waxayna u
dhawaaqi Maalig (Malaga Naarta) iyagoo dhihi Eebahaa ha nadilo markaasuu
dhahaa idinku waas kuwaaraysaan (naarta). (78) Dhab ahaanbaan
idiin la nimid xaq hasa yeeshee badankiin xaquu nacay. (79) Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nabiga) anaguna
waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda). (80) Mise waxay
umaleeyeen inaanaan maqlayn qarsoodigooda iyo muujintoodaba, saas ma ah ee
Mala'igtanadaa agtooda wax ku qoro. (81) Waxaad dhahdaa
Nabiyow haddii Eebaha Raxmaan ah usugnaado Ilmo anaa u hor caabudilahaa. (82) Waxaa ka nasahan Eebaha Samooyinka iyo
Dhulka ee Eebaha Carshiga ah waxay ku timaamaan. (83) Ee katag ha
dhunbadeen (xumaanta) hana ciyaareen intay kala kulmaan
maalintoodii loo yaboohaye. (84) Eebe waa
macbuudka Samada iyo macbuudka Dhulka, waana falsame wax og. (85) Waxaana barako badnaaday (sarreeyeyna) Eebaha iska
leh xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, agtiisaana ah ogaanshaha
Saacadda (Qiyaame) xaggiisaana
laydiin celin. (86) Mana hantaan
kuway caabudeen Eebe ka sokow wax shafeeca ah hasayeeshee ciddii xaqa qirta
iyagoo og (waxbay ushafeeci idanka Eebe ka dib). (87) Haddaad warsato
Gaalada yaa abuuray waxay dhihi Eebe ee xaggee loo iili. (88) Nabiguna wuxuu yidhi: Eeboow kuwani waa
qoom aan rumaynayn (xaqa). (89) Iska saamax
waxaadna dhahdaa Nabadgalyo, way ogaandoonaan (waxa ku dhacee).
Ad-Dukhaan
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waannu sheegnay iyadoo
kale. (2) Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka). (3) Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u
digi. (4) Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar
kastoo xigmo leh. (5) Waana amar
agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo). (6) Naxariis ka
ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og. (7)
Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad
yaqiinsanaysaan. (8) Ilaahay mooyee Eebe kalane ma
jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha
Aabbayaalkiinii horreeyey. (9) Waxayse ku
suganyihiin shaki wayna ciyaari. (10) Ee sug Maalinta
uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan). (11) Oo dabooli Dadka
kaasina waa cadaab daran. (12) Waxayna dheheen
Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine. (13)
Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda». (14)
Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan. (15) Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar
idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta. (16) Maalintaan
qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan. (17) Dhab ahaanbaan
Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh. (18) Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay
Rasuul aamin ah. (19) Hana iska wayneynina Eebe
waxaan idiin la imid xujo cade. (20) Waxaana ka
magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan. (21)
Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya). (22) wuxuuna u
qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah. (23)
guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye. (24)
kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne. (25) imisey ka tageen Beero iyo Ilo. (26)
iyo Tallaal iyo meel sharaf leh. (27) iyo Nicmooyin
ay ku raaxaysanayeen. (28) xaalkuna waa
saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale. (29) uma ooyin
samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin. (30) waana ka
korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya. (31) (Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla
weyne xadgudbayaasha ka mid ah. (32) waxaana ka
dooranay (dadkii waqtigoodii)
anagoo og. (33) waxaana siinay aayado imtixaan cad
kusuganyahay. (34) kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi. (35) arrintu ma aha
geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin. (36)
noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan. (37)
miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay
waxayna ahaayeen dambiilayaal. (38) Samooyinka iyo
Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar. (39)
mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga. (40) maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan. (41) waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn
laysuna gargaarayn. (42) cid Eebe u
naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee. (43)
Geedka Zaquumka ah. (44) waa cunnada
dambi badanaha. (45) waana Laami oo kale kuna kari
Caloosha. (46) sida Xamiimka (Kulayl
daran) oo kale. (47) (waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una
Jiida Jaximo dhexdeeda. (48) markaas ku
shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul. (49) (waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay
adkaade sharaflehe. (50) kaasina waa
kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka). (51) kuwa
dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah. (52) Jannooyin iyo
Ilo (yey kusugnaan). (53) waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili. (54) saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn. (55) waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo
aamin ah. (56) mana ku dhadhamiyaan Jannada
dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo. (57) waana fadliga
Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn. (58) waxaan ugu
fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan. (59)
ee sug iyaguna way sugiye.
Al-Jaathiya
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) waa soo hormaray
macnaheedu. (2) soo dajinta Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka
ahaaday Eebaha adkaada iyo falkan san. (3) Samooyinka iyo Dhulka
dhexdiisana aayadbaa ugu sugan Mu'miniinta. (4)
abuurkiinna iyo waxa Eebe ku fidin «abuuri» Dhulka oo wax socda ah aayaadbaa
ugu sugan ciddii wax yaqiinsan. (5) iskhilaafka
Habeenka iyo Maalinta iyo waxa Eebe ka soodajiyey Samada oo Rizqi ah oo ku nooleeyo
Dhulka intuu dhintay ka dib iyo gagadoonka Dabaylaha waxaa ugu sugan aayaad
ciddii wax kasi. (6) taasi waa aayaadka Eebe aan
ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Eebe ka dib iyo aayaadkiisa
rumayn. (7) halaagna wuxuu u sugnaaday beenaale
dambi badan dhammaantiis. (8) oo maqli
aayaadka Eebe oo la akhrin haddana daa'ima gaalnimo, isagoo iskibrin sidii
isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran. (9)
markuu ogaado aayaadkanaga wax ka mid ah wuxuu ka yeeshaa jees-jees, kuwaasina
waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya. (10) waxaa koobi
«kana dambeysa» Naarta Jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka
yeesheen Eebe ka sokow owliyo, waxayna mudan Cadaab wayn. (11)
Quraankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebehoodna waxaa u sugnaaday
Cadaab xumaan daran. (12) Eebe waa kan idiinfududeeyey
Badda say ugu socoto Doonnidu «iyo Markabku» dhexdiisa amarka Eebe, iyo inaad
gaadhaan Fadligiisa iyo inaad ku mahadisaan. (13)
wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka Dhammaan xagiisay ka
ahaadeen, arrintaasna waxa ugu sugan aayaad ciddii fikiri. (14)
waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Eebe si uu
uga abaal mariyo qoom waxay kasbadeen. (15) ruuxii camal
fiicanfala Naftiisuu u falay, ruuxii Xumaan sameeyana waxay uun dhibhi Naftiisa
markaas xagga Eebe uunbaa laydiin celin. (16) dhab ahaanbaan
u siinay ree Binii Israa'iil Kitaabka iyo Xukun iyo Nabinimo, waxaana ku
arzuqnay wax wanaagsan, waxaana ka fadillay Caalamkii (markaas). (17) waxaana siinay
xujooyin ka mid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid ka dib mooyee,
waxayna u diideen Xasad iyo Dulmi, dhexdooda ah, Eebahaana wuu kala xukumi
dhexdooda Malinta Qiyaame waxay isku khilaafsanyihiin. (18)
waxaana ku yeellay waddo amarka Diinta ah, Ee raac, hana raacin hawada kuwaan
wax ogayn. (19) iyagu kaagama taraan Eebe xagiisa
waxba, Daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Eebana waa u
wali kuwa dhawrsada. (20) kaasi waa (Quraanku) waa aragti (Nuurka) Dadka iyo hanuun
iyo Naxariis ciddii waxyaqiinsan. (21) mise waxay
umaleeyeen kuwii kashaday xumaanta inaan kayeeleyno kuwa xaqa rumeeyey ee camal
fiican falay oo kale, nolol iyo geeriba, waxaa xun waxay xukumi. (22) Eebaa u abuuray samooyinka iyo Dhulka, xaq iyo in laga
abaalmariyo Naf walba waxay kasbatay, lamana dulmiyo. (23)
ka waran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, oo Eebe dhumiyey isagoo cilmi
leh, oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yelayna aragiisa dabool, yaa
hanuunin Eebe kadib, miyaydaan wax xusuusanayn. (24)
waxay dheheen Gaaladii wax kale ma jiro ee waa uun nolashanada dhaw, waana
dhimaneynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahayna nama dilo, wax ogaansho ahna
uma leh arrintaas waxaan male ahayna kuma socdaan. (25)
marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad wax xuja ah ma helaan oon ahayn
noo keena aabbayowganno haddaad run sheegaysaan. (26)
waxaad dhahdaa Eebaa idin nooleeya idina dili, idinna kulmin Maalinta Qiyaame
shakina ma leh, laakiin Dadka badankiis ma oga. (27)
Eebaa iska leh xukunka samooyinka iyo Dhulka, Maalintay kacdo Saacadda Qiyaame
maalintaasay Khasaari xumaanlowgu. (28) waxaadna arki
umad kastoo Lawyahay ku fadhida Qiyaamada, Umad kastana waxaa loogu yeedhi
Kitaabkii «camalkeeda» Maalintaas waxaa laydiinka abaalmarin waxaad
camalfaleyseen. (29) kani waa Kitaabkanagii wuxuuna ku
hadli xaq korkiina, annaguna waan qoraynay waxaad camal falaysaan. (30) kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin
Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn. (31)
kuwa Gaaloobayse waxaa lagu dhihi miyeyna ahayn aayaadkeyga kuwa korkiina lagu
akhriyo ood iskibriseen noqoteen qoom dambi falayaal ah. (32)
marka la dhaho yabooha Eebe waa xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki ma leh, waxaad dhahdaan ma naqaan Saacadda (qiyaame) waannu uun malayn
mase yaqiinsanin. (33) waxaa u muuqan
Gaalada xumaantay camalfaleen (Ciqaabteedi) waxaana koobi waxay ku jees jeesi jireen (ciqaabtiisii). (34) waxaana loo dhihi Maanta (Qiyaamada) waanu idinka tagi (idinko cadaaban) sidaad u halmaanteen la kulanka Maalintiinan, Hooygiinuna waa
Naar wax idiin gargaarana ma jiro. (35) Arrintaasna
waxaa ugu waxan inaad ka yeelateen aayaadka Eebe Jees jees, idinna dhagartay
nolosha dhaw (ee adduun)
Maanta Qiyaamada lagama bixiyo Naarta, cudurdaarna lama warsado. (36) mahad Eebaa iskaleh Eebaha Samooyinka iyo Dhulka,
Eebaha caalamkana ah. (37) waxaana u
sugnaatay waynida Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisa, waana adkaade falsan.
Juz' 26
Al-Ahqaf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxay ku Tusin mucjisada
Quraanka ee wayn, Eebaa ogna waa la dhahaa. (2)
Kitaabka (Quraanka) ah
wuxuu ka soo dagay Eebaha adkaada ee falka san xaggiisa. (3)
Samaawaadka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyana waxaan xaq iyo muddo magacaaban
ahayn uma aannaan abuurin, kuwii gaaloobayna wixii loogu digay (ee quraanka) ah way ka
jeedsadeen. (4) Waxaad Dhahdaa nabiyoow bal ka
warrama waxaad caabudaysaan ee Eebe ka soo hadhay ina tusiya waxay ku abuureen
dhulka, ama shirkad ah oy ku leeyihiin Samaawaadka, ii keena (oo i tusiya) Kitaab Quraanka,
ka horreyay, ama wax raad cilmi ah, haddaad run sheegeeysaan. (5) Wax ka dulmi badan ma jiro ruux baryi Eebe ka sokow
waxaan ajiibeynin (maqleyn) tan iyo qiyaamada, baryadoodana halmaansan (ogyn). (6) Marka dadka la soo kulmiyana u noqondoona kuwii caabudi
jira, col, Inay caabudi jireenna dafiri. (7) Marka gaalada
lagu dul akhriyo aayaadkannaga (quraanka) oo cad waxay dhahaan kuwa gaalada ah markuu u yimid xaqu
kani waa sixir cad. (8) Waxay dhihi waa
been uu abuurtay (Nabigu), Waxaad
dhahdaa haddaan been abuurto waxba iigama taraysaan Eebe xaggiisa, isagaana og
waxaad dhumbanaysaan, (oo been ah) Eebaana marag ugu filan dhexdeenna, waana dambi dhaafe
naxariista ah. (9) Waxaad dhahdaa ma ihi bidei ka gaar ah
Rasuullada, mana ogi waxa lagu fali aniga iyo idinka, waxaan uun raaci waxa lay
waxyoodo (ee quraanka ah)
waxaana ahay u dige cad (oo muuqda). (10) Waxaad Dhahdaa
bal ii warrama hadduu Quraanku Eebe ka soo dagay ood ka gaalowdaan oo uu ka
marag furo marag ree Bani'iisraaiil ah isaga oo kale (xaqnimada
iyo runta) oo uu rumeeyay idinkuna aad is
kibriseen, Eebana ma hanuuniyo kuwa dulmilowga ah, (11)
Gaaladii waxay dheheen hadduu Quraanku khayr yahay noogama hormareen
rumayntiisa, iyagoon hanuunsanayn gaaladu yay haddana dhihi kan (Quraanka ah) waa beenihii hore.
(12) Quraanka waxaa ka horreeyay kitaabkii (Nabi) Muuse, isagoo ah
hanuuniye iyo naxariis, kanna waa kitaab u rumayn (xaqa). Af carabina ku soo dagay, si uu ugu digo kuwa dulmiga
falay, uguna bishaareeyo kuwa wanaagga falay. (13)
kuwa yidhi Eebahanno waa Alle haddana toosnaaday cabsi iyo murugi midna ma
arkaan. (14) Kuwaasna waa ehlu-Janno wayna ku
waari dhexdeeda, abaalmarin camalkoodii (wanaagsanaa) darteed. (15) Dadka waxaan u
dardaarannay labadiisii Waalid inuu u wanaag falo, Hooyadiis uurkay ku sidday
iyadoo dhibban wayna dhashay iyadoo dhibban, uurkiisa iyo gudhintiisuna waa
Soddon bilood, markuu ilmihii tabar yeesho oo Afartan gaadho yuu (kan fiican) dhahaa eebow igu
toosi inaan kugu mahadiyo nicmadaada aad iigu nicmaysay Aniga iyo
waaliddiintay, iguna toosi inaan camal fiican ood ka raalli tahay falo, iina
wanaaji faracayga, waaba kuu toobadkeenaye, waxaana ka mid ahay muslimiinta. (16) Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa,
kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehelu-Janno Eebana wuxuu u yaboohay
yabooh run ah. (17) Waxaa jira mid ku dhihi labadiisii
waalid Ufbaa la idin yidhi ce ma waxaad ii yaboohaysaan in la i sou bixin
iyadoo dadkii horaba lagay, Labada waalidna ay Eebe uga baryi (hanuun), iyagoo ku dhihi
magacaa ba'; ee rumee, ballanqaadka Eebana waa xaqe, oo markaas ku dhihi
waxaasi waa beentii dadkii hore. (18) Kuwaasi waa
kuwa caddibaadi u sugnaatay, iyagoo ka mid noqon kuwii horay u tagey oo Jinni
iyo Insiba leh, waxayta ahaayeen kuwa khasaaray. (19)
Cid walba waxay mudan waxay camal fashay Eebana wuu u oofin camalkooda iyagoon
la dulmiyaynin. (20) (Xusuuso) maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta, iyagoo lagu
dhihi waxaad wanaaggiinii ku dhamaysateen noloshiinnii dhawayd, waadna ku
raaxaysateen, maantase waxaa laydinku abaal marin caddibaad dulli ah,
iskibrintiinnii aad xaq darro isula weeyneeydcen iyo faasiqnimadiinna darteed. (21) Xusuuso Ree caad walaalkood (Nabi
huud) markuu u digay qoomkiisii iyagoo
daggan Axqaaf, iyagoo Rasuullo wax u diga ka horreeyeen kana dambeeyeen, isagoo
ku dhihi Eebe mooyee wax kale ha caabudina, waxaan idiinka yaabi caddibaad
maalin wayn/ (22) Waxay ku dheheen ma waxaad noola
timid inaad naga iisho Ilaahyadannada, noo keen waxaad noogu doogiyayso haddaad
run sheegeyso, (23) Wuxuuna ku yidhi Eebaa ku cilmi leh
(goorta caddibaaddiinna) ee anugu waxaan
idin gaadhsiin waxa layfaray inaan gaadhsiiyo, waxaanse idinku arkaa kuwa
jaahiliin ah. (24) Markay Gaaladii Reer caad arkeen
caddibaaddii (Sida daruur) oo
Toggooda soo qaabishay waxay, dheheen waa Daruur nawaraabinaysa, Ma aha ee waa
waxaad dadajisanayseen inuu timaaddo oo caddibaad ah, waana dabayl caddibaad
darani ku jirto. (25) Wax kasta oy martana way
burburin amarka Eebe dartiis, markaasay ahaadeen kuwa aan la arkaynin
Guryohoodii mooyee, saasaana ku abaal marinnaa kuwa dambiilayaasha ah. (26) Waxaan makaninnay (siinnay) Ree caad wax aannaan idin makaninnin, waxaana u yeellay
maqal, arag iyo Quluub, waxbase uma tarin Maqalkoodii, Araggoodii iyo
Quluubtoodii, Maxayeelay Waxay diidayeen Aayaadka Eebe, waxaana ku dhacay (oo koobay) caddibaadii ay ku
jees jeesayeen. (27) Waxaan halaagnay wixii gaararkiinna
ahaa oo Magaalooyin ah, xujuuyinkana waan caddaynay si dadku Eebe ugu noqdo. (28) Maxay ugu gargaariwaayeen kuway ilaahyaal ay u
dhawaadaan ka dhigteen Eebe ka sokow, way ka dhumeen, taasina waa beentoodii
iyo war abuurashadoodii. (29) Xusuuso markaan
kuu soo iilnay koox Jinni ah oo Quraanka dhagaysan, markay yimaadeen (meeja lagu akhriyina) ay isu dheheen
dhagaysta, markuu la dhammeeyayna ay ciddoodii ku noqdeen iyagoo u digi. (30) Oo ku dhihi qoomkannow waxaan maqallay Kitaab (Quraan) la soo dajiyay (Nabi) Muuse ka dib oo
rumayn Kitaabihii ka horreeyey, kuna hanuunin xaq iyo waddada toosan. (31) Qoomkannow ajiiba (raaca) uyeedhaha xaqa Eebe, rumeeyana, dambigiinna Eebe ha
dhaafee, hana idinka koriyo caddibaad darane; (32)
Ruuxaan ajiibin (raacin)
uyeedhaha Eebe kuma daaliyo Eebe dhulka dhexdiisa (kama
cararo) wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaarina
ma jiro, kuwaas «aan maqlaynin yeedhidda Eebana» waa kuwa baadi cad ku sugan. (33) Miyeeyna ogayn Eebaha abuuray Samaawaadka iyo dhulka
aan kana noogin abuurkooda inuu karo inuu soo nooleeyo wixii dhintay, saas ma
aha ee Eebe wax walba oo uu doono wuu karaa. (34)
Maalinta kuwii gaaloobay loo bandhigi Naarta waxaa lagu odhan Miyuuna xaq ahayn
kan (caddibaadda ah) markaasay dhahaan
Eebaan ku dhaawannaye waa xaq, Eebe wuxuu ku dhahaa dhadhamiya caddibaadda
Gaalnimadiinna darteed. (35) Usamir siday u
samreen kuwii sugnaanta iyo niyadda u saaxiibka ahaa ee rasuullada ahaa, hana
ku dagdagin in la caddibo waxay la midnoqon markay arkaan waxa loogu goodiyay
ineeyan ku nagaanin Adduunka Saacad maalin ah waxaan ahayn, Quraankuna waa
gaadhsiin, kuwa faasiqiinta ah umbaana la halaagaa.
Muhammad
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) kuwii Gaaloobay oo jidka
Eebana ka leexiyay Dadka Eebe waa buriyay camalkooda. (2)
kuwa rumeeyay xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay Quraanka lagu soo
dajiyay (Nabiga)
Muxammad ah ee xaqa ah Eebe wuu astuuri xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin. (3) saasna waxaa ugu wacan in kuwa Gaaloobayna ay raaceen
Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen xaqa
Eebe, saasuuna Eebe u yeelaa tusaale. (4) Haddaad kula
kulantaan Gaalada Dagaal Luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya
xidhidda, markaas ama iska siidaaya ama haysfurteen, inta Dagaalku ka xasili,
xaalku waa saas, hadduu Eebe doonana wuu ka aarsankaraa, hase yeeshee wuxuu
saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebe lagu
dilana Camalkooda Eebe ma halleeyo. (5) Eebana wuu
toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajinn xaalkooda. (6)
Wuxuuna galin Janno (uu baray) u caddeeyay. (7) Kuwa xaqa
rumeeyow haddaad u gargaartaan Eebe (Diintiisa) isna wuu idiin gargaari, Gommadihinnana wuu sugi (Geesinnimo). (8) Kuwa Gaaloobayse Halaag iyo (hoos
u dhac) yaa u sugnaaday, Camalkoodiina Eebe
wuu halleeyay. (9) Saas waxaa ugu wacan inay neceen
waxa Eebe soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay Camalkoodii. (10) Miyayna ku soconin dhulka oo markaas ay arkaan siday
noqotay Cidhibtii kuwii Gaaloobay ee Ree Maka ka horreeyay, Eebaa halaagay,
Gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag. (11)
Saas waxaa ugu wacan in Eebe yahay gargaaraha Mu'miniinta, Gaaladuna ayna
gargaare lahayn. (12) Eebe wuxuu galin Mu'miniinta
Camalka fiicanna falay Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, kuwa
Gaaloobayna way raaxaysan (Addnunka) una cuni sida xooluhu wax u cunaan, Naarna waa Gurigay ku
hoyan. (13) Imisay jirtay Magaalo ka xoog badan
Magaaladaadan ku bixisay (Maka) aanna hallignay, gargaarana aan helin. (14) Ruux xaqa cad ee Eebe ku sugan ma la midbaa Ruux loo
qurxiyay Camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay (ee xun) raaca. (15) Tilmaanta Jannada loogu yaboohay mu'miniinta waa in
Wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo Wabiyaal Caano ah ooo
iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo Wabiyaal Khamro (xalaal
ah) oo u macaan dadka cabbi, iyo Wabiyaal Malab ah oo la
sifeeyay, waxayna Jannada ku leeyihiin nooc kasta ooMidho ah, iyo dambidhaafka
Eebe. Ma la midbaa Ruux Narta ku waari lagana waraabin Biyo kulayl daran oo
Xiidmahooda gooya/ (16) Waxaa ka mid ah
Gaalada kuwo ku dhagaysan (Nabiyow), Markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa Cilmiga leh (Asxaabta) Muxuu lahaa
dhawaan, kuwaasi waa kuwa Eebe daabacay Quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna (oo xunna) raacay. (17) Kuwa hanuunay (Eebe) wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa (Eebe) kayaabiddiisa. (18) Gaaladu ma waxay sugi in Qiyaamadu kado ugu timaaddo,
waxaase yimidba Calaamooyinkeedii, ee sideebay xusuus ugu sugnaan hadday
Qiyaamadu timaaddo. (19) Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan Eebe mooyeen
Ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo
Haweenba, Eebana waa ogyahay dhaqdhqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba. (20) Waxay kuwa xaqa rumeeyay dhahaan Maa la soo dejiyo Suurad,
markiise la soodajiyo Suurad sugan Dagaalkana (Jahaadkana) lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo ku
soo fiirin (Nabiyow) sida
Ruux sakaraad hayo oo kale, halaag baynamutaan kuwaasi. (21) Daacadnimo
iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo (Jahaad la galo) haday Eebe u
runsheegaan yaa u khayr badan. (22) Amaad
mudantihiin haddaad xaqa (Jahaadka) ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, Qaraabadiinnana
goysaan. (23) Kuwaasi waa kuwa Eebe lacnaday,
dhagaha iyo Indhahana tiray. (24) Miyayna
Quraanka u fiirsanin (sidhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan. (25)
Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) inta
xaqu iyo hanuunku u caddaaday ka dib shaydaanbaa u qurxiyay, yididiilo (been ahna) uguna yaboohay. (26) Saas waxaa ugu wacan iney kuwa riddoobay ku dheheen
kuwa xaqa nacay waxaan idinku (waafaqaynaa) adeecaynaa amarka qaarkiis (colnimada
Nabiga), Eebana waa ogyahay waxay qarsan. (27) Ee say noqon markay nafta ka qaadayso Malaa'igtu iyadoo
ka garaaci Wajiga iyo gadaashaba. (28) Saas waxaa ugu
wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka cadhoodo, neceenna raalli ahaanshihiisa,
markaasuu buriyay camalkoodii. (29) Kuwii Qalbiga
ka bukay ma waxay u maleeyeen inaan Eebe soo muujinayn xumaanta (iyo xasadka) Qalbiga kaga jira.
(30) Haddaan doonno waan ku tusin karnaa kuwaas, waxaadna ku
aqoonsan Calaamad, waxaad kaloo ku oqoonsan hadalka leexsan, Eebana waa ohyahay
camalkooda. (31) waannu idin imtixaanaynaa intaan ka
muujinno kuwiinna Jahaadi iyo kuwa samra, waana imtixaanaynaa Xaalkiinna. (32) Kuwa gaaloobay ee Jidka Eebe ka leexiya dadka
Rasuulkana khilaafa (lana collooba) inta xaqu u caddaaday ka dib waxba Eebe kama
dhimayaan Camalkoodana wuu burrin. (33) Kuwa xaqa
rumeeyow Eebe adeeca, Rasuukiisana adeeca, Camalkiinnana hayska burrinina. (34) Kuwa gaaloobay oo Jidka Eebe ka leexiyay dadka kadibna
dhinta iyagoo gaala ah Eebe uma Dambi dhaafo. (35)
Ha tabar darraanina mu'miniintaay ood markaa heshiis u yeedhaan, idinkaaba ka
sarreeyee Eebana idinla jiraaye, Camalkiinnana ma nusqaaminaayee. (36) Nolosha Adduunyo waa uun ciyaar iyo dheeldheel,
haddaadse xaqa rumeysaan ood dhawrsataan wuxuu idin siin (Eebe) abaalkiinna, xoolihiinnana idin waydiisan maayo. (37) Hadduu idin waydiiyo (Eebe) xoolihiinna (dhammaan) idinkuna celceliyo waad bakhayloobaysaan, waxaana soo bixi
colnimadiinna. (38) Kuwaas xaqa rumeeyow waxaa
laydiinku yeedhi inaad jidka Eebe wax ku bixisaan, waxaase idinka mid ah kuwo
ku bakhayli, Ruuxiise bakhayla wuxuu uun kala bakhaylay Naftiisa Eebana waa
hodon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro, haddaad xaqa ka jeedsataanse wuxuu Eebe
idinku baddali kuwa kale oon idin lamid noqonayn.
Al-Fath
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Annagaa ku siinnay fatxi (gargaar) cad Nabiyow. (2) Si Eebe kuugu dhaafo waxaad hormarsatay iyo wixii dib
maray oo gaf ah, Nicmadiisana kuugu taam yeelo, Jidka toosanna kuugu hanuuniyo,
(3) Kuuna gargaaro Eebe Gargaar wayn. (4)
Eebe waa kan
ku dajiyay xasilloonida Quluubta mu'miniinta si ay Iimaan ugu siyaadsadaan
Iimaankoodii, Eebaana iska leh Samaawaadka iyo dhulka Junuudda ku sugan, Eebana
waa wax walba oge falsan. (5) si uu u galiyo
mu'miniinta rag iyo haweenba Jannooyin ay dureereyso dhexdeeda Wabiyaal iyagoo
ku waari, Dambigoodana wuu asturi, arrintaasuna Eebe agtiisa waxay ku tahay
Liibaan wayn. (6) iyo inuu caddibo munaafiqiinta Rag
iyo Haweeenba, iyo mushrikiinta (gaalada) rag iyo haweenba, Eebana u maleeyey mala xun, xumaantu
korkooda ha ku wareegto, Eebana Ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo
Naarta Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun. (7)
Eebaa iska leh Junuudda ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade
falsan. (8) Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo
marag ah, Bishaareeye Digena ah. (9) Si aad dadow
Eebe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan, Eebana ugu
tasbiixsataan Aroor iyo Galabba. (10) Kuwa Nabiyow
kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Eebe, ballanna ka qaadeen, Ruuxiise
burriya Naftiisa umbuu ku buriyay, Ruuxii oofiyana wuxuu Eebe kula ballamay
wuxuu siin Ajri wayn. (11) Waxay kugu
dhihi kuwii kaddib maray (Jahaadka) ee Ree-Baadiyaha (carbeed ahaa), waxaa na shuqliyay xoolahannagii, iyo ahalkannagii, ee
Eebe noo dambi dhaaf waydii, Carrabkooda yay ka dhihi waxaan qalbigooda jirin,
waxaad ku dhahdaa yaa Eebe wasx idiinka hanankara hadduu dhib idinla doono, ama
gargaar idinla doono Saas ma aha, ee Eebe waa ogyahay waxaad camal falaysaan. (12) Waxaadse u malayseen inayan Rasuulka iyo Mu'miniinta u
soo noqonnaynin ehelkooda waligood, saasaana loogu qurxiyay qalbigiinna,
waxaadna ahaateen kuwo halaagsamay. (13) Ruuxaan Eebe
rumayn iyo Rasuulkiisa waxaan Gaalo u darabnay Naarta Saciiro. (14) Eebaa iska leh xukunka waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku
sugan, wuxuuna u dambi dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana
dambi dhaafe naxariiste ah. (15) Waxay idinku
odhan kuwii dib maray markaad qaniimo aadaan si aad u soo qaadataan nadaaya aan
idin raacnee, iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Eebe, waxaad dhahdaa naraaci
maysaan Eebaana sidaa yidhi mar hore, waxayse dhihi waad na xasdaysaan, waase
kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen. (16) Waxaad ku
dhahdaa Nabiyow kuwa dib maray ee Ree baadiyaha ah waxaa laydinku yeedhi kuwa
xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan, haddaadse
addeecdaan wuxuu Eebe idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad horayba
ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran. (17)
Ruux Indha la' korkiisa dhib (Jahaad) ma saarra iyo ka naafada ah iyo kan buka, Ruuxiise Eebe addeeca iyo
Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dhexdureeri Wabiyaal, Ruuxiise jeedsada
wuu caddibi caddibaad daran. (18) Eebe wuu ka
raalli noqday mu'miniinta markay kugula ballantamayeen Nabiyow Geedka
hoostiisa, Eebana waa ogaaday waxa Quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku dajiyay
xasilooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi (nasri) dhaw. (19) Iyo Qaniimooyin
badan oy qaadandoonaan, Eebana waa adkaade falsan. (20)
Eebena wuxuu idiin yaboohay Qaniimooyin badan ood Qaadanaysaan, Tanna wuu idiin
hormariyay, (qaa Qaniimadii khaybar), wuuna idinka reebay Gacmaha dadka (gaalada) si ay ugu noqoto mu'miniinta calaamo (Runta
Nabiga) idiinkuna hanuuniyo jidka toosan. (21) Waxaa kale oo uu idiin dadajiyay Qaniimo kale oydaan
awooddeen, Eebana wax walba waa karaa. (22) Hadday idinla
diriraan kuwa gaaloobay way carari (oy jabi) sokeeye iyo gargaarna heli maayaan. (23)
Saasna waa waddadii Eebe ee u horreysay ummadihii tagay, wax baddali karana ma
jiro. (24) Eebe waa kan idin kala reebay «idinna kala ilaaliyay»
gaaladii markaad maka gudeheeda joogteen intuu idin makaniyay korkooda kaddib,
Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan. (25) Gaaladii makaad
waa kuwii masaadjidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii darbantahay
inaygaadho halkii lagu xalaalaynlahaa, haddaynan jirin Rag iyo Haween mu'miniin
ah (oo la nool) idinna aydaan
ogayn marka aad baabi'neeysaan ayna mashaqo idin haleesho (Eebe
waa idiin fasixi lahaa). Si uu u galiyo
naxariistiisa cidduu doono (yuu saas u yeelay), Hadday mu'miniintu ka soocmi lahaayeen gaalada wuxuu Eebe
caddibi lahaa gaalada caddibaad daran. (26) Xusuusta marka
Eebe yeelay kuwii gaaloobay Quluubtooda islawayni iyo cadho, sidii isla
waynidii iyocadhadii jaahiliinta oo Eebe ku dajiyay xasilloonidiisii
Rasuulkiisa korkiisa iyo mu'miniinta, waafajiyayna kalimada dhawrsashada (Ashahaadada iyo ballan ku sugnaanshaha),
iyagaana ugu mudan kalimadaas chelna u ah, Eebana wax walba waa ogyahay. (27) Eebe waa u rumeeyay Rasuulka riyadiisii si dhab ah,
abaydna in mu'miniintu gali MAsjidka xurmaysan hadduu Eebe doono, iyagoo aamin
ah oo Timaha xiiri ama gaabin (Xajka iyo Cumrada
ka dib) iyagoon cidna ka cabsanaynin, wuxuuna
Eebe ogyahay waxaydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Maka ka soke Fatxi (Xudaybiya). (28) Eebe waa kan
la diray Rasuulkiisa hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga sare mariyo Diimaha oo
dhan, Eebaana marag ku filan. (29) Muxammad waa
Rasuulkii Eebe kuwa la jirana waa ku daranyihiin gaalada, dhexdoodana way isu
naxariistaant waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbi Deeqda Eebe
iyo raalli ahaanshihiisa, Calaamadooduna wajigooday ka muuqataa, Sujuudda
raadkeeda darteed, saasaana iagu tilmaamay Tawreed, Tilmaantooda injiilna waxay
lamid yihiin Beer soo bixisay fiidda oo xoogaysatay oo si fiican u istaagtay
layaabna galisay beertaha, si uu Eebe ugu Cadho galiyo gaalada, Eebe wuxuu u
yaboohay kuwa xaqa rumeeyay
Al-Hujuraat
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Kuwa xaqarumeeyow ha ku
dagdagina Eebe iyo Rasuulkiisa hortiisa (waxayan fasixin), Eebana ka dhawrsada ileen wax walba wuu maqli wuuna
ogyahaye. (2) Kuwa xaqa rumeeyow ha ka koryeelina
codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qaylyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon agayn. (3) kuwa codkooda hoos u dhiga Rasuulka agtiisa kuwaasi waa
kuwo Eebe imtixaanay quluubtooda dhawrsasho darteed, waxayna mudanyihiin dambi
dhaaf iyo ajri wayn. (4) kuwa kaaga
dhawaaqi qolalka gadaashooda badankoodu wax ma kasayaan. (5)
Hadday samraan intaad uga soo bixi yaa u khayr badnaan lahayda, Eebana waa
dambi dhaafe naxariista, (6) Kuwa xaqa
rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin
ogaansho la'aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen. (7)
Ogaadana in Rasuulkii Eebe idin dhexjoogo, hadduu idinku addeeco waxyaala
hadanna aad dhibboonaysaan, wuxuuse Eebe idinla jeclaaday limaan, una qurxiyay
quluubtiinna, wuxuuna idinla nacay gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo,
kuwaasina waa kuwa hanuunsan. (8) Waa fadliga (siinta) Eebe iyo
naxriistiisa, Eebana wax walba waa ogyahay, waana falsame. (9)
Hadday Laba qolo oo mu'miniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday
midu ku xadgudubto tan kale la dirira tan xadgudubtay intay amarka Eebe uga
noqoto (xaqa aqoonsato),
Hadday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebe
wuxuu jecelahay kuwa garsooree. (10) Mu'miniintu waa
uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u
dhawdihiin inuu idiin naxariistee. (11) Kuwa xaqa
rumeeyow yuuna yasin Ragna Rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, Haweenna
yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana
ceebeynina Naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca
faasiqinimada iimaan kadib, Ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin. (12) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah,
maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar
yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiinna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd
ah, waad necebtihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada waa tooba aqbale
naxariistee. (13) Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo
dhaddig, waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan,
Ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebana
wax walba waa ogyahay, (14) Waxay dheheen
ree baadiyihii carbeed waan rumaynay (xaqa), waxaad ku dhahdaa maydaan rumaynin, laakiin dhaha waan
hoggansannay, Iimaankuna wali Quluubtiinna ma galin, haddaadse adeecdaan Eebe
iyo Rasuulkiisa kama nusqaamiyo camalkiinna waxba, Eebana waa dambi dhaafe
naxariista. (15) Kuwa mu'miniinta ah waa kuwa uun
rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa oon shakiyin, kuna Jahada Xoolahooda iyo naftooda
jidka Eebe dartiis, kuwaasi waa kuwa runlowga ah. (16)
Waxaad dhahdaa ma Eebbaad usheegaysaan diintiinna isagoo og waxa Samaawaadka
iyo Dhulkaba ku sugan, Eebana wax walba waa ogyahay. (17)
Waxau kugu mannaysan inay Islaameen, waxaad dhahdaa haygu mannaysanina
Islaamkiinna Eebaa manna idinku leh inuu idinku hanuuniyay Iimaanka haddaad run
sheegeysaan. (18) Eebe waa ogyahay waxa Samaawaadka
ku maqan iyo dhulkaba, Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan.
Qaaf
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Quraanka sharafta leh (in dadka la soo
bixin). (2) Waxayse La
yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
(3) Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin,
taas waa soo celin fog. (4) Waan ognahay
waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax
walba, oo ilaashan. (5) Waxaybase
beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan. (6) Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una
qurxinay ayna duleella u lahayn. (7) Dhulkana waan
waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc
kasta oo quruxsan. (8) Inay aragti iyo waano
u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah. (9) Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo
bixinnay Beero iyo Midho la goosta, (10) Iyo timir dheer
oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. (11) Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku
noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. (12)
Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. (13)
Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). (14) Iyo kayntii
dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen
Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). (15) Ma waxaan ka
noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). (16) Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay
waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. (17) Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo
bidixda ka fadhida. (18) Wax kastoo lugu
hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). (19) Waxaa u yimid
sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. (20) Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan). (21) Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku
marag furi. (22) Waxaana loo odhan waad
halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog
badan yahay. (23) Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi
waa kan waana
darbanyahay, (kiilayxilsaaray). (24) Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo
badane madax adag dhammaantiis. (25) Oo khayrka
reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah. (26)
Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran. (27) Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi
fog ku sugnaa. (28) Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina
agtayda waan idiin hormariyay gooddigii. (29) Hadalla agtayda
laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada. (30) Xusuusta
Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma
la ii siyaadin. (31) Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii
dhawrsaday iyadoon ka fogayn. (32) Waxaasina waa
wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka). (33) Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo
la yimaada Qalbi toobadkeen badan. (34) Waxaa lugu
dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee. (35) Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa
ah siyaado. (36) Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad
ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana
ma jirto. (37) Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi
leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo. (38)
Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix
maalmood, wax daal ahna nama taabanin. (39) Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan,
Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
(40) Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed. (41) Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel
dhaw. (42) Waa ay maqli qaylada oo dhab ah,
waana Maalinta soo bixidda. (43) Annagaa waxna
noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan. (44)
Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud. (45) Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi
korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.
Adh-Dhaariyat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha
(Carrada kicisa). (2) Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka). (3) iyo doonnida
sida fudud u socota. (4) Iyo Malaa'igta
amarka qaybisa. (5) Ee dadow waxa laydiinku goodin waa
run. (6) Abaalmarintuna waa sugantahay. (7) Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka
leh. (8) Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal
is khilaafsan. (9) Iimaankana waxaa laga iilaa ruux
dhumay. (10) Waxaana la nacladay Beenalayaasha. (11) Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan. (12) waxay waydiin
goorta abaalmarinta (qiyaamada). (13) Waana maalinta
naarta lagu gubi. (14) Laguna dhihi
dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen. (15)
Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo. (16)
Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag
fala. (17) Waxayna ahaayeen kuwo wax yar
Habeenkii seexda. (18) Waagana way
dambi dhaaf waydiisanayeen. (19) Xoolohoodana
xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan. (20)
Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin. (21)
Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho). (22) Samada yuuna
jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi. (23)
Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay
sida hadalkiinna oo kale. (24) Ma ku soo
gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd. (25)
Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan
la oqoonnin. (26) Markaasu aaday ehelkiisii lana
yimid Dibi shilis (una gawracay). (27) Una soo dhaweeyay
isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen. (28) Wuxuuna
naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna
ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan, (29) Markaasay soo
qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays
ah (yaa wax dhali). (30) waxayna ku dheheen xaalku waa
saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
Juz' 27
(31) (Nabi
Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay
kuwayohow la soo diray. (32) Waxayna dheheen
waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah. (33)
Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul). (34) Oo Eebe agtiisa
loogu calaameeyay kuwa xadgudbay. (35) Markaasaan ka
bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray. (36)
kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn. (37) Waxaana
kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran. (38) (Nabi) Muusana calaamo
lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad. (39) Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku
yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay. (40) Markaasaan
qabannay (ciqaabnay)
isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay. (41) Ree Caadna (calaamo lagu waana
qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray
dabayl wax halaagta. (42) Wax kasta oy
martana ka dhigi wax tirtiran. (43) Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan)
markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti. (44) Waxayna iska
kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi. (45) Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin. (46) (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo
faasiqiin ah, (47) Samada annagaa u dhisnay si xoog
ah, waana waasicinnay. (48) Dhulkana waan
gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe). (49) Waxwalbana
waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan. (50)
Ee Eebe u carara (toobad keena),
waxaana idiin ahay dige cade (muuqda). (51) Hana yeelina
Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;. (52)
Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado
waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay. (53)
Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay. (54)
Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa). (55) Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee. (56) Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin. (57) Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan. (58) Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane. (59) 59 Kuwii dulmiilowga
ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka
horreeyey) ee ha dadajisanin. (60) Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.
At-Tur
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Eebe
wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina. (2) Iyo Kitaabka la dhigay, (3) Oo
ku qoran warqado la fidiyay. (4) Iyo Gurigii
cammirraa (Beytulmacmuur). (5) IYo saanqaafka la koryeelay (cirka). (6) Iyo Baddii la
kululeeyay. (7) Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan). (8) wax celinna ma jiro. (9) Waxay
dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi. (10)
Buuruhuna socon. (11) Halaagna waxaa iska leh
maalintaas kuwa xaqa beeniyay. (12) Ee ah kuwa
tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari. (13) Maalinta Naarta
xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi). (14) Waatan Naartii
aad beenin jirteen. (15) Ma sixirbaa,
mase waxbaydaan arkayn. (16) Gala, ama samra
ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal
falayseen. (17) Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali
Jannooyin iyo Nicmo. (18) Iyaga oo ku
raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo. (19) (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis. (20) Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween
Janno (Xuuralcayn). (21) Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday
waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo
naxariista), camalkoodana waxba kama
nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani». (22) waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay
jecelyihiin. (23) Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda
(iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal
xun iyo dambi midna lahayn. (24) Waxaana u
adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray. (25) Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale
qaabila iyagoo wax is waydiin. (26) Waxayna isu
dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada. (27) Eebaase nagu mannaystay (dambi
dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda
Samuumka (Jahannama). (28) Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa
Baarrii naxariista. (29) Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed
ma tihid wax sheege iyo waalane midnee. (30) Mise waxay
dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida. (31) Waxaad dhahdaa
suga anna waan idin la sugiye. (32) Mise caqligooda
(xun) yaa saas faray, ma
aha ee waa Qoom xadgudbay. (33) Mise waxaydhihi
isagaa abuurtay (Quraanka)
waxba ma ayan rumeynin. (34) Ha la yimaadeen
hadal la mid ah hadday Run sheegi. (35) Mise waxaa la
abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda). (36) Mise iyagaa
Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin. (37) Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa
xisaabin dadka. (38) Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax
ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad. (39) Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal. (40) Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku
cuslaatay. (41) Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay
qoraan. (42) Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa
gaaloobay iyagaa dhakran. (43) Mise Ilaah Eebe
ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada». (44) Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa
waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis). (45) Ee iskaga tag
Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono. (46) Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u
gargaarana uusan jirin. (47) Kuwa xad gudbay
waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga. (48)
Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi
Eebahaa markaad kici. (49) Habeenka
qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.
An-Najm
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Wuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu
hoobto. (2) Ee saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama
leexan. (3) Kumana hadlo hawadiisa. (4) quraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha. (5) Waxaana wax baray (oo xagga Eebe ka
soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku
Jibriil). (6) Ee caafimaad iyo
quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay. (7) Wuxuu joogay
jihadii sare (Jibriil). (8) Kaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga). (9) Intuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw. (10) Wuxuuna Eebe
waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday. (11) Qalbiguna Ma
beeniyo wuxuu arkay (Nabigu). (12) Ee ma idinkaa
ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay. (13) Dhabnimuu
Nabigu u arkay Jibrill mar kale. (14)
Sidratul-Muntaha agteeda. (15) Agteedana waxaa
ah Jannatul-ma'waa. (16) (Wuxuu arkay) waqtiguu
daboolayay Sidrada wax daboola. (17) Arragguna kama
iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin. (18) Dhabnimo yuuna
u arkay (Nabigu)
Aayado Eebe oo waawayn. (19) Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza. (20) Iya Manaatadii saddexaad ee kale. (21)
Idinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga. (22)
Taasi waa qayb dulan ah. (23) Sanammaduna
magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax
xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa
naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun. (24)
Mise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan. (25)
Aakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh. (26) Badanaa Malag
Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu
la doono oo ka raalli noqdo. (27) Kuwa aan
rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig. (28) Wax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun,
malana xaqa wax kama taro. (29) Ee iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn. (30) Kaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana
waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan. (31) Samaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si
uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii
wanaagga falay wanaag. (32) Waana kuwa ka
fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac
dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku
asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda
dhawrsashada badane. (33) Ka warrama
midka xaqa ka jeedsaday. (34) Oo wax ar
bixiyay inta kalana reebtay. (35) Ma agtiisaa
cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa. (36) Miyaan looga
warramin (dadka)
wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse). (37) Iyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray). (38) Inaan nafna dambi naf kale qaadaynin. (39) Ruuxna wuxuusan camalfalin heleeynin. (40) Camalkiisana la arki doono. (41)
Ka dibna looga abaalmarin doono si buuxda. (42) Eebaa
xaggiisana loo ahaan. (43) Eebe waakan wax
ka qosliya kana oohiya. (44) Isagaana wax
dila waxna nooleeya. (45) Isagaana
abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba. (46)
Kana ahaysiiyay dhibic soo baxday. (47) Isagaana
ahaysiin soo celinta kale. (48) Eebe isagaa wax
Hodmiya isagaana wax faqiiriya. (49) Waana Eebaha
xiddigga Shicra. (50) Eebe isagaa halaagay Caadkii
hore. (51) Iyo Thamuudba waxna kama reebin. (52) (Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu
(uhalaagay), waxayna ahaayeen
kuwa dulmi badan oo xadgudub badan. (53) Qoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe). (54) Wuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah). (55) Teebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow. (56) Kan
(Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah
digayaashii hore. (57) Wayna dhawaatay
Saacaddii Qiyaame. (58) Wax Eebe ka soo
hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici). (59) Ma quraankanaad
la yaabantihiin. (60) Ood qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed). (61) Idinkoo waliba hilmaansan (islana
wayn). (62) Ee dadow Eebe u
sujuuda caabudana.
Al-Qamar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
(2) Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna
dhahaan waa Sixir daran. (3) Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen
Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado. (4) Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano. (5) Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi. (6) Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran. (7) Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi
Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay. (8) Iyagoo u dagdagi
dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran. (9) Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna
dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay». (10) Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro. (11) Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka
keenay. (12) Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo,
wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis. (13)
Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh. (14)
Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday. (15) Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo
wax xusuusan). (16) Seese yahay
Caddib Eebe iyo digiddiisu. (17) Waan
fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (18) Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii. (19) Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin
baasaysan dhexdeed oo Joogta ah. (20) Oo dadka siibaysa
sida Timir gunteedii la rujiyay. (21) Seese ahaa
caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (22) Waxaan
ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi. (23) Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud. (24) Waxayna dheheen
ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay
baadi iyo dhibaato. (25) Ma isagoo na
dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah. (26) Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah. (27) Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug
kuna samir. (28) Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin
gaara leedahay. (29) Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood
hashiina wuu dilay. (30) Seese ahaa
caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii. (31) Dhawaaq
kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay. (32) Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma
jirtaa cid ku wacdoomi. (33) Way beeniyeen
Qoomkii (NabiLuudh) u
digiddii. (34) Waxaana ku dirray korkooda Dabayl
Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah. (35) Nicmad
xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe). (36) Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen
digiddaas. (37) Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha
tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa. (38) Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan. (39) Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo
digiddiisa. (40) Waan fududaynay Quraanka xusuus
darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi. (41) Fircoon iyo
ehelkiisii waxaa uyimid digid. (42) Wayna beeniyeen
Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh. (43) Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi
la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta. (44) Mase waxay
dhihi koox guulaysan yaanahay. (45) Waa la jabin
kooxda, Dabadayna jeedin. (46) Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah,
Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh. (47) Kuwa
dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin. (48) (Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta
WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara. (49)
Wax kasta waxaan ku abuurray qadar. (50) Amarkannaguna
ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi. (51) Dhab ahaan baan
u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa. (52) Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta. (53) Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay. (54) Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. (55) Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa
ah (yaa u sugnaatay).
Ar-Rahmaan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Eebaha) Raxmaan ah. (2) Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. (3) Dadkana wuu abuuray. (4)
Wuxuuna baray dadka (Hadalka). (5) Qorraxda iyo
dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. (6) Xiddigga iyo
Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). (7) Samadana Eebaa
koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay. (8) Si aydaan uga
gudbin Caddaaladda. (9) Miisaanka ku
hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. (10) Dhulkana Eebe
wuxuu u dajiyay khalqiga. (11) Dhexdiisa waxaa
ah Faakihad (khudaar) iyo
Timir Fiido leh. (12) Xubuubna (midho) ball leh iyo
udgoona wuu abuuray. (13) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). (14) Dadka Eebaa ka
abuuray dhoobo Jilay oo kale ah. (15) Jaankana wuxuu
ka abuuray ololka Naarta. (16) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (17) Ilaaheen waa
Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. (18)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (19) Eebe waan kan Labada Badood
dariseeyey iyagoo kulmi. (20) Dhexdoodana
yeelay soohdin (kala reebta)
iskumana xadgudbaan. (21) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (22) Waxaa lagala
baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). (23) Nimcooyinka Eebe
teebaad beeninaysaan. (24) Eebe waxaa u
sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. (25)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (26) Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu
tagi. (27) Waxaase hadhi Eebaha wayn ee
sharafta leh. (28) Nimcooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (29) Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo
Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. (30)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (31) Waana idin
xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. (32) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (33) Jinni iyo
Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka
baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. (34) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (35) Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri
Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. (36)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (37) Markay Samadu
dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). (38) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (39) Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba
ma jiro. (40) Nicmooyinka Eebe teebaad
beeninaysaan. (41) Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan
astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana
lagu tuuri). (42) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan, (43) Tani waa
Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). (44) Waxay ku
meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. (45)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (46) Ruuxii ka yaaba
Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. (47)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (48) Jannooyinkaas
oo midabyo leh (iyo Laamo). (49) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (50) Waxaa laga helaa ilo socda. (51)
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (52) Waxaa laga
helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). (53) Nimcooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (54) Waxay ku
dangiigsan (ehlu Jannuhu)
Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. (55)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (56) Jannooyinka iyo
Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay
Insi iyo Jinni midna. (57) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (58) Waxaad moodaa
Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). (59) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (60) Wanaag
abaalkiisu soo wanaag ma aha. (61) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (62) Waxay heli
Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. (63) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (64) Waana Laba
Jannoo madow (cagaaran). (65) Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. (66) Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. (67) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (68) Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. (69)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (70) Dhexdooda waxaa
ah Haween khayr leh oo Quruxsan. (71) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (72) Waa Haween
Indhacad oo Gurigooda jooga. (73) Nicmooyinka
Eebe teebaad beeninaysaan. (74) Waa Haween
uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. (75)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (76) Waxayna ehlu-Jannuhu
ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, (77)
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (78) Waxaa
barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.
Al-Waaqia
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) Markay Qiyaamadu dhacdo. (2) Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay
arkaan). (3) Waana (mid) hoos u dhiga kor u
dhiga ah. (4) Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. (5) Buurahana la riqdo. (6) Oy noqoto boodh
Firdhisan. (7) Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin). (8) Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari. (9)
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari. (10)
Iyo kuwii aad u hormaray. (11) Waa kuwa Eebe
dhaweeyay. (12) Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. (13) Waana Koox ka mid ah kuwii hore. (14)
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay. (15) Sariiro Dahab
laga sameeyay yayna ku sugnaan. (16) Oy kuna
dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. (17) Waxaa la dhex
wareegi wiilal waari. (18) Koobab iyo
kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda. (19)
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. (20) Faakihaday
«khudaartay» doonaanna way heli. (21) Iyo Hilib
Shimbir oo kay rabaan ah. (22) Iyo Haween
Janno oo Indha cadcad. (23) Ood mooddo
Jawhar la ilaaliyay. (24) Waana
abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). (25) Kumana maqlaan
Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. (26) Waxayse ku
Maqli Salaan (dhexdooda ah). (27) Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta. (28) Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn. (29) Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa. (30)
Iyo Hoos joogta ah. (31) Iyo Biyo socda (goor walba). (32) Iyo Faakiha badan. (33) Oon la
goynaynin lana reebaynin. (34) Iyo Gogol la
koryeelay. (35) Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada). (36) Kana dhigi kuwa aan la taaban. (37)
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. (38) Liwa Midigta
yaa muta (arrintaas). (39) Waana Koox kuwii hore ka mid ah. (40)
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. (41) Kuwa Bidixda
mari, ma taqaan kuwa Bidixda. (42) Waxay ku
sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. (43) Iyo hoos madow
oo wax guba. (44) Aan qaboobayn aragna fiicnayn. (45) Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). (46) Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn. (47)
Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo
bixin. (48) Ama Aabayaalkannagii horeeyay. (49) Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. (50) Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). (51) Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah. (52) Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun. (53)
Aad kana buuxinaysaan Caloosha. (54) Waxaadna ku
cabbaysaan Biyo kulayl badan. (55) Waxaadna u
cabbaysaan sida Geel aad u ooman. (56) Kaasina waa
waxa lagu soori (Gaalada)
Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). (57) (Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin
abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). (58) Ka warrama
Dhibicda aad tuuraysan «Manida». (59) Ma idinkaa
abuura mase Annagaa abuurra, (60) Annaaa idinku
eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. (61)
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan
aqoon. (62) Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii
hore, maad wax xusuusataan. (63) Ka warrama
waxaad beereysaan. (64) Ma idinkaa soo
dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. (65) Haddaan doonno
waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). (66) (Idinkoo dhihi) Waa nala
khasaariyay. (67) Mase waa nala hoojiyay. (68) Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. (69)
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. (70) Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku
mahadisaan (Eebe). (71) Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan. (72) Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa
ahaysiinnay. (73) Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo
nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada). (74) Ee waynee oo u
Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. (75) (Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay
halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). (76) Waana dhaar
wayn haddaad ogtihiine. (77) Quraanku waa
shay sharaf leh. (78) Wuxuuna ku suganyahay Kitaab
la dhawray. (79) Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn. (80) Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. (81) Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. (82)
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa). (83) Maxaydaan markay
Naftu dhuunta gaadho. (84) Idinkuna aad
fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). (85) Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan
arkaynin. (86) Haddaad tihiin kuwa aan la soo
bixinaynin. (87) Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run
sheegaysaan. (88) Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe
dhaweeyay. (89) Wuxuu heli naxariis iyo farax
iyoJannada Naciima. (90) Hadduu yahay
kuwa Midigta marina. (91) Nabadgalyaa u
sugnaatay (iyo wanaag). (92) Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. (93) Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. (94) Iyo galidda Naarta Jaxiimo. (95)
Waxaad (la soo sheegay) waa
run dhab ah. (96) Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
Al-Hadid
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe sharrifa (oo wayneeya) waxa ku sugan
Samawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade falsan. (2)
Waxaa Eebe u sugnaaday xukunka samaawaadka iyo Dhulka, isagaa waxa nooleeya
waxna dila, waxwalbana wuu karaa. (3) Eebe waa kan horreeyay, waana kan
dambayn, waana kan muuqda (khalqigiisa) awgiis waana kan
(Indhaha) ka qarsoon
waxwalbana og. (4) Eebe waa kan ku abuuray Samaawaadka
iyo Dhulka Lix Maalmood qaddarkood, markaasna Carshiga ku ekaaday (si u cunnanta) wuxuuna ogyahay waxa
Dhulka gali iyo waxa ka soo bixi, waxa Samada ka soo dagi iyo waxa u kori,
Eebana waa idinla joogaa meelkastood ku sugantihiinba, waxaad camal falaysaanna
Eebe waa arkaa. (5) Eebaa iska leh xukunka Samada iyo
dhulka, xaggiisaana loo celin ummuuraha. (6) Eebe waa kan habeenka iyo dhaarta
is dhex galiya (kala badiya) waxa
laabta ku jirana waa ogyahay. (7) Rumeeya Eebe iyo
Rasuulkiisa, bixiyana waxa ka mid ah wuxuu idiinka dhigay wakiillo (maamulkiisa) kuwa rumeeyay Eebe
oo idinka mid ah waxna bixiyay waxay Mudan ajir wayn. (8)
Maxaad leedihiin ood la rumayn waydeen Eebe, isagoo Rasuulkuna idiinku yeedhi
inaad rumaysaan Eebihiin, isagoo Eeba ballan idinka qaaday haddaad mu'miniin
tihiin. (9) Eebe waa ka soo dajiyay Aayaad
cadcad si uu idiinka bixiyo mugdiga, Nuurna idiinku bixiyo, Eebana waa idiin
naxariis badanyahay. (10) Maxaad
leedihiin ood wax ugu bixinwaydeen Jidka Eebe isagoo Samaawaadka iyo Dhulka
dhaxalkooda iska leeyahay, masinna Ruux wax bixiyay Maka furashadeedii ka hor
oo Jahaaday, kuwaasaa ka Ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaalamay ka dib,
dhammaantoodna Eebe wuxuu u yaboohay wanaag, Eebana waa ogyahay waxaad camal
falaysaan. (11) Waa kuma kan Eebe amaah wanaagsan amaahin (wax bixin) oo markaas uu u
laablaabo, Ajri wanaagsanna hela. (12) (Xusuusta) Maalinta aad arki
Mu'miniinta Rag iyo Haweenba iyagoo nuurkoodu socda hortooda iyo Midigtooda,
waxaana lagu dhihi bishaaraysta Maanta, waa Jannooyin Ay dureeri dhexdooda
Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn. (13) waa Maalinta Munaafiqiintu Rag iyo Haweenba ay ku dhihi
kuwa xaqa rumeeyay na suga aan ka Dhuxul qaadanno Nuurkiinnee, waxaana lagu
dhihi ku noqda gadaashiinna, waydiistana Nuur, markaasaa layeelaa dhexdooda
Darbi xaggiisa gudahana Naxariis tahay, xaggiisa dibaddana Caddibaad tahay. (14) Way u dhawaaqi Mu'miiniinta iyagoo leh miyannaan idinla
jirin, Mu'miniintuna waxa ku dhihi haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen Naftiinna, xumaanna waad la
sugteen (Nabiga Iyo Mu'miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) Inta amarka Eebe
ka yimaaddo (Geerida)
waxaana Eebe idinku kadsiiyay Kadiye (Shaydaan). (15) Maanta (Qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa Gaaloobay midna,
Hoygiinnuna waa Nar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun. (16) Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u
khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii
Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu,
wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada). (17) Ogaada in Eebe
nooleeyo Dhulka dhimasho ka dib, wuuna idiin caddeeyay Aayaadka si aad wax u
kastaan. (18) Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka wax
Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa
Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin
Ajri sharaf leh. (19) Kuwa rumeeyay Eebe iyo
Rasuulkiisa kuwaasu waa Runbadanayaal, Shuhadaduna Eebe agtiisa ajri iyo Nuur
bay ku mudan kuwase Gaaloobay beeniyayna Aayaadkanaga kuwaasi waa ehelka Naarta
Jaxiimo. (20) Ogaada in nolosha Adduunyadu yahay
ciyaar iyo dheeldheel iyo isqurxin iyo isufaan dhexdiinna ah iyo badsi Xoolo
iyo Carruur, sida Roobi isjeclayssiyey beertah, wuxuu soo bixiyo, markaasna
ingaga ood arki isaga oo doorsoomay noqonna burbur, Aakhirana waxaa jira
caddibaad daran iyo dambidhaaf xagga Eebe ka iman iyo raalli ahaansho, nolosha
Adduunyana waa raaxo lugu kadsoomi. (21) U orotama
Dambidhaafka Eebe iyo Janno balladhkeedu yahay balladhka Samada iyo dhulka oo
kale, loona darbay kuwa rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa, Arrintaasuna waa samafal
Eebana wuxuu siin Ruuxuu doono, Eebana Fadligiisu waa wayn yahay. (22) Wixii dhib ah oo Dhulka ka dhaca ama naftiinna ku dhaca
wuxuu ku sugnaaday Kitaab Abuuriddiisa ka hor, arrintaasuna waa u fududdahay
Eebe. (23) Si aydaan ugu murugoonin wixii
idinka taga aydaan uguna farxin wuxuu idin siiyo, Eebe ma jecla Ruux kasta oo
isla wayn oo faanbadan. (24) Oo ah kuwa
bakhayli dadkana fari bakhaylnimo, Ruuxii jeedsadana Eebe waa ka hodon
mahadsan. (25) Dhab ahaan baan ula dirray
Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku
ugu tooso Caddaalad, waxaana soo dajinnay birta iyadoo Shiddo ku dheehantahay
iyo nacfi dadka iyo in Eebe muujiyo Cidda u gargaari isaga (Diinta) iyo Rasuulladiisa iyagoon arkaynin, Eebana waa Xoog badane
Adkaade ah. (26) Dhab ahaan baan u dirray (nabi) Nuux iyo (nabi) Ibraahim, waxaana
yeellay faracooda Nabinnimo iyo Kitaabbo loo soo dajiyay, waxaana ka mid ah kuwa
hanuunay, waxbadan oo ka mid ahna waa Faasiqiin. (27)
Markaasaan raacinnay Raadkoodii Rasuulladanadii, waxaana raacinnay Ciise Binu
maryama, waxaana siinay Injiil, waxaana yeellay Quluubta kuwii raacay
isudanqasho iyo naxariis iyo Ruhbaaniyad (Adduun ka jeedsi) ay iyagu billawdeen oonaan ku faral yeelin, doonidda
raalli ahaanshaha Eebe dartiis yayna u faleen, mase ayna ilaalinin ilaalin xaq
ah, waxaana siinnay kuwii rumeeyay oo ka mid ah ajrigoodii, wax badan oo ka mid
ahna waa faasiqiin. (28) Kuwa xaqa rumeeyow
Eebaa ka dhawrsada, rumeeyana Rasuulkiisa haydin siiyo laab laab naxariiseede,
hana idiin yeelo Nuur aad ku socotaane, hana idiin dambidhaafee, Eebana waa
dambidhaafe naxariista ah. (29) Inay ogaadan
ehlukitaabku inayan karin inay hantaan Fadliga Eebe, fadliga Eebana awooddiisu
uu ku jiraa, wuxuuna siin Ruuxuu doono, Eebana waa kan Fadliga wayn leh.
Juz' 28
Al-Mujaadila
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu maqlay Haweenaydii hadalkeeda Nabiga kula
doodaysay xaalkii ninkeeda, oo Eebe u sheeganaysay «dhibaatadeeda», Eebana wuu
maqlayey doodooda, maxaayeelay Ilaahay waa ka wax walba maqle arka. (2)
Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood,
hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been
Ilaahayna hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane. (3)
Kuwa haweenkooda kala mid dhigi hooyadood haddana ku noqon «haweenkii» waxaa ku
waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna
waxa dadku camal fali waa ogyahay. (4) Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomi
Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu
quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Eebe u rumeysaan iyo
Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab
kulul. (5)
Kuwa Eebe iyo Rasuulkiisa hilaafaya waxay mudan yihiin halaag sidii loo
halaagay kuwii ka horreeyey, Eebana wuxuu soo dajiyey Aayado cad cad Gaalana
waxaa u sugnaaday cadaab wax ihaaneeya. (6) Maalinbuuna ihaanayn Ilaahay uu soo bixin
dhammaantood, ugana warrami waxay camal faleen, Eebana waa koobay iyana waa
hilmaameen Ilaahayna wax kasta wuu daalacan (arkaa). (7) Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay
Cirka iyo Dhulka waxa ku jira, Seddexdii faqiba Ilaahay baa afreeya, Shantana
Ilaahay baa Lixeeya; waxa ka yar iyo waxa ka badanba Ilaaahaybaa la jooga
meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga qarrami waxay camal faleen Maalinta Qiyaamo
Ilaahayna wax walba waa ogyahay. (8) Miyaadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun oo
haddana ku noqon waxa laga reebay, kuna faqi dambi iyo cadawnimo iyo
caasinnimada Rasuulka, markay Nabiga u yimaadaanna ku salaamaya waxaan Eebe ku
salaamin oo hoos u dhihi maa Eebe nagu cadaabo waxaan ku hadlayno waxaa ku
filan Jahaannamo oo ay galayaan waana Guri xun. (9) Kuwa rumeeyayow markaad
faqaysaan ha ku faqina dambi, colnimo iyo caasinnimada Rasuulka ee ku faqa
wanaag dhawrsani, Eebana ka yaaba isagaa la isu soo kulmine. (10)
Faqa xun Shaydaan buu kayimaaddaa suu u walbahaar geliyo kuwa xaqa rumeeyay,
waxbase kama dhibo idan Ilaahay Mooyee,
Ilaahay uun ha tala saarteen kuwa xaqa rumeeyey. (11) Kuwa xaqa rumeeyayow haddii
la idin dhaho isu waasiciya fadhiga; isuwaasiciya Ilaahay wanaagga ha idiin waasiciyee,
marka la idin yiraahdo Jihaadka iyo Khayrka u degdegana; u degdega Ilaahay wuu
koryeelayaa kuwa xaqa rumeeya kuwa cilmiga lehna daragooyin yuu koryeelayaa
Eebana waxa la camal fali waa ogyahay. (12) Kuwa xaqa rumeeyayow markaad Nabiga
qaabilaysaan hormariya Sadaqo, saasaa idiin khayr badan idiina nadiifsan,
haddaydaan helaynin Eebe waa dambi dhaaf badane Naxariis badane. (13)
Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan Sadaqooyin markaad Nabiga la
kulmaysaan; haddaydaan saas falin Eebe waa idin ka toobada aqbalaye ee Salaadda
ooga Sakadana bixiya Ilaahaay iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebana waa ogyahay
waxaad camal falaysaan. (14) Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa
Eebe u cadhooday kuwaasi idin ka mid ma aha iyagana ka mid ma aha (waa
munaafiqiinta)
waxayna ku dhaaran been iyagoo og. (15) Eebe wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran
maxaa yeelay wax xun bay falayeen. (16) Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen
dadkana xaqiibay ka leexiyeen waxayna mudan yihiin cadaab wax ihaaneeya. (17)
Xoolahooda iyo Caruurtoodu wax ugama taraan Eebe xaggiisa, waana kuwa ehelu
Naar ah wayna ku waari. (18) Maalinta Eebe soo bixiyo dhamaantood way u
dhaaran Eebe siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja
ah)
haystaan waase kuwo beenaalayaal ah. (19) Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo
hilaamsiiyey xusidda Eebe, kuwaasi waa Xisbiga shaydaanka, Xisbiga shaydaankuna
waa kuwa khasaaray. (20) Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya
waxay ka mid noqon kuwa dullooba. (21) Eebe wuxuu xugmiyey inuu adkaado isaga iyo
Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog badane adkaade ah. (22) Ma helaysid dad Ilaahay
rumeeyey iyo Maalintii dambeeysay oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa
khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Walaahood ama Qaraabadooda,
kuwaas (aan
jeelaanin)
waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa,
wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa
ka raalli noqday iyana way ka raallii noqdeen waana Xisbiga Ilaahay; Xisbiga
Ilaahayna waa kuwa Liibaanay.
Al-Hashr
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe nasaha (sharifa) waxa Cirka iyo
Dhulka ku dhexnool, waana xoo badane Falsan. (2)
Eebe waa kan bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu Kitaabka ahaa «Yuhuud» Guryahoodii
kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in
Guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebe uga yimid meel ayan filayn,
qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen (ku halleeyeen) gacmahooda iyo
gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka Caqliga leh ha waano qaato. (3) Haddaan Eebe xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi
lahaa Adduunka, Aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab naareed. (4) Maxaa yeelay Ilaahay iyo Rasuulkiisa yey khilaafeen,
ruuxii Eebe khilaafana Ciqaabtiisu waa darantahay. (5)
Wixii aad gooysaan oo geed ah (qq Cadawga) ama aad daysaan iyadoo ku taagan Salkeeda waa idinka Eebe
iyo inuu dulleeyo Faasiqiinta. (6) Wixii Xoola ah ee
Ilaahay Nabiga uga soo celiyo Gaalada isagoon Fardo iyo awr lagu dagaallamin
waxaa amarkiisa leh Nabiga Eebana Cidduu doono yuu ku diraa Rasuulkiisa, wax
walbana Eebe waa karaa. (7) Wixii Xoola aha
ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda Degmooyinka Yuhuudda Rasuulkiisa;
waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Musaafiriinta
«socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa Hodanka ah dhexdooda wuxuu
Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka reebmaan,
Eebana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay. (8) Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka soo
hijrooday guryahoodii iyo Xoolahoodii dar Eebe iyo gargaarka Ilaahay iyo
Rasuulkiisa, waana kuwa ku run sheegay iimaankooda. (9)
Kuwii Madiino deganaa ee Xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka u soo hijroon (u soo qixi) wax necbaansho
ahna Laabta uma geliyaan dadkaas waxay siin, waxayna Naftooda ka hormariyaan (ay uga doori) dadkaas inkastaba
iyagu gaajo hahaysee, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada Naftiisa waa mid
Liibaanay. (10) Kuwa imaan Asxaabta Nabiga ka dib
waxay Eebe weydiisan inuu u dambi dhaafo iyaga iyo Walaalahooda iimaanka uga
hormaray uusan qalbigoodana xiqdi yeelin kuwa rumeeyey Eebena waa naxariis
badane. (11) Ma ogtahay in kuwii Munaafiqiinta
ahaa ay ku dhihi kuwii gaaloobay ee Yuhuudda ahaa haddii laydin bixiyo waan
idinla jiraynaa Cid aan idiin maqlaynana ma jiro waligeed, haddii laydinla
dagaallamana waan idiin gargaaraynaa, Ilaahayna waa ogyahay inay Beenaalayaal
yihiin. (12) Haddii la bixiyo Yuhuudda lama
baxaayaan haddii lala dagaallamana uma gargaarayaan hadday isku dayaan inay u
gargaaraanna way carari loomana gargaarayo. (13)
Mu'miniinta yey uga cabsi badan yihiin Yuhuuddu Ilaahay, maxaa yeelay waa dad
aan wax garad ahayn. (14) Kuwa xaqa
rumeeyeyna lama dagaallami karaan «dhufaysyo iyo Gidaaro dhexdood mooyee»
dhibka dhexdooda ahna waa daranyahay quluubtooduna waa kala tagsan tahay, maxaa
yeelay waa dad aan wax kasayn. (15) Waxay la mid
yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii camalkooda,
Cadaab daranna u sugnaaday. (16) Waxay la
midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaah
bari baan kaa
ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheega inuu Ilaahay ka yaabi. (17)
Markaasay Labadooduba Cidhibtoodu noqon naar ay ku waaraan, daalimiintana
saasaa lagu abaal mariyaa. (18) Kuwa xaqa
rumeeyey waa inay Eebe ka dhawrsadaan, Nafwalbana waa inay eegtaa waxay u
hormarsatay barri (qiyaamaha) Eebena ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye. (19) Kuwa xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Eebe
hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda waana kuwo faasiqiin ah (xaqa ka leexday). (20) Ma eka Ahlu naarka iyo Ahlu Jannaha, Ahlu Jannuhu waa
kuwa liibaanay. (21) Haddii quraankan Eebe Buur ku
dejiyo (kula hadlo)
waxaad arki lahayd Buurtii oo khushuucsan oo dillaaci cabsi Eebe darteed,
saasaa Eebe mataallo ugu sheega dadka inay fikiraan darteed. (22) Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, waxa maqan iyo waxa
joogaba waa ogyahay, waana kan
naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. (23) Ilaahay isaga
mooyee Eebe kale ma jiro, waa Xaakim Daahir ah, nabadgeliye, rumeeye, wax
walbana ilaaliye xoog iyo wenaan isagaa leh, waana ka nasahanyahay waxay
Cibaadada la wadaajinayaan. (24) Eebe waa kan wax abuura ee
ahaysiiya sawirana, Magacyo fiicanna wuu leeyahay waxaana Eebe u tasbiixsada (weyneeya) waxa Cirka iyo
dhulka ku sugan, waana adkaade falame.
Al-Mumtahana
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) Kuwa xaqa rumeeyow ha ka
dhiganina colka Eebe iyo Colkiina (Gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay
xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo Muuminiinta inaad Eebe rumeeyseen
darteed Jidka Ilaahayna ku dagaallanteen raalli ahaanshaha Eebe idinkoo rabo,
kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad qarinaysaan iyo
waxaad muujinaysaanba, Ruuxii saas yeelana Jidka xaqa ah wuu ka dhumay. (2) hadday idin helaan (Gaaladu) waxay idiin noqon Col
gacmaha iyo Carabkana xumaanbay idiinku taagi waxayna jecel yihiin inaad
gaalowdaan. (3) Qaraabada iyo Caruurtu waxba idiin
ma taraan Maalinta qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad
Camal falaysaan. (4) Kuwa xaqa rumeeyey waa inay
ku daydaan Nabi Ibraahim iyo kuwii la jiray waa kuwii iska bari yeelay Gaaladii
Qoonkoodii ahayd (ay isla noolayeen) iyo waxay Caabudayeen ee Eebe ka soo hadhay oy Colnimo u
muujiyeen ilaa ay Eebe kaliya ka rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi
dhaaf weydiiyey Aabihiis, isagoon waxba u hanankarin (intaan
laga reebin Arrintaas). Eebe yeynnu talo
saaran, isagaan u toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (Aakhiro). (5) Eebow hannagu
fidnaynin kuwa Gaaloobay, noona dambi dhaaf illeen waxaad tahay adkaade (Casiis) Falsan. (6) Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni
Ilaahay Maalinta Aakhiro, ciddiise ka jeedsata xaqa Eebe waa ka kaaftoon yahay
waana ammaananyahay. (7) Wuxuu Eebe u
dhawyahay inuu yeelo jacayl Mu'miniinta iyo kuway la colloobeen ee Gaalada
Qureesheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Eebe wax walba waa karaa waana dambi
dhaaf badane naxariis badane ah. (8) Eebe kama
reebayo kuwa xaqa rumeeyey inay u samo iyo Caddaalad falaan kuwa aan Diinta
kula dagaallamin Guryahoodana ka bixinin, maxaa yeelay Eebe waa jecel yahay
kuwa Caadiliinta ah (Garsoor). (9) Eebe wuxuu ka
reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa Diinta
kula dagaallamay ee Guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga
bixiyo, dadkii kuwaas cokeeye ka dhigtaa wa kuwa daalimiin ah. (10) Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan Haween
Mu'miniin ah oo Gaalada ka soo Hijrooday (ka soo tegay) Imtixaana (inay ka dhabtahay
iyo in kale) Eebaa og Iimaankooda, haddaad ogaataan
inay xaqa (dhabnimo) u
rumeeyeen waa inaydaan Gaalada u celinin, maxaa yeelay Xalaal isuma aha
Meherkiina ha u celiyeen Gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad
Meher siinaysaan, Haweenka Gaalooba Nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysanina,
weydiista waxaad Meher u bixiseen Gaaladuna ha weydiisato waxay Meher u
bixiyeen, xaaladaasina waa xukunka Eebe uu dhexdiina xukumay, Ilaahayna waa
ogyahay (waxa la Camal falo)
waana Falsame. (11) Hadday u tagaan kuwa Haweenkiina ka
mid ah Gaalada (Gaaloobaan)
markaas ka dib la qaniimaysto hala siiyo kuwii Haweenkoodu tageen waxay ku
masruufeen oo kale, Ilaaha aad rumaysantihiinna ka dhawrsada. (12) Nabiyow hadday kuu yimaaddaan haween xaqa rumeeyey si
ay kuugula ballantamaan inay Eebe kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna,
Caruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna
ayan Nabiga ku caasiyin la ballantan una dambi dhaaf weydii Eebe waa dambi
dhaafe naxariiste ahe. (13) Kuwa xaqa
rumeeyow haka sokeeye dhiganina kuwa Eebe u carooday oo aakhirana ka quustay (waa Gaaloodhane) sida Gaaladu uga
quusatay kuwii dhintay.
As-Saff
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa Cirka iyo Dhulka
ku sugan, Eebana waa adkaade falsan. (2) dadka xaqa
rumeeyayow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin. (3)
Waxaa Cadho weyn Eebe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin. (4) Eebe wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa (Jihaadka) iyagoo af ah oo
aad mooddo dhismo laysku dhejiyey (midnimadooda). (5) Xusuusta markii (Nabi) Muuse ku yidhi
dadkiisii maxaad ii dhibaysaan idinkoo og inaan Rasuul Eebe idiin ahay, markay
xaqii ka iisheen yaa Eebana sii iilay qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa
faasiqiinta ah. (6) xusuusta marka (nabi) Ciise ibnu Maryama ku yidhi Banii Israa'iil waxaan ahay
Rasuul Eebe idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey, kuna
bishaarayn Rasuul gadaashayda imaan oo Magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja
cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad. (7)
yaa ka dulmi badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi Islaamka,
Eebe ma hanuuniyo dadka daalimiinta ah. (8) Waxay doonayaan (Gaaladu) inay Nuurka (xaqa) Eebe ku
bakhtiiyaan Afkooda Eebena wuu taam yeeli nuurkiisa haba naceen Gaaladuye. (9) Eebe waa kan
diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Eebe) Diimaha oo dhan uga sare mariyo haba naceen Mushrikiintuye
(Gaaladu). (10) Kuwa xaqa rumeeyow ma idin tusiyaa ganacsi idinka
koriya Cadaab daran. (11) Waxaad
rumaynaysaa Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaadna ku dagaalamaysaan Jidkiisa xaqa ah
Xoolihiina iyo Naftiina idinkoo u huri, saasaana idiin khayr roon haddaad
tihiin kuwo wax og. (12) Markaas Eebe
dambigiinuu dhaafi wuxuuna idin gelin Jannooyin ay dhex socdaan Webiyaal iyo
Guryo wanaagsan oo ku dhexyaalla Jannada Cadnin (nagaanshaha), taasina waa liibaan weyn. (13)
Arrin kale ood jeceshihiinna (wuu idiin siin) waa gargaarka Eebe iyo fatxi (guul) dhaw, kuwa xaqa rumeeyeyna u bishaaree. (14) dadka xaqa rumeeyow noqda gargaarayaasha Eebe sidii
kuwii Nabi Ciise ibnu Maryama Saaxiibadiis ahaa (Xawaariyintii) ee uu ku yidhi yaa Eebe iila gargaara, markaas ay dheheen
annagaa ah gargaarayaashii Eebe, ka dib ay xaqa rumaysay koox Banii Israa'iil
ka mid ah, kooxna ay ka gaalawday; Eebena ayiday (xoojiyey) kuwii xaqa rumeeyey (kana adkaadeen
Cadawgoodii) oo iyagu ka muuqdeen (ka taliyeen) dhulkii.
Al-Jumu'a
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe nasihi (weynayn) waxa samooyinka
iyo Dhulka ku sugan, Ilaahay waa xaakin Xumaan ka daahirane ah aadkade falsame
ah. (2) Eebe waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka
mid ah oo ku akhriya korkooda Aayaadkiisa «quraankana» bara iyo Sunnada (Nabiga) waxayna horey u
ahaayeen kuwo haadi cad ku sugan. (3) (Waxaa kale oo Eebe Nabigu u diray) kuwo
kale oon weli la kulmin kuwaas, Eebena waa Adkaade falsame ah. (4) Arrintaasuna (Islaamka iyo Nabiga
la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu
doono Eebana waa deeq iyo fadli weyne. (5) Kuwii la faray
inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna Camal falaan (qaa Yuhuudda) haddana an ku camal falin, waxay la mid yihiin
Dameerxambaarsan Kutub badan, waxaana xun masalka kuwaas beeniyey Aayadaha
Eebe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah. (6)
Waxaad dhahdaa (Nabiga) kuwa
Yuhuuda ahow haddaad sheegateen inaad tihiin Awliyo Eebe dadka kale ka sokow,
geeri jeelaada haddaad run sheegaysaan. (7) Geerina ma
jeelaanayaan weligood waxay hormarsadeen (oo gaf ah) dartiis, Eebana waa ogyahay kuwa daalimiinta ah. (8) Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla
kulmi, markaasaa laydiin eelin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu
idinka warrami (idinka jaasin)
waxaad camal falayseen. (9) Kuwa xaqa
rumeeyow marka laysugu yeedho Salaadda Maalinta Jimcaha ah aada xusidda Eebe,
wax gadashadana ka taga, saasa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og. (10) Markase Salaadda la dhammeeyo Dhulka ku kala faafa,
dalbana (doona)
khayrka Eebe, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan. (11) Markay arkaan tijaaro (Ganacsi) ama Ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (Khudbo akhrin) waxaad dhahdaa
waxa Eebe agtiisa ah yaa ka khayr badan Ciyaar iyo Ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta
wax arsaaqda.
Al-Munaafiqoon
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Markay kuu timaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu
waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Eebe, Ilaahayna waa
ogyahay inaad tahay, rasuulkiisii Eebana wuxuu marag ka yahay inay
Munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xaqa niyada). (2) Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen
gaashaan, dadkane waxay ka iileen Jidkii Eebe, waxay samayna aad buu u
xunyahay. (3) Saas waxaa ugu wacan inay (xaga muuqda) rumeeyeen haddana (hoosta) ka gaaloobeen,
Quluubtoodana waa la daabacay (la daboolay) wax xaq ahna ma kasayaan. (4)
Haddaad aragto Munaafiqiinta waad la yaabi Jidhkooda, muuqooda, hadday
hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse moodaa dogobyo la tiirtiiriyey,
qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa Col kuwaasi, Eebena ha lacnado ee xagee loo
duufsan. (5) Marka lagu dhaho Munaafiqiinta
kaalaya ha idiin dambi dhaaf weydiiye Rasuulka Eebe waxay ruxaan Madaxa (diico darteed) waxaad aragtaa
iyagoo jeedsan oo iskibrin. (6) Waa isku mid
haddaad u dambi dhaaf weydiisid (Nabiyow) iyo haddii kale, marnaba Eebe u dambi dhaafi mahayo, maxaa
yeelay Eebe ma hanuuniyo dad Faasiqiin ah. (7) Waa kuwa dhihi (Munaafiqiintu) ha quudinina kuwa
Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebaa iska leh khasnadaha Samaawaatka
iyo Dhulka, haseyeeshee Munaafiqiintu ma fahansana. (8)
Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi
ka bixiyaan Magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo Sharaf Eebaa iska leh
Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta, haseyeeshee Munaafiqiintu ma oga. (9) Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idin ka shuqlinin Xoolihiinnu
iyo Caruurtiinnu xuska Eebe (daacaddiisa) Ciddii saas fashaana waa mid khasaartay. (10) Bixiyana wax ka mid ah waxa Eebe idinku arsuqay geerida
horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Eebow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa
suubanna aan ka mid noqdee. (11) Naf malageed
galayna Eebe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad Camal falaysaan.
At-Taghaabun
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa Eebe nasaha (weyneeya) waxa Samaawaatka (Cirka) iyo Dhulka ku
sugan awood iyo mahadbana Eebaa iska leh, wax walbana isagaa kara. (2) Eebe waa kan
idin anbuuray qaarkiinna gaaluu noqday, qaarkiinna Mu'miniin, Eebana waxaad
Camal falaysan waa arkaa. (3) Samaawaatka (Cirka) iyo Dhulkaba wuxuu
Eebe u abuuray si xaq ah, wuuna idin sawiray Eebe, dadoow suuraddiinana wuu
wanaagjiyey, isagaana loo noqon (Ahkhiro). (4) Wuxuu ogyahay
waxa samaawaatka (Cirka) iyo
Dhulka ku sugan, wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan,
Eebana waa ogyahay waxa laabta (Qalbiga) ku jira. (5) Miyuuna idin soo
gaarin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey, waxay dhadhamiyeen xumaantii
camalkoodii, waxaana u sugnaaday caddibaad daran. (6)
Arrintaas waxaa ugu wacan in Rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen (Gaaladii) ma dadbaa na
hanuunin ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtoonaysiiyeen (weynaysiiyeen) Eebe, Eebana waa
midka hodanka ah lana mahadiyo. (7) Waxay sheegeen
kuwii gaaloobay inaan la soo bixinaynin, waxaad dhahdaa saas ma aha, Eebaa wuxuu
ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen,
taasina waa u fududahay Eebe. (8) Ee rumeeya Eebe
iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Eebe soo dejiyey (Quraanka) Eebana waxaad camal falaysaan waa ogyahay. (9) Maalinta qiyaamada ee Ilaahay idin soo kulmin waa maalin
kado, ruuxiise Ilaah rumeeya camal wanaagsanna fala Eebe xumaantiisa (dambigiisa) wuu asturi,
wuxuuna galin Janooyin ay dhex dureeraan Wabiyaal way kuna waaraan waligood,
taasina waa liibaan weyn. (10) kuwa
gaaloobayse beeniyeyna Aayaadka Eebe waa kuwa Ahlu Naar ah waxayna ku waari
dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun. (11) Wixii Musiiba
ah (dhib ah) oo dhaca waa
idinka Eebe, ruuxiise Eebe rumeeya waxaa hanuuni (oo
xasili) qalbigiisa, Eebana wax walba waa
ogyahay. (12) Eebe adeeca Rasuulkiisana adeeca,
haddaadse jeedsataan (xaqa diidaan) waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaargiiyo. (13) Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isaga uunna ha tala
saarteen Mu'miniintu. (14) Kuwa xaqa
rumeeyow Haweenkiinna iyo Caruurtiina waxaa ka mid ah kuwo Col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse
iska cafidaan saamaxdaanna Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ah. (15) Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo) Eebe agtiisaase
ajir weyn (ku sugan yahay). (16) Eebe ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana (weyneeya), waxna baxsada,
ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay. (17)
haddaad Eebe amaah fiican amaahsataan (wax sadaqaysataan) Eebe waa idiin laab laabi, dambigiinana wuu dhaafi, Eebana
waa kan la
mahadiyo ee ee dusha san. (18) waxa maqan iyo
waxa joogaba Eebe wa ogyahay waana adkaade Falsan.
At-Talaaq
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Nabiyow haddaad haweenka
furaysaan Cidada ku fura (daahir aan la taaban) Cidadana tiriya, Eebana ka dhawrsada, hana ka bixinina
Guryahooda (ay joogeen markay la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyan ka tagin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduudii
Eebe, ruuxii ka tallaba xuduuda Eebena naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu
Eebe u dhawyahay inuu ka dib xaal keeno, (jacayl isku noqosho). (2) Markay Cidada
dhamaadkeeda (ku dhawaadaan) si
fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa, dad caadiliina oo idin ka mid ahna
marag uga dhiga, maragana ha u guteen Eebe dartiis, xaalkaasi waa wacdi ruuxii
rumayn Eebe iyo Maalintii dambaysay «yiaamada» ruuxii Eebe ka dhawrsadana wuxuu
u furi faraj. (3) Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka
filanayn, ruuxii Eebe tala saartana waa ku filan yahay, Eebana amarkiisu waa
fuli, (waxna kama
fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti
sugan (oo go'an). (4) Haweenkiinna Caadada ka quustay haddaad shakidaan
Cidadoodu waa seddex bilood, kuwaan Caada lahayn waa sidaas oo kale, Haweenka
uurka leh cidadoodu waa inay umulaan (dhalaan), ruuxii Eeb ka dhawrsadana wuxuu u fududayn amarkiisa. (5) Kaasi waa amarkii Eebe uu idiin soo dejiyey, ruuxii Eebe
ka dhawrsadana xumaantiisuu asturaa ajirkiisana wuu weyneeyaa. (6) dejiya Haweenkaas (cidada ku jira) meelahaad dagan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si
aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna nafaqeeya (masruufa) intay ka umuulaan (kadhalaan), hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is fara,
haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa nuujin. (7)
Haka nafaqeeyo (masruufo)
midka awood xoola leh awooddiisa, kan wax yarna haka nafaqeeyo waxa Eebe siiyey
(ee uu karo), Eebana kuma
mashaqeeyo naf wuxuusan siinin, Eebana wuxuu yeeli cidhiidhi dabadiis fudayd (faraj). (8) Maxay badan tahay Magaalo Caasiday amarka Eebe iyo
Rusushiisa, markaas Eebe xisaabay xisaab daran caddibaad adagna caddibay. (9) oo dhadhamisay Cidhibtii xaalkaa xumaantiisa,
cidhibteediina ku dambaysay khasaare. (10) Eebe wuxuu u
darbay kuwaas Caddibaad daran, ee Eebe ka dhawrsada kuwa Caqliga lahaw
rumeeyeyowna, Ilaahay wuxuu idiin soo dejiyey Quraane. (11)
Rasuulna wuu idiin soo diray kassoo idiin akhriya Aayaadka Eebe ee cad cad si
uu kuwa Mu'miniinta ah camal wanaagsanna falay uga bixiyo mugdiga Nuurkana ugu
bixiyo mugdiga Nuurkana ugu bixiyo, ruuxii Eebe rumeeya camal wanaagsanna fala
wuxuu gelin Jannooyin ay dureerayso dhexdeeda Wabiyaal wayna ku waari waligood,
Eebe waa wanaajiyey kuwaas risqigooda. (12) Eebe waa kan abuuray Todobo Samo
Dhulkana kala mid dhigay, amarka Eebena wuxuu ku soo degaa dhexdooda, si aad u
ogaataan in Eebe wax walba karo wax walbana koobay.
At-Tahrim
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Nibiyow maxaad u xarrimi
wax Eebe kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso Haweenkaaga, Eebe waa dambi
dhaafe naxariista ah. (2) Eebe waa idiin
caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi, Eebena waa gargaarihiinna, waana wax
walba oge falsan. (3) Ma xusuusan
Waqtigii Nabigu ku qarsaday Haweenkiisa Qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay
xaalkii, Eebana uu Nabiga u daahiriyey, markaas Nabigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweenaydii) qaarna uu ka
dhaafay, markuu u warramay ay tiri yaa kuu sheegay xaalkan kuna yiri: waxaa ii
warramay Eebaha wax walba oge ah ee yaqaana. (4)
Haddaad Eebe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay (Eebe
wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari
Eebe, Jibriil iyo kuwa suuban ee Mu'miniinta ah Malaa'igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin. (5)
Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka
Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr
roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda,
Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh. (6) Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar
lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa'ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro,
falana wixii la amru. (7) Kuwa Gaaloobow
ha cudur daaranina maanta (Qiyaamada) waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal fali jirteen. (8) Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu
Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso
dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga,
nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel
Nuurkanaga noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee. (9)
Nabiyow la jihaad gaalada iyo Munaafiqiinta kuna adkow, hoygooduna waa
Jahannamo meel loo ahaadana iyadaa u xune. (10) Eebe wuxuu
tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh, waxa
qabay Laba Addoon oo Eebe oo suusuuban, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana
ugama ayan tarin Eebe agtiis waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta
kuwa gelaya. (11) Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga
dhigay kuwa rumeeyey Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga
dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad
geli dadkaas daaliminta ah. (12) Maryama bintu
cimraanna xusuusta ee isdhawrtay, markaas malagu jeebka ka afuufay, rumaysayna
Sharciga Eebe iyo Kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Eebe adeeca.
Juz' 29
Al-Mulk
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku
awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara. (2) Eebaha abuuray
geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa
adkaade dambidhaafe ah. (3) Eebe waa midka
abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka
ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah. (4) Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo
dhiban daallanna. (5) Eebe wuxuu ku
quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta,
Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro. (6)
Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo
ahaadana iyadaa u xun. (7) Marka Gaalada
lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa. (8) waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala
dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa'igta Naarta ka shaqeysa
iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga. (9)
Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma
soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn. (10) Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan
wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen. (11)
Waxay kirteen (Gaaladu) dambigoodii
waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda. (12)
Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn. (13) Ama hadalka hoos dhiga dadow ama kor u qaada Eebe waa
ogyahay waxa laabta ku jira. (14) Ma waxaan wax
ogeyn Eebaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan. (15)
Eebe waa kan
Dhulka ka dhigay mid laylan ee ku socda Waddooyinkiisa kana Cuna Quudkiisa
Eebaana Dadku loo soo kulmin (Qiyaamada). (16) Miyaad ka aamin
noqoteen Eebaha Sare inuu Dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo. (17) Miyaadse ka aamin noqoteen Eebaha Sare inuu Dhagaxyo
Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digiinta Eebe Cidhibteeda. (18) Waxaa Eebe beeniyey Gaaladii (reer
Makaad) ka horreeyey, sidayse ahayd Ciqaabti
Eebe. (19) Miyeyna dadku arkaynin Shimbirka
korkooda ah marna baalka fidin marna laabi wax haya oon Eebaha Raxmaan ahayna
uusan jirin, Eebana wax walba wuu arkaa. (20) Waa kuma
Gargaaraha Eebaha Raxmaan ah ka soo hadhay ee u gaargaari Gaalada, Gaaladu
waxay ku sugan yihiin kadsoomid. (21) Waa kuma kan wax quudiya haddii
Eebe haysto Risqigiisa, Gaaladu waxay ku Madax adaygeen isla weyni iyo Xaq
diidnimo. (22) Midkee wanaagsan Ruux Wajiga k
socda iyo mid si toosan oo siman Wadda Toosan ugu socda. (23)
Dheh Nabiyow Eebe waa midka Dadkow idin ahaysiiyey, Maqal iyo Arag iyo Caqlina
idiin yeelay, wax yar baadse Eebe ku shukridaan. (24)
Dheh Eebe waa midka dadkow Dhulka idinku beeray isagaana (Qiyaamada) loo soo kulmin doona Dadka. (25)
Waxay dhihi Gaaladu waa goorma Waqtiguu dhici waxa naloogu gooddin haddaad run
sheegaysaan. (26) Dheh Eebaa og goortaas, waxaanse
ahay Anigu u dige Cad (muuqda). (27) Markaysa
Gaaladu Naarta oo u dhow arkaan waxaa xumaan oo doorsoomi Wajiga Gaalada,
waxaana lagu dhihi waaka Cadibaaddii aad ddonayseen (dedejisanayseen). (28) Dheh balse ka
warrama haddii Eebe aniga (Nabiga) iyo inta ila jirta uu halligo ama u naxariisto yaa Gaalo
ka korin Caddibaad daran. (29) Dheh Eebe waa
Raxmaan waana rumaynay, waana Tala saaranay, waadse ogaan doontaan (Gaalooy) Cidda Baadi Cad ku
sugan. (30) Dheh balse Warrama hadday Biyuhu
Dhulka ku gudhaan yaa idin siin Biya durduri (ma
jiro Eebe waxaan ahayn).
Al-Qalam
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba
Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka). (2) Ee Nabiyow
Nicmada Eebe darteed lama waallid. (3) Waxaana kuu
sugnaaday Ajri aan go'ayn. (4) Waxaana kuu
sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. (5) Waad arki
doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan. (6)
kinna waalan (ama la caddibo). (7) Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay
Cidda hanuunsan. (8) Ee Nabiyow ha maqlin xaq
beeniyayaasha (Warkooda). (9) Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
(10) Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan. (11) oo Xanlow ah, isku diraa ah. (12)
Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah. (13)
Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah). (14) inuu Xoolo iyo Wiilal
uu leeyahay darteed (yuu saas u falay). (15) Marka
Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii. (16) wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka. (17) Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer
Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay
ku dhaarten inay Aroortii goostaan. (18) Iyagoon dhihin
haddii Eebe idmo. (19) Waxaase Beertii
xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda. (20) Waxayna noqotay
wax la shafay oo kale. (21) wayna isu
dhawaaqeen Subaxdii. (22) iyagoo leh
kallaha oo beerta goosta. (23) wayna tageen
iyagoo Codka hoos u dhigi. (24) inaan Beerta
maanta Miskiin soo gelin. (25) Wayna kallaheen
iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo). (26) Markay ay
arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay. (27) haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la
ina hoojiyey. (28) Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana
idin dhihin war Eebe weyneeya. (29) Markaasay
dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay. (30) Markaasaa
qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali. (31)
Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay. (32)
Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka
rajaynaynaa eh. (33) Caddibaaddu waa saas Caddibaadda
Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. (34) Kuwa Eebe ka
dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». (35) Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
(36) Seed u dhihi kartaan saas. (37)
Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. (38)
oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. (39) Mise ballan adag
yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan. (40) Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. (41) mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen
kuwaas hadday run sheegi. (42) Maalinta
dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma
karayaan Sujuud. (43) Indhaha Gaaladu Maalintaas
waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray
Sujuud iyagoo nabad qaba. (44) Isu kaana daa
aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn. (45) Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog
badan yahay. (46) Nabiyow ma waxaad weydiisatay
Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey. (47) Mise waxa maqan
yaa aktooda yaal ooy wax ka qori. (48) Ku samir
Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga
Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo
walbahaarsan. (49) Haddan naxariista Eebe haleelin
waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay. (50) Waxaase doortay
Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan. (51) Waxay u dhow
yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka
waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu). (52) Quraanka iyo
Nabiguna waa uun waanada Caalamka.
Al-Haaqqa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan). (2) Xaaqo maxay tahay. (3) inaadan aqoon ma
laga yaabaa xaaqada. (4) Waxa beeniyeen
Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada. (5) Thamuudse waxaa
lagu halligay Qaylo daran. (6) Caadna waxaa
lagu halligay Dabayl daran oo qabow. (7) oo lagu diray
korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa
iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay). (8) wax ka hadhay
miyaad aragtaa. (9) Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa
jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi
Luudh Qoomkiisi). (10) Waxay Caasiyeen
rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay. (11)
Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow
yaalkiin) Doontii. (12)
si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha. (13)
Marka Suurka la afuufo hal mar. (14) Dhulka iyo
Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar. (15)
Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa. (16) Samaduna
Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan. (17)
Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa
dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag. (18)
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro. (19) Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya
Kitaabkayga. (20) Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi
Xisaabtayda. (21) wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol
laga raalli yahay. (22) Wuxuuna geli «Janno»
sarreeysa. (23) Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran). (24) Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan
Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii). (25) Ruuxiise
Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin
Kitaabkayga. (26) Xisaabtaydana maanan ogaanin. (27) Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday. (28) Xoolahaygi wax iima tarin. (29)
Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii). (30) Waxaa loo odhan
qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira. (31)
Naarta Jahannamada geliya. (32) Markaas geliya
Silsilad Todobaatan dhudhun ah. (33) maxaayeelay
wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn. (34) aana fari jirin
in Masaakiinta wax la siiyo. (35) Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib. (36) Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka». (37) Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada). (38) Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad
ah). (39) iyo waxaydaan
arkayninba. (40) ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u
soo dhiibay Rasuul Sharaf leh. (41) Hadal gabayaana
ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa). (42) Hadal wax
sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan. (43) (Qur'aanku) wuxuu ka soo degay
Eebaha Caalamka. (44) Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). (45) Waxaanu ku qaban gacan adag. (46)
Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. (47) Ruux idinka mid
ah oo naga eelinnna ma jiro. (48) Qur'aankuna waa
waanada kuwa Eebe ka dhawrsada. (49) Waxaan ognahay
inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka). (50) Qur'aanku waa
qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame). (51) Qur'aanka waa
run dhab ah. (52) Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe
ee weyn.
Al-Ma'aarij
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Midbaa wuxuu Eebe warsaday
in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). (2) Caddibaadaasna
wax Gaalada ka Celin ma jiro. (3) Waxayna ka imaan
Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. (4) Ee
Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun
oo Sano. (5) Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. (6) Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. (7) Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay. (8) Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la
dhalaaliyey oo kale. (9) Buuruhuna ay
noqon Suuf la tifay oo kale. (10) Sokeeyana uusan
sokeeye wax warsanaynin. (11) Wayna is
arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda
Caruurtiisa. (12) Haweenaydiisa, Walaalkiis. (13) iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. (14)
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. (15)
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). (16) Waxayna siibi
Galka (Madaxa iyo Jirka). (17) Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. (18) Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon
xaqa ku bixinin). (19) Dadka waa la
abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. (20) Haddii dhib
taabto wuu argagaxaa. (21) Hadduu khayr
helana wuu reebaa. (22) Marka laga
reebo Muslimiinta tukata. (23) Ee ah kuwa
Salaaddooda daa'ima. (24) Kuwa
Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. (25) Siiyana kuwa
baryootama iyo kuwaan wax haysan. (26) Kuwa rumeeya
Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). (27) Kuwa ka
Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. (28) Maxaa yeelay
Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. (29) Kuwa ka
ilaaliya Xubinta (dhalmaha)
sino. (30) 30
Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. (31) Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. (32) Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. (33) Kuwa maraggooda si fiican u furay. (34)
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). (35) Kuwaasi waxay
geli Jannooyin lagu Sharrifo. (36) Maxaa u
sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo
beenin). (37) Iyagoo midigta
Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. (38) Ma wuxuu damci
Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima. (39)
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. (40)
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. (41) Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana
dheerayn karaan. (42) Ee iska dhaaf ha dhumbadeen
eh (xumaanta) hana Ciyaareen
intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. (43)
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan
Calaamo loo taagay (xaggooda). (44) Aragooduna waa
dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna
waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).
Nooh
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Annagaa Nabi Nuux u dirray
Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed. (2)
Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda» (3) ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca. (4) Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo
Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax
ogtihiin. (5) Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u
yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar. (6) Yeedhiddayduna
uma siyaadinin waxaan caraar ahayn. (7) Markasta oo aan
u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda,
maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is
weyneeyaan. (8) si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka
dhexdiisa» (9) Waana u qaylyey, hoosna waan ugu
yeeray. (10) Waxaana ku idhi Eebihiin dambi
dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance. (11) Cirkana Roob
badan ha idinka keenee. (12) Hana idiin
kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal. (13) Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen. (14) Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala
duwan. (15) Miyaydaan arkaynin sida Eebe u
Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran. (16) Dayaxana uga
yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad. (17)
Eebe waa Kan
idinka soo Bixiyay Dhulka. (18) Haddana idinku
Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona. (19)
Eebe waa kan
Idiinka yeelay Dhulka gogol. (20) Si aad ugu
socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn. (21) (Nabi) Nuux wuxuu yidhi
Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu
waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin. (22) Dhagar waynna
way Dhakreen. (23) Waxay isu Dheheen ha ka tagina
Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo
Nasri. (24) Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee
Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn. (25)
Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka
soke gargaare, (26) Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga
tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna. (27) Maxaayeelay
Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
(28) Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii
gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta
waxaan halaag ahayn.
Al-Jinn
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay
waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh. (2) Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada
la wadaajinhaynana ma jiro. (3) Waxaana Sarreeya
sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna. (4)
Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe. (5) Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe
ku beensheegaynin. (6) Waxayna ahaayeen
kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u
kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub). (7) Waxayna jinnigu
u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna. (8) Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda
Ilaalin daran iyo danabyo. (9) Waxaana ahayn
kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta
hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi». (10)
Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la
Doonay hanuun (iyo khayr). (11) Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan
nahay kooxa kala duwan. (12) Waxaanna
Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin
Cararid. (13) Markaan Maqallay hanuunkana waan
Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama
yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna. (14) Waxaa naga mida
Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun. (15) Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo. (16) Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan. (17)
Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran.
(18) Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina
«caabudina» Eeb Cid kale. (19) Markuu istaagay
Addoonkii Eebe (Nabigu)
isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan. (20) Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana
wadaajinmahayo cidna. (21) Waxaad dhahdaa
idiin ma hanto shar iyo khayr midna. (22) Waxaad Dhahdaa
cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo. (23) Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo
Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta
Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda. (24) Markay Gaaladu
Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana
yaryahay. (25) Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu
Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli. (26) Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna. (27) Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah,
Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin. (28) Si Eebe u
muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda
ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.
Al-Muzzammil
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Nabiga) Isduuduubayow. (2) Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee. (3) Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar. (4) Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican. (5) Annagaa Kugu Dakin Hadal Culus (wayne). (6) Habeenka
Saacadihiisa (oo la tukado) yaa
ku daran khushuucda Aadna u toosan. (7) Maalintii waxaa
kuu sugnaaday shaqa Dheer. (8) Magaca Eebana
xus cibaadadiisana u go'. (9) Qorrax ka soobax
iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo
wakiil (la cuskado). (10) kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga
hijroo (iskaga tag). (11) Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee
Nicmaysan wax yarna Sug. (12) Agtannada waxaa
ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo. (13) Iyo cunno lagu
Margado iyo Cadaab daran. (14) (waxay ku dhiei Arrintaasu) Maalinta
Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda. (15) Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu
dirray fircoonba Rasuul. (16) Fircoonna wuu
Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran. (17) Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda
Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan. (18) Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci
Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici. (19) Aayadahani Waa
waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho. (20)
Eebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood
laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira
ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay
inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin
Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo
kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee
akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya
Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna
waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri
wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste.
Al-Muddaththir
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) (Nabiga) Isadadayow. (2) Istaag oo dig. (3) Eebahaana waynee. (4) Dharkaagana
daahiri. (5) Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada). (6) Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad
Bixisay). (7) Eebahaa
Dartiisna u Samir. (8) Marka Suurka (yiaame) la Afuufo. (9) Maalintaasu waa maalin ku Daran. (10)
Gaalada oon u Fududayn. (11) Isukaanna daa
Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa. (12) Una yeelay
Xoolo Badan. (13) Iyo Wilaal Jooga oo «Darban». (14) Aan una waasiciyay Risqiga. (15)
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo. (16) Saas ma aha, ee
kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga. (17) Waxaana ku
kalligi (Ku Dhibi)
Cadaab daran. (18) Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna
Goostay. (19) Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u
goostay. (20) Haddana waxaa loo Lacnaday siduu
wax u goostay. (21) Kadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo). (22) Wuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay. (23)
Markaasuu jeedsaday oo is Kibriyay. (24) Isagoo Dhihi
quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn. (25)
quraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn. (26)
waxaannu galin kaas (Naarta) saqara. (27) Ma taqaannaa
Naarta Saqara. (28) Hilib iyo laf midna ma Reebto. (29) waxayna Doorisaa jidhka (oy
Gubtaa). (30) waxaana kor
jooga (ka shaqeeya)
sagaal iyo toban malag (ama saf). (31) Ugama Aannaan
yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu
ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay
kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la
siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe
muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una
Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan
la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee. (32)
Waxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye. (33) Iyo Habeenku
Markuu Jeedsado. (34) Iyo Subaxu markuu iftiimo. (35) Ee Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka). (36) Waana Digniinta Dadka. (37)
Ruuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay). (38) Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay. (39) Hase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu
khayrka). (40) Waxay gali
Jannooyin, waxayna iswaydiin. (41) Dambiilayaasha.
(42) Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara. (43) Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.
(44) Mana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka. (45) Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban. (46) Waxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada). (47) Ilaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu). (48) Ma anfacayso
kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca. (49) Maxaase u
sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan. (50) ood u moodaa
Dameero Diday. (51) oo ka Cararay libaax. (52) Haddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab). (53) Saas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro. (54) Waxaa sugan in Quraanku waana yahay. (55) Ruuxii Doona yaana waantoobi. (56) Mana
Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado,
wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo.
Al-Qiyaama
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaan ku dharaan maalinta
qiyaame. (2) Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin). (3) Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin
lafihiisa. (4) Saas ma aha ee waan karraa inaan
sinno (soona Celinno)
Farihiisa. (5) Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan
waxa ka horreeya. (6) Wuxuu waydiin
waa Goorma Maalinta Qiyaame. (7) Markase Araggu
Wareero (Taagmo). (8) Dayuxuna Madoobaado. (9)
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa. (10) Wuxuu Dhihi
Dadku Maalintaas xagee loo cararaa. (11) Saas ma aha ee
ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee). (12) Xagga Eebahaa
yaana Maalintaas loo ahaan. (13) Waxaa looga
warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday. (14) Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri. (15) Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma
tarto). (16) Ha Dhaqaajinin
Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa). (17) Annagaa
Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi. (18) Ee Markaan
akhrino Raac Akhriskiisa. (19) Annagaana
isasaarray Cadaayntiisa. (20) saas ma aha Ee
waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada). (21) Waxaadna ka
tagaysaan aakhiro. (22) Wajiyaal
Maalintaas way ifi. (23) Eebeheedna way
Eegi. (24) Wajiyaalna Maalintaas way
kaduudsami. (25) Waxayna hubtaa in lugu fali
Balaayo. (26) Saas ma aha ee markay naftu gaadho
Duunta (Waqtiga Geerida). (27) Oo la Dhoho uaa ku tufi. (28)
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman. (29) Oo labada
Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis). (30) Eebahaa
Xaggiisaa la aadi. (31) Mase Rumaynin
Gaalku Xaqa mana tukannin. (32) Laakiin wuu
Beeniyay wuuna Jeedsaday. (33) Wuxuuna aaday
Ehelkiisii isagoo kibirsan. (34) Halaag Buuse
Mutaa. (35) Haddana Halaagbuu Mutaa. (36) Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan). (37) Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo. (38) Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana. (39) Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. (40) Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo
wixii Dhintay.
Al-Insaan
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Dhab ahaan waxaa dadka soo
maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin). (2) Annagaa ka
abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax
maqle wax arka ah. (3) Annagaa Dadka
tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan. (4)
Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira. (5) kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu
Dheehay kaafuur. (6) Waa il ay ka Cabbaan
Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan, (7) Wayna oofiyaan
Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada). (8) Waxayna
Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban). (9) Iyagoo Dhihi
waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq
Midna. (10) Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin
(wajigu) doorsoomi oo
Daran. (11) Eebana waa ka Dhawray sharka
Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax. (12) Wuxuuna ku
abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir. (13)
Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna. (14) Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo
Raariciyay Midheheeda. (15) Waxaa lala kor
socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah. (16)
Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan. (17)
Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil. (18) Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka
cabbi). (19) Waxaana u
ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay. (20) Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf
wayn. (21) Dharkooduna (Ehlu
Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo
Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka
waraabiyaa sharaab nadiifah. (22) Kaasi waa
Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay. (23) Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay. (24) Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo
Gaalnima Badane (warkiis). (25) Xus magaca Eebe subax iyo Galabba. (26)
Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u
tuko) waqti Dheer. (27)
Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada). (28) Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan
Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah. (29)
Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo. (30) Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa
wax walba oge falsan. (31) Wuxuu galiyaa
naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.
Al-Mursalaat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. (2)
iyo Dabaysha sida daran u dhabata. (3) Iyo Dabaysha roobka kicisa. (4)
Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa. (5) iyo malaa'igta waxyiga soo
Dajisa. (6)
Si Dadka loo waaniyo looguna digo. (7) Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. (8)
Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. (9) Oo samadu Dildillaacdo. (10)
Oo Buuraha la Rujiyo. (11) Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo
Dadkoodii).
(12)
Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed. (13) In dadka la kala Bixiyo Dartiis. (14)
Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. (15) Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniyay. (16)
Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore. (17) Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe. (18)
Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. (19) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniya. (20)
Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar. (21) Markaasna yeellay meel ilaashan. (22)
Tan iyo Muddo la yaqaanno. (23) Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u
Fiican. (24)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (25) Miyaanaan ka yeelin Dhulka
kafaalaqaade. (26)
Nolol iyo Geeriba. (27) Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro
sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. (28) Halaagna wuxuu u sugnaaday
Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (29) Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin
Jirteen. (30)
Aada hoos (Qiiba
naarta)
oo saddex madax ah. (31) Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. (32)
Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. (33) Ama aad Mooddo geel madaw
ah. (34)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (35) Taasina waa maalin aynan
hadlaynin Dadku. (36) Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. (37) Halaagna wuxuu u sugnaaday
maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (38) Maalintan waa maalintii kala Bixinta,
Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. (39) Ee Haddaad wax Dhagrikartaan
i Dhagra. (40)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (41) Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay
ku sugnaan hoos iyo ilo; (42) (Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan. (43)
Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis. (44)
Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala. (45) Halaagna wuxuu u Sugnaaday
kuwa xaqa Beeniya. (46) (Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar,
waxaad tihiin Dambiilayaale; (47) Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa
xaqa Beeniyay. (48)
Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan. (49) Halaagna wuxuu u sugnaaday
Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (50) Hadalkeebay Quraanka Dabadiis
Rumaynhayaan.
Juz' 30
An-Naba
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). (2) Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada
ama Quraanka). (3) Ay isku
diiddanaayeen. (4) Saas ma aha ee way ogaan donaan. (5) Haddana way ogaandoonaan (wa xa
ka dhaca). (6) Miyaannaan
Dhulka gogol ka yeelin. (7) Buurahana
Rukummo (ka yeelin). (8) Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. (9)
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. (10) Miyaannaan
Habeenka asturaal idiinka dhigin. (11) Miyaannaan
Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. (12) Korkiinna
miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. (13) Miyaannaan
dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). (14) Waxaan idiinka
soodajinnay daruuraha biyo badan. (15) Si aan ugu soo
bixinno Midho iyo Daaq. (16) Iyo Beero
kulansan (badan). (17) Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. (18) Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
(19) Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. (20) Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. (21) Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. (22) (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. (23)
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. (24) Mana ku
dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. (25) Waxaan ahayn
biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). (26) Waxaana lagu
abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. (27) Waxayna
ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. (28) Waxayna
beeniyeen Aayaadkannaga. (29) Wax walbana
waxaan ku koobnay Kitaab. (30) Ee dhadhamiya
Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. (31) Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. (32) Beero iyo Cinabyana way heli. (33)
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg. (34) Waxayna heli Cabbid
wanaagsan. (35) Jannada kuma dhexmaqlaan hadal
macna la'aan ah iyo is beenin midna. (36) Waa abaalmarin
Eebe uu siiyay oo ku filan. (37) Eebaha Samada
iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna
ma jiro (Qiyaamada). (38) Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli
ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. (39)
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka
samaysto. (40) Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad
dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu
dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.
An-Naazi'aat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). (2) Iyo tan si fudud
uga qaadda (mu'miniinta). (3) Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si
amar fulin). (4) Iyo tan u
orotanta wanaagga. (5) Iyo kuwa Maamula
amarka (Eebe). (6) Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). (7) Oyna raaci tii
dambe (waa sugantahay). (8) Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. (9)
Araggeeduna wuu dullaysnaan. (10) Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa
naloo celin (Adduunkii). (11) Markaan noqonno Lafo duugoobay. (12)
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. (13)
Waa uun Hal Qaylo kaliya. (14) Dadkuna markaas
ay Dhulka kor iman. (15) Ma ku soo
gaadhay warkii (Nabi)
Muuse. (16) Markii Eebe uga yeedahy Toggii
barakaysnaa ee Dhuwa. (17) Kuna yidhi u
tag Fircoon wuu xadgudbaye. (18) Oo ku dheh ma
rabtaa inaad daahir noqotid. (19) Oon Eebe
Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. (20) Wuxuuna tusiyay
(Nabi-Muuse) Aayad wayn. (21) Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). (22) Wuuna jeedsaday
isagoo xumaan la socda. (23) Wuxuuna
kulmiyay (Askartii) una
Qaylyay. (24) Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna
sare. (25) Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo
Adduunba. (26) Arrintaasna waano yaa ugu sugan
Ruuxii Eebe ka yaabi. (27) Ma idinkaa
daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. (28) Korna yeelay
jurmigeeda ekeeyayna. (29) Habeenkeedana
madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). (30) Dhulkana
markaas ka dib fidiyay. (31) Biyahiisa iyo
Daaqiisana soo bixiyay. (32) Buurahana
sugay. (33) Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu
nacfidaan. (34) Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). (35) Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. (36) Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. (37) Ruuxiise xadgudba. (38) Nolosha
Adduunyana doorta. (39) Wuxuu ku
dheelman Naarta Jaxiimo. (40) Ruuxiise ka
yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). (41) Wuxuu u
dheelman Janno. (42) Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. (43) Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. (44)
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. (45) Adugu waxaad
tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. (46) Waxay la mid
noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).
Abasa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Wajiguu u uruuriyay oo
jeedsaday (Nabigu). (2) Inuu u yimid kii Indhaha la'aa. (3)
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo. (4) Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo. (5) Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana
waynaada). (6) Ma; Adaa u
bambixi. (7) Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
(8) Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi. (9) Oo Eeba ka yaabi. (10) Miyaad ka
shuqloomi. (11) Saas ma; aha ee Aayadahani waa
waano. (12) Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
(13) Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh. (14) Oo la kor
yeelay lana Daahiriyay. (15) Oy Gacanta ku
hayaan Malaa'ig (wax qorta). (16) Sharafna leh oo baarri ah. (17)
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa. (18) Muxuu Eebe ka
abuuray kuwaas. (19) Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
(20) Jidkana wuu u fudaydiyay. (21)
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa. (22) Markuu doonana
wuu soo bixin. (23) Saas ma; aha (ee
Dadku) wixii la faray ma yeelin. (24) Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa. (25)
Inaan Roob ku soo shubno. (26) Dhulkana
markaas aan jeexno. (27) Kana soo
bixinno Midho. (28) Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha) (29) Iyo Zeytuun iyo Timir. (30)
Iyo Beerow waawayn. (31) Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq. (32) Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu. (33) Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka). (34) Waa maalinta
Ruuxu ka carari Walaalkiis. (35) Iyo Hooyadiis
Iyo Aabihiis. (36) Iyo Haweeneydiisii iyo
Carruurtiisii. (37) Ruux walbana Maalintaas waxaa
shuqlin xaalkiisa. (38) Wajiyaal
Maalintaas way Nuuri (Farxi). (39) Wayna Qosli oy
bishaaraysan. (40) Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka
muuqan Dulli. (41) Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin). (42) Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).
At-Takwir
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada). (2) Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow). (3) Buurahana la
kexeeyo (La rujiyo). (4) Geelii rimmanaana la halleeyo. (5)
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed). (6) Badahana la
kululeeyo. (7) Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo. (8) Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado. (9) Maxaa dambi ah oo loo dilay. (10)
Kutubta (camalkana) la
fidiyo. (11) Samadana la rujiyo. (12) Naarta Jaxiimana la huriyo. (13)
Jannadana la dhaweeyo. (14) Waxay ogaan
nafu waxay camal fashay. (15) Waxaan ku
dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii). (16) Ee socda
iftiinka Qorraxdana ku qarsooma. (17) Iyo Habecnku
markuu jeedsado. (18) Iyo subaxu markuu soo
qaabilo. (19) Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona
raray Malag sharaf lah. (20) Xoogna leh Eeba
agtiisana Daraja ku leh. (21) Laguna addeeco
halkaas aaminna ah. (22) Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan. (23) Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka). (24) Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan. (25) Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay. (26) Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan. (27)
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa
waano). (28) Ruuxii doona
inuu toosnaado (yuuna u yahay). (29) Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.
Al-Infitaar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Markay Samadu
Dildillaacdo. (2) Xiddiguhuna daataan. (3) Badahana laysku furo. (4)
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii). (5) Waxay ogaan nafu
waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay. (6) Dadow maxaa kugu
kadiyay Eebahaaga sharafta leh. (7) Ee kii ku
abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay. (8) Siduu doonana
kuu sameeyey. (9) Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan
abaal marinta. (10) Malaa'ig baana idin ilaalinaysa. (11) Oo sharaf leh waxna qori. (12)
Ogna waxaad falaysaan. (13) Kuwa wanaagsani
waxay gali Naciima. (14) Kuwa xun Xunna
waxay gali Jaxiimo. (15) Wayna ku guban
Maalinta abaalmarinta. (16) Kamana
maqnaadaan Naarta. (17) Maalinta
abaalmarinta ma taqaannaa. (18) Haddana ma
taqaannaa Maalinta abaalmarinta. (19) Waa Maalinta
ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.
Al-Mutaffifin
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Wuxuu Halaag u sugnaaday
kuwa xaqa nusqaamiya. (2) Waa kuwa markay
miisina oofsada (dhammaystirta). (3) Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. (4) Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. (5) Maalin wayn darteed (Qiyaamada). (6) Maalinta Dadku u
istaagi Eebaha Caalamka. (7) Saas ma aha ee
Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. (8) Ma
taqaannaa Sijiin. (9) Waa Kitaab
calaamaysan. (10) Halaagna wuxuu u sugnaaday
Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). (11) Ee ah kuwa
beeniya Maalinta abaal marinta. (12) Waxaana beeniya
xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. (13) Marka Quraanka
lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. (14)
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. (15)
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. (16) Markaasna ay
gali Jaxiimo. (17) Waxaana loo odhan tani waa Naartaad
ku beeninayseen Adduunka. (18) Saas xaalku ma
aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. (19) Cilliyiin ma taqaannaa. (20)
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican
magaciisa lagu qoro. (21) Waxaana Gacanta
ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. (22) Kuwa wanaagsan
waxay gali Naciima (Janno). (23) (Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku
dangiigsanaan oy wax ka daawan. (24) Wajigooda
waanad ka garan Nicmada. (25) Waxaana laga
waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). (26) Waxaana lagu
khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. (27) Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. (28)
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. (29) Kuwii Dambaabay
(Gaaloobay) waxay ahaayeen
kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. (30) Haday maraanna
way xaqirijireen. (31) Markay
Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo
raaxaysan). (32) Markay arkaan
Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. (33)
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. (34) Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa
waxay ku qosli gaalada. (35) Sariiro korkood
yayna wax daawan. (36) Miyaan laga
abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga
abaalmariyay).
Al-Inshiqaaq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada). (2) Oy Eebe Addeecdo waana xaq
addeeciddiisunee. (3) Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada). (4) Oo uu soo tuuro waxa ku hoos
jira, kana madhnaado. (5) Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu
la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa). (6) Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali
xagga Eebe, waadna la kulmi. (7) Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa
mu'minkee).
(8)
Waxaa la xisaabin xisaab fudud. (9) Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada
joogtay)
isagoo faraxsan. (10) Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa
Dadka xune).
(11)
Wuxuu u yeedhan Halaag. (12) Wuxuuna gali Naarta Saciira. (13)
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii). (14) Wuxuuna malaynhayay inuusan
Eebe u soo noqonaynin (qiyaame). (15) Saas ma ahee Eebe waa arkaa. (16)
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca. (17) Iyo Habeenka iyo wuxuu
qariyay. (18)
Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo. (19) Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala
duwan/ (20)
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa). (21) Marka Quraanka lagu
akhriyana ayna u sujuudaynin. (22) Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa). (23)
Eebana waa ogyahay waxay qarsan. (24) Ugu bishaaree caddibaad daran. (25)
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan
go'aynin.
Al-Burooj
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda). (2) Iyo Maalinta
laysu yaboohay (qiyaamada). (3) Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman
Maalintaas. (4) Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka
lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo). (5) Ee ahaa Naar
olal (iyo shidaal) leh.
(6) Gaaladiina ay korfadiyeen Godka. (7)
iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah». (8) Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay
rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo. (9) Ee leh Samada
iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa. (10)
Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan
Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi. (11) Kuwa xaqa
rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal,
taasina waa liibaan wayn. (12) Qabashada
Eebana (Ciqaabtiisu) way
darantahay. (13) Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay
soona celin. (14) Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca). (15) Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh. (16) Wuuna falaa wuxuu doono. (17)
Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii). (18) Fircoon iyo
Thamuud. (19) Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay
ku suganyihiin beenin (xaqa). (20) Eebana waa
koobay (kamana baxsadaan). (21) Waase Quraan sharaf leh. (22)
Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).
At-Taariq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Samada iyo Xiddigga guura. (2) Ma taqaan
Xiddigga guura. (3) Waa Xiddig ifa. (4) Ee
Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). (5) Ee Dadku ha dayo
waxa laga abuuray. (6) Waxaa laga
abuuray Biyo booda. (7) Kana soobaxa
Dhabar iyo laab dhexdood. (8) Eebana waa karaa
soo celinta Dadka (qiyaamada). (9) Maalinta la
imtixaani waxa (Laabta) ku
qarsoon. (10) Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u
gargaaara midna. (11) Eebana wuxuu ku dhaartay
Samada Roobka leh. (12) Iyo Dhulka
jeexma (waxna ka soo baxo). (13) Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). (14) Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). (15) Gaaladu waxbay
dhakri. (16) Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). (17) Ee u sug Gaalada wax yar.
Al-A'laa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya. (2) Eebaha abuuray khalqiga
ekeeyayna. (3)
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey. (4) Eebaha soo bixiya Daaqa. (5)
Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow. (6) Waxaan kuu akhriyaynaa
Quraanka halmaaminamaysid. (7) Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay
waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. (8) Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican. (9)
Ee wax waani (Nabiyow)
markay wax tari waanadu. (10) Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (11)
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune. (12) Ee ah mid gali Naar wayn. (13)
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn. (14) Waxaana liibaanay Ruuxii
Daahir noqda. (15)
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada. (16) Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha
Adduunyo ee dhaw. (17) Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi). (18) Arrintaasuna
waxay ku sugantahay Kutubtii hore. (19) Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi)
Muuse.
Al-Ghaashiya
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Ma ku soo gadhay Qiyaamada
warkeedii. (2) Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
(3) Waxayna qaban Shaqo dhib ah. (4)
Waxayna gali Naar kulul. (5) Waxaana laga
waraabin il kulayl daran. (6) Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo
wax dhibta). (7) Taasoon waxna
cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin. (8) Wajiyaalna
maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). (9) Waxayna ka
raalli noqotay camalkeedii. (10) Janno sarana
way gali. (11) Kumana maqasho Jannada hadal macna
darro. (12) Waxaana ah dhexdeed il socota. (13) iyo Sariiro la koryeelay. (14)
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). (15) Iyo Barkimooyin
la safay. (16) Iyo gogol la fidiyay. (17) Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray. (18) Iyo sida Samada loo koryeelay. (19)
Iyo sida Ruuraha loo taagay, (20) Iyo sida dhulka
loo fidiyay. (21) Ee Waani dadka waxaad tahay
waaniyee (Nabiyow). (22) Mana tihid mid xoog ku leh (qasab). (23) Hase yeeshee
Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). (24) Eebana wuu
caddibi Caddibaadda u wayn. (25) Xagganagayna u
soo noqon (khalqigu). (26) Annagaana xisaabin.
Al-Fajr
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Waabariga. (2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo). (3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer. (4)
Iyo Habeenku markuu tagayu. (5) Miyayna
arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh. (6) Ma
ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad. (7) Ee ahaa Irama
xooggana lahaa. (8) Wax la mid ahna aan iugu abuurin
dhulka. (9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku
jarjara Waadiga. (10) lyo Fircoonkii dhakawyada
lahaa. (11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka. (12) 12 Kuna badiyay
dhexdiisa fassaadka. (13) Markaasaana
Eeba ku shubay Caddibaad daran. (14) Maxaayeelay
Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta). (15) Marks Eebe
Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani). (16) Haddiise Eebe
imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay. (17) Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka. (18) Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo. (19) Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro. (20) Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran. (21) Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo. (22) Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo
safan. (23) Naarta Jahannamana Maalintaas la
keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari. (24) Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado. (25) Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro. (26) Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro. (27) Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey. (28) U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday. (29) dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan). (30) Galna
Jannadayda.
Al-Balad
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada
«Makaad ee Sharrifan». (2) Ood Nabiyow
daggantahay dhexdeeda. (3) Iyo Nabi Aadam
iyo carruurtiisa «Dadka». (4) Ee Eebe Dadka
wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). (5) Ma waxayse u
maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). (6) Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan
bixiyey xoolo badan (si xaqa loo
horjoogsado). (7) Ma wuxuu u
maleeyay (xaq diiduhu)
inaan cidna arkaynin. (8) Miyaannaan u
yeelin Laba indhood. (9) Iyo Carrab iyo
Laba bishimood. (10) Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid
(khayrka iyo sharka). (11) Ee Dadku muu jiidho Jiirta. (12)
Ma taqaannaa Jiirta. (13) Waa qoor la
xoreeyo. (14) Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. (15) Agoon kuu dhaw. (16) Ama Miskiin
Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). (17) Markaas la
noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. (18) Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. (19)
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. (20)
Waxaana lagu dabooli Naar.
Ash-Shams
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Qorraxda iyo Barqinkeeda. (2) Iyo Dayuxu
markuu Qorraxda raaco. (3) Iyo Maalintu
markay ifiso. (4) Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado). (5) Iyo Samada iyo say u dhisantahay. (6)
Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay. (7) Iyo Nafta iyo
sida Eebe u ekeeyay. (8) Una tusiyay
Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba. (9) Ee waxaa
liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya. (10) Waxaana
khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya. (11)
Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis. (12) Marku tagay
koodi xumaa (si uu hasha u dilo). (13) Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo
Cabbideeda. (14) Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina
way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis. (15) Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo
wax yeello)
Al-Lail
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Habeenku markuu wax qariyo. (2) Iyo markay
Maalintu Muuqato (ifto). (3) Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. (4) In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. (5) Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka
dhawrsada. (6) Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal). (7) Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo
Jidka fiican). (8) Ruuxiise ku
bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». (9)
Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal). (10) Waxaan u
fududaynaa Jidka xun. (11) Xoolihiisuna
wax uma taraan markuu halaagsamo. (12) Annagaa wax
hanuuninna. (13) Aakhariyo Addunbana Annagaa iska
leh. (14) Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl
daran. (15) Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. (16) Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. (17)
Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. (18)
Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. (19) Ruux wax ugu nicmeeyayna
oo abaalmarinna ma uusanjirin. (20) Ee Wuxuu u
bixin dar Eebaha sareeya. (21) Wuuna raalli
noqondoonaa Ruuxaasi.
Ad-Dhuhaa
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Barqinka. (2) Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado). (3) Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin. (4) Aakharana kaaga khayr badan Aduunka. (5) Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon. (6) Miyuusan ku
helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin. (7)
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin. (8)
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu
waxyoonin). (9) Ee Agoonta ha
xoogin (hana dhihin). (10) Ka wax su'aalina ha canaanan. (11)
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi).
Ash-Sharh
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis
guud iyo mid gaaraba Naxariista.
(1)
Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin). (2) Oonaan ka dajinin culayskii.
(3) dhabarka kaa cusleeyay. (4) Miyaannaan kor yeelin
magacaaga (xusiddaada). (5) Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj). (6)
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd. (7) Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib
(Samo fal). (8) Eebana (Khayr) ka rajee.
At-Tin
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ka dhaartay
Tiinka iyo Zeytuunka. (2) Iyo Dhuuri
Siina. (3) Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka). (4) Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan. (5) Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow
dartiis). (6) Hase yeeshee
kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin. (7) Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka
dib. (8) Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan.
(Eebaa xukun wanagsan).
At-Tin
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo
Zeytuunka. (2) Iyo Dhuuri
Siina. (3) Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka). (4) Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal
toosan. (5) Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis). (6) Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa
camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin. (7) Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta
Qiyaamada intaas ka dib. (8) Miyuusan Eebe
ahayn kan ugu
xukun wanaagsan. (Eebaa xukun
wanagsan).
Al-Alaq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Wax ku akhri Nabiyow
Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga). (2) Dadkana ka
abuuray Calaq. (3) Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe. (4) Ee
Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. (5) Dadkana baray
waxayna aqoonin. (6) Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen. (7) Markuu isku ogaaday Hodontinnimo. (8)
Eebaha xaggiisaase loo noqon. (9) Ka warrama midka
ka reebaya. (10) Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda. (11) Bal ka warrama
hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga). (12) Ama uu fari
Eeba ka yaabid. (13) Balse ka warrama hadduu midka wax
ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo
wixii la mid ahe). (14) Miyuusan ogayn
in Eebe arko. (15) Saas ma aha ee hadduusan joogin
waxaannu qaban Foodda. (16) Food beenaleey
ah ghafna badan. (17) Ha u yeedho gargaarihiisa. (18) Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane. (19)
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).
Al-Qadr
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Annagaa soo dajinnay
Quraanka Habeenka LaylatulQadarka ah (sharafta leh). (2) Ma taqaanna
LaylatulQadarka. (3) Waa Habeen ka khayr badan Kun
Bilood (oo kale). (4) Waxaana soo daga Malaa'igta (kale) iyo Malaku Jibriil habecnkaas idanka Eebe dartiis iyo
amarkiisa. (5) Waana Habeen nabadgalyo inta waagu
ka haryi.
Al-Bayyina
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Ma aha Kuwii Gaaloobay ee
ahaa ehlu kitaabka (Yahuud iyo Nasaara) iyo Gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja
ah). (2) Oo ah Rasuul
Eebc oo akhriyi Kutub daahir ah. (3) Oo xukun fiicani
ku yaal. (4) Mona kala tagin Gaalada ehlu
Kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis). (5) Dadkana waxaan
Eebe caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Eebe Diinte, toosanna,
Salaaddana oogi Zakadana bixin, Saasina waadiinta toosan. (6)
Kuwa Gaaloobay oo ehlu Kitaabka ah iyo Gaaladii waxay gali Naarta Jahannama
ayna Ini waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugli sharbadan khalqiga. (7) Kuwa rumeeyayse xaqa Camalfiicanna falay kuwaasi waa
kuwa ugu khayr badan khalqiga. (8) Abaalkooda ay
Eebe agtiisa kii leeyihiin waa Jannooyin Nagaadi, dhexdeedana ay dureeri
Wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Eebaa ka raalli noqday iyana way ka
raali noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay Ruusii Eeba ka yaaba.
Az-Zalzala
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Marka DHulka la gilgilo. (2) Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii
ku aasnaa). (3) Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay
leedahay. (4) Maalintaas waxay ka sheekayn
warkeeda. (5) Maxaayeelay Eebaa u waxyooday. (6) Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si
ay u arkaaan camalkooda. (7) Ruuxiise wax
yaroo khayra fala wuu arki. (8) Kiise wax yar oo
shar fala wuu arki.
Al-Aadiyaat
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay
Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi. (2) iyo kuwa dabka
Qoobkooda ku ifiya (guuraha). (3) Iyo kuwa Cadawga
weerara Subaxdii. (4) Ee Boodhka
kiciya. (5) Cadawgana dhexgala. (6) Ee Dadku Eebohood waa diideen. (7)
Arrintaasna Dadku wuu ogyahay. (8) Dadkuna Xoola
jacaylka waa ku daranyahay. (9) Miyuuna ogayn
Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo. (10)
Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo. (11) In Eebohood
Maalintaas ogyahay.
Al-Qaari'a
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Qaaricada (qalbiga garaacda). (2) Qaarica maxay tahay. (3)
Mase taqaannaa Qaarico. (4) Waa Maalinta
Dadku noqon sida Baalallay. (5) Buuruhuna ay
noqon sida Suuf kala firdhay. (6) Ruuxiise
miisaankiisa (fiican)
cuslaado. (7) Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah. (8) Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican). (9) Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya. (10) Ma taqaannaa Haawiya. (11) Waa
Naar kulayl daran.
At-Takaathur
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa idin shuqliyay Dadow
wax badsasho (iyo isu faanid), (2) Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan). (3) Saas ma aha ee
waad ogaandoontaan. (4) Haddana saas ma
ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa). (5) Haddaad dhab
ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen
xumaanta). (6) Dhab ahaan baad
u arkaysaan (Naarta)
Jaxiima, (7) Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas
si yaqiin ah. (8) Waxaana laydin warsan Maalintaas
Nicmadii.
Al-Asr
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Eebe wuxuu ku dhartay
Waqtiga Casarka ah. (2) In Dadku
khasaaro ku sugunyahay. (3) Marka laga reebo
kuwa rumeeyay xaqa ee Camal fiican fala, isuna dardaarma xaqa, isuna dardaarma
Samirka.
Al-Humaza
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Halaag Wuxuu u Sugnaaday xanle wax
ceebeya oo Dhan, (2) Oo Xoolaha
kulmiya (xaqana ku bixinin). (3) Ma wuxuu
malayn in xoolihiisu waarin. (4) Saas ma aha ee
waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudhama. (5) Ma taqaannaa
Xudhama. (6) Waa Naarta Eebe ee la huriyay. (7) Gubaysana Quluubta (Kulayl dartiis). (8) Waana lagu dabooli Naartaas Gaalada. (9) Tiraar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda.
Al-Fil
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Ma Ogtahay sida Eeba ku
falay asaxaabtii Maroodiga «Colkii». (2) Miyaan Eebe ka
yeelin dhagartoodii wax dhumay. (3) Oosan ku dirin
korkooda Shimbiro kooxa ah. (4) Kuna tuuraysa
Dhagaxyo la kululeeyay. (5) Markaas Eebe ka
yeelay Bal la daaqay sidiis.
Quraish
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Caadaysigii Qureesheed. (2) Ay ka caadayeesheen Safarka
Xagaaga iyo Jilaalka darteed. (3) Ha u caabudeen Eebeha Beydkan (Kacbada). (4)
Eebahi ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.
Al-Maa'un
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Ka warrama kan beenin Abaalmarinta (Qiyaamada). (2) Kaas xooga Agoonta (xageeda). (3) Aan kuna
boorrinaynin quudinta miskiinka. (4) Waxaa halaag u
sugnaaday kuwa tukan (waa Munaafiqiinta). (5) Ee haddana
halmaansan Salaaddooda. (6) Dadkana is
tusiya. (7) Una diida alaabta (Laysugu kaalmeeyo).
Al-Kawthar
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Annagaa ku Sinnay Nabiyow
Waadi Janno (iyo khary badan). (2) Ee tuko Eebaha dartiis, waxna u gawrac. (3) Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay.
Al-Kaafiroon
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaad dhahdaa, Gaalooy. (2) Ma caabudayo waxaad caabudaysaan. (3)
Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi. (4) Mana caabudin
waxaad caabuddeen, (5) Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan
Eebahaan caabudi. (6) Idinkana
Diintiina yaad leedihiin, Anna Diintaydaan leeyahay.
An-Nasr
Madinan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Markuu yimaaddo gargaarkii
Eebe iyo Fatxiga (Furashada maka). (2) Ood aragtid
Dadkoo Diinta Eebe u soo gali Kooxo. (3) U tasbiixso Eebe
adoo ku mahadin Dambidhaafna waydiiso illen waa dambidhaaf badanee.
Al-Masad
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaa khasaaray Gacmihii
Abuulahab, halaagmayna. (2) Waxna uma tarin
Xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna. (3) Wuxuuna gali
Naar Olal leh. (4) Haweenaydiisii Qoryaha xambaari
jirtayna (waxay gali Naar). (5) Luqunteedana waxaa la yeeli Xadhig Liif ah.
Al-Ikhlaas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Eebe waa Kali (wehelna ma leh). (2) Waana Sayid (deeqtoon). (3) Eebe wax ma
dhalin, isna lama dhalin. (4) Wax la mid ahna
ma jiro.
Al-Falaq
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaad dhahdaa
(Nabiyow) waxaan ka
magangalay Eebeha Subaxa (abuuray). (2) Wixii shar leh sharkiisa. (3) Iyo Habeenka sharkiisa markuu madoobaado. (4) Iyo sharka
Sixirrowga wax ku tufa guntimaha. (5) Iyo sharka Xaasidka wax Xasda.
An-Naas
Makkan
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid
gaaraba Naxariista.
(1) Waxaad dhahdaa «Nabiyow»
waxaan ka magangeley Eebaha dadka barbaariya. (2) Ee
dadka xukuma. (3) Ee ah Ilaaha dadka. (4) Sharka «iyo xumaanta» waswaasiyaha qarsoon. (5) Ee waswaasiya laabta «Qalbiga» dadka. (6) «Kuwaas wax waswaasinayna» oo ah jinni iyo insiba.