بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍۢ وَاقِعٍۢ ﴿1﴾
Abduh
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo' [1].
لِّلْكَٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌۭ ﴿2﴾
Abduh
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -
مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ ﴿3﴾
Abduh
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
3. Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka).
تَعْرُجُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍۢ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍۢ ﴿4﴾
Abduh
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.
فَٱصْبِرْ صَبْرًۭا جَمِيلًا ﴿5﴾
Abduh
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًۭا ﴿6﴾
Abduh
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.
وَنَرَىٰهُ قَرِيبًۭا ﴿7﴾
Abduh
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.
يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ ﴿8﴾
Abduh
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban.
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ ﴿9﴾
Abduh
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
9. Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay.
وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًۭا ﴿10﴾
Abduh
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ ﴿11﴾
Abduh
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ ﴿12﴾
Abduh
Haweenaydiisa, Walaalkiis.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki.
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ ﴿13﴾
Abduh
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,
وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا ثُمَّ يُنجِيهِ ﴿14﴾
Abduh
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.
كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ ﴿15﴾
Abduh
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.
نَزَّاعَةًۭ لِّلشَّوَىٰ ﴿16﴾
Abduh
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
16. Diiraneysa haragga Madaxa.
تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ ﴿17﴾
Abduh
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ ﴿18﴾
Abduh
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).
۞ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا ﴿19﴾
Abduh
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
19. Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًۭا ﴿20﴾
Abduh
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.
وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا ﴿21﴾
Abduh
Hadduu khayr helana wuu reebaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).
إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ ﴿22﴾
Abduh
Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
22. Kuwa salaadda tukada mooyaane.
ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ ﴿23﴾
Abduh
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;
وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّۭ مَّعْلُومٌۭ ﴿24﴾
Abduh
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.
لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ ﴿25﴾
Abduh
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.
وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ ﴿26﴾
Abduh
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).
وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ ﴿27﴾
Abduh
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍۢ ﴿28﴾
Abduh
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَٰفِظُونَ ﴿29﴾
Abduh
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ﴿30﴾
Abduh
30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.
فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ ﴿31﴾
Abduh
Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.
وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَٰنَٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ ﴿32﴾
Abduh
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;
وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ ﴿33﴾
Abduh
Kuwa maraggooda si fiican u furay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;
وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ ﴿34﴾
Abduh
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,
أُو۟لَٰٓئِكَ فِى جَنَّٰتٍۢ مُّكْرَمُونَ ﴿35﴾
Abduh
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.
فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ ﴿36﴾
Abduh
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.
عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ ﴿37﴾
Abduh
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?
أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍۢ ﴿38﴾
Abduh
Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?
كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ ﴿39﴾
Abduh
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
39. Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).
فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَٰرِقِ وَٱلْمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ ﴿40﴾
Abduh
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًۭا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ ﴿41﴾
Abduh
Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ ﴿42﴾
Abduh
Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.
يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًۭا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍۢ يُوفِضُونَ ﴿43﴾
Abduh
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.
خَٰشِعَةً أَبْصَٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌۭ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ ﴿44﴾
Abduh
Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).