بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓر ۚ كِتَٰبٌ أَنزَلْنَٰهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ ٱلنَّاسَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ ﴿1﴾
Abduh
xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee la Mahadiyo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
1. Alif Laam Raa [1].
(Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka idanka Rabbigood – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.
ٱللَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌۭ لِّلْكَٰفِرِينَ مِنْ عَذَابٍۢ شَدِيدٍ ﴿2﴾
Abduh
Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
2. Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoog waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran xaggiis.
ٱلَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا عَلَى ٱلْءَاخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ فِى ضَلَٰلٍۭ بَعِيدٍۢ ﴿3﴾
Abduh
oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya (Dadka) Jidka Eebe lana dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
3. Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, lana dooni qallooc. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog.
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ ۖ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ ﴿4﴾
Abduh
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
4. Rasuul kuma soo dirno waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo [2]; markaasuu Alle qofkuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa qofkuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.[3]
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ أَنْ أَخْرِجْ قَوْمَكَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَذَكِّرْهُم بِأَيَّىٰمِ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّكُلِّ صَبَّارٍۢ شَكُورٍۢ ﴿5﴾
Abduh
waxaan la dirray (Nabi) Muuse Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi» Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
5. Waxaanu la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, xusuusina Ayaamaha Alle [4]. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan.
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ أَنجَىٰكُم مِّنْ ءَالِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوٓءَ ٱلْعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ ۚ وَفِى ذَٰلِكُم بَلَآءٌۭ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌۭ ﴿6﴾
Abduh
iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
6. Markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Xusuusta Nicmadda Alle idin siiyey, markuu idinka badbaadshay reer Fircoon iyagoo
idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegaan), (arrin)kaasina waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo weyn.
وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِى لَشَدِيدٌۭ ﴿7﴾
Abduh
iyo markuu Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daranyahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
7. Iyo markuu Rabbigiin idin ogeysiiyey: Haddaad mahad naqdaan, waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddaadse gaalowdaan, hubaal Cadaabkaygu waa mid Daran.
وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِن تَكْفُرُوٓا۟ أَنتُمْ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا فَإِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِىٌّ حَمِيدٌ ﴿8﴾
Abduh
wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
8. Wuxuuna Muuse yidhi: Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan arlada oo dhan, hubaal Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.
أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ قَوْمِ نُوحٍۢ وَعَادٍۢ وَثَمُودَ ۛ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعْدِهِمْ ۛ لَا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا ٱللَّهُ ۚ جَآءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَرَدُّوٓا۟ أَيْدِيَهُمْ فِىٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَقَالُوٓا۟ إِنَّا كَفَرْنَا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ وَإِنَّا لَفِى شَكٍّۢ مِّمَّا تَدْعُونَنَآ إِلَيْهِ مُرِيبٍۢ ﴿9﴾
Abduh
miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
9. Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux, Caad, Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Alle. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda [5] oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran oo walaac leh.
۞ قَالَتْ رُسُلُهُمْ أَفِى ٱللَّهِ شَكٌّۭ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ يَدْعُوكُمْ لِيَغْفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرَكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ مُّسَمًّۭى ۚ قَالُوٓا۟ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌۭ مِّثْلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأْتُونَا بِسُلْطَٰنٍۢ مُّبِينٍۢ ﴿10﴾
Abduh
waxay dheheen Rasuuladoodii ma Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
10. Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Ma waxaa jira shaki ku saabsan Alle, Askumaha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhi inuu idinka dhaafo denbiyadiinna, dibna idiinku dhigo ilaa muddo magacaaban. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, Ee noo keena xujo cad.
قَالَتْ لَهُمْ رُسُلُهُمْ إِن نَّحْنُ إِلَّا بَشَرٌۭ مِّثْلُكُمْ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦ ۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأْتِيَكُم بِسُلْطَٰنٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ ﴿11﴾
Abduh
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Ma aha wax aan leennahay inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uun waa inay mu’miniintu tala saartaan.
وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدْ هَدَىٰنَا سُبُلَنَا ۚ وَلَنَصْبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيْتُمُونَا ۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُتَوَكِّلُونَ ﴿12﴾
Abduh
maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (Cid).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
12. Maxaanu u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga 'wanaagsan', waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan. Alle uun ha talo saarteen kuwaa wax talo saarta.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُم مِّنْ أَرْضِنَآ أَوْ لَتَعُودُنَّ فِى مِلَّتِنَا ۖ فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ رَبُّهُمْ لَنُهْلِكَنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ ﴿13﴾
Abduh
waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
13. Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
وَلَنُسْكِنَنَّكُمُ ٱلْأَرْضَ مِنۢ بَعْدِهِمْ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَافَ مَقَامِى وَخَافَ وَعِيدِ ﴿14﴾
Abduh
dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.
وَٱسْتَفْتَحُوا۟ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٍۢ ﴿15﴾
Abduh
wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq diid)
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
15. Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag.
مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسْقَىٰ مِن مَّآءٍۢ صَدِيدٍۢ ﴿16﴾
Abduh
waxaana ka horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka Ehelu Naarka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
16. Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah [6].
يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأْتِيهِ ٱلْمَوْتُ مِن كُلِّ مَكَانٍۢ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٍۢ ۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٌۭ ﴿17﴾
Abduh
wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
17. Wuxuu u dhami aayar, mana ka degayo (qurunka, kulka, iyo kharaarkiisa darti), dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.
مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ ۖ أَعْمَٰلُهُمْ كَرَمَادٍ ٱشْتَدَّتْ بِهِ ٱلرِّيحُ فِى يَوْمٍ عَاصِفٍۢ ۖ لَّا يَقْدِرُونَ مِمَّا كَسَبُوا۟ عَلَىٰ شَىْءٍۢ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلْبَعِيدُ ﴿18﴾
Abduh
kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ ۚ إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍۢ جَدِيدٍۢ ﴿19﴾
Abduh
miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
19. Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub.
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٍۢ ﴿20﴾
Abduh
arrintaasina Eebe kuma adka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
20. Waxnana kuma adka Alle.
وَبَرَزُوا۟ لِلَّهِ جَمِيعًۭا فَقَالَ ٱلضُّعَفَٰٓؤُا۟ لِلَّذِينَ ٱسْتَكْبَرُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًۭا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا مِنْ عَذَابِ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍۢ ۚ قَالُوا۟ لَوْ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ لَهَدَيْنَٰكُمْ ۖ سَوَآءٌ عَلَيْنَآ أَجَزِعْنَآ أَمْ صَبَرْنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٍۢ ﴿21﴾
Abduh
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
21. Waxayna iyagoo dhammi iman Alle horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Alle? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo.
وَقَالَ ٱلشَّيْطَٰنُ لَمَّا قُضِىَ ٱلْأَمْرُ إِنَّ ٱللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ ٱلْحَقِّ وَوَعَدتُّكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ ۖ وَمَا كَانَ لِىَ عَلَيْكُم مِّن سُلْطَٰنٍ إِلَّآ أَن دَعَوْتُكُمْ فَٱسْتَجَبْتُمْ لِى ۖ فَلَا تَلُومُونِى وَلُومُوٓا۟ أَنفُسَكُم ۖ مَّآ أَنَا۠ بِمُصْرِخِكُمْ وَمَآ أَنتُم بِمُصْرِخِىَّ ۖ إِنِّى كَفَرْتُ بِمَآ أَشْرَكْتُمُونِ مِن قَبْلُ ۗ إِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌۭ ﴿22﴾
Abduh
wuxuuna dhahaa shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
22. Shaydaanna wuxuu odhan marka Arrinka la xukumo: Alle wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, aniguna idiin ballan qaaday ballamo (been ah), waana idiinka baxay. Kuma laheyn awood dushiinna, waan idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna [7]. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday ila wadaajintiinna horey cibaadada Alle. Hubaal, Daalimiintu waxay leeyihiin Cadaab Xanuun Badan.
وَأُدْخِلَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِمْ ۖ تَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَٰمٌ ﴿23﴾
Abduh
waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
23. Waxaa la gelin kuwa(Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, soo dhoweyntoodu dhexdeeda waa Salaan.
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا كَلِمَةًۭ طَيِّبَةًۭ كَشَجَرَةٍۢ طَيِّبَةٍ أَصْلُهَا ثَابِتٌۭ وَفَرْعُهَا فِى ٱلسَّمَآءِ ﴿24﴾
Abduh
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
24. Miyaanad ogaan sida Alle uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani [8] inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna cirka (kor) jiraan.
تُؤْتِىٓ أُكُلَهَا كُلَّ حِينٍۭ بِإِذْنِ رَبِّهَا ۗ وَيَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَالَ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ ﴿25﴾
Abduh
oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
25. Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan.
وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٍۢ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ ٱجْتُثَّتْ مِن فَوْقِ ٱلْأَرْضِ مَا لَهَا مِن قَرَارٍۢ ﴿26﴾
Abduh
Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
26. Tusaalaha Kelmedda xunna [9] waa sida geed xun laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan.
يُثَبِّتُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱلْقَوْلِ ٱلثَّابِتِ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَفِى ٱلْءَاخِرَةِ ۖ وَيُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلظَّٰلِمِينَ ۚ وَيَفْعَلُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ ﴿27﴾
Abduh
wuxuu ku sugaa Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu doono.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
27. Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan [10] nolosha adduunkan iyo aakhirada [11]. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.
۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ بَدَّلُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ كُفْرًۭا وَأَحَلُّوا۟ قَوْمَهُمْ دَارَ ٱلْبَوَارِ ﴿28﴾
Abduh
ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
28. Miyaanad ogaan kuwa ku beddelay Nicmadda Alle (Islaamka) abaal dhac 'gaalnimo' [12], oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daarta halaagga.
جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا ۖ وَبِئْسَ ٱلْقَرَارُ ﴿29﴾
Abduh
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
29. Jahannama bay gali (oo ku guban). Oo u xun meel lagu sal yeesho.
وَجَعَلُوا۟ لِلَّهِ أَندَادًۭا لِّيُضِلُّوا۟ عَن سَبِيلِهِۦ ۗ قُلْ تَمَتَّعُوا۟ فَإِنَّ مَصِيرَكُمْ إِلَى ٱلنَّارِ ﴿30﴾
Abduh
waxayna u yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
30. Waxay u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta.
قُل لِّعِبَادِىَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُنفِقُوا۟ مِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ سِرًّۭا وَعَلَانِيَةًۭ مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ يَوْمٌۭ لَّا بَيْعٌۭ فِيهِ وَلَا خِلَٰلٌ ﴿31﴾
Abduh
Ku dheh addoomadayda rumeeyey (Xaqa) ha oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
31. Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna.
ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ فَأَخْرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزْقًۭا لَّكُمْ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلْفُلْكَ لِتَجْرِىَ فِى ٱلْبَحْرِ بِأَمْرِهِۦ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلْأَنْهَٰرَ ﴿32﴾
Abduh
Eebe waa kan Abuuray samooyinka iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna sakhiray Wabiyada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
32. Alle waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada.
وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ دَآئِبَيْنِ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ ﴿33﴾
Abduh
idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
33. Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.
وَءَاتَىٰكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ ۚ وَإِن تَعُدُّوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ لَا تُحْصُوهَآ ۗ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَظَلُومٌۭ كَفَّارٌۭ ﴿34﴾
Abduh
idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane gaalnimo badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
34. Wuxuuna idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan [13], haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Aadmigu waa dulmin badan yahay (naftiisa), (ka) abaal dhac badan yahay (Nicmooyinka Rabbigi).
وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِيمُ رَبِّ ٱجْعَلْ هَٰذَا ٱلْبَلَدَ ءَامِنًۭا وَٱجْنُبْنِى وَبَنِىَّ أَن نَّعْبُدَ ٱلْأَصْنَامَ ﴿35﴾
Abduh
zusuusta markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno Sanamyada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
35. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, igana dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan caabudno sanammo.
رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضْلَلْنَ كَثِيرًۭا مِّنَ ٱلنَّاسِ ۖ فَمَن تَبِعَنِى فَإِنَّهُۥ مِنِّى ۖ وَمَنْ عَصَانِى فَإِنَّكَ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ﴿36﴾
Abduh
Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
36. Rabbiyow! Waxay (sanamyadu) lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee qofkii i raaca, aniga buu iga mid yahay; qofkiise igu caasiya - hubaal Adigaa ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
رَّبَّنَآ إِنِّىٓ أَسْكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِى بِوَادٍ غَيْرِ ذِى زَرْعٍ عِندَ بَيْتِكَ ٱلْمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجْعَلْ أَفْـِٔدَةًۭ مِّنَ ٱلنَّاسِ تَهْوِىٓ إِلَيْهِمْ وَٱرْزُقْهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمْ يَشْكُرُونَ ﴿37﴾
Abduh
Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan been lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
37. Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn (Makkah), oo Beytkaaga (Kacbada) Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan.
رَبَّنَآ إِنَّكَ تَعْلَمُ مَا نُخْفِى وَمَا نُعْلِنُ ۗ وَمَا يَخْفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِن شَىْءٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا فِى ٱلسَّمَآءِ ﴿38﴾
Abduh
Eebow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba samada iyo dhulka (midna).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
38. Rabbigayow! Waxaad adigu ogtahay waxaan qarinno iyo waxaan muujinnaba. Kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah.
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى وَهَبَ لِى عَلَى ٱلْكِبَرِ إِسْمَٰعِيلَ وَإِسْحَٰقَ ۚ إِنَّ رَبِّى لَسَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ ﴿39﴾
Abduh
mahad Eebaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
39. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. Hubaal, Rabbigay waa Maqlaha baryada.
رَبِّ ٱجْعَلْنِى مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِى ۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلْ دُعَآءِ ﴿40﴾
Abduh
Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda Eebow Aqbal baryadayda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
40. Rabbiyow! Iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbigayow! Iga aqbal baryadayda (iyo cibaadeysigayga).
رَبَّنَا ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ ٱلْحِسَابُ ﴿41﴾
Abduh
Eebow ii dambi dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
41. Rabbigayow! Ii denbi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici Xisaabtu (Qiyaamadu).
وَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ غَٰفِلًا عَمَّا يَعْمَلُ ٱلظَّٰلِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍۢ تَشْخَصُ فِيهِ ٱلْأَبْصَٰرُ ﴿42﴾
Abduh
ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
42. Ha moodin in Alle moog yahay waxay falayaan daalimiintu, Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay taagmi indhahu.
مُهْطِعِينَ مُقْنِعِى رُءُوسِهِمْ لَا يَرْتَدُّ إِلَيْهِمْ طَرْفُهُمْ ۖ وَأَفْـِٔدَتُهُمْ هَوَآءٌۭ ﴿43﴾
Abduh
oyna deg degi oo madax kor yeeli oosan soo noqonayn aragoodu (taagmi indhuhu) Quluubtooduna oy madhantahay «cabsi darteed».
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
43. Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin [14], uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).
وَأَنذِرِ ٱلنَّاسَ يَوْمَ يَأْتِيهِمُ ٱلْعَذَابُ فَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ رَبَّنَآ أَخِّرْنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ قَرِيبٍۢ نُّجِبْ دَعْوَتَكَ وَنَتَّبِعِ ٱلرُّسُلَ ۗ أَوَلَمْ تَكُونُوٓا۟ أَقْسَمْتُم مِّن قَبْلُ مَا لَكُم مِّن زَوَالٍۢ ﴿44﴾
Abduh
uga did dadka maalintuu u iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay eebow dib noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhidaadee oon raacno rasuuladee, miyeydaan ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
44. Uga dig dadka Maalintuu u iman cadaabka, markaas kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) falay waxay odhan: Rabbigayow! Dib noo dhig muddo dhow, waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan (adduunka ka) tegeyn [15].
وَسَكَنتُمْ فِى مَسَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَتَبَيَّنَ لَكُمْ كَيْفَ فَعَلْنَا بِهِمْ وَضَرَبْنَا لَكُمُ ٱلْأَمْثَالَ ﴿45﴾
Abduh
oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
45. Waxaadna degteen guryihii kuwii dulmiyey nafahooda, waana idiin caddaatay sidaan u galnay. Waxaana idiin soo bandhignay tusaalooyin.
وَقَدْ مَكَرُوا۟ مَكْرَهُمْ وَعِندَ ٱللَّهِ مَكْرُهُمْ وَإِن كَانَ مَكْرُهُمْ لِتَزُولَ مِنْهُ ٱلْجِبَالُ ﴿46﴾
Abduh
iyagoo dhagar samayn Eebe agtiisaana Abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la suulaan (tagaan) Buuruhu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
46. Waxay tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu [16].
فَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ مُخْلِفَ وَعْدِهِۦ رُسُلَهُۥٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌۭ ذُو ٱنتِقَامٍۢ ﴿47﴾
Abduh
ee ha u malayn in Eebe baajin u yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
47. Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh.
يَوْمَ تُبَدَّلُ ٱلْأَرْضُ غَيْرَ ٱلْأَرْضِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُ ۖ وَبَرَزُوا۟ لِلَّهِ ٱلْوَٰحِدِ ٱلْقَهَّارِ ﴿48﴾
Abduh
Maalin Buuna (oofin) lagu bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah ee awoodda sara leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
48. Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Sandulleeyaha (isla weynayaasha).
وَتَرَى ٱلْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍۢ مُّقَرَّنِينَ فِى ٱلْأَصْفَادِ ﴿49﴾
Abduh
Waxaadna arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays kulaxidhay) Biro (Naareed).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
49. Waxaad arki denbiilayaasha oo Maalintaas iskula xir-xiran silsilado bir ah .
سَرَابِيلُهُم مِّن قَطِرَانٍۢ وَتَغْشَىٰ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ ﴿50﴾
Abduh
Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli wajigooda naar.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
50. Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur (Naar ah), waxaana dabooli wajiyadooda dab.
لِيَجْزِىَ ٱللَّهُ كُلَّ نَفْسٍۢ مَّا كَسَبَتْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ ﴿51﴾
Abduh
inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
51. Si uu Alle uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay (khayr ama shar). Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta.
هَٰذَا بَلَٰغٌۭ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُوا۟ بِهِۦ وَلِيَعْلَمُوٓا۟ أَنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌۭ وَٰحِدٌۭ وَلِيَذَّكَّرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ ﴿52﴾
Abduh
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
52. Kani (Qur’aanku) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan in Macbuudka Xaqa ahi Ilaah Keliya uun yahay ee Mid ah (Allaah), iyo inay ku waano qaataan (arrinkaa) waxgaradku.