Skip to content
Text size 100%
Translation comparison

Compare Luqman Quran translations

Compare up to three verified translation editions verse by verse, including editions in two different languages.

Somali editions (choose up to 3)

Changing languages or editions keeps the current surah and verse.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓ ﴿1﴾

Abduh

waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida soo hormartay).

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

1. Alif Laam Miim [1].

تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْحَكِيمِ ﴿2﴾

Abduh

tan waa aayaadka Kitaabka (Quraanka) xigmada leh.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan [2].

هُدًۭى وَرَحْمَةًۭ لِّلْمُحْسِنِينَ ﴿3﴾

Abduh

waana hanuunka iyo naxariista samalfalayaasha.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.

ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْءَاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ ﴿4﴾

Abduh

kuwa salaadda ooga, Zakadana bixiya, iyagoo aakhiro yaqiinsan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

4. Kuwa ooga salaadda, bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.

أُو۟لَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًۭى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ ﴿5﴾

Abduh

kuwaasi waxay ku suganyihiin hanuun Eebe, kuwaasina waa kuwa liibaanay.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha.

وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍۢ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌۭ مُّهِينٌۭ ﴿6﴾

Abduh

Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebene ku Jees jeesa, kuwaasi waxay mudan Cadaab Dulleeya.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [3] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسْتَكْبِرًۭا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِىٓ أُذُنَيْهِ وَقْرًۭا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ﴿7﴾

Abduh

marka lagu akhriyo aayadkanaga wuu jeedsadaa isagoo iskibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu culusyihiin, ugu bishaaree Cadaab daran.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqal, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلنَّعِيمِ ﴿8﴾

Abduh

kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay mudan Janatu Naciima.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah 'Janno'.

خَٰلِدِينَ فِيهَا ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّۭا ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ ﴿9﴾

Abduh

iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Eebe oo xaq ah, Eebana waa adkaade falsan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah. Alle waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.

خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍۢ تَرَوْنَهَا ۖ وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٍۢ ۚ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍۢ كَرِيمٍ ﴿10﴾

Abduh

isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray Buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

10. Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna ku tuuray dhulka buuro sugan si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh. Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan.

هَٰذَا خَلْقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِى مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ ۚ بَلِ ٱلظَّٰلِمُونَ فِى ضَلَٰلٍۢ مُّبِينٍۢ ﴿11﴾

Abduh

kaasi waa abuurkii Eebe, ee i tusiya waxay abuureen kuwa ka soo hadhay Eebe, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku suganyihiin baadi Cad.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا لُقْمَٰنَ ٱلْحِكْمَةَ أَنِ ٱشْكُرْ لِلَّهِ ۚ وَمَن يَشْكُرْ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ حَمِيدٌۭ ﴿12﴾

Abduh

dhab dhaan ayaan luqmaan u siinay Xigmad iyo inuu Eebe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay waana amaananyahay.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

12. Waxaanu dhab ahaan siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Alle. Qofkii ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiise (Alle) ka abaal dhaca, hubaal Alle waa Hodan, Ammaanan.

وَإِذْ قَالَ لُقْمَٰنُ لِٱبْنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَٰبُنَىَّ لَا تُشْرِكْ بِٱللَّهِ ۖ إِنَّ ٱلشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌۭ ﴿13﴾

Abduh

(xusuuso) markuu ku yidhi Luqmaan Wiilkiisa isagoo waanin Wiilkayow Eebe hawshariigyeelin, shirkigu waa dulmi weyne.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

13. (Xus) markuu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin Alle waxba. Shirkigu waa dulmi (gef) aad u Weyne [4].

وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍۢ وَفِصَٰلُهُۥ فِى عَامَيْنِ أَنِ ٱشْكُرْ لِى وَلِوَٰلِدَيْكَ إِلَىَّ ٱلْمَصِيرُ ﴿14﴾

Abduh

waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way sidday Hooyadis iyadoo tabaryar tabar yari kalana ku sugan, Gudhidiisuna waa Labo sano ee ku mahadi ani iyo Labadaadii Waalid, xagaygaana loo ahaan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga inuu (daryeelo oo) baarri u ahaadolabadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi Aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe.

وَإِن جَٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌۭ فَلَا تُطِعْهُمَا ۖ وَصَاحِبْهُمَا فِى ٱلدُّنْيَا مَعْرُوفًۭا ۖ وَٱتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَىَّ ۚ ثُمَّ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿15﴾

Abduh

hadday kugula dadaalaan (Labada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso) waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin kulana noolow adduunka si fiican, raacna Jidka kuwa ii noqda, xagayga yaa laydiin soo celin waxaana idiinka warami waxaad camalfali jirteen.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cid kale cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan Aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen.

يَٰبُنَىَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍۢ مِّنْ خَرْدَلٍۢ فَتَكُن فِى صَخْرَةٍ أَوْ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَوْ فِى ٱلْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌۭ ﴿16﴾

Abduh

Wiilkayow hadday xumaantu tahay Xabbad Khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama Dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebe, Eebana waa oge xeeldheer.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

16. Maandhow! Hubaal hadday tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirka kore ama dhulka hoose, Alle wuu keeni. Hubaal, Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah Xeel Dheer.

يَٰبُنَىَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأْمُرْ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱنْهَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَ ۖ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ ﴿17﴾

Abduh

Wiilkayow oog Salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa lanaco kuna Samir waxa ku gaadha, arrintaasu waxay ka midtahay umuuraha wanaagsane.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

17. Maandhow! Oog salaadda oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato.

وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍۢ فَخُورٍۢ ﴿18﴾

Abduh

hana ka jeedin Wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Eebana ma jeela mid kastoo isla weyn oo faanbadane.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

18. Ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed [5], hana ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Alle ma jecla isla weyne walba oo faan badan.

وَٱقْصِدْ فِى مَشْيِكَ وَٱغْضُضْ مِن صَوْتِكَ ۚ إِنَّ أَنكَرَ ٱلْأَصْوَٰتِ لَصَوْتُ ٱلْحَمِيرِ ﴿19﴾

Abduh

socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig Codkaaga, Cod waxaa ugu xun Codka Dameerahee.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

19. Raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, hoosna u dhig codkaaga. Hubaal, kan ugu xun codadka waa cida dameeraha.

أَلَمْ تَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُۥ ظَٰهِرَةًۭ وَبَاطِنَةًۭ ۗ وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍۢ وَلَا هُدًۭى وَلَا كِتَٰبٍۢ مُّنِيرٍۢ ﴿20﴾

Abduh

miyeydaan arkayn in Eebe idiin sakhiray waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo idin mid qarsoonba, Dadkana waxaa ka mid ah kuwo Eebe ku murmi Cilmi iyo hanuun iyo Kitaab nuuriya la'aantiis.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

20. Miyeydaan arkayn inuu Alle idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُوا۟ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُوا۟ بَلْ نَتَّبِعُ مَا وَجَدْنَا عَلَيْهِ ءَابَآءَنَآ ۚ أَوَلَوْ كَانَ ٱلشَّيْطَٰنُ يَدْعُوهُمْ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ ﴿21﴾

Abduh

marka loodhaho raaca waxa Eebe soo dajiyeyna waxay dhahaan waxaannu raaci waxaan ka helay Aabayaalkanno, haduu Shaydaan ugu yeedho Cadaabka Saciirana (miyey raaci).

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

21. Marka lagu yidhaahdona: Raaca waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxaanu ka hellay aabayaashayo. Ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabka dabka huritaanka badan.

۞ وَمَن يُسْلِمْ وَجْهَهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌۭ فَقَدِ ٱسْتَمْسَكَ بِٱلْعُرْوَةِ ٱلْوُثْقَىٰ ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ عَٰقِبَةُ ٱلْأُمُورِ ﴿22﴾

Abduh

ruuxii u jeediya Wajigiisa xagga Eebe isagoo samo fali wuxuu qabsaday guntin (Ballan adag), xagga Eebaana Cihdhibta arrimuhu u noqon.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

22. Qofkii isu dhiiba isagoo dhan Alle (adeeca, baarri u ah) oo ah samo fale, wuxuu dhab ahaan qabsaday guntin adag (aan go'eyn - waa Tawxiidka). Alle baa loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil.

وَمَن كَفَرَ فَلَا يَحْزُنكَ كُفْرُهُۥٓ ۚ إِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ فَنُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ﴿23﴾

Abduh

Ciddiise Gaalowda yuuna ku walbahaar galin Gaalimadiisu, xagganagay u soo noqon waxaana uga warramaynaa waxay camalfali jireen, illeen Eebaa og waxa laabta ku sugane.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

23. Qofkii gaalooba yey ku murugo gelin gaalnimadiisu, waa Xaggayaga meel noqodkoodu, Waxaana u sheegi waxay faleen. Hubaal Alle waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

نُمَتِّعُهُمْ قَلِيلًۭا ثُمَّ نَضْطَرُّهُمْ إِلَىٰ عَذَابٍ غَلِيظٍۢ ﴿24﴾

Abduh

waanu u raaxayn wax yar, markaasaannu u dhibaatayn (u iili) Cadaab adag.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

24. Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin cadaab adag.

وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۚ قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ ﴿25﴾

Abduh

haddaad waydiisid yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waay odhan ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, hadankoodse ma oga.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

25. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Badankooduse ma oga.

لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ ﴿26﴾

Abduh

Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa hodan amaanan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

26. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

وَلَوْ أَنَّمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن شَجَرَةٍ أَقْلَٰمٌۭ وَٱلْبَحْرُ يَمُدُّهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦ سَبْعَةُ أَبْحُرٍۢ مَّا نَفِدَتْ كَلِمَٰتُ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌۭ ﴿27﴾

Abduh

hadday waxa dhulka ku sugan oo geeda ah Qalimo noqdaan Badduna khadayso oo gadaasheeda Todobo badood yihiin madhamaateen Kalimooyinka Eebe, Eebana waa adkaade falsan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

27. Hadday waxa dhulka ku sugan oo geedo ah qalimmo noqdaan, badduna (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Alle. Hubaal, Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.

مَّا خَلْقُكُمْ وَلَا بَعْثُكُمْ إِلَّا كَنَفْسٍۢ وَٰحِدَةٍ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ ﴿28﴾

Abduh

abuurkiinna iyo soobixintiinu ma aha sida Nafkaliya mooyee (Fudaydka), Eebana waa maqle arke ah.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

28. Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal, Alle waa Wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّۭ يَجْرِىٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ مُّسَمًّۭى وَأَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌۭ ﴿29﴾

Abduh

miyeydaan ogayn in Eebe Habeenka dhex galiyo Maalinta, Maalintana dhexgaliyo Habeenka sakhirayna Qoraxda iyo Dayaxa mid, kastana uu u socdo muddo magacaaban, Eebana waxaad Camalfalaysaan waa ogyahay.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

29. Miyeydaan ogeyn in Alle habeenka dhex galiyo maalinta, maalintana dhex gasho habeenka (oo kala badiyo), Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo magacaaban; iyo in Alle waxaad fashaan Og yahay?

ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ ٱلْبَٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ ﴿30﴾

Abduh

Taasna wa in Eebe xaq yahay waxay caabudi ee ka soohadhayna baadil yahay iyo in Eebe yahay Sareeye wayn.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

30. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle uu Xaq yahay, waxa ka sokeeya ay baryaanna (caabudaan) uu baadil yahay, iyo inuu Alle yahay Sarreeyaha Weyn.

أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱلْفُلْكَ تَجْرِى فِى ٱلْبَحْرِ بِنِعْمَتِ ٱللَّهِ لِيُرِيَكُم مِّنْ ءَايَٰتِهِۦٓ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّكُلِّ صَبَّارٍۢ شَكُورٍۢ ﴿31﴾

Abduh

miyeydaan ogayn in Doontu dhexsocoto Badda Nicmada Eebe darteed si uu idiin tusiyo aayaadkiisa, arrintaasna aayaadbaa ugu sugan Samirbadane shugri badan oo dhan.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

31. Miyaadan ogeyn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Alle [7], si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyinkiisa? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Calaamooyin samir badane kastoo, mahad naq badan.

وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوْجٌۭ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمْ إِلَى ٱلْبَرِّ فَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌۭ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٍۢ كَفُورٍۢ ﴿32﴾

Abduh

marka hirku daboolo dadka oo Hoos la moodo waxay baryaan Eebe iyagoo u kali yeeli Diinta (Cibaadada) markuu u koriyo xagga Barrigana waxaa ka mid noqon Dadka mid dhexdexeysan, mana diido aayadkanaga mid khaa'in ah oo gaalimo badan mooyee.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan [8]. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ وَٱخْشَوْا۟ يَوْمًۭا لَّا يَجْزِى وَالِدٌ عَن وَلَدِهِۦ وَلَا مَوْلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِۦ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّۭ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ ﴿33﴾

Abduh

Dadow ka dhawrsada Eebihiin oo ka Cabsada Maalin uusan ka abaalmarinayn Waalid Ilmihiisa, Ilmuhuna Waalidka waxba, yabooha Eebana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebe dhagar badane (shaydaan).

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

33. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geleyn wax abaal ah ilmihiisa, ilmuhuna u geleyn wax abaal ah waalid. Hubaal, Ballanka Alle waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, yaanuna idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) xagga Alle.

إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِى ٱلْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۭ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًۭا ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۢ بِأَىِّ أَرْضٍۢ تَمُوتُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌۢ ﴿34﴾

Abduh

Eebe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer.

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

34. Hubaal Alle Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, Wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada [9]. Nafina ma oga waxay mudan berri [10], nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah 'Xeel Dheer' [11].

Quran recitationReady
Open audio